Sign in to follow this  
sahal

Faroole: Wasiirradii puntland waxaa bililiqeystay Sheekh Shariif

Recommended Posts

I am with Xiin on this, meesha 4.5 baa wax lagu qeybsaday, marka waxay illa tahay Faroole ama inuu is wada raaciyo TFG ama ogolaado wax u dhaxeeya meesha ma laayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Originally posted by xiinfaniin:

This is a political marvel: Gabal is fiercely defending the TFG
:D:D
.

 

And we have here Libaax-Sankataabte, Mr. Puntland, and Shilling fiercely defending Faroole and his Puntland subclan militia, and opposing TFG for no good reason. The only problem is Omar Abdurashid is no longer PM and there is two new ministers in the PM Farmaajo's cabinet who are from SSC and Goldogob.

 

 

- - - - - - - - - - - - -

 

 

Isha Qodaxda Mudaysa Ma’aragto

 

Salaam ka bacdi Ciid wanaagsan dhamaan ummada Somaali meel walba aad ku nooshi-hiinba .. waxaa ilaahay ka baryaya waa habeeno ciide inu Soomaali ka dhigo dal madax-banaan oo leh nabad, bash-bash iyo barwaaqo.

 

Intaa ka dib waxaa maanta illa shalay la qaa-daadhigaya arinka ereyga sharka xun uu ka dhawaajiyey shiikha beesha muhiimka is biday, irbada qabyaaladeed ku mudantahay ee aanba joojineyn xumaan ka talinta iyo bir aslida Cabdiraxmaan faroole oo malaha u dad gaara ku beer-laxaawsanaayo isagoo malaha ujeedadiisu tahay inu halaq laba afle ah luqunta ugu duubo umadda reerk Punt-land .. Runti insaanka ka weyin-meysid mid taariikhda taxan iyo xaalada waaqiciga taagan ka been sheega oo aan awood u lahayn garashada ciyaaraha geemka siyaasadeed ee socta oo garashada xumida haysa tuhun kaa galayo ah ma yahay axdkaan faroole mid wax u kala soocan-yihiin

 

Shimbir walba codkiisa ayuu ciyaa .. Shiikha beesha Mr.Cabdiraxmaan faroole oo aanan garaneyn sidu ugu marqaamay amase ku daawaday awooda tunkiisa dhalanteedka ah ee aanu dan ugu jirin .. maa-maah ayaa oraneysa ” isha qodaxdi mudi lahayd ma aragto” Siikha beeshiisa hor fadhiya Faroole marku rog rogay maskaxdiisi qabyaalada harka cad lugeyneysa oo uu si bareera uga baahiyey qarjacjacdiisi laanta BBC isagoo aan geed ugu soo gaban gardareysiga labada Professor waa Cabdi Rashiid Khaliif iyo Cabdi-kariim oo ka gadooday qaabka lagu siiyey wasiirnimada malaha sida loo qaatay uga gogol lahaa in isaga lagala tashado oo dabadeed reerkiisa si gaara ugu muraadsadaan .. dabcan guuxi iyo carradi mr. faroole waxay keentay in bulshadi Soomaali dacalada caalamka ku nooleyd ay damiirkii caqliga iyo jirka ka dubaaxiyaan oo maanta toosh weyn meel kasta looga eegayo shiikhaas damaca qabyaalada cajiibka la gabaneyn, waxaana muuqatay in Mr. faroole cirbihi is jaray cawardiisiina dibada soo dhigay waana sida ay dad badani doonayeen in waxa caynkaas ah lala arko sida ay u adagtahay in lala noolaado amase wax lala qaybsado oo aysan ka muuqan rajo ka soo socota

 

Sheekada Labada wasiir Professorada ah ee shiikh Puntland magac dhabay ee baxriga ku ah culuunta sayniska siyaasada dhaqaalaha haddi loo baahdana buuxinkara culuumta islaamka marjacna ka noqonkaraan laga wanaagsan inaan ku dheeraado,waxaanse kaliya xusaya in horay labadaas professor madaxweyne Shariif loogu soo xulay dhismaha maareynta maamulka dawladnimo oo dabadeed sida ay wax u qurxiyeen si maqsuud ah loogu sacab tumay, haddana markii u hindisaayey Mudane Maxamed Farmaajo dhismihi dawladiisa waxuu door biday ineysan meel uga banaaneyn basaasiinta qoor-gooyada ku caan baxay yiraahda mansab ha la ii dhiibo qoorgooyadi hadda waan ka haraye iyo maxaad aaminsantahay oo halkoodi dhigay professoro bira iyo aqoonyahano maxaa taqaan lagu xushay, arintu si kastaba ha ahaate Cabdiramaan Faroolow haddi aad labadaas professor aad uga baahato maareynta iyo qurxinta maamulka qiirada qabiil kaaga dhiiqoobay waa kaala hadli-karnaa, shiddo la’aanna wey ku caawinikaran.

 

Bisqin rag bay kuu geysaa, ragse kaamo celiso .. Cabdirax-maan Faroole oo intuu is lahaa siyaasi isu muuji oo dhig khidado ulajeedo habowsan leh ayuu ka badin waayey .. ileyn nin meeli u cadahay meeli ka madowe inu maanta falaadkiisi dagaalka ku jeheeyo meel ka dhac qabiilo gaara, aflagaado qof werar, magac-dhaw toos ah iyo hayb si mutaxan farta loogu godo intaaso oo ka reeban diinta, dhaqanka iyo dadnimadaba .. hanfade run sheeg ma aha halka dantu ku jirtana ma garto wixiisuna waa hinbiriirsi oo aragti wanaagsan ma laha sidaa daraadeed Mr.Office Boy Waa faroole oo xidigiisi dhacay talaabo kasta uu qaado waxuu ka dhaxla “Uf siyaaso xume,qiyaas Xumaa” oo marna guul ma horseedo balse markasta shabeel miranaaya ayuu afka uga dhaca ileyn waa shakhsi shaqo uusan geyne oo deel qaaf ku ahayd lagula kufaye, laakiin isagu markasta waxuu isu qaataa ruux muhime .. Dadkii Puntland gaajo darteed caloosha ayey ka qaansoobeen mr. Faroolana waa dhurwaagi dhargi aqoon waayey sidu mac-macanki umada u cunaayey iyo kiiskii xaaraanta burcad-badeeda wax ka leefaayey sidey rabto ha ku soo gashe ayaa calooshiina faaxda noqotay oo dabadeed dadnimadi dibada ka noqotay, mana aha nin xil qaadi-kara umana qalmo oo ha ogaado in la iska daba yimid oo arinka sidi hore usan ahayn, waxaa socota saansaan maxkamadeed oo loo diyaariyey kuwa afduubka ku haya maraakiibta caalamka badaha goosheysa oo sir-doonka iyo dipolomaasiyada caalamka cadeeyeen isagu in la tuhunsanyahay.

 

Beelaha reer Punt-land beerka iska og oo mid waliba waxuu la socdaa waxa kan kale ku jira uurkiisa shar iyo kheyrba key tahayba, oo inta badan lama oga iney naxariis isu hayaan iyo waxa ay isla damacsanyihiin.. hadana guudka baa lagu wada socdaa oo qolo qolo ayaa la isku xaq-dhawraa, ilkahana waa la isu cadeeyaa oo la isu dabal joogteynayaa ..Hadal intuu Uur kaaga ku jiro buu amaanadaa yahay .. laakiin haddi u soo dhaafo dibnahaaga waxaad ogaata in anu lahayn dabo la qabto oo waa taas maanta maskaxdaadi marneyd iyo hadalkaagi dhataqlaha ahaa ee aadan u meel-dayin aan qodaxdiisi araganay iyo miciyihii laabnaa oo aad nala gaadeysey oo ujeedaadu tahay in qosolka dhoola-cadeeynta aad na tusi jirtay aad ku dooneyso anagoo kuu dagan qosleyna inaad na xabaasho.

 

Ujeedada iyo haatan aan daro mididu kalka ay boogtu tahay, nin waxa taagan aan garaneyn waxa soo socdadna ma garto .. Doox baa la maraya iyo bad-weyn .. Doonnida ninkii ay ridoow dan iyo xeeshaa ..Cabdi-raxmanow masuul-kasta waxuu qabto ama qaloociyo farxad iyo murug mid uun taariikhda ayaa xusta .. wixii horay Punt-land Dad iyo Maal nooga baxay reer ahaan amase nooga riiqmay waxaan ku qoreynaa buuga khasaaraha ” lost account” bal maanta waa adigaa garkii iyo madaxi noo soo xiirte bal nin walba waxuu hayo ha soo daayo ciidi wax ka daadanayaan waa la arki-doonaa waxaana ku sheegeyna SSC dib u noqonmaayo kii isku dayana waa ogyahay inu ceel dheer ka heesi-doono ee maalinta xanuunka mawdku ku soo hayo soo diyaar garow waa inoo dagaal wadani iyo mid reer .. waana la kala baxaya oo la is hursan-maayo .. intaa waxaan filaya inay waadix tahay.

 

Mustafe Nuur

 

 

- - - - - - - - - - - - - -

 

 

 

BAAQ: Beesha Goldogob Waxay Ay Taageersan Yihiin Xukuumadda R/Wasaare Faramaajo, Kalsooni Buuxdana u Hayaan Wasiirka Beesha

 

 

Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullahi Maxamed waxa uu soo dhisay dowlad kooban oo tayo leh – arrintaas oo Soomaalida iyo bulshada caalamkuba ay soo dhaweeyeen.

 

Hadaba waxgaradka beesha Goldogob waxay si buuxda u taageerayaan tallaabadaas is-bedel doonka ah ee Ra’iisul-Wasaarahu ku talaabsaday,waana ku bogaadineynaa, waxaana u aragnaa in ay tahay mid keeni karta in Qaranimadii Soomaaliyeed la soo celiyo.

 

Xubnaha Golaha Wasiirada ee Wasiirka 1-aad uu soo xulay waan u hambalyayneynaa waxaana u aragnaa aqoon-yahano hufan hawshana ka bixi kara.

 

Wasiirka Beesha Goldogob u galay golaha Wasiirada si gaar ah ayaan ugu hambalyayneynaa si buuxda ayaana kalsooni ugu qabnaa, waana u matalaa beesha.

 

Xukuumadda Federaalka marka hore aqoon, karti iyo hufnaan ayuu Wasiirka 1-aad ku xulay – Soomaaliyana taas ayay u baahan tahay; marka xigana waxa uu ku saleeyey qaabka wax qaybsiga beelaha ee loo yaqaan 4.5; laguma dhisin xukuuumadda qaab gobollo iyo maamullo ah,

 

Anaguna markasta waxaanu aaminsanahay midnimadda ummada Somaliyeed oo ah muqadis.

 

1-Suldaan-Maxamed Jamac Shire 21-Col-Maxamed Cali Xaashi Maxamud

 

2-Suldaan Subeyr xaaji maxamud 22-Cabdi Maxamed Axmed (CabdiBur)

 

3-Siciid Cabdi Maxamud 23-Cabdi Salaad xaaji

 

4-Gen-Axmed Cabdi Xaashi 24-Cumar Salaad Warfaa

 

5-Col-Maxamud Xersi Geesood 25-C/llahi Maxamud Suleeymaan

 

6-Col-Axmed Siciid Xaashi 26-Aweys Axmed Cali Noor

 

7-Col-C/llahi Diiriye Jama 27-Axmed Ismaciil Abdi Giir

 

8-Col-Duuliye Sare Farax Gandarshe 28-Axmed Maxamud Xersi

 

9-Col-Xasan Xaaji Maxamud Cilmi 29-Eng-Sadiq Maxamed Cali Xaashi

 

10-Col-Cali farax Cabdulle Xoosh 30-Cabdiqadir C/llahi Xasan Joof

 

11-Col-Cali Shiikh Xuseen 31-Muumin Aadan Axmed

 

12-Col-Cabdiqadir Ciise Ali 32-Mahad Maxamed Cali Ciise

 

13-Col-Bashiir Saciid Xasan Cadawe 33-Cabdinasir Cali Aadan (Joome)

 

14-Col-Axmed Jamac Seed 34-Saleebaan Siciid Dhoodi

 

15-Col-Saacid Dahir Siciid 35-Siciid Xashi Cigaal

 

16-Prof-Cawil Cali Dhuux 36-Cabdiqani farah ashkir

 

17-Eng-Abshir Cismaan Qayliye 37-Caaqil Cali Siciid Surcad

 

18-Eng-Cabdi fataax cali 38-Abwaan Cabdinasir CaliDahir Shabac(Dhaga dheere)

 

19-Saciid Axmed Maxamud (Baati ) 39-Ganacsade Cisman Salaad Cabdi

 

20-Caaqil Dahir Cigaal Badhawe 40-Maxamed C/rihman Wardheere

 

Waad mahadsantihiin.

 

Guddiga qabanqaabiyey.

 

Cabdullahi Diiriye Jaamac

 

Cabdulqaadir Ciise cali

 

Saacid Daahir Siciid

 

- - - - - - - - - -

 

 

Jaaliyadda SSC ee Denver Colorado : C/Kariim Xassan Jaamac, wuxuu kuyimi rabitaanka shacabka SSC

 

 

Anooga ah Jaaliyadda SSC ee ku dhaqan Denver Colorado iyo nawaaxigeeda , waxaanu canbaareynaynaa, kana soo horjeednaa hadalkii gefka ahaa ee ka soo yeedhay Madaxa maamulka bari C/Raxmaan Faroole, kaasoo uu ku Caadifeeyey kuna dafiray Jiritaanka beelweynta SSC.

Waxaanu cadeynaynaa anagoo ah , shacabka ku abtirsada deegaanada SSC, waxaanu u sheegaynaa umadda Soomaaliyeed, madaxda iyo Barlamaanka Soomaaliyaba in aanu igmanayn isla markaana uu na matelo Dr: C/Kariim Xassan Jaamac, kuna raacsanahay magacaabistiisa oo ahayd mid ku timid rabitaanka, talada iyo soo jeedinta beesha iyo deeganada uu ka soo jeedo

 

Waxaanu markale ku celinaynaa in uu na metelo mudane C/kariim Xassan Jaamac beeshiisa iyo deegaanadiisa, isla markaana ay Gef tahay in Faroole uu soo farageliyo danaha deegaanada kale ee aan hoos imaan, waxaana u sheegeynaa markale in C/Kariim aanu u dooranay inuu noo metelo Siyaasada dawladda Soomaaliya anagoo tixgelineyna, Aqoontiisa, kartidiisa iyo weliba wadaniyadiisa shakhsiyadeed. Taasoo uu ugu adeeg karo umadda Soomaaliyeed guud ahaantoodba,

Dalka Soomaaliya maanta waxaa wax lagu qaybsadaa qabiil, dawladuna waxay ku dhisan tahay Nidaamka 4.5ka, mana jirto sabab uu Faroole u soo faragelin karo xaqa ay beeshani u lee dahay Booskeeda iyo cida ay u dhiibatay toona.

Waxaana ku waanineynaa Mr: Faroole in uu kawaantobo faragelinta joogtada ah ee uu kuhayo SSC , waxaana wax laga xumaado ah inuu gaar u barbartilmaamaydsado labada wasiir ee aan ka soo jeedin beeshiisa, halka uu taageeray kii ka soo jeedey beeshooda.

Waxayna arintani ku tusinkartaa siyaasad xumadiisa , waxaadna moodaa in Faroole uu noqday mas’uul loo soo diray kala irdheynta beelihii la is ku odhan jiray puntland , asagoo markastaba muujiyana maxabo uu u hayo dadyawga kale halka uu shacabka iyo deegaanada SSC-na uu geeska ku feedhayo.(horay baa loo yidhi Jeerso fooldhaqatay waxay is moodaa jibriil abokor)

 

Ugu danbeyntii waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan dawladda Federaalka ah, oo abid hada ka horoow aan loo dhisin gole wasaaradeed oo sidan tayo iy aqoon u leh, taasoo ka turjumaysa salka xukuumada oo ah Ra’iisal wasaaraha oo noqday nin aqoon iyo karti Hibo loo siiyey, taasoo dhaxal siisay inuu soo dhiso xukuumadan loo hanweyn yahay isla markaana kooban.

Allaah ayaa mahadleh

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Originally posted by Gheelle.T:

I am with Xiin on this, meesha 4.5 baa wax lagu qeybsaday, marka waxay illa tahay Faroole ama inuu is wada raaciyo TFG ama ogolaado wax u dhaxeeya meesha ma laayaan.

Awelba waa garanayey in 4.5-ka laysaga daba imanayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
sahal   

If you want to know Piracyland, look at A/weli's profile (real reprasanative of Pircyland) :D

 

he is the most contreversial figure ever .... once aginst piracyland, once working with pircayland, omce against TFG, now working wih TFG enz. so is pairacyland mabd'aba ma leh ... meeshii dabyshu u socoto ayay u socdaan

redface.gif

marka odayga ha la yaabina ... dadkiisuu ka turjamay smile.gif

 

Beesha Bariga Puntland LoooooooooooooooooL

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faroole made a gaffe, the PM appointed Ministers are no enemies of Puntland.

 

This no major issue, the President has every right to make have his opinion.

 

On the ground nothing has changed, the government in Mogadshu has less power than Faroole's admin..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Originally posted by bilan:

^^^^No, actually I think he should quit talking altogether

Agreed. At least he would be safe from his detrimental remarks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by bilan:

^^^^No, actually I think he should quit talking altogether

Agreed. Sometimes saying nothing and watching events unfold before your eyes may bring the desired outcome.

 

It is very clear that Sharif's intent is to undermine the influence of Puntland and therefore make the proposed federal system unworkwable. The sad part is there is no other viable solution for Somalia short of al-shabaab takeover.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Libaax, perhaps my perception of the nature of advanced politics and my assumption about that nature as it applies to our illiterate and primitive homeland were not parallel. Thanks for pointing it and I concur with you.

 

Xiin, sxb bring up my less than best moments up but you know my overall views better. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Gabbal:

"Waxaanu ognahay in niman Xamar loogu yeeray, hub iyo lacag loo balanqaaday" :confused:

Ma la hubaa inuu yidhi, mise waa hadal "saxafadeed". :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this