Sign in to follow this  
Maaddeey

Sayidka Alshabaab: IS BAR-BAR DHIG

Recommended Posts

Maaddeey   

Wadaad ayaa Muxaadaro cinwaan uga dhigay: ATTAKFIIR MIN TALEEX ILAA TORA BORA, haddaba meelaha ay isaga egyihiin Saidka & Alshabaab ayaan hoos ku soo koobayaa intaan ka gaaro:

 

Adeegsiga Gabayga

 

Waxaa la hubaa in Sayidku suugaanta meel sare ka istaagay siiba gabayada, laakiin markuu halganka billaabay Sayidku gabayga sidaa kumuu ahayn oo Diiwaankiisa waxaa ku jira mid & laba laga garan karo arrintaas, markii dambase wuxuu gaaray inuu gabay carbeed tiriyo ood mooddo in dhiig lagu qoray oo u dhaca sida MADFACA! kuna dhamaada: DAM DAMAA!.

 

Waxaan aragnaa sida AL-Shabaab xoogga u saaraan suugaanta, iyagoo weliba u isticmaala si xeeladeysan:

 

Carabaha & Dunida Muslimka: Nasheedooyin

Europe & North America: Hip hop

Soomaalida: Afarreyda Abu-Zubayr (Ina Godane).

 

Xuduudaha oo laga gudbo

 

Al Shabaab waa caddeysteen inaysan Somaliya kaliya ku ekeyn ooy rabaan iney xuduudaha ka tallaaban! waxa ugu badan ee lagu eedeeyo waa in ay ku xiran yihiin Badaha gadaashooda & buuraha Tora Bora, waxana la dhihi karaa waa khilaafka keliya ee kala dhexeeya Xizbul Islaam.

 

Sayidkana siyaasad taa la mid ah ayuu qabay waxana kuu caddeynaya tixdan gabyga ah:

 

Haddaan waayey calan lay nashriyo tan iyo Nayroobi

Miyaan waayey naamuus janniyo daalac iyo naasil

Haddaan waayey Ciidoo naqliyo inaan Nugaal daaqo

Miyaan waayey neefaan xarbada naalo ugu fuulo

Haddaan waayey ruux iga naxoo ii nasabad sheegta

Miyaan waayey naxariis Alliyo Nebiga Jaahiisa.

 

Dagaalka Qallafsan ee Mucaaradka

 

Waxaan wada ogsoonnahay sida ad-adag ee Al Shabaab ula dhaqmaan dadka ka soo horjeesta, sidaas si ka daran ayuu Sayidku ku ahaa dadkii berigaa ka hor yimid dhaq-dhaqaaqiisa, labadoodana waxay ku xukuman dadkaas iney gaaloobeen, waatuu Sayidku lahaa:

 

Nin aqdaama Ferenjiga, maantiyo abuurriin

 

Ama aaladduu sida, ama awrta buu rara

 

Ama adhiga buu qala, ama laba ugaadhsada

 

Ama uba ilaalaa, ama uurka kala jira

 

Ashahaado beeniyo, islaamnimo ha lagu dhaqo

 

Ilaahayna nama oran, anna ma oggolaan karo.

 

Intaas ayaan hadda hayaaye, adinkuna bal ku yara dar-dara.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sayidka iyo Alshabaab la isma barbar dhigi karo, maaha isku mabda' isku ujeedo iyo isku dagaal midna.

 

 

Sayidka was a man of principles and freedom fighter despite his mistakes ,,,,, Alshabaab are not.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ina cabdulla xassan , gaalu , la dagaalameye cad cad , alshabaab muslimkii bay laaynayan, inkastow ina cabdulla xasan ba muslim laaye laakin halkangaasii halgan ka duwan buu aha kan maanta socda.. kan halgan ugu ma yeedhii karro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Allah!, Sayidka Takfiir kuma yareyn oo Shabaabka isagaaba ka darnaayoo Beelo dhan ayuu Gaaleysiiyey, Xoolahoodana xalaashaday, tixaha gabayga ee kore-na si cad ayay u qeexayaane, wax kale ma heysaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^waxaan u maleyn meelo aad Monoboly ku heysataa jiray, Taariikhda sayidka keligaa kuuma Xakir-na, waa la wada yaqaannaa waana qoranyahay, teeda kale qofka waa inuu beenta ka xishoodaa, horena waan kuugu arkay, laakiin:

 

'Ithaa lam tastaxi fasnac maa shi't'

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^ :D Could ever Ina Godane & Sayidka become comparable or the Alshabaab & Dervish?

 

May be 22 years from now, the two will be synonymous (minus the suicide car bomb blasts)!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this