Sign in to follow this  
Maaddeey

Sayidka Alshabaab: IS BAR-BAR DHIG

Recommended Posts

Ina cabdulla xassan fought the British and the Italians And sultan cali shire and Sultan Cali yusufs

Abu suber fought Ethiopia, and he is trying to defeat qabil

Wa labba dagaal oo aad uu kala duwan markaad eegtiid,

Alshabaab qallado aad uu farra baddan bay leeyihin Darawiishtu markay dagaal ku jiireen cadawgu wuu muuqday , imika cadawgu ma muuqdo cadawgu Ma axmed Madooba mise wa sh dalxiis ma somaliland ba ma puntiland baa ma ahlu suna waljamaca ba wa ariin aad uu kala fug.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Xaaji,

 

Maxaad sheegasaa, cadowga shabaab ma muuqdo!

Markaa ma Jin bey dagaal kula jiraan

 

Yaa kuu sheegay ma Godane? sababta ee shabaabku madaxa u qariyaan, bal soo weydii laga yaabo inay sabab u tahay cadowga oo la arki karin,

 

 

Invisible Enemy waaba dhibaato

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaajigu waa runtiis, shalay Ethiopia ayaa cadow ahayd maantana waxay ladagaalamayaan asxaabtooda Sh. Sharif TFG iyo Xisbi Islaam in Kismayo. In other words, they are eating their babies.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Bismillah,

 

Horta hala tartiibsado, dadka qaar iyagoon waxba akhrin bey hadleen, waa hubaal taas!.

 

Anigu is bar-bar dhigga dhowr qodob uun baan ka soo qaaday-waana la badin karaa-, waxaase jirta meelo badan oysan isaga mid ahayn.

 

Ta kale, Taariikhda sida badan qofku markuu dhinto ama hawsha uu waday dhamaato ayaa la xusaa/qoraa, waxaana dhacda in qof la xuso oo kor loo qaado, iyadoo qof kale oo ka caansanna aan meelna lagu sheegin sababo jira awgood! waxaa jira Imaam weyn oon sidaa caan u ahayn, waa Layth ibnu Sa'ad, waxa la yiraahdaa: 'dayacahu talaamiiduh', sidaas si la mid ah isla waqtigaa uu sayidku jihaadka kula jiray Ingiriiska, Koofurta Biimaalka ayaa Talyaani la jihaadayey,guulo waaweynna ka soo hooyey, -waxaa kula jiray isla Jihaadkaas qolooyinka Gendershaha la yiraahdo, ilaa & hadda waxay yiraahdaan:

 

Abkey Gendershoow Gaalada shiid ka yeeloow!-

aadna looma xuso, wakadhaalika Shaykh Xasan Barsane, intaas waa intaas.

 

Sayidku waa baddaas oo kale, qof walbaa wuxuu ka rabuu ka heli karaa: Jihaad, Alle ka cabsi, Quraan akhris,haddana dhanka kale: Diridiraale, Qabyaalad, Af-lagaaddo, Faan iwm. oon xidid & xigaal toona ka nabad gelin!-waxaan rajeynaa inaanan caddeyn u baahan-, saasooy tahay qaybtan damboo dhan waxaa lagu illaawi karaa, inuu isagoo keligiis ah Berbera ka soo degay, haddana 20 sano gudahood noqday awood uusan Quwaddii ugu xoogga badneyd waqtigaa taag u helin jeer ay diyaarado ku duqeyso, illaa & haddana qof walboo raba inuu Jihaad & gumeysi diid raba inuu ka hadlo, magaca SAYIDKA inuu xusuu ku qasbanyahay,taasna waa taas.

 

Waxaa kuu soo haray Caqiidada ay kala aaminsanyihiin, Shabaab waxay haystaan Caqiidatul Salaf, shirkiyaatkana si xoog ley bey ula dagaalaan, Sayidkase wuxuu leeyahy gabay uu caqiidadiisa ku caddeynayo oo Cilmul-Kalaam ah, gabay kale waa kuu ku lahaa:

Weliyada hanuunaan baryiyo, hodanka Yaasiine!

 

Waxaa hubaal ah inuu Sayidku ka siyaasad, dad aqoon & tab dagaalba ka badnaa Shabaabka, laakiin inta aan Mowduuca ku soo sheegay & Ujeedka guudba isaga mid bey ahaayeen.

 

Afeef: waan qaldami karaa 'wayna u badantahay'waana lay naqdin karaaye, shakhsi & wax uurka ku jira iyadoon la gaarin, fikradda uun wax ha laga sheego weliba si cilmiyeysan.

 

Wabillaahi Tawfiiq.

Share this post


Link to post
Share on other sites

alshabaab caqiido salaf ma haystaan, and here is why

1- caqiidada salafku ma qabto, kumana dhaqanto mas'alada ah istikhfaaf a-dimaa al muslimiin, oo ah in la fududaysto dhiigga qofka muslim ka ah, layskana dilo inta niyada lagu qaboojiyyo aakhiraa kii dhinta niyadiisa lagu soo bixin

 

2- salafka iyo suluugoodu waa uun kii rasuulka (scw), dhaqanka rasuulkana (scw) kama mid ahayn dagaal bilaa xikmad ah oo naf iyo maal salfada. bal waxaa taariikhda ka muuqatta in rasuulku dagaalka gaalada iyo muslimka ka meermeeray oo xeelad iyo siyaasad ku dayyey, xulufo iyo xargo kale u maleegay. iskaba daa mid muslimka gudihiisa ah e. rasuulku liiska munaafiqiinta isagoo hayya buusan taaban, ightiyaal iyo assisin midna u dirin. alshabaab profession bayba u tahay in dadka la laayyo oo la assasin gareeyo

 

3- caqiidada salafka waxay dhiiri gelisaa aqaoonta, waxaana lagu yiqiin faafint culuumta islaamka, iyo maraakis cilmiyeed oo ay leeyihiin oo wax laga faaideysto. maanta alshabaab waxaa calaamadda u ah middi xun oo dadka qoorta lagaga jaro, cimaamad afka lagu xirto, iyo heeso guubaabo ah oo afcarabi ah oo dhalinyarada dhegaha loo geliyyo. masjid ay dhiseen iyo aqoon ay fidiyyeen lama hayyo. waa urur hubaysan oo wax dumiyya, baaxad uu wax ku xukumona lahayn, xikmadani ka dhammaatay.

 

4- salafka waxaa lagu yiqiin ixtiraamka culumadda iyo weynenyta aqoonta, maanta alshabaab cajjal lagasoo ganay god ku yaala buuraha afghanistan baa sheekh u ah, culumaddii saxwada soo dhistay oo fahamka khilaafada islaamiga ah iyo baahideeda bilowday waxay u yaqaannan culumaa'u doolar. Umul baa u danbeeyey oo isna waa gacan ku gabad...

 

Maadeey awoowe, sayidku nin timihiisu dhan u xiirmaan buu ahaa, 3 dex waxyaalood buurabay inuu gumaysiga dalka kasaaro, in umad iyo wadan soomaliyeed la helo, iyo inuu asagu mansabka qabto. sadexdaa istaraatijiyadu u maray waa laga doodi karaa, qaladaadkiisa dib waa loo eegi karaa. laakiin odoga ha u gafin oo wiilashan afghanistan laga xukumo ha la simin please

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Xiin,

 

Horta mahadsanid, wax yar aan ka dhaho intaanse ka dhihin, dadka aad la doodeyso iska dhaaf inaad caqligooda istikhfaafsato, halkan maaha ee meelo kalaan ka hadlayaa, in kastoon ereyga AWOOWE jecleysan, sababtaad u isticmaashose adaa iga og.

 

1-Dimaa'da ka mid maaha CAQIIDADA, tusaalaha aad u soo qaadatayna sax maaha: mas'aladaas culimo fara badanaa ka hadashayoo TATARRUS ayaa la yiraahdaa: suuraddeeduna waa: Haddii cadaw lala dagaalaayo, si kalena eysan jirin in dad Muslimiin ah la laayo mooyee, maxaa la sameynaa? 3 ayey u qaybiyaan.. Kutubada Fiq-hul Jihaad ayaa loogu tegayaa'e yaanan u gelin.

 

2-Saluuk, kama hadlin, hadda & hor-na waan sheegay in nimankan wax badan ka qaldanyihiin, laakiin Xikmadda qofba si ayuu u arkaa, yaase laga warsanaa?(Cabdallah Cazzaam AUN wuxuu yiri Jihaad ma warsaneyno nimaan Xalwo Lubnaani & TNT kala garaneyn!): ma nin waddankii Gaaladii lala dagaalaayey jooga ee qabatimay noloshooda, ciyaalkana iskuulka la dhigtaan ciyaalkooda, meelna ku wada ciyaaraan, mise kan ay Gaaladu dey-deyayaane kumanaanka kun ee doollaar ku bixinayaan dilkiisa ama qabashadiisa?, Ogow waxaa usuusha diinteenna ku jirta in Gaalada la khilaafo oo labbiska xitaa looga dayan, in meel lala degona hadde wuxuuba ka yiri suubbanaha: laa tataraa'aa naaraakumaa! (deris ha noqonina) saameynta ugu yarna waa in dhibkooda aad dhibsato illeyn adaa ku dhex jiree wuuna ku soo gaarayaaye,sida darteed waa inaad wax badan ka tanaasushaa.

 

Taariikhdaa waxa ka muuqata in Nebigu dagaal ka meer-meertay?? saas idhlaaqeedu sax maaha! balse dhowr & toban sano markuu mootanaa Islaamku China & Europe ayuu gaaray, Axaadiista ah: Umirtu an uqaatilannaasa.. & wajucila rizqii taxta dhilla rumxii..ayey ka soo horjeedaan!.

 

Muslim in la dilo waa gooni, laakiin in Gaalo la assasinate-gareeyo waa sugan tahay! nebigaana Amray!.

 

Muxuu munaafiqiinta Nebigu u dili waayey, mar kale Culimadu waa ka hadlaan, laakiin waxay isla oggolyihiin in la dili karo.

 

2-Inta badan, dadka Jihaadka u istaaga cilmi yar-yihiin, waana qalad badanyihiin, sabatuna waa Ixraajka & dhibta faraha badane ay ku jiraan & dadkoo dhan ka wada ah sida hadda dhacday!, suurta galna maaha koox iney meel walba master-areyso, qolobana wax baa u fudude iyaga Haddii Jihaadka u fududyahay adiga Tacliinta ku dadaal: WALIKULLIN WIJHATUN HUWA MUWALLIIHAA FASTABIQUL KHAYRAAT.

 

Culimaa'u Doollaar-na, walaaloow adoon is indha tirayn, Culimadii ku Ijmaacday Jihaadnimada Dagaalkii Afghanistan (Russia) ee hadda isla Afganistan-tii(USA) diiddane leh Waliyyul Amri-gaan oggoleyn, aanna ognahay waxa ay WaliyulAmri leyihiin in Mareykan ka amar qaataan, maxaan dhihi karnaa?.

 

Sayyidka & 3da qodob wan kugu raacsanahay, laakin dad kale ayaa dhihi kara: waa ku gabbanaayaye ujeedkiisu saa & saa buu ahaa, waxaana u daliila saa & saa!. Wiilasha & Sayidka meel walba kama wada simin si aan sidaa la ii dhihinna waan ku cel-celiyey, laakiin haddaan anna intaan soo qaato qaladaadka waaweyn ee Sayidku galaye ku qasbay inuu reer Abtiyadii & Saldanadi Maakhir-ba is gefsiisay'e dadkii & dhulkii halganka udub-dhexaadka u ahaa uu lumiyey, aan iraahdo Odaygaas waalan hala simin Wiilashan ka warran?

 

Heesaha guubaabada ah sow looma baahna af kastoy ahaadaanba, sowse ma ogid in Shucaradu waagii Nebiga & khulafada makaan weyn lahaayeen oo intey Wefdi ahaan madaxda ugu yimaadaan si fiican loo soori jiray?, Dagaalkii Mu'ta ee Roman-ka Gabaygii guubaabada ahaa ee C/lahi ibnu Rawaaxa (RC) meeshuu ka soo baxay kaama qarsoona.

 

Afghanistan-ta laga xukumo wiilasha, waanigii dhaliilahooda ka dhigay kor, laakiin ma waxaad diidantahay in ey meel kale Inspiration ka helaan?, Haddii Mahdi-gii Sudan jiri lahaynna Sayidkeenna maanta ma maqalneenba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Awoowe [hal hayska hadduu ku dhibayyo, waa shiddo ku haysatta]dooddaadu nuxurkeedu waxaa weeyye eedamayha shabaabka aan usoo jeediyey iyo iinahoodaba waa looga horreeyey, haddii la damcana daliil waa loo heli karaa. taas waa ogahay wadaadna qiil sidiisaba ma waayyo waase haddii laga yeelo

 

qodobadii aad cuskattay waxaa ugu liitta midka oronayya ayadoon soomaali la dilin oo dhiig muslim la qubin gaal lagama adkaan karo!!!

 

halkaas markay marayso baan ka haray waayyo waa hadalkii ina Godane oo tabtiisa ah. Anaashiiddu diin maaha, waa heeso & halku dhegyo aan sii ridneyn waxayse huwanyihiin shicaar diimeed.

 

Afarta qodob een nimanka ku eedeeyey soo baxthi garee, Sh.Xassaanna dhegeysigiisa iska daa, oo rag kale oo miyir iyo caqli leh la kaasho :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^horta ninyahow, talent-baad u leedahay waxa la yiraahdo: XUSNU TASNIIF, dhibaato ayeyna keentaayo qalad loo jeedo ayaad sax u ekeysiineysaa, waa tuu Xadiisku ahaa: INNA MINAL BAYAANI LA SIXRAN!.

 

markaad tiri: 'qodobadii aad cuskattay waxaa ugu liitta midka oronayya ayadoon soomaali la dilin oo dhiig muslim la qubin gaal lagama adkaan karo!!!' anoo yaaban ayaan dib ugu noqday qoraalkeyga, waxaasna ma sheegine nuxurku waa inaan mas'alo suuraddeed ka hadlay Kutubna refer-gareeyey, mas'aladaas aan ka hadlay dagaalka Somalia ma quseysee, waxaan ka hadlaayey tan aad ku tiri: 'dhiigga qofka muslim ka ah, layskana dilo inta niyada lagu qaboojiyyo aakhiraa kii dhinta niyadiisa lagu soo bixin' tan aan ka hadlay waa taas, keyword-kana waa: 'haddii... & mooyee'

 

Markaan Afeefta soo qoraayey, waxaan ka gaashamanaayey: 'Sh.Xassaanna dhegeysigiisa iska daa, oo rag kale oo miyir iyo caqli leh la kaasho' Xassaan inuu NBI joogaan maqalaaye weligey ma maqal codkiisa, waxayna la mid tahay eedeyntaadii maalin hore inaan Qolo Hebla taageersanahay, markaan xaggeen ku taageeray ku irina jawaabtaadu noqotay: 'hadda sheeg yaad taageersan tahay WARYEE!', being reer koofur-na WARYEE waa ka dagaalnaa smile.gif

 

Haddaan sida hadalka loo yiri la tixgelineyn anna rabtaasaan uga heray!

 

Wassalaam.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maadeey Awoowe inaad sheekaysaad rabtaa, li anna anoo soomaliyya ka hadlayya baad waxaad ku meerasanaysaa Cabdalla Cezaam raxmatullahi calayhi.

 

SH.Cabdul Qadir Gacmey, SH. Dahir Aw Cabdi, Sh. Cali Warsame, Sh.Mustafa Haarun, Sh. Cabdi Nasir, Sh.Bashir Salaad, Sh. Cumar Faaruq, Sh. Sharif Cabdi Nur, Sh. Umul kuwaa weeyye kuwa shabaab culumaa u doolar u yaqaan. Niman Tufaax cununa maaha ee waa aabayaashii saxwada soomalida. Ragga ay Kismayyo ku laynayyaan waxaa ka mid ah Sh. Mustafa Maxamed Cartan oo ahaa mas'uulka qaybo ka mid ah dacwada Nairobi for many years, waxaa ka mid ah Sh. Maxamed Mire oo ahaa mas'uul kii dacwada Kismayo muddo badan, waxaa ka mid ah oo aan ixtiraam badan alshabaab ku haysanin Macalin Maxamud oo ahaa aabihiii dacwada gobolka Gedo, xattaa waxa nimankii deyro ka keenay Sh. Xasan Turki iyo Sh. Maxamed Yusuf oo labaduba jabhad nimo lagu yiqiin. Markaan raggaan ka hadlayyaa kuwaa yihiin adna aad generality ila aado, dee soo sheekeyn maysid.

 

Masa'alada ah in muslimka la dilo si gaalka looga adkaado waa concept raasikh ah alshabaab ku dhaqmo, waa fikir takfiiri ah alqacida laga dhaxlay waxay ka dhacday Ciraq oo Sarqaaqi baa fuliyye u ahaa ilaa markii danbe intii muslimkii gadooday isagu ku baxay gacan shisheeyye. Haddaadan adigu qabin af soomaali waadix ah iigu sheego and I shall never repeat my accusation again haddii kale ood rabto inaad ii laba canlayso adeer taasi waa waxaan rag ku heshiin weyney

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Cajab!

 

Xiinoow, Culimada aad soo tixday eed Saxwaday Aabbayaal u yihiin leedahay waxaa u aqaannaa in Nuzcah Takfiir ihi ku jiro/jirey.

 

Macallim Maxamuud (maca ixtiraamii lahu) waa kii isku mid ka dhigay General Caydiid & Gen. Howe!

 

Inta korena, Dagaalkii SSDF & Ittixaad iyagaa horboodaayey, sidaas darteed waxaan dhihi karaa: waa Aabbayaashii Shabaab!

 

Soomaalina, Culimo, Siyaasi & Caamoba, dhibka waxey arkaan markey gondahooda ka arkaan.

 

Doodeydase saas maaha ee waa: Somalia & Caalamul-Islaami oo dhan waxa ku dagaalayaa waa Islaam & Gaalo, kuwan ama AlShabaab la dagaalaya ama Alqacida (hadeyba jiraan)iyaga lama dagaalayaane Islaam ayay la dagaalayaan, sidaas darteed, Gaalo liidata & Muslimiin qiiq & qaladaad fara badan ku jiro waaye inaad kala doorataa'ee waa warkii Bush oo dhinaca kale loo soo wareejiyeye: u r either with us or against us. period.

 

Doodaada ah: Dhibaatada Soomaaliya waxa udub dhexaad u ah AS, waa Cadaalad darro meesheeda ah!. dadka deggan meelaha AS maamulaan ayaase kuu jawaabaya!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhibaatada Somaliya waxaa udub dhexaad maanta u ah Alshabaab, cidda diiday inay somalida kale la heshiiyaan waa iyaga, xattaa waxay la heshiin waayey kuwa iyaga mabda'a ahaan u dhawaa

 

Sheekadda ah culumadu shalay bay khalad galeen, waa dood quus ah oo aad rabto inaad hoos gashid. Culumaddu waxay maanta leeyihiin baan kuu sheegayya, waxay shalay ahaayeen waa qawlu qaddiim awoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

lol@ qawlu qaddiim!

 

Taasoo kale waxaa la yiraah: TANAAQUD, Culimadeenna ASAALAH maleh, sida Soomaalidu badankeed tahayna waxoodu waa iska Caadifo, hadba Caadifadu sidey tahay ayay wax ku dhisaan, waa la tajrubeeyey (Awoowe smile.gif ).

 

Haddey waa qaldannay dhihi lahaayeen oo mabda'aas hore ma aaminsanin ayey Qolu jadiid yeelan lahaayeen. Waa jiraan Culimo wixii hore Takfiir & Dhiig muslim daadis bey ahaayeen yiri, waxaa loo bixiyey: SALAFIYYAH JADIIDAH, warkoodu waa cadyahayoo wa daraf, AS-na waa daraf kale.

 

Sh.Umal warkiisa waraana ka horreeyey war kalaana ka dambeeyeye kii dambe ma maqal miyaa?

 

Ps. Hadaan hari waayey Vocabulary-gaaga ha iila soo bixin yaa (Awoowe smile.gif )

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa horaan ku sheegay inaad ila sheekaysataad rabtaayye, dood naf leh ma haysid.

 

Warkaadaga oo dhan wuxuu kusoo ururayyaa inaad doodda daafaheedda mar marto oodan ku dhiiran inaad warka dulucdiisa sarto. Alshabaab waa xarako hubaysan oo mayl takfiiri ah leh, dadka ay dilayyaan gaalnimoy ku dilaayaan, xattaa dagaaalka iyaga iyo HI u dhexeeyyaa isagoo iska cad inuusan diin raad ku lahayn haddana waxay ku dhiirran doonaan mar dhow inay yiraahdaan waa jihaad.

 

Haddaadan AS difaaci karin, doodaadu macno badan ma leh. Raggii caarranaa iisoo daa, oo iga leexo awoowe :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this