Sign in to follow this  
Kamaavi

ONLF oo u Hanjabtay maamulka labaxay Somaliland

Recommended Posts

Kamaavi   

Xuseen Maxamed Nuur oo ah Xoghayaha Warfaafinta Jabhada ONLF ee la dagaalanta dowlada Itoobiya ayaa eedeyn culus iyo Hanjbaado kulul waxey u jeedisay maamulka labaxay Somaliland ee uu horboodo Daahir Riyaale Kaahin.

 

Xoghayaha waxuu ku eedeeyay Somaliland inay gacan saar-sare la leeyihiin dowlada Itoobiyaha oo iyaga dagaalka culus kula dhaxeeyo, waxuuna hadal dheer ku yidhi hadii Somaliland ka waantoobi weydo arrimaha ay ku jirto inay dagaalada kusoo jeedin doonaan.

 

Xoghayaha waxuu ku eedeeyay Somaliland inay xidho dadka kasoo jeeda ********iya ee dhulkeeda yimaada kadibna ay u gacan galiso dowlada Itoobiya oo iyada tacadiyo xoogan kula kacdo.

 

Xuseen Maxamed Nuur waxuu sheegay in maamulka Rayaale uu ka amar qaato dowlada Itoobiya, isla markaana Wasiiradeeda toddobaadkii 3-jeer tagaan Addis Ababa halkaasoo uu sheegay in laga soo maleego dhibaatada shacabka ********iya ee Jabhadiisa ONLF u dagaalanto.

 

ONLF waa Jabhad la dagaalanta dowlada Itoobiya taasoo inta badan ka dagaalanta dhulka ******iya oo ay sheegto inay dooneyso inay xoreyso .

 

Kismaayotimes.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Hussien waa nin dagan markaa if he issued this statement, it means it is taken seriously by ONLF. Dajiye, meeshi aan kulahaa soo gal ayaad Hussen fariin u marin kartaa. Waa nin very calm ah, oo doodi yaqaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Riyaale wuxuu in badan ka shaqeeyay xabadda ONLF in lagu jeediyo saxiibkaa Odweyniyo, aamusnaantoodana waxay la micno tahay inay ka ogalaadeen dhagarta uu maleegayo.

 

Ps.Soo PM garee niyow. Mida kale telkaagii wuuba shaqayn laayahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

arinta hadda dhacaday RAYAALE iyo Xidigo ayaa loo haystaa. Oodweyne shaqo ku maleh.

 

Qudhac waa geed'e doodiisa iska daa. Dadkaa lala doodaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ma waagii cirka loo kaaji jiray kibir owgeed ayaa la gaadhay?

 

 

ONLF waa urur qabiil, hadii dagaal qabiili ah soo qaado waa looga hortagayaa sidii waligeed looga hor tagi jiray qabiil kale oo dagaal soo qaada. icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

Habar, habar kale u hanjabtey, anigu dhibaato weyn uma arko...waayo habro marqaan dilley iyo kuwo caano boorihii caqliga tiray wax weyn ay iska qaadi karaanba maba jirto... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Idinku kuwa hajabay iyo kuwa loo hanjabay mid na ma tihidin ee maxaa idin waalay? :DLaba entity ayaa is haysta ee idinku hajabaad libaax naga daaya bil fadlan. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this