Sign in to follow this  
Tuujiye

Sheeko run Ah (in somali) about Chat rooms..

Recommended Posts

Tuujiye   

Sheekadan waa sheeka aad u naxdinbadan, waxaana ka helney qof aanan magaciisa noosoo raacin. sheekadu waxay ku saabsan tahay haweenay dhib kala kulantey isticmaalka chatka ama paltalka ga. waa sheeka dheer oo cajiib ah. sidan ayay noogu bilaabatey.

 

 

 

Marna ma rumaysanaysid waxa igu dhacay iyo waxaan dhib naftayda u

soo jiiday, aduunkan waxa iigu wayn oon doonayo maanta waa danbi

dhaaf ilaaah iyo INAAN DHINTO INTAANAN ANIGU NAFTAYDA DILIN. Ma

garanyo waxaan naftayda ku sameeyo quusashadaan ka dib.

>

>

Maalin ima soo marto illaa waan ooyaa illaa aaan gaaro inaan wax

arki waayo. Maalin walba waxaan ku fakaraa inaan is daldalo,

noloshaydu wax qiimo ah iima laha.

>

Saacad walba waxaan tamanniyaa dhimasho Shallaaytaydee ma

dhasheenaa, shalle-ytadaydee la ima abuureenaa!!!!! maxaan sameeyaa

wareer baan ku sugnahaye wax walboo agtayda ah waxay soo baxeen

waxaan mibna lahayn dhadhanna lahayn.

>

Labadaydan gacmood ayaan ceeb ugu soo jiiday naftaayda iyo

qoyskayga. Waxaan ceebeeyey ninkayga iyo caruurtayda waxaan dumiyay

gurigayga. Wax walba waan ood i tiraahdaan waan xaqsadaa. Magac

walboo xun iyo tilmaam walboo xun ood igu tilmaamtaan waan

istaahilaa, ***** dabaal caqlilaaw, hawa raac iyo iyo iyo.

>

Run ahaan wax walbood igu sifaysaan waan ahay. Laakiin qof dib ii

celin kara oo soo sixi kara waxaan qalad sameeyay ma jiro mana

idinku jiro qof i caawin kara. Sheekadaydu waxay noqotay waxaan ka

noqosho lahayn wayna gashayna buugga taariikda.

>

Sheekadayda ayaan soo hordhigayaa Gabar walba oo Muslimad ah oo

isticmaasha INTERNETKA si ay calaamad ugu noqoto iyo ilaalin iyo si

aysan ugu kicin axmaqnimada aan ku kacay iyo si ay ugu caqli qaataan

kuwa caqliga leh.

>

Sheekadaydu waxay ka bilaabatay gabar saxibtay Gurigeeda. Maalin

ayay gurigeeda igu marti qaaday saaxiibadaay waxay ka mid ahayd kuwa

internetka isticmaala inta badan. Waxay bilowday inay intenetka wax

iga barto. Muddo 3 bilood gudaheeda ayay wax walb oo ku saabsan

internetka igu bartay waxay i bartay chat roomyaashoo dhan waxay

kaloo i bartay sida wax loo baaro iyo sida loo raadsho web site

yaasha cusub iyo kuwooda wanaagsan iyo kuwooda xunba.

>

3daas Bilood gudahooda ayaan waxaan ninkayga ku qasbay inuu internet

guriga soo galiyo. Aad ayuuna oga soo horjeeday arrintaan illaa aan

ku qanciyay inaan daal wayn dareemayo maadaama aan ka fogahay ehelka

iyo asxaabtaba, waxaana xujjo oga dhigay inay saaxiibaday wada

isticmaalaan internet, halkaasna aan kala sheekaysan karo

internetkuna nooga lacag jabanayahay Telefoonka. Wuu ogolaaday

dagaal badan ka dib asagoo aniga ii naxariisanaya.

Waxaan bilaabay inaan maalin walba saaxiibaday kula sheekaysto

Internetka, ninkaygiina waa iga istareexay wax dacwo danbena igama

maqal wuxuuna qirtay inuu ka istireexay dacwooyinkaygii. Mar walba

oo uu ka baxo guriga sidii wax waalan baan internetka ugu ordaa,

>waan hor fariistaa anoo saacado badan maalin walba ku jira.

Waxaan bilaabay inaan jeclaysto inuu maqnaado wax yar markuu sii

maqnaadana waan u xiisaa. Ninkayga waan jeclahay marna ninkaygu

iskuma kay ladin wax walbana wuu i qabtay dhaqaalihiisuna aad uma

fiicnayn markii la garabdhigo walaalahay iyo saaxiibaday, wanaagayga

ayuu marwalba ka shaqaynayay. Maalmo badan markay tageen ka dib

waxaan bilaabay in internetku uu noqdo meesha kaliya ee aan ku

dareemo farxadda. Waxaana bilaabay xattaa inaanan xiisayn inaan

ehelkay u safro oon u safri jirnay labadii wiigba mar.

Mar walba oo uu ninkaygu guriga ii soo galo si dagdag ah ayaan u

damiyaa internetka taasoo uu qariibsaday lana yaabay, ma uusan iga

shakisanayn laakiin wuxuu uun doonayay inuu arko waxaan ka samaynayo

Internetka. Laga yaabee inuu dareemay masayr ka dib markuu i arkay

anoo maalin ku jira â€Voice Chat†qof kula sheekaysanaya â€cod ahaanâ€

isticmaalaya mikrafoon. Markaa ka dib ayuu bilaabay inuu i canaanto

asoo leh internetku waa wax balaaran waxyaalo badanna laga

faaiidaysan karo, maad ka baratid luuqadaha iyo sida loo sameeyo

website anfacaya dadka ood iska daysid waxa maalaa yacniga ah ood

waqtiga isaga dhuminaysid. Ka dib waxaan isku dayey inaan ka

faaiidaysto internetka mar danbana aanan galin â€chat roomkaâ€

(Qolalka wada sheekaysiga) inaan la hadlayo walaalo iyo saaxiibo

mooyee.

>

Waxaan ka tagay tarbiyadii caruurtayda waxaana u daayay khadaamaddda

guriga, waxaan garanayay waxaan xafiday waqtiyada uu ninkaygu

shaqada dhammeeyo gurigana ku soo aadanyahay si aan u damiyo

computerka oo uusan iigu arag anoo ku mashquulsan chatka.

Waxaan si aada u dayacay naftayda. Waagii hore aad ayaan isu qurxin

jiray sida ugu qurux badanna baan u labisan jiray intuusan ninkaygu

shaqada ka soo laaban, internetka ka dib waxaan bilaabay inaan

tartiib tartiib naftayda iyo ninkayga iyo caruurtayda u illaawo

illaa aan dhammaan wada illaaway, waxaana bilaabay inaan samaysto

cudurdaaryo beena, sida:- imaadan sheegin inaad waqtigaan soo

laabanaysid, ama waqtigaagii baad ka soo hor martay iyo kuwa badan.

Waxaan aad ugu mashquulsanaa internetka illaa aan gaaray inaan soo

kaco ka dib markuu seexdo oon galo internetka dibna sariirta ugu

laabto intuusan soo kicin. Laga yaabee inuu dareemay internetka

waxaan ku hayyo inay tahay waqti dhumis ee aanan waxba ka

faaiidaysanayn, laakiin wuxuu iiga dhimrinayay kalinimada maadaama

ay ehelku iga fogyihiin, asna shaqo ku mashquulsanyahay, balse waxaa

aad u dhibayay ihtimaam la’aanta aan u hayya caruurteenna mar

walbana wuu igu canaanantaa laakiin hubka aan isku daafaco ayaa ahaa

oohin iyo inuusan ogayn waxa guriga ka socda intuu ka maqanyahay,

see baad saas ii oran kartaa.

>

Aan soo gaabshee Internetka intaan guriga la soo galin ka hor

ninkaygu guriga ka maqanyahay waxaan wici jiray tobannaan jeer inaan

maqlo codkiisa oo kaliya. Haddana internetka ka dib inaan is maqli

wayno oon waco maraan dan wayn aan ka leeyahay oo kaliya.

Ninkayga waxaa ku dhalatay masayr wayn oo uu u qaaday Internetka

laakiin masayrkaan waxaan kula dagaal lami jiray boohin iyo sirta

haweenka iyo xeeladda wayn een u leenahay qancinta nimankeenna.

>

Sidaas ayay nolosheennu ahay muddo ku dhow 6 bilood marna kuma soo

dhicin ninkayga maskaxdiisa inaan si xun u isticmaalo internetka.

>

Mudadaas 6 bilood ah ayaa waxaan calaaqo wayn na dhex martay magacyo

la soo tobal caaraystay “Nick Names†aanan garanayn inay niman

yihiin iyo inay naago yihiin toona, qof walba oo chat ka ii soo gala

si uu iila sheekaysto ayaan la sheekaysanayay xattaa anoo og inuu

yahay nin waxaan la sheekaysanayo. Waxaan ka dalbanayay inay iga

caawiyaan computerka wax badan ayaan ka bartay oo ku saabsan

internetka. Dadkaas mid ka mida ayaa calaaqadeennu aad u waynaatay

sababtoo ah wuxuu xirfad wayn u lahaa internetka, mar walba waan la

sheekaysanayay dhib walba oo iga soo waajahda computerkana asaan

kula ordayay ilaa uu kulankeennii noqday mid yawmi ah oo maalin

walba ah. Waxaan jeclaaday sheekadiisa iyo kaftankiisa xiriirkeennu

inuu sii waynaado ayuu bilaabay maalinba maalinka ka dambaysa. Aniga

iyo ninka lagu magacaabo ????? kuna naynaasan –hebal—arrin wayn wayn

ayaa na dhex martay wuxuu igu kaday hadalkiisa malab ka ah

erayadiisa jacaylka eed moodo inuu buug ka soo xafiday, laga yaabee

in erayadiisu aad aysan u qorxoonayn laakiin shaydaan ayaa malab ii

mariyay iiguna qurxiyay si xadka ka baxsan.

>

>

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu iga dalbaday inuu codkayga maqlo

wuuna ku adkaystay dalabkiisa illaa uu igu handaday inuu iga tagayo

iskayna mootin doono, waxaan isku dayay inaan hor istaago dalabkiisa

kana dhaadhiciyo inaanan awoodin laakiiin waan ku guulaysan waayay.

Meel dhexe ayaan isugu nimid waan wada hadlaynaa bishardi inay

noqoto hal wada hadal mar danbana aanan wada hadlin, taleefoon

namarradii ayaan is dhaafsannay. Waan wada hadalnay anooo walwal

wayn iyo cabsi igu jirto, laakiin hadalkiisu aad ayuu u macaanaa,

waan gariirayay marwalboon maqlo codkiisa waxaan ogaa inuu shaydaan

sadex nagu ahaa iina qurxinayay arrintaan, lana dagaallamayay

dhawrsanaantayda iyo akhlaaqdayda iyo diiintayda intii ka

dhimmanayd. Halkaan ayayna ka bilaabatay noloshayda daba

gadoonkeedu, qof walboo akhriyaa sheekadaan wuxuu oran ninkaygu

yahay qof dayac badan maqnaashana badan laakiin arrintu waa caksiga

shaquu ka soo bixi jiray saaxiibadiisna in badan ma aadi jirin aniga

awgay iyo kalinamada oo uu ila nacsanaa.

>

Maalmo badan markay soo wareegeen ka dib oon macallimad ku noqday

Internetka oon maalin walba ku jiri jiray 8 saacadood ilaa 12

saacadood, waxaan bilaabay inaan karaahs ninkayga joogitaankiisa in

badanna aan taas ku cataabo kuna boorriyo inuu waqtiyada shaqada

>badsado galbihiiyoo kale uu shaqeeyo si aan oga baxno daynta is

fuufuushay ee nalaku leeyahay, run ahaanna hadalkaygii ayuu qaatay

saaxiib ayuu mashruuc yar kula noqday shirko, markaa ka dib

saacadaha aan Internetka ku jiro intii ayay ka sii bateen.

>

Calaaqadaydii aan ninkaan internetka iska baranay la lahaa ayaa sii

xoogaysatay. Wuxuuna bilaabay inuu iga dalbado inaan is aragno

codkayga markuu maqlay ka dib, uma aanan aabayeelayn dalabkiisan

kamana hoos qaaday, waxaana ku cataabi jiray ku canaanan jiray

dalabkaan uu iga dalbanayo inaan kulanno laga yaabee inaan anba aad

u xiisaynayay araggiisa laakiin inaan anna xiisahayga cadaysto waxaa

iga hortaagnaa cabsi aan cabsanyo fadeexad ee ma ahayn cabsi aan

>Ilaah.

Dalabkiisii ayuu aad ugu adkaystay aadna iigu ilxaaxiyay inaan is

aragno arag oo kaliya aan wax kale ahayn. Waan aqbalay bishardi inay

ahaato tii ugu horraysay uguna danbaysay, wuxuuna yiri anba intaas

oo kaliyaan doonayaa inaan ku arko oo kaliya wax hadal ahna aanan is

dhaafsan. Waxaan filayaa inuu rumaysan waayay inaan ogolaaday ka dib

markuu ku dhawaaday quusasho, waxaana ka dareemay inuu farax la kala

batay, wuxuu igu qanciyay inuu yahay qof Ilaah ka baqaya wax dhibana

haba yaraatee aysan xaggiisa iga soo gaarayn uuna ii noqon doono

gidaar oo kale intaan wada joogno wax dhib ahna aanan arki doonin,

wuuna ogolaaday shardigii wuxuuna ku dhaartay inaysan arrintu aragti

kaliya dhaafin. Waana yeelay.

>

Waa ballan-nay taasoo shaydaan sadex nagu yahay suuqyada waawayn mid

ka mida dukaan kaas saacadaas daqiiqadaas. Wuu i arkay anna waan

arkay “Shallaytadaydeen ma arkeenaaâ€!!!!!!!!!!!! wuxuu ahaa

quruxloow aad u quruxbadan jirkiisa iyo dheerarkiisa dhan walba oo

jirkiisa ahna waa i cajabisay muddu daqiiqad ka yar daqiiqadaas aan

arkay waxaan dareemay inaanan arag ninka qurux badan intaan noolaa,

ninkaygu ma foolxumayn mana gaabnayn mana buurnayn laakiin

daqiiqadaas waxaan dareemay inaanan horay u arag nin ka qurux badan.

Asna xaggiisa ma rumaysan inuu la sheekaysan jiray gabar sidayda u

eg, wuxuuna ii cadeeyay inuu aragtidayda ku farxay quruxdaydana uuna

rumaysan waayay inuu gabar saas u qurxoon mudadaas la

sheekaysanayay, wuxuuna ii jeclaaday sidii wax waalan, wuxuu

bilaabay inuu i yaraahdo waan is dilayaa haddaan ku waayo wuxuu

kaloo oran jiray shallaydee waligay kuma arkeenaa wuxaan dareemay

naagnimo waxaan bilaabay inaan qurux aanan horay isugu tuhmi jirin

inaan isku tuhmo xattaa guurkayga ka hor.

>

>

Ma uusan ogayn in la i qabo ninkaygana uu Ilaah caruur iga siiyay.

Wada sheekay-sigeennii intaan is aragnay ka dib aad ayuu isu badalay

wuxuuna ahaa mid wada sheekaysi jacayl, wuxuuna ogaaday meelaha aan

ka nuglahay iyo daciifnimadayda shaydaanna waa caawinayay laga

yaabee inuu hogaanka u hayay. Wuxuu doonay inuu i arko aad ayaan

taas u diidanaa mar walbana waxaan xasuusinayay ballantuu qaaday,

balse naftaydaa aad ayaan oga dareemayay inaan jeclahay inaan arko,

laakiin suura gal iima ahayn inaan arko ninkayguna magaalada joogo,

aad ayaan isugu sii dheeraanaynay waa walboo barya waxaana mar walba

xasuusinayay in la i qabo caruurna leeyahay. Wuxuu igu yiri waxaad

tahay Xuurl Caynta aduunka. Codkiisa iyo sheekadiisa ayaa waxay ii

noqdeen daraag oo kale i qabanaya haddaan saacado moognaado, waxaaan

sawirtay anoo hor jooga labadiisa gacmood ku dhex jira see dareemi

lahaa, wuxuu i nacsiiyay ninkayga aan marna arag raaxo dalbaadkayga

fulintooda iyo farax galintayda awgeed. Waxaan bilaabay inuu madax

xanuun igu dhaco maalin ama laba maalmood haddaan chatRoomka ka

waayo waxaan kaloo bilaabay inaaan dareemo masayr haddaan arko asoo

dad kale la sheekaysanaya ma garanyo waxa igu dhacay, waxaan noqday

tan aadka u doonaysa una xiisaynaysa.

>

Wuu dareemay inaan ku waashay wuxuuna gartay suu iiga faaiidaysan

lahaa wuxuuna falkeeda galay suu maalin kale ii arki lahaa, maalin

ma soo maro illaa wuxuu soo celiyaa dalabkiisii ahaa inaan ku arkaan

doonayaa annaa aan diidayo anoo xujjo ka dhiganaya waa la i qabaa,

asna uu leeyahay ee maxaan samaynaa?? Ma saas baan ku jirnaa illaa

aan murugo u dhimanno?? Ma caqli gal baa inaan is jeclaanno aana

awoodi kari wayno xattaa inaan isku soo dhawaannoo?? Qasab waa inuu

xal jiraa aan ku kulmi karno si aan ugu wada noolaano hal

saqafhoostii, wax uusan isku dayin lama arko anna wax walba aan ka

diidayo illaa uu soo gaaray inuu ii soo bandhigo guur oon ninkaygana

ka dalbado furriin si aan isu guursanno, haddaanan saas sameyn inaan

is dilo ama waasho ama aan ninkaaga dilo. Run aad ayaan u

cabsaday..... laakiin waxbaa xaggiisa ii jiiday ina illowsiinayay

ninkayga iyo caruurtaydaba waxaabad moodaa inay fikraddu i

cajabisay, mar walbuu ila hadlo waan gariirayay ilkahana isku

garaacayay waxaad moodaa in korkayga qabow lagu furay, aad ayaan u

wareeray, waxaan dareemay inaan naftaydu ninkayga xabsi ugu jirto

Jacaylkaan u hayyayna uu dhammaaday waxaan bilaabay inaan araggiisa

iyo suu u egyahay aan naco, waan illaaway naftayda iyo caruurtaydaba

waxaan ka shallaayay oo nacay guurkaygii iyo noloshayda waxaan

dareemay kalinnimo sidii inaan kali ku ahay.

>

 

Markuu ogaaday oo hubsaday jacaylka aan u qabo waynankiisa iyo siduu

ii hantay wuxuu ii soo bandhigay inaan mushkilo ninkayga ku furo

siinan wayneeyo mar walba illaa ii i furo arrinkaan horay ugama soo

dhicin laakiin markaan maqlay waxaan dareemay inay tahay albaabka

kaliye ee ii furan een oga bixi karo waxaan xabsi ahanta u dareemay

“ waa la noolaashaha ninkaygaâ€. Wuxuu ii ballan qaaday inuu i

guursan doono ninkaygu markuu i furo ka dib inuuna farxad iyo nolol

tan u wacan ku wada noolaan doono.

Arrinkaas sameyntiisu iima fududayn yacni inaan ninkayga ku furu

dhibaatooyin ii sababa furriin. Laakiin jacaylka aan ninkaan u

qaaday ayaa igala waynaaday run ahaanna waxaan bilaabay inaan

dhibaatooyin samaysto ninkaygana buuq ku furo maalin walba.

Ninkaygii arrinkaan waa u adkaysan waayay wuxuuna bilaabay inuu

guriga ka maqnaado intuu ka maqnaan jiray in ka badan ilaa uu gaaray

inuu guriga u yimaado jiif kaliya. Xaalkaan ayaan ku jirnay dhowr

usbuuc annaa aan mar walba sii abuurayo mushkilado cusub, waqti

dheer ayay arrintaan qaadatay ninkaygiina waa u sammray dhibtaydii.

Ninkii aan khiyaamada isla wadnayna waa i daahsaday wuxuuna iga

dalbaday inaan is aragno sababtoo ah waxaa laga yaabaa inuusan ku

furin si dagdag ah waa inaan is aragnaa haddii kale ?????. waan ka

aqbalay ka noqnoqosho la’aan. Waxaabad moodaa inuu ibliis dabada iga

wado go’aamadana ii goynayo waxaana ka dalbaday inuu muddo ii sugo

intaan jaanis ka helayo.

>

Maalinkii arbacad kuna aadanaa 21/01/1421 H. Ayaa ninkaygii i yiri

safar shaqo oo shan bari qaadanaya ayaan u baxayaa, farxad ayaa i

qaaday waxaana dareemay tanu inay tahay waqtigii aan sugayay.

Ninkaygu wuxuu doonay inuu ii diro reerahayga si intuu maqanyahay

aan xagga u sii joogo una soo sitareexo. Laakiin waan ka diiday

boqolaal cudur daarna waan keensaday inaanan bixi karin. Wuu

ogolaaday asoo aad u dhibsanaya safarkii ayuuna u baxay maalitii

jimcaha ahayd. Maalitii axadda ayaan wada hadalnay waxaana u sheegay

inaan diyaar u ahay is araggii waan ogaa waxaan samanayo inay qatar

ahaayeen khalad waynna ahaayeen, laakiin waxaan iraadadayda iyo

awoodayda waa ka sarreeyeen ilaa aan gaaray inaanan wax cabsiyaba

dareemin. Waan isla baxnay haa run ahaan waan isla baxnay NAFTAYDA

AYAAN IIBSHAY. Waan raacay anoo isugu sheekaynaya aad ninka si wacan

u soo baratid. Waxaan ku ballanay suuqyada midkood, ballantii ayuuna

ku yimid. Waxaana fuulay gaarigiisa waan soconnay annagoo magaalda

jididkeeda war wareegayna. Waxba ma dareemin inkastoo xoogaaa

cabsiya igu jirtay balse waxay ahayd markii ugu horraysay oon la

baxo nin aan waxba ii ahayn waxa kaliyoo naga dhexeeya ay tahay

sheeko 7 bilood oo kaliya socotay oo ahayd chat roomka iyo halkulan

oo ahaa daqiiqad in ka yar. Waxaa ka muuqday walwal kan iga muuqda

kan ka badan oon ka dareemi karay hadalkiisa.

>

Waxaan ku bilaabay hadalkii.

>

Ma doonayo inaan in badan ka maqnaado guriga waxaan ka baqayaa inuu

ninkayga soo waco ama wax kale dhacaan.

>

Wuxuuiigu jawaabay

>

Waayo oga fakaraysaa ha soo wacee iska daa inuu ku furood ka

istreexdid ayaa laga yaabaaye.

>

Uma bogin sheekadiisa iyo erayaduu isticmaalayo, walwalkii i hayyay

ayaa igu sii siyaaday.

>

Waxaan ku iri waa inaadan aad u fogaan ma doonayo inaan guriga in

badan ka maqnaado.

>

Wuxuu iigu jawaabay

>

Xoogaa waan soo daahaynaa maxaa yeelay marna si fudud kugu sii dayn

 

mayo waxaa kaliya oon doonayaa inaan xoogaa waqtiya adiga kula qaato

ishana kaa buuxsado waxa laga yaabaa inaadan mardanbe ii ogolaan

inaan dib kuu arko.

>

Saaas ayay sheekadaydii ku bilaabatay inkastoo walwalkaygu uu sii

badanayay saasoo tahay naftaydu waxay sii jeclaysanaysay marwalba

inaan la sii joogo. Sheekadeennii waxay bilowday inay u waajahsato

xagga romansiga Jacayl, ma garanayo inta saac oon isla joognay

xattaa ma dareemin jidka aan hayno iyo meeshaan u soconno toona.

Waxaan ku baraarugay anoo jooga meel aanan garanayn, mugdi ah una eg

beer lagu nasto, waxaan bilaabay inaan ku qayliyo waa maxay meeshaan

aan joogno?! Xaggeena ii wadaa??.. sakanno duduhood gaarigii waa

gaarigii oo istaagay iyo nin kale oo albaabka gaariga furaya iigana

soo bixinaya gaariga si xoog ah.......waxaad moodaa wax walba inay

sidii biriq u dhacayaa yacni dhaqsaha ........... waan qayliyay

........ waana ooyay.......bal inaan wax i caawiya arko .........

waxaan gaaray inaanan maqlin waxay sheegayaan aanan fahminna waxaan

dareemay dharbaaxo wajiga la iiga dhuftay iyo qaylo la igu qaylinayo

iyo ruxruxid la i ruxruxay illaa miyirkii iga tagay cabsida i haysay

waynankeeda awgeed. Ma garanayo waxay igu sameeyeen iyo waxay

ahaayeen iyo intay ahaayeen toona, laba ka mid ah ayaa uun arkay,

wax walba sidii biriq ayay igu dhaafayeen. Waxaan ku baraarugay oo

ku miyirsaday anoo dhabardhabar u jiiffa dharka intii badnaydna la

iga siibay, jiifana qol faaruq ah dharkaygiina la jeexjeexay waxaan

>bilaabay inaan qayliyo oon ooyo korkaygoo dhanna wuu wada

wasakhaysnaa waxaana filayaa inaan isku kaadshay. Sakanno ka dib

waaba asagii oo soo galay qoslayana.

>

Waxaan ku iri:â€Ilaahaybaan idinku dhaarshaye iska kay sii daaya

inaan gurigaygii ku noqdaan doonayaayeâ€.

>

Wuxuu i yiri:â€Gurigaaga waad ku noqon doontaa, laakiin waxaad iga

ballan qaadaa inaadan qofna u sheegin. Haddii kale fadeexad ayay ku

noqon ehelkaaga, haddaad i sheegto ama dacwo igu soo oogtana waxaan

ka aargoosan caruurtaadaâ€.

>

Waxaan ku iri:â€Waxaan doonayaa inaan gurigaygii aado oo kaliya qofna

u sheegi maayoâ€.

>

Waxaa iga tanbata cabsidii waxaan dareemayay jirkayga oo gariiraya

mana joojin oohin intaas uun baan ka xasuustaa wixii dhacay wax

kalana ma xasuusto waxaa kaliya oon xasuustaa meeshii markuu iga soo

qaaday ilaa uu guriga i keenay waxaa u dhaxaysay 4 saacadood.

Indhuhuu iga xiray oo gaariga ayuuna i soo saaray. Wuxuuna igu

tuuray meel u dhow gurigayga. Qofna ima arag anoo saas ah “qaawanâ€.

Gurigaan si dagdag ah u galay, waxaana ku laabtay oohintaydii ilaa

ay ilmadii iga dhammaatay. Markaas ka dib ayaa waxaan ogaaday inay i

kufsadeen dhiigna iga da’ayay. Waan rumaysan kari waayay waxa igu

dhacay iyo waxaan naftayda gacmahayga ugu soo jiiday. Waxaan maxbuus

ku noqday qolkayga. Ma arag caruurtaydii, cuntana afkayga kama

dagin. Alla hoogayeey Jaxiimaan lugahayga ku raadsaday, saan ka dib

muxuu xaalkaygu noqon doonaa. Naftaydaan nacay waxaana isku dayay

inaan is dilo naftana iska qaado. Waxan ka baqayaa fadeexada iyo

ninkaygu wuxuu i oran doono. Ha i waydiin caruurtay, waxaan Xattaa

markuu ninkaygii safarka ka soo noqday wuxuu dareemay is badalka

wayn ee igu dhacay. Xaalkaygii aad ayuu u sii xumaaday illaa uu

gaaray inuu isbitaal xoog igu geeyo. Laakiin nasiib wanaag

dhakhtarradiii ma ogaan wax igu dhacay. Waxay uun igu arkeen cunto

xumo iyo dhiig la’aan. Waxaan ninkayga ka dalbaday inuu ehelkayga ii

qaado sida ugu dagdagga badan aan ayaan u ooyay ehelkayguse aysan

waxba ka ogayn waxa iga oohinaya. Waxayse iska dhaadhiciyeen in

aniga iyo ninkayga mushkilo na dhex taal. Waxaa i soo gaartay inuu

aabahay la hadlay ninkayga, balse wax natiijo ah aysan oga soo

bixin, sababtooo ah ninkaygu xattaa waxba ma ogayn. Qof garanyo lama

arko waxa igu dhacay oo ehelkayga ka mid ah. Ehelkayga waxay ii

geeyeen nin quraan igu aqriya, ayagoo u haysta in il ama jinn igu

dhacay.

>

Xaq uma lihi inaan ninkayga la sii noolaado, waxaana ka dalbaday

furitaan, markii hore anaa isla rabay furitaanka, laakiin hadda

asaan doonayaa inuu iga istareexo si uu gabar dhawrsan u guursado

iyo anoo ixtiraamayaa caruurtayda aabahood. Xaq uma lihi inaan ku

dhex noolaado dadka sharafta leh. Waxa igu dhacayoo dhan waa waxan

labadayda gacmood ku sameeyo. Anigaa gacmahayga ku qotay qabrigayga.

Saaxiibka chatroomkuna waxaa uun ahaa wiil ugaaranaya anna dabinkaan

ugu dhacay. Qof walba oo sheekadayda ogaada wuxuu igu sifayn doonaa

***** ama caqli laawad waxaas iyo wax ka wayn ayaan xaqsadaa, bal

rajmi in dhagax la igu dilaan xaqsadaa........ taasooy tahay waxaan

tamanninayaa inaysan ku dhicin gabar muslimad ah waxa igu dhacay.

Waxaan rajaynayaa inuu ninkaygu iska kay cafiyo ceebtaan aan u soo

jiiday xaq uma laha caruurtaydana waxaan ka rajaynayaa sidoo kale

inay iska kay cafiyaan anaa sabab u ahaa sabab u ahaa sabab u ahaa

sabab u ahaa ..........

>

Ilaahna waxaan waydiisan danbi dhaaf.

>

Miyaanan la gaarin waqtigay waantoomi lahaayeen gabdhaha ku waalan

chatroom ka ilaahyna ka baqi lahaayeen. Khaladku ma aha internetka

laakiin annaga weeye waxa sida xun u isticmaalaya khayrka ka tagaya

xumaantana raadsanaya faaiidadiisu way wayntahay annaguna xumaantaan

ka doonaynaa.

>

Waxaa haray inaan iraahdo............wey dhimatay saaxiibtey

usbuucyo ka dib ayey dhimatay sirteediina waa la dhimatay ninkeedii

oon ogaan ayayna dhimatay. Aniga oo kaliya ayey ii sheegtay anna

inaad ku cibra qaadataan awgeed ayaan idiinku soo wariyay.

Ninkeediina ma furin waxaana ogaaday inuu aad oga murgay iyo inuu ka

tagay shaqadiisii, uuna fariistay guriga si uu u koriyo caruurtiisa.

Intaa ka dib waxaan dareemay inaysan noloshani ahmiyad saas u sii

wayn lahan dhadhanna waligeed yeelanayn illaa daacada Ilaahay iyo

Rasuulkiisa mooyee.

>

Ilaahay ha u naxariisto danbi dhaafna Ilaah u waydiiya.

 

 

 

Wareer badanaa!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qac Qaac   

subxanallah 3 jeer.

 

woow if this is a true story, it is crazy... well yes it was her mistake a little... but the guy is jerk.. subxanallah rape a mother and destroy her life like that...

 

p.s. feebaro the story is too long damn. laakiin qalbi xanuun iyo oohin ee iga keentay... i feel for the girl. may allah have some mercy on her.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

wareer badanaa, waraa geedkaan dheer aa noo keentay naxdin waaye walaahi, laakin dhibka iyo khasaaraha internetka uu leeyahay waa gaar faaiidadana waa gaar, hadii la is bar bar dhigana waxaa batta khasaaraha, laakin saasey tahay kolba waa qofku siduu u arko,waan ka baxay wabilaahi towfiiq

Share this post


Link to post
Share on other sites

Feebaro, ma aanan aqrin, ma aqrin doono, mana rabi in aan aqriyo..Maxaa yeelay reero BAHAL talk ma ihi anigu .bal ka tali arintaas

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pucca   

i knew i should have taken that trip to somalia this year!! perhaps then i would have learned a couple of words :(

wat happened to the girl? kindly translate that essay into english plz...if u dont mind that is..just sum it up into a paragraph ...thanks

 

ciao

Share this post


Link to post
Share on other sites

ilaahee hau naxariisto...very touchy story indeed..waan murugoode walaahi. Subxaanallaah, somali walaaltanimo weey ka tegeen, qof walaashaa noqoni karto xoog, naag nimadeedana ku ciyaar, cajiib.. dhiiga allah ka qaadye..dhiig maqabaan kuwaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Stockholm Lady, welcome bak sis, i havent seen u these dayz lol,

 

 

waraada sheekadan iyo kuwa ka daranba wey dhacaan laakin gabartaas sheekadeeda wey sheegtay kuwa qarsaday shekadooda ayaa ka badan oon la koobi karin

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

heard of this story at the beginning of this year! Still it gives me the jitters! subxanallah..illahi sheydaanka iyo shar tiisa hanaga xijaabo-Aamin!

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol@ nuune, xalwaan qarsaday nooh.. ;)

by the way, whats up the avatar, waxaan kuugu ogaay xarfaankii non stop dheeldheelijirey.. icon_razz.gif

 

sasa laura, ume ishia wapi...

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Feebaro, filinkan hindiga dheera, saaxib. Sad Music ayaa ka maqan wallahi..titanic fooqal titanic..lol :D

 

I know such stories can happen but in this case, malabka ayaay nago yara badisay, saaxib.

I don’t believe a word of it. icon_razz.gif

 

 

My eyes hurt from all this reading. :(

 

 

Quick English translation for those that asked:

 

A Woman was introduced by her friend to the Internet. She installed it at home. She got hooked on it. She was a married woman but she still met “Prince charming†on the net (or was it the Prince of Darkness?). She liked him. He liked her. They met once for only a minute. They met again when her husband was away on a business trip (hehehe). He took her in his car. He drove her around for four hours. She didn’t notice where he was taking her. When she finally noticed that they were in a far away place, she asked him what was going on. He stopped the car. Some other guy dragged her out of the car and slapped her around a bit. She fainted. She woke up in an empty room half naked, etc, etc..

 

The woman basically got raped and is telling all your girls her sad story so you don’t fall for no guy on the net...

 

PS

There is more to the story but I got tired from all the reading by then.

 

PPS

Most of the story goes on to justify how this woman found herself in such a position and talks about her feelings which she blames on the devil. :rolleyes:

 

Feebaro, did I get it right with my translation? :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Well, according to the writer, the story is true. This story was published on a website sometime ago and it was brought forward by a well known Somali woman who is a community worker. It is one of those chatroom tales that went horribly wrong.

 

If its true, Illaah ha u danbi dhaafo qoftaas. Illaaheyse waxaan ka baryi inuu naga yeelo kuwa ku cibaara qaato qisadaas, kuna kaaftooma xumaanta chatka, kana magan-galao sharka uu Internetka leeyahay, Aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

Sheeko xadhidh iga dheh...

If anything the folk tale is it is another way of discouraging somali women from the use of internet by unconfident somali men. Whatever gave you the idea that reason Somali women use the net is to get raped or laid beats my imagination.

Further the scenario that you depict in the story is unrealistic.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^^ My thoughts exactly! Too many inconsistencies in this little story. It’s fun to read nonetheless. Sorry to hear that she died but only told one friend just before she died (ehehehe). :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^^^ Here is another story that was also claimed to be 'true'. I will let you be the judge! smile.gif

 

Ragga Somalida ma ku jiraa Sex Mongers?:

 

(4807 total words in this text)

(2974 reads)

 

 

Waa Qisadii iigu Yaabka Badneyd ee Nolosheyda i soo Marta

 

Waa Qiso dhab ah oo igu dhacday seddexdii Todobaad ee la soo dhaaftay (True Story).

 

Asaxaabta wabiteyada waxaan ka codsanyaa ineysan ku soo daabicin maswiradeydii hore ee meelo ka banaaneyeen sida Ragga Diinta qadariya ay iiga codsadeen inaan sawiradaas soo bandhigin anna aan ka balan qaaday. Waxaan kaloo ka cudur daaranaya inaan qalad la iga fahmin, aniga oo cadeynayaa in raga Somaliyeed ee ila soo xariiray 95% ay fiican yahiin, laakiin tani waa qiso dhacday ee maaha wax raga oo dhan wada saameeya Akhristow Qormadani waa ay ka duwan tahay qormooyinkii la iiga bartay ee dhanka siyaasadda iyo Somalida.

 

Tani waa Qiso la yaab leh, anigey I khuseysaa, khaasna ii tahaye, welee dumarka qaarkiis qoor gooyadaan oo kale qabribay u geli lahayaan, anigase quwad eebbe i siiyaan weli la qoslahayaa. Ceynba Ceyn Aduunyoy Cajab iyo Layaab lehe, ma anigey Caawana igu Caarisay. Sow Ragga qaar ma quustaan, qisaas dumar ma daayaan, kheyrkood ma aadaan, mise qurbahaa duleeyoo qoom dhumayba weeyaa, ma anigeyba i quusiyeen oo hadda qool ila beegsadeen, tani waa qoomomo iyo ceeb ee alahayow runtu qaraara.

 

Qisadani waxey na dhex martay Aniga iyo wiil dhalin yaro ah oo 28 sano jir ah sida uu ii sheegay ee ku nool dalka Norway. Qisadu waxey si rasmi ah u bilaabatay bisha June 17keedii, waxeyna i so af jartay 6 bishan July ee sandankan. Waa muddo 3 usbuuc ku dhow. Qisadu waxey u dhacday sida tan.

 

Part 1: Aniga, Dumaashidey iyo Sheekadii Dubai Waxaa jirta gabar aan xidiid nahay ee ah reer hargeisa, oo London gees ka degan laakiin aynan weligeen is arkin, mar aan telephone ku wada hadalay ayada iyo hooyadeeba mooyee, kadibna email ay igu soo xariirisay waqtiyo aan badneyd, laakiin Sanad iyo badh ka hor ah, maadama ay jawaab celintaydu yarayd mashquul aan ahay awgeed, halkaasna uu ku yaraaday xiriirkeenii, balse ay tahay qof wanaagsan oo qiimo badan.

 

Waxaa dhacday anaga oon mudo dheer war kala helin, ayaa waqti dhow magacii aan ku aqaanay emailka gabdhaas oo wax yar laga bedelay dhowr jeer msnka message la iiga soo diray aniga oo mashquul ah. Mar walbana waa la i bariidayaa, waxaana la ii sheega iney joogto Dubai, dalka Emaraadka Carabta, laakiin anigoo jawaabta la daahay ayaa markii mudo yar ka dib aan is iraahdaa gabadha salaanta ka qaad, se qofku qadkaba waa ka baxaa.

 

Arrintaas waxey igu socoto mudo aan ku qiyaaso nusi sanad wax ka badan. Waxaan is iri walaahi gabdhaas waad ku ceebowday, waayo intaas wey ku xiriirneysaa, markastana adiga oon jawaabsiin ayey iska tagtaa, marka danbe waa inaan hore uga jawaabaa. Waxaase ilaahey ii keenay yaab aan isweydiiyo waxa gabdhani ka sameyneysaa dubai intaas waqti dheer, aaway ilmaheedii, aaway hooyadeed ayaa kaligey is weydiiyaa. Yaab ayaa ilaahey ii keenaa, arrintiina waan xiiseyey inaan ogaado sida wax u jiraan, maadaama aan gabdha ku aqaanay qof marwo ha oo qeysleeka iyo hooyadeed dhaqaaleysa, xagga diintana ku fiican.

 

Si kastaba aan isu weynee, Bishan Juune bartamaheedii ayaan msnka mar kale isu helay waana magaca emailkii dumaashidey, degdeg ayaan u bariiday, aniga oo is leh bal ceebtii hore iska meyr, xaaladana u kuur gal. Markaan is bariidinay ka dib ayaan wey diiyey ka dib wax dubai intaas dhigay, anigoo u daba dhigay “walaal meesha ma nin baad ku heysataa, mise arrimo ganacsi ayaad halkaas ka heshayâ€Â, waxaana hore u maqlay naago ayaa yurub iyo mareykanka ka taga oo Emaratka Carabta u nin raadsada.

 

Durbadiiba waxaa la iigu jawaabay haa nin aan aad isu jecelahay ayaan halkaan is la joognaa oo sida uu iigu raaxeeyo aan weligay wixii rag I soo maray aanan weligey asaga oo kale arkin, waxaa durbadiiba la ii galay amaan ninka xagiisa ah. Waxaa hadalada sheekada ka dhex muuqday ineysan is qabin, waayo qofka hadalkiisa waa is burburinyey, waxayna oraneysay waan is arooseynaa iyo Ninkega. Waxaan ku iri maxaad ninkeyga u leedahay ismaba qabtiinee, waxey tiri “alla walaal jeceylkiisa ayaa iga batay oo waa anigaas noqon waayey.

 

Waxa ay ii sheegtay iney ku jirto raaxo aan weligeed soo marin, waana mid aysan rabin iney ku soo noqoto London. Waxaan kala tagnay ayada oo dhaheysa waan degdeg sanahay hadda ayuu ninkii shaqo ka imanayaa, waa sacadii la ii soo geli lahaa.

 

Waxaa ilaahey ii keenay yaab, gabdha waxaan ku ogaa iney wadaad tahay, waxaa ii cuntami weyday, iney nin aan qabin la nooshahy dubai oo ay reerkeedii uga soo tagtay raaxeysi, waxaanse maqli jiray, dubai waa loo tumasho tagaa, waxaan is iri malaha gabadhu waa is bedeshay. Maalintii kale ayey hadana ii soo gashay msnka. Waxa ay ii sheegtay inuu ninku qabo laakiin aan la ogeyn, anna aanan cidna u sheegin. Markaan waxaa la igu bilaabay in la ogaado aniga xaaladey. Waxaa ay i weydiisay raagga aan xiriirka la leeyahy, waxa meesha I dhigay oon raaxada aduunka uga haray, waxaana u sheegtay inaan wada waqtigan wada xiriiro nin dubai jooga laakiin uu u eg yahay nin raadinaya qof uu ku soo galo yurub ama mareykanka, sidaasna aanan u aaminsaneyn laakiin aan jeclaan laha xaaladiisa dhabta ah. Sheeko badan ka dib ayaan ku iri aan ku siiyo telephonekiisa ee bal xaalkiisa iiga soo waran.

 

Waxa ay igu tiri, ninkaan haddii aadan aminsayneyn maxaad waqtiga isaga dhumineysa, miyaad jeceshay, waxaan ku iri maya, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado xaalkiisa runta ah, maadama aan ku jaahwareeray. Waxey tiri tala fiican anigaa kuu haya, ninkaas ka tala bax, waxaa jira wiilka aan is jecelnahay saaxiibkiis oo Barawaani ah oo ninkeyga ay isku facyihiin ayaan ku barayaa, waa wiil fiican oo halkan dubai ka shaqeysta aan qarash iyo passport raadis aheyn, waxaan weydiiyey da'diisa, waxeyna ku jawaabtay waa 28 jir. Waxaan ku iri alla abaayo wiilasha iga yar ma haweysto kuwa igu faca ah ama iga weyn ayaan ka jeclahay.

 

Waxey tiri ilaa da'daadee, waxaan ugu jawaabay ilaa 45 jir aan xaas laheyn. Waxey tiri, alla maya abaayo sidaas ha dhihin, nimanka waaweyn ma fiicna, dhabar baa i xanuunaya iyo jilib baa la iga hayaa ayey kugu dilayaana .

 

Hadda midkaan isla joogno waa 28 jir, kaalay is ka arag sida uu iigu raaxeeyo, abaayo macaan waxaan aheyn ima yiraahdo, hadal aan ka xumaado ama dhegaheyga aan u rooneyn ima yiraahdo. Waxaan weydiiyey inuu xaas kale leeyahay, waxeyna ku jawaabtay haa wuu leeyahay xaas iyo ilmo buu leeyahay Holland u joogta, laakiin aniga ayuu iga jecel yahay oo intaas maalin iyo habeen hoosta iiga jiraa, sida la iigu raaxeeyo weligey ima soo marin. Waxey sii raacisay Abaayo wiilasha yar waxaan aheyn xiriir ha la sameysan, walaahi haddaad raaxadooda barato inaadan nin weyn rabi doonin, maba kaa caajisayaan.

 

Sheeko dheer ka dib maalintaas waxaan ku adkeystay iney war iiga keento bal midkii aan hore isu naqaanay oo ay wacdo, waxaana ku tabacay telephonekiisii. Maalintii ku xigtay, waxey i soo gashay, ayada oo leh, abaayo ka tala bax, ninkaas mar haddii adan jecleyn, oo aadan aminsaneyn, aniga ayaa waxaan kuu hayaa wiil fiican oo runtii aan kuu soo xulay.

 

Waxaan weydiiyey inay marka horta wacday lambarkii telephoneka een siiyey, waxey tiri haa lama qabaneyn. Laakiin abbaayo ninkaan aan kuu soo xulay, ninkeyga ayay is ku reer yihiin, waa nin fiican. Waxaan ku iri abaayo waan ku xishmeeynayaa ee ha barin wiil iga yar. Waxay iigu jawaabtay wax dhib ah kama imanayaan, waa nin passport heysta, oo yurub ku nool, oo aan dal ku gal kaa rabin, waa nin wanaagsan, iska dhaaf ninkan qaarad kale jooga, kuma soo gaari karo, ee midkaas aan soo xulay bal asga la xirrir wuxuu yiri walaahi hadda is fahmno waan guursanayaa, da’na wax ay qiimo ku fadhido ma jirto, waxaan u muujiye calaa cal badan oonan jecleyn da’ da iga yar inaan la hasaawo iyo inuu burbur ka iman karo, mana jecli inaan qof dumaashidey I bartay xumeeyo, waxey tiri abaayo anigaa ka balan qaaday inaan dhib ka imaanin, waa nin degan ee wiilka ha iga xumeynin, haddana laba maalmood ka dib wuxuu ku laabanayaa dalka Norway ee ha iga Xumeyn wiilka waa nin wanaagsane.

 

Haddana asaga ayaan uga baxaya computerka ee si fiican ula sheekeyso. Walaahi kan hadaad hesho aad baad u nasiib badan tahay. Calaa cal badan kedib oon muujiyey iimo badan ayay warkii iigu soo gabagebeysay, waxaas adinku ka wada hadla. Hadana computer asaga ayaan uga kacayaa ee la soco. Waa laga baxay emailkii magaca gabadhu ku qornaa, waxaana wiilkii iga codsaday inaan u ogolaado inaan emaikiisa ku darsado liiska MSNkeyga, waana ka aqbalay, markuu isku key sheegay ka dib, ayuu haaswe iyo arrimo raaxeysi ila galay, asga sheekada ku daraya iney fiicneyn wixii aan ku sheekeysano inuu qof kale ogaado, anna kama waalin ee waa lawaday, goor 8deedii fiidnimo tahay ayuu yiri abaayo waan sii baxayaa, halkaas ayey sheekadii oo meel fiican mareysa aan ku kala tagnay, welise waxaan la yaananahay gabadhii dumaashiday aheyd iyo sida xaal ka noqday. Maalintii labaad ayaa haddana wiilkii ii soo fadhiistay, waxaan ka wada sheekeysanay wixii qof walba soo maray si daacad u muuqata. Hadana goor abaarihii 8dee ama sagaalkii fiidnimo ayuu igu yeri waan ka baxayaa guriga oo magaalada ayaan u dhaadhacayaa, maadama aan rabo inaan berito baxo oo Dubai aan ka tegayo, waxaan ku labaanaya Norway, markii aan tago ayaan kula soo xariiri doonaa. Anna Waan ka Aqbalay. Waxaase iga yaabay 9aal ka fiidnimo marka ay annaga noo tahay oon dubai seddex saac naga sii horeyso, magaalada furin oo uu aadayo. Labadan qof sheekadooda aad baan uga shakisanahay waxaana is weydiiyey what they are after all.

 

Waxaan ku fekerey iney wax maagan yihiin, laakiin waan fahmi waayey waxa ay daba joogaan, anna ma rabin inaan waqti isaga dhumiyo oon ku fekero. Maalintii seddexaad ayaa hadan la igala soo xariiray emailkii gabadha magaceedu ku qornaa, ayada oo war la iga raadinayo, bal inaan wiilka ka helay oon daacad u ahay iyo in kale. Waxeyna I weydiisay sida aan aniga iyo wiilkii isku afgaranay, anna waxaan u sheegay in wax walba wanaag ku socdaan, ee haddii arrinti si fiican ku dhamaato in ilaahey ajar ka siin doono, ayaduna waxey igu tiri waan isku leeneehay.

 

Dhowr kelimo oo xasaasi ah ka dib, sidii caada u ahyed waxa ay ii sheegtay inay deg deg santahay ee ay tahay waqtigii ninkii shaqo uga imaan lahaa, ayna ka baxeyso. Maalintii afaraad ayaa haddana qadkii gabdha magaceedu ku yaalay la igala soo xariiray, waxaana sheekada lagu bilaabay wiilkii ma kula soo xariiray, anna waxaan iri maya labadaan berri wax war ah kama helin. Waxey tiri malaha safarkii iyo daalkii ayaa ka batay ee walaahi wuu kaa helay aad buu kuu amaanayey wuxuu yiri, markaan tagaba hore ayaan kala soo xiriirayaa oo Telephonekeyga ayaan u soo diri doonaa.

 

Cabaar markii aan sheekadii sii wadnay oo ay ii muujisay sida ay ugu kalsoon tahay wiilkaas iyo in jaceylkaasi mira dhali doono, ayey I tiri markuu baxayey wuxuu iga codsaday inaad sawirkaa u dirto ee walaalay u *** , waxaa ku iri maba aqaan ee sideen walaal ugu diraa sawirkeyga wiil iga yar oo nan garaeynin. Waxey ku jawaabtay, annaa aqaana, kaana balan qaaday wax dhib ahi inuusan kaaga iman, ee walaal wuxuu yiri markii aan guriga gaaro waxa ugu horeeya een rabo inaan arko waa dahabo sawirkeeda, waa inaan ka helaa emailkeyga.

 

Waxaan iri waa hagaag, laakiin sidaas ma sameeyo, haddiise ay adiga xagaaga tahay maadaama aan aad kuu xushmeeyo darted ayaan u yeelaya. Waan ka yeelay, waana isku afgaranay inaan wiilkaas si fiican ula sheekeysto oon wanaajin doono, sawirkana degdeg ugu dirayo. Part 2: Aniga, wiilkii la i baray iyo sheekadii Norway Maalintii 5aad ayuu ila soo xariiray wiilkii, waxaana ku iri laba maalmood war kaama helin, wuxuuna iska dhigay nin soo daalay oo safar soo maray, halkii ayuu sheekadii raaxeysiga iiga bilaabay, iyo sidaa uu haddiba ii dareemay, ii jeclaaday, wuxuu ii sheegay inuu sawirkeygii helay, uuna ku farxay, wax aan hadalka sii wadnaba oo sheekadu meel macaan u martaba, waxaan u muuqanay dad iska helay, jaceylna dhex marayo.

 

Markii 8deediii fiidnimo la gaaray ayuu ii sheegay in wiilaal meel uga fog uga yimaadeen, uuna ka baxayo qadka, waana is macasaalaameynay, wuxuuna ii sheegay inuu qadka soo gali karo maalin kasta 12 ka duhurnimo ilaa 8deeda fiidnimo.

 

Maaliintii lixaad iyo maalintii todobaad ayaan hadalkii halkii ka sii wadnay, waxey sheekadii isagu soo biya shubatay inuu rabo inaan is guursano, waxaan u sheegay inuu aad iiga yaryahay, wuxuu ii sheegay si la mid ah sida ay igula hadlan wiilal asaga kaba sii da’da yar oo ayaguna iga soo hajuuma MSNka, wixii ay igula hadli jireen oo kale, ineysan da’du dhib laheyn, casrigaasna laga baxay uuna balan qaadayo inaan cidna na soo kala dhexgelin Karin, waxaa laga wada hadlay sida rasuulku (CSW) uu u guursaday Khadiijo oo ka weyn, iwm.

 

Waxaan isweydaarsanay dhambaalo jeceyl ah iyo ubaxyo kala duwan oo uu wiilku igu bilaabay anna aan uga jawaabay. Wiilku markuu qadka soo galo waxa uu ka hadlaa siduu u jecel yahay raaxeysiga dumark iyo wixii la mid ah, anna marmar ayaan la jiibayaa. Wuxuu hadalkii ku soo gebagebeeyey inuu rabo inuu ii dhigo aroos fiican oo dadku la yaaban lagana maseyro, ayna fiican tahay in Somaliya hotelada ku yaal sida Hotel Shaamow ama Suxufi in lagu dhigo, ayna qarash yar tahay in meherka iyo arooska hal mar la is raaciyo. Sidaas darted uu rabo inuu ku baxo ugu yaraan qarash gaaraya $10, 000 oo Dollar, uuna jecel yahay inaan kala qeyb qaato oo barkeyga bixiyo, waxaan ku iri anigu ma shaqeeyo, lacagta Ceyrtana ma qaato oo ilmo yar yar ma lihi.

 

Wuxuu ku jawaabay ma qof yurub jooga ayaa lacag waaya, ma Somaliya ayaad joogtaa, yurub ayaaba Somaliya wax looga diraa. Muran badan ka dib ayaan waa yahay iri ayada oo aysan uurka iga jirin, wuxuu ku daray sheekadii inuusan passport weyn heysan, oo uu heysto travel document uusanna imaan Karin UK viso la'aan, uuna ka cabsanayo in documentigiisa laga sawirto ama faro laga qaado.

 

Waxaan ku iri gabadhii dumaashiday aheyd ee I kaa bartay waxa ay ii sheegtay inaad passport leedahay, wuxuuna yiri maba aysan arrkin passporkeyga ee sideebey sidaas u tiraahdaa. Anna waxaan iri hadde wey I qiyaantay marka, haddiba ay ii sheegtay wax aysan hubin. Wuxuu yiri waan ku abaal gudayaa haddii aad ii timaadid, waxaan kawada hadli laheyn arrimaha guurkeena maadaama aanan anigu soo bixi Karin oo duruuftaas aan kuu sheegtay ay I heysato, waxaana kugu soo dhoweynayaa hotelka ugu sareeya Oslo, waxaan kaa bixinayaa qarashka tickitka.

 

Anna waxaan u sheegay inaan u tegi Karin nin aan i qabin, oo aan ahay qof aan sidaas ka suurtoobin. Wuxuu yiri anigu qof ma xoogo diintana wax waa iga bilaaban yihiin, haddii laakiin aad iga cabsi qabtid waxaan ku geynayaa meel bulsho ku nooshay, waxaana u sheegay hadduusan taas joojin in wada sheekeysigeenu xirmi doono, maadaama aanan aheyn naagaha u safra nimanka.

 

Si kastaba ha ahaatee wuxuu ogalaaday inuusan ka hadlin inaan u tago, laakiin uu jecelyahay inuu muuqaalkeyga arko mar kasta oo uusan sugi Karin inta aan iska guursaneyno. Wiilkaasi wuxuu ii sheegay inuu maalinta oo dhan gelinkeeda hore jiifo ilaa 2 galabnimo laga gaaro in uu internetka diyaar ku yahay ilaa 8deed fiidnimo oo ay u yimaadiin wiilal saaxibadiisa ah oo ay Naxwe wada bartaan, habeenkiina ay ilaa waqti danbe internetka cashar ka qaataan, uuna jecel yahay inuu barto islaamka, jaamacadna uga soo baxo; laakiin markuu kula sheekeysanayo nin islaam ah sidiisii uma dhaqmo, ee wuxuu jecel yahay inuu ka sheekeeyaa waxa afka qalaad loogu yaqaano SEX, waxuu aad isagu taxalujiyey inuu webcamka ka arko jirkeyga oo dhan ama qaarkayga hore sida naasaha.

 

Waxaan u sheegay in Internetka Police la socdo maadama ay jiraan niman ilmaha yaryar kala xiriira netka, ka dibna dhibaato u geeysta qaas ahaan gabdhaha teenage ka ah, wuxuu yiri taas annaga nama quseyso, waa inaan jacelkeena daacad u noqonaa, waxaan u sheegay in haddii aan camalkaas ku kacno police na xirxirayo.

 

Muran kadib wuu ogolaaday in kastoo uu jecalyahay inuu I arko aniga oo jiifa, iwm. Calaa ayi xaal wiilku wuxuu jecel yahay inuu qadka internetka soo galo labada duhurnimo, kana baxo sideeda ama sagaalka fiidnimo waqtigaas oo ah marka uu ii sheegay iney saaxiibadii ay casharka wada qaadan jireen ay ugu imanayaan gurigiisa ayna ku gaarayaan waqti danbehabeenkii ilaa 1da.

 

Mar aan wax ka weydiiyey waxa u shaqeysan la'a yahay wuxuu ii sheegay inuu shaqda faxax uga joogo, laakiin uu ku noqon doono, waxaanse la yaabay fasaxa sidaas u dheer, mar hadduu 3 bilood Dubai ku maqnaa!!. Waxaa dhacday inaan u sheegay iney igu adagtahay inaan maalmaha shaqada soo galo internet, weekendka xitaa aan marmar mashquul ahay, weliba inaan mashquul noqon doono usbuuca soo socdo, ayna igu adag tahay inaan soo galo maalintii maadama aan aad u mashquulsanahay maalinimada, wuxuu ii sheegay inuusan iga maarmi Karin inuu I sugo usbuuc dhan maqal iyo muuqaal la'aan, wuxuuna iga codsaday inaan subaxa hore isla sheekeysano, uuna darteey hurdada uga soo kici doono 9ka subaxnimo, anna si fudud ayaan uga yeelay, walow aysan aniga suurtagal iga aheyn.

 

Subixii aan balansaneyn ayaan u soo xaadiri waayey internetka, wiilkii markuu I waayey, wuxuu soo diray dhowr email oo ii sheegayo inuu manta oo dhan I sugayey, anna kama jawaabi Karin, ileen maba tegin meel computer yaalo, oo howl ka culus ayaa ii taalay. Fiidkii aan isku dayey inaan ka cadurdaarto wixii dhacay, dhowr text messagena waan u diray aniga oo is leh armay gabadhii dumaashidaa aheyd eed ka balan qaaday inaad wiilka u wanaajineyso aad meel uga dhacday, laakiin kama uusan soo jawaabin. Waxaan u qaatay inuu xanaqaay, maadama aanan ku jecsaneynna waxaan ka saaray liiska MSNkega.

 

Seddex maalmood ka dib ayaa waxaa la igala soo xariiray emailkii uu ku qornaa magaca gabadha dumaashida ii ahayd oon ka baqayey xushmona aan u hayey, walow aanan weli fahmin waxa ay u danleedahay, waxaana ay i weydiisey inaan uga waramo meesha xaal marayo aniga iyo wiilkii ay i bartay, waxaan u sheegay inaynan beryahan war iska helin, waxeyna i wey diisay sida wax u jiraan, waxaan u sheegay sidii wax u dhaceen inaan waqti u waayey inaan la sheekeysto, lagana yaabee inuu taas ka carooday, markaas ayey is xanaajisay, sideebuu kuu xumeyn karaa, waan ku qeylinayaa, waxaan ku iri bal horta asaga weydii ee arrinta ha ka hordhicine.

 

Waxey tiri hadda ayuu leynka ku jiraa sow uma jeedid, waxaan ku iri maya oo liiska iiguma jiro waan ka saaray, waxeyna tiri waan la hadlaya oon canaanayaa. Hadana isla markii ayey ii soo jawaabtay waxay tiri waan ku xanaaqay ee walaalo wuu ooynayaa, oo calaacalkii ayaa ka dhamaaday ee iska dhaaf, Anna waan ka diiday, waxaana u sheegay inaanan dhalinta yar is sheeko aqoonin ee awalba adiga ayaan kugu ixtiraamaye iga dhaaf uma hayo waqti badan; waxey I barisaba waan ka diiday, waxeyna ii sheegtay iney sii baxeyso oo la sugayo sidii caadada u aheyd waa waqtigii ninkeedu iman jiray, ee haddii aan diiday inaan la hadlo wiilkaas ayna I qasbeynin oon dooqa leeyahay. Sidaas ayayna msnkii kaga baxday, aniga oo weydiiyey inay beri soo geliyeyso, haa haaddii ay ii suuro gasho ayey ku xirtay, waana is baqtiyey geedkii.

 

Maalintii ku xigtay ayaa magacii gabdhii haddana la iigu soo galay, waxaa mar kale la I weydiiyey inaan la heshiiyey wiilkii iyo in kale, waxaana u sheegay inuu mowqifkeygu yahay kii hore. Waxey i tir alla walaalo iska dhaaf, walaahi calaacalkii iyo ooyintii ayaa ka dhamataay, siduu awal dubai uga tegay xitaa maalina ima soowicin haddana addiga jaceylkaas uu kuu qabo darteed ayuu seddex jeer I soo wacey, walaal aniga darteey ku dhaaf, walaahi wuxuu leeyahay jeceylkeygii waan isweynay.

 

Waxaan ku iri walaal iga dhaaf, runtii waa igu adagtahay inaan la sheekeysto wiil iga yar. Waxey ku jawaabtay Alla walaal sidaas ha dhihin, alla walaal sow aniga walaashey ma tihid, walaal darteey ku yeel oo heshiiya. Walaal iska cafi wuu calaacalayaa ee haddana qadkuu kuu fadhiyaa, wuxuu leeyahay walaashaa igala hadal, mar ha ila hadasho. Haddana waan sii baxayaa oo waa la I sugayaa ee walaal fadlan la hadal oo ha xumeyn. Anna baariyad ayaan iska ahaye waan ka yeelay. Markiiba qadkii ayaa la bedelay, Aniga iyo wiilkii waan wada hadalay, sheeko kala duwan ka dib aysana ka marneyn sheekadii muuqaalka webcamka, ayaa la gaaray 8deedii fiidnimo oo ah waqtigii ay dhallinta ay wax wada bartaan u iman jirtay waa sida uu ii sheegaye, waxaana ku kala tagnay si deg deg ah.

 

Maalintii xigtay ayaa anigoo ku jira internetka, hadana wiilkii ii soo galay, sheeko ka dib iyo inuu jecel yahay inuu igu arko inaan webcamka soo galo, ka dibna wuxuu iiga sheekeeyey inuu xiriir la laha gabar miskiin ah waqtigii uu dubai joogay, ayna si aad ah u raaxeysteen, waxaan ku iri sow adigii igu yiri waxaan ahay nin diinta ku dheer oo 7 sanno naag ma arkin, wuxuuna sii waday iney gabadhaasi dareen fiicneyd, laakiin ay siyaaba kale u raaxeysteen. Waxaan wey diiyey, inuu la xirriray siduu u soo noqday, wuxuu yiri waxey I siisay emailkeeda laakiin lama xiriirin haddii aad beentay moodo waa kan emailkeedu ee adigu la xiriir, wuxuuna ii soo qoray magaca naciimo oo xisaabta 5ta ah la socoto oo ah hotmail, wuxuuna sheegay ineysan gabdhii I bartay la socon arrintaas oonan weydiin, haddii kale ay asaga soo weydiineyso .

 

Waxaan hadalka sii jiidjiidnaba waxaa la gaaray waqtigii uu ii sheegay inay dhallinyaradu i iman jireen. Aniga intii aan wiilkaas iyo gabadha magaca dumaashidey ah leh wada sheekeysaneynay ee ah seddex todobaad mudo ku dhow, aad baan u shakisanaa.

 

Waxaan kala garan waayey in wiilka iyo gabadhu ii heshiiyeen oo ay yihiin dad lacag raadis ah, oo ay isla af karteen inuu wiilku jecel iyo halaasi ii galo, oo ay u fekereen in la iga sad caleeyn karo, halkaasna ay iiga qaadi karaan qarashkii arooska ku bixi lahaa barkeyga, maadaama uu cadeystay oo uu yiri bar bixi, lana sheego in naago is aroosiyaan oo ay qarashka iska bixiyaan; iyo in wiilku gabadha xiriir la lahaan jiray oo uu ka maqlay dadka ay qaraabada yihiin, halkaasna emailkeeda gabdh kale u isticamaasho.

 

Intii labada magaca la igula xiriirayey waxaan dersay in luqada wax la iigu soo qorayo ay isku mid tahay ama isku dhowdahay, taasna waxey I sii kordhisay shakigii aan qabay, oo ah inuu wiilkani gabadha aad uga dhowaa oo uu ku sheeko bartay. Waxaan kaloo liqi waayey gabadhaas oon ku ogaa iney tahay wadaad oo ka sheekeyneysaa raaxeysi nimaneed iyo iney ilmaheedi dib ugu noqon weydey oo ninka ay dubai kula kulantay dartiis ay ilmaheedu ku ilaawdo, iyo ninka ay leedahay waan la noolahay oo asaguna xaaskiisii ku noqon la’ mudadaas dheer. Waa Sheeko aan marnaba qaadan waayey.

 

Waxaa ilaahey ii keenay amakaag, waxaan waqti u waayey shaqadeyda awgeed si aan arrinta ku baaro, waxaanse iska niyeystay war jiraaba asagaa cakaaro iman doono. Mudo ka dib ayaan is iri maad emailkii ugu horeeye oon ku aqaanay gabadha dumaasheyda ah, bal hal sadar ku qor oo u diro, iney emailadu is leeyihiin iyo in kale.

 

Waxaana ku iri abaayo waxaad ku mahadsantahay wiilka wanaagsan eed I bartay, laakiin waxaad ii sheegtay inuu passport leeyahay, mana laha laakiin wuxuu leeyahay Travel document. Laba maalmood ka dib ayey ii soo jawaabtay dumashidey, waxeyna igu tiri abaayo goormaan wiil ku baray. Markaas ayey sheekadii igu dhamaatay.

 

Waxaan weli la yaabay sida uu wiilkani ku ogaaday inaan is naqaano dumaasheyday, iyo sida uu magaceeda u isticmaalay iyo inuu naag kale adeegsay iyo xitaa sida uu ugu fekeray inaan ayada wax ka maqlidoono. Waa arrin u baahan baaritaan!!! Waxaan u diray email iyo text message wiilkii, waxaana ku iri aboowe hadda waan ku jeclahay oo waxba kama bedeli karto jeceylkeena wax kasta oo dhacay, waxaadse ii sheegtaa gabadha I kaa bartay midda ay tahay. Wuxuu ii cadeeyey inuu asagu magacaas isticmaalo oo markii loo diro email ay asaga ku soo noqoneyso, uuna rabay inuu igu barto.

 

Waxaan ka loo ogaaday emailkii kale ee naciima5 inuu asaguna isticmaalo haddii aan la xiriiri laha asaguna iska dhigi lahaa gabdhii kale ee uu yiri waa la tuntay, wixii uu ii sheegayna uu iigu soo celin lahaa si warku run isugu ekaado, uuna emailada kala duwan ku qaldo dumarka. Waxaa jirta inuu labo kale oo email oo magac rageed ah ubax iiga soo diray, malaha asagoon is ogeyn.

 

Waxaana iigu cajiibka badan sida uu u yaqaano sheeko naageedka, sida uu hadalka kaaga raadinayo, sida uu u jawaabayo, asagoo naag iska dhiga habdhaqankiisaba iyo sida uu u alifayo riwaayadda. Waxaad moodaa kuwa filimada jila.

 

Gebagebo

 

Akhristow inaan sheekadan dhabta ah soo qoro, waxaa igu kaliftay inaan Soomaalida uga digo ninkan iyo kuwa la mid ka ah, aniga oo uga cabsaday gabdhaha yar yar, aana jecleystay inaan gaarsiiyo sida wax loo qaldi karo gaar ahaan waalidiinta, khaas ahaan abayaasha iney la socdaan marka gabdhahoodu internetka ku sheekeysanayaan iyo cidda ay la haasaawayaan, anigu hadda ka hor ma ogeyn inuu paedophile ama Sex offenders/mongers ku jiraan Somalida.

 

Waxaan aad u soo xasuustay sida ninkani isugu dayey inuu safar iigeliyo Norway, haddii aan gabar yar ahay sow igama seed caleeyeen, waxaan ka loo soo xasuustay sida uu iigu adkeeyey inuu jirkeyga ka arko webcamka asaga oo leh ma seexan karo, haddii aad I jeceshay waxaan kaa codsado ii yeel anba waan kuu yeeli lahaaye, waxaa kaloo la yaab ah sida uu u isticmaalo emailo magac gabdheed ah oo uu marka hore dumarka ku dabo, marka danbana uu isaga dhagayo ninkii la baray gabadha, asaga oo marka hore aad isugu amaana marka uu isticmaalaya emailka magac gabdheedka.

 

Waxaa weli la yaab ah igu ninkaas marna naagta iska dhigayey, marna nin magacyo badan isticmaala ahaa, inuu weli isla sax sanyahay oo uu leeleeyahay waxaan been kaaga sheegay magaca gabdha aan isticmaalay oo keliya, dadku been waa isku sheegaan waana ka heshiiyaan ee aan isla xirrirno, oo si naxariis leh ii cafi, ha ila mid noqone. Taas jawaabteeda iyo wixii laga yeeli lahaa akhristayaasha ayaan u deynayaa!!

 

Hore ayaan qormooyin ugu sheegay in qurbaha laga bartay dhaqamo kala duwan, loona isticmaali doona dhexdeena, ayna ka iman doonto cultural shock.

 

Marka waalidiintu waa iney taxadar xoog leh siiyaan ilmahooda, oo laga yaabo isticmaalka internetka (MSNka iyo PALTALK) iney qatardeeda wadato oo ay ku dhici karaan dabinka dadka lagu sheego Paedeophills, sex mongers ama sex offenders.

 

Sheekadu waa dheer tahay oo Buug ayaa laga qori karaa, laakiin waan soo gaabiyey si aysan akhristayaasha qormooyinkeyga jecel u dareemin niyad u heyna la'aan aan sheekadan (boring). Asaxaabta qaar ayaa iswediin doonta, maxaa ku kalifay iney ilaa xaadkaas sheekadu gaarto, laakiin waxaan rabay inaan ka jiba gaaro waxa ay u dan leeyihiin gabadha aan xushmadda weyn u hayey ee wax i bartay iyo wiilka la I baray waxa daba joogaan. Ma lacag raadis baa? Ma dan kale ayey leeyihiin? Waa arrin u baahan in laga dabo tago waxa ay ku dhamaan doonto, waayo anigu dumar saaxibo ah ma lihi, kuwa aan shaqo isugu nimaano mooyee.

 

Wa Bilaahi towfiiq

Dahabo Isse

DahaboDowlo@aol.com

 

Source: GedoNet

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

J, Saaxib xaasid baad tahay. Waad I dishay oo wan indha biilay :(

I was waiting for the juicy bits in the story. Four thousand words and not even a single striptease by the heroine of this story? She worked out the trick before anything bad happened to her? :mad:

 

An everyday story of MSN and PALTALK! :D

 

**Wonders why non of this naïve women come his way **

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this