Sign in to follow this  
Hunguri

Abtigiis Tolka V Hunguri (an open debate in Somali, its for all SOL members)

Recommended Posts

Hunguri   

Bismillahi Rahmani Rahiim,

 

Waxaan thread-kan u furay, dadka dhaqqan-ka Somaliga ee dhabta ah iyo Dooda huffan iyo kaftankii ama haasaawihii Somalidu dhaqqan u lahayd wax ka garanaya. Waxaay dulucdani ku socotaa ninka la yidhaahdo A&T. Somalidu waxay ku maahmaahdaa.

 

Sadex nin lalama doodo:

 

(1)Rabbi ma yaqqaan

(2)Rag ma yaqqaan

(3)Run ma yaqqaan

 

A&T waa Rabbi yaqaan, oo waa nin Somali ah oo Muslim ah. Laakiin, waa (Rag ma yaqaan) Taasna, waxaa kuu caddanaysa. Waligay ma arag intaan jiray, nin Qoodh iyo Xeraale ah, ama dhaqqan-ka iyo sharafta Somaliyeed yaqaana, oo intuu Dood ama duluc dhan furto:

 

(1)Rag ku habaara

 

(2)Xididnimo, iyo Kalgacal sharaf iyo naamuus ku dheehan yahay oo Rag iyo Haween u dhexeeya, maxfal ama shir kaga sheekkeeya

 

(3) Haween marwooyin ah, waaba haddeey run tahay siduu hadalka u dhigaye, intuu duluc u furto ka hadla, iyadoon loo dirsan, ragna hadalku halkaa ka joogin.

 

Hadaba, anigu Hunguri ahaan. Hadalkayga iyo Haasawahaygu ma dhaafsiisnayn inaan A&T ku sheegay, nin wax u dhimanyihiin ama waalan ama yare laga fiicanyahay. Somalidu waxay ku maahmaahdaa:

 

"Hadal nin wayn ka dhacay, waa Geed Qolofi ka dhacday"

 

Anigoo, marnaba Hiddaha iyo dhaqqanka Somaliyeed dhaafin. Ayaan, waxaan hadalkayga u yeelay summad. Laakiin, A&T nasiib xumo tuu keenaaba tii kale kasii daran. Waxaan, hadalkayga kusoo koobayaa. A&T 2 suaalood ka jawaab.

 

(1) Maxaa kugu kallifay inaad Thread ama Duluc dhan intaad furitid aad nin Qoodh iyo Xeraale ah oo waliba nool ku habaartid

 

(2) Maxaa kugu kallifay sheeg-sheega ama sheekkada aan laguu dirsan, oo ah xidid ama Gacal uu sharaf iyo naamuus ku dheehanyahay oo 2 Ardaa oo Somali ah u dhexeeyey.

 

Gabgabo:-

 

Waxaan, hadalkayga kusoo koobayaa. Labo ama 2 Geerida ayay ku roontahay:

 

(1) Wanka Wayn ee xerada reerka ugu jira

 

(2)Doqqonta Fiirada taqqaan

 

 

Hunguri!

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Haahay. Sax. Add iyo aad. Xaga ka wad. Lakin Jamaal iyo qaar kale la laalooshay yaanay ku gaadin, saaxib.

 

** Sits back sucking on his tooth pick and giving A&T accusing looks **

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Hunguri, cunaha la seexo AT&T sidii rati la dabrayo, laakin ratigu mar buu baxsadaa yuusan ku hardin wuu haraati kululyahay AT&T

 

qonof iyo sinsaaro la iskula galangalan doono ayaan u jeedaa, lootadu wey danbeyn,

 

 

hobseydka ha la iska ilaaliyo laakin

Share this post


Link to post
Share on other sites

^LOL

 

Waxaan ma garbaa mase waa dagaal waxa udhaxeeya nimankaan?

 

Garta yaa dhaxdhaxaad ka ah, ma NGonge?

 

Ninkii garta laga helo maxaa xaala laka qaadi?

 

Gabdhaha SOL kuwee xaal loo bixiin doonaa? ma AT&T eedadiisa mase Hunguri ina adeertiisa?

 

Hadii AT&T eedadiisa xaal oo qaato yaa lasiinayaa? Ma Jamaal1 mase Koorabuunshe?

 

AT&T hadii gabar uu kuhelo xaal malaku Aamini karaa isaga mase nuune baa iska leh?

 

Su'alaah baa kahoreeya garta shekaadan dhan horta :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Waxay noqon lahaydba Hunguri banaanka ayuu is keenay hadda waxaan ka yaabi in bakoorada ku dhacda uu sanado ka soo kaban kari waayo

 

hunguri ayaan kolkan la jiraa ,,, bal aan aragno hadduu A&T iska dhicin karo ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

A&T markaas oo kele wuu dhuuntaa oo todoba cisho lama arko.

 

Hunguri wuu hadlay gartiisiina wuu dhiibtay laakiin bal odaygii A&T ahaa ha la arko halka uu ka fad kudiyo kolayba wuxuu odhan doona waa la ii tashaday oo waa la isugu kay tegeyaa e.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Hunguri, gartey. Anigu idin ka dhex baxaye kala gar baxa.

 

PS: Anigu dooda ku ma degdegi ee maslaxada ayaan ku degdegaa. Haddii maslaxo la waayo se, aduunbaa baa ba'ay - taan dhigo ayaa dhaka-faar keeni doonta. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this