Sign in to follow this  
Hunguri

Abtigiis Tolka V Hunguri (an open debate in Somali, its for all SOL members)

Recommended Posts

Kamaavi   

Gogoshii dhaneyd ee reeruhu dhigteen Ina Godane( sorry I mean Ngonge :D ) ayaa raba inuu isku qarxiyo. Warar hoosaad xalay soo gaaray gudiga gogosha u fadhiyey ayaa sheegaya in markii hore loo jeeday A&T balse hadda la rabo in odey Xiin lala kaco.

 

Nin kuu digay kuma dilin kolka Xiin waxan kula talin lahaa inuuna gogoshaas isku garab marin aan ka ahayn kolba ninkii af duuban qoorta ha ku dhago waa kii loo soo diraye.... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Bismilaahi raxmaani raxiim,

Asaalamu calaykum,

Wa salaatu wa salaamu calaa ashrafil mursaliin, AMA BACDI....

 

Waxaan ka cudur daaranayaa inaan ka raagay imaanshaha gogosha maadaama aan ku maqnaa hawl culus oo ah nin Afghani ah oo saaxiib nahay oo xaaskiisu diiday in wax nin ah oo gynocologist ah uu eego, dhakhtar naag ahna aanu wayney ilaa shalay! Kolkaa raali hala ahaado.

 

Cabashada walaalkay DHUUNI waxay ku soo ururaysaa laba qodob:

 

1- Maxaad u habaartya nin aan dhiman

 

Taas waxaan kaga jawaabayaa laba siyaabood. Mid waxaa weeye ma habaarin'e xogsi ayaan waday, wayna caddahay oo calaamtu su'aal ayaa saarayed su'aashaasha aan ku warsanayey in Koora dhintay iyo in kale.

 

Ta labaad, xitaa haddii aan habbaaray, waxay ila tahay in aad ku xad-gudubtay odhaahdii aheyd "Af jooga looma adeego". Kolkaa taas halkaa ayaan ka baxayaa. Haddii sidii reerihii aan u hadlana "igama xigtid Koora".

 

2- Maxaad uga sheekaysay xidid dad ah oo namuus ka dhaxeeyo?

 

Wixii wanaag iyo abaal ah in laga sheekeeyo waa mid diiniyan la ina faray. Wixii xumaan ah in laga sheekeeyo ayaa reeban. Kolkaa anigu sida wanaagsan ee reer-makhiir ay haweenka baahan ka yeelaan ayaan ka dhawaajiyey ee cidna ma caayin. Haddii sida dadka qaarkood aan odhan lahaa "nimankan dawada expire'ka isticmaalaa yayna na sumayn" ayey ahayd in aad ii qabsato xumaan sheeg!

 

Tu saddexaad ood iiga cabbatay halkan ayaa ah in aana aheyn rag aqoon. Waxaan qabaa inaan ku kala gadhisnaan karo sida aan u naqaan raganimo. Geesi ma waxaa ah nin intuu qorri qaatay geel boobay, mise nin 25 jir ah oo islaan 40 jir ah oo biya'heedii gudhsatay ula soo baxay oo yidhi "yeeli maaye ceelku wuu gudhaye, anigaa maaxsan". Anigu waxaan geesinimo aheyn reer-makiir kuma sheegin!

 

Ninka threadkan "uunsi iyo luuban ha na loo shiddo leh" waa la arkaa. Meel-san joognimadaa unbaan anigu inaan amaano doorbiday.

 

MS DD, maxaa loogu diidi inay garta gasho? Miyeyna aheyn gabadh soomaliyeed oo taladda wax ku leh? Aniga xaggayga waa ka ansax.

 

Anigoo og in Puntlander yahay ninka noo gar qaadaya ayaan hadaana arkaa in aqiirka aan ka gar heli doono ninkan leh abaalkaygii maxaa loo sheegay!!

 

Ngonge,

 

I will speak to you in English for we all know you will understand nothing I said above. Is it fair for Mr. Rapacious to pillory me for praising the courageous makhiiri's who have improvised on how to make an extended use of an expired drugs? Don't I have the right to promote best practices and innovations?

 

On a different note, I was surprised that the SOL censorship mechanism did not actually catch the tribe name "good news something" like it did with others! Is this linked to the benign nature of the owners of the name? Or is it that only warrior-like tribe names are censored? Explanations please.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bismilaahi raxmaani raxiim,

Asaalamu calaykum,

Wa salaatu wa salaamu calaa ashrafil mursaliin, AMA BACDI....

lol, it is not AMA BACDI but AMA BACDU

 

Asalaamu Alaykum iyo Wasalaatu Wasalaamu-na isma raacaan sxb loool

 

A&T Sheek ayaan umaleen jiray kawaran

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Originally posted by Abtigiis & Tolka:

Ngonge,

 

I will speak to you in English for we all know you will understand nothing I said above. Is it fair for Mr. Rapacious to pillory me for praising the courageous makhiiri's who have improvised on how to make an extended use of an expired drugs? Don't I have the right to promote best practices and innovations?

 

On a different note, I was surprised that the SOL censorship mechanism did not actually catch the tribe name "good news something" like it did with others! Is this linked to the benign nature of the owners of the name? Or is it that only warrior-like tribe names are censored? Explanations please.

Firstly, I understood every word you wrote there warya (I watch Universal TV these days you know).

 

Secondly, do not seek confirmation or support from me when you had the audacity to defend tea-making Ms DD yet not the one that got sent to the Shiisha place! I may not be as pretty as the said lady but I can assure you that my testosterone producing equipment are as large as the entire city of Dhagaxbuur. Xiin aya hore offsidkan galay, adna ma ku biirtay? A man of a wilder temper than mine would be swearing by now.

 

Hunguri, saaxiibka caught the bait. Now do you have the legendary Makhiri skill of dragging him out of the water still kicking and fighting or has too long qurbo joog made you impatient and rusty? Wad haysa ha sii diin...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

I refuse to speak ill of the said lady who has been kind to me throughout. She has consistently proved that her wisdom is not only confined to acronyms and under-wrap issues.

 

About you, it was an oversight and I wish to register my displeaure with Xinn's summary dismissal of you. I agree with him the weight of the issues discussed here (a Somali gar issue) might be a bit too advanced to grasp, but with consistent translations from me, I think you can add some useful insights. Your Arab experience is particluary relevant in this issue. So, for me, you should stay as a member of the jury, your diabolical tendencies notwithstanding.

 

Xinnfanin is a strange man, saaxib. He might use this opportunity to get back at me after recent skirmishes, but the loss will be two-ways. If he convicts me, it will only show how petty he is! I wouldn't envy his position on this issue.

 

MS DD, I thank you for the enouragements and will take all the advices you sent me in PM.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Originally posted by Abtigiis & Tolka:

Bismilaahi raxmaani raxiim,

 

Asaalamu calaykum,

Wa salaatu wa salaamu calaa ashrafil mursaliin, AMA BACDI....

 

Waxaan ka cudur daaranayaa inaan ka raagay imaanshaha gogosha maadaama aan ku maqnaa hawl culus oo ah nin Afghani ah oo saaxiib nahay oo xaaskiisu diiday in wax nin ah oo gynocologist ah uu eego, dhakhtar naag ahna aanu wayney ilaa shalay! Kolkaa raali hala ahaado.

 

Cabashada walaalkay DHUUNI waxay ku soo ururaysaa laba qodob:

 

1- Maxaad u habaartya nin aan dhiman

 

 

2- Maxaad uga sheekaysay xidid dad ah oo namuus ka dhaxeeyo?

 

 

W/salaam, marka hore aan kalmada kuu saxee waxa weeye ( Amma bacad, ama wa'bacad). Marka, 2aa inta aanan hadalkaaga ka jawaabin. Maxaa keenay, inaad nin saaxiibkaa ah, oo xaaskiisu ummulaysay. Walibana, loo waayay DR ka ummuliya, ama ruux Haween ah oo sharafleh oo ka ummulisa. Maxaa keenay, inaad sirta iyo anshaxa ruux dummar ah oo ummulaysa aad maxfal ama shir kaga sheekaysid. Haweenku, ama Afghani ha noqdeen ama American ama English ama Somaliba. Dhamaantood, waxay mudanyihiin ixtiraam iyo sharaf siyaado ah. Adiguna, waxaad ogaataa ineey hooyo ku dhashay. Oo waliba sidaa ninkaa Afghani-ga ah xaaskiisu u dhalaysay laguu dhalay. Almuhim, waxaan hadalkayga kusoo koobayaa. Waxaa tahay, nin aan Haasaawena aqqoon, Ragna la xaajoon karin. Sababtoo ah, sheekkooyinkaagu ma dhaafsiisna :

 

(1) Nin iyo naag baa is guursaday oo sidaas ayay u sheekeeystaan ama u macaamilaan.

 

(2) Alla hoogayeey ( Koora-Tuunshe ayaa dhintay, Alla hoogayeey ma isagii baa ) ??????????? Waa sidii aad hadalka u qortay, waayo calaama suaashu way ku jirtay

 

PS:-

 

Somalidu, waxay ku maahmaahdaa "Mayd maxaa u danbeeyey, kaa lasii sido"

 

Maanta, waxaad keentay inaad ka sheekaysid. Marwo sharafleh ummulnimadeedii ama Hooyo sharafleh oo ummulaysay. Walibana, nin saaxiibkaa ah xaaskiisa.

 

Gabo-Gabo:

 

Dhamaan xubnaha SOL waxaan u sheegayaa. Aniga, iyo ninkaas A&T wixii hadda ka danbeeya. Inaanan isku meel joogin, iskuna darajo ahayn. Waayo, nin Dumarka sharafta leh, oo ay ku jiraan ( Hooyooyinka, Walaalaha, Habaryaraha, Eedooyinka, Ayeeyoyin, Dumaashi iyo Xidid ama Gacal) wax u dhimaya, walibana duraya. Kaasoo kale, wallaahi waan dhaartaye inaanu Kaftan iyo haasaawe toona u gayyin amaba u qalmin. Taasoo jirtana, wali si sharafleh ugamaad jawaabin suaalahaan ku waydiiyey. Markaa adeer, Caana Shaahaaga iska cab. Caawa markay cad-ceedu dhacdana iska caga maydho. Waxaadna hubisaa inaad cadaygaaga ama rummaygaagaa gacanta ku haysatid.

 

Nabaday!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hunguri waad ku saxan tahay inaad odayga u cadeyso in waxyaabaha qaarkood ku wanaagsan yihiin inaan banaanka lasoo dhigin, i.e., qofta dumarka ah iyo xaalkeeda xaasaasiga ah. Waxaa ku fileyd dul mar, cadeynaya cududaarka sababta uu usoo daahay. Waar ragoow, dee, wax ha la isku falo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Aniga, halkaas ayay igaga egtahay. Wixii hadda ka danbeeya. Waxan sugayaa dadka afkaartooda. Ngonge, saaxiib I rested my case, and can't engage any more debate with A&T for we dont debate in the same frequency. His thoughts and jokes are limitted to the internal affairs of a husband and wife, or a decent woman suffering from the pain of the labor. Hence, all I will remain immune to his Cantara-Baqqash!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ms DD   

A&T

Adigoo ku mahadsan for comments, I must make one thing clear. Alla igu oge, waan soomanahay, I never sent you a pm with advice or wax kaleba. Taasi waa meel.

 

Teeda kale, the ettiquite of our deen demands to give naseeha to the brother in private, which is what I think Hunguri should have done.

 

That being said... Anigu waan ka baxay halkaan.

 

Ngonge

Adigu cabaad badnidaa :D . You saying "waad heysaa ha si deyn"..what did u expect? Diradiraale waaxid.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Hunguri,

 

Kuma saxnid inaad gar dhigato, iyadoon la goynna aad kabahaaga sii qaadatid.

 

Qof laga sheekeeyey ma jiro, wax ceebaal ahna ma aha in la sheego arrin adag oo qof ku dhacday. Haddii la yidhaa ha la sii baadhbaadhana waxayba noqonaysaa amaan qof diiday inuu nin ka umuliyo.

 

Waxay u muuqataa inaad go'aansatay inaad geedwalba isku xoqdo si aad u abuurto sawir ah in wax xun aan ka sheekeeyey. Waxaanad ku xisaabtamaysaa in sheekooyin hore (fiction) ahaa oon meesha ku qori jiray ay ku caawiyaan si sawirka aad bixinayso ummadda SOL ugu sawirmo.

 

Anigu horta dadka kaluunka cunna waxaan u haystay dad cold-blooded ah oon durba neef-tuurin.

 

Arinkii meesha yaalayna waad ka baxday kadib markii wax aad sheegto aad wayday. Wuu waalan yahay iyo waxaasina kuma wadayaan'e, islaamahaan ku soo dhirigalinaya ee ku leh "kac naga celi ninka nacaayey" intaad meel iska dhigtid si raganimo ah u gar qaado.

 

Xabashidaa ku maahmaahda " ka aahiyaa gaar ya waaleech gidher, fas lamdaa timataalech" oo macnaheedu yahay "qaalintii ku lug xidhata dameero, dhuuso ayey soo barataa". Kolkaad ka baxdid SOL, ma islaamaa ayaad warbixin kala qaadataan waa maxay waxanoo habaar iyo hokh ihi??

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this