Sign in to follow this  
Hunguri

Abtigiis Tolka V Hunguri (an open debate in Somali, its for all SOL members)

Recommended Posts

Zinki   

Originally posted by Hunguri:

Laakiin, waa (Rag ma yaqaan) Taasna, waxaa kuu caddanaysa.

Ninkan AT& T ah ma aha xataa nin dumarka, let alone men. Anigaa arkay asagoo gabadh latirsanaya oo iyadana play-gareyso role-ka gentlemen-yada lagu yaqaanay.

 

Perhaps the boy needs help or maybe he is just after some attention.

 

In either case, he is classless.

 

Who is next?(Xaaji Zinki shall reside the case)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Jafe, waad ku mahadsantahay fekkerkaaga. Ragna, talo kama dhamaato. Oo raggii laxaadkiisii waa hadhsanyahay. Horaan, A&T ugu maahmaahay. Oo waxaan idhi, Rag waxa u liita:

 

(1) Rabbi ma yaqqaan ( Alxamdu lillaah isagu waa nin Muslim ah oo Somali ah )

 

(2) Rag ma yaqqaan ( Tani waaku caddahay, oo waayo ilaa iyo markii Haasawaha aanu bilawnay, wuxuu ka bixi waayay Haweenka sheekadooda iyo hadallo aan hubsiimo loo dhan

 

(3) Run ma yaqqaan ( Tanina, waaku caddaatay. Oo meesha sida ku qoran ( MSDD ayuu been ka sheegoo yidhi, PM ayay iisoo dirtay. MSDD-na arrinkaa iyadoo sooman oo aan been sheegayn ayay hadalkii isaga kusoo koobtay.

 

Marka, ( Rag ma yaqqaanoow, Run ma yaqqaanoow, 2-deena adigaa hadalka iyo hannaanka caydh ama sabool ka ah) Jabkaaga iska qiro. Adigaa, Hunguri xeradiisii soo galaye :--------

 

NB:-

 

Markan oo kale ayaan qoslaa :D:D:D:D:D

 

Waa dhameeyey !!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Lol@ dadka kaluunka cuna. War heedhe kaluunka inuu yahey shey qaali ah soo maba dareensanid?

Nin reer Maakhiri oo caan ahaa ayaa hadda ka hor tixdan oo aan ka soo amaahdey gabay uu tiriyey.

Badda Saylac Saaxiyo Berbera tan iyo Seyhaaba

Waxa sare iyo hoos ku jira waa sareedada'e

Soomaali baan garan intey silic ku nooleyde

 

Laakiin sheeka kalaa jirta aan doonayo inaan sawir kaa siiyo maxaa yeeley xoogaa waad ka caqli gaabisey hilibka geela oo ay aad u cunaan oo sheekadu aysan ku ekeen kaluun keliya ileen waa tii la yiri Awrkii Cirkay sahanshadeen goortii wixii geel Galbeed iyo Bari yaaley ay gacanta ku dhigeen kadibna dareersadeen.

Bal tixdaan gabay kaga tusaaleyso.

* Ma taraarihii faraska baan tooyo ku xabbaadhey

* Togoxroor miyaa loogu qalay qaalin talalaysa

* Intaan qaybsigii tegin miyaa lay tusmo hagaajey

* Ma labaatan baa lay tirshoon hore u taataantay

* Ma tigaadii gebi bay cuntoo gaawe laga tuujey

* Ma turraa ku qooqoo hadduu goojo wada tiicey

* Ma ahaatey taan doonayiyo tabalahaygiiye

* Geel maalin baa lagu tabcaa tiginkii maw dhaabay

* Nin tollaa badhaadhee maxaa toogo lay qumiyeyAfdhaal.

 

 

Sheekada intaa kuma koobna ee dhacdooyin baddan oo ku saabsan mida hada idinku danbeysa iyo marxalado ay soo mareen reer tolkaa ee Sanaag iyo Bari baa jirta sida tixdan ay muujineyso.

 

Ciddoo dhagax labaasood fadhida col uma dhuumeene.

Dhalinyarada kaan dhiiri bido kama dhud siibeene.

Sabay iyo dhugtire guurihii godol ma dhaafeene.

Guban hoose uma dhaadhaceen dhamaca jiilaale.

Hadba dhiraha uma sii korneen dhuley u soofsheene.

*********** kama dhaariyeen dheelimada fiide.

Xagaa dhacaya kama soo dhufteen dhalanka xeebeede.

Waxa suunta laga dhaamiyaa dhaban madoobaha'e.

Dhukublow dameer looma raro dhulaanu gaadhayne.

Seexaari loogama dhergiyo cidaha kuu dhowe.

Abid baannu Dhoorey niqiin geel si loo dhaca'e.

Dhuurdhuurriskaa laguma helo Dheeho iyo Laane.

Ama naga dhacsada waynagii dhaar isku ogeyne.

Ama toga ka dheelmada xil waa lala dhuuyaalaaye.

 

 

Afdhaal oo ahaa nin dagaal yahan godob baddana ka galey reero baddan oo deriska ah sida caadada u ah dhaqanka reer guuraaga ah, waxaa dhacdey in reer aan ku lug leheen arritan dhex martey Afdhaal iyo colkiisa wada socdo iyo qolodii uu duulaanka ku ahaa ay markaa saameyso:

 

* Xisaab baa Afdhaal iyo u tiil xaajiguu dhacaye

* Xilo iyo waxay kala hayeen xiito iyo laane

* Waa tuu la xeeb marey horweyn oo xalaashadaye

* Isagaa xiniinyiyo mudnaa inaad is xoogtaane

* Waxa aniga laysoo xadaa waa xafiil Li'iye

* Xinjiruhu intey nabad yihiin xaqa ha lay siiyo.

 

 

----

Markaa intaa waa iga yar iftiimis. Dooda adi iyo Hungurina meesha ka sii wada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Xaaji zinki wuu mahadsan yahay, because classless is what suits me. I am not an elite. I Don't feel I should discriminate between men and women. In that regard, some might have used the term 'progressive' as oppossed to claseless.

 

If what you just said was to come from, for example, intelligent girls such as MS DD, MALIKA, VAL or even the agnostic NAden, I would have felt compelled to prove them otherwise. But I don't see the urge to do so in this case, no offence intended.

 

Hunguri,

 

Don't be the judge and the jury saaxib. Make your point and wait for the verdict of SOLers.

 

As to you laughing off your stomach, I don't have to panic or look for new armour whenever you do so, for I am not sure if it has anything to do with our discussion here. It could be an old lady has just winked at you!

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Hunguri, ninkani nin rag yaqaan ah maba ahan waxaa ka muuqata maangaabnimada lagu yiqiin iyo hablaha oo ay si xun ula dhaqmaan.

I'll advise that you let it go.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ Jamaal, In my first post, in page one, I said "Hobseydka ha la iska ilaaliyo"

 

 

Hobseydya badan ayaa la dhax galay.

 

 

Khalaas

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

nuune, shib inoo dheh ha isku xiiqaane. Anagu waxaan ka nahay goobjoog un. Eexna geli meyno midkoodna la safan meyno, Insha-allaah.

 

Che, waxan u 'edit' gareey, kala joogadu mar baa laga fiican yahay. Kala baxaan leeyahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Waraa Nassir aan rabaa in dhulka la dhigo ,,, :D

 

( thread cusub Doodwadaag ha laga furo, akhyaarta, tani way dhiiqowday) icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Zinki   

Originally posted by Abtigiis & Tolka:

Xaaji zinki wuu mahadsan yahay, because classless is what suits me. I am not an elite. I Don't feel I should discriminate between men and women. In that regard, some might have used the term 'progressive' as oppossed to claseless.

 

Ah! Ofcourse you are not an elite but when you say that you do not discriminate between men and women,am afraid i have to disagree with you here.

 

Never have i seen a day adigoo nin rag ah la nacnacleenayo but on the other hand,its like gabdhaha inaad la jaqjaqleeso a some-what noble cause for you and hence the ''progressiveness'' from your part,if that is any progress!

 

All in all again,waano abuur baa ka horeesay!

 

Finally,its never too late to apologize to the women-sisters whom you have wronged and lied about; and then,only then can you be legitimate enough as to inaad raga la shaaxsato!

Share this post


Link to post
Share on other sites

...markaasuu soo galay,mise shaah ma yaal, NGONGE oo buurigii soo cabayna waa dhex fadhiyyaa.Fariisuu maagay mise magaadkii iyo tubaakadii nuune saliga agtiisa ku illoobay baa meesha waran. MS DD buu u dhawaaqay mise afur bay doonatay. JB oo booskii MS DD ka kacday u iljabinayya baa halkeer kasoo jeeda

 

iska fariisay, asagoo shaah ku dhufan

 

Maah-maah: garta bahasha la yiraahdo waxaa bi'iyya nin wax ka mida ka saara, iyo kan waxaan ku jirin ku dara. waa qodob.

 

Qodobka labaad. waxaan laga garramin ma jiraan. somalidu xatta waxay u garnaqeen laba laamood oo sinnaa, oo markey baxeeen midi toostay,midina qaloocatay. Oday reer Mudugh ah baa gartaa naqay,wuxuu eedii saaray dabaysha. iyadaa ka mas'uul buu odogu go'aamiyey :D

 

Qodobka sadexeed. nin maqaayad shaah ka cabbayya oo markaa damcay ragga inuu u warramo baa asagii war la siiyey, waxaa la yiri hebelow wiilkaagi curadka ahaa maantay rag bay garrameen. gartiinna waa laga helay.

 

wuxuu yiri, halaga helee ma qaatay. saa la yiri, haa. Nin raga ah weeyye buu yiri.

 

war maxaa haray? mise waa fasiraa, oo weliba Hunguri waa rer bariyye, wiilka galbeedka ka yimid fasir ma u baahanyahay?

 

ps JB--iiga iljabiyey maaha kan, hargeysaawiga ah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this