Mooge

Farmaajo names Wadani Party member to top post

Recommended Posts

Mooge   

BAASHE-1.jpg

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Maxakamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, waxa uuna xilkaas u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa ka soo jeeda Somaliland, isagoo xilal ka soo qabtay.

Waxaa uu horaantii sanadkan loo magacaabay Agaasimaha Fulinta Xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani oo ka mid asxaabta siyaasadda Somaliland, hase ahaatee labo bilood kaddib ayuu iska casilay. Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo noqday Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqada Somaliland. Sidoo kale waxaa uu muddooyinkii u dambeeyay ahaa La Taliyaha dhanka Sharciga ee Guddiga doorashooyinka Qaran ee Madaxa banaan ee Soomaaliya.  Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed wuxuu shahaadada koowaad ee Jamacadda ka qaatay Jaamacadda Hargeysa, halka tan labaadna uu ka qaatay University of Hertfordshire, Hatfield oo ku taalla UK. Garyaqaan Baashe waxa uu hore usoo noqday La-taliye sharci, Bare Jaamacad, qarreen iyo cilmi baare sharci.

Muddo 10 sano ka badan ayuu kusoo jiray hawlaha Garsoorka iyo talo-bixinta sharciga. Waxay wada shaqeyn dhexmartay hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin USAID, UNDP, UN WOMEN, IRI, Mercy Corps, UNICEF iyo Wasaarado ka tirsan Dowladda Federaalka ah oo ay kamid tahay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyo hay’ado dowli ah iyo kuwa aan dowli ahayn oo ka dhisan Somaliland. Sidoo kale, Waxa uu muddo 8 sanadood ah xubin ka ahaa Ururka Isu-tagga Qareennada Somaliland.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

the highest position this man has held in SL was a short lived stint as Director General of Ministry of social affairs. now he leads one of reer Somalia's highest post. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Ma dhul itoobiya ka madax banaan yaa soomaaliya ku yaal?

Waa dalkii soomaliya laga dumiyay oo mucaarad dhan kusoo adeejiyay inay dhulkooda gubaan ama gooni u goostaan waxaana ku xirran jiritaankooda inay sidaa sameeyaan.

Beesha caalamka oo talada aan u dhiibanayna waa isku caqiido wayna la socdaan in cirriq naga dhaxeeyo

waxay u xireen koofiyadda cagaaran si ay arimahooda ugu fushadaan ayadoo dhaqaale iyo fudidynba la garab taagan.

Sidaa daraadeed ma jirto tuulo ilaa magaalo weyn oo aysan sirdoon ku lahayn dadka u shaqeeyana ma qarsadaan meelaha qaakood.

Snm waa adeegaha guud oo dhabtaa dadkuna intiisa badan aysan fahamsanayn, xataa kuwa wanaagsan oo ku nool waqooyi galbeed.

Waana tan keenaysa inay hal-hays ka dhigtaan mar walba nabarka ha iga damqin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

No wonder dying secessionist breed have zero mabda', cad hilib ($$) haddii loo tuuro orod ayee ku imaanayaan. Cajiib. Kan kii ka horeeyana few weeks ka kahor ayuu iska casilay jagadiisa in Hargeysa before he was appointed to Maxkamada Sare in Maajo, 2016. Same with this guy two years later as well. He knew he was being appointed, hence resigning from his post in last month.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Magacaabista mas'uul muhiim ah arrin sahlan ma'ahan.

Dadka kasoo tagaya maamulka snm, waa in dhaqan celin loo sameeyo intaan xil muhiim ah loo dhaarin aragtidayda, oo la baro faa'iidada ku jirta wadan midaysan inuu ka barako badan yahay daabiyado qabiil u oodan.

Sababta aan taas u leeyahay waxa weeye, ma sahlana qof aaminsanaa kala tagga umadda in loo aamino si fudud.

Waxaa jira dad wanaagsan oo wax ku ool ah kana soo jeeda waqooyi galbeed aaminsan midnimo iyo horumar, weligoodna u shaqayn jabhad iyo wax la mida, xaqna u leh inay isu sharaxaan madaxweyne ilaa mansib kastoo  muwaadin xaq u leeyahay kuwaas darajada koowaad ha la siiyo.

Midkii xilka laga qaaday shalay, wuxuu ku doodayaa xilka waxaa iga qaadi kara barlamaanka qayb ka mida, madaxweyne xil igama qaadi karo iyo wax la mida toonna.

Kow... shalay waxaa xilka lagaaga qaaday ilko-xanaf waxaana ku magacaabay madaxweynihii hore, see kii kaa horeeyay xil ka qaadistiisu sharci u noqotay, taaduna sharci daro?!!

wuxuu ku jawaabay ilka xanaf oday hawlgab ah ayuu noqday dastuurkaana ogol in odayaasha cid kastaa cayrin karto,

Ayadoo soomaalidu wada ogtahay in dastuurkii soomaalidu noqday bac-khafiifti islaamuhu ula baxeen hoogay,  oo ba'ay.

Maxuu dastuurku u cayrin waayay kuwa baarkamaaka ku jira oo sagaashanka kor u dhaafay, saraakiil iyo kuwo kalaba.?

Meeshaas waxaa kaaga soo baxaysa inuu ahaa, afmiishaar soo xoogsi tagay dadka iyo dalkana lugooyo ku hayay.

Hadduu nin wanaagsan yahay wuxuu sheegi lahaa waxa u qabsoomay intuu xilka hayay iyo waxa ka dhiman oo laga sugayo  kan cusub oo loogana fadhiyo, uguna duceeyo towfiiq.

Mar walba ha laga fiirsado shaqaalaha snm kasoo goosanaya, tijaabana ha looga dhigo mansib hoose marka hore iyo mid dhexe, inta laga ogaanayo caqiidadiisa, kartidiisa, hawl-kar nimadiisa iyo wadaniyadiisa intaba.

  • Thanks 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allah ha sahlo: It looks Farmaajo with help of Qatar  are planning 21 years rule, and removing any obstacles.

how can a guy never was a judge, becames the highest Justice officer in the country.

Share this post


Link to post
Share on other sites
2 hours ago, maakhiri1 said:

Allah ha sahlo: It looks Farmaajo with help of Qatar  are planning 21 years rule, and removing any obstacles.

how can a guy never was a judge, becames the highest Justice officer in the country.

The gossip is worst than that. Maybe some kinship involved. No idea how true or false.

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   
3 hours ago, maakhiri1 said:

Allah ha sahlo: It looks Farmaajo with help of Qatar  are planning 21 years rule, and removing any obstacles.

how can a guy never was a judge, becames the highest Justice officer in the country.

This new guy is deputy prime minister cousin that is how he got the job 

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   
41 minutes ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:
41 minutes ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Cadeyn?

Xisgasho abdi samatar

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.