Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. Hargeysa (Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa shalay gurigiisa ugu yeedhay Safiirka Itoobiya u fadhiya Hargaysa isaga oo ugu hanjabay inuu Dalka ka saari doono hadii aanay Dawladiisu cadayn waxay ka daba gurayso Xukuumadiisa cusub. Cadhada Madaxwaynuhu kula dhacay Safiirka waxay ka danbaysay markii ay waftigii Ingiriiska ee Dalka ka anbabaxay Daraad ee uu Hogaaminayay Safiirka ingiriiska u fadhiya Ethopia uu Madaxwaynaha soo gaadhsiiyay tuhuno ay Dawlada Itoobiya ka qabto Xukuumadiisa Cusub, isaga oo la kulmay Xubno ka tirsan Xukuumada Siilaanyo si uu u baadho eedaymaha ay Dawladiisu la daba taagan tahay Golaha Wasiirada Xubno ka mid ah. Sida ay wararku sheegayaan Madaxwaynahu waxa uu si adag ula hadlay Safiirka Itoobiya oo uu ka dalbaday inay Dawladiisu Sharaxaad ka bixiso sababta ay tuhunada iyo Eedaymaha ula daba socoto Xukuumadiisa, taasoo sida la sheegay uu Safiirkuna ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo. hasayeeshee Madaxwaynuhu wuxuu si adag oo ay ka muuqato diidmo uu ka biyo diiday dhaqdhaqaaqyada Itoobiya ay ku daba gurayso Xukuumadiisa ayuu ula hadlay Safiirka, taasoo gaadhay xad uu ugu hanjabay inuu Dalka ka eryi doono hadii aanay Dawladiisu ka dayn faro-galinta ay ku hayso Xukuumadiisa Cusub. Sida ay sheegeen warar ku dhaw dhaw kulanka ay labada dhinac wada yeesheen Shalay waxa circa ku sii shareeray Dalab ay Xukuumada Itoobiya kaga dalbanayso Madaxwayne siilanyo inuu Itoobiya ku tago, taasoo dhawr jeer oo hore uu ka muquurtay, balse hada ay cadaadis ku saarayaan inuu aqbalo si ay wax uga waydiiyaan arrimaha ay ka shakisan yihiin ee ku gedaaman Xukuumadiisa iyo tuhuno ay ka qabaan Gobolada Bari Sool iyo Sanaag kuwaasoo ay u arkaan inay Xukuumadu ka gaabisay Sugida Nabad-galyadooda, isla markaana ay u arkaan inay bar kulan u yihiin Kooxaha Xag jirka ah, iyada oo Itoobiya ka cabsi qabto inay goobahaasi yihiin Galgalada Somaliland. Sida la ogyahay waxa baryahaba isa soo tarayay wararka ka hadlaya in Itoobiya iyo Xukuumada cusub ee Somaliland aanay isku sanbanaanayn isla markaana ay Biyo hoostood iska hirdiyayaan, kuwaasoo labada dhinac midkoodna aanu ilaa hada si toos ah uga hadal.
  2. CL, i told you to send me a diary dee ..... miyaad dhego la'dahay ,, Ibti on a celebrity Magazine ..... come on it is Ramadan u know ,, lol
  3. Ciidama uu wato Gen. Ilka Jiir oo sii galay magaalada Galgala, iyo warar sheegaya in Ciidama Atam ay dib uga baxeen Galgala: Kadib markii ay ciidamada PIS tu lagala wareegay magaalada Galgala ayaa waxaa kasoo baxay magaalada Boosaaso ciidama badan oo uu wato Gen. Ilka Jiir ayaa waxay gaareen Galgala iyagoo aan khadka telefoonka la beegsaney ayuu wuxuu noo sheegay Genenku in ay magaalada sii galayaan, haseyeeshee ay xalay dagaalo ku qabsadeen maqribkii shalay kooxda Sh. Atam. Genenka ayaa inoo sheegay in aysan hada wax dagaal ah jirin oo socda magaalada gudaheeda, ay qolodii Atam aysan haatan joogin Galgala ay ciidamada Puntland ku suganyihiin. General Ilka jiir ayaa sheegay in ay doonayaan wada hadal lagu soo dhameeyo, maadaama ay howshan noqotey mid aad u jiidanta.
  4. a parking spot ?? ,, a good think about here is that you can park anywhere even in the middle of the laami ,,
  5. Ngonge has just missed a good opportunity .... I knew he is not good in this investment business ,,
  6. Morning CL ... I know. Fasting & working shorter hours is a bless plus we take the weekend before you do ,,
  7. I like him .............. Ilaahay ha u naxariisto.
  8. ^ ^ It is what you are lacking the capacity to understand ....
  9. Sidoo kale Horjooge Xasan Yacquub ayaa mamnuucay in wax ka badan 11 Rakco la tukado salaadda Taraawiixda ah ee lagu tukado masaajidada ku yaalla Magaalada Kismaayo Jaahilnimadu waa taas haddaba .............. Ilaahow na astur.
  10. Muridi has just got his perfect wife ,,,,
  11. Subax wanaagsan wixii noolow ,,,,,,,,,,, Last day of the week ..... I can smell the weekend.
  12. Xaalada GalGala iyo Ilka Jiir oo Ku sii jeeda Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ay bilaabeen ciidamada Puntland ee ku sugnaa togga Sugure iyo tuulada Galgala in ay dib uga soo gurteen si tartiib tartiib ah, inta ay kala soo baxayaan ciidamadooda ku sugan deegaanka Galgala oo in dhowaalahan uu dagaal kaga dhexeeyey Ciidamada Sheekh Maxamed Siciid ATam. Dadka socotada ah ee wada laamiga ah saaka soo maray ayaa sheegaya in lagu arkay geedaha Canjeelka ah ee tuulada Galgala ciidamo si raxanraxan ah u soconaya oo degaya geedaha hoostooda. Ka soo bixitaanka ciidamada Daraawiishta ee deegaanka Galgala ayaa loo tirinayaa in ay ka danbeysay kadib markii ay ku dayoobeen ciidamada Puntland weerarada gaadmada ah ee lala beegsanayo gaadiidka dagaalka iyo ciidamadooda oo dhimasho iyo dhawac intaba ka dhaxlay. Weerarada gaadmada ah ee Maxamed ATam uu ku hayo ciidamada Puntland ayaa 24 saac ee ugu danbeeyey waxaa lala beegsaday 2 gaari oo nooca tiknikada ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Puntland, waxaana qaraxii shalay ku dhintay Hal Askeri, qaar kalena waa ku dhaawacmeen. Waxaa sidoo kale weerar Miino saaka lagu qaaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo Punltnad ah ayaa dhaawac ka soo gaaray 8 isugu jira ciidamada Daraawiishta iyo kuwa PIS-ta, waxaana dhaawacyada la soo dhigay isbitaalka magaalada Boosaaso, halkaasoo lagu daaweynayo. Warar dheeraad ahina waxay sheegayaa in Gen Ilka Jiir uu Magaalada Bosaaso Cutub Ciidamo ah kala baxay isaga oo ku sii Jeeda Galgala, idaacadaha gudaha oo la xidhiidhay ayuu u sheegay in ay Haatan ku sii Jeedaan Galgala isla markaana wuxuu Walaac ka Muujiyay xaalada GalGala oo Meel sal dhigayn wayday. Gen Ilka Jiir ayaa Qiray in GalGala Habeenkii xalay ahaa ay Saacado Kooban kala wareegeen Garabkii Maxamed Atam in kastoo uu Cara baabay inay ay mar danbe Dib uga riixeen.
  13. SHEEKH MAXAMED SICIID ATTAM OO KULAALAYA DEGMADA GALGALA ISLAMARKANA LAGA YAABO IN UU QABSADO MAALMAHAN Wararka ka imanaya Deeganada ku dhow Magaaladda Galgala ayaa Waxay sheegayan in Saaka uu ka dhacay dagaal duleedka Magaaladda Galgala oo ay fooda isku dareen Ciidamada Ilaalada deegaan ee hogaamiyo Sheekh Maxamed Siciid Attam iyo Ciidamada Faroole iyo kuwa PIS-ta ee huwanta ah Waxaana Wararku sheegayan in halkaas lagaga gubay Gaadhi Tikniko ah Kooxda PISta oo ay ku dhinteen Afar Askari islamarkana ay ku dhaawacmeen ku dhawaad Lix Askari. Waxaa Maanta dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Galgala oo ay indhawaalba isku hor fadhiyeen Ciidamada Xaqu dirirka ee Ilaalada deeganka iyo kuwo Soo duulay ee Maamulka Faroole Waxaana lagu soo waramaya in Gaadhi tikniko ah laga gubay Kooxda Asha-haado la dirirk ah oo ay ku dhinteen Afar Askari Waxaana dhaawacyo kala duwan soo gaadhay Lix Askari waxaana loola cararay isbitaalka guud ee Magaaladda Boosaaso Ciidamada Ilaalada degaanka ee uu gadhwadeenka ka yahay Sheekh Maxamed Siciid Attam ayaa lagu soo waramaya in ay haatan ku laalayaan Hareeraha Degmada Galgala ee Gobolka Bari oo islamarkaana ay qabsan doonaan maalmahan fooda inagu soo haya kadib dagaalka uu halkaas Maanta kula galay Ciidamada Maamulka Faroole oo kaashaneya Kooxaha Sirdoonka Mareykanka ee looyaqaan PIS, yadoo ay Maanta. Dadka qaar baa is weydiinaya goorm ayuu dagaalkani dhacay oo la yaaban balse waxaa xusid mudan in Warbaahinta Puntland Afka laga xidhay oo aysan baahin karin Wararka ka dhanka ah Sheekh Maxamed Siciid Attam yadoo loogu goodiyay hadii ay faafiyaan wararkaas in Xadhig iyo Ganaax Lacageed la dul dhigi doona Waxaana Muuqata in ay aqbaleen Warbaahinta Puntland Hanjabada uga timi Maamulka Faroole. Waxaa Sidoo kale Xusid Mudan in ay Go'aan Mideysan ka qaateen Warbaahinta Deeganada Maakhir Dagaalada Ka socda Buuraha Galgala ee Gobolka Bari Waxayna si toosa isu garab taageen dagaalka uu Iclaamiyay Sheekh Maxamed Siciid yadooba la odhan karo Saxaafada Reer Maakhir Waxay markan qaateen doorkii looga baahna. Laasqoray.Net
  14. GalGala Dagaal Qadhaadh oo ka Socda Wararka ka imanaya Deegaanka Galgala aya sheegaya in Xalay Suxuurtii ka dib uu Dagaal qadhaadhe dhexmaray Ciidamada Ilaalinta Khayraadka iyo kuwa Maamulka Puntland ee doonaya inay Habeen Madow Gurtaan Macdanta Majiyahan ku Jirta, Warka ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu wali socdo isla markaana intii Badnayd ee Ciidamada PL ay Bananaka uga soobaxeen GalGala iyada oo aanay Wakhtigan GalGala ku Sugnayn Ciidamadii PL. Qof ka mid ah Saraakiisha Deegaanka ee Galbeedka Bari aya noo sheegay inuu Arkayay Laba Gaadhi oo Nooca dagaalka kuwaasi oo Qarax lala eegtay in kastoo uu Diiday inuu Faah Faahiyo Khasaaraha dhimashada ah ee soo Gaadhay Gaadiidkaasi. Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in Ciidamadii PISta ee Puntland Intelgent Service ay Guud ahaan soo Gaadheen Laamiga degmada Laag halkaasi oo ay dhufays culus ka xidheen. Magaalada Bosaso dadka ku sugani waxay sheegayaan in dhawaac Fara badan iyo la Geeyay Gudaha Rugaha Caafimaadka ee Bosaaso,waxana loo diiday Saxaafada inay Xog deheeraad ah arintaasi ka Ogaato. Saraakiisha Ciidamada PL Qaarkood ayaa Gaadhay Jiida Hore ee Laag iyo Ceel-Doofaar kuwaasi oo ay ka Mid ahaayeen kuwa Garoowe iyo Bosaso ka Boqoolay. Dhanka Ciidamada Deegaanka ee Gudoomiye Maxamed Atam ayaa la sheegay inay Saldhig wayn ka Samayteen Meelo badan oo ya ka Mid Yihiin la Helow iyo Madarshoon oo dib Looga Kiciyay PL. Puntland ayaa Bishii Julay,26- ee aan soo dhaafnay Gudaha u Gashay deegaanka GalGala ka Gadaal markii Ciidamada Maxamed Atam Taabacsan ay Sheegeen inay Xeelad dagaal Uga Gureen GalGala oo ay Horay Ugu Sugnaa. Taliyihii Guud ee Daraawiishta PL Tuuta Wayne ayaa is Casilay ka dib markii uu Guul daro wayn ka soo Hooyay Dagaalkii Galbeedka Bari, ilo lagu kalsooyahay ayaa sheegaya in Siciid Dheere loo Magcaabay Xilkaasi Bale uu diiday inuu qabto. Coll Gurya Cawl oo ka mid ahaa Ragii C/laahi Yuusuf La Tashan Jiray Wakhtigii uu Dagaalka Adag kula Jiray Jabhadii GBB-da ayaa la sheegay inuu Garoowe ku Sugan yahay kaasi oo la Filayo inuu Shilimaad ku qaato Hogaaminta Ciidamada PL. Gorya Cawl ayaa aad ula Shaqeeyay Gen Ilka Jiir Wakhtigii Doorashada Puntland uu Ugu Jiray Olalaha laakiin Gen-ka oo Marti Looga ahaa Dadka Xilalka Loo Magcaabayo markii Faroole Madaxwanimo Helay ayaan Liiska ku soo darayn Sarkaalkaasi taasina waxay Keentay inuu Cadhoodo oo Gaadho Dhooftinle oo uu ka soo Jeedo. GalGalanews
  15. DAGAAL MAANTA DIB UGA QARXAY BUURAHA GALGALA IYO WARAR KALA DUWAN OO KASAA BAXAAYA GOOBAHA DAGAALKA Buuraha Degmada qadiimiga ah ee Galgala ee Gobolka Bari isla markaana u dhow magaalada Bosaaso ayaa waxaa maanta uu dagaal ku dhexmaray Ciidamada Dawladda Puntland iyo kooxaha Buurahaasi ku jira oo uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Siciid Attam. Dagaalka oo ka dhacay Buurolayda Galgala ayaan war faah faahin ah laga ahayn cidda qaaday iyo khasaaraha ka dhashay iyo weliba natiijada laga dhaxlay dagaalka maanta oo ahaa mid dhacay saaka hiirtii Waaberi. Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaaya sida uu dagaalku kubilowday wararka qaar ayaa waxa ay sheegaayaan in dagaalka bilowday kadib markii ay saaka waaberigii fariisimada Ciidamada Puntland ay soo weerareen kooxaha dagaalka kaga jira Buuraha Galgala halka warar kale ay sheegaayaan in dagaalka ay saaka qaadeen Ciidamada Puntland. Xaddidista wararka dagaalka ayaa ka dambaysay kadib markii Dawladda Puntland ay gebi ahaanba ka mamnuucday warbaahinta in ay tebiso wararka qeexaaya dagaalada u dhexaaya Ciidamada Puntland iyo kooxaha dagaalka kula jiro ee kusugan Buuraha Galgala. Dhanka khasaaraha dagaalka ayaa sidoo kale waxaa kasoo baxaaya warar kala duwan hase yeeshee Magalada Bossaso ayaa waxaa lasoo gaarsiiyey tiro dhaawacyo inkastoo aan lahayn caddadooda kadib markii ay adkaatay raadinta wararka ku aadan dagaalka iyo khasaaraha ka dhasha. Dhaawacyada Bossaso la geeyey ayaa waxa ay yihiin dhinaca Ciidamada Puntland iyadoo aan war laga hayn khasaaraha dagaalka ka gaaray dhinaca kooxaha Buuraha ku jiira waxaana gebi ahaanba hakad ku jirta Isgaarsiinta goobaha ay dagaalada ka dheceen taasi oo inta badan la sheego in Dawladda Puntland ay shiradaha isgaarsiinta ku khasabtay jarista Isgaarsiinta goobaha uu dagaalka ka socdo iyadoo markii horeba uu maqalka meelahaasi aad u hooseeyey. Dagaalka Buuraha Galgala ee u dhexeeya Ciidamada Dawladda Puntland iyo kooxaha ku jira Buuraha Galgala ayaa waxa uu si toos ah halkaasi uga bilowday 26-dii bishii July iyadoo ilaa xilligaasna ay dagaaladu si xiriir ah uga socdeen Buuraha Galgala.
  16. Wasiirka Duulista iyo Hawada maamulka Puntland Axmed Cilmi Cisman(karaash) ayaa maanta lagu weeraray Magaalada Tukaraq, kadib markii booqasho ku tegay. Weerarkan lagu qaaday Wasiirka oo aad loo hadal hayo in uu ahaa shirqool uu ka danbeeyey Cabdi Halas Qawdhan Wasiir ku xigeenka maaliyadda ayaa wararku waxay sheegayaan inuu ku geeriyooday mid kamid ah ilaaladii la socotay Wasiirka Duulista iyo hawada, Halka mid kalena dhaawac kasoo gaadhay, Garaash iyo malayshiyo beeleed ayaa la sheegay inuu ka bilaabay wadada isku xidha Magaalooyinka Garoowe iyo Tukaraq safayn lagaga safaynayo kooxo dab ley ah oo Wadadaas dhigta isbaarooyin. kooxdaas oo inta badan gaadiidlayda u kala gooshta magaalooyinka Garoowe iyo laascaanood ka qaada lacag iyo hanti badan oo baad ah. Wasiirka ayaa markuu soo gaadhay magaalada Tukaraq lagu soo qaaday weerar, waxaana ku dhintay Marxuum kamid ahaa ilaalada Wasiirka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Cali Warsame iyadda oo malayshiyadda weerarka ku qaaday wasiirka la sheegay in ay gacansaar lee yihiin wasiir ku xigeenka maaliyadda C/halas Qawdhan, iyadda oo uu horena ugu dhigay shirqool kan la mid ah Garaad Jaamac Garaad Cali muddo haanata laga joogo sided bilood magaalada Tukaraq. Dhinaca kale waxaa guriga Garaad Saleebaan ee magaalada Garoowe maalmahan ka socday qorshe lagu magacaabayo sadexdii xubnood ee golaha wakiilada laga saaray , iyadda oo haatan uu socdo qorshe lagu magacaabayo sadex xubnood oo kala ah Caydiid Casoowe, Kayse Cawil Cali Boobe, iyo nin lagu magacaabo Cabdul. Xubnahan ayaa la sheegayaa in dhaqaale xoogan laga qaaday sidii ay ugu soo bixi lahaayeen golaha wakiilada, isku soo wada duuboo weerarka lagu qaaday wasiirka duulista ayaan ilaa haatan mamulka Garoowe wax war ah ka soo saarin.
  17. Then be careful next time (if there is next time) when u go to Burco .... Tell Norf, Ibti and others as well ,,,
  18. Until another tragedy, iska aamusnow
  19. Well, the court will decide about the issue. If Jama Yasin took the money personally for UDUB them it is him ,,,, if he signed it for UDUB then again it is him to be questioned. If he agrees the money is for the party then the party should manage to pay the damn money and stop the case.
  20. Let's talk about business Juxa ,,,,