
Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
Still Galgala?..I thought mighty PL vanquished those few boys
Jacaylbaro replied to Paragon's topic in Politics
You're as paranoid as a chicken with a bag tied to its legs. In Somali: Bac Baa Ku Xidhan ,,,, -
Laba Taliye oo Sare ayaa GalGala lagu dilay Wararka aanu ka helayo Magaalada GalGala ee Colaadu ka Ognayd Mudo Haatan Laga Joogo 2-Bilood ayay sheegayaan wararka Jiidaasi laga Helayaa in Xalay ABaara Saqdii dhex uu Dagaal Kulul dhexmaray Ciidamada Deegaanka ee uu Hogaamiyo Gudoomiye Maxamed Siciid Atam iyo Kuwa Taabasan Farool PISta, Ilka Jiir iyo C/Samad Cali Shire. Warka ayaa Tibaaxaya in Laba Taliye oo Ka Tirsanaa Ciidamada Dariishta ee Siciid Dheere Hogaaminayo Xalay ay ku Geeriyoodeen dagaalkaasi Labada dhinac dhexmaray. Qof Bosaaso nalaga soo xidhiidhay ayaa sheegaya in Labadaasi Taliye geeridooda la Xaqiijiyay Hase ahaatee waxa aan Noo suura Galin inaan Magacooda Helo Sababa la xidhiidha Dawlada oo diidan in Macluumaad dagaalkaasi laga ogaado. War aan isla La shaacin ayaa sheegaya in Wasiir Xigeenka AMniga C/Jamaal Cismaan Maxamed Ciidamo uu Horay u Geeyay GalGala uu dib uga soo celiyay sabab la xidhiidha Cadaadis Odayaasha Hayland kaga Yimi oo Dalbaday in Dhalintooda dib Loogu soo celiyo Caasimada Hayland ee Dhahar ka gadaal Shirarkii Maalmahan Socday. Xaalada ayaa wajiyo badan Yeelatay ka dib markii dheg Jalaq loo siin waayay Odayaasha Beesha Deegaanka oo dhowr Jeer baaq u diray PL inay Ciidamadeeda deegaanka kala soo Baxdo. Galgalanews
-
Bahashii way waalatay beryahan ,,,
-
The escalating war for control of what is left of Somalia, between the al-Shabab extremists and the African Union puppet “transitional federal government”, offers little hope of peaceful resolution. Al-Shabab is now deeply entrenched and, with the help of foreign jihadists, virtually controls all southern Somalia. However contentious, their viciously anti-feminist interpretation of fundamentalist Islam brooks no opposition and is consequently far from popular, even outlawing watching sports contests and football on television. More significantly, it also strikes at the roots of traditional Sufi Somali Islam with its cults of local and international, saints whose graves are now regularly desecrated. This is very much in the uncompromising spirit of Salafi Saudi Arabia which serves as al-Shabab’s model of correct Muslim behaviour and, more importantly, provides the money that feeds its Somali enthusiasts. It thus has a very strong grip on the impoverished young Somali males who constitute the principal foot soldiers carrying al-Shabab’s banner and are, in effect, mercenaries. Somali society is extremely fragmented along kinship lines and, to a degree most foreign observers fail to appreciate, lacking in political centralisation. The familiar African chiefs are largely absent in this highly individualistic world where the individual’s loyalties are a matter of competing blood-ties. Such bonds cut across membership of al-Shabab whose leaders, however, tend to belong to the ****** clan-family, based in central southern Somalia. The Somali historian Said Samatar aptly described their predecessors, the Union of Islamic courts, as a “fragile coalition of clans wrapped in an Islamic flag to look respectable”; al-Shabab similarly relies heavily on kinship ties to maintain solidarity and confront its enemies. The underlying loyalties here are, as is usual in the Somali world, fluid and readily subject to fission. External pressures, especially from non-Islamic sources, normally provoke internal solidarity. This, of course, is a major reason why external force, intended to replace al-Shabab by less extreme forms of Islam, will almost certainly fail. Indeed, radical change in the al-Shabab regime is only likely to be achieved by subtle internal initiatives and the problem would be how to design and implement these. The perceived oppressive character of al-Shabab provides abundant opportunities for currents of Somali disaffection to grow and multiply. A very important local factor will be the positive demonstration effect provided by the existence of the adjacent Somaliland Republic. Although largely officially ignored by the UN and OAU, this state based on the former British Somaliland Protectorate had initially joined Somalia, but in 1990, at the climax of the collapse of dictator Mohamed Siyad Barre’s brutal regime, broke away to reassert its independence. Despite being regarded in Somalia as a sort of phantom limb, with virtually no external help, this state has built itself up by a remarkable series of internal peace agreements and democratic consolidation to its current situation as a functioning democracy. This has been achieved by local self-help and without the massive international effort devoted, with such striking lack of success, to restoring governance in Somalia. Somaliland has just had its second successful presidential election (and changed president in a peaceful process validated by international observers). Its people are Somalis like their kinsfolk in Somalia, but by a judicious combination of traditional and modern politics, have successfully established a viable modern government and associated institutions. Despite internal and external pressures and with fewer economic resources than Somalia, these have demonstrated remarkable viability and have, so far, been blessed by an impressive degree of political stability. Its time now to learn from Somaliland’s success and see how to emulate it. Guardian Uk London
-
Reconciliation Conference for Somalia in Somaliland ??
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Qabanqaabada Shir Arrimaha Somalia Ah iyo Qorshaha Lala Damacsanyahay Somaliland Waxaa Magaalada Djibouti bishan September dhammaadkeeda 2010 ka dhici doona shir ay iskugu imanayaan Aqoon yahanno , Siyaasiyiin , iyo wax garad Somaliya oo ka kala imanaya adduunka. Shirkaas oo ay maal galinayaan Kuwait iyo Dawlado Carbeed waxyaalaha lagaga hadli doonaa waxaa kamida 4-tan qodob. 1 . in halkaa lagaga dhawaaqo in Dawladda Sheikh shariif fashilantay loona baahan yahay in Dawlad Cusub loo soo dhiso Somalia 2 . in dawladda cusub ee Somalia loo soo raro Somaliland, Somalilanders gacantana laga geliyo dawladda Somalia guud ahaanba 3 . in Caasimadda Somalia laga dhigo Hargeisa kadibna dhammaan Hay’adaha iyo Safaaradaha adduunka la dejiyo Somaliland 4 . kadib in Somaliland Caalamku dib ugu soo dhiso lacag dhan $ 600 oo milyan oo doolar Shirkan waxaa maal galinaya dawladaha Carbeed gaar ahaan dawladda Kuwait . Warar xogogogaal ah oo laga soo xigtay aqoon yahan ka qayb galaya shirkaasi wuxuu sheegay in qaban qaabada shirkaasi soo socday muddo dheer . Warar kale oo xogogaalihina waxay cadeeyeen in Dawlado kale oo Carbeed ay iskood u maalgalinayaan siyaasiyiin Somaaliyeed sidii xilka ay ugala wareegi lahaayeen Sheikh shariif. Ujeedada Shirkan oo ahayd ” Counter Strategic ” Qorshe ku wajahan doorashada Somaliland waxaa loogu talo galay in rayiga Caalamka lagu mashquuliyo si looga sii jeediyo Caalamka Ictiraafka Somaliland haddii doorasho xaq iyo xalaal ahi ka dhacdo Somaliland oo soo dhaweyn karta Ictiraafka Somaliland. Qabanqaabada shirkaasina wuxuu ka bilaabmay dalka Maraykanka. Aqoon yahanada dejiyey qorshaha shirkan waxaa ka mida Professor Axmed iyo Cabdi Ismaciil Samatar , Professor Afyare Abdi Elmi oo wax ka dhiga Qatar University, Prof Maxamed Cabdi Gaandi Wasiirkii hore ee difaaca ee Soomaaliya , Siyaasiyiin iyo aqoon yahano kaloo badan oo ka soo jeeda Somaliya kuna nool qurbaha. Waxay qorshahoodaa u ban dhigeen , Maraykanka , Ingiriiska, Europe , UN-ta iyo dawladaha Carbeed. Qodobka ugu muhiimsan ee ay ku andicoonayeen nimankaa aqoon yahannadu wuxuu ahaa in dawladda Somalia ay fashilantay , sida kaliya ee Somalia dawlad loogu dhisi karaana ay tahay in Dawladda Somalia guud ahaanba gacanta loo geliyo Somaliland , Somaliland-na Caalamku dib u soo dhiso , Caasimadda Somaliyana laga dhigo Hargeisa. Hase ahaatee qorshahaasi wuxuu noqday mid u cuntami Waayey dhammaan dawladaha reer Galbeedka , hase yeeshee waxaa qorshahaa qaatay Qaar ka mida dawladaha Carbeed oo ay ka mid yihiin Sudan , Masar , Qatar , Kuwait iyo Saudi Arabia oo ka soo horjeeda gooni isku taaga Somaliland. Taas ayaana keentay inay bixiyaan lacagta ku baxaysa shirkaa la filayo inuu ka dhaco Djibouti oo ahayd halkii markii hore lagu soo dhisay dawladda Sheekh Shariif iyo kuwii ka horeeyeyba Waxaa jirtay in Jariiradda Alsharq Awsad ee Afka Carabiga kaga soo baxda Magaalada London ay qortay ” Secret Memo ” Warqad sira 01.08.2010 oo ku saabsan wada hadalkii uu la yeeshay Sheekh Shariif Madaxda Carabta Bishii July 2010 iyo wixii lagula taliyey oo ahayd inuu si sira isaga oo aan ogaysiin dawladaha reer Galbeedka ula heshiiyo Jabhadaha Islaamiyiinta ee dagaalka kawada Somaliya , maadaama aanay jabhadahaasi aamini karin dawladaha reer Galbeedka , Saudi Arabiya , Sudan , Masar iyo Qatar-na ay dawladda Sheekh Shariif ka caawiyaan heshiiskaa . Waxaa kale oo taladaa ka mid ahayd in Madaxweyne Sheekh shariif faraha ka qaado Somaliland Dawladaha ay xidhiidhka wanaagsan la leedahay oo la tuhunsan yahay inay ka mid tahay dawladda Ingiriisku , oo Sheekh Shariif cabasho iyo walaac ka muujiyey xidhiidhka wanaagsan ee sii xoogaysanaya ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Ingiriiska, kadib doorashadii Somaliland oo Ingiriisku gacan weyn ka geystay. Waxaa jirtay bishan an soo dhaafnay in Masuulka cusub ee UN-tu u soo magacawday Arimaha Somalia Ambassador Augustine Mahiga uu Nairobi kaga dhawaaqay in Xafiisyadii UN-ta ee Arimaha Somalia qaabilsanaa loo soo rari doono Puntland iyo Somaliland , qorshahaas oo la tuhunsan yahay inuu dabada ku hayo waano UN-tu ka heshay aqoon yahannada qabanqaabinaya shirka dhawaan ka dhici doona Djibouti . Professor Axmed Ismail Samatar oo muddo saddex sano ka hor ku tilmaamay dad reer Somalia ” dadka Ibn-Aadenka ugu caqli xun ” ayaa maanta ah ninka Arimaha Somalia gacanta ku haya oo ay ku kaliftay ka soo horjeedka Somaliland uu ka soo horjeedo. Shir ka dhacay Magaalada London 3 sano ka hor ,oo uu soo qabanqaabiyey SOAS ” School of Oriental and African Studies , London University oo lagu qabtay Khalili Theatre , oo lagaga hadlayey waxyeeladii Ciidamada Ethiopian-ku u geysteen Somalia markii Ethiopian-ku ay soo galeen Magaalada Mugadisho , Wariyihii hore ee Wakaaladda Reuters-na uu ku soo bandhigay sawiro naxdin leh oo uu qaaday markii Ethiopian-ku sida xun u duqaynayeen Magaalada Mugadisho , Professor Axmed Ismail-na lagu casuumay inuu khudbad shirkaa ka jeediyo, ayuu Professor Axmed si xun ugu aflagaadeeyey , dadka reer Somalia , Jendayi Frazer xoghayihii hore ee Arimaha Africa u qaabilsanayd Maraykanka iyo Somaliland-ba. waxaanu yidhi ” Maan aqoon dadka reer Somalia barigii hore waxaanse bartay intii danbe ee aan shirarka la yeelanayey , waxaan ka geyn waayey inay yihiin dadka adduunka ugu caqli xun . Kadib gabadh Somaliyeed oo halkaa fadhiday ayaa weydiisay Suaal ahayd ” waayo ” ? Waxaanu ugu jawaabay , Suaal ayey ku weydiinayaan , adoon tii uga jawaabin ayey mid kale ku weydiinayaan , waxaa dhici karta iyada oo aanad midnaba uga jawaabin inay mid saddexaad ku weydiiyaan , markaa markaan u fiirsaday waxaan is idhi maskaxdoodu sida saxda ah ee dadka adduunku u fakaro uma shaqaynayso oo ah tan ku keentay dhibaatada maanta haysata. Professor Axmed wuxuu aflagaadeeyey oo kale Jendayi Frazer ” Waxaanu yidhi ” haddaan shahaadad aqoonta ah siin lahaa Jendayi Frazer waxaan siin lahaa darajada C waayo waan aqaanaa oo maaha qof aqoon wanaagsan leh shakhsiyan. Kadib wuxuu wax ka sheegay Somaliland waxaanu yidhi ” Maaha in dadka lagu qasbo inay ka go’aan Somalia ee waa in la weydiiyaa ” . Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen aqoon yahano badan oo reer Europe-ba , Wariyaal iyo Siyaasiyiin badan , waxaa si weyn looga biyo diiday sida aan ixtiraamka lahayn ee Professor Axmed faalada uga bixiyey dadkaa , Cedric Barnes oo ka socday Wasaaradda Arimaha dibadda ee Ingiriiska ayaa wuxuu Professor Axmed ugu jawaabay, haddaad reer Somalia tihiin maaha inaad Somaliland wax ka sheegtaane waa inaad kaga dayataan wanaaga Somaliland ku dhaqanto. Waxaa hubaala in aanay lacag dawlado Carbeed bixiyaan ama Qorshe dhowr Professor soo samaystaan aanay waxba ka qaban karin dhibaatada Somalia illaa xalku ka yimaad Somaalida dhexdeeda. haddase Somalia waxay noqotay ” reer ba’ow ayaa kule ” in nin aan u dhalan iyo dawlado shisheeye Somalia ay ka dhigtaan Carwo kolba dal shisheeye shir loogu qabto si qofkaasi ama dalkaasi ugu fushado dan gaara. Waxaa wax laga xumaado ah in Caalamku wali is diidsiinayo xal u helidda wixii dhaliyey dhibaatada Somalia oo ahayd dagaalkii Somalilanders-ka iyo dawladdii Somalia oo ah xididka uu ka soo unkamay xanuumka Somaalia hayaa maanta. Nabad iyo degenaanshana kama dhalan karaan Geeska Africa inta Caalamku iska indha tirayo qadiyadda Somaliland , Somaliyana waxay ahaan doonta Carwo kolba qofkii ama dawladdi Magacdoonaysaa adduunka u soo baddhigo dhibaatada dadka Somaliyeed haysata sida xukuumadda Djibouti ama dawladaha IGAD. Waxaa hubaala in aanay dawladaha Carbeed waxba yeeli karin Somaliland, lahayna awood siyaasadeed oo ay ku xaliyaan dhibaatooyinka ka holcaya dalalka Carbeed dhexdooda iyo guud ahaanba Caalamka Islaamka oo aan ahayn lacag yar oo ay ku laaluushaan koox yar oo dan gaara wadata , taasina ay keento inay sii huriso dhibaatooyinka ka dhex jira dhammaan dawladaha Islaamka. Yemen , Saudi Arabiya , Libya , Masar iyo dhammaan dawladaha Carbeed waxaa maanta ku dhexnool boqollaal kun oo Qaxooti Somaliya oo dumar iyo Carruur u badan, gaajana ugu dhex dhimanaya Wadanadaa. Waxaanu Caalamku ka dheregsan yahay kufsiga ,dilka, Mastaafuriska iyo dhaca ay Carabtu ku hayaan dadkaa Somaaliyeed ee ku dhibaataysan dalalkaa Carbeed. Professor Axmed Ismail Samatar waxaa u suurta gashay inuu afhayeen u noqdo Somalia oo aanu u dhalan , haddaba waxaa isweydiin leh ; maye Professors , Aqoonyahannadii, Siyaasiyiintii, Saraakiishii iyo wax garadkii u dhashay Somalia?. Waxaa iman doonta maalin ay dadka reer Somalia fahmaan ujeedada uu Axmed Ismail Samatar uga duday dalkiisii hooyo iyo halkuu ka dhashay oo aanay fahansanayn maanta , haddase wuxuu ka qab qaadanayaa Somalia oo noqotay ” Nin buka boqol u talisay “. Sannadka waxaa loo diyaar garoobayaa Maabka cusub ee Geeska Africa , wiigan waxaa adduunka loo soo bandhigay balaankii ” Rhino City ” Caasimadda Jamhuuriyadda cusub ” Republic of Southern Sudan oo la filayo in ay dhalato Jan 2011 , Eritrea way xorawday , Bishan waxaa kale oo la soo afjaray dagaalkii 30 sano usoo dhaxeeyey Jabhada Somali-galbeed iyo Ethiopia , Somaliland iyo Somaliyana waxaa hubaala in aanay fogayn inay sidoodii ku soo noqdaan , laba dal oo walaalo ah oo jaara sidii boqollaalka sanoba ay soo ayahd. Qalinkii : Dr Mohamed Abdo Kensington & Chelsea , London , UK mohamed-abdo@hotmail.co.uk -
Buurawadal: President Faroole visit parts of SOOL..
Jacaylbaro replied to General Duke's topic in Politics
Deegaanka Buura Wadal oo 30-km ujirta Caasimada dawlada Puntland ee Soomaaliyeed islamarkaasna katirsan Gobolka aysan dawlada Puntland maamulin ee Sool. -
Deal .........
-
I can see it touches some nerves here to post updates from Galgala ...... I must have been doing a great job here ,,,
-
The sources are there adeer ... u just can't see them. If there are some i forgot, just ask.
-
You need to get out of those two websites you're locked in adeer ,,, then you will know who posted what ...
-
Then don't read them ,,, it is not for you anyway ,,
-
Thanks ,, I know i'm doing a good job here ,,
-
Haye haye ,,,, had a wonderful time. It is 2:30am and it is raining like nobody ,,,,
-
The real Federation of Somali States, established by Puntland
Jacaylbaro replied to Land_Soldier's topic in Politics
.... -
Adeer stick to your allbugland & faroole's site ...... and don't tell us what they tell u ,,
-
I expected from the Faanfaan group that the issue is over ,,, it looks like it is taking a new phase now. It i easy to start a war but Faroole doesn't know it is hard to stop it ....
-
Warar si Hoose aanu ku helay ayaa sheegaya in Ilaa 389 ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa shalay ka soo gadooday fariisimadii ay ku lahaayeen togga Sugure ilaa duleedka magaalada Galgala, kuwaasoo ka cabanaya daryeel xumo, qarxyo miino, dhimasho, dhaawac iyo daawo la’aan soo food saartay mudadii bisha ku dhoweyd ee ee ay dagaalka kula jireen ciidamada wadaadka lagu magacaabo Maxamed Siciid Atam. Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa shalay u kicitimay deegaanka Galgala iyo fariisimada ciidamada, waxayna xooga saareen siday dib ugu celin lahaayeen ciidamada gadoodka muujiyey, wadahaal uga furmay geedaha Canjeelka ah ee ku yaal tuulada Karin Madaxweynaha iyo ciidamada gadooday ayaa wadahadal mudo 5 saacadood soconayey uu halkaas ku dhex maray, sarkaal u hadlay ciidamada ayaa muujiyey in dhibaatooyin badan ay qabaan ciidamadu, taasoo sababtay in aysan sii wadi doonin dagaal ka dhan ah wax uu ugu yeeray Falaagada buuraha ku dhuumaaleysaneysa. Waxay kaloo ciidamadu sheegeen in uu aad u yar yahay mushaharka la siiyo oo Askerigiiba uu bishii qaato lacag ka yar 60 Doolar, iyadoo ciidamada Sheekh Atamna ay yihiin kuwa Qadiyada Difaaca deegaanka iyo Ilaalada Khayraadka ay Ka midaysanyihiin taasina ay Keentay inay u Sahasho in Wakhtigasta Dagaal lagu soo qaado Ciidamada PL. Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire oo ciidamada la hadlay wuxuu u sheegay hadalo baraarujin ah oo wadaniyada taabanaya, wuxuuna u balan qaaday in cabashadooda uu u gudbin doono Madaxweynaha si deg deg ahna wax looga qaban doono, iminkana loo baahan yahay in ay dib ugu noqdaan jiidihii ay ka soo ruunqaansadeen. Sii Haya taliyahaee ciidamada Daraawiishta Col. Siciid Dheere ayaa isaguna ciidamada khudbad taabaneysa arrimaha diinta iyo wadaniyada u akhriyey, wuxuuna u ballan qaaday in uu wax la qabayo ciidamada, la seexanayo, dhufeyska kula jirayo, waxa ay cunaan la cunayo, si wada jir ahna ay isu kaashan doonaan. Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa isaguna hadal uu u jeediyey ciidamada wuxuu ugu sheegay in dagaalku uu iminka bilow yahay, nimankii ka soo horjeedeyna ay ku xoogeysteen buuraleyda iyo toga Sugure, khubaro sar sare iyo taakuleyna ay uga timid dhinaca Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya, loona baahan yahay in hilfaha loo qaado lagana tirtiro geyigeena wax uu ugu yeeray Argagixiso Kalkaalka Galgala ku dhuumanaya. Xalay waxay aheyd habeen ay dhufeyska ku baryeen Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Saraakiisha ciidamada Puntland, iyadoo si adag loo ilaalinayey amaankooda, waxayna ku beegmeen xili ay magaalada Galgala ka qaxeen dadkii ku noolaa oo ay haaweyneyso, waxa keliya ee ishu qabaneysana ay ahaayeen ciidamo tuuteysan kuwaasoo gabaad ka dhiganayey beeraha timirka oo xiligan la ciiraya mirihii oo bislaaday. Col. C/samad Cali Shire oo ah Madaxweyne Ku xigeeenka Puntland oo xalay u waramay idaacada SBC wuxuu qiray in dagaalkii tooska ahaa ay u bedeleen mid gaadmo ah kooxda ka soo horjeeda ciidamada dowladda, wuxuu kaloo caddeeyey mar kale in aan wax waraysi ah laga qaadi karin Sheekh Maxamed Siciid Atam, isagoo ku tilmaamay Argagixiso, wuxuu kaloo waxba kama jiraan ka dhigay in ciidamo ka tirssan Puntland ay u goosteen dhinaca ka soo horjeeda. Booqashada Madaxweyne ku xigeenka iyo wefdiga uu hogaaminayo ayaa ku soo beegmay xili uu soo rogaal celiyey dagaaladii u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo kuwa Sheekh ATam oo markan ku dagaalamaya xeeladaha dhuumaaleysiga ah.
-
TIME magazine: Could Al-Shabab Attacks Bring Down Somalia's Government?
Jacaylbaro replied to NASSIR's topic in Politics
Originally posted by Land_Soldier: why dont you tell these Koonfurions I knew it Xaaji/Cowke/Lander ,,,, I knew it -
Meeting with some FB friends ...... that should be interesting.
-
The real Federation of Somali States, established by Puntland
Jacaylbaro replied to Land_Soldier's topic in Politics
Stuff & Nonsense ,,,,,,,,,, -
The court was right about that sxb ......
-
Dhakhtarku waa kee ??
-
Tiyaatarahaa la furay Talaabo aan qaadnay iyo waa tabihii Soomaalidiyo Waa tumasho iyo tacliin ,,,, Taas ma haysaa ??
-
Hargeysa (HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta soo saaray Digreetooyin uu ku Magacaabay in ka badan 35 Masu’uul oo ka mida madaxda Dawlada.kuwaas oo isugu jira agaasimayaal, Gudooomiyayaal iyo masuuliyiin kale. Sidaa waxa lagu sheegay warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ee Magaalada Hargeysa, Waxaanay magacyadii u dhignaayeen sidan: 1 Gudoomiyaha Baanka Dhexe (Chairman of the Central Bank) Cabdi Dirir Cabdi 3 Xeer-ilaaliyaha guud (Attorney General) Xasan Axmed Adan 4 Hantidhawrka guud ee Qaranka (Auditor General) Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim 5 Xisaabiyaha Guud (Accounting General) Ibraahin Aadan Qaalib 6 Madaxa Hay’ada Sirdoonka Qaranka Xuseen Xasan Rooble (Kenyaate) 8 Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha (Civil service commission) Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil (Chairman Deputy: ku-xigeenka Gudoomiyaha hay’adda shaqalaha Axmed Cali (Sulub) DG: Agaasimaha guud ee Hay’ada shaqalaha Ibraahin X. Nuur Diiriye DG Recruitment (Xubin ka tirsan hay;adda Cabdirashiid Ducaale Qambi Establishment (Xubin Ka tirsan Hay’adda Axmed Cabdillaahi Ibraahim 9 Maareeyaha Hay’ada ka hortaga Aafooyinka Dabiiciga ah Maxamed Muuse Cawaale 10 Maareeyaha Hay’ada Abaabul ka saarka Qaranka (NDC) Jamaal Caydiid Ibraahin 11 Maareeyaha Hay’adda Korontada Xasan Cusmaan Adan 12 Maareeyaha Hay’ada Wadooyinka (Raod Authority) C/waaxid C/qaadir C/raxmaan 13 Gudoomiyaha Guddida Hay’ada Dibu habaynta shuruucda Xasan Aw Aadan Cabdi Maareeye ku xigeenka Wakaalada Biyaha Cabdi Ibraahim Cabdillaahi 14 Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Ibraahin Siyaad Yoonis 15 Maareeyaha Dekeda Berbera Axmed Yusuf Dirir 16 Maareeye-Xigeenka Dekeda Berbera Cumar Abokor Jaamac 17 Maareeyaha Madbacada Qaranka Cali Siciid Raygal Ku xigeenka Madbacada Qaranka Mustafe Cabdi Ciise Shiine 18 Gudoomiyaha Gudiga Qandaraaska Qaranka(National Tender Board) Aadan Nugaal X. Xasan 19 Xoghayaha Fulinta ee Komishanka Aidska ee SOLNAC ( AIDS Commission) Maxed Dahir Khayre Director of Admin & Finance C/Kariin Axmed Xinif Director of Capacity Building Maxamed Nuur Guruje Director of Clinic Service Sahra Adan Yaanyo National M&E Officer Aadan Jaamac Hoori 20 Gudoomiyaha Gudiga xuquuqal Insaanka (Human Rights Commission) Aamina C/laahi Axmed 21 Gudoomiyaha Gudiga Ilaalinta Tayada(Quality control Commission) Siciid Saleebaan Mire 22 Gudoomiyaha Gudiga ladagaalanka musuqmaasuqa iyo illaalinta dawlad wanaaga (National Integrity Commission) Axmed Muxumed Madar 23 Gudoomiyaha Gudiga Diwaanka Sakada(National Charity Commission) Sh. C/laahi Cali Jawhar 24 ICT Commission Cali C/laahi Daahir 25 Diaspora Agency Saleebaan Maxamed Faarax Taliyayaasha Ciidamadda 1 Talyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani 2 Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Ibraahin Caydiid Dhabdhable 3 Taliyaha Ciidanka Police-ka Cilmi Rooble Furre (Kabaal) 4 Ku-xigeenka Taliyaha Police Cabdiraxaam Liibaan Axmed 5 Taliyaha Ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) 6 Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Asluubta Xasan Cali Cawad 7 Taliyaha Ciidanka Bada Axmed Aw Cismaan La Taliyayaasha Madaxweynaha 1 Lataliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali 2 Lataliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Gobolada Bari Fuaad Aadam Cade 3 Lataliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Siyaasada Abiib Diiriye Nuur La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhalinyarada Cabdi najax Siyaad Aw Cabdi 4 Lataliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Nabadgelyada Saleebaan Cumar Kujoog DG-yada 1 Agaasimaha Guud Wasaarada Maaliyada Jaamac Axmed Maxamed 2 Agaasimaha Guud Wasaarada Shaqada & Arimaha Bulshada Baashe Yuusuf Axmed 3 Agaasimaha Guud Wasaarada Boosaha & Isgaadhsiinta Xasan Cumar Hoori 4 Agaasimaha Guud Wasaarada Kaluumaysiga, Khayraadka Bada iyo Maamulka Dekedaha C/raxmaan Cawil Xasan 5 Agaasimaha Guud Wasaarada Hawlaha guud iyo gaadiidka Shiriif Libaax Muuse 6 Agaasimaha Wasaarada Arimaha Dibada Siciid Cali Wayrax 7 Agaasimaha Guud Wasaarada Beeraha C/laahi Ismaaciil Faarax Wakiiladda JSL ee Dibaddaha 1 Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia Maxamed Xasan
-
loooooooooooooooooooooooooooool ,,,