
Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
goormaan idhi lama dhibo ?? ,,,, Gudoomiyaha ayaa wajigiisa waxa ka muuqatay qiiro, ka dib markii uu arkay dhalinyaro yaryar oo ka buuxda xabsiga, waxana uu ku yiri, maanta wixii ka danbeeya waa in aad bilowdaan waxbarasho, bulshadana ka qayb qaadataan.
-
Those Indhoyar are difficult to deal with believe me ,,,,
-
Somaliland foreign minister to visit neighbouring countries
Jacaylbaro replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Great move . . . .. More to come -
Néko wohouho woyo yohi . . Brigadier Sabari . . Néko Aïe Aïe Aïe . . Brigadier Sabari . . Néko koutoubou sakidi!!! . . Brigadier Sabari . . Néko Pati sanganan!!! . . Niyongon téné sôrôtougou
-
... It is nice niyow
-
Morning Faheema & Norf ............ Great day so far .... drinking Caano geel with Ice
-
SOMALILAND PRESIDENT SPEAKS IN THE EVENT
-
Xabsiga weyn ee ku yaala magaalada Jigjiga ayaa laga sii daayay maxaabiis badan oo isugu jirey rag iyo dumar. Maxaabiistan ayaa wajigooda ka muuqday farxad, kadib markii ay maanta nasiib u yeesheen in laga siidaayo xabsiga. Maxaabiistan ayaa ka ugu badan xidhnaa tobon sano, meesha kan ugu yar xidhnaa hal sano, halka inta kale u dhaxeeyeen toban ilaa halsano. Maxaabiistan ayaa waxa qudbad gaaban u jeediyey Gudoomiyaha ONLF Enj: Saalaxdiin Macow, oo u sheegey maxaabiista in ururku qaatay nabad, loona baahan yahay in laga shaqeeyo nabad, hada wixii ka danbeeya. Maxaabiista ayaa gudoomiyuhu ka codsaday in ay ka daba dhahaan, nabada ma ka wada shaqeynaa, iyaguna waxa ay dhahayeen haa. Gudoomiyaha ayaa wajigiisa waxa ka muuqatay qiiro, ka dib markii uu arkay dhalinyaro yaryar oo ka buuxda xabsiga, waxana uu ku yiri, maanta wixii ka danbeeya waa in aad bilowdaan waxbarasho, bulshadana ka qayb qaadataan. Ugudanbeyntii ayaa Gudoomiyaha iyo xubnaha ururka ONLF ee ka kala yimid qurbaha istaageen albaabka weyn ee jeelka, halkaas oo ay maxaabiista ka baxaysay albaabka gacan qaadayeen. Maxaabiistan ayaa waxa banaanka sidoo kale ku sugeysey ehelkooda oo ka badan boqolaal qof. Maxaabiistan ayaa waxa ay isku dhegdhegeen eheladoodii oo ay kala maqnaayeen in badan qaarkood, qaarna ay kaba quusteen in ay dib danbe u arkayaan.
-
Laba Reer Gal Gala ah oo Bosaaso lagu dhaawacay Caawa War hada na soo gaadhay ayaa sheegaya in Shiini Xasan Gurxan Nin lagu sheegay iyo Ina Dubad Nin kaloo lagu sheegay ay Weerareen Koox Hubaysan oo aan la aqoon haybtooda kuwaasi oo Rasaas Ooda kaga qaaday. Xidhiidho kala Gadisan oo Shabakada GalGalanews ay Bosaaso la Samaysay ayaa naloo sheegay in Labada Ruux ay yihiin dhaawaca isla markaana Rugaha Caafimaad loola Cararay Markii Masiibadaasi Heshay. Lama Yaqaan cida weerarkaasi ka danbaysa hase yeeshee baadhitaan ayaa socda ay wadaan Booliska iyo dad ehel u ah dadka la dilay.
-
Dee sow SNM ku dayda ismay wada odhan ,,,,,
-
He paid by giving out his car deee ,,,, wax fahan ,,,
-
^ ^ Only where there is money mate ,,,,
-
what's six inches long, two inches wide, and drives girls crazy?.................................... . . . . . . . . MONEY!!!
-
Xarakada Al-Shabaabka oo mamnuucay Adeega Zaad Service ee Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Xarakada Alshabaab ayaa bayaan ay maanta soo saareen waxay kaga mamnuuceen adeega Casriga ee Zaad Service loo yaqaan, kaasoo bilihii u dambeeyay noqday adeeg dad badan u fududeeyay wax kala ganacsiga, iyadoo si buuxda uu uga howl galay Gobolada Koofureed. Bayaankan oo ka soo baxay Xafiiska Siyaasada Shabaab ayaa lagu sheegay in la mamnuucay adeegaas, kadib markii loo arkay inuu luminayo Shilinga Soomaaliga, isla markaana sare u qaadayo Doolarka oo hada ah kan wax lagu ganacsado Soomaaliya. Shabaabka ayaa qiil uga dhigay mamnuucista adeegaas inuu sii yaraanayo wax ku kala iibsiga lacagta Shilinga oo hada noqday mid aan qiimo laheyn, isla markaana Shilinga kan ugu weyn iyo midka ugu yar uu yahay Kunka Shiling. Muddo saddex bilood ayaa loo qabtay in Ganacsatada lacagaha ugu keydsan inay hantidooda bad baadsadaan oo ay kala baxaan, taasoo ah muddo aad u dheer. Adeega Zaad ayaa la rumeysan yahay inuu laf dhuun gashay ku noqday Shirkadaha Xawaaladaha oo bilihii la soo dhaafay ahaa mid aan lacaga lagu kala xawilin, taasoo yareysay dhaqaalihii soo geli jiray. Shirkadaha Xawaaladaha ayaa aaminsan in bariiskooda ciid ay ugu shubtay Shirkada Hormuud, taasoo ka dhigeysa inuu hada soo baxay loolan dhinaca ganacsiga. Adeegan Zaad ayaa ah mid Mobilkaada aad ku shubaneyso lacag, taasoo ay waxna ku iibsan karto, isla markaana intii lacag badan aad jeebka ku qaadan laheyd ay kuu fududeysi in Mobilkaada aad ku wadato. Warkan ka soo baxay Shabaab waxaa uu farxad u yahay Shirkadaha Xawaaladaha oo u faruuryo qaniinayay Shirkada Isgaarsiinta Hormuud, mana jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Maamulka sare ee Hormuud.
-
Haa!!! waa bililiqo, diirato, murdiso. Maadeeyna "Alxamdulillah" baabuu taagan yahay ,,, lol
-
Somaliland:deploys more troops to widh widh and the Hawd Region
Jacaylbaro replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Originally posted by Xaji_Xunjuf: ^^ markaynu ka siifeyno fidmawalayaasha, ayaynu ku wa mirqami buhoodle abti -
Atam oo Beeniyay in Gooba Laga Qabsaday Hogaamiyaha Isbedeldoonka Maxamed Siciid Atam ayaa qaar ka mid ah Warbaahinta Gudaha Somaliya la hadlay Maanta waxana uu sheegay in dagaal Kulul uu Maanta dhacay kaasi oo ay is kaga Hor yimadeen Ciidamada PL iyo kuwa Deegaanka ee uu Madaxda u yahay. Maxamed Atam ayaa Beeniyay oo iska Fogeeyay Warar ay Faafiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta PL oo ahaa in Maxaabiis laga qabtay Ciidamada Deegaanka isla markaan Saldhigo Lagala wareegay arinkaasi ayaa ku Tilmaamay war aan sal iyo Raatoona lahayn isla markaana ay Guula sheegayaan dhankooda. Waxa uu Cara baabay inay wadidoonaan dagaalka ilaa Isbedel loo dhan yahay uu ka Hir Galo Gudaha Maamul Goboleedka Puntland. Maxamed Atam ayaa u Muuqday Nin doonaya inuu Isbedel Siyaasadeed kaga Mid Noqdo Xukuumada Puntland markaa Dhuuxdid Waraysigiisii Maanta uu Siiyay Warbaahinta oo aad uga duwanaa kuwa Horay looga qaaday. Warka ayaa ku soo aadaya iyada oo ay PL sheegtay inay weerartay Fadhiisimo badan oo uu lahaa Maxamed Atam. galgalanews.
-
Waa caadi ,,, sow may jirin beri la odhan jiray "Afartii injirta lahaa" ,,, imikana mirqaan baa bedelay ,,, berrina wax kalaa iman ,,,
-
^ ^ Just a hater of those who defeated his uncle aka Morgan
-
Ciidamada PL oo howlgal ka bilaabey Galgala Ciidamada Puntland oo ku sugnaa buuraha Galgalo iyo agagaarkeeda ayaa saakey qaadey howlgalo ay ku nadiifinayaan kooxaha Al-Shabaab ee ku dhuumaleysta goobo ku dhow buurta Galgala. Howlgalkaan oo ay ka qayb galeen ciidamo xoogan oo wata hubka noocyadiisa kala duwan ayaa gacanta ku qabtey goobaha lagu magacaabo Dhagaxdheere, Karin Xaragoode, dindigle iyo dacareeye kuwaasoo kuligood ku yaala dhul keyn ah oo haraga kooxdaan ku dhuumaaleysanyeen mudooyinkaan. Sarkaal ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland oo Garowe Online kala hadley goobahaas ayaa sheegey in goob kamid ah lagu qabtey 4 maxabuus iyo labo gaari oo ah kuwa xamuulka ah. Wararka aan ka heleyno ilo kala duwan Ciidamada dowlada ayaa weli ku guda jira howlgalo ay ka wadaan agagaarka buurta Galgala iyadoo aysan weli irin wax hadal ah oo weli kasoo baxey saraakiisha Daraawiishta. Dhinaca kale magaalada Bosaso ayaa ciidamada amniga adkeeyeen amaankeeda iyadoo jidadka waaweyn lagu arkayey. Ciidamada Darawiishta ayaa horey weerar ugu qaadey maleeshiyaadka uu hogaamiyo Attom kuwaasoo ka amar qaata Shabaabka ka dagalama Koonfurta Somalia. GAROWEONLINE
-
Thought u guys said the galgala issue was over .....
-
Zack, the Spokesman of reer aakhiro ...
-
It is useless to hold a person to anything he says while he's in love, drunk, or running for office ....