Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. Abwaanku maaha macsuum oo khalad wuu samayn karaa waanuu ka dhici karaa ,, arinkan hadda lagu soo eedeeyayna in isaga loogu jeedo in lagu xumeeyo way dhici kartaa inuu dee khaldamay ilayn waa bani'aadame na way dhici kartaa. Sida kele waa abwaan ixtiraam iyo qaddarin ka mudan qof kasta oo soomaali ah.
  2. what is the chores ?? Well, they wake me up in the morning and the quraac is just next to my bed ,,, i come home after work and the qado is diyaar ,, i come home in the evening and the casho is already on the table ,,, don't mention dharka la maydhayo ee kaawiyadaysan (feeraysan) and many more. Boqoradaha Ilaahay ha inoo daayo ,,,,,,,
  3. looooooooool ,,,,, mid xabashi keena , mid Eriteria soo kaxaysta ,, mid Yuhuudda doonta Subxaan ! ! ! !
  4. Si joogto ah waxaa loogu faanaa ummad ahaan in la wadaago af keli ah. Waxaa kal oo lagu faanaa af soomaaligu in uu ka mid yahay afafka ugu waaweyn Qaaradda Afrika. Waxaa kale oo lagu sii faanaa af soomaaligu in uu yahay af hodan ah oo maanso tiro iyo tayo leh lagu maansheeyey. Haddana isla jeerkaas lagama waantoobo in afaf kale loo gumoobo oo wax la isugu sheegsheego. Markaas, ugu horrayn, waxaa la isweydiin karaa goorta ay bilaabatay iyo sida ay ku bilaabatay qof soomaali ahi in uu soomaali kale af kale kula dhaqmo. Halkan kaga hadli mayno erayada ciidda ka batay ee afka iskood u galay ama ogaan loo geliyey, kamana hadlayno dadaalxumada iyo dhayalsiga aan afka si xilkasnimo ah loo adeegsan laaxinkana laga ilaalin. Waxaynu ka hadlaynaa sida af kale oo udbihiisa iyo dhigihiisa wata loo marinayo meel ay ahayd in af soomaali la mariyo. Kollay anigu waan ka qaloodaa dad soomaali ah oo af kale ku hadlaya. Weligaa ma fadhiisatay miis ay dadku kala afaf duwan yihiin? Dhanka kalena waxaan dareemaa in ay tahay meel lagu gumoobay. 1. Marxaladihii legdanka af soomaaliga iyo afafka qalaad Marxalado kala duwan ayuu af soomaaligu la soo maray afafka kale. Waxaa ugu horraysay tii uu bilawgiiba af carbeedku diinta soo hoos xuluushay. Waxaa ku xigtay tii imaatinka reer yurub. Waxaa ku xigtay tii dadka waxbarashada yurubaysan helay dabadeed afafkaas wax weyn isku mooday. Iyagana waxaa ku xigay wahaabiyiin Sacuudiga laga soo afuufay kuwaas oo afka ay kala qaadaanba carabi jajabina ka soo horreeyo. Dadka afka shisheeyaha wax isku mooda haddii sannadihii lixdannadii lagaga daba oriyey: Af qalaad aqoontu miyaa? Maya, maya ee waa intuu qofka Eebbe geshaa Ayey nala tahay annagee Waa intuu qofka Eebbe geshaa... Maanta taasi ma jirto, waayo soomaalida oo dhami waxay qaayibeen gunnimadii waagaas dadka tirada yar lagu ceebayn jiray (welina afka iyo aqoontu waa kala laba ee ogow!). Kolkii uu qoraalka afka soomaaligu hirgalay, waxbarashadana la soomaaliyeeyey, isla markaas ummad ahaan jaanta la isla yara helay intii aan haddana jaanta la isla waayin, luggooyada afafka qalaad waa laga yara nastay. Milaygaas af soomaaligu wuxuu yeeshay haybad iyo awood, wuxuuna isu dhigay in uu loollan la geli karo afafka sarraynta sheegta. Wax kale iska daaye markii ugu horraysay waxaa la arkay diinta oo af soomaali ku qoran. Dhiirrashada iyo kudhaca sidaas ahi ma aha wax iska yimid ama iska iman lahaa, waase qirid iyo dareen ka dhashay af soomaaligu in uu beddel u noqon karo afafkii aqoonta loogu irkanayey. Dabadeed waxaa dhacay burburkii weynaa, waxaana meesha ka baxay hawlihii af soomaaliga la xidhiidhay ee la isla ogaa la islana oggolaa, siiba manaahijtii waxbarashada. Isla markaas boqollaal kun, amaba malyuumaad, ayaa daafaha dunida u qaxay. Intii debedda laga helay mooyee intii kalena dhulkoodii baa loogu tegay. Ingiriisi iyo carabi ayaa aad ugu xoogaystay waxbarashada liidata ee kacaakufka ah, mar kale ayeyna labadaas af noqdeen ”moodo”. Dabadeed loollankii af soomaaliga iyo afafka qalaad wuxuu u gudbay marxalad kale. Maanta af soomaaliga waxaa labada gollood ka qaniinsan laba abris oo kala ah ingiriisi iyo carabi. Labadaa abris waxaa weheliya laba goodaaddo oo iyaguna kala ah faransiis iyo sawaaxili. 2. Warbaahinta iyo af soomaaliga Burburkii kelitaliska Kacaanka Oktoobar ka dib mar qudh ah waxaa fatahmay webiyadii dareenka dadka ee muddada dheer cabbudhsanaa. Wargeysyo daabacan ayaa tuulo walba ka soo baxay. Fogaanmaqal iyo fogaanarag aan tiro lahayn ayaa magaalo walba ka dhex qayliyey. Boqollaal degel ayaa mereegta sida naq kaliileed meel walba ka soo fuuray. Dhiganayaal ciiddaa ka badan oo aan tifatirrayn ayuu qof waliba inta uu kilkisha ku qaatay madbacad la tegay. Qof walba oo doonayey in uu eray yidhaahdaa wuxuu u helay meel uu ku yidhaahdo iyo si uu u yidhaahdo. Waa la wada ciilbeelay, waana la wada cadgoostay. Ma jiro maanta qof ka cabanaya in fikraddiisa la cadaadiyey ama in uu gudbiyo loo diiday. Qof waliba wuxuu hadlay dadaalkiisa, garashadiisa, aqoontiisa iyo anshaxiisa. Qof waliba wuu ciilbeelay wuuna cadgoostay. Dhallaaxda ayaa la iswada qaaday. Waxba la isulama hadhin. Xeer la raacayey iyo xaq la dhawrayeyna ma jirin: mid warfidineed, mid aqooneed iyo mid anshax toonna. Sidaas darteed xadgudubka iyo xishood darradu soohdin ma ay lahayn. Run ahaantii wa xaalad soo daahday oo ay ahayd in ay dawladnimada la bilaabato - waxay ahayd in ay bilaabato sannadihii 60-nadii halkii ay ka bilaabatay 90-nadii. Dabadeed sida ay abuurta dadku tahay qunyar qunyar ayaa loo xasilay oo loo xanaaqgooyey. Waa la dardugay, waa la kala waranjiiday, gunta iyo meesha ugu xun ayaana la soo taabtay. Maanta sidii ay wax ku bilawdeen aad baa loo dhaamaa. Qofka warbaahinta soomaalida la so socon jiray, welina la socdaa, wuu qirayaa muddo gaaban horteed sida uu xaalku ahaa in ay aad uga duwan tahay sida uu maanta yahay. Waa dhif maanta reer hebel iyo reer hebel iyaga oo qaaqaawan in ay yooyootamaan. Wayraxa iyo waallidu weli waa ay socdaan, meel walbana waa ay ka muuqdaan, cawradii ayaase la yara asturtay. Magacyo kale ayaa la sheegtaa muuqaallo kalena waa la yeeshaa: xisbi, urur, gobol, maamul, dawlad iwm. Sidaasi waa sidii ay awelba wax ku bilawdeen intii aan tolla'ayda iyo tolaysiga loo dhardhigan. Qofku jeerka uu sii waalanayo iyo jeerka uu soo miyirsanayo barta uu ku kulmo ayaa maanta la marayaa. Caadi ahaan arrinkani sida uu imika yahay in uu ka wanaagsanaado mooyee ka soo dari maayo. Xagga af soomaaliga, warbaahinta cusubi waxay ku hawlgashay bulqaas iyo ”iska dheh”. Sida aan xeerka wariyennimo loo dhawrin si la mid ah ayaan afka wax lagu tebinayo dan looga gelin. Sida la og yahay culuunta iyo xirfadaha mid waliba waxay lee dahay af gooni ah iyo erayo u gaar ah oo u baahan barasho iyo u tababarasho. Ha yeeshee warbaahinta cusubi aqoon la'aan iyo indho la'aan ayey sida hawtalhamag shaqadeeda ugu dhex dhacday. Waxaa lagu dhaqmaa hadal aan af ahaan qummanayn, xirfad ahaan hagaagsanayn, anshax ahaanna habboonayn. Soo qaado eray beryahan aad loo u jecel yahay oo ah ”hadaaq”. Waxaa si caadi ah loo yidhaahdaa ”Madaxweynuhu/wasiirku wuxuu maanta shir jaraa'id kaga hadaaqay…”. Eraygaasi waa dhawaaqa ilmuhu inta aanay hadalbaran, haddii qof weyn lagu sheegana waa cay laga wado ”sidii ilmo yar ayuu wax aan macno lahayn ku hadlay”. Warbaahinta sidaas u faaftay una xoogaysatay, ee sidaas u xansaska iyo xashiishka badan, ee sidaas u af iyo anshaxba hoosaysa, waxaa ka mid ah qayb lagu gudbiyo afaf shisheeye. Gaar ahaan af ingiriisigu warfaafinta cusub wuxuu ka helay sed libaax. Taas waxaa keenay; 1) dadkii hore ee waxbartay in door ah oo ka mid ahi afkaas ayey wax ka taqaannay; 2) soomaalida debedda u qaxday in aad u badani waxay gashay dhulalka lagaga hadlo afka ingiriiska; 3) degellada mareegta, oo ugu badan meelaha warfaafinta ingiriisiyeysan lagu soo gudbiyo, ma aha meelo lagaga hawlgalo xirfad aqoonnimo ee waa uun xorriyad laga faa'iidaystay. Dhaqanka saxaafadda ee sidaas u gurracan iyo af ingiriiska lagu ibtiloobay waxaa la iska weydiin karaa: Afka loo wada dhashay ee la isla wada garanayo in la iimaansan waayo maxaa keenay? Ma qof aan afkiisu ku fillayn, qoraal iyo akhrisba, dabadeed sidan fursad ka dhiganaya ama looga dhigayo, oo ku xilqarsanaya ama loogu xilqarinayo? Ma golayaasha tifatirka warfaafinta ayey gacaltooyo nafsadeed afka qalaad ku dirqiyeysaa? Ma ilbaxnimada uu afkaasi huwan yahay ayaa ogaan iyo ogaan la'aan middood ama labadaba loogu jabayaa oo la isu dhiibay? Ma akhriste baas oo af soomaaliga lagala caalwaayey oo laga inaabsaday ayaa afka qalaad lagu sasabanayaa? Mise af soomaaliga qudhiisa ayaan waxtarkiisa lagu kalsoonayn oo kuwan kale gurmad iyo xoojin looga dhigayaa? 3. Aqoonta iyo af soomaaliga Eedaha aynu qodobkan ku soo qaadi doonno waxaa ka xil iyo ceebla aqoonyahannada habeen iyo dharaar u adeega dadkooda, in badanna ku adeega afkooda. Kuwaasi hebello halkan lagu magacaabi karo waa ay ka badan yihiin. Xitaa siyaasadda oo ay awel inta iimaanka laga qaaday ku xoonsanayd beryahan waxaa muuqata in aqoonyahanku ku siqayo, gaar ahaan Somaliland. Golaha Wakiillada Somaliland doorashadii ugu dambaysay waxaa galay koox xul ah oo ay aqoontooda, wacyigooda iyo tayadooduba sarreeyaan. Waxaa hadhay kooxdaasi in ay taranto iyo in ay u gudubto Golaha Fulinta (xukuumadda). Puntland qudheeda saansaan yar oo taas hore la mid ah ayaa ka muuqata. Haddii aynu aqoonsan nahay xaqiiqada cilmiyeed ee baadhitaan dheer ka dib ay garashada wanaagsani ka bixisay sida ay u kala tagganaan karaan waxbaridda iyo waxbarashadu, baraha iyo bartuhu iyo manhajka iyo maskaxdu, oo ay caddaatay mararka qaar arrimahaasi halkii ay si habboon isu dhali lahaayeen isuna danayn lahaayeen in ay isu noqon karaan cadaw, iyo waxbarashadu mar walba in aanay ahayn guul iyo liibaan uu qofka bartay helay ee ay noqon karto guuldarro iyo ayaandarro dadnimadiisa ku dhacda, oo ay jiri karto aqoon qofka addoon uga dhigta cid awelba addoonnimo u qoondaysay, markaas waa in la hubiyaa taasi sida ay inagu tahay ama inagu ahayn. Horta waxbarashadu waa xaalad dhex taal saddex dhinac oo kala ah: aqoon, bare iyo arday. Saddexdaas dhinac waxa ay yihiin isuna yihiin iyo xidhiidhkoodu caynka uu yahay ayey ku xidhan yihiin midhaha ka dhex abuurmayaa macaan iyo qadhaadh. Aqoonta meesha lagu hayaa ma tahay mid habboon oo tayo leh barashadeedana looga dhacayo badhaadhaha la raadinayo? Baraha meesha joogaa ma yahay mid haya aqoontaas kor ku xusan si habboonna u gudbin kara? Ardayga meesha fadhiyaa ma yahay qof nool oo dareen iyo garashaba kaalin firfircoon ku leh doorashada, xulashada iyo ka qaybqaadashada waxa uu baranayo, mise waa weel wixii la doono lagu shubayo? Arrimahaas kor ku xusan jawaabtooda ugu horraysa waxaa laga raadin karaa afka aqoonta, afka baraha iyo afka ardaygu in ay midaysan yihiin oo islee yihiin iyo in kale. Waayo aqoontu aqoon uun ma aha ee waxay lee dahay jinsiyad, abtirsi, summad iyo sawrac raacinaya afka sida iyo dabadeed dhaqanka afkaas u gaarka ah. Taas haddii aan loo feejignaan, oo aan afkaas iyo dhaqankaas ku milan horta aqoonta laga saarin, afka iyo dhaqanka loo taagan yahayna lala falgelin, waxaa dhici karta, oo dhacda, in ay dadka ka ambiso ujeeddada iyo danta. Amaba waxaa dhici karta, oo dhacda, aqoontaasi in ay noqoto dhagax aan wacyiga iyo garashada dadka ku milmi karin. Tusaale yar oo qodobkaas sare ku saabsan aan inoo soo qaado. Curiyeyaasha kiimikada sida aynu wada og nahay idilkood waxaa lagu daahfuray Qaaradda Yurub, sidaas darteed waxaa la siiyey magacyo af yurub ah. Tusaale ahaan curiyaha carbon sidaas uu u yahay ayaa ilmaha soomaalida lagu bari jiray (kollayna weli lagu baraa). Si walba oo ardayga eraygaas loogu qeexo fahmadiisa dhab ugama daaddego waayo ma aha wax afkiisa iyo wacyigiisa ku jira. Markaa waxay ahayd erayga in ardayga loogu sheego waxa uu yahay ee ah dhuxul - dhuxushii ay hooyadii saaka quraacda ugu soo dubtay. Markaas ayuu eraygu ilmaha u noqon lahaa sokeeye uu garanayo oo si wacan abuurtiisa u yaqaan. Dhammaan jaadadka culuuntu waa sidaas. Isdiidmada garaadka ilmaha iyo afka aqooneed waxaa laga yaabaa in ay isla koraan oo weligood iyaga oo wada socda haddana nafsad ahaan isdheehi waayaan. Shaki la'aan waa sababta koowaad ee diidday aqoonta iyo farsamada casriga ahi in ay Afrika ku kobcaan kuna midhodhalaan, iyo in aqoontaas iyo farsamadaas heer kale loo gudbiyo horumarna lagu sii sameeyo. Waa wax yurubaysan oo qalaad. Waa wax baas oo meel daran laga keenay oo in sida midho daray duudduubka lagu liqo mooyee aan khayr kale lahayn. Dabadeed inta aan dheef laga helin ayaa lagu mergadaa. Fahanka iyo fahandarrada ka sokow, afka wax lagu bartaa wuxuu hadhow saamayn weyn ku yeeshaa hab-fekerka cidda wax ku baranaysa, ogaan iyo ogaan la'aanbana ciddaas wuxuu siiyaa qofnimo cusub. Qofnimadaas cusub waqtiga iyo tamarta ugu badani waxay kaga baxaan la qabsashada aqoonta dhaqanka afka cusub iyo sidii ay u waafajin lahayd waayaheeda nololeed, waxayna noqotaa qofnimo dhibban oo qabta jahawareer iyo iswaayid. Waxay ahayd waqtiga iyo tamartu in ay ku baxaan waafajinta aqoonta la helay waayaha dhabta ah ee loo taagan yahay (waayaha dhabta ah ee loo taagan yahay waxaynu ula jeednaa duruufaha nololeed iyo degaan ee lagu jiro iyo danaynta horumarintooda). Aqoonta la soo helay iyo waayaha ummadeed ee loo soo helay ee isdiiddani waxay dhalaan qofnimo leh hab-feker gumaysan, gunnimadaas oo laba siyood isu muujisa. Ismuujinta hore waa yurubnimada (galbeednimada) oo si laxaad leh loogu jabo, gaar ahaan af ingiriisida (iyo faransiiska Jabuuti) iyo wax walba oo uu afkaasi sido. Midda labaadna waa hannaanka diineed ee wahaabiyada Carra'edeg ku cusub oo si ogaan iyo waalli ah u carabaysan. Qolada hore aqoonta iyo aqoonyahannimada waxay ka dhigeen wax ku lammaansan oo aan sinaba uga fuqi karin afka iyo hab-fekerka yurub, qofka taas weydiin ka keenana uma garaabaan. Qolada dambena diinta waxay ka dhigeen carabnimo aan gorgortan lahayn, qof kasta oo carabnimada diidaana wuxuu ugu suntan yahay gaal. Gunnimadaas maskaxeed ee aan qof fayoobi beenin karin laguma jujuubna ee waxaa ka furan doorasho ama beddel. Waa iyada oo ay labada qolaba si miyirqab ah u garwaaqsadaan af soomaaligu run ahaantii in uu lee yahay awood lagu gudbin karo laguna baran karo toyashada maskaxeed ee loo baahan yahay oo dhan, haddii ay kala dhinnaani jirtana ay tahay wax ku xidhan maqnaanshaha iyaga kartidooda iyo kaalinta ay qudhoodu gabeen. Dhaliilaha af soomaaliga loo hayo ee ah in aanu ahayn af leh hodantinnimo eraybixineed oo ku filan culuunta iyo farsamada casriga ah waa dhaliil aan gar ahayn waayo waa isla dadka wax dhaliilaya kuwa dhaliishaas leh ee waxqabadkooda la tebayaa. Giraanta aad adigu weligaa is'hor dilindillaynayso ma eersan kartid waayo maantaba waad iska hor leexin kartaa si aanay berri kuu xayirin. Af soomaaligu ma guulaysan doono inta uu qofkii waxbartaaba waxsoosaarkiisa maskaxeed la magangelayo af iyo dhaqan kale, taasi ha ka ahaato hawlyaraysi amaba danaysiye. Af soomaaligu ma guulaysan doono, halka uu taagan yahayna hore ugama dhaqaaqi doono, inta aan la helin dad u quudha ulana badheedha in ay geliyaan dhammaan culuunta jirta iyo kartida halabuur, hawl kastaba taasi ha lahaatee. Kobcinta iyo xoojinta ay dadka aqoonta lihi afkooda siin karaan waxaan ka arkay maqaal aan dhowaan ka akhriyey Ibraahin Maygaag Samatar. Maqaalkaas oo qudh ah inta aan xusuusan ahay waxaan ka bartay saddex eray oo loo adeegsaday qaab igu cusub aadna u habboon. ”Tab iyo xeel” ayaan markii koowaad la kulmay iyaga oo noqday ”strategy and tactics”. Ka kalena waa ”kudhac” oo noqday "initiative” iyo ”creative". Sidiisaba qof weyn, oo weliba tacliin sare lihi, marka uu dad soomaali ah la hadlayo in uu adeegsado af aan soomaali ahayn maxaa lagu sheegi karaa? Anigu waxaan ku sheegi karaa arrimahan soo socda ama qaarkood: in uu yahay qof yaraantii af qalaad u jabay oo dantu badday dabadeed aan adeegsiga afkiisa ka adkayn. in uu yahay qof wada fikrad shisheeye oo afkaasi xambaarsan yahay taas oo uu doonayo in uu soomaalida ka dhex faafiyo. in uu yahay qof garaad xun sidaas darteed afka shisheeyuhu u lee yahay qiimo ka duwan ka uu caadi ahaan afku lee yahay. in uu yahay qof wacyi ahaan fahanka uu afka ka haystaa gurracan yahay oo aan ka bixin gumayntii maskaxeed ee ay xilli fog reer yurubku dunida badeen, oo aan garwaaqsanayn haddii lagu dadaalo af soomaaliga qudhiisa in lagu kaaftoomi karo. Dadkaasi marka la isku qaado waxba kagama duwana shisheeyaha. Maya ee run ahaantii qaarkood shisheeyaha af soomaaliga jecel ee innagala shaqeeya ayaaba inooga sokeeya. Qofka af shisheeye ku xoogsada, sifaha uu doonaba ha ugu xoogsadee, ee kadabkiisa kula soo baxa, inta aynu qalinkiisa ka nabadgelayno wuu ammaanan yahay wuxuuna mudan yahay taageero buuxda. Afrika wax la quuto ayaaba laga la yahaye qof dunida isaga qadhaabsi tegay muxuu cid yeelay? Waxaase habboon in uu sidaas isu arko loona arko. Ma aha in uu dadkiisa khatalo oo wax aanu u ahayn isaga dhigo, mana aha dadkiisu in ay ku kedsoomaan oo waxtar aqooneed oo aanay ka helayn ka quuddarreeyaan. Kala tagganaanta aqoonyahanka afafka kale ku xoogsada iyo filashada togan ee bulshadiisa, iyo sida joogtada ah ee ay labadu isagu hungoobaan, weligeed lagama hadlin dhabna la isulama soo qaadin. Isagu dabcan wuxuu iskaga raaxaysanayaa harawsiga uu soomaali badan maskaxda kaga haysto ee ah in uu yahay ”Aqoonyahankooda”, dadkuna harawsigaas ayey qaayibaan iyaga oo aan isweydiin ”Aqoonyahankoodu” waxa uu iyaga ugu filan yahay. Soomaalidu run ahaantii waa dad aad u niyad iyo kalsooni wanaagsan marka ay tahay waxa loo yaqaan ”aqoon” iyo ”aqoonyahan”. Waa ay ku faanaan, ka haybaystaan, aadna uga dhursugaan qofka ay aqoonyahanka u yaqaannaan. Goor walba waxaad maqlaysaa tabasho nuxurkeedu yahay ”aqoonyahanku muxuu arrinta wax uga qaban waayey?”. Haddiiba ay run noqon lahayd in uu jiro ”aqoonyahan” arrinka wax ka qaban kari lahaa waxaa la moog yahay qofkaasi in aanu baddaaba ku jirin ee dunida lacagta haysata isaga xoogsi tegay. Adiga ayaa tirsada ee horta isagu ma ku tirsadaa? Aqoonta aynu halkan kaga hadlaynaa ugu horrayn waa ta qoran jaad kastaba ha lahaatee. Intaas oo qoraallo ah oo ay maskax dad soomaaliyeed af kale ku dhigtay waxay saboolnimo ku ridaysaa af soomaaliga, waxayna hiil iyo hodantinnimo siinaysaa afafka la adeegsaday. Dadaal walba oo la gelin lahaa in aqoonta afkeeda lagu qoraa waxay guul u noqon lahayd af soomaaliga, waxayna siin lahayd tamarta iyo awoodda af-aqooneed ee maanta lagaga cabanayo. Afafka waaweyn ee dunida ma jiro mid aan soo marin heerkan oo aan xilli xilliyada ka mid ah la quudhsan jirin marka ay tahay u adeegsiga aqoonta iyo fekerka. Mana jiro af guulaysan lahaa haddii ay dadkiisu kula dhaqmi lahaayeen fulaynimada iyo hamrashada uu aqoonyahanka soomaalidu afkiisa maanta kula dhaqmayo. Qofka duruuf heshay darteed aan awood u lahayn in uu af soomaaligiisa u adeegsado shaqada iyo waxsoosaarka maskaxeed ma aha dhibaatadaas uu qabo in uu qurxiyo ama ka dhigo wax caadi ah, waayo qurux ma leh caadina ma aha. Haddii aan la qirin in ay tahay dhibaato uu qabo wuxuu noqonayaa duuflaal majarehabow ku rida inta yaryar ee isaga ku dayanaysa ee moodi karta guusha iyo libinta aqooneed in ay ku xidhan tahay hadba sida af qalaad loogu talaxtago. Dadka sidan u dhaqma haddii la eedeeyo siyaalo dhawr ah ayey isu caabbiyaan. Mar waxay yareeyaan qiimaha afka, sidiisaba, iyaga oo yidhaahda ”afafku waa isku mid kii la adeegsadaana waa isla kii kale”. Qaarkood arrinka waxay u cuskadaan diin iyaga oo ku dooda afafka oo dhan in Ilaahay abuuray oo aan la kala lahayn. Taasi run iyo garasho habboon midna ma aha. Af walba waxaa leh dad, jiritaanka dadkaas iyo jiritaan la'aantooduna waxay ku xidhan yihiin sida ay afkooda iyo waxa afkaas ku hoyda ugu dhaqmaan una ilaashadaan. Qaarkood waxay dhab u rumaysan yihiin af soomaaliga iyo waxa uu huwan yahayba in looga guuro af kale iyo waxa uu huwan yahay. Dadkaas waxaa ugu horreeya kuwa diinta iyo af carbeedka isku midka ka dhiga ee marka ay carabaynta u qiilbannaynayaan yidhaahda ”af soomaaliga looma baahna ee waxaa loo baahan yahay afka Diinta”. Fikradda ah afafka dunidu in ay isku mid yihiin kii lagu dhaqmaana la mid yahay kii kale run laga sheegi maayo ee waa marmarsiinyo xun. Taas haddii daacad laga yahay af soomaaliga loo dhashay ayaa xujadaas qudheeda loogu danayn lahaa inta af kale lagu sababaynayo. Qodobkani jeerka uu carabaysan yahay iyo jeerka uu yurubaysan yahayba waa isku ujeeddo, waase ujeeddo isdiiddan: carabayntu waxay nacab u tahay yurubaynta, sida kalena waa la mid. Fikraddu marka ay carabaysan tahay waxay qayb ka tahay aragti dhalanteed ah oo u doodda ummadaha muslinka ah oo dhan in la carabeeyo calan qudhana la wada hoos keeno. Jeerka ay yurubaysan tahayna waxay toos ugu taxan tahay dhalanteed kale oo sheegaya in aan loo baahnayn soohdimaha qarammada iyo dhaqammada u dhexeeya. Labada fikradood iyada oo aan midina run ahayn, runna noqon karin, sida aynu aragno waxaa kala wata laba qolo oo sidooda isu neceb, waxaana loo tartamayaa in ummado dhan la isir guuriyo ama la liqo. Mid walba waxaa dad ay garashadoodu liidato gashata oo ku indhosarcaadisa quwad u halgamaysa sarraysiinta waxeeda iyo burburinta wax walba oo kale. Maayadaha xoogga leh iyo wax walba oo ay maayadahaasi sitaan in lagu hafiyo isirrada kale, wax walba oo ay isirradaasi gaar u lee yihiinna lagu baabbi'iyo, ayaa looga jeedaa ”burburinta soohdimaha”. Af soomaaliga iyo af ingiriisida haddii oodda la isaga qaado ka milmaya ee la waayayaa waa keenna aan lahayn iscaabbigii loo baahnaa iyo hay'adihii ilaalin lahaa. Fikradda burburinta soohdimuhu kolka ay yurubaysan tahay waa tii gumaysigii hore oo dhar cusub loo geliyey. Xusuuso reer yurubku dadyawgii ay gumeeyeen in ay ku odhan jireen ”Ku mahadiya afkayaga aannu idinkaga xoraynnay kiinnii cawaannimada ahaa, iyo ilbaxnimadayada aannu idinkaga soo saarray daayeernimadii aad ku jiri jirteen”. Taas ayuu oggol yahay qofka diidaya ama aan qiimayn karin kaalinta uu afku ku lee yahay jiritaanka iyo waaridda ummadaha. Waxa qorey Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd” Ibraahinhawd@hotmail.com
  5. what about Afrikaan baan nahay ,,, iyo bloody africans and waxaas kele ,,, ? I think it is common ,, lakin at least waynu is og nahay inay jiraan waxyaalo khalad ah oo aynu dadka kele kaga duwannahay soomaali ahaan ,, i mean general mistakes oo soomaalidu inta badan isku mid ka tahay ,,
  6. In Arabic please ,,,,,, i could't find that Aayah out when it is written in English.
  7. Buug aan Akhriyey oo la yaab leh “Xog iyo Xusuus” Waxa aan qalinka khadka u darsanayaa in aan maqaalkan ka qoro, buugga magaciisa loo bixiyay “XOG IYO XUSUUS”, oo nuxurka dhambaalka uu sidaa uu yahay “ dhacdooyinkii iyo murti taariikheedkii halgankii siyaasadeed ee Soomaaliland” Maalin maal-maha ka mida ayaa waxaan gallay bookshop aan alaab ka iibsanayay, waxaan arkay buug aad isoo jiitay, waan soo qaatay buuggii magaciisa ayaan akhriyay. Dabadeed aad ayaan uga helay, oo intaan la soo booday ayaan qiimihii waydiiyay, oo iibsaday buuggii. Waxa isoo jiitay saddex shay oo buuggu kullan-saday oo qof kasta oo muwaadin ahba soo jiidan lahaa, oo kala ah: 1. Saddexda midab ee calanka Somaliland ka kooban yahay oo kala ah (AKHTAR,CADAAN IYO CASSAAN) oo waliba xiddigtiina dhexda ugu jirto. 2. Tawxiidka qiraya kali ahaanshaha ILLAAHAY(SWT) iyo rasuulkiisa Muxamed ahaa(SCW). 3. Magaca buugga oo ah XOG IYO XUSUUS, oo markaba uu magaca buuggu dareen xiiso leh oo aan la soo koobi karin uu maanka iyo maskaxdaada ku reebayo, xusuus ma go’do ah, haddii aan kalmadaha aan kala qaado oo aan kaga sanqadhiyo . kalmada XOG: waa arrin aad xogogaal ka tahay oo aad si dhaba uga xog warramaysid. Kalmada XUSUUS: waa dareen qof ama ummad kaga taga raad aan masaxmayn ama aan la illoobi karin. Markaa intaa ka bogtay anigoon buugga intiisa kaleba u dhaadhicin ayaa markiiba waxa maskaxdayda ku soo dhacay dareen xoog badan oo i leh, buuggani intii aanad haysan ama soo iibsan waxa kaa maqnaa xogtii waddankaaga ka dhacday ee dhabta ahayd iyo halka ay ka billaabantay iyo siday u kala horreysay oo suugaan sawrac iyo sinji leh uu abwaanku si faham leh uu kuugu soo gudbinaayo. Hadalkaa markay naftaydu igu celcelisay ayaan sugi kari waayay intaan guriga gaadhayo, tagay gurigii akhriyay xogtiina ogaaday xusuusna igu reeb. 1. Buuggan waxa qoray MAXAMED SHIIKH IBRAAHIM ”XUJAALE” 2. Waxaana loo qoray si farshaxannimo ku jirto oo waliba xeel dheerina leh. 3. Buuggu waxa uu ka kooban yahay 256 bog, waxay u kala baxaan shan qaybood ama tuduc. Oo aanu ku jirin tuduca Faahfaahinta ah ee ka kooban (Afeefta, Mahad-Naqa, Hor-dhaca iyo Gogol-dhigaba). iyo laba tuduc oo qoraagu u kala bixiyay (Raad-Raac iyo Taariikh Nololeed Kooban ) oo qoraaga buuggu isku iftiiminayo. Nuxurka buugga haddaan ka warramo ee qoraagu ka hadlay, waxa ka mid ah:- Qaybta 1aad: waxa uu qoraagu ku soo qaadanayaa: Markii ingiriisku yimid iyo la dagaallankiisii. Qoraaga buuggu wuxuu isagoo ka hadlaya yidhi:- Gumaystihii reer yurub markii ay Afrika qaybsadeen, gaar ahaan Soomaaliya, ee xuduudaha la kala dhex mariyay dalalka soomaalida degto 1884kii, waxa xanaaqday dawladii Menelik oo xilligii ka talinayey dalka Itoobiya, iyadoo gaar ahaan Ingiriiskii, Talyaanigii iyo Faransiiskii soomaalida qabsaday, Kula dacwidey inay qaybteeda ka hesho boobka geeska Africa. Taasi waa ta keentay, in dhul badan oo Somaliland ka mid ahaa, dadka ku dhaqanina bulshada reer Somaliland ka mid yihiin, Ingiriiskii siiyo dawlad-ku sheegtaas Itoobiya. Arrintaas waxa ka dhashay, kacdoon iyo mudaharaad ballaadhan oo bulshada Somaliland aanay u kala hadhin, laguna canbaaraynayey gumeysigii caddaanka ahaa iyo boobkoodii ay markii danbena Itoobiya ka qayb gashay. Haddaba abwaanada reer Somaliland iyaguna arrintaas ma ay yaraysan oo waxay ka curiyeen suugaan badan, oo ay ku dhalliilayeen falkaas, dadkana ku baraarujinayey waxa ka taagan dalka, iyadoo abwaanada qaarkoodna si gaar ah farta ugu fiiqayey Itoobiya, kuna dhalliilayeen boobka deriskooda ay caddaanka shisheeye kala qayb qaatay, iyadoo midab, derisnimo iwm midna aan xeerin. Maansooyinkan soo socda waxay ka mid ahaayeen suugaantaas oo aad u badnayd. Isagoo qoraagu gabayada markuu sheegayo usoo qaadanaya abwaankoodii, kuna turjumaya kalmaddaa iyada ah iyo kalmad kale oo ah darreenkoodii, wuxuu ku micneeyay ama ku tilmaamay qof Eebbe hibo u siiyay inuu tiriyo hees ama gabay iyo iwm, ee kaga hadlaya dareenkiisa marxaladda ummaddu marayso. Qoraagu waxa kale oo uu soo qaatay kalmad kale oo ah khawaastii oo iyadana uu ku micneeyay, inay sheegayso ninkii caalimka ku ahaa diinta Islaamka dareenkiisa, ama abwaanka dareenkiisa aanu isagu ogeyn markuu maansada tirinayo. Haddaba aan wax kasoo qaadanno kuwuu qoraagu u bixiyay abwaankoodii anigoo ku badallaya ereygaa magaca abwaanka:- Maxamed Bulxan wuxuu yidhi: Qarnigii siddeed iyo tobnaad, sanac xumaantiisa Siddeetan iyo dhawr sano wakhtiga, saaka laga joogo Oo uu saan-caddii galab arliga, sabab, la’aan boobay Oo idinka idin siiyey qaar,aradka soomaali Socdaalkuu Jermaaniya ku tegey, saaxirkii Menelik Afriiqiya sidii loo dhacaad, sabab ahaydeene Madow oo dhan waaxad siisateen, sooryo maalin ahe Sirtaad naga gasheen baa ahayd, sun iyo waabay’e Sina uma qadderin midabka iyo, soohdintiyo jaare Gumeystaha dadkaan ula sinnayn, soo degoo yimid’e Wax saayida addoonsiga madow, kugu sameeyaaye Xaqana lagama seexdoo nin lihi, waw sid tiriyaaye Goortay u soo martaa buu wuxuu, sugayey doontaa. Qabaha kale ee buugga waxa ka mid ah qaybta 2aad oo ka waramaysa xorriyaddii la helay, dabbaal-deggii, Damaashaadkii iyo u-baaqidii Soomaalida kale. Wuxuu qoraagu soo qaadanayaa gabayo badan oo la xidhiidha xaaladdii markaa waddanku taagnaa, waxa ugu horreeya gabayadaa uguna xusuus badan, Cabdillaahi Suldaan Maxamed oo ku caan-baxay (Timacadde), gabaygiisii ahaa:- Soomaaloo is-cunaysoo, Saqda qaylo dhawaaqdiyo Sulub laysu cabbaystiyo , Hadba soof la xabbaahiyo, Sarayaa dami weydey, Kii laydhiisu na saaqday, Kii sadqeeyay qabaa’ile , Isu saaray gacmaa ee Saf walaalo ka yeelow, Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow, Aan siduu yahay eego’e Kaana sib kanna saar. Buuggani waa buug intii an buug akhrinayay, iigu waayo aragnimada badnaa. Iiguna xiisaha badnaa, waa buug uu tuducba, tuduca kale kuu dhiibayo, Adigoo aakhirka moodayaba inaad ka qayb gashay, halgankii dheeraa. Faa’iidooyinka laga faa’iidayaa ma yara, waxaana laga dheefi karaa wax ciiddaa ka badan. Qof kasta oo reer Somaliland ah wuxuu ka dhaxlayaa taariikh ma hadho ah, Oo qof kasta oo muwaadin ah raad ku reebaysa. Waliba dareensiinaysa muhiimada ay waddaniyaddu leedahay. Buuggan loo bixiyay “XOG IYO XUSUUS”, qoraagu wuxuu meel kaga dhacay xuquuqdii abwaanku lahaa, oo ah mid aan loo diidi Karin. Lana illoobi Karin. Maxamed, wuxuu soo qaatay gabayadii ugu qiimaha badnaa laakiin gabay kasta oo uu soo qaataba wuxuu ka tagayay magaca abwaanka, taasoo hoos u dhigaysa xiisihii buugga loo hayay. Xaqiraadna ku ah abwaannadii dalka iyo dadkaba U soo halgamayay AF iyo ADINBA. Runtiina waa ayaan darro in abwaanada dalka iyo dadkuba ku tiirsan yihiin, ee qaar nafahoodii ku waayeen, si yar oo fudud inta murtidoodii loo adeegsado oo buug lagu daabacdo magacyadoodiina layskaga tago, waayo, waxa uu qoraagu xagga dambe ee buugga uu taxay dhammaan magacyada iyo raadraaca suugaaneed ee ay leeyahiin abwaannadu, balse qofka akhrinaaya ma garan karo abwaanka uu yahay ee yidhi arrinta uu hadba ka hadlaayo, Waana khaladka ugu way ee uu qoraagu sameeyay. Gaba-Gabada, hadalkayga waxaan ku soo afmeerinayaa qoraalkayga Akhristoow buugga la magac-baxay “XOG IYO XUSUUS”. Hadaadan akhrisan waxa kaa dhiman waayo aragnimo iyo dhacdooyinkii iyo murti-taariikheedkii halganka siyaasadeed ee Somaliland. Gaar ahaan dhallinyarada reer Somaliland, ayaan ugu baaqayaa inay buuggan akriyaan si ay u noqdaan xoggogaal wax ka sheegi kara kuna tusaale qaadan kara: Halgankii dalkeennu soo maray ee mar-xallada kala duwan lahaa. Waxaana Mahad leh ILLAAHAY. Marka labaad qoraha buugga Maxamed Shiikh Ibraahim “XUJAALE” oo buuggan xil wayn iska saaray ururintiisa iyo habayntiisa. Iyo dhamaan intii gacan ka gaysatayba, aniga oo aan kala masuugeynin amaanteydana waxa aan leeyahay Hambalyo, hambalyo, sida geesinnimada leh ee aad halganka uga warantey, adiga oo waliba suugaan qiimo iyo qaayo leh ku ladhay. W/Q. Farduus Siciid Dirir fardusita624@hotmail.com
  8. I like the Land Rover but wuu cillad badan yahay ,,,,,,,
  9. No ,,, we've the Friday and Saturday off. The week starts on Sunday.
  10. Originally posted by Geel_jire: ^ JB you are getting a free pass because most of the anti-secessionists such as myself have bigger fish to fry at the moment namely the Ethiopians and the TFG apologists. So, should i wait until you fry each other ?? ,,, i guess they're doing the same thing no ??
  11. Xaflad loo qabtay Hubka Yagoori oo ay kasoo qayb galeen Odayaasha Beesha J/Siyaad & Masuuliyiinta SL Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay laga saaray xerada timo waynta ee ku taal magaalada Yahoori hubkii Beesha Jaamac Siyaad ee ku jiray tan iyo intii ay dhacday Dawladaii dhexe ee Somalia lagana baxay dagaaladii u dhaxeeyay qabaa’ilka wada dega Waqooyiga Somalia. Hubkaas oo maalintii laga saaray xeradaasi ay si kuleel gaadh ah uhayeen Odayaal gudi ah oo loo saaray Hubkaasi Odayaashaas oo kasoo Jeeda Beesha Jaamac Siyaad ayaa waxaa maanta la qabtay xaflad wayn oo hubkaasi lagu wareejinayo ayna kasoo qayb galeen Odayaasha Beesha,masuuliyiinta Somaliand ee Gobolka oo horkacayo Gudoomiyha Gobolka Cali Maxamuud Axmed iyo Saraakiil sarsare oo Ciidanka ah uuna hogaaminyo Taliyaha aaga barri Maxamed Cabdi Yuusuf (Dhancade) taas oo ka dhacday Yagoori. Hadaba xafladaas ayaa ugu horayn waxaa furay Odayaasha Beesha Jaamac Siyaad oo ka hadlayay Hubkaasi iyagoo si wayn ugu mahad celiyay sida fudud ee hubkaasi looga saaray xeradaasi oo aan waxba lagu qabin intii uu yaalay ayna halkaasi ku wareejiyeen hubkii Taliye Mahad Canbaashe. Waxaana halkaasi uga hadlay Beesha Caaqil Huure Caalin,Caaqil Yuusuf Roobeeye,Caaqil Maxamuud Oogle iyagoo dhamaantood hubkii ku wareejiyay Mahad Canbaashe xusayna in lagu qaamayn doono rag cusub oo hubkaasi ku mushahar qaata iyagoo kamid noqon doona ciidan ka Qaranka Somaliland iyagoo beel ahaana. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadalay Taliyaha aaga Maxamed Cabdi Yuusuf oo si wayn ugaga mahad celiyay odayaashu hawsha ay qabteen isagoo dhankiisana u balan qaaday in loo samayn doono dhamaanba codsiyada ay soo gudbiyeen Odaaysha Beeshu. Ugu danbayntii ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed isagoo u balan qaaday dhamaanba in si wayn wax looga qaban doono waxyaabaha uu ubaahan yahay hubku ee dayactir ah si dagdag ah xusayna in ay Beeshu ku qaramays naan doonto Hubkaasi. Afnugaal News Desk
  12. First day of the weekend was good ,,, i enjoyed hanging out with some old friends. Second day, wanted to sleep but they woke me up just to tell me my Awoow has passed away in a car accident ,,,, i was in the funeral until the evening.
  13. Haye ,, who is awake this time bal ???? This is another new day here ,,,,, my neck is killing me and i need a medical massage ,,,
  14. So all these attacks on Ahmedou coz he praised Somaliland ??? ,,, that is why he is ignorant, clueless ,, blah blah ??
  15. Days are recorded ....... we're still recording
  16. Originally posted by Koora-Tuunshe: Adam, Let me honestly give you the feedback you want. From Erigavo to Bosaaso is where the Somali Maakhirians principally live, but they are as well all over the world. Pictures of Maakhir State http://www.somaliaonline.com/ubb/ultimatebb.php?/topic/6/8843 Little info The northern Somali oil-rich autonomous region of Maakhir declared its independence on 1 July 2007 . Like neighbouring Puntland -- the stronghold of President Youssef -- it is an economically thriving region with standards of living much higher than the average for Somalia as a whole -- per capita income is $1,600 in Puntland, compared with $600 in the rest of Somalia. Remittances from overseas Somalis are also helping to rebuild the northern autonomous regions of Puntland and Maakhir. Brisk trade with Gulf Arab countries has contributed to rapid economic growth in the northern parts of the country. http://weekly.ahram.org.eg/2007/859/re63.htm Independence from who exactly ???
  17. I still want to know ,,,, an independence from who ??
  18. ADDIS ABABA (SN)- Ethiopia- the Somaliland Ministry of Foreign Affairs this week issued a statement criticizing the report made by UN Somalia and environs stating that the report made substantial distortions on the situation in Somaliland suppressing the progress made in Somaliland In the statement issued this week the Somaliland Ministry of Foreign Affairs charges that the report misrepresents the security situation in Somaliland. The report the Secretary General made to the Security Council inadvertently stated that “Security in the north of Somalia remains fragile, but the situation there is relatively better than in southern and central Somalia. The fact-finding mission attempted to visit Hargeysa in “Somaliland” but was prevented from doing so by security concerns caused by a political rally. “Somaliland” and “Puntland” continue to dispute their border in the Sool and Sanag regions, centred on the city of Laasaanood.” It is to the dismay of our government that the report of the SG’s special envoy to Somalia and Somaliland deliberately used words such as ‘Fragile’ to denote that peace has never prevailed in Somaliland. In fact “The security situation in Somaliland is not ‘fragile’ and apparently the situation in Somaliland is incomparable with the one in southern and central Somalia. Somaliland has enjoyed peace and stability since the 1990s, and is a functioning democracy, in complete contrast to south-central Somalia. The only ‘fragility’ in the security situation of Somaliland has been in the East of Somaliland in Sool and Sanaag provinces where the authorities of neighboring Puntland have contested militarily Somaliland’s sovereignty over its colonial borders. Here too, the situation is now stable now that Somaliland controls all of its territory”, said the statement. The press statement also expressed its dismay that the SG’s special envoy to Somalia and Somaliland did not mention anything on his visit to Somaliland and subsequent meetings he had with the President and Minister of Foreign Affairs in which adequate discussions had taken place on the issues pertaining to the quest of the people and government of Somaliland. The response by the Somaliland Ministry of foreign affairs comes after a report made by Ban Ki Moon UN Security General’s report to the UN Security Council assessing the situation in the Horn based on the report presented to him by Ahmedou Ould Abdallah, Special Representative of the Secretary-General for Somalia and Somaliland. The report had made mention on Somaliland in regards to the security situation as being fragile. The statement also according to the ministry of foreign affairs fails to mention the true reality in regards to the progress made by Somaliland in bring about peace and security and building democracy. “Despite the visit made by H.E. Ahmedou Ould Abdallah to Somaliland where he had had extensive discussions with H.E. Dahir Rayale Kahin, President of Somaliland H.e. Abdulahi Duale, foreign minister of Somaliland no mention was made in regards to the consensus reached in regards to Somaliland’s aspirations and current political situation in Somaliland”, reads the statement•
  19. looool ,,,,, i never claim a victory i just support ppl to gain the victory over themselves ,, just like what happened in LA
  20. The President had in mind all those you listed and the highlights you mentioned. It seems logical to you but not to him. The new gobollo is the new start of a new face that Somaliland will move to. I believe it is a crazy but right move from the Government.
  21. The freedom day of S/land 26th June 1960. The wicked day of S/land 1st July 1960. The blessed day of S/land 18th May 1991.