-
Content Count
17,649 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Garaad Jaamac Garaad Cali says it all
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Maanta maanta, maanta Waa maalin weynee maanta _____________ Waa baa baryee Bilicsan Arooryo baxsan Waa maalin boqran -
Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Maakhiri, it needs a generation for daljaceylnimo ku wada beermo dadweynaha Soomaaliyeed. Dowladii hore wey beertay the seeds and you could see the nationalist widespread support it gained from every qabiil. We hadn't seen a support like that since the late 70s. No wonder qabyaaladists cirka iyo dhulka ayee dagaalkooda ahaa and were united against dowladii hore. Deni, Muuse Muqayil, Xasan Socdaal, Shariif Sakiin iyo Axmed Madoobe ayee isku keentay, all the most corrupt Soomaalis had seen in the last two decades. -
Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Fadeexad xoog leh ayay dhexda ka taagan tahay Hay'adda Taya-Dhawrka Soomaaliyeed, ka dib markii Kuxigeenka Hay'addaas ay 01dii bishan Jan, ku dhiiratay magacaabida in ka badan 20 jago oo ay u magacowday, shaqsiyaad katirsan Qaraabada madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno ganacsato ah oo ay shuraako ganacsi yihiin isla Madaxweyne Xassan Sheekh. Sida ku cad waraaqaha magacaabida ayaa soo baxday 1dii bishan, iyadoo uusan dalka ka maqneyn Mareeyaha Hay'addan, oo is qabqabsi ka dib wasiirka Ganacsiga uu maanta sheegay in uu shaqo joojin ku sameeyey. Kooxda Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa xooga saaraya tabcashada malaayiin dollar, si taas loo helana dhammaan ilaha mashaariicda ayay xooga saarayaan in ay saameyn ku yeeshaan, taas oo meesha ka saaraysa sheegada Villa Somalia, ee musuqmaasuq la dagaalan. Sida aan tabiney 25-kii bishii September-2022-dii, Xaawo Axmed Xasan ayaa ka tirsan qoyska Madaxweynaha, una dhaxda wiilka Madaxweyne Xasan, iyadoo ujeedada loo keenay ahayd in ay madax ka noqoto la socodka mashaariicda Hay'adda Fayadhawrka soo marayey oo gaarayay Malaayiin Dollar. Qaar kamid ah ganacsatada shuraakada ay wadagaan Madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka shaqeynayay, sidii ay u heli lahaayeen Qandaraasyo Hay'addan yaala, taas oo ay dhabo kasta u mariyeen. - Gayland Media -
Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Gabadha uu Xasan socdaal sodogga u yahay oo jago xoog lagu siiyey: Inta jagooyinka iyo qandaraasyada la siiyey ka tirsan qoyska soke ee Xasan socdaal ee la ogyahay: Labadiisa xaas Laba la dhalatay Sadex ka mid ah ilmihiisa Laba uu adeer u yahay Laba kale abti u yahay Tanoo kale dowlad Soomaaliyeed waligeed kama dhicin. -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Haye, waa yahay uu ku yiri Xasanoow. -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
He finally went to Qadar a few weeks ago. Xasan Socdaal wuu qariyey safarkaan, his official media did not post anything about this trip. Safarkiisa badan dadweynaha Soomaaliyeed naceen ayuu ogaaday. Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Safarkiisii Labaad Ku Tagay Dalka Qatar Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Doxa ee caasimadda dalka Qatar, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu casuumay daawashada ciyaarta kama dnabeysta koobka Adduunka ee caawa wada ciyaarayaan xulalka Argentina iyo France, iyadoo madax kala duwan ay dowladda Qatar casuuntay. Madaxweynaha ayaa la filayaa sidoo kale inuu la kulmo madaxda Qatar iyo kuwa dalalka kale ka socda, isagoo kala hadli doona dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee dowladiisa hormuudka u tahay. Si kastaba, waa safarkii labaad uu madaxweyne Xasan ku tago dalkaasi Qatar tan iyo markii 15-kii May loo doortay xilka madaxtinimo ee Soomaaliya, waxaana mudooyinka soo hagaagaya xiriirka xukuumadaha Doxa iyo Muqdisho. Madaxweyne Xasan ayaa ka soo duulay dalka Mareykanka, halkaasoo uu uga soo qeyb galay shirka Afrika iyo Mareykanka, isagoo kulan gaar ahna la soo qaatay madaxweyne Joe Biden. Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkiisii labaad ku tagay dalka Qatar. -
Dagaal culus oo ka dhacay Laascaanood & wararkii u dambeeyay Xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa weli kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in xalay saq-dhexe dagaal culus oo ka dhacay bartamaha magaaladaasi, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhig ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin xaafada Durdur ee magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ku dhaawacmeen ugu yaraan illaa saddex qof oo shacab ah, kuwaas la geeyay goobaha caafimaadka ee Laascaanood, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee Somaliland. Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa saaka bilaabay dhaq-dhaqaaq cusub iyo howlgallo ay ku baadi goobayan raggii ka dambeeyay weerarka xalay ka dhacay halkaasi. Xaaladda guud ee magaalada ayaa weli cakiran, waxaana dadka deegaanka ay bilaabeen inay ka barakacaan xaafadaha qaar ee Laascaanood oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya, maadaama rabshaduhu ay sii kordheen, isla-markaana ay socdaan todobaadkii labaad. Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa sheegaya in aysan dooneyn inay Somaliland xukunto Laascaanood, iyagoo ku doodaya in dilka haldoorkooda aysan sidaan ku sii fiirsa karin. Magaalada waxaa ku soo noqnoqday dilalka kooxaha aan la garanayn ay geystaan, waxaana la beegsadaa dadka haldoorka u ah bulshada magaalada Laascaanood. Dhankooda ciidamada Somaliland ayaa awood u adeegsanaya dibadbaxayaasha, waxay maalmihii lasoo dhaafay toogteen dhowr qof oo shacab ahaa, kuwaas oo aan waxba galabsan. Si kastaba, baaqyo ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood ayaa iska soo dabadhacaya, balse sida muuqata Somaliland waa ay ka dhego furaysatay. Xigasho
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Guddi u magacaabay soo baarista dhibaatooyinkii ka dhacay Laascaanood Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magacaabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaarinaya dhibaatooyinka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Guddigaan uu magacaabay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madobe ayaa ka kooban ilaa 10 mudane oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa faray guddigaan iney kasoo tala bixiyaan xaalada cakiran ee ka taagan magaalada Laascaanood, waxaana si gaar ah loo faray guddigan in warbixin dhameystiran ka keenaan dadka ku dhintay shaqaaqooyinka iyo kuwa dhaawacmay. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale faray guddigaan iney deg deg ku howlgalaan, islamarkaana guddiga ay dib ugu soo celiyaan natiijada kasoo baxdo xog baaristooda iyo xaqiiqada waxa ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. _______________________ Expect another 'guddi' from Cabdi Xaashi, Muuse Muqayil's representative in Xamar si uu qash qashaad u alifo.