-
Content Count
17,665 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
325
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
UN Human Rights Chief Urges Investigation
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Xirtaan oo isleh Oxford Ingiriis ayaa qortiin iyagoo buunbuunin raadinaayo: -
UN Human Rights Chief Urges Investigation
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
What marqaanhead. Is he really chewing? Muuse Muqayil moooryaantiisa iga dheh. -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Safarada Xasan Socdaal ee dalxiiska ah. Imaaraadka Turkiga Eritareeya Kiinya Jabuuti Tansaaniya Masar Ugaandha Kiinya (again) Mareykanka Ingiriiska Mareykanka (again) Itoobiya Ugaandha (again) Jabuuti (again) Suudaan Aljeeriya Masar (again) Eritareeya (again) Jabuuti (3rd time) Sacuudiga Mareykanka (third time) Qadar Talyaaniga ______________ Updated. -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Marka uu toddobaadyo neefsaday, the salesman is back on the road again. He is in Talyaaniga now. -
UN Human Rights Chief Urges Investigation
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
All thanks to the tireless endeavors by halyeeyad Ilhaan Garaad. Her social media efforts is worth a thousand lying secessionists amateur efforts combined. -
Garaad Jaamac Garaad Cali says it all
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
-
DF oo shaacisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda Laascaanood DF oo shaacisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda Laascaanood Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa si adag uga hadashay xiisadda dagaal ee ka taagan gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo sababtay khasaare xoogan. War-saxaafadeedkan oo uu warbaahinta u aqriyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Axmed Macallin Fiqi ayaa lagu shaaciyay mowqifka dowladda ee arrinta Laascaanood. Ugu horreyn dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay dagaallada ka socdo halkaasi, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. “Dowladda federaalka waxa ay ka xun tahay dagaallada halkaasi ka dilaacay ee geysanayaa khasaaraha nafeed, barakaca Ummadeed iyo burburka” ayuu lagu yiri qoraalka Fiqi. Wasiirka oo sii wada aqrinta bayaanka ayaa sheegay in xaaladda ka taagan Laascaanood ay salka ku heyso arrin siyaasadeed, wuxuuna ka digay in lasii wado dhibaateynta shacabka. Sidoo kale dowladda Soomaaliya war-saxaafadeedkan ku shaacisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda haatan ka taagan magaalada Laascaanood, waxayna sheegtay in uu xil ka saaran yahay ilaalinta midnimada dhuleed iyo tan badeed Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dowladda dhexe ayaa sidoo kale xustay inay so dhaweyneyso go’aanka kasoo baxay Isimada SSC iyo sidoo kale rabitaanka reer Laascaanood oo shalay ku dhawaaqay inay hoostagayaan dowladda federaalka, isla-markaana aysan kasii mid ahaaneyn Somaliland. “Dowladda Soomaaliya waxaa xil ka saaraan yahay ilaalinta mabaadi’da dastuuriga ah ee dhowrista midimada dhuleed iyo tan dadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna dawladdu ayadoo ka duulayso mabda’aas soo dhowaynaysaa rabitaanka iyo go’aanada dadka reer Laascaanod” ayaa markale lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda. Waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ay ku baaqday in la dajiyo xiisadda haatan ka aloolsan magaaladaasi, wax welibana lagu dhammeeyo wada-hadal iyo degnaan. Ugu dambeyn waxaa war-saxaafadeedkani farriin loogu daray hay’adaha Samafalka iyo kuwa Caalamiga ah oo laga dalbaday inay u gurmadaan dadkii ka barakacay Laascaanood.
-
"Madaxweynaha qaranka," ladies and gentlemen
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
DF oo shaacisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda Laascaanood Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa si adag uga hadashay xiisadda dagaal ee ka taagan gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo sababtay khasaare xoogan. War-saxaafadeedkan oo uu warbaahinta u aqriyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Axmed Macallin Fiqi ayaa lagu shaaciyay mowqifka dowladda ee arrinta Laascaanood. Ugu horreyn dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay dagaallada ka socdo halkaasi, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. “Dowladda federaalka waxa ay ka xun tahay dagaallada halkaasi ka dilaacay ee geysanayaa khasaaraha nafeed, barakaca Ummadeed iyo burburka” ayuu lagu yiri qoraalka Fiqi. Wasiirka oo sii wada aqrinta bayaanka ayaa sheegay in xaaladda ka taagan Laascaanood ay salka ku heyso arrin siyaasadeed, wuxuuna ka digay in lasii wado dhibaateynta shacabka. Sidoo kale dowladda Soomaaliya war-saxaafadeedkan ku shaacisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda haatan ka taagan magaalada Laascaanood, waxayna sheegtay in uu xil ka saaran yahay ilaalinta midnimada dhuleed iyo tan badeed Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dowladda dhexe ayaa sidoo kale xustay inay so dhaweyneyso go’aanka kasoo baxay Isimada SSC iyo sidoo kale rabitaanka reer Laascaanood oo shalay ku dhawaaqay inay hoostagayaan dowladda federaalka, isla-markaana aysan kasii mid ahaaneyn Somaliland. “Dowladda Soomaaliya waxaa xil ka saaraan yahay ilaalinta mabaadi’da dastuuriga ah ee dhowrista midimada dhuleed iyo tan dadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna dawladdu ayadoo ka duulayso mabda’aas soo dhowaynaysaa rabitaanka iyo go’aanada dadka reer Laascaanod” ayaa markale lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda. Waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ay ku baaqday in la dajiyo xiisadda haatan ka aloolsan magaaladaasi, wax welibana lagu dhammeeyo wada-hadal iyo degnaan. Ugu dambeyn waxaa war-saxaafadeedkani farriin loogu daray hay’adaha Samafalka iyo kuwa Caalamiga ah oo laga dalbaday inay u gurmadaan dadkii ka barakacay Laascaanood. -
"Madaxweynaha qaranka," ladies and gentlemen
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Xasanoow yaa kuu diiday saan markii hore. -
"Madaxweynaha qaranka," ladies and gentlemen
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Xasan finally spoke, after pressure from too many sides and jabka Muuse Muqayil, both morally and siyaasad ahaan: Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay dagaalka Laascaanood iyo xiisadda Puntland Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa si kulul uga hadlay xaaladda adag ee magaalada Laascaanood iyo xiisadda kasoo cusbnoonaatay maamulka Puntland. Ugu horreyn madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dagaallada haatan ka socdo magaalada Laascaanood, isaga oo shaaca ka qaaday inuu ka xun tahay xiisaddaasi. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in arrinta Laascaanood ay tahay mid siyaasadeed, xalkeedana ay tahay lagu raadiyo deganaan iyo wadahadal. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xalka uu ku jiro midnimada iyo in rabitaankooda loo daayo shacabka ku dhaqan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. “Mushkiladda ka taagan Sool iyo Sanaag xalkeedu waa xal siyaasadeed in si siyaasad ah loo xaliyo. Siyaasadda guud ee Soomaaliya iyo midnimadeeda lagu raadinayo ayaana xalka Sool & Sanaag uu ku dhex jiraa” ayuu yiri madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la sameeyo xabad joojin, kadibna labada dhinac ay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka, si xal looga gaaro xaaladda Laascaanood. “Rabitaanka dadka hala ixtiraamo qorayga hala dhigo, xabadda hala joojiyo miiska hala’isku yimaado oo hala wada-hadlo,” ayuu markale yiri madaxweynuhu. Dhanka kale madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday xaalada siyaasadeed ee kasoo cusboonaatay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la dajiyo xaaladda, isla-markaana la ilaalinayo nabadda ay caanka ku tahay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Waxa kale oo uu farriin u diray odayaasha dhaqanka ee maamulkaasi, isaga oo ka dalbaday inay qaataan doorkooda ku aadan sidii loo qaboojin lahaa xiisaddaasi siyaasadeed. “Odayaasha dhaqanka ha qaataan kaalinta ay leeyihiin oo ah kaalin nabadeed, haddana ay qaateen, waana ku boggaadinayaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. -
Laascaanood Declaration- a Moment in Somali history
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
-
"Madaxweynaha qaranka," ladies and gentlemen
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Mahadsanid mudane Farmaajo. -
Laascaanood Declaration- a Moment in Somali history
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Thanks Xasan Kheyre, a real statesman. -
"Madaxweynaha qaranka," ladies and gentlemen
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Meantime, a real leader. -
Reer Laascaabood calankeena baluugga dariisa ugu shahiidaayo are not part this dalka uu sheegta inuu madax u yahay, I guess. All this to satisfy ailing Ismaaciil Cumar Geelle. Waa yaab.
-
Xasan is really obsessed with Koonfur Galbeed
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
What did I say? Xasan Sh. accepted the extension of Laftagareen and kuwa mucaaradka sheeganaayina lagu qasbay to accept the extension as well. -
Another major xaraash:
-
Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Another day, another xaraash, another major iib of hantideena: