
jamacabdi265
Nomads-
Content Count
155 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
3
Recent Profile Visitors
The recent visitors block is disabled and is not being shown to other users.
-
Wa sadaalin natijo siyadadeed (political poll), runa maha beena maha, weena khaldami kartaa laakinse. Xisaab kale maa heysa adi?
-
jamacabdi265 started following UK covers up Somaliland massacre report, Prez HSM on Puntland, The end of Erdogan? and and 2 others
-
Dowlada Somaaliya maanta(oo Unuka dayday ah iyo cagdheer maamulaan) wexe taagan tahay isla meeshii ee taagneed markii Cumar buur iyo Abdirashiid waal meesha jogeen iyo Isla meeshii cuniga siyaad barre (farmaajo) iyo xaabada kale unuga ee tagneed(shariif, nuur Cade). Isbadal weyni ma dhicin intii askari cabdillahi yusuf dowlada ka keenay embagati iyo jowhar, hadii runta laga hadlo. Xayeesiiska iyo shirarar wax lagu cuniyo lee yara batay, laakinse wali si nabada iyo bila Cabsi laguma tagi karo balcad iyo burhakaba. Marka naga daaya Nin jaceylka iyo nin naceybka, isla meeshii taaganahay.
-
Erdogan pension wa u Diyaar, cafimaadna maha 10 sano wax ka badan nin maamulo dal. Ha iska nasto xaaji Erdogaan, Xamar will miss you.
-
Awdal wax weyn kama dhiciyaan, maha umad ama deegaan kacdoon, waxba ha ka dhageysan niicda huunada galbeedka. Kastuumo ama keeshali bluuga waligood Borama wa laga tolan jiray. Unacamleynta wa ka caado, Muusena wee la walaaqaniyeen qaska, boobka iyo baabinta dowladnimada. Laakinse beesha dhexe ayaa kaga dhoow oo iminkaba qarka u saaran. Berbera iyo Burco ayaa baryahanba wax ka karkariyeen.
-
Doorasho xaqa hadee ka dhacdo Puntland, wexe keenisa iney natijo kasoo baxdo ka nixisa Maxamuud saleebaan, oo ka dhigta laangaab ama minority deegamada xooga iyo bootada ku heystaan. Oo natiyo noocan camal kasoo baxdo; -Bosasso; 10% boqoryootada, 90% dadka kale. -Garowe: 15% C Riyoole, 80% dadka kale -Galkacyo(Waqooyi); 20% Cumar waal, 80% dadka kale. Marka uma maleyniyo iney ilma saleebaan inta liqi karaan.
-
Xaaji Xunjuf, topic ha ka leexanin, qiiqna ha ku aasin.
-
Hadey dhab ka tahay, oo rabtid ina xal loo helo dhibaatoyiinkaas, wa ina marka hore la fahmo sida heerkan lagu so gaaray oo la qirto meesha wax ka qaldameen, oo isleeyahay kuwan ayaa ugu muhiimsan; 1. Khalad wuu dhacaa, bila adan ayaa nahay. Laakin wa ina tawbad keeno oo kasoo laabano khaladka. SL khalaad badan ayee gashay, inta la qiran lahaa khaladkii oo laga soo laaban lahaa aya lagu sii adkeesatay, lasii raacisay kibir, afxumo iyo la aamino xoog iyo qori inu yahay xal. 2. Umada SL (iyo dadka deegaan kasta) wada degta wa isku dan ayee iyo isku xaq ayee leeyihiin (galbeed ila bari). Laga yaaba iney kala aragti yihiin sida dantaas lagu gaaro, laakinse isku dan uun ayee yihiin markasta umada isku deegaanka ah. 3. Qofka fikirkiisa iyo taladiisa dhiibta maha cadoow, ee wa qof daneeye ah oo hadaanu dan ka leheen umada fikirna ama talo umu soo jeedin leheen. Marka cadoow ha raadsan ee raadi fikirada iyo talooyinka kala duwan, oo soo dhawee. 4. Guriga seeskiisa qalooco qurxin iyo hadal laguma toosin karo ila inta seeska dib loogu noqdo. Taladii dhinac ayee ka qaloocan tahay, taladuna wexe ku qurux badan tahay markey loo dhan yahay ayee miisan leheedahay ayee micno, culeys iyo saameyn leedahay. 5. Siyasada qofna lama colaadiyo, lamana fogeeyo ama bari la isku baahdaa. Waxa la colaadiyay oo la fogeeyay, Saladiintii, aqoonyahankii iyo siyasiintii dhabta ahaa ee xilna rabin oo maanta xal kula raadin lahaa, meeyeen maanta?
-
Laba bilood ayee qaadatay, iney SL aqbasho Ergadii. Caalamkii oo dhan ku cadeeyeen iney nabada SL looga fadhiyo. Iminkana ma diidi karto xalka so jeediyaan Ergadaasi.
-
Mexee sameyn karaan aah? Joow, war niyoow fursad kasta oo nabadeed ina sii aastid ayaa rabtaa. talaabo kasta oo nabad lagu heli lahaa waad iqilaabtay, ma saas ayaa kursiga kusii heysan? Kaarto Melez iyo Tigray iga dheh, sidey ku dambeeyeen waan la socotaa.
-
SL ma diidi karto ergadaa, ergo diid wa nabad diid.
-
1. Ergo waligeed yada is diri jirtay. Ergo maha shaqale ama wakiilo u baahan amar siyaasi ama askari iney ku socdaan. 2. Ergo wa ka dhex dhexaad labada isheysta. Ergodani wexe kasoo jeedaan degaano ka duwan kuwa dagaalka ku jira, marka wa ergo sax ah. 3. Ergo diid wa nabad diid. Saas ayee Somalidu odhan jirtay, dhaqana uma aha iney ergo diidaan.
-
Arinta las canod cashar weyn ayee u tahay Somaliland iyo siyasadeeda. Inkastoo SL mararbadan jaziirad khaliijiya isku maleysay, oo intaas oo sano la fogeeniyay dadka Somaliyeed, oo afxumaduna u dhereed . Maanta wexe SL ogaatay dhinac kasta Somali iney ka xigto oo la isku baahan yahay, oo dan ugu jirin kala fogeyntaa shacabiga iyo iney cidna u baahneyn oo ka maarmi karto Somalidii kale. 1.Sanadkii hore ayee eheed markii shacabka kasoo jeeda Southwest laga saariyay oo tarxiiliyay SL sida dad shiisheeye yihiin oo kale, maantana rajadii ugu dambeysay ee nabadeed wexe isku so shubtay iney noqdaan odayaashahi Southwest kuwa nabadii ka raadiya godka lagu riday. Tariikhda iyo xidhiidhka dheer ka dhexeeya beesha SouthWest iyo beesha SL, wa mid intaas oo qarni soo jireen ahaa oo ku dhisnaa nabad, wanaag iyo isdhexgal. Waxa ku cadeyn ah odayaashii kasoo jeedeen beesha DM badankooda SL ku aasan yihiin, iyo intaas oo umad iyo jufooyin ka mid ah SL iney degenayeen SW oo ka mid yihiin macaa DM. Tariikhda iyo so jireenka lama xaqiri karo, kana weyn dhacdadaas sanadkii hore ee foosha Sumer umada lagu kala fogeeniyay. 2. Somalidu tariikh ahaan umado badan ayee is dhex galeen oo xidhiidh lahayeen, Somali badan ayaa sinjiyad ahaan asalkoodi hore xidid kulahaa meelo kale sida Yemen, Sudan, Portugiis, Hindi, Turkey. Laakinse yada oo Somali sidaas tahay, ayee eheed beesha dhexe ee SL ta kaliya ee u isticmaalisay iney ka farcameen Carab iyo binu Hashim, sidey iskaga fogeeyaan Somalida kale iyo u tirtiraan sinjiyadooda Iyo tariikhda ka dhaxeysa yaga iyo Somalida kale, siiba beesha D!R. Maantana wexe ogadeen iney yihiin Dir una baahan yihiin beesha Dir, oo la baabiin kareyn tolnimada. 3. Darisku iney xaq weyn isku leeyihiin wa xaqiiq. Somaliland darisnimada Jabuuti wee ilaalisaa, weena isku xidhan yihiin beelaha degan galbeedka SL iyo jabuuti oo tolnimo, Xidid, iskaashi iyo ganacsi ayaa ka dhexeeya. Sidaas ee tahay xidhiidha dariska galbeedka SL, ayee xidhiidhka darisnimo ee bariga SL u xaqirtaa oo Puntland badanka siyasiinta SL ugu muujiyaan afxumo. In kastoo Puntland iyo Somaliland siyasad ahaan kala dan yihiin, ayee SL dafirtaa isku xidhnaasha, tolnimadan iyo danaha badan ka dhexeeya SSC iyo beelaha bariga SL iyo Puntland ka dhexeeya. Saas ee tahay, ayee jabuuti iyo SL siyasad iyo macaa dhaqaale ahaan kala dan yihiin, oo Jabuuti kasoo horjeeda dekeda Berbera balaarinteeda. Xaqa dariska lama dafiri karo, oo maalinta xaalku adkaato wa kuwa dabka kula damin kara marka daris wanaag tihiin. Subxanallah, Ilaahay wa cadaali.
-
Somaliland: Operation Clean up Laascaanood (Loading...)
jamacabdi265 replied to baala xoofto's topic in Politics
Heshiisku Wuxu u baahan yahay kasbasho ama ‘goodwill’ waxa la dhaho. SL hogaankeedu maanta wax ‘goodwill’ ma laha, account keedi ‘kasbashada’ wuu madhan yahay, wax yar uga hadhay iney kacdo. Sida ta ku xalinisaa? -
Somaliland: Operation Clean up Laascaanood (Loading...)
jamacabdi265 replied to baala xoofto's topic in Politics
Inshallah ilaahay waxa ka baryinaa, inu dagaalkan dhaqso u joojiyo oo dadka dariiqa nabada kusoo celiyo. Laakinse waxa ka baqiyaa ina dagaalkan inu wakhti dheer sameyn kusii yeelon doono umada Somaliyeed sida dagaalkii hore ee 80kii, 90kii, 00kii ka dhacay. Tariikhdii waxba kamaanu baran, wixii nasoo maray kamaanu faideysan. Si kasta ha ahaatee, casharka ugu muhiimsan waxa weeyaan dagaal Heshiis uun aya lagu dhameyn karaa. Macaa hadii xabadu istaagto, kumanaan laga kala dilo, ama frontkii ama line of controlkii isbadalo, micnaheedu maha wa la kala adkaaday, ama inu dagaal dhamaday, heshiis uun aya dagaal lagu dhameyn karaa. Siiba marke ee noqoto dagaal sokeeye, aad bee u kala duwan yihiin dagaal wadamo shisheeyo galaan iyo mid sokeeye. Dagaalka sokeeye Micno uma sameyniso cida marka ku xoog badata ama cid dib loo riixo, ama tirada la kalo dilo, maadama heshiiska la gaariyo ama loo baahan yahay marna ku xidhneyd awooda dagaalka lagu muujiyay ama frontka meesha ee noqoto. Meesha dagaalka shisheeye ee keeni karto faido xadka noqda frontlinekq, laakinse ka sokeeye uma laha faido.
-
Popular Contributors