Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,649
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. When one can't separate professionalism the job entails from tolka marqaan session talk. Saanee wariye caalami ku sheeganeysaa. She has been mass reported.
  2. Guddoomiye ku xigeenkii gobolka Sool oo iscasilay, baaqna u diray xukuumada Somaliland Guddoomiye Ku xigeenkii dhawaan xukuumada Somaliland u magacowday gobolka Sool ayaa iscasilay, xukuumadana wuxu ugu baaqay in ay ciidankeeda kala baxdo gobolka. Saleebaan Diiriye Cabdi oo madaxweyne Biixi u magacaabay xilka guddoomiye ku xigeenka Sool bilowgii kacdoonka Laascaanood, ayaa sheegay in uu xalka nabadu ku jiro Somaliland oo ciidankeeda la baxda. "Xalkii Laascaanood kolay xabad ayuu noqday, umada inta hadhay in ay kala badbaado waxa lagu heli karaa ciidamadaas oo Laascaanood lagala baxo," ayuu yidhi Diiriye. Waxa kale oo uu sheegay in Laascaanood ayna ku dagaalamayn argagixiso lakiin ay dagaalamayaan ciidamada Somaliland iyo dadkii deegaanka, waxa uu sheegay in ciidan beeleedyo iyo ciidamada Somaliland uu dagaalku u dhexeeyo. Waxa uu sheegay in uu iska casilay xilkii uu u hayay xukuumada Somaliland ee ahaa guddoomiye ku xigeenka gobolka Sool, isaga oo masuuliyiinta kale ee deegaanka kasoo jeeda ee xilalka hayana ugu baaqay in ay is casilaan. Dhinaca kale, maayarka iyo qaar kamid ah golaha deegaanka ee Laascaanood ayaa iyaguna ku baaqay in ciidamada Somaliland ay ka baxaan gobolka, iyagoo ciidamada ku eedeeyay tacadiyo xuquuqda aadanaha ka dhan ah, taasi oo xukuumadu beenisay. Wasaarada gaashaandhiga oo sii adkaynaysa sheegashada Somaliland ee ah in kooxo argagixiso ahi joogaan Laascaanood, ayaa tusaale usoo qaadatay mid kamid ah dagaalyahana guddaha magaalada ku jira oo la yidhaa Cabdi Madoobe, kaasi oo ay ku eedaysay in uu yahay Alshabaab. Xigasho
  3. The qamadi iyo caloosha baahan the garaad is talking about. Always wey marqaansanyihiin, why? Acuudka.
  4. Wey istaahileen eeyadaan in la galo xaruntooda sideed sano ka hor. They really hate Islam and Muslims. Cartoon's caption reads: “No need to send tanks.”
  5. Better late than never. Dowladda dhexe should have done this from the first day. The resilience of Reer Laascaanood markuu arkay ayuu Xasan Sh. isbadalay, meesha dabeesha awooda bsdan u socoto ayuu arkay.
  6. Wretched secessionists ma xishoodaan. Jaad intee ka soo dhargaan been cad la imaanayaan.
  7. Xirtaan oo isleh Oxford Ingiriis ayaa qortiin iyagoo buunbuunin raadinaayo:
  8. What marqaanhead. Is he really chewing? Muuse Muqayil moooryaantiisa iga dheh.
  9. Safarada Xasan Socdaal ee dalxiiska ah. Imaaraadka  Turkiga  Eritareeya  Kiinya  Jabuuti  Tansaaniya Masar  Ugaandha  Kiinya (again)  Mareykanka Ingiriiska  Mareykanka (again)  Itoobiya  Ugaandha (again) Jabuuti (again)  Suudaan  Aljeeriya  Masar (again) Eritareeya (again) Jabuuti (3rd time) Sacuudiga  Mareykanka (third time) Qadar  Talyaaniga ______________ Updated.
  10. Marka uu toddobaadyo neefsaday, the salesman is back on the road again. He is in Talyaaniga now.
  11. All thanks to the tireless endeavors by halyeeyad Ilhaan Garaad. Her social media efforts is worth a thousand lying secessionists amateur efforts combined.
  12. Odeygii Cabdi Xaashi, ergeyga Muuse Muqayil Xamar u fadhiyo, hadduu si deg deg ku soo hadli doonaa.
  13. DF oo shaacisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda Laascaanood DF oo shaacisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda Laascaanood Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa si adag uga hadashay xiisadda dagaal ee ka taagan gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo sababtay khasaare xoogan. War-saxaafadeedkan oo uu warbaahinta u aqriyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Axmed Macallin Fiqi ayaa lagu shaaciyay mowqifka dowladda ee arrinta Laascaanood. Ugu horreyn dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay dagaallada ka socdo halkaasi, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. “Dowladda federaalka waxa ay ka xun tahay dagaallada halkaasi ka dilaacay ee geysanayaa khasaaraha nafeed, barakaca Ummadeed iyo burburka” ayuu lagu yiri qoraalka Fiqi. Wasiirka oo sii wada aqrinta bayaanka ayaa sheegay in xaaladda ka taagan Laascaanood ay salka ku heyso arrin siyaasadeed, wuxuuna ka digay in lasii wado dhibaateynta shacabka. Sidoo kale dowladda Soomaaliya war-saxaafadeedkan ku shaacisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda haatan ka taagan magaalada Laascaanood, waxayna sheegtay in uu xil ka saaran yahay ilaalinta midnimada dhuleed iyo tan badeed Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dowladda dhexe ayaa sidoo kale xustay inay so dhaweyneyso go’aanka kasoo baxay Isimada SSC iyo sidoo kale rabitaanka reer Laascaanood oo shalay ku dhawaaqay inay hoostagayaan dowladda federaalka, isla-markaana aysan kasii mid ahaaneyn Somaliland. “Dowladda Soomaaliya waxaa xil ka saaraan yahay ilaalinta mabaadi’da dastuuriga ah ee dhowrista midimada dhuleed iyo tan dadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna dawladdu ayadoo ka duulayso mabda’aas soo dhowaynaysaa rabitaanka iyo go’aanada dadka reer Laascaanod” ayaa markale lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda. Waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ay ku baaqday in la dajiyo xiisadda haatan ka aloolsan magaaladaasi, wax welibana lagu dhammeeyo wada-hadal iyo degnaan. Ugu dambeyn waxaa war-saxaafadeedkani farriin loogu daray hay’adaha Samafalka iyo kuwa Caalamiga ah oo laga dalbaday inay u gurmadaan dadkii ka barakacay Laascaanood.
  14. DF oo shaacisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda Laascaanood Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa si adag uga hadashay xiisadda dagaal ee ka taagan gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo sababtay khasaare xoogan. War-saxaafadeedkan oo uu warbaahinta u aqriyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Axmed Macallin Fiqi ayaa lagu shaaciyay mowqifka dowladda ee arrinta Laascaanood. Ugu horreyn dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay dagaallada ka socdo halkaasi, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. “Dowladda federaalka waxa ay ka xun tahay dagaallada halkaasi ka dilaacay ee geysanayaa khasaaraha nafeed, barakaca Ummadeed iyo burburka” ayuu lagu yiri qoraalka Fiqi. Wasiirka oo sii wada aqrinta bayaanka ayaa sheegay in xaaladda ka taagan Laascaanood ay salka ku heyso arrin siyaasadeed, wuxuuna ka digay in lasii wado dhibaateynta shacabka. Sidoo kale dowladda Soomaaliya war-saxaafadeedkan ku shaacisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda haatan ka taagan magaalada Laascaanood, waxayna sheegtay in uu xil ka saaran yahay ilaalinta midnimada dhuleed iyo tan badeed Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dowladda dhexe ayaa sidoo kale xustay inay so dhaweyneyso go’aanka kasoo baxay Isimada SSC iyo sidoo kale rabitaanka reer Laascaanood oo shalay ku dhawaaqay inay hoostagayaan dowladda federaalka, isla-markaana aysan kasii mid ahaaneyn Somaliland. “Dowladda Soomaaliya waxaa xil ka saaraan yahay ilaalinta mabaadi’da dastuuriga ah ee dhowrista midimada dhuleed iyo tan dadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna dawladdu ayadoo ka duulayso mabda’aas soo dhowaynaysaa rabitaanka iyo go’aanada dadka reer Laascaanod” ayaa markale lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda. Waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ay ku baaqday in la dajiyo xiisadda haatan ka aloolsan magaaladaasi, wax welibana lagu dhammeeyo wada-hadal iyo degnaan. Ugu dambeyn waxaa war-saxaafadeedkani farriin loogu daray hay’adaha Samafalka iyo kuwa Caalamiga ah oo laga dalbaday inay u gurmadaan dadkii ka barakacay Laascaanood.
  15. Xasan finally spoke, after pressure from too many sides and jabka Muuse Muqayil, both morally and siyaasad ahaan: Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay dagaalka Laascaanood iyo xiisadda Puntland Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa si kulul uga hadlay xaaladda adag ee magaalada Laascaanood iyo xiisadda kasoo cusbnoonaatay maamulka Puntland. Ugu horreyn madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dagaallada haatan ka socdo magaalada Laascaanood, isaga oo shaaca ka qaaday inuu ka xun tahay xiisaddaasi. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in arrinta Laascaanood ay tahay mid siyaasadeed, xalkeedana ay tahay lagu raadiyo deganaan iyo wadahadal. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xalka uu ku jiro midnimada iyo in rabitaankooda loo daayo shacabka ku dhaqan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. “Mushkiladda ka taagan Sool iyo Sanaag xalkeedu waa xal siyaasadeed in si siyaasad ah loo xaliyo. Siyaasadda guud ee Soomaaliya iyo midnimadeeda lagu raadinayo ayaana xalka Sool & Sanaag uu ku dhex jiraa” ayuu yiri madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la sameeyo xabad joojin, kadibna labada dhinac ay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka, si xal looga gaaro xaaladda Laascaanood. “Rabitaanka dadka hala ixtiraamo qorayga hala dhigo, xabadda hala joojiyo miiska hala’isku yimaado oo hala wada-hadlo,” ayuu markale yiri madaxweynuhu. Dhanka kale madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday xaalada siyaasadeed ee kasoo cusboonaatay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la dajiyo xaaladda, isla-markaana la ilaalinayo nabadda ay caanka ku tahay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Waxa kale oo uu farriin u diray odayaasha dhaqanka ee maamulkaasi, isaga oo ka dalbaday inay qaataan doorkooda ku aadan sidii loo qaboojin lahaa xiisaddaasi siyaasadeed. “Odayaasha dhaqanka ha qaataan kaalinta ay leeyihiin oo ah kaalin nabadeed, haddana ay qaateen, waana ku boggaadinayaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.