-
Content Count
17,649 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Kiiskaan dulinimada ah in badan la qarinaaye maalmahaan soo shaacbaxay. Ila aqriso: "September 07, 2022 ayaa askar taraafiko ah oo jid furanaysa waxay xaafadda Macaani ee Tareedisho ku dhaawaceen walaalkey Maxamed Xaashi Faarax oo 17 jir ahaa. Waxaan gaynay isbitaalka Digfeer, askarigii dilayna waxaa habeenkaas lagu soo xiray xarunta Taraafikada, oo looga sii gudbiyay Xabsiga Dhexe. Xeer ilaalinta ayaa dhegaysatay eedeymaha loo haysto Cabdi Maxmed Amin oo ah askarigii dilay walaalkey iyo 6 qof oo marqaati ah oo joogtay goobta ay wax ka dhaceen. October 20, 2022 ayuu walaalkey u dhintay dhaawicii. Intii uu isbitaalka ku jiray waxaa noo yimid qoyskii askariga, waxayna noo keeneen $1,000 oo aan u kaashannay qarashkii daawada intii uu dhaawaca ahaa. Waxayna odayaasha dhaqanku isla garteen in ay iska warsadaan wixii soo kordho. December 07, 2022 ayaa noogala yeeray Maxkamadda Ciidamada. Waxaana nala hor keenay askarigii dilay walaalkey oo marqaati ah oo nin kale oo Jareer ah ku marqaatifuraya in uu walaalkey dilay. Dorraad ayaa askarigii laga sii daayay Xabsiga Dhexe. Shalayna waxay Maxkamadda Ciidamadu dil toogasho ah ku xukuntay Cabdinaasir Cusmaan Nuunow oo ay ku sheegtay qisaasta dilkii walaalkey Maxamed Xaashi Faarax. Ma ogi ninka dilka lagu xukumay waxa uu yahay, balse waxaan caddeynayaa in uusan dilin walaalkey Maxamed Xaashi Faarax. Walaalkey ninkii dilay waa naqaannaa, 6 qof oo marqaati ah ayaa ku caddeysay, odayaashiisa dhaqankuna way nala xaaleen, oo iyaga ayaa bixiyay qarashkii daawada intii uu dhaawaca ahaa." Dhacdadaan waxaa iiga sheekeeyay saaxiibkey Abdullahi Hashi Farah, oo la dhashay marxuum Maxamed Xaashi Faarax. - Qore Xuseen Sabriye _________________ Kan wax dilay la qarinaayo waa Xasan Sh. qolodiisa.
-
HSM lied about famine in Somalia on Aljazeera
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Dhagax-Tuur's topic in Politics
Mashruuciisa cusub waa kuwii afka duubnaa la dagaalameynaa ee dhaqaalo na siiyaa. Meesha uu tagaba saas ka leeyahay. Dhaqaale wuxuu ula jeedaa kaash ama expensive weapons uu ka sii gadan karo ganacsato. -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Where is calankeena qurxoonaa? Ninkaan iska dhoofaayo has zero protocol awareness. Meesha lagu kulmaayo waa Mareykanka, haddana hal calan bas ayaa muuqdo. Isbahdilka daily ninkaan isku sameynaayo la yaabay. -
Laftagareen flexing iyo dhoolatus
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Waa runtaa. Siyaasadda qaabka daran maanta dhisan waa in baraha bulshada la iska muujiyo oo shisheeye kalkaal laga dhigto si tolka iyo taageeeiyaal loo qanciyo. Gabadhaan maalin ka hor Sh. Aaden Madoobe ayee la kulmeysay; a day before her, Aaden Madoobe was meeting with daljiraha Mareykanka. Maxaa isku keenay daljiriyaal iyo guddoomiye baarlamaan? Mar wasiiro ayee la kulmaan, marna xildhibaanno, marna hoggaamiyaasha maamul goboleedyada. Dal iska noqday suuqa xoolaha camal waaye Soomaaliya. -
Laftagareen flexing iyo dhoolatus
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
More dhoolatus. Jaajusadii Reer Ingiriis Baydhabo iska xaadarisay. -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Safarada Xasan Socdaal ee dalxiiska ah. Imaaraadka Turkiga Eritareeya Kiinya Jabuuti Tansaaniya Masar Ugaandha Kiinya (again) Mareykanka Ingiriiska Mareykanka (again) Itoobiya Ugaandha (again) Jabuuti (again) Suudaan Aljeeriya Masar (again) Eritareeya (again) Jabuuti (3rd time) Sacuudiga Mareykanka (third time) Qadar? Burundi? ______________ Updated. -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Xasan Socdaal is back to Mareykanka again, third time in the last three months. -
Afar madaxweyne goboleed oo dhisaya isbaheysi cusub oo ka dhan ah Xasan Sheekh Afar madaxweyne goboleed ayaa la filayaa inay yeeshaan iskaashi ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladda uu hoggaamiyo. Iskaashigan ayaa waxaa abaabulkiisa wada madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana horey qeyb uga hayaa madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, halka la filayo inay kusoo biiraan madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubaland, Axmed Qoor Qoor iyo Axmed Madoobe Xiriirka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa soo hagaagaya, sida ay sheegayaan xogo kala duwan, taasi oo sahleysa in Axmed Madoobe uu kusoo biiro xulufadan cusub. Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo mad-madow soo kala dhex galay doorashadii Xasan Sheekh kadib ayaa hadda isu diyaarinaya in ay dib boorka uga jafaan xiriirkooda, dibna usoo celiyaan saaxiibtinimadoodii xoogganeyd. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la filayaa in uu ku soo biiro iskaashi ay samaynayaan Dowlad Goboleedyada qaarkood. Siciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor iyo Lafta Gareen ayaa lagu wadaa in ay ku midoobaan iskaashiga cusub sida xogaha lagu hayo. Dhinaca kale Villa Somalia ayaa isu diyaarinaysa in ay xilka ka tuurto Axmed Madoobe islamarkaana ku beddesho siyaasi ka soo jeeda Gobolka Gedo, taasi oo haddii ay dhacdo isbeddel weyn ku sameyn karta siyaasadda dalka. Deni ayaa la sheegay inuu Xasan Sheekh xilligaas ka dalbaday inuu joojiyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Lafta-gareen ee mucaaradka Koonfur Galbeed ay ka wadaan Muqdisho, taasi oo Xasan oo diiday. Madaxweynaha Puntland oo ka dambeeyey isbaheysiga ka dhanka ah Xasan Sheekh, ayaa shirkii golaha wasiirada Puntland ee toddobaadkii tegay aad ugu dhaleeceeyey siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh uu ku wado dalka. Waxa uu sidoo kale weeraray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Deni ayaa golihiisa wasiirada kula dardaarmey inaysan jiri doonin wax wada shaqeyn ah oo ay la yeelanayaan dowladda federaalka, tan iyo inta uu wax meel la dhigaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xigasho
-
Mar hore warar hoose ayaaba sheegaaya qandaraaskaan si xoog leh waxaa u qaadatay reerk qoyska Xasan Sh, sidee ahayd 2013-17. Marka qandaraaskaan la furay la leeyahay waa iska sheeko sheeko. Tan labaad maxee tagay raashiinkaan 'aanan bisleyn' la keenaayo? Ma galey, qamadi, digir, masago, sisin (macsaro) iyo wixii la mid ah dalkeena ka baxo maa dalka laga waaye? Baasto iyo bariis from Kiinya iyo Ugaandha mee keenayaan instead? Yaab. _________________ Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya oo maanta furtay qandaraaska iibka raashinka iyo shidaalka dowladda Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa daah-furay tartanka Iibka qandaraasyada ee keenista raashinka aan bislayn iyo shidaalka ee loogu talagalay hay'adaha amniga ee dalka. Sida uu wasiirku sheegay, daahfurkan ayaa looga golleeyahay horumarinta hannaanka Iibka Qandaraasyada Dowladda si ay dadweynaha Soomaaliyeed u wada gaarto Qandaraasyada Dowladda. Dr. Cilmi Maxamuud Nuur , Wasiirka maaliyadda ayaa tilmaamay inay arrintaan muujinayso xoojinta iyo kor u qaadidda hannnaanka daah-furnaanta Qandaraasyada dowladda iyo isla xisaabtanka taasi oo muhiim ah horumarinta dhaqaalaha dalka. "Waxa aan maanta ka qaybgalay munaasabadda furitaanka tartanka Iibka Qandaraasyada Dowladda ee ku saabsan keenista raashinka aan bislayn iyo shidaalka ee loogu talagalay laamaha amniga ee Soomaaliya, Si kor loogu qaado daahfurnaanta qandaraasyada Dowladda, waxaa dhawaan hab casri ah loo sameeyay Portalka Iibka Qaranka Soomaaliya (Somali Public Procurement Portal) kaasi oo aan dhawaan daahfuri doono,” ayuu yiri wasiirku. Sida ay wasaaradda maaliyaddu sheegtay, waa sanadkii saddexaad oo tartan furan loo galo iibka Qandaraasyada dowladda ee ku saabsan sahayda keenista raashinka aan bislayn iyo shidaalka ee loogu talagalay laamaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xigasho
-
Personal rewards to anti-Farmaajo figure
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Mararkaan camal yarkaan hoose runtuu sheegaa: -
Balamo badan ayaa loogu baxay as it waa the same in 2012. Labada marba raiisul wasaare loo balanqaaday, waana lagu booday. More balan last week loogu baxay, waa tan ka sii xanaajisay.
-
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Updated. -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Finally Sacuudiga ayuu gaaray Xasan Duulaaye. -
Personal rewards to anti-Farmaajo figure
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Seediga waa kan meherka joogo: -
Siyaasad qabyaaladeed Soomaaliya iyo danta markaas jirto iga dheh. Deni oo Xamar ka soo hungoobay toddobaadkaan markee Xasan Sh. kulmeen oo fashil ku dhamaaday iyo isla markiiba isbaheysi cusub mucaarad Xasan Sh. sameysanaayo. Laftagareen daneystiyaasha Xamar fadhiyo oo Reer Koonfur Galbeed ah asagana iska dhisaayaa.
-
Personal rewards to anti-Farmaajo figure
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Meherkii. What is Muuse Muqayil doing here? I guess waa gabadha abtigeeda sida Qoorqoor wiilka adeerkiisa u yahay. -
Personal rewards to anti-Farmaajo figure
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Waa garoob la soo furay, too. And this Saadaq Joon is married to gabar Ingiriiska degan. -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Updated. -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Jabuuti iyo markii sadexaad uu booqdo Xasan Socdaan: -
Saadaq Joon being rewarded for his anti-Farmaajo political moves in 2021.
-
-
Yaab. They also used to put her on Faux News to purely attack and demean Rep. Ilhaan.