Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,649
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Maxaa la yiraahdaa dowlad isutagga oo lagu magacaaba 'federaal?' Soomaali federaal wax la yiraahdo kuma haboona, which should be addressed markaa a legitimate dowlad shaqeyso helno, not a dowlad ku sheeg, a treaonous, puppet and mouthpiece of Sanaawi, who ultimately will forever be associated with leading the complete Xabashi invasion and occupation of Soomaaliya, our darkest days. Dowladaan ku sheegaan waa burburtay. Intee si nabad ah iskugu keeni lahayd ummadeeda rafaatay ayee aad iyo aad u kala fogeysay, aadna ugu xanaajiysay. Now the very vast majority of Soomaalida ma aqoonsano, waa dowlad ku sheeg sanka nagala gilinaayo oo Xabash wato. It won't work. Runtii. Alalalaaska ee ku jiraan maanta waligeed laguma jiraayo. They also forgot it is "transitional" dowlad ku sheeg, a puppet, weak, largely powerless -- to borrow a few words from Reuters, AP and AFP, which they still are without Xabash tanks and diyaaradaha miigga, whom lately cocky ra'iisul wasaare ku sheeg Geedi shouldn't forget -- treacherous government ku sheeg that already lost a junk, a half of its time. I would rather have toban dhul independent Soomaaliyeed, oo danahooda iyo xuriyadooda iyaga u gaar ah wada than mid dadkeeda laga ilaalinaayo, dalkeena lagu ilaalinaayo, completely submissive to Xabash whims. My Soomaali blood and damiir can't just stand that. Waaba karkaraa.
  2. As known, I was no friend of wadaada, but cadaalada iyo xaqiiqda jirto lama indhatiro. This is Idaacadda Muqdisho and Wasaarada Warfaafinta, the tiny qabyaalad-influenced supporters of dowlad ku sheega, the mouthpiece of Sanaawi labadaan bari sawiradaan soo giliye, that Idaacadda Muqdisho is open. One question: Who renovated it? See, how almost brand new it looks. Maxkamadaha ayaa saas ka dhigay, which obviously the construction was still underway. Both Caydiid Sr. and Jr. controlled that building for almost 15 years, inay wax dayacaan iska dhaafee, wax ee ka qaataan bas. Look at this guy, Geedi-nominated "maareeyaha" dekedda, in his office located dekedda itself. Sure, but yaa dhisay xafiiskaan uu isku sharxaayo, including the very desk and computer? Look at this court uu isku sharfaayaan kuwaan dowlada ku sheega. Who build this building, this hall, which Maxkamada Sare ee Banaadir, which wasn't finished yet by Maxkamadaha? Look at Xabash troops in Garoonka Diyaaradaha. Who renovated it and made possible to have their planes, including mida keentay their stooge Geedi if it wasn't Maxkamadaha opened and renovated? And then there are seaports and other places the stooge Geedi isku masawiro everyday, never asking who cleared the debris from it and made possible the impossible of opening a port and an airport that was closed for 11 years, bravely, and then renovating. What did his dowlad ku sheeg do? Even the little airfields in Baydhabo and Jowhar waa dayactiri waayeen, iskaba dhaaf wax kale.
  3. Folks, relax. Mareykanka do not recognize this treason-prone, dowlad ku sheegaan burburtay, a mouthpiece of Sanaawi before the eyes of the vast majority of Soomaalis. It is better to deal the real enemy, Sanaawi, than kuwa dhabta u saaran xaaqin u eh. Dad ayaa been isku sheegaayo when I tried to tell them Mareykanka do not recognize dowlad ku sheegaan stoogeka u ah Sanaawi, la'aantiisana aan socon. Now even wargeysyada Mareykanka ayaa u sheegaayo, would they now believe warkaan u sheegaaye? To begin with, there was his title. The think-tank group that introduced Mohamed to reporters -- the Discovery Institute -- called him a clunky "ambassador-designate." That's because the United States doesn't formally recognize the government of Somalia President Abdullah Yusuf. On another wargeys: ...says he's been asked by the transitional government of Somalia to be its ambassador to the U.S. — if and when that government is recognized by the United States. A State Department spokesman said that while the U.S. supports the transitional government, it has no diplomatic relationship with it. At a news conference Wednesday sponsored by the Discovery Institute, a conservative Seattle-based think tank, Mohamed said he doesn't know when that recognition might come — though, for the sake of his country and its people, he hopes it is soon. I too hope I can touch the sky; I too hope I am invisible. Dah, hope kulahaa. Hope and reality two complete different pictures waaye.
  4. Baddacase, labadaan bari waa kacsantahay, duqa. Isaji yaaqeey, meeshaan xoog ma jiro, ha dhibsan ereyada dadka qaar isticmaalaan, for neither them nor us can do shuud. Our only purpose is to inform the misinformeded. They can take it or leave it. Waligeey qof Carab difaaco maba ahayn, and far, very far from qof Carab inay Soomaalida yihiin aaminsan; heck one of the staunchest person against this idea ayaan ahay on here. Nonentheless the due belongs where it belongs.
  5. Salaan dhamaan. Illaa iyo maalintii ciidda magaaladaan Koronto war weyn ayaa ka dhex socdo aad iyo aad u ceebeeye Soomaalida, kuwii lahaa wadaada ayaa tihiina iyagii naftirkooda runtii si buuxda isku heybtiray. It involves masaajidka kaliya Soomaalida maamusho, which turned a political platform, to say the least, and worse, a wrestling arena the last couple days involving wadaadii dadka la rabay inay kala dhexgalaan, iyagii isku jeestay. It started on ciid day, though the situation brewed quite sometime. Now Sheekh Bashiir Shiil, a very respected and admired iimaamka of masaajidka and one of the founding few men, cannot, believe or not, go inside masaajidkaas now in uu ku tukado, iskaba dhaaf in uu iimaam u noqdo. He has a restraining order. He was publically and humiliatedly arrested on ciid day, I was told, when he tried to tell some inside info and discontent within the administration of masaajidka to the huge crowd that gathered for ciid prayer. [He was arrested because codhayaha ayaa la isku qabsaday and bax la yiri, markuu diidayna booliis loogu yeeray.] On maqrib prayer on that same day, I was told -- though there are a lot of innuendos and, by nature itself, uncorroborated gossips around with usual incredients of qabyaalad added here and there -- he tried to inform the congregants what happened earlier and how he is almost going to have a criminal record, unfortunately before he finished codhayaha [speakerphone] ayaa laga qaaday, oo la jiiday, banaanka lagu tuuray, buuqa iyo qeylada dhana laga dhexmaqaalaye on the codhaya. Banaanka markuu lagu tuurayna booliis loogu yeeray mar labaad. He called his lawyer, who u yimid. I was told, by now, whoever had a grievance against the masaajid's administrators' alleged long abuse, Sheekh's qabiil members iyo anybody that wanted to take a side ayaa loo kala saftay, and expectedly cisha prayer on that same day was full flowing like Jimco. The poor sheekh couldn't, of course, go in a masaajid he witnessed being built since dhagaxiis la dhigay. His lawyer couldn't do anything in the masaajidka oo waaba habeen, and thus advised sheekha to go home. The situation is even more dire now. Today's salaada casarka, another huge fight broke out inside masaajidka, goes the unsubstantiated wildfire warka ka socdo magaalada, a fight against the administrators, led by a man by the name of Aaden, a Chairman of the Board and a recent arrival of masaajidka, versus his, Sh. Bashiir Shiil's, supporters. I am sure bari, a Jimco prayer, wax weyn ayaa dhici doono, oo dad badan budkooda qaadan doonaan. Sad, xataa masaajidkii Eebbe ayaa naga fakan la' midow la'aanta iyo qabyaalada quran nagu raagtay ee na heysato. Taloow maxaa naga qaldan? Eebboow ceebteena astur.
  6. Muqdisho is a magaalo Carbeed, not that Soomaalis are Carab. So, what is funny? It is founded by Carabs, Banaadiris. Its rich historical architecture attests to that [if you want visual history, go see what remains of Xamarweyne, Xamarjajab, Shangaani, Cabdicasiis and Shibis [bilaajo Carab, Village of Carabs as Talyaaniga called them], the old parts of Xamar. It is only later surpassed by few villas duplicated from Talyaaniga here and there. It is a Carab metropolis for the nation ay u tahay magaalomadax is a member of Jaamacadda Carabta. Nikoole Naasir, dankis. The article deals what many Soomaalis believe. Xabash invasion is a blessing for one thing it united the very vast majority of Soomaalis damiirka leh -- not the few virus nagu kor iyo hoos noolaa oo qabiilka caabudo -- in a generation. They will taste what is awaiting for them, if they think the non-existent, illegitimate, treacherous, traitorous, puppet dowlad ku sheeg can facilitate their occupation. Xabash will indeed see what Soomaalis have in store for them.
  7. And goormee dowlada Mareykanka aqoonsatay dowlad ku sheegaan treacherouska ah burburtay? When will he present his credentials to Bush? Dad baa riyoonaayo. By the way, hadaa madaxyare madaxweyne ku sheega of dowlad ku sheega treasonous, unwandani burburtay qeyr ka sugeysid, isweydii kan u fadhiyo oo envoy u eh, though largely unrecognized, Midowga Yurub [EU].
  8. Denying while not denying. The official dowlad ku sheega burburtay, treacherous, traitorous spokesperson ayaaba yiri this: Xuseen Caydiid fikrad isaga u gaar ah ayuu ka hadlay, mana aha in xiligaan oo kale laga hadlo arimo noocaan oo kale ... Laakiinse tomorrow waa laga hadli karaa, oo qorshaha u degan ayaa ah. Cabdiraxmaan Diinaari ayaa waxa uu sheegay in arinta ku aadan in labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya in la isku daro oo midoobaan ay arin u taal dadweynaha Soomaaliyeed. So, he himself doesn't mind, if "dadweynaha Soomaaliyeed" agree, which they would never endorse such an insanity. No one xuriyadiis qof kale, iskaba dhaaf cadow waligiis jiray, u dhiibtay voluntarily. Haddaba hadalka uu sii daayay Xuseen Caydiid waxaa ka hadlay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo sheegay in Xuseen Caydiid uu fikirkiisa dhiibtay, isla markaana ay goor hore tahay in laga hadlo xuduud isu furis, Baasaboor la mideeyo , wuxuuna tilmaamay in haatan howsha taala ay tahay in nabadgelyada Soomaaliya laga shaqeeyo So qorshaha ayeeba ku jirtaa markii "Soomaali la nabadeeyo."
  9. I have a cousin oo Korneel Axmed Cumaroow la dhaho, asaga iyo guutadiis uu watay Xabashada dabasocdeen, now deggeen Iskoolbuluusiyo as though waxba dhicin. Idaacadahaa ka maqlaaye, then I inquired in uu qof kale yahay iyo in kale, waaba dhab asagii. Shuud. Waa nin aad ugu dagaalamay dagaalkii dheeraa ee '77-78 ee Soomaali Galbeed, maantana heybadii iyo biladihii ku helay noqday caanaboore dhulka lagu lisay -- qasaaro.
  10. Is it? I can't possibly read any thread for I am busy, ee which thread aad caydaas ku aragtay? Any "counterpart" aan ka hadlaaye is on the list, any personal name-calling. It is a bit too harsh for we are forced to, because caayda iyo aflagaada daily ayee ka noqotay meeshaan. [*Edited*] Caanogeel, Saaxiib, we hated to interfere wax meeshaan ka socdo, but not again since the vicious cycling insults became a pastime. I personally logged in today out of shaqadaa haaye for this reason since most insults daytime la isdhaafsado.
  11. As I said, you can call any name on that list any public figure [TFG members you speak of], since they are public figures, but not at the expensive of the members of this site. We patiently let the last couple weeks, thinking dad waa weyn maadaama ee yihiin waa isdhaami doonaan, but it is getting worse. When you call a member "xabashlover" or a "secessionist" of this site, you are name-calling, no? For a long time ayaa dhaafi jirnay this inflammatory words, but not anymore since the situation is especially high, and aflagaado is answered aflagaado. No more cycles in caay iyo afxumo. -------------- Alleubaahme, walaaltinimo ee iga tahay ee jooji aflagaada. Next time it won't be edit only, and I hate to do that.
  12. It is about time to make clear for once and all: Name-calling or aflagaado or afxumeyn of any kind is not allowed on here, people. We are trying to clean this site, truly. No more the SOL members can be subjected, including, but not limited to, being to: Terrorists Doorknobs Secessionists Xaar Gaalraacyo Gaallovers Dhabadhirif Xabashilovers Defeated lot Iyo wixii lamid ah that is inflammatory. We are seriously trying to clean this site. Dulqaad waa dhamaaday, haddii la kala xishoon, we will enter to nadiifis the site. We put a warning sign up there front section, still the rules are broken daily. We know the tempers are high, the situation damningly is high, but, but, and another but, dad waa weyn ayaa la yahay hala isdhaamo. People have usernames, if you can't call their usernames, xoog ma'aha inaad u jawaabtid. No body is forcing you to. You can call public figures any allowable name, including the above listed, but not at the expsense of the members of this site. There is a huge difference between public figures and private members of SOL. Starting now, I will edit any post that has the names above and its counterparts.
  13. "Soomaaliya iyo Itoobiya way midoobayaan waxayna yeelanayaan hal baasaboor, hal ciidan, hal dhaqaale xuduudna ma lahaanayaan." Aad iyo aad ayaa u mahadsantahay, Xuseen Caydiidoow. Three suuls up. After all, you just prematurely uttered what we Soomaalida damiirka leh, dalkooda jecel knew all along. Geedi iyo madax ku sheega in dowlad ku sheega burburtay, non-existent, illegimate ayaa kula og, laakiin waa ogyahay awood malaha hada ay yiraahdaan saas. Xuseen Caydiidoow aad iyo aad ayaa ugu mahadsantahay mar labaad, and I for one will like to nominate you as their spokesperson. After all, the map Xildhibaanada soo bandhigeen a month ago wasn't photoshopped.
  14. Shariif Xasan Sh. Aaden waa dhaljecel, dhalulad la wada ogyahay, sababta uu wali ugu dhexjiro qashinka dowlad ku sheega, non-existent, illegimate I don't know. Here is what he said the other day. ----------------- Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa kulan la yeeshay wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Nairobi, Kenya oo ay isla gorfeeyeen xaalada ku soo korodhay Soomaaliya ka dib markii ciidamada Itoobiyaanka oo kaashanaya ciidanka dawlada ay soo galeen magaalada Muqdisho, caasimada Soomaaliya ayna gacanta ku dhigeen dhul baaxad wayn oo ay hore u haysteen Maxaakiimta Islaamiga. Ka dib markii uu dhamaaday kulanka Nairobi ayaa diblomaasiyiinta Midowga Yurub [ EU ] waxay warbaahinta u sheegeen in ay taageereen mowqifka Gudoomiyaha Baarlamaanka ee ah in ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya. Midowga Yurub ayaa xaga dhaqaalaha ka taageera dawlada ayagoo u soo mariya hay’adaha caalamiga ah sida hay’adda UNDP oo bixisa mushaarka iyo gunnooyinka ay qaataan xildhibaanada Baarlamaanka waxayna leeyihiin awood dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ay cadaadis ku saari karaan dawlada. Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan oo shalay soo gaaray Nairobi, Kenya ka dib markii uu booqasho ku soo maray dhawr dal oo ay ka mid yihiin Masar iyo Suudaan oo uu kulamo kula soo yeeshay madaxwaynaha Suudaan Cumar Xasan Albashiir iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacda Carabta Camar Muusa ayaa waraysi uu siiyay BBC Somali wuxuu ku cadeeyay mowqifkiisa ku aadan qabsashada ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya wuxuuna yiri: “ Horta anaga aad iyo aad baan uga xunnahay hadii Baarlamaankii aan nahay waxa dhacay waana waxa aan ka dagaallamaynay oo aan diidanayn muddo badan oo aan ka qaylinaynay oo caalamka meel aanan marin oo aan u sheegin aanay jirin iyo Soomaalida. Runtii waan ka xunnahay wax Soomaali qaadan kartana ma aha wax caalamku qaadan karana ma aha in dawlad deris ah ay dawlad deris ah intay ku soo duusho ay qabsato. Waa dhibaato hor leh oo hada billaabatay welibana waxaan leeyahay caalamka ayay dhibi doonta waana in lga dhiidhiyaa oo wax laga qabtaa. Waa in ciidamada dalka soo galay sida ugu dhakhsiyaha badan dalka uga baxaan oo Soomaalidana tashato. Soomaaliya haduu ciidankan uu ka bixi waayo dhibaato aan la koobi karin ayaa ka dhici doonta. Dhibaatadan waa in laga hortagaa oo Soomaalida wada hadashaa oo dib u heshiisiin la soo nooleeyaa. Ciidankan in uu baxo sida ugu dhakhsiyaha badan ayaan caalamka iyo Soomaalidaba ka codsanaynaa. Dadka u arkaaya ciidankan in uu wax tari karo ciidankan waxa ma tari karo dalkana dhibaato ayuu gelinayaa. Marka waxaan leeyahay ciidankan ha naga baxo. Soomaalida hadii ciidankan uu ka bixi waayo ha is difaacdo. Ilaahayna ma ogolaanayo, Soomaalidana ma ogolaanayso in ciidan Itoobiya uu dalka haysto. Baarlamaanka mar walba wixii uu Axdiga qabo ayuu ku shaqaynayaa. Inshaa Alaah waxaanu ku dadaalaynaa maalmahan siduu isku arki lahaa Baarlamaanka oo arrimaha Soomaaliya sida ugu haboon wax meel isula dhigi lahaa . Beesha caalamka iyo Soomaalidana waxaan ka codsanaynaa in ay gacan nagu siiyaan sidii uu Baarlamaanka isu arki lahaa oo wixii xaqa ah lagu shaqeeyo. Dawladaha Carbeed, gaar ahaan madaxwaynaha Suudaan Cumar Xasan Albashiir iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Camar Muusa labadaba waan isa soo aragnay iyo madax badan iyo wasiirro waan isa soo aragnay. Dadka oo dhan siday wax u dhaceen way ka xunyihiin gaar ahaan madaxwaynaha Suudaan Cumar Xasan Albashiir aad iyo aad ayuu arintan uga xunyahay wuxuuna ii sheegay in tallaabooyin badan oo diblomaasiyadeed uu qaadi doono. Camar Muusa sidaas ookale Jaamacada Carabta wefdi ayay u dirtay Adis Ababa markii aan joogay Qaahira, Masar waxayna Jaamacada Carabta iy Midowga Afrikana soo wada saareen go’aan ay leeyihin ciidamada ajnabiga haka baaxan Soomaaliya. Aad ayuu uga murugnsanaa Camar Muusa dadal badaana wuu ku jiray. Hadana waxaan isku ognahay in uu dadaalka sii wado. Kollay wixii diblomaasiyad ah waa la wadaa laakin waxaan ka codsanaynaa Soomaalida meel walba oo ay joogaan iyo beesha caalamka in arinta si dhakhso ah loo dhaqaajiyo perce [sababta oo ah] dawlad madax bannaan oo ku jirta United Nations [Qaramada Midoobay] in inta lagu soo duulo la qabsado ma aha. Soomaalida dhexdeeda way is jiidjiidi kartaa xukun ayay isku qabsan kartaa waxbay isa leeyihiin. Marka ciidankan inuu naga baxo ayaan rajaynayanaa. Ciidankan soo geilitaankiisa waa arin aad iyo aad u fool xun, sharci la’aan buu dalka ku soo galay. Dadka ogol ee madaxda ah way khaldanyihiin. Arintan maadamaa ay tahay arrin Baarlamaan Nairobi xildhibaano ayaa jooga anigana saaka ayaan soo gaaray, go’aan deg deg ah ayaanu gaaraynaa. Go’aanka wuxuu noqon karaa mid meel badan taaban kara laakiin sida loo bato ayay noqonaysaa. Anigu hadda ma rabo in aan iraahdo waxaas iyo waxaas ayuu noqon doonaa hadii kale wax aniga wata ayay noqonaysaa laakiin wixii Axdigeenu uu ka qabo tallaabooyinkan markay dhacaan in uu noqdo ayaan rajaynayaa. Axdiga kollay khiyaano qaran wuxuu ka qabo waa la wada ogyahay. Ninkii khiyaamo qaran qaba xilka ma haynayo. Ciidankan ciidan lagu tashaday oo sharci ah ma aha.” Xigasho ----------------- True words from a real daljecel, wadani eh. I urge him iyo wixii ay isku mowqif yihiin again to resign, qof kaadi ku dhexjiro ma daahiro unless he becomes nijaas himself. Dowlad ku sheegaan burburtay is kaadi iyo qurunkeeda isbaheystay that Xabash dabada ka wado, dhabta u saaran. But Xabash is a poor man, can't pay even his own rent [iMF] or feed himself [people], let alone keeping a hostile millions of population under. Nin kuu digay kuma dilin, Xabasheey.
  15. They muzzled Eratareeya, the saddest part of this occupying Xabash. Wadaada Eratareeya ayee isku haleynaayeen on air power, especially giving them anti-aircraft misiles or opening their front. They also "warned" Masar, perhaps.
  16. Xabash is today occupying from Kismaayo to Gaalkacyo. Can they keep that long occupying our lands with their poorly armed and maintained tanks and helicopters? Waala arki doonaa. Give them a few weeks or months for alalaaska.
  17. Il primo ministro Gedi non è in grado di gestire neanche casa sua. Lui e il presidente Abdullahi Yussuf sono due incapaci. Ero ministro e ora sono solo membro del parlamento e dal mio scranno combatterò le battaglie politiche. Non coopero, ma neppure boicotto Talyaani markaan camal uu fiicanyahay in la barto. Especially the last words admitting to fight for "political reasons" and being in opposition. Qanyare is waiting his pals, Suudi Yalaxoow, a man who wouldn't be diplomatic enough to conceal what is on his mind, is on his way. Will he remind the infamous shoe analogy? Will been.
  18. Before on the eyes of Soomaalida damiirka leh, dalkooda jecel, he is just an old dead man walking. Geeri mar bee dhaantaa ayaa la yiri nolol, this madaxyare madaxweyne ku sheeg asagoo iska dhinto ayaa la qaatay intuu isleeyahay legacy lagu dhisay xumbo ka tag.
  19. Qolodiisa/qolodeeda = Qolosheey. For both genders. Sometimes the last letter, y, is a silent letter. Others as well: Tolkiisa/keeda = tolsheey Jilibkiisa/keeda = jilibsheey Dantiisa/teeda = dansheey
  20. Afxabash barta. Soomaali ma jireyso by then haddaa tihiin kuwa sidee maanta tahay ku faraxsan. Halganka maanta uu furanyahay: Af, gacan ama niyad. Gumeysigii ugu xumaa aan soo marno waligeena, oo ka daran kii Yurub ayaan ku jirnaa maanta. Maanta riyadii Xeylesalaase ee boqolka sano ka weyneed ayaa soo baxday in uu Xabash ku xaarxaaro Xamar, led by virus Soomaalida kuwa ku ahaa, nagu kor iyo hoos noolaa. Unless Xabash laga xureyn dhulkeena iyo viruska la socdo la tirtirin, by then, my God, Soomaali jiritaankeeda ayaa qarka u saaran.
  21. The last few days the emotions were high. Aad iyo aad ayaa la isku aflagaadeynaaye, afxumeynaaye. We tried to reason, kindly warn and delete some posts. Though the emotions are still high, it is best in la kala roonaado. We can't tolerate any further personal insults. Waa in la kala roonaadaa. Dad waa weyn ayaa ku jiro meesha. This forum is a moderated forum. Lest some of us forgot it still has the valued and indispensable Golden Rules. Its cleanliness waa waxa dadka soo jiido, that make stand out; it is what attracts dadka wanaaga jecel, that like to share their opinions freely. From now on, each personal insult will be deleted, if needed the whole thread. It is a final warning, so hala isdhaamo, baliis. Also inflammatory, incendiary, trolling posts and/or threads that does nothing but to inflame the situation will not be tolerated. If a whole thread is opened because to inflame an already burning issue and take a shot perceived adversary members, it will be deleted. Do not personalize threads anymore. If you do not like a person's siyaasadiisa qalafsan and can't resist not responding to him, don't respond to him, control yourself. Otherwise stick with the issue of the respective thread. Baliis, baliis, don't compel us to edit or delete your posts, for we value the ultimate free flowing of discusions without a single moderated interruption. Let us keep the forum clean, let us not tarnish its good reputation. Dankis.
  22. Siduu yiri walaalkeen Geeldoon plainly put it wonderfully: "Do not fool yourselves; there is no way to make this what it is not. You cannot sugarcoat it; you cannot put a positive spin on it; you cannot sweet talk your way out of it. It is occupation, and an Ethiopian one at that. Put it in your pipe and smoke it." And to add my words: No matter how you slice it; no matter how you scapegoat it; no matter whoever you blame it; no matter who was the opponent; no matter how dire the country was in, which wasn't that bad -- the point and the very fact today is Xabashada dhulkeena ayee qabsatay, an invasion as it is oo Xamar iska dhaafee they are into their way into the deep jungles of Baraawe, Kuunyabaroow, Jilib iyo Jamaame. Ethiopia is the ONLY country which has accepted Somalia refugees without any proper documentation. You are factually wrong, wrong and dead wrong. Soomaalida uma qixin Itoobiya, oo dhulkooda ayee u qaxeen, Soomaali Galbeed. Those few found in Addis Ababa sharci beenaad ayee ku joogaan, as they are found in Neyroobi. In fact, Neyroobi has thousands more with sharci beenaad, all opening businesses and other interprises without an adequate sharci. Also Sanaawi would have enforced Soomaalida inay sharci ku joogaan, but can't do a shuud about it because dal hormaray ma'aha, oo kama kala garan karo kii Soomaali Galbeed uu xoogga ku heysto ka imaaday iyo kii deeggaano kale ka yimid. Also know another fact: Itoobiyaan badan ayaa dalkeena deganaa, including your very own "dear leader Sanaawi" markuu nabada ahaa, mostly in Xamar without any sharci la weydiin jiray. I know because xaafadeena ayee degnayeen, that no body used to bother them. Kaansarka aad ka hadleysay, we found it a long, long time ago. We also know its symptoms, its treatment, its diognosis: Waa virus qabyaalad caabudid eh, oo danta guud, danta dalka, danta dadka iyo danta diinta ka wada hormariyo dantooda tolka iyo jufada. Eebbe ayaa mahadleh only very few ayaa ku hartay today, oo Xabasho dhabta inay u koraan noqotay. Qofkaan Cabdi Geedi la baxay, haddee Soomaalinimo dhab kaa tahay, oo hadaa tahay Soomaali [maadaama meeshaan kii iskeenaba isku sheegaayo Soomaali], jawaabtaada dambe Afsoomaali noogu soo qor, baliis. NB.: Soomaalida Soomaali ayaa la dhahaa, ee "Somalian" wax la dhaho ma jiro. Dadka rabo inay Soomaali kala qeybiyaan ayaa saas u jecel inay na kala qeybiyaan, oo "somalian" ka wadaan the nationality of Soomaaliya and Soomaali ula jeedo Soomaalida kale. All Soomaalis are citizens and dhalulad of Soomaaliya, regardless which occupied land -- be it Soomaali Galbeed or Koonfur Galbeedka Soomaaliya [NFD] -- they were born in.
  23. Salaan iyo ciid wanaagsan dhamaan inta damiirka leh. Aan dhameystiro irida laga soo galo ereyada caanka eh ee ku qoran: "Sareedo haday kuwaarto Hadduu silac iyo dhib gaaro samaanteed iyo xumaanteed Soomaaliya Soomaali baa leh." Not Xabash. Not Amxaar. Not Tigrey. Not anybody but Soomaali damiir daludhalad iyo daljecel eh. Maadaama ee Soomaali maanta kala baxday, the vast, overwhelming majority with damiirnimo iyo an iota drop of dhiignimo Soomaaliyeed ku haray isku raaceen the invasion of Xabasho and their very presence at Xamar at our darkest, gloomiest day ever. The few viruska qabyaaladeed ku daahay, ku raagay oo caabudo nagu kor iyo hoos noolaa banaanka iyo barxada isa soo dhigay oo Soomaali ku sheega ahaa, waa Eebbe mahadiis. Sidaas daradeed waa in Soomaanimadii dib loo soo habeyaa. Waa in busta iyo boorka dib loogu jafaa. Lasoo labakiciyaa. Aaheey, Soomaali baan ahay, samaanteena iyo xumaanteena anaga ayaa isla leh, not Xabash iyo wixii dhabtooda ku fadhiyo. Aan ka bilaabo geeraarkaan [gabay?] caanka ahaa ee uu qoray Yamyam [Eebbe ha u nariistee] Soomaali waa kuma. Sinnaantaan la magac ahay Sankuneefle ma oggoli Inuu iga sareyn karo Anna garasho sogordahan Sooryo ruux ugama dhigo Soomaali baan ahay! Inkastoon sabool ahay Haddana waan sariigtaa Sacabbada ma hoorsado Saaxiib nimaan nahay Cadowgayga lama simo Soomaali baan ahay! Nabaddaan u sahanshaa Colaaddaan ka salalaa Sooma jeesto goobaha Ninka nabarka soo sida Gacantiisa kama sugo Soomaali baan ahay! Nin I sigay ma nabad galo Nin isugeyna maba jiro Libta weli ma sii deyn Gardarrada ma saacido Nin xaq lehna cid lama simo Soomaali baan ahay! Ninkaan teydu soli karin Uma yeelo suu rabo Sida dunida qaarkeed Sandulleynta ma oggoli Ninna kabaha uma sido Soomaali baan ahay! Ninka iga sed roonoow Siintaada magaca leh Ogow kaama sugayee Hana oran sasabo badow Dareen seexda ma lihiyoo Soomaali baan ahay! Ninna madax salaaxiyo Kama yeelo seetada Sasabo ma qaayibo Sirta waxaan iraahdaa Saab aan biyaha celin Soomaali baan ahay! Dabayshaan la socod ahay Salfudeydna uma kaco Waabay sunaan tahay Marna samawadaan ahay Samir baan hagoogtaa Soomaali baan ahay! Saan la kala jaraan ahay Summadi ay ku wada taal Rag baa beri I saanyaday Anoo xoolo soofsada Xil midnimo anaa sida! Soomaali baan ahay! [Kuwa hoose gadaal ayaa loogu daray.] Ninkii aabahay dilay Oo adeerkeey addima jaray Albaabkeenna meyd dhigay Miyaan aaminaayaa Ibtilaan u barinee Afartaan dhurwaayee U adeegta xabashida [!!!!!!!!!!] Allahayoow intaan jiro Miyaan erey ka yeelaa Ummaddii la laayiyo Wixii iil la wada dhigay Waa illoow ayaa yiri Intuu inanba noolyahay Eedeheey dhigeen baan Soo ururin weynee Ma ayaan dalxiis baa Marba iibsigeygani Soomaali baan ahay!
  24. Originally posted by samuraiW: Rahimay - Wail not, mi haldhaa. Melancholic be not, mi dear. Enraged be not, mi lady. Another day, no? Inaa ku jeesjeesteysid ma'aha gabadha walaashaa ah qaraabadeeda dagaal ugu geeriyooday dalkooda difaacaaye. The least you can do is tacsi u dirr or iska aamus. Then again wax awalba Xabash la safan, qabiil caabudaayo Soomaali aayaheeda lagama sugeynin iyo ka nixitaanka walaalahooda geeriyooday. What 'walaalo' horta, Xabash ayaaba walaalo u eh taas ayaan ilooway.
  25. Kooweey kooweey, lameey lama, sadexeey sadex...