Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,668
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    325

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Originally posted by Dabshid: Many times I almost fainted at Mosque due extreme oriental perfumes some men wear , and they call it is Sunnah :mad: , too much of everything is not good! Soomaalida nimankooda dad catar marsado ma ahaan jirin, but dad ayaa increasingly hadda wax la dhahay jannaa ku galeysiin u marsado. I never was mid marsado catar, not once, and mana u maleeyi I will. I have sanboor, oo taas igu filan; teeda kalena waligey ma jecleen catar, qaab baas u uraa [carfaa?] Kuwa qaar waxaa jiro masaajidka ku jiro markee isku bilbilaan ka bacdi kuu soo taagaayo, and if you politely decline, ganfuurka kuu taagaayo. Xoog miyaana? Wah.
  2. Since whoever wrote this damning, one-sided list did not have had Soomaalis in mind, let me bring a list that takes in consideration Soomaalida. 14 reasons why one should consider a garoob woman with awlaad She has been 'there,' seen 'it' and fully knows 'it.' She has the ultimate experience when it comes how to take care a man and herself in marriage. Experience is the best teacher ever. Nothing comes close to it. She has kids, most lovably creature. She has an experience as a mother, raising kids alone in Galbeedka -- one of the toughest part of life. She is more baari now, does not want a second strike to happen, thus works overtime to please her family, including her new man. Less needless muran, more mature topics since she matured up and will eventually can understand what she in her singlehood would not, such as not easily giving up men as quickly as as she did before. More tolerant of men, and their sometimes only-Eebbe bizzare behaviours. Finally realizing raising kids your own is never the same as a man at home, regardless how weak-minded or how bad-behaving he is -- he being a is as essential as a mother when raising kids at home. No frequent outside dinners or going to any other single-dominated or newly first-time married domains. Again, kids, kids, kids. Who will give you the most happiest moment in your darkest time, even if they are not technically your offspring. She may or may not a bit 'gained' in body department or has, to quote, 'stretch marks, saggy breasts, and c-section scars,' yet she has the EXPERIENCE. She knows what is needed and intricacies in that room, a lot more important than having a little weight gained from pregnancy[ies]. Knowing how hard raising a kid alone is, this time, she will work a lot harder to keep her man than her previous man. More dulqaad, more mutual respect... Working overtime to please her new man [see above] And finally, some men just are into garoobs. That is their preference. This may, however, tell us they know more than what we don't know. So you have to check why some men ugu ordaan jidkaas yourself and see if wax macaan jiro or not. -------------- That list and message above is brought to you by Garoobyadda Guurdoonadda [Gagu] -- 'Garoob haddaad aragtid garabka kalgacalka isku qaata' says the slogan.
  3. Woman's scent not 'Very Irrésistible' to Calgary bus drivers A Calgary transit rider says she was kicked off a city bus twice because the drivers complained about her perfume. But Natalie Kuhn says she doesn't believe her Very Irrésistible by Givenchy was the real issue, arguing she was publicly humiliated because Calgary's transit staff are in the midst of a work-to-rule campaign. "It's just a little too coincidental that I've been riding the bus without incident for five years and the first day of work-to-rule is when all this fuss happens." Deb Angus, who works as an assistant at the University of Calgary (a campus that has a Scent-Free Awareness Program), said she sides with the bus driver because perfume causes pain across her head and whole left side. "It's very difficult to work once I am under the influence of perfume," she said. "These chemicals are affecting everything from our blood pressure, our nervous system, our lungs and our eyes and our major organs." Angus said she wouldn't be surprised if a bus driver suffered in silence for a while before approaching Kuhn about the problem. "That's the common thing with a lot of sufferers because this is a hard subject to bring up to people." Kicked off Friday and Monday The union representing Calgary's transit workers began a work-to-rule campaign Friday morning, refusing to work voluntary overtime. Kuhn said a bus driver warned her Thursday morning that he couldn't focus because of her perfume and asked her to not wear it again. She said she checked with the city and was told there were no rules against wearing perfume. On Friday morning, she got on the bus again and the driver walked off the vehicle, telling passengers it wasn't going anywhere because of Kuhn's perfume, she said. More on CBC Very irresistible, indhiidh.
  4. Daa'dah, daa'dah, daa'dah ... Socod barad miyaa?
  5. Afxumadaan maloo dulqaadan karo. Keep this thread clean or your aflagaado posts will be deleted, regardless what else it contained.
  6. Muxuu Reer Bari u dabasocdaa igaarkaan? Mise Reer Bari and "dabadhirif" are exclusive domains? For your information, there as many 'dabadhirif' from other clans as those you are alleging or wishing from Bari. Ciidamado ku sheegii lagu soo tababaraaye Balidoogle the last couple months were not Reer Bari. They were Reer Hiiraan, Reer Arlaadi, Reer Dayniile and Reer Shabeellaha Dhexe. And in my eyes, they are as 'dabadhirif' as as those you are wishing from Bari.
  7. Labadaan Diiriye ayaa Soomaali hoosta u dhigay, oo qabyaalad ku wareeriye. I didn't listen murankooda [and it ain't no dood, I know for sure], laakiin waan iska kasi karaa see ku murmi lahayeen. Labadaan Diiriye epitomize dhibaatada taagan maanta: Dad isku diiday inay isxukumaan, inay dadka kalena xukumaan u diiday, in midkoona xukumo kan kale diiday, in la kala tagona diiday, in la isla joogo fiinaa wiito, oo xaalka sida maanta yahay iska ahaado rabo. Taas, however, ma soconeyso.
  8. The so-called economist who was deliberately breaking the rules of this site: Do not post-paste dead mutilated bodies on this forum. Never. This is your first and last digniin/warning: Don't ever post again those mangled pictures again. Kun jeer ayaa la idiin sheegay, it is against the rules by directly posting dead bodies, let alone mutilated, disfigured ones. Tired of ciyaal aan damiir iyo akhlaaq midna lahayn wax loo sheego every darn day. Shuuuuud. ------------- Dadkiina kalena meyd aan habayaraatee tabar lahayn dhulka lagu jiidjiidaayo, hadana "Allaahu Akbar" iyo wax kale ku haayo, may Eebbe maankiina iyo wadnihiinaba soo hanuuniyo. Runtii, it is an unfortunate and a bit disgusting dad dibadjooga ah [ani lama yaabaayi kuwaas dalka ku sugan meydadkaas dhulka ku jiidaayo maadaama ayba ku jireen 17 sano dagaal aan dhamaad lahayn, oo xoolanimadii iyo bini'aadenimadii kala saari la'] -- dad dibadjooga ah sidiina camal, supposedly seen and been around this world in aad u alalaastaan meydad dhulka lagu jiidaayo. Soomaalinimo ma'aha, Islaanimana ma'aha, bini'aadenimana ma'aha. Xabash iyo anaga haddaan isku nahnay xataa cadowgii ugu weynaa, ma'aha in meydadkooda dhulka lagu jiido. Xabasho wali waa bini'aaden, ma'aha dad cirfiid kasoo faraxtamay. Meydka xuquuq ayuu leeyahay. Teeda kalena dad Muslimiin ayaa ka jiro laga yaabaa meydadkaas, misguided soldiers laga keenay Itoobiya, oo "waa baqtiye" aad leedihiin dambi weyn ayee idiin tahay. Soomaalidaan ka dhigtayna dhaqankeena camal meydad la jiidjiido, aad ayaan ugu xumahay. Aadna waxaa ugu sii xumahay kuwiina inta ku jiro usii alalaasaayo waxmagaradaas. Waala isdilaa, oo la dagaalamaa, in la jiidjiido qof mar hore ka tagay jirkiis wax waligeed la fiirsan karo ma'aha, let alone loo sacabtumo. Hala isdhaamo, naceybnimo yee bini'aadenimada idinka saarin.
  9. Runtii Soomaalida kistoo boolal yar ayaa ka dibicsan. Iska dhaaf shir iyo dowlad iyo waxaas, war banooniga ayaa ugu yar maku heyshiin karno. Every darn game banooni, at least half of murun ayaa qaato. Meel walba ay ku ciyaaraan waaye, not only dad kaliya meel gaar ah. Meelo badan ayaa ku ciyaaray, all the time murankana waa la socdaa. "Maya, foore waaye." "War wali ma bixin ee naga dhaaf..." "Foore waaye yaaqay, waa baxay." --------- "Maano waaye, gacantaa uu ku dhacay...maano, maano." "Ma'aha, garabkeyga uu ku dhacay..." Dad waa weyn ciradooda shuunka xataa ka gishay xataa saas u murmaaya. Maryooleey bilaash looma dhihin.
  10. Originally posted by Geel_Jire12: Mind you this Mohammed Dheere looks like a basketballer. Had they brought to U.S.A as child, i think he would have done something. But i suppose he is making enough money as a semi professional/geel jire, warlord. He is not only geeljire, baac waaye sidii bajaq camal u cod eg mar uu afkiisa kala furo. Muxuu ka dhahay the Stooge? "Odey ciyaal suuq waaye oo birkimihii iyo joodariyaashii naga xaday, xataa nabadeey nama dhihin oo furihii irida banaanka ugu tagay..."
  11. Waqooyi Galbeed is still part of Soomaaliya. Wax wax ka baxsan ayaa la yiraahdaa 'will never be part of this.' Waqooyi Galbeed is just part of Soomaaliya, same as Sool and Sanaag and Togdheer, the latter three who still use Shilin Soomaali. All residents from these gobolo use the green Soomaali baasaboor when they venture to other countries, including when travelling to Xajka, as any other resident from Soomaaliya does. Reer Awdalna waligood ayeeba daljecel yihiin. Great daljecel waxgarad minds ka yimid deeggaankaas, like the Samatar brothers.
  12. Yeah, kan kaare iyo miigga diyaaradaha Xabash ku yimid, dadkiisana ka cabsanaayo fuleynimadii ugu weyneed is so "powerful." Yeah.
  13. Miss-I-slept-with-Cusama-bin-Laadin and Cusaama-bin-Laadin-loves-me has zero credibility. Null.
  14. Prof. Samatar: ma jiraan wax la yirahdo dowlad oo ka jirta dalka Soomaaliya Aayaha.com, Isniin, 26, Maarso 2007 - Qaar ka tirsan aqoonyahanda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dibadda ayaa sheegay in xiligan aaney jirin wax dowlad ah oo ka jira gudaha dalka Soomaaliya. Pro. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay waxa ka dhacaya gudaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in ay jiraan koox yar oo qowleysato ah oo aan ka nexeynin danta shacabka Soomaaliyeed. Cabdi Ismaaciil samatar ayaa sheegay isagoo wareysi siinayey Idaacadda Simba in beesha caalamku aaney ka damqaneynin dhibaatooyinka ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan ciidamada cadowga Itoobiya,kuwaas oo uu sheegay in ay doonayaan in ay gumeysi galiyaan shacabka Soomaaliyeed,isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha dalka Soomaaliya. Professor-ka ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay dalka u soo horseedeen oo ay soo galiyeen kuwa qaa'inul wadaniin ah oo gatay diinta, dadka iyo dalka, kuwaas oo uu sheegay in ay raali ka yihiin in la kala gooy-gooyo dalka Soomaaliya. Waxa uu ka hadlay Professor-ku waxyaabaha xiligaan ka ka dhacaya dalka Soomaaliya, isagoo taageero weyn u muujiyey shacabka Soomaaliyeed oo ay horkacayaan xoogagga xaq u dirirka dagaalada ay kala hortagaayaan cadowga itoobiya ee doonaya in ay gumeysiga galiyaan shacabka Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahatee hadalka Professor-ka ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan kacdoonka ay shacabka Soomaaliyeed ku doonayaan in ay isaga dulqaadan heeryada gumeysiga. Xigasho
  15. Maryooleey isku booteenaayo at a typical shir of 'reeraha,' I am guessing. Unfortunately, the shir is gone wild, as typical as it always seems every Soomaali shir. Can anybody guess where this happened at? Somewhere Mareykanka waaye, either Miniyaabolis or Kolumbus. Either one, it is ugly. No ixtiraam, no xishmo, no kala dambeyn -- nothing. A jungle. On bartamaha. NB, kan codka duubaayoa meesha iska taagan aanba ka helay, only u cad bahalkiis wax u duubaayo, oo afkii hadlaba u dhaweynaayo. Maryooleey kii Soomaali u bixiye waala helay.
  16. CANADA O MARKII UGU HORAYISAY KU DARTAY SOMALILAND MABKA ADUNKA Kanada shirkad qariiradaha soo daabacdo miyaa? Yaab ahaa. Ninka waxaas qorayna needs a little hingaadis check.
  17. Meeshaan waala xiray. And before this thread is closed, this is a FINAL WARNING given to these following characters: Pi Jaylaani Xalane Hadaadan joojin caydaan ciyaalnimada ah every day u heysiin meeshaan, your account will be suspended. This is the FINAL digniin. Intaadan hadhow cabaatamin, ka jooga now. I am tired of your childish insults maalin walba ku heysiin meeshaan. Tired of it editing. So waa ka joogi weyseen soo ma'aha, you will see then. Boqol iyo konton mar ayaa la idin sheegay, this forum is a moderated one, and will never condone aflagaadaas aan loo meel yeelin, afxumadaas aan meelna loogu ganban. Dad waxgarad ayaa loo dulqaadaa, dad aanan dulqaad habayaraatee wax ka ogeyn waxee ku tagaan ayaa la tusiyaa, haddee taas fahmi waayeena, xoog baa loogu saarayaa meeshaan.
  18. No. That is the re-produced album in 1999. It has all the classic Shooli songs, re-produced in one album with new beats. Heeso kale fiican ayaa ku jiro, sida that well-known one laga heeso aroosyada, Ladnaan ku waara, which I personally like. ----------- Sida laago roob heley Cosobkii ka lagac yiri Lala raacay indhaha Arooskiinu laacee Ladnaan ku waaraay Labadii isku raagtee Liibaantey ahaada Sida leyr cadceedeed Cirkoo sagal ku ladan yahay Lalabeystey subaxbaa Arooskiinu laacee Ladnaan ku waaraay Labadii is jecelee Liibaantey ahaada Sida beer ladaaqoo Wabigii ku liicoo Mirihii lulaysaa Arooskiinu laacee Ladnaan ku waaraay Labadii raaxeystee Liibantey ahaada ------------
  19. Shakti Kabuur, waaleey, waaka dartay. Perhaps Daraamandar or Faaris [Jajandara?] aa laguu soo diraa. Mise Canjeex? Cali Dheere? And speaking of Shakti, does he still make movies acting anti-hero horta? And does he still end up burned? Poor dude. Amjidkhaan aa ka fiicnaa. At least that old futac guy never ended up burned in a film.
  20. LoL at the two complete different articles. Ninkaan Bashiir Good la leeyahay waa naga badbadiseen runtii. He is just like a forumer, wax weyn masoo kordhinaayo labadiis erey uu cyberka ka booteeyo. PS, I believe he reads SOL, if he is not an active member. A considerable Soomaali webmasters do read SOL, some even borrow ideas from here, if not outright steal them, including that editor called Ceynte from Hiiraan Online, who called SOL "a popular blog for young, Diaspora-schooled, urbane Somalis around the world."
  21. Possibly unmanned aerial vehicle spy planes controlled by Mareykanka. Many of them routinely fly over Soomaaliya. And those 'voices' ka yeeraayo haddee jirto might be controllers desperately trying to contact.
  22. Originally posted by BiLaaL: Building Villas' for oneself is somewhat understandable, given the kind of men we are dealing with. What i find difficult to take is why they find the need to appoint their cousins to such important posts. Do these 'cousins' have any qualifications for the assiged posts? Doesn't Geedi fear the embarrassment that will follow from any mishaps arising from his counsin's inability to do the job. Su'aashaas tan amee kaaga jawaabtaa? Sii aqri. Wasiirka ugu shaqada badan Xukuumadda Federaalka iyo Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda oo khilaaf uu soo kala dhexgalay Axad, Maarso 25, 2007 (HOL): Waxaa khilaaf uu soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka iyo wasiirka la isku raacay in uu yahay midka ugu shaqada badan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa. Khilaafkan oo hadda soo shaac baxaya ayaa wuxuu salka ku hayaa sida ay sheegayaan warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo faragelin ku sameeyay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda, iyadoo taasina ay u cuntami weysay Wasiirka. Wasiirka ayay wararku sheegayaan in ay mas’uuliyiintan isku qabteen kadib markii ay Xilalka Safiirnimo u magacaabeen shakhsiyaad ku heyb ah oo qaarkood aanan lahayn aqoontii Safiirnimo, gaar ahaana Safiirro ay u magacaabeen Dalalka Mareykanka iyo Kenya, iyadoo ay ahayd in uu magacaabistaas wax ku lahaado wasiirka ama xitaa la ogeysiiyo . Sidoo kalena, waxay wararku intaas ku darayaan in uu Ismaaciil Buubaa uu aad uga sii carooday nin uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf u magacaabay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kaasi oo uusan ku qancin Wasiirka. Si kastaba arrintu ahaatee, khilaafka soo kala dhexgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliy oo haatan bannaanka u soo baxaya ayaa haddii uu sii socdo waxaa uu keeni karaa in uu Wasiirka xilka ka tago amaba xil ka qaadis lagu sameeyo, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ra’iisal Wasaare Geedi oo Dalka Sacuudiga uga qeybgelaya shir ay halkaas ku leeyihiin wadamada Islaamka uu ka tegay Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Baydhabo ku sugan, tiiyoo ay ahayd in uu Wasiirka ka qeybgalo shirka gogol xaarka ah ee ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Wadamada Islaamka ku yeelanayaan Magaalada Riyaad ee dalka Boqortooyada Sacuudiga. Xigasho And to answer your other questions, they do know dowlad ku sheegaan inay shaqeynin oo meel ay gaarto jirin, so inta yar soo gisho ayee ku tumanayaan, oo jeebkooda ku buuxsanayaan. Ninkaas danjiraha Keenya loo magacabay ee ilmo'adeerka yihiin, shaqadii danjirnimo kaliya ma'aha, oo taas wax ma tarto. He is also a 'treasurer,' oo daqlihayaha Geedi ah, oo wixii Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub laga soo qaado dhan oo ku saabsan dowlad ku sheega xukuumadda Geedi [sida lacagaha wasaaradooyinka] ninkaas ayee kusoo dhacdaa first. And no need to tell you meeshee ku baxdo now.
  23. Originally posted by David_Letterman: ps Did President Sharmarke get a state funeral? Yes, Marxuum C/rashiid, Eebbe ha u naxariistee, did get a state funeral. Waxaa lagu aasay Xabaalaha Qaranka, and I think he was the very first lagu duugo xagaas. Xabaala Qaranka was and is a little gated compound that had six or five prominent graves in Xamar, surrounded by parks. It is across from Tarbuunka, and between Tarbuunka and Isbitaal Digfeer. If you have watched one of those parades at Tarbuunka on 21 October [perhaps on Youtube], and had seeing those billboards celebrating Kacaanka, Xabaalaha Qaranka was behind those billboards at the park. We used play banooni at Tarbuunka as a boys aged between 7-11 until the war, and once in a while we went to Xabaalaha Qaranka, even while we were kids, we gave our utmost respects; it was a quite quiet scenary place, shaded by trees and flowers. It had a little masaajid, whose sole purpose was only used when one respected figure passed away. Marxuum C/rashiid's grave was white-washed, stone-walled, nicely built one. I still remember that. It sat at right of the front door. Five or six other similarly built graves were there as well. I think one of them was Marxuum Jeneraal Daa'uud's, Eebbe ha naxariistee, gravestone. C/rashiid was wadaad, by the way, and his house at xaafadda Taleex, he donated and built half of plots for masaajid. To this day, it is one the of prominent masaajido in Xamar. What was shocking to me, alas, was seeing in 2003 his family house right next to the masaajid la bililiqeystay, la fiiqday including ceiling and jileyga saarnaa. Inkastoo xaafadaas la wada degnaa, including many other houses owned by other prominent figures, oo cariiri ahayd, none lived in C/rashiid's family abandoned home. Perhaps people still had too much respect for him. However, it was a shocking sadness seeing his family house la fujistay, right next to a frequently used masaajid nonetheless.
  24. Well, at least kan Riyaale, ninka aad difoose u tahay, ka dhistay Qaahiro aa ka weyn, oo Geedi wixiisa xishood noqoneysaa.
  25. Here is the re-produced one. It is on track four. Or six. Either one, but I am sure it is on four, since I listened quite sometime ago, not certain. A classic song by a respected, almost legend singer. ---------- Dumar kale ma caashaqin Hadal dambe kumaan oran Dooqaagu wuxuu rabo Kolan daynba kuu galo Wali diiday kuma oran Dadku wuu dagaalaa Dabadeed heshiiyaa Inaad raacdo duul kale Ma wax loo dulqaataa ----------- Ogoow dumarku kaa badan Waan kaa dal doorsaday Dusha hayga xaganine La dabaalo, la dabaalo caashaqa ----------- Dambigaba waxaa dhigay Wadnaheyga doqonka ee Kaa doortay dumarka Aad daryeeli waydoo Wali daacad kuu qaba ---------- Dambi kaama aan gelin Duleed kaagamaan tegin Hablaha da'daadana Daandaansi daayoo Dibnahayga uma furin Dusha ha iga xaganine La dabaalo, la dabaalo caashaqa