-
Content Count
17,654 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Haa, duqa, it can be biyuudhiful, weyna noqon kartaa biyiidhiful oo lahjad ahaan. Ingiriis awalba afkeena ma ahayn, LoL. At least waa Soomaalini gareynay. Horta adaaba afkaan jini ila yaqaano, ay layk to rayt in dis weey samtaymis. Qoftaan aa ka helay. Very confident. Taloow manooshahay. Jiilkeeda jiilkee sii dhaleen waxee sii dhaleen ayaa maanta joogo yaa ogaado.
-
Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia... Haa, siyaaradii Addis Ababa wali ma dhamaan. Af waakoo, mey liki aamee ayaa la dhahay. Ha isgeeyo Filla Soomaaliya uu ku qafiifay, which uu ka maqan yahay almost a month fuleynimo daradeeda. Odey ka fuleysan, oo ka xukun jecel waligeey kan oo kale ma arkin. Filla Soomaaliya waa kasaa ha isgeeyo geesinimo hadduu u dhashay, intu dhahaayo meel walbaa kula dagaalameenaa asagoo waliba ku sugan minanka kaabalaadarkiisa ee Master Sanaawi.
-
these are not the real pictures ,,, it is just imagination and fiction based hand-made pictures of your people Waa in laguu dhigaa history of photography [consisting the Gariig words of 'photo' meaning light and 'graph' meaning draw/paintbrush], maadaama aad u egtahay qof waligiis aanan meel arag. Photos were not always digital nor on films. Sawirada from throughout the 1800s and early 1900s saas ayee u ekaan jireen, on everywhere taken, because of what was used. Intaadan iska hadlin, ogoow waxaa ka hadleysid horta. ------------- Roko, aren't they biyiidhiful ciyaal, duqa? Dey shuur aar.
-
Buraanbur. Biyiidhiful kidhis. Qaxwo iyo bun. More historical photos on the archive.
-
'Bimbo Somalo.' LoL. Xirsiga waa suranyahay. Xirsigaan waa weynyahay, never saw it. Can you build an aqal? You can't??? How dare you call yourself a nomad, marax waaxid. Ka cabso. WaaaW. Nice guntiino. Britney Spears, this is how it properly shaved.
-
Waayadaa isku kalsoonaan jirnay, haddaan Soomaali Soomaali ahayn, oo kii noo imaado kud iyo kir lagu dhihi jiray. Aaaaaaaaah. Sawiradaan reminds waayadaas, waaba ku qiirooday. [These historical images were taken in early 1900s] Don't mess with him. Gaashaanka [the shield] iyo waranka [the spear] waa u jeedaa diyaar waaye. Hairstyle aa i dilay. WaaaaaaaW. The serenity of the scene, salaadda iyo cibaadda. Wonderful. Wiilkaas yar ayaa sagaaro qaban jiray waayadaas, maantana kuwa dibadaha ku dhashay macmacaanka ka batay hal wariiri ma qaban karaan. Webiga Shabeelle
-
Saciido Cismaan, aaheey, aad aan ugu cabsaday. Waa bilcaan dalkeeda jecel. Saas ku wad, Saciido.
-
General Duke and his policy of misinformation
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Peacenow's topic in Politics
Peacenow, baliis stop dedicating threads to members of this forum. This is the third time as many as a few days you dedicated a thread to a member of this forum. It against the rules, which will only make retaliation and counter-retaliation when a thread -- especialy an offensive one which attacks a person's character, instead of one's opinion -- is dedicated to a member of this forum. It never stimulates a debate, instead inflaming. If you have something to say a member of this board, private message her or him. This thread is closed. -
Rumeyso ama ha rumeysan...
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Dhageysa, folks: Kutiri kuteenka naga joojiya. Stick the issue, which is unparallaled clan nepotism in the history of Soomaali people. The vast majority do not have a faith in this entity dowlad ku sheeg aan kaligeed socon karin, but la nuujiyo, koriso, barbaariso Xabashi. Still, mid tan camal waligeed lama aanan arag. Asagoo, The Father of Stooge, aanan tabartaas lahayn, xataa uunan seexan karin magaalomadaxda dalka cabsi daradeeda, ayuu intaan magacaabay ama ismagacaabeen. Yuusuf Baribari of Midowga Yurub [EU] - the danjiraha to Brussels. Cabdillaahi Seed - danjire ku sheega Soomaaliyeed ee Ingiriiska. Kooshin Max'ed isku magacaabay danjiraha Soomaaliya u fadhiya ee Mareykanka, even when Mareykanka does not recognize the whole dowlad ku sheeg. Cumar Jamaal - xoghayaha guud ee siyaasadda u fadhiyo Qaramada Midooway [whatever it means, though I assume to spy officially the real danjire u fadhiyo meesha]. Ciid Bedel Max'ed - danjire ku xigeenka Qaramada Midooway. [He could have been the real danjire, laakiin banooniga ayaa la barayaa, until then ha sugo...] Mareykanka, Ingiriiska and Midowga Yurub waa meesha dhaqaalaha kasoo galo, waa meesha ee ka tuugsadaan. If all these three places la dhigtay not only a sub-clan, but a sub-sub-sub-sub-sub ilmoadeero family members, then maxaa yaalo meesha. Let's see others u magacaabay that are his ilmoadeero or his nephews and nieces in this dowlad ku sheeg. Yuusuf Cumar Ashari – lataliyaha madaxweynaha dhinaca siyaasada [also another spokesperson] Daahir Mire Jibriil – Agaasimaha madaxtooyada [chief of staff of Filla Soomaaliya] Axmed Yuusuf – Xoghaynta gaarka ah ee madaxweynaha Cabdullaahi Dheere – madaxa ilaalada madaxweynaha [chief of security personnel] Axmed Cabdullaahi Yuusuf – wiilka madaxweynaha, ahna qasniga madaxtooyada [ ] Yuusuf Weyrax – lataliyaha madaxweynaha dhinaca dhaqaalaha Xasan Cali Yuusuf – madaxa borotokoolka Madaxweynaha [when he goes abroad, who takes care hoteelada, tikidiyada iyo wixii lamid ah ...] Hibo Maxamed Cilmi - lataliyaha madaxweynaha ee dhinaca xiriirka Xuseen Cali Seelaan - agaasimaha madaxtooyada Baydhabo C/risaaq Durqun - xoghaynta gaarka ee Madaxweynaha Then there are also the others. Yaa isgaaray, read on. Korneel Max'ed Darwiish - Taliyaha Nabadsugidda Qaranka [Chief of National Security, the newly created] Cabdullaahi Cali Cumar (Inalibaaxsankataabte) – Taliyaha ciidamadda [Chief of Staff] Cabdirisaaq Afguduud – Taliyaha guutada koowaad [First Battalion] Xiif Cali Taar – Taliyaha guutada sadexaad [Third Battalion] Col Cabdullaahi Carays – Taliyaha guutada afaraad Joocaar - Maamulaha dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Xamar -
Maxamed Dheere “Qaniinyo Qaniinyaa kaa fujisa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Dhubad.'s topic in Politics
Originally posted by Dhubad: ^^Waxaanoo miiran baa hogaanka noo haya.! Hoggaan aa? Waxmagarado sida Max'ed Dheere lamid ah maa wax kale ka sugeysay. "Martial law, martial law" ayaa laga badbadiye ayaan filaa oo wuxuuu qaaday in laga wado shinidii ku qaniintaba in xabbad lagu dhufanaayo. Asagana sida Aaden Madoowe camal iskoolka dadka waa weyn muu soo dhigtay? Magacii ololahii bar ama baro ayee ku ciyaareen, oo dad badan ka faa'ideystay. Koley qaab nin waligiis buug qaatay uma eka. -
BISAD DEMONSTRATES FOR SOMALILAND'S RECOGNITION
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Jacaylbaro's topic in Politics
I thought a certain someone on here said "demonstrations" are useless. Ar dan markii la leeyahay is all good, I see. Guudh for yuu. -
Rumeyso ama ha rumeysan...
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Odeygaan Xabashada u shaqeeyo qofkii dowlad ka sugaayo awal asagaaba waalnaa. Maalin caddeey ayuu rabaa in uu ilmoadeeradiis iyo kuwa uu adeero u yahay uu dhigto meel walba. Qaramada Midooway sadex ilmoadeeradiis ayaa u fadhiyo; yarka yar ee uu u magacaabay laakiin aanan la aqoonsan danjiraha Mareykanka waa mid uu adeer u yahay; same with C/rashiid Seef uu ula rabo danjiraha Ingiriiska; so is Baribari of Midowga Yurub in loo diro la rabo. Intaas kaliya waa danjiraashii, oo waxaaba maqan ciidamadii, lataliyaashii, saraakiishii iyo shaqaalihii kale oo jufada hoose la isla ahaa uu magacaabay the Fool Stooge of Xabash. Ma meesha mundul ilmoadeero ku shiro ayee moodeen? -
Mid ka mid ah Shaqalaha Tigreega oo ay waraysatey BBC Africa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to ansaar17's topic in Politics
at 'shaqaalaha Tigreyga.' Meesha hadana maanakoobiyonimo mee isku badashay? Hebel asagaa waalan; maya, asagaa qac eh; maya, kaas aa jinoole eh; maya, kanaa lagu jiraa; maya, maba fiyoowa ninkaas; maya, naftirkiisa ayaa lagu buuqaayaa; maya, buufis aa ku dhacay; maya, waa lagu soo degay; maya, kistoo ayuu qafiifay; maya isla hadalka ayaa ku batay; maya, saarka in laga tumo waaye; maya, booramaha aa kistoo soo salaamay ... -
Minnesota – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa si weyn u taageeray kooxaha weerarada ku qaada goobaha ay joogaan mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka iyo ciidamada Itoobiyaanka. Cali Khaliif ayaa sheegay in kooxaha weerara geysanaya ay yihiin dad damiir Soomaalinimo ay ku jirto sida uu hadalka u yiri isla markaana u dagaalamayaan sidii ay dalkooda ugu xoreyn lahaayeen ciidamada Itoobiyaanka. “Horey ayaan u sheegay mar kalena waan sheegayaa inaysan marnaba siyaasada Soomaaliya ay Dowlada Itoobiya faraha kala bixi doonin, isla markaana aysan ciidamadeeda dalka Somalia ka saari doonin marnaba” ayuu yiri Galeyr. Dr. Galeyr ayaa ku eedeeyay madaxda DF inaysan damiir laheyn sida uu yiri maadaama ay ciidamada Itoobiyaanka u ogolaadeen inay degaan xarumaha Soomaaliya ka ah lama taabtaanka sida Wasaarada Gaashaandhiga iyo Villa Soomaaliya. Cali Khaliif ayaa sidoo kale Dowlada Federaalka ku eedeeyay inay Madaafiic ku garaacday goobo ay degan yihiin dad rayid ah kuwaasoo qasaaro xoogan dhaliyay. Galeyr ayaa ku booriyay kooxaha weerara Dowlada Federaaalka inay dagaalka sii wadaan ilaa ay dalka ka saarayaan sida uu yiri ciidamada Itoobiyaanka. Galeyr ayaa kamid ah Siyaasiyiinta sida aadka ah ugu soo horjeedo qorsha Dowlada Federaalka ay ku shaqeyso isagoo dalka yimid kadib markii Maxkamadaha ay Muqdisho ka saareen dagaal oogayaashii 15 sano Muqdisho ka talin jiray. Xigasho
-
Rumeyso ama ha rumeysan...
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
The man who amateurishly posted this semi-photoshop image on his website is now afhayeenka of the Stoogeka. Very fitting, I guess. Even Max'ed Siciid Alsaxaf, Baqdaad Bob, of Ciraaq never occured to himself to lie in this blatant manner aan loo aabo yeelin. Heck, the legendary, mythical Beenhawaas wouldn't have dared to do this. -
The farce from this dowlad ku sheeg entity is ever more getting ridiculous. Runtii. You cannot believe this, nor would I. I finally realized beenta badan, aflagaadada badan, xumeynta badan, Soomaali kala dirka badan pays off. Well, read on. Afhayeenkii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo xilkii iska wareejiyay Sabti, Febraayo 24, 2007 (HOL): Afhayeenkii hore ee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ninka lagu magacaabo Yuusuf Ismaaciil Baribari ayaa maanta xilkii Afhayeennimada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku wareejiyay Afhayeen cusub oo lagu magacaabo Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuubsireed) . Yuusuf Baribari oo ka hadlay xafladdii uu xilkaas ku wareejinayay ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in uu xilkaas ku wareejiyo Afhayeenka cusub, wuxuuna u rajeeyay in uu xilka loo magacaabay alle la garab-galo. Afhayeenka cusub ee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa horay wuxuu u ahaa Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada , wuxuuna sheegay in uu ku dadaali doono sidii uu uga soo dhalaali lahaa xilka loo magacaabay, isagoo warbaahintana ka codsaday in ay la shaqeeyaan. Yuusuf Ismaaciil Baribari ayaa loo magacaabay wakiilka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub, sidaas darteed ayuuna xilkii afhayeennimada madaxweyne C/llaahi Yuusuf ugu wareejiyay Af-hayeenka cusub Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub Sireed), iyadoo xafladdii xil wareejintana ay ka dhacday Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho. Hiiraan.com No, the surprising news isn't about laba ilmoadeer eh xilka lagu kala wareejinaayo, since both Baribari and Xuubsireed ay isku jufo hooseed wadaagaan, along with the Father of Stooge, Cabdillaahi Yuusuf. No, that isn't news oo ma nagu cusbo. Waxa unbelievable eh is who really Xuseen Maxamed Maxamuud Xuubsireed is. To those who don't know, he is the editor and owner of idamaale.com. Yep. Read on. Tafatiraha Idamaale.com ma u qalmaa in uu noqdo afhayeenka Madaxtooyada Ummadda Soomaaliyeed!? Febraayo 24, 2007 (Baydhabo) -- Waxaan ognahay in Xafiiska Madaxweynaha uu baahi weyn u qabo in lagu sameeyo dayactir xagga isgaarsiinta iyo xiriirka bulshadda Soomaaliyeed. Waxaase naxdin iyo murugoba leh in Xuseen Maxamed Maxamud Xuubsireed ahna tafatiraha iyo ninka iska leh shabakada Idamaale.com loo magacaabay in uu noqdo afhayeenka Madaxtooyada. Dad badan oo ka tirsan shacabka Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay arinkan waxayna ku tilmaameen mid aan laga fiirsan oo ummadda Soomaaliyeedna sii kala fogaynaysa. Tafatiraha Idamaale.com oo ku caanbaxay qoraaladda aan dhexdhexaadka ahayn oo xagjirka ah mararka qaarkoodna lagu aflagaadeeyo qabaailadda qaarkood ma noqon karo nin u qalma jagadaas ama nin ku hadli kara magaca aqalka Madaxtooyadda ama magaca Ummadda Soomaaliyeed. Haddii ay magacaabidaas hirgasho waxay dhaawac culus gaarsiin doontaa ixtiraamka loo hayo xafiiska madaxwenaha iyo xiriirka la doonayo in la la sameeyo bulshadda soomaaliyeed sidoo kale waxay aad u fogaynaysaa dib u heshiisiinta la doonayey in lagaarsiiyo dalka oo dhan. Tafatiraha idamaale.com kaa ogolaanmayno in aad ku hadasho magaca ummadda soomaaliyeed balse waxaan kaa codsaneynaa in aad ku laabato shabakadaada oo baryahaanba fadhiday adigoo wax ka badalaya qoraaladii aad soo qori jirtay. Baydhabo.com Markaas ayee noo sheegayaan dowlad ayaa jirto meesha, oo meesha qashinka ee tahay la wada ogyahay. Meeshiiba fadhi ilmoadeero ka dhigteen, hadana kii ugu xumaa oo ugu aflagaado xumaa, ugu been badnaa, ugu qaacin ahaa, ugu waxmagarad ahaa, isku dirka ugu weynaa, qabyaalad qurunkeeda ku dhex dhintay. If a person like that, along with his blatant lies and slanders, loogu mahadiyo jago, then wax aan dhaho maleh. Xuubsireed, indeed. Balaayo aad sirtid, though, Eebbe hakuu sahlo.
-
Cabdulaahi Yuusuf oo u duulay Magaaladda Addis Ababa 23/02/2007 (Onkod) -- Madaxweynaha Dawladda kumeel gaarka Soomaaliya Col. Cabdulaahi Yusuf Axmed ayaa goordhoweyd waxaa uu ka duulay garoonka weyn ee Heathrow ee London waxaana uu kusii jeedaa Magaaladda Addis Ababa ee dalkaasi Ethiopia oo la sheegay in ay dhowaan ku kulmayaan Madaxweynayaasha dalalka kala ah : Yemen, Somalia iyo Ra'isul wasaaraha Ethiopia Meles zenawi iyadoo waxyaabaha ay ka hadli doonaana ay qayb ka tahay arinta Soomaaliya sida uu u sheegay Onkod News Mas'uul ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha oo London ugu waramayay. Madaxweyne Yusuf ayaa safar maalmo qaatay waxaa uu ku joogay dalkan Britain oo uu kula kulmay Wasiiro ka tirsan dawladda dalkan iyo Diplomaasiyiin shisheeye oo uu kala hadlay arimaha Soomaaliya. Sidoo kale waxaa Cabdulaahi Yusuf uu sidoo kale maray Baaritaan caafimaad oo uu u tagay Cisbitaalka Cromwell Hospital ee Galbeedka Magaaladan London. Socdaalka Ethiopia kadib waxaa uu Cabdulaahi Yusuf uu tagayaa dalka Soomaaliya oo ay ka jiraan colaado iyo dagaalo u dhexeeya Ciidanka Ethiopia iyo kuwa Maleeshiyooyinka aan la garanayn ee hubaysan. Onkod Once a month or even lesser, the Stooge's siyaaro to Addis Ababa always goes, never missed, regardless how many innocent Soomaalis are indiscriminately shelled. The Master in Addis Ababa is more important.
-
Daroor: fighting continues over 70 dead...
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to General Duke's topic in Politics
Maxaa la isku heystaa? Don't tell me another ceel ama meel jiq eh gaal daaqo la isku heystaa. Waligeen wax maku waano qaadano miyaa horta. Eebbe ha u wada naxariisto masaakiinta meesha ku baaba'ay. To those who thought Soomaali Galbeed was controlled by Xabashada, tan ku waano qaado. Waligeey deeggaankaas si xoog leh ma u maamulin, and they also don't care as long as Soomaali isdileyso, halhal isku tirtiraayo, a fratricide -- an Amxaar's/Tigreey's dream. I can't even believe baroono [tikniko] ka qeybqaadanaayo dagaaladaan. Unbelievable. -
Aad ayee u mahadsanyihiin Reer Landhan once again. Keep the good effort up. Ereyadda qaarkood ku qornaa tabeelooyinka ayaaba isoo jiiday. "You want to prolong your life, but terminate the lives of thousands of civilians." He is dhiigcab dilay traditional leader [Hurre], his collaborators [one such being C/raxmaan Caydiid, a fellow Sodaf (before there was SSDF) of his]; a warlord that neither cares about maati aan waxba galabsan nor wax kale. He is also a Stooge, a capital one at that, a Xabash Stooge, whose relationship with them is almost three decades long. They used him, abused him, discarded him, re-used him, recycled him -- he still with them, a fool and a stooge such as he is will never know what hits him -- his power hungry is only surpassed by Xabash's thirst for dhiig Soomaaliyeed. We will overcome, Eebbe ha idmo, kaas iyo wixii lamid ah.
-
Leyligii cudurada ku saabsanaa waa socdaa. Inta jira aan hadda xasuusto: Qalal = epilepsy Dhiigyaraan = anemia Aragbeel = glaucoma Sanboor = sinus Kaadidhiig = hematuria Dheefshiidxumo = dyspepsia Iskudhexyaac maxkaxdeed = schizophrenia Xinjirwaa = hemophilia Biyodhac [indhaha] = cataract Axaldhiiga [disantariyo] = dysentery Baabasiir = hemorrhoid Dhiigcadaad = leukemia Dhagaxkalyood [dhagaxgal kili] = kidney stone ---------------- Pressure = cadaadis/dhib
-
Calling the entity a 'government' ama 'dowlad,' you are even dishonouring those respected words. They are far, far from dowlad iyo wax u dhaw. Call them what they truly are -- stooges, puppets [led by the Father of Stooge himself Cabdillaahi Yuusuf], qashin Xabash dadkooda u horseeday inay laayaan and finally war criminals. Xabashi shelling a city of millions at wee hours of night and closing the roads that take people to hospitals is a war criminal, crimes against humanity.
-
A bridge that will link up two continents!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Fiqikhayre's topic in General
The bridge that links between Malmo [iswiidhan] and Copenhagen [Denmark]. Its span is eight kilometres [8km], excluding another eight kilometres that goes above the ground. It was built late '90s and inaugurated 2000. Its total cost more than 5 billion US dollars. Many Soomaalis use this bridge, to and from Copenhagen or Malmo. Yeman can dream, but I don't think they are currently capable, both financially and politically, iskaba dhaaf duruufaadka kale jiro. Marooko and Spain were in talks as well, which would link Afrika and Yurub. I believe that will happen sometime in the next two decades. Both Marooko and Spain are financially capable; I am not, however, sure about political will. -
Maan, that site runtii waa amazing. Arka those cute pictures. Guntiinada iyo hoosguntida uu wato the boy ayaaba i dishay. Kal iyo mooyo. LoL at qada iyo looxa. Can anyone guess where this xeeb is? I think it is Shalambood. --------------- Waraa Bob, check that Jarmal site Daa'uud Waraaqle provided. It has some amazing, unique pictures, including some from Baraawe and Jilib and other nearby areas of Kismaayo. I don't know if it has Kismaayo pictures, so you can guess which one is which if you are familiar with that area. Here is Baraawe, pre-civil war:
-
Waraa haddii la guurso bil mala xaroodo, marax. Toddobaad kaliya waaye. Mise macmacaankaas aa wali arkin aa kuu soo dhadhamooyo waaba sugi la'dahay, a whole month ayaa qaadanee yaah. Anyway, aniga maalinta shaashsaarka ee toddobada ayaan imaanaa, oo shaash, err cimaamad, kuu saaraa.