Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,649
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. How come ergey shalay la magacaabay already has an office like this? Wasiirada qaarkood oo soo wasiirro u ah wasaarado sanadooyin soo jiray ma laha xafiis saan camal ah. Already lacagta ayaa lagu cunaayaa.
  2. Qof daacad ah iga dheh. He reminds in early 1990 that a family friend dowladda xil weyn ka haaye wadaad noqday. He had several villas in Xamar as well as several SUV vehicles. Markuu la soo tashtay wadaado masaajidka xaafadiisa deganeyd ayaa kula soo taliyey inuu iska celiyo hantidiisa qaarkood, dowladda u celiyo maadaama uu qirtay wax isdaba maris ku dhistay guryaha, except his first. Wuu go'aansaday inuu celiyo, wuuna celiyey. Tolkiisa geed dheer iyo geed gaaban u koreen inay ka joojiyaan, shirar isdaba joog socday. In the end they were saying wuu qafiifay after he returned laba guri ka mid ahaa sadexda guri and several SUV vehicles to dowladii dhexe. A few months later dowladii waa dhacday and he remained wadaad tabliiqi ah. Bakistaan inuu ku geeriyooday jeclahay few years ago. Hadda yaa ogaado guryahaas moooryaan ayaa iska heysato. ____________________ Nin iibsaday gaari ay laheed dowladda Soomaaliya oo maanta mag-dhaw bixiyey Cabdiraxmaan Xuseen Wehliye ayaa qaaday tallaabo dhif iyo naadir ah, ninkaan markii ay burburtay dowladii dhexe Soomaaliya waxaa gacantiisa ku jiray Gaari kuwa Xamuulka qaada ah oo dowladu ay laheyd. Wuxuu ka tirsanaa wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka, markii ay dowladdu burbrutay ee dalku uu dagaallo sokeeye cagaha la galay wuxuu iibiyey gaarigii dowladda ee gacantiisa ku jiray. Cabdiraxmaan ayaa maanta sheegay in gaarigii uu ku iibiyey lacag dhan 12,500 oo dollar, maadaama aysan jirin xiligaas dowlad uu ku wareejiyo. Markii uu iibsaday gaarigii wuxuu ka cararay dalka oo dagaallo ay ka socdeen, wuxuuna ka mid noqday Soomaalidii gashay waddanka Ingiriiska. Cabdiraxmaan ayaa 32 sano kadib ku soo noqday Soomaaliya wuxuuna go’aansaday lacagtii uu gaariga dowladda ku iibsaday uu hadda ku soo celiyo dowladda, maadaama ay tahay Hanti-Qaran. Ugu dambeyntii maanta ayuu Cabdirixmaan lacagtii si toos ah ugu shubay Bangiga Dhexe ee dowladda, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Waa dhif in dadkii boobay ama xiligaas si un ay xagooda u martay hantidii dowladda ee dib ugu soo celiyey qaranka, markii dib loo soo dhisay dowladnimada Soomaaliya. Soomaaliya waxaa ka jirtay dowlad xoog leh oo hey’ado dhisan leh aadna u qalabeysan, inta badan hantidii dowladda waa la boobay, mana badna dadka go’aansaday inay dib u soo celiyaan xisaabihii dhinacooda maray, si lamid ah geesinimada uu maanta sameeyey Cabdiraxmaan Wehiye.
  3. Safarada Xasan Socdaal ee dalxiiska ah: Imaaraadka  Turkiga  Eritareeya  Kiinya  Jabuuti  Tansaaniya Masar  Ugaandha  Kiinya (2nd time)   Mareykanka  Ingiriiska  Mareykanka (2nd time)  Itoobiya  Ugaandha (2nd time) Jabuuti (2nd time)  Suudaan  Aljeeriya  Masar (2nd time) Eritareeya (2nd time) Jabuuti (3rd time) Sacuudiga  Mareykanka (3rd time)  Qadar  Talyaaniga Jabuuti (4th time) - waala qariyey  Itoobiya (2nd time) Imaaraadka (2nd time)  Qadar (2nd time) Eritareeya (3rd time) Ugaandha (3rd time) Itoobiya (3rd time) Ugaandha (4th time) ______________ Updated. Meel cusub uu aado la yahay, all last three trips were third-time and fourth-time visits to same visited countries.
  4. Back to Kambaala again, for the fourth time la soo tuugsanaayo Musaveni. Will he humiliate him again mar kale?
  5. Coldoon is back, too, and is smelling the beginning of the end of Muuse Muqayil.
  6. Mooshin lagu ridayo xukuumadda R/Wasaare Xamsa oo socda Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa diyaarinaya mooshin ka dhan ah xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, sida ay inoo xaqiijiyeen mudaneyaal ka tirsan BF. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Mooshinkan ay diyaarinayaan qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa la rabaa in lagu rido xukuumadda aan sanad jirsan ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza. Kaambaynka mooshinkan ayaa si xawli ah u socda, ayada oo Xildhibaanada hormuudka u ah qorshahaan ay isku dayayaan inay taageero u helaan mooshinkooda. Xildhibaanadan ayaa xiriir la sameeyay qaar kamid ah saaxiibadooda Baarlamaanka, kuwaasi oo ay ka dalbadeen inay ka qeyb qaatan mooshinka lagu ridayo xukuumadda Xamza, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay dhaliilo xooggan oo la xiriira hab maamulkeeda iyo shaqada loo igmaday, ayada oo dhawaana uu weerar ku qaaday Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bini’aadannimada iyo gurmadka Abaaraha ayaa waxa uu si weyn ugu dhaliilay xukuumadda, oo uu sheegay in isdhex-yaac uu ka jiro hay’addaha dowladda. Ergeyga ayaa xilligaasi wareysi uu siiyay VOA wuxuu ku sheegay in xukuumadda ay sidii la rabay u maamulin dhaqaalaha gargaarka ee lasoo gaarsiiyo, uuna dhowr jeer la wadaagay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Dhaliisha u weyn ee uu ujeediyay xukuumadda ayaa ah in aysan jirin wada-shaqeyn wasaaradaha dhexdeeda ah, taasi oo keentay isdhex-yaac baahsan oo ka jiro hay’addaha dowladda, oo lumisay masuuliyad iska saarida arrimaha mudnaanta leh, gaar ahaan arrimaha gargaarka. Si kastaba, Mooshinkan cusub ee ka dhanka ah xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ee wadaan qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo kooxda Al-Shabaab ka dhan ah. Xigasho
  7. Ten months in, seefta lagu ridi lahaa next month ayaa loo afeysanaayaa. Xamse has very few supporters in and outside baarlamaanka. Up to 200 xildhibaanno ayaa rabo inay ridaan la leeyahay, including kuwii Kheyre, Shariifka, Deni iyo Madoobe taageersanaa, plus kuwii Xasan Sh. xulafada ahaayeen laakiin jago iska waaye sida Sanbalooshe iyo C/raxmaan Odawaa oo kursi raadinaaya.
  8. Many prominent military sarkaalo Baydhabo soo deganaa - C/llaahi Yuusuf, Caydiid, Muuse Muqayil, Cumar Jees... Waxaa u badnaa Reer Soomaali Galbeed. It was them in fact who gave Baydhabo the 'Janaay' nickname. My wife's late father too was a sarkaal Baydhabo xaruntiisa ahayd, from Soomaali Galbeed.
  9. Secessionists: 'Alla ba'ayeey, hoogayeey, Ingiriis cadde aqoonsigii qariirada inaga badalay.'
  10. Waaw, ninkaas la wareysanaayo waa Sade Yaasiin. Gurigooda iyo gurigeena talaabo isku jireen, waana isla soo kornay ciyaal xaafadda isla ahayn. Walaalaheey iga waa weyn saaxiibo ahaayeen asaga iyo walaalihiisa. Sade, Sharmaarke, Kooshin, Allamaan...
  11. More and more wax masuqmaasuqii aan maqaanay dhaaftay. Tan waa aboornimo ee wey ka weyntahay masuqmaasuq:
  12. Muuse Muqayil and co. are trying to hide odey dhaqameedka koonfurta ka tagay that landed in Hargeysa today. Waa same odey dhaqameed tagay Laascaanood bishii hore.
  13. Handadaad moooryaanimo. Waa dadkee shalay isla jireen:
  14. And yaab from dowlad mooryaaaneed. Dhalinyarada iska baashaaleyso la iska garaacaayaa.
  15. Maakhiri, there are too many polluting bajaajley in Xamar haddii run loo hadlo. However, this mashruuc by dhiigyacabka damxaraash want inay mashruuc ka sameystaan bajaajleyda, by making them repaint into vehicle As and Bs, which are supposed to work in different days. Laakiin dhaqaalo ayaa laga sameeyo la rabaa. Laakiin xaalka bajaajleyda is unsustainable. Tarsan ayaa eedaas leh, he was the first to import these polluting, second-hand mootooyin to Xamar in 2013. Mootooyin laga mamnuucay dalka in late 1960s ayuu noo soo celiyey. Balaayo.
  16. Xasan Socdaal waligiis dowladnimo waxee tahay waxba kama oga. He thinks it is away to enrich ones and family. Read below. Now compare this to the situation in Ukraine on last year under Farmaajo's government:
  17. Dagaalka Laascaanood oo saamayn dhaqaale ku yeeshay suuqyada Somaliland Saamaynta dhaqaale ee uu sababay dagaalka Laascaanood ayaa laga dareemaya Somaliland, xili loo diyaar garoobayo munaasibada ciida. Qaar kamid ah ganacstada yar yar ee ka ganacsada dharka ee magaalada Burco, oo uu Bulsho TV makarafoonka la dhexqaaday, ayaa sheegay in uu jiro hoos u dhac dhaqaale. "Sannadkan waxad mooda in bulshadii reer Laascaanood ay ka dhex maqayihiin dadkii noo iman jiray ee naga adeegan jiray" mid kamid ah ganacsatada dharka ayaa sida Bulsho TV u sheegay. Suuqa magaalada Burco ayaa tabaya macaamiil badan oo hada ka hor uga iman jirtay magaalada Laascaanood, oo dadkii ku dhaqnaa ay deegaano kale qoxooti ku yihiin dagaalka awgii. "Waxaanu dareemayna in macaamiil badan oo aanu wax ka iibin jirnay ay maqanyihiin, hadaanunahay ganacsatada waxwaliba nabada ayuu ku jiraa" mid kale ayaa sida Bulsho u sheegay. Kadib markii uu dagaalku ka qarxay magaalada Laascaanood waxa qaxay badiba dadkii magaalada, waxaana istaagay ganacsigii taasi oo keentay in ay tabaan magaalooyinkii kale ee ganacsigu kala dhexeeyay. Dhinaca kale, waxa istaagay safaradii ganacsi ee ka iman jiray Puntland iyo deegaanada kale ee Soomaaliya, kadib markii ay odayaasha SSC sheegeen in wax safar ganacsi ahi aanu dhulkooda mari karin. Xigasho
  18. Alloow u raxmo masaakiinta sooman korkooda madaafiic lagu garaacaayo.