Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,696
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    326

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Somali President’s Daughter Given Full Authority Over UAE Portfolio Raises Concerns of Political Nepotism The appointment of Jihan Hassan Sheikh as the Somali focal person for the UAE has raised concerns in Somalia’s political scene. Jihan has been given full authority to communicate on behalf of Somalia in foreign affairs, defense, and all agreements with the UAE, according to sources inside Villa Somalia. Although Jihan does not hold any official political position in the government, she is the daughter of President Hassan Sheikh Mohamud and has been observed accompanying the president on high-profile overseas meetings. Critics have questioned Jihan’s qualifications for this significant responsibility, particularly given her lack of political experience. Some have also suggested that her appointment undermines the role of the Foreign Minister. Additionally, concerns have been raised about potential conflicts of interest, given Jihan’s familial ties to the Somali president. The UAE’s military influence in Somalia has also raised concerns. This week, the UAE shipped military vehicles to Jubaland and negotiated to occupy two islands off Kismayo’s coast. Some suspect that the president’s family may be benefiting financially from the deal with the UAE, further raising questions about potential conflicts of interest. President Mohamud has prioritized mending diplomatic relations with the UAE since his second term began last year. He has visited the country three times and signed a military and security pact with the UAE. As Jihan takes on her new role, many in Somalia will be watching closely to see if it leads to positive changes in the country’s relationship with the UAE, particularly with regards to military influence and potential conflicts of interest. Xigasho
  2. Muuse Muqayil Faarax Macalin markuu arrinta Laascaanood ka hadlay Kiikuuyo ku sheegay. Taloow gabadhaana yuu ku tilmaami doonaa?
  3. Ahlu-Sunna oo ku dhawaaqday go’aan culus oo ka dhan ah Wasiir Mukhtaar Rooboow Hogaanka Ahlu-Sunna ayaa ku dhawaaqay inay jareen xiriirkii wada-shaqeynta ee kala dhaxeeyay Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Soomaaliya, sida uu shaaciyay Sheekh Cabdulqaadir Soomoow. Sheekh Soomow oo ah Afhayeenka Culimada Ahlu Sunna Waljameeca sida uu sheegay, ayaa waxa go’aankan ku sababeeyay in wasaaradda uu hogaamiyo Wasiir Mukhtaar Rooboow ay ka leexatay hanaankii saxda ahaa ee maareynta tartanka ay shirkadaha u galayaan adeegga Xajka ee sanadkaan. “Cabashada aan qabno waxay tahay in wasaaradda Culimadda Ahlu Sunna ka hor istaagtay inay ka qeyb-galaan hannaanka lagu soo xulayo shirkadaha u adeegayo xujeyda sanadkaan oo ay wasaaraddu xisbi gaar ah u xirtay oo aysan jirin wax tartan ah,” ayuu yiri Sheekh Soomoow. Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka Culimada Ahlu Sunna “Waxaa caddeyneyna in aan kala laabanay wada-shaqeyntii nagala dhaxeysay wasaaradda, balse aan taageersanahay dowladda federaalka Soomaaliya.” Ahlu Sunna ayaa sidoo kale waxay sheegeen in wada-shaqeyn dambe dhexmari karin wasaarada awqaafta iyo arrimaha Diinta illaa inta xilka laga qaadayo wasiir Mukhtaar Rooboow iyo agaasimaha wasaaraddaas, oo ay ku eedeeyen inay hormuud u yihiin cadaalad darada ay ka tirsanayaan wasaaradda. Dooda u weyn ee Sheekh Soomoow uu sheegay inay u dalbanayaan in xilka looga qaado wasiir Roobow ayaa ah in tartankii Xajka ee dhawaan qabteen guddigii uu magacaabay wasiirka loo diiday sharkadihii Culimada Ahlu Sunna oo loo xiray xisbi gaar ah, sida uu sheegay. Go’aanka Ahlu-Sunna ayaa imanaya xilli ay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ay soo saartay liiska shirkadaha kasoo gudbay wareega 1-aad ee tartanka adeegga Xajka, kuwaasi ay wareysi toos ah la yeelaneyso, si ugu dambeyn loo helo shirkaddaha u adeegaya Xujeyda Soomaalida ee sanadkaan. Wasiir Mukhtaar Rooboow ayaa la sheegay inuu dhabarka u ritay masuuliyadda maamulka Xajka, isaga oo madaxda sare u ballan-qaaday in uu si hufan oo daah-furan sanadkaan loo maamuli doono, taasi oo garab istaag ugu muujiyeen madaxda sare ee dalka. Xigasho
  4. Magaciisaba ma maqli kari. I had never seen a worse corrupt, unprincipled Soomaali siyaasi than him. Xataa qabqabliyaashii ayaa dhaamo ninkaan aanan jeebkiisa buuxsamin. In mid 2010s, he sold dekedihii Berbera iyo Boosaaso to Imaaraadka for a little shilimaad and now Kismaayo.
  5. Tuugadii maafiyada Imaaraadka dozens and dozens gaariyaal 'Cabdi Bile' ah ayee ka soo dajiyeen Kismaayo. Same Toyota vehicles they use in Liibiya iyo Yeman. Mercenaries will follow soon. Alloow alle, dalkeeda iyo dadkeena waala xaraashtay. Kismaayo: Imaaraarka Carabta oo gaadiid dagaal ku wareejisay Jubbaland Dawladda Imaaraarka Carabta ayaa maanta gaadiid nooca dagaalka ku wareejisay Dowlad goboleedka Jubbaland. Gaadiidkan ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadan doona dagaalka dib Al-shabaab looga xoraynayo deegaanada kala duwan ee Jubbaland. Gadiidkan la geeyey Jubbaland ayaa ku soo aadeysa xilli dhawaan Jubbaland laga dhisayo saldhig Milateri oo ay yeelanayso Imaaraadka Carabta. 2017-kii ayaa u dambeysay Imaaraadka oo gaadiid dagaal toos u geeya dawlad gobaleedyada. Xigasho
  6. Dhulalkii iyo guryahii intii yareyd soo hartay ee danta guud ahaa ama dowladda dhexe lahayd ayaa eber laga siinaayaa, Xasan Socdaal iyo xirtiisa bililiqo xad dhaaf ah wado. Warshadihii caanaha, baastada; isbitaalkii Laansareeti; sarihii Ruushka ee jidka Tarbuunka ku yaalay; guryihii Shiirkole Ofishaale; Carwadii weyneyd ee Taleex ku taalay... I am surprised Tarbuunka, hoteel Taleex iyo dugsiyadii qaarkood inta soo hartay wali lama gadan. Soon maafiyadaan wey gadi doonaan.
  7. Soomaali waa madax adagtahay and cannot vanquish and defeat one another. Kuwa laga adkaadana, waaba haddii laga adkaan lahaa, will not know their limitations amd keep fighting. Just as it happened in Xabashiland in bishii shanaad, 1991, it just happened again - waa lagu kala baxay. Xabashada kaliya ma'ahee waa meel walba.
  8. Waa markii labaad uu ku jees jeesteynaayo Xasan Socdaal because shilimaad uu jeebka ku buuxsado weydiistay again. Awal waxaa la yiri soor bas ayaa ku siin karnaa. Why would any Soomaali leader ask Museveni any financial aid? Xasan Socdaal is shameless charlatan bilaa xishood ah. Lax walba meeshee isdhigtaa lagu qalaa. Tan la socotana waa gabadhiisa, the de facto foreign minister.
  9. Actually Mareykanka rebuilt it in 1993 during Operation Restore Hope. It partially collapsed several times then, last in 2007. Mar walba si kumeelgaar ah dib loogu dhisaaye.
  10. I agree with you, Dhagaxtuur. I am with Deni regarding lacagta Xasan Socdaal rabo soo deensado, which is more than a billion dollars and is the fruits of the Farmaajo's government's debt relief efforts. Deen cusub Soomaaliya cannot afford rabaa Xasan jeebka ku buuxsado. No.
  11. Reminder for moooryaanka Daahir Calasoow and co. that are now entertaining mythical lineage with likes of Feysal Dhurwaa.
  12. After Deni meeting beesha lixaad maafiya in Nayroobi, they issued copy-and-paste tweets:
  13. Kambaala la joogaa caawa. Eritareeya ka yimid garoonka Xamar diyaaradaha ku kala badashay diyaaradaha and flew straight to Baydhabo. Baydhabo ka yimid galabta diyaaradiina garoonka ku badashay, u dhoofay Kambaala. Ninka diyaarad iyo dhoof jeclaa. He should join one of these membership points airlines offer to frequent flyers.
  14. He never said his tol 'own' Sool. Goormee Laascaanood iyo deegaanada kale gurigiina noqday? Gurigaaga waa Oog iyo wixii ka shisho ka bilowdaa. Caydiid tried this in the 1990s, gurigaaga ku noqo laga joogi waaye, marba gobol iyo deegaan duulaan ku ahaa - Beledweyne, Kismaayo, Baydhabo, Garbahaareey, Baraawe, waqooyiga Gaalkacyo, degmooyinka Xamar qaarkood. In the end, meel walba waa soo racdeeyey la soo karbaashay. Muuse Muqayil taas mid ka daran sugeyso.
  15. Jawaab la siiyey sarqaanka xataa magaca aabihiisa aanan garaneynin. Expect mar dhow taageero weyn shir ah loogu qabanaayo Muqdisho suldaankaan.
  16. Latest rumour is dhul dekedda Muqdisho leedahay, kuna yaalo isla meesha ayaa loo ooday Xasan Socdaal. Awal dhulkii garoonka diyaaradda Aaden Cadde ayuu qaatay sanadkii 2015 oo uu ka dhistay Convention Hall iyo banquet. I saw this hall myself in 2019 because you are forced to use it in order to board another forced bus transportation owned by Xasan Socdaal himself and family. Every passenger has to pay seven dollars (now it is ten) for a few yards xoog baad ah baska laguugu raacsiinaayo for 'security reasons' that was started a decade ago. Tuugaan haddaanan la iska qaban dalka dhan waa wada xaraash.
  17. Secessionists markee dhabta arkeen magaca Soomaaliya ku qaraabanaayo. Waa sheekadii Samaale ku qaraabtaan markee kululaadaan, marka kalena Ibnu Haashin.
  18. This neocon Zionist muxuu lacag ka cunay the marqaandhead secessionists asagoo been u aqrinaayo. Kan iyo kii Reer Kamboodhiya ahaa ee Pham la dhahaaye.
  19. Xaad oo Kheyre ka dhex hadlaayo waa dhaartay: Xaad oo ku hanjabay in lasoo celinayo ‘Badbaado Qaran’, hal arrina uga digay Xasan Sheekh Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha **** Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa ka hadlay muddo kororsiga cusub ee golayaasha dowladda federaalka Soomaaliya ay qorsheynayaan. Nabadoon Xaad ayaa ku goodiyey in ciidan badbaado qaran ah ay mar kale abuuri doonaan, hadii dowladaan ay ku dhaqaaqdo muddo kororsi, sida uu carabka ku adkeeyey Nabadoon Xaad. “Xasan Sheekh muxuu ku yimid? Badbaado Qaran ayuu ka mid ahaa, hadda muddo kororsi hadii ay ku dhaqaaqdo dowladiisu, afarta sano ayuu weynayaa walaahi,” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad. Nabadoonka ayaa carrabka ku adkeeyey in muddo kororsigaan uu qaldan yahay oo ay ka digayaan, “Muddo kororsi rag ayaa horay u damcay, wixii ku dhacana waa la ogaa, dagaal toos ah ayaa ka dhashay,” ayuu yiri. Guddoomiye Xaad ayaa baarlamaanka dalka uga digay inay ku dhaqaaqaan tallaabo aan lagu heshiin, “Baarlamaan, walaa madaxweyne, cid sameyn karta wax aan lagu heshiin ma jirto,” ayuu ku goodiyey Xaad. Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha **** oo wareysigaan siiyey wariye madaxbanaan oo lagu magacaabo Maxamed Cali Faracadde ayaa yiri, “Waa qaldan yahay guddiga loo xilsaaray muddo kororsiga ee baarlamaanku iska soo xulay, dad damac xun ku jiro ayaa ka shaqeeyey arrintaan,” ayuu yiri Nabadoon Xaad. Ugu dambeyntii Nabadoonka ayaa ku goodiyey in ciddii ku dhaqaaqda muddo kororsi ay la kulmi doonto wixii ay la kulmeen kooxdii Farmaajo ee awooda ciidan looga hor istaagay muddo kororsiga. “Wax lala yaabo waaye waxa socda, waxa ku qasbana ayagaa la weydiinayaa, laakiin cid ka yeeleysa ma jirto, maxay ku timid Badbaado Qaran, Xasan Sheekh soo badbaado qaran kuma imaan, walaahi 4-ta sano ayuu ku weynayaa,” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha ****. Xigasho