-
Content Count
17,655 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Mirihii Abaarso school
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
It is not this barfasoor. It is another Jarmal man, from early 2011 and nothing to do with this barfasoor. Secessionists are now desperately trying to tarnish this barfasoor because of his impartial reports of Laascaanood conflict as well as his studies of Waqooyiga. Here is BBC article from 2011 about that other Jarmal: A German man has been jailed for four years for making pornographic films in the breakaway Somaliland republic. A judge said Gunter Bischoss, 72, was guilty of unIslamic behaviour and also fined him $10,000 (£6,300). "The evidence in this case has been exaggerated and I will appeal the verdict to the Supreme Court," AFP news agency quoted Mr Bischoss as saying. A Somali woman who appeared in some of the home videos was also given a one-year jail term and a $900 fine. -
Mirihii Abaarso school
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Waa been waxaas. Haddee sheekadaan bilaabeen, with newly fabricated so-called deportation documents because of his Laascaanood repors. What do you expect from the same folks producing amateur lies regarding Laascaanood attacks? You see beentooda daily. Sanadooyin ayee secessionists quudinaayeen ninkaan, wax walba tusiyeen, so he knows qashinkooda a lot, regardless the lame character assassination attempts. -
Mirihii Abaarso school
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
This Jarmal dude worked in the secessionist land two decades ago. Like many foreigners, secessionists pampered and fed him for EVERYthing under qoraxda in order to get the elusive and never-coming aqoonsi. I have no doubt he is telling the truth. Markaa isbahdishid, no one respects you. It is sad they dragged magaca Soomaali to the ground, not that it needed any help. -
Mahad Qalaaye iyo Alqabyaala ciidamadooda jirdilay, dulmiyey maskiinkaan. Haddana xarig iyo xabsi bilaa sharci ugu daray. Markuu soo baxayna oo maxkamadii sii deysay, inuu dalka ka dhoofo daryeel caafimaad oo jirdirkiisa keenay dibadda u raadsado waa u diidanyihiin. I think this wariye ku qabiil ah Ikraan inuu wax ka haayo kiiskeeda otherwise sidaan looma daba socdeen.
-
Maxaad ka taqaan lixda nin ee u istaagay in ay joojiyaan dagaalka Laascaanood? Waxaa weli socda dadaallada xalka loogu raadinayo dagaalka Laascaanood xilli uusan weli joogsan dagaalka iyadoo labada dhinac uu midba midka kale ku eedeynayo inuu weerar kusoo qaaday. Maanta waxaa Laascaanood gaaray odeyaal dhaqameed ka socday Koonfurta Soomaaliya si ay u dhexdhexaadiyaan labada dhinac ee isku haya colaadda Laascaanood. Odeyaashan oo ka koobnaa lix ayaa gaaray magaalada Laascaanood iyagoo la kulmay isimada dhaqanka ee seedaannada SSC. Odeyaashan ayaa lagu wadaa inay la shiraan isimmada dhaqanka ee Laascaanood. Garaad Jaamac Garaad Cali oo hadda ah hoggaanka dhaqanka ee ugu sarreeya garaaddada golaha dhaqanka Laascaanood ayaa BBC -da u sheegay in odeyaasha ay la kulmi doonaan caawa isla markaana ay ka wadahadli doonaan xaaladda Laascaanood. "Dad dhinac u jaanjeera ma aha, waa rag iskood isu soo xilqaamay waxayna u socdaan inay joojiyaan dhiigga maalin walba daadanaya iyo dhibaatada umadda lagu hayo iyo waxa ay ka qaban karaan loomana arko inay dhinac ka raran yihiin," ayuu yiri. Haddaba maxaan ka naqaannaa odeyashan u baxay in ay joojiyaan colaadda Laascaanood? Ugaas Maxamuud Ugaas Cali Ugaas Maxamuud oo ah ugaaska beesha *** waxa uu ka mid yahay madax dhaqameedka reer Muqdisho waxa uu ka tirsan yahay odayaasha u istaagay dhexdhexaadinta dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Laascaanood. Waxa uu darajada ugaasnimo ka dhaxlay awowgiis Ugaas Cabdulle. Dhaqanka beesha ayaa ah in ugaaska uusan dhaxlin wiilkiisa balse uu dhaxlo wiilka uu awowga u yahay. Maadaama uu aad u yaraa markii uu awowgiis geeriyooday waxaa ugaasnimada si ku meel gaar ah ugu hayay aabihiis oo xilka ku wareejiyay isla markii uu qaan gaar noqday. Ugaas Maxamuud Waxa uu ku barbaaray, waxna ku bartay magaalada Muqdisho. Waa ganacsade aqoonyahan ah oo aqoon dheer u leh arrimaha siyaasadda, dhaqanka iyo bulshada. Aabihiis oo la oran jiray Cali ugaas Cabdulle waxa uu ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir xilligii dowladdii Kacaanka. Waxa uu xubin ka yahay urur goboleedka IGAD waxa uuna ka qeyb galay shirkii ka dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya oo ay ka qeyb galeen odayaasha qeybta ka ah IGAD. Waxa uu qeyb ka lahaa xallinta rabshadihii ka dhashay weerarkii hadda ka hor lagu qaaday guri uu dagganaa siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale waxa uu qeyb weyn ku lahaa dadaalladii xalka loogu raadinayay khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo labada dhinac u kala dab qaadayay markii lagu shiray Hoteel Maa'ida. Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur Waa ugaaska beesha ***. Waxaa la caleema saaray sanadkii 2005-tii, tan iyo xilligaasna waxa uu ku howlanaa arrimaha nabadeynta. Sidoo kalena waxaa uu si ku meel gaar ah beesha Xawaadle ugu soo noqday ugaas bishii February ee sanadkii 2021-ka. Beesha cayr iyo beesha *** ayaa waxaa ka dhaxeeya dhaqan ah in ay ugaasyadoodu ay isku qaban karaan xilka ugaasnimada haddii mid ka mid ah beelahana uu ka dhinto ugaaskooda ama ay arrin kale ku timaaddo tan iyo inta la dooranayo mid cusub . Wuxuuna ugaas Xasan beesha Xawadale ku sime ugaas u noqday markii uu geeriyooday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble Ugaaskii beesha Xawaadle. Deegaankiisa rasmiga ah waa degmada Guriceel, halkaas oo uu aabihiisna horay u dagganaa. Suldaan Warsame Suldaan Ibraahim Suldaan Caliyow Ibrow Suldaan Warsame Suldaan Ibraahim Suldaan Caliyoow Suldaan Ibrow waa ugaaska beesha *** oo ka tirsan *** ***. Sanadkii 1973-kii ayuu ku dhashay magaalada Qoryooley. Heerkiisa waxbarasho waa Master waxa uuna shahaadada heerka labaad ee Jaamacadda ka heystaa maaddada Injineernimada Rayidka. Aqoontiisa Jaamacadeed waxa uu ku dhammeystay waddanka Mareykanka. Intii u dhaxeysay 1993-kii ilaa 2004 ayuu ka maqnaa dalka. Suldaannimadiisa oo dhaxal ah waxaa u dheer in uu yahay guddoomiyaha Golaha Dahqanka ee *** ***. Hadda waa afhayeenka odayaasha dhaqanka ee Soomaaliyeed. Ugaas Cabdirahman Ugaas Cabdulaahi Ugaas Maxumad Ugaas Cabdirahman Ugaas Cabdulaahi Ugaas Maxumad Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi waa ugaaska beesha *** waxa uuna ka mid yahay odayaal dhaqameedka Laascaanood u tagay waanwaanta nabadeed. Waxa uu degmada Buulabarde ee gobolka Hiiraan ku dhashay sanadkii 1963-kii. Waxbarashadiisa waxa uu ku gaaray ilaa heerka dugsiga sare. Xilka ugaasnimada waxa uu ka dhaxlay aabihiis oo geeriyooday. Hase yeeshee ilaa hadda lama caleema saarin. Malaaq Maxamed Yacquub Sheekh Deeroow Malaaq Maxamed Yacquub Sheekh Deeroow waxa uu 1957-kii ku dhashay tuulada Biyooley oo u dhow degmada Teyegleey. Hadda waa 66 jir. Xilka malaaqnimada waxaa loo doortay sanadkii 1998-kii. Waxbarashada dugsiga qur’aanka ayu uku qaatay tuulada u uku dhashay isagoo ka dibna u wareegay magaalada Muqdisho, halkaas oo u uku dhigtay dugsiga sare. Waxa uu ka mid noqday shaqaalaha dowladdii kacaanka. Shirkii Carte ayuu ka qeyb galay waxa uuna sanadkii 2000 ka mid noqday xildhibaannadii Baarlamaankii lagu soo dhisay Jabuuti. Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi Wabar Maxamed Wabar Axmed waxa uu xilka ka dhaxlay aabihiis Wabar Axmed Wabar Cabdi oo ahaa oday dhaqameed si weyn looga yaqaannay gobolka Hiiraan. Weli looma caleema saarin Wabarnimada balse waxa uu xilka hayay tan iyo markii uu aabihiis geeriyooday sanadkii 2017-kii. Waxa uu ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Waxbarashadiisa aasaasiga ah waxa uu ku qaatay Jalalaqsi isagoo heerarka xiga ee waxbarashadiisa kusii qaatay magaalada Muqdisho. Wabar Maxamed waxa uu gaaray ilaa heerka dugsiga dhexe Waxbarashada Dugsiga Hoose Dhexe. Aabihiis waxa uu ahaa Wabar caan ah oo si weyn looga yaqaanay Hiiraan iyo Soomaaliya inteeda kale. Isagu waxa uu hadda ka mid yahay hoggaamiye dhaqameedka sida weyn looga yaqaanno Soomaaliya waxa uuna qeyb ka yahay odayaasha dhaqanka ee magaalada Laascaanood u tagay si ay waanwaan uga sameeyaan. Waxa uu caan ku yahay inuu ku jiro hoggaanka dhaqanka ee da’da yar. BBC Soomaali
-
Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Somali President’s Daughter Given Full Authority Over UAE Portfolio Raises Concerns of Political Nepotism The appointment of Jihan Hassan Sheikh as the Somali focal person for the UAE has raised concerns in Somalia’s political scene. Jihan has been given full authority to communicate on behalf of Somalia in foreign affairs, defense, and all agreements with the UAE, according to sources inside Villa Somalia. Although Jihan does not hold any official political position in the government, she is the daughter of President Hassan Sheikh Mohamud and has been observed accompanying the president on high-profile overseas meetings. Critics have questioned Jihan’s qualifications for this significant responsibility, particularly given her lack of political experience. Some have also suggested that her appointment undermines the role of the Foreign Minister. Additionally, concerns have been raised about potential conflicts of interest, given Jihan’s familial ties to the Somali president. The UAE’s military influence in Somalia has also raised concerns. This week, the UAE shipped military vehicles to Jubaland and negotiated to occupy two islands off Kismayo’s coast. Some suspect that the president’s family may be benefiting financially from the deal with the UAE, further raising questions about potential conflicts of interest. President Mohamud has prioritized mending diplomatic relations with the UAE since his second term began last year. He has visited the country three times and signed a military and security pact with the UAE. As Jihan takes on her new role, many in Somalia will be watching closely to see if it leads to positive changes in the country’s relationship with the UAE, particularly with regards to military influence and potential conflicts of interest. Xigasho
-
Garaad Jaamac Garaad Cali says it all
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
-
Garaad Jaamac Garaad Cali says it all
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
-
Ahlu-Sunna oo ku dhawaaqday go’aan culus oo ka dhan ah Wasiir Mukhtaar Rooboow Hogaanka Ahlu-Sunna ayaa ku dhawaaqay inay jareen xiriirkii wada-shaqeynta ee kala dhaxeeyay Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Soomaaliya, sida uu shaaciyay Sheekh Cabdulqaadir Soomoow. Sheekh Soomow oo ah Afhayeenka Culimada Ahlu Sunna Waljameeca sida uu sheegay, ayaa waxa go’aankan ku sababeeyay in wasaaradda uu hogaamiyo Wasiir Mukhtaar Rooboow ay ka leexatay hanaankii saxda ahaa ee maareynta tartanka ay shirkadaha u galayaan adeegga Xajka ee sanadkaan. “Cabashada aan qabno waxay tahay in wasaaradda Culimadda Ahlu Sunna ka hor istaagtay inay ka qeyb-galaan hannaanka lagu soo xulayo shirkadaha u adeegayo xujeyda sanadkaan oo ay wasaaraddu xisbi gaar ah u xirtay oo aysan jirin wax tartan ah,” ayuu yiri Sheekh Soomoow. Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka Culimada Ahlu Sunna “Waxaa caddeyneyna in aan kala laabanay wada-shaqeyntii nagala dhaxeysay wasaaradda, balse aan taageersanahay dowladda federaalka Soomaaliya.” Ahlu Sunna ayaa sidoo kale waxay sheegeen in wada-shaqeyn dambe dhexmari karin wasaarada awqaafta iyo arrimaha Diinta illaa inta xilka laga qaadayo wasiir Mukhtaar Rooboow iyo agaasimaha wasaaraddaas, oo ay ku eedeeyen inay hormuud u yihiin cadaalad darada ay ka tirsanayaan wasaaradda. Dooda u weyn ee Sheekh Soomoow uu sheegay inay u dalbanayaan in xilka looga qaado wasiir Roobow ayaa ah in tartankii Xajka ee dhawaan qabteen guddigii uu magacaabay wasiirka loo diiday sharkadihii Culimada Ahlu Sunna oo loo xiray xisbi gaar ah, sida uu sheegay. Go’aanka Ahlu-Sunna ayaa imanaya xilli ay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ay soo saartay liiska shirkadaha kasoo gudbay wareega 1-aad ee tartanka adeegga Xajka, kuwaasi ay wareysi toos ah la yeelaneyso, si ugu dambeyn loo helo shirkaddaha u adeegaya Xujeyda Soomaalida ee sanadkaan. Wasiir Mukhtaar Rooboow ayaa la sheegay inuu dhabarka u ritay masuuliyadda maamulka Xajka, isaga oo madaxda sare u ballan-qaaday in uu si hufan oo daah-furan sanadkaan loo maamuli doono, taasi oo garab istaag ugu muujiyeen madaxda sare ee dalka. Xigasho
-
Tuugadii maafiyada Imaaraadka dozens and dozens gaariyaal 'Cabdi Bile' ah ayee ka soo dajiyeen Kismaayo. Same Toyota vehicles they use in Liibiya iyo Yeman. Mercenaries will follow soon. Alloow alle, dalkeeda iyo dadkeena waala xaraashtay. Kismaayo: Imaaraarka Carabta oo gaadiid dagaal ku wareejisay Jubbaland Dawladda Imaaraarka Carabta ayaa maanta gaadiid nooca dagaalka ku wareejisay Dowlad goboleedka Jubbaland. Gaadiidkan ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadan doona dagaalka dib Al-shabaab looga xoraynayo deegaanada kala duwan ee Jubbaland. Gadiidkan la geeyey Jubbaland ayaa ku soo aadeysa xilli dhawaan Jubbaland laga dhisayo saldhig Milateri oo ay yeelanayso Imaaraadka Carabta. 2017-kii ayaa u dambeysay Imaaraadka oo gaadiid dagaal toos u geeya dawlad gobaleedyada. Xigasho
-
Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Dhulalkii iyo guryahii intii yareyd soo hartay ee danta guud ahaa ama dowladda dhexe lahayd ayaa eber laga siinaayaa, Xasan Socdaal iyo xirtiisa bililiqo xad dhaaf ah wado. Warshadihii caanaha, baastada; isbitaalkii Laansareeti; sarihii Ruushka ee jidka Tarbuunka ku yaalay; guryihii Shiirkole Ofishaale; Carwadii weyneyd ee Taleex ku taalay... I am surprised Tarbuunka, hoteel Taleex iyo dugsiyadii qaarkood inta soo hartay wali lama gadan. Soon maafiyadaan wey gadi doonaan. -
Next Phase of Ethiopia's Civil War: Tigray vs Amhara
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Soomaali waa madax adagtahay and cannot vanquish and defeat one another. Kuwa laga adkaadana, waaba haddii laga adkaan lahaa, will not know their limitations amd keep fighting. Just as it happened in Xabashiland in bishii shanaad, 1991, it just happened again - waa lagu kala baxay. Xabashada kaliya ma'ahee waa meel walba. -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Waa markii labaad uu ku jees jeesteynaayo Xasan Socdaal because shilimaad uu jeebka ku buuxsado weydiistay again. Awal waxaa la yiri soor bas ayaa ku siin karnaa. Why would any Soomaali leader ask Museveni any financial aid? Xasan Socdaal is shameless charlatan bilaa xishood ah. Lax walba meeshee isdhigtaa lagu qalaa. Tan la socotana waa gabadhiisa, the de facto foreign minister. -
Baardheere Italian Built bridge collapsed
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to baala xoofto's topic in Politics
Actually Mareykanka rebuilt it in 1993 during Operation Restore Hope. It partially collapsed several times then, last in 2007. Mar walba si kumeelgaar ah dib loogu dhisaaye. -
Deni says no to shirka qaran ee Baydhabo
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
I agree with you, Dhagaxtuur. I am with Deni regarding lacagta Xasan Socdaal rabo soo deensado, which is more than a billion dollars and is the fruits of the Farmaajo's government's debt relief efforts. Deen cusub Soomaaliya cannot afford rabaa Xasan jeebka ku buuxsado. No. -
Deni says no to shirka qaran ee Baydhabo
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
After Deni meeting beesha lixaad maafiya in Nayroobi, they issued copy-and-paste tweets: