-
Content Count
17,713 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
326
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Shameless uneducated baraha bulshada trolls ayuuba jagooyin waa weyn u dhiibay because Farmaajo ayee aflagaadeyn jireen. Awal Deeyoow iyo Daahir Calasoow jagooyin qaabdaran u dhiibay and now this. Xasan Socdaan dowlad B iyo T midna kama yaqaano runtii. Check the 10:41 timestamp. -
Buubaa oo runta u jeegay the secessionists
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Rabi ha u raxmado marxuumka maanta geeriyooday. -
I and Aaden Madoobe belong same beesha Reer Bakool ah. Saas ee tahayna I believe hooyadaan on gurigaas laga heysto. It doesn't matter how he attaimed this property - he allegedly claimed that he bought it from others, when others are saying RRA ayaa siisay since he was the deputy of Shaatigaduud - regardless, guriga u celiyo fiican since she doesn't want to get compensation for it. Reer Baydhabo guri la iska heysto laguma yaqaano. Many of my reer abti guryahooda qof heysto ma leh, reer deegaankana ma'aha.
-
Deni says no to shirka qaran ee Baydhabo
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Xiriirjar VII: -
Hours after meeting this rufyaan...
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Here, meeting the old and new Imaaraad milkiiliyaasha: Their body language is even more shameful. Cabsi cabsi ayaa ka muuqato, as though these Imaaraad milkiile are their lords. Waa kuligooda if you see their photos. -
He is a secessionist. Marka cod la rabo Soomaaliweyn la soo xasuusanaa miyaa. Also he was 'a peace representative' for Soomaaliya (or as he calls it 'Horn of Africa'), appointed by Finnish government. I don't think he ever talked about what happened in Laascaanood in the last three months. Here, he is meeting Muuse Muqayil in 2021. Also his party narrowly lost power to right wing parties. So it is not only Soomaali votes, but overall decline of his left-leaning party's votes.
-
Hours after meeting this rufyaan...
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Rufiyaanka milkiilaha Soomaaliya isla maanta la kulmay mid ka mid adeegahiisa. -
Hours after meeting this rufyaan...
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Sanad ka dib, rufyaankii tagay kii badalay wali nagama daba harin. Alloow alle. Soomaaliya dhan waxee iska noqotay tuulo hoos timaada Imaaraadka. Ciil badanaa. Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo ku heshiiyey sameynta guddi nooc cusub ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay safiirka dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u jooga Soomaaliya Ahmed Jumah Alromaith. Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Danjire Alromaith ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, sidii loo sameyn lahaa guddi Saaxiibtinimo ah oo ka kooban labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Imaaraadka, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiska Sheekh Aadan Madoobe. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa bogaadiyay doorka Isutagga Imaaraadka Carabta ay ka qaateen la dagaallanka kooxda Al-Shabaab iyo hormarinta ku socota ciidamada Soomaaliya oo hadda tababarro ku qaadaya dalal kala duwan. Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Uganda tababar ugu soo xiray ciidan cusub oo ku biiraya militeriga Soomaaliya ayaa aad ugu mahad celiyey Imaaraadka Carabta, isagoo shaaciyey in tasiilaadka ciidanka lagu tababaray Uganda ay Imaaraadku bixiyeen. Maalin ka hor Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sidaan oo kale xafiiskiisa ugu qaabilay safiirka dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Ahmed Jumah Alromaith. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Safiirka ayaa kulankaas uga wadahadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. Dowladda Imaaraadka oo dhawaan dib u soo celisay xiriirkii kala dhaxeeyey dowladda Soomaaliya ayaa hadda wada galaangal xoog leh, iyadoo danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya uu mid mid ula kulmayo masuuliyiinta Soomaalida. Dhawaan waxaa hadal-heyn badan abuuray gaadiid dagaal oo kor u dhaafaya 100 Cabdibile oo dowladda Imaaraadka ay ka dejisay magaalada Kismaayo, kuwaas oo la sheegay inay bilow u yihiin qorshe uu Imaaraadku saldhigga militeriga uga furanayo Soomaaliya, gaar ahaan qeybo ka mid ah Jubbaland. Xigasho -
Will what Fahad Yaasiin called 'kaansarka Soomaaliya lagu abuuray' survive politically beyond this year? He is becoming increasingly isolated, including losing the confidence of his Kiikuuyo masters. Axmed Madoobe oo wajahaya cadaadiskii ugu xooggana ee siyaasadeed Hoggaamiyaha muddada fog madaxda ka ah maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa wajahaya cadaadiskii siyaasaddeed ee ugu xooggana in muddo ah. Axmed ayaa lumiyay saaxiibadiisa siyaasadeed wixii ka dambeeyay doorashadii heer federaal iyo markii uu ku darsaday muddadiisa xil-haynta. Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Iftin Xasan Baasto waxay ahaayeen labada xubnood ee ugu dhaw Axmed Madoobe dhanka xubnaha Aqalka Sare ku metela Jubbaland. Waxay sabab u ahaayeen in muddo ah inuu Axmed Madoobe helo taageero ka baxsan beeshiis hoose, waxayna kale oo si heer federaal ah u difaaci jireen xukunka Axmed Madoobe ee 10-ka sano Kismaayo dhaafin. Hadda Fartaag iyo Iftin waxay banaanka u taagan yihiin in saaxiibkoodii siyaasaddu xukunka wareejiyo. Dhowr jeer oo ay hadleen bilihii ugu dambeeyay waxay ku doodeen in la arkay waxa uu Axmed Madoobe tari karo reer Jubbaland, sidaas darteedna loo baahan yahay weji cusub oo keeni kara hal abuur Jubbaland ku dhaafto Kismaayo. Sidoo kale siyaasiyiinta Axmed Madoobe ku xisaabta ah xagga qabiilka sida Oomaar, Shakuul iyo xubno kale oo ka hadlay marxalada cusub ee Jubbaland ayaa Axmed Madoobe ugu baaqay inuu doorasho qabto, xukunkana si nabad ah ku wareejiyo. Bishii August 2019 ayaa Axmed Madoobe dib loo doortay, doorashadaas waxaa markii hore diiday dowladda federaalka ah, laakiin ugu dambeyn dowladdii Farmaajo aqoonsi laba sano ayay siisay Axmed Madoobe. Markii tirinta laga soo bilaabo bisha August 2019 muddo xileedka Axmed Madoobe waxa uu ku eegyahay bisha August ee sanadkaan 2023. Sida ku qoran Dastuurka Jubbaland muddo xileedku waa afar sano, hoggaamiyaha maamulkana laba jeer ayuu xeerka siinaya inuu maamulka hoggaamiyo. Axmed Madoobe ayaa dhawaan bedddalay qodobka Dastuurka ee muddo xileedka isaga oo ka dhigay shan sano, waa sida ay sameeyen Qoor-Qoor, Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe. Siyaasiyiinta reer Jubbaland ayaa diidan illaa hadda halka sano, waxay u dagaalamayaan in bisha August ee sanadkaan Jubbaland doorasho ka dhacdo. Rejo dowladeed iyo Jubbaland mideysan kama dhex muuqato Axmed Madoobe ayay leeyihiin dadka sida weyn u naqdinaya siyaasadiisa. Axmed Madoobe hadda ma haysto taageero shacab iyo mid siyaasadeed. Muddo fog waxaa loo arkayay siyaasi ku tiirsan dowladda Kenya, balse iyadana su’aal ayaa dul saaran kadib markii la sheegay in Nairobi ay dhankeeda ka fikireyso waji cusub oo ay kala macaamisho arrimaha Jubbaland. Gobolka Gedo weli waa buddo gooni u tuman, gobolkaas baaxada leh ayaa si weyn looga diidan yahay nidaamka Axmed Madoobe. Ciidan Itoobiyaan ah oo qeyb ka ah howl-galka cusub ee lagu qaadayo Al-Shabaab ayaa soo galaya Jubbaland, kuwaasi oo la filayo inay qabteen illaa Bu’aale, haddii taasi dhacdo iyada oo aanay Axmed Madoobe iyo Itoobiyaanka is qaadan waa culeys kale ayay leeyihiin dadka ka faalloonaya arrimaha Jubbaland. Waxaa jira war sheegaya inuu Axmed Madoobe kala hadlay dowladda Imaaraadka Carabta inay isaga iyo Itoobiya isku soo dhaweyso, taasi oo aan la ogeyn inay weli miro-dhashay. Axmed Maxamed Islaam waxa uu raadinayo dariiq walba oo kusii joogi karo xukunka ayay leeyihiin dadka sida dhaw ula socda arrimahaasi. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa weli caddeyn la’ mowqifkeeda arrimaha Jubbaland. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lasoo warinaya inuu qorsheynayo in uu safar ku tego magaalada Garbahaarey, isaga oo raadinaya Jubbaland loo dhan yahay. Laakiin waxaa aad u adag ayaa la leeyahay sida dadka reer Jubbaland loogu qancin karo in Axmed Madoobe uu sii joogo xafiiska, kaas oo ku guul-dareystay inuu dhawr iyo toban sano xukunkiisa dhaafiyo magaalada Kismaayo. Xigasho
