Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,235
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    303

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Labadaan Diiriye ayaa Soomaali hoosta u dhigay, oo qabyaalad ku wareeriye. I didn't listen murankooda [and it ain't no dood, I know for sure], laakiin waan iska kasi karaa see ku murmi lahayeen. Labadaan Diiriye epitomize dhibaatada taagan maanta: Dad isku diiday inay isxukumaan, inay dadka kalena xukumaan u diiday, in midkoona xukumo kan kale diiday, in la kala tagona diiday, in la isla joogo fiinaa wiito, oo xaalka sida maanta yahay iska ahaado rabo. Taas, however, ma soconeyso.
  2. The so-called economist who was deliberately breaking the rules of this site: Do not post-paste dead mutilated bodies on this forum. Never. This is your first and last digniin/warning: Don't ever post again those mangled pictures again. Kun jeer ayaa la idiin sheegay, it is against the rules by directly posting dead bodies, let alone mutilated, disfigured ones. Tired of ciyaal aan damiir iyo akhlaaq midna lahayn wax loo sheego every darn day. Shuuuuud. ------------- Dadkiina kalena meyd aan habayaraatee tabar lahayn dhulka lagu jiidjiidaayo, hadana "Allaahu Akbar" iyo wax kale ku haayo, may Eebbe maankiina iyo wadnihiinaba soo hanuuniyo. Runtii, it is an unfortunate and a bit disgusting dad dibadjooga ah [ani lama yaabaayi kuwaas dalka ku sugan meydadkaas dhulka ku jiidaayo maadaama ayba ku jireen 17 sano dagaal aan dhamaad lahayn, oo xoolanimadii iyo bini'aadenimadii kala saari la'] -- dad dibadjooga ah sidiina camal, supposedly seen and been around this world in aad u alalaastaan meydad dhulka lagu jiidaayo. Soomaalinimo ma'aha, Islaanimana ma'aha, bini'aadenimana ma'aha. Xabash iyo anaga haddaan isku nahnay xataa cadowgii ugu weynaa, ma'aha in meydadkooda dhulka lagu jiido. Xabasho wali waa bini'aaden, ma'aha dad cirfiid kasoo faraxtamay. Meydka xuquuq ayuu leeyahay. Teeda kalena dad Muslimiin ayaa ka jiro laga yaabaa meydadkaas, misguided soldiers laga keenay Itoobiya, oo "waa baqtiye" aad leedihiin dambi weyn ayee idiin tahay. Soomaalidaan ka dhigtayna dhaqankeena camal meydad la jiidjiido, aad ayaan ugu xumahay. Aadna waxaa ugu sii xumahay kuwiina inta ku jiro usii alalaasaayo waxmagaradaas. Waala isdilaa, oo la dagaalamaa, in la jiidjiido qof mar hore ka tagay jirkiis wax waligeed la fiirsan karo ma'aha, let alone loo sacabtumo. Hala isdhaamo, naceybnimo yee bini'aadenimada idinka saarin.
  3. Runtii Soomaalida kistoo boolal yar ayaa ka dibicsan. Iska dhaaf shir iyo dowlad iyo waxaas, war banooniga ayaa ugu yar maku heyshiin karno. Every darn game banooni, at least half of murun ayaa qaato. Meel walba ay ku ciyaaraan waaye, not only dad kaliya meel gaar ah. Meelo badan ayaa ku ciyaaray, all the time murankana waa la socdaa. "Maya, foore waaye." "War wali ma bixin ee naga dhaaf..." "Foore waaye yaaqay, waa baxay." --------- "Maano waaye, gacantaa uu ku dhacay...maano, maano." "Ma'aha, garabkeyga uu ku dhacay..." Dad waa weyn ciradooda shuunka xataa ka gishay xataa saas u murmaaya. Maryooleey bilaash looma dhihin.
  4. Originally posted by Geel_Jire12: Mind you this Mohammed Dheere looks like a basketballer. Had they brought to U.S.A as child, i think he would have done something. But i suppose he is making enough money as a semi professional/geel jire, warlord. He is not only geeljire, baac waaye sidii bajaq camal u cod eg mar uu afkiisa kala furo. Muxuu ka dhahay the Stooge? "Odey ciyaal suuq waaye oo birkimihii iyo joodariyaashii naga xaday, xataa nabadeey nama dhihin oo furihii irida banaanka ugu tagay..."
  5. Waqooyi Galbeed is still part of Soomaaliya. Wax wax ka baxsan ayaa la yiraahdaa 'will never be part of this.' Waqooyi Galbeed is just part of Soomaaliya, same as Sool and Sanaag and Togdheer, the latter three who still use Shilin Soomaali. All residents from these gobolo use the green Soomaali baasaboor when they venture to other countries, including when travelling to Xajka, as any other resident from Soomaaliya does. Reer Awdalna waligood ayeeba daljecel yihiin. Great daljecel waxgarad minds ka yimid deeggaankaas, like the Samatar brothers.
  6. Yeah, kan kaare iyo miigga diyaaradaha Xabash ku yimid, dadkiisana ka cabsanaayo fuleynimadii ugu weyneed is so "powerful." Yeah.
  7. Miss-I-slept-with-Cusama-bin-Laadin and Cusaama-bin-Laadin-loves-me has zero credibility. Null.
  8. Prof. Samatar: ma jiraan wax la yirahdo dowlad oo ka jirta dalka Soomaaliya Aayaha.com, Isniin, 26, Maarso 2007 - Qaar ka tirsan aqoonyahanda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dibadda ayaa sheegay in xiligan aaney jirin wax dowlad ah oo ka jira gudaha dalka Soomaaliya. Pro. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay waxa ka dhacaya gudaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in ay jiraan koox yar oo qowleysato ah oo aan ka nexeynin danta shacabka Soomaaliyeed. Cabdi Ismaaciil samatar ayaa sheegay isagoo wareysi siinayey Idaacadda Simba in beesha caalamku aaney ka damqaneynin dhibaatooyinka ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan ciidamada cadowga Itoobiya,kuwaas oo uu sheegay in ay doonayaan in ay gumeysi galiyaan shacabka Soomaaliyeed,isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha dalka Soomaaliya. Professor-ka ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay dalka u soo horseedeen oo ay soo galiyeen kuwa qaa'inul wadaniin ah oo gatay diinta, dadka iyo dalka, kuwaas oo uu sheegay in ay raali ka yihiin in la kala gooy-gooyo dalka Soomaaliya. Waxa uu ka hadlay Professor-ku waxyaabaha xiligaan ka ka dhacaya dalka Soomaaliya, isagoo taageero weyn u muujiyey shacabka Soomaaliyeed oo ay horkacayaan xoogagga xaq u dirirka dagaalada ay kala hortagaayaan cadowga itoobiya ee doonaya in ay gumeysiga galiyaan shacabka Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahatee hadalka Professor-ka ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan kacdoonka ay shacabka Soomaaliyeed ku doonayaan in ay isaga dulqaadan heeryada gumeysiga. Xigasho
  9. Maryooleey isku booteenaayo at a typical shir of 'reeraha,' I am guessing. Unfortunately, the shir is gone wild, as typical as it always seems every Soomaali shir. Can anybody guess where this happened at? Somewhere Mareykanka waaye, either Miniyaabolis or Kolumbus. Either one, it is ugly. No ixtiraam, no xishmo, no kala dambeyn -- nothing. A jungle. On bartamaha. NB, kan codka duubaayoa meesha iska taagan aanba ka helay, only u cad bahalkiis wax u duubaayo, oo afkii hadlaba u dhaweynaayo. Maryooleey kii Soomaali u bixiye waala helay.
  10. CANADA O MARKII UGU HORAYISAY KU DARTAY SOMALILAND MABKA ADUNKA Kanada shirkad qariiradaha soo daabacdo miyaa? Yaab ahaa. Ninka waxaas qorayna needs a little hingaadis check.
  11. Meeshaan waala xiray. And before this thread is closed, this is a FINAL WARNING given to these following characters: Pi Jaylaani Xalane Hadaadan joojin caydaan ciyaalnimada ah every day u heysiin meeshaan, your account will be suspended. This is the FINAL digniin. Intaadan hadhow cabaatamin, ka jooga now. I am tired of your childish insults maalin walba ku heysiin meeshaan. Tired of it editing. So waa ka joogi weyseen soo ma'aha, you will see then. Boqol iyo konton mar ayaa la idin sheegay, this forum is a moderated one, and will never condone aflagaadaas aan loo meel yeelin, afxumadaas aan meelna loogu ganban. Dad waxgarad ayaa loo dulqaadaa, dad aanan dulqaad habayaraatee wax ka ogeyn waxee ku tagaan ayaa la tusiyaa, haddee taas fahmi waayeena, xoog baa loogu saarayaa meeshaan.
  12. No. That is the re-produced album in 1999. It has all the classic Shooli songs, re-produced in one album with new beats. Heeso kale fiican ayaa ku jiro, sida that well-known one laga heeso aroosyada, Ladnaan ku waara, which I personally like. ----------- Sida laago roob heley Cosobkii ka lagac yiri Lala raacay indhaha Arooskiinu laacee Ladnaan ku waaraay Labadii isku raagtee Liibaantey ahaada Sida leyr cadceedeed Cirkoo sagal ku ladan yahay Lalabeystey subaxbaa Arooskiinu laacee Ladnaan ku waaraay Labadii is jecelee Liibaantey ahaada Sida beer ladaaqoo Wabigii ku liicoo Mirihii lulaysaa Arooskiinu laacee Ladnaan ku waaraay Labadii raaxeystee Liibantey ahaada ------------
  13. Shakti Kabuur, waaleey, waaka dartay. Perhaps Daraamandar or Faaris [Jajandara?] aa laguu soo diraa. Mise Canjeex? Cali Dheere? And speaking of Shakti, does he still make movies acting anti-hero horta? And does he still end up burned? Poor dude. Amjidkhaan aa ka fiicnaa. At least that old futac guy never ended up burned in a film.
  14. LoL at the two complete different articles. Ninkaan Bashiir Good la leeyahay waa naga badbadiseen runtii. He is just like a forumer, wax weyn masoo kordhinaayo labadiis erey uu cyberka ka booteeyo. PS, I believe he reads SOL, if he is not an active member. A considerable Soomaali webmasters do read SOL, some even borrow ideas from here, if not outright steal them, including that editor called Ceynte from Hiiraan Online, who called SOL "a popular blog for young, Diaspora-schooled, urbane Somalis around the world."
  15. Possibly unmanned aerial vehicle spy planes controlled by Mareykanka. Many of them routinely fly over Soomaaliya. And those 'voices' ka yeeraayo haddee jirto might be controllers desperately trying to contact.
  16. Originally posted by BiLaaL: Building Villas' for oneself is somewhat understandable, given the kind of men we are dealing with. What i find difficult to take is why they find the need to appoint their cousins to such important posts. Do these 'cousins' have any qualifications for the assiged posts? Doesn't Geedi fear the embarrassment that will follow from any mishaps arising from his counsin's inability to do the job. Su'aashaas tan amee kaaga jawaabtaa? Sii aqri. Wasiirka ugu shaqada badan Xukuumadda Federaalka iyo Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda oo khilaaf uu soo kala dhexgalay Axad, Maarso 25, 2007 (HOL): Waxaa khilaaf uu soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka iyo wasiirka la isku raacay in uu yahay midka ugu shaqada badan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa. Khilaafkan oo hadda soo shaac baxaya ayaa wuxuu salka ku hayaa sida ay sheegayaan warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo faragelin ku sameeyay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda, iyadoo taasina ay u cuntami weysay Wasiirka. Wasiirka ayay wararku sheegayaan in ay mas’uuliyiintan isku qabteen kadib markii ay Xilalka Safiirnimo u magacaabeen shakhsiyaad ku heyb ah oo qaarkood aanan lahayn aqoontii Safiirnimo, gaar ahaana Safiirro ay u magacaabeen Dalalka Mareykanka iyo Kenya, iyadoo ay ahayd in uu magacaabistaas wax ku lahaado wasiirka ama xitaa la ogeysiiyo . Sidoo kalena, waxay wararku intaas ku darayaan in uu Ismaaciil Buubaa uu aad uga sii carooday nin uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf u magacaabay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kaasi oo uusan ku qancin Wasiirka. Si kastaba arrintu ahaatee, khilaafka soo kala dhexgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliy oo haatan bannaanka u soo baxaya ayaa haddii uu sii socdo waxaa uu keeni karaa in uu Wasiirka xilka ka tago amaba xil ka qaadis lagu sameeyo, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ra’iisal Wasaare Geedi oo Dalka Sacuudiga uga qeybgelaya shir ay halkaas ku leeyihiin wadamada Islaamka uu ka tegay Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Baydhabo ku sugan, tiiyoo ay ahayd in uu Wasiirka ka qeybgalo shirka gogol xaarka ah ee ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Wadamada Islaamka ku yeelanayaan Magaalada Riyaad ee dalka Boqortooyada Sacuudiga. Xigasho And to answer your other questions, they do know dowlad ku sheegaan inay shaqeynin oo meel ay gaarto jirin, so inta yar soo gisho ayee ku tumanayaan, oo jeebkooda ku buuxsanayaan. Ninkaas danjiraha Keenya loo magacabay ee ilmo'adeerka yihiin, shaqadii danjirnimo kaliya ma'aha, oo taas wax ma tarto. He is also a 'treasurer,' oo daqlihayaha Geedi ah, oo wixii Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub laga soo qaado dhan oo ku saabsan dowlad ku sheega xukuumadda Geedi [sida lacagaha wasaaradooyinka] ninkaas ayee kusoo dhacdaa first. And no need to tell you meeshee ku baxdo now.
  17. Originally posted by David_Letterman: ps Did President Sharmarke get a state funeral? Yes, Marxuum C/rashiid, Eebbe ha u naxariistee, did get a state funeral. Waxaa lagu aasay Xabaalaha Qaranka, and I think he was the very first lagu duugo xagaas. Xabaala Qaranka was and is a little gated compound that had six or five prominent graves in Xamar, surrounded by parks. It is across from Tarbuunka, and between Tarbuunka and Isbitaal Digfeer. If you have watched one of those parades at Tarbuunka on 21 October [perhaps on Youtube], and had seeing those billboards celebrating Kacaanka, Xabaalaha Qaranka was behind those billboards at the park. We used play banooni at Tarbuunka as a boys aged between 7-11 until the war, and once in a while we went to Xabaalaha Qaranka, even while we were kids, we gave our utmost respects; it was a quite quiet scenary place, shaded by trees and flowers. It had a little masaajid, whose sole purpose was only used when one respected figure passed away. Marxuum C/rashiid's grave was white-washed, stone-walled, nicely built one. I still remember that. It sat at right of the front door. Five or six other similarly built graves were there as well. I think one of them was Marxuum Jeneraal Daa'uud's, Eebbe ha naxariistee, gravestone. C/rashiid was wadaad, by the way, and his house at xaafadda Taleex, he donated and built half of plots for masaajid. To this day, it is one the of prominent masaajido in Xamar. What was shocking to me, alas, was seeing in 2003 his family house right next to the masaajid la bililiqeystay, la fiiqday including ceiling and jileyga saarnaa. Inkastoo xaafadaas la wada degnaa, including many other houses owned by other prominent figures, oo cariiri ahayd, none lived in C/rashiid's family abandoned home. Perhaps people still had too much respect for him. However, it was a shocking sadness seeing his family house la fujistay, right next to a frequently used masaajid nonetheless.
  18. Well, at least kan Riyaale, ninka aad difoose u tahay, ka dhistay Qaahiro aa ka weyn, oo Geedi wixiisa xishood noqoneysaa.
  19. Here is the re-produced one. It is on track four. Or six. Either one, but I am sure it is on four, since I listened quite sometime ago, not certain. A classic song by a respected, almost legend singer. ---------- Dumar kale ma caashaqin Hadal dambe kumaan oran Dooqaagu wuxuu rabo Kolan daynba kuu galo Wali diiday kuma oran Dadku wuu dagaalaa Dabadeed heshiiyaa Inaad raacdo duul kale Ma wax loo dulqaataa ----------- Ogoow dumarku kaa badan Waan kaa dal doorsaday Dusha hayga xaganine La dabaalo, la dabaalo caashaqa ----------- Dambigaba waxaa dhigay Wadnaheyga doqonka ee Kaa doortay dumarka Aad daryeeli waydoo Wali daacad kuu qaba ---------- Dambi kaama aan gelin Duleed kaagamaan tegin Hablaha da'daadana Daandaansi daayoo Dibnahayga uma furin Dusha ha iga xaganine La dabaalo, la dabaalo caashaqa
  20. It is a corrupted word for Reer Diinle. It is Reer Diinle, not diinla'. They translate the meaning of Rendille as 'People of God,' quite the same meaning of Reer Diinle. They speak the closest language to Afsoomaali, down the the same pronunciation, unlike afka Oromada or others. They also practice the closest ancient traditions, some which we've lost, some which we retained to this day. They were possibly an exiled nomadic Soomaali clan. The reason? I don't know. They call themselves the Rendille (meaning the People of God). [so is Reer Diinle.] Hundreds of years ago, a tired and weary group of travelers reached the edge of a great lake. After a long journey across the desert, fueled by the hope of a bright future in a new land, they found themselves trapped at the water's edge. Knowing no way to cross the vast sea and unable to turn back to the dangerous land behind them, they knew that only a miracle could save them. Fortunately, a parting of the great lake had been foretold. When Moses had gathered the Israelites at the shore of the Red Sea it took but the whisper of God and the lifting of a rod to separate it. This was not the Red Sea, however, and this day a mortal offering was required. What was required from this East African nomadic tribe, as the Rendille tell the story, was the life of a male warrior from its most powerful family, the Galborans. As the prophets had foretold, only his death would cause the waters to split. The chosen warrior named Inam (meaning son of Galboran) [same meaning with 'inan' Soomaali word], having embarked with his kinsmen on what would later be called The Great Trek, was not going to let a mere lake hinder their journey across the northern deserts of Kenya. A new home was needed, and a new home they would get. More -------------- Also known as : Rendillé, Randille, Randile, Randali, Reendille, Rendilli. Various subgroups, including the Ilturia and Ariaal (or Ariall). Ethnic group : Eastern Cushites (Rendille-Boni). The Rendille have been mixing with the Nilotic Samburu for many generations, thus rendering the classification somewhat irrelevant. There are also Gabbra and Somali elements, which come from their shared ancestry, and from continued contacts - not always friendly - with them. The Rendille are divided by scholars into two distinct groups, although there's a good deal of confusion about this: the 'true' or northern Rendille, who herd camels, and the southern Rendille, comprising the Ilturia and Ariaal, who also herd cattle, and are closely related to the Samburu. Neighbouring tribes : Borana, Gabbra, Samburu, Somali, Turkana Language : The original Rendille language is related to the Somali languages in the Eastern Cushite family of the Afro-Asiatic languages, but many Rendille now speak Samburu, to whom they are allied. The Ariaal section speak only Samburu, follow Samburu clan groupings and initiation rites. 5-15% of the population are literate, though efforts are being made to increase this. Xigasho The interaction and admixture with the Nilotic Samburu people for centuries acquiring their culture [like wearing the 'red' colour dress] and rendered their physical appearances, though some still look like Soomaali.
  21. ...His Excellency Meles Mr-I-Own-your-assses Zenawi must have done something to him personally that damaged his backbone and joints permanently....He walks like A gabar aroos kasoo baxday iminka... Ceeb, ceeb, ceeb. Tartiib igaarka. Qajacnimo iyo waxaas wax ku haboon ma'aha. Odeygaas qafiifay wax kale ku sheeg, sida stooge iyo puppet, laakiin qajacnimo haddee gaartay ceebteena Eebbe ha asturo.
  22. Originally posted by Muj. Red Sea: MMA, I really dont' know whether this is true or not. yes as you said the kid looks alot younger than the said age, but hey, it could be true. we just have to wait and see what happens. Baddacase, taariiqda Calasoow on the net haddaa ogtahay, you would rather believe what Bush publically says about Ciraaq occupation than what he writes on his amateurishly designed site of Waagacusub. The guy is simply notorious been abuure. One such blatant been abuurid was intuu deeggaan Togdheer kamid ah tagay uu yiri Laascaanood ayaan gaaray, oo sawiro Laascaanood town another website kasoo xaday soo giliye shabakadiisa, claiming waa sawiro aan kasoo qaaday Laascaanood. Hadda wuxuuba Xamar ka furtay idaacad la yiraahdo Simba, oo beentiis meeshaas kasii wadaa.
  23. Horta su'aal ma xumee aan wax isweydiino. [And let's take the Xabashi occupation out for a minute, since we all know that, and aan iska meel dhigno dowlad ku sheega for another minute.] Where were those collective clan 'elders' the last 16 years, oo maxaa ka reebay in isku imaadaan those years ay dhistaan maamul Banaadir xukumo? Ma Soomaali kalaa dhibka la waday? Maxee qabqabliyaasha shib ugu ahaan jireen 16 lasoo dhaafay haddee awoodaan ay lasoo baxeen leeyihiin ama lahaan jireen? Or mise qabqabliyaasha ayee ka cabsan jireen? Uma maleeyi awoodee maanta lasoo baxeen haddee lahaan jireen inay taas jirto. Intee jireen markii so-called 'looma ooyaanka' had iyo jeer la iska baacsan jiray in Xamar? Maxee ugu qaban waayeen calooshood u shaqeystiyaashaas moooryaanta saas u gali jirtay masaakiintaas. Either wixii waayadaas dhici jiray waa ku raacsanaan jireen, a cruel satisfaction or a blind eye siin jireen, or either qabyaaladdii ayaa ka badatay maanta, oo xanuunkii 'looma ooyaanka' waxee ugu wici jireen ayaa qabatay. If it is the latter, well, at least Xabashi occupation equalized dadka Xamar wada dego, all of them -- finally. Waligeey ma maqlin bishaan kahor those collective 'elders' from every sub-clan in the large clan oo meel isku yimid oo danta guud ka hadlaayo. I never heard or read it ka ahayn bishaan. Now suddenly, 'elders, elders' ayaa naga badbadatay. I hope those same 'elders' have a plan oo haddee Xabasho bari baxdo in lagu noqon doonin sidee Xamar ahayd the last 16 years. I only hope there is a Plan B la isku raacay, oo inay bari isqabqabsasho jiri doonin.
  24. Lacagta kista yar caalamka laga soo tuugsado, in the name of downtrodden and prolongingly victimized, tyrannized Soomaali people daaro ayaa lagu dhisanoyaa. One such daarad is Geedi's. The Junior Stooge recently bought an expensive villa in Neyroobi. You and I, however, know lacagta lagu gatay meeshee ka timid, oo meesha loo wadayna la marsiin -- from international community to destitute, disease-ridden and war-weary Soomaali people, instead pocketed by opportunists ku qaraabanaayo magaca Soomaali. Geedi infront of his new daarad. Nice picnic park inside the villa, meeting with his extended cousins. A cousin of his, appointed as danjiraha Keenya Soomaaliya u fadhiyo, at Geedi's home. Another cousin, Jeelle. Another no-need-to-be-named cousin of his at his villa. Oh, the post was not about the extended cousins, though; it is about stench of masuqmaasuqnimada heerkee gaartay.
  25. Daa'uud, Mudane Aaden Cadde uma sahlano hadalka iyo maqalka maadaama caafimaadkiis sahlaneyn waqtigaan, da' ahaan iyo caafimaadka oo liito. Dubeey [Dubai] uu joogay markii igu dambeyso oo ciyaalkiis ku qasbeen inay ku daaweyaan, inkastoo beertiis ku noqdaa filaa hadda. Wareysigaan laga qaaday 2000 Mudane Aaden Caddee laakiin, Eebbe ha u cimri iyo caafimaad dheereeyee. --------------- WAREYSIGA MADAXWEYNIHII UGU HORREEYAY EE SOOMAALIYA Bishii Febraayo 21-keedii, sanadkii 2000, waxaa ii suurto gashay inaan booqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya, Mudane Aadan Cabduule Cusmaan (Aadan Cadde) oo magaalada Muqdisho u soo gaaray arrimo caafimaadkiisa la xiriira. Wuxuu Md. Aadan Cadde ku sii jeedaa dalka Sucuudiga si looga soo daweeyo xanuunka Dhiig-karka iyo xanuunno kale. Aadan Cadde oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee talada si dimoqraaddi ah ku yimaada, kagan taga, waxaa fadhigiisu yahay beertiisa oo ku taalla meel u dhow tuulada Mushaani oo ka tirsan degmada Jannaale ee gobolka Sh/hoose. Waxaa laga dareemi karaa sheekadiisa in xusuusta uu u leeyahay wixii ka horreeyay 1960-kii ay aad u xooggan tahay, halka wixii sanadkaas ka dambeeyay ay yara liidato. Hase ahaatee Aadan Cadde waxaa ka muuqatay in awooddisa ay hoos u sii yara dhacday sababo caafimaadka la xiriira awgood, marka loo fiiriyo mar aan dabayaaqadii sanadkii 1998-dii ku booqday beertiisa. Wareysigaas oo dheeraa, dhinacyo badanna taabanayay, waxaan u soo koobnay sidatan: Kasmo : Taariikhdaadaada oo kooban bal nooga warran. Mudane Aadan Cadde : Anigu waxaan ku dhashay tuulada Jawiil oo ku dhow degmada B/weyne ee gobolka Hiiraan sanadkii 1909-kii. Koritaankeygii dhibaato ayaan kala kulmay waayo aniga oo yar ayay aabahay iyo hooyaday kala tageen. Muddo kadib waxaan u soo wareegay magaalada Baydhabo oo uu aabahay macallin dugsi Quraan ka noqday. Waxaan muddo ka shaqeeyay xeryihii ciidamada Talyaaniga ay ku lahaayeen gobolka Baay iyo Sh/hoose. Billowgii 1944-tii ayaan ku biiray uruukii dhallinyarada ee SYL, waxaana ahaa lambarka 129-aad. Waxaana Leegada horteeda kaga dhaartay inaan qabiil ku shaqeynin . Muddo kadib magaalada B/weyne ayaan u wareegay, hase ahaatee sanadkii 1953-dii ayaan B/weyne ka soo guuray, waxaana 1956-dii noqday madaxii Baarlamaanka daakhiliyada, anigoo sidoo kale sanadkii 1960-kii noqday madaxweynihi ugu horreeyay gobonnimada kadib, waxaana xilkaasi hayay illaa 1967-dii. Kasmo : Intii aad siyaasadda Soomaaliya ku jirtay, maxaa kuugu yaab badnaa ee ku soo maray?. Md. Aadan Cadde : Sideedaba nolosha siyaasadda waa yaab miiran. Inkastoo aan qaar badan halmaamay, haddana qaarka aan xusuusto waxaa ka mid ah: Waxay ahad billowgii 1960-meeyadii markii aniga iyo wafdi aan hoggaaminayay innagoo si transit ah u sii mareyna garoonka Qaahira ayaa markii la ogaaday inaan soo degnay ayaa garoonkii korontada laga jaray. Sidoo waxaa inuu na soo dhoweeyo naloogu soo diray mid ka mid ah mas’uuliyiinta hoose ee wasaaradda arrimaha dibedda. Annagu markaas waxaan ku sii soconnay dalka Czechoslovakia oo markas la rabay in lagu soo dhiso ururka dalalka aysan siyaasaddoodu dhanna raacsaneyn. Sababta mas’uuliyiinta Masar ay sidaas noogu galeen waxay ahayd iyadoo waqti markaas ka horreeyay oo aan la kulmay Boqor Feysal ayaa waxaan iri: “Jamaal C/naasir wuxuu rabaa inuu Carabta xoog ku xukumo” . Annagu haddaan Soomaali nahay diblomaasiyadda iyo dowladnimaduba way nagu cusbaayeen. Warkii ayaa loo geeyay Jamaal C/naasir oo uu ka xanaaqay, aniguna ma islahayn meeshaas oo kale ayay jawaabis u joogtaa Jamaal C/naasir. Waxyaabaha kale ee iga yaabiyay waxay ahayd markii koox ka tirsan siyaasiyiintii Waqooyiga Soomaaliya ka soo jeedday ay iila yimaadeen doorashadii sanadkii 1967-dii inaan siiyo jagada ra’iisul-wasaaraha, iyagana ay cidkeyga I siinayaan si aan mar kale madaxweynenimada isugu soo taago. Waxaan ku iri: “ Anigu beelna gorgrotan kulama gelayo inay I doortan ama I ridaan, qarannimo iyo qabiilna hala kala fogeeyo ”. Raggii markii wax qanciya ay iga waayeen ayay u tageen Allaha u naxariistee C/rashiid Cali Sharmaarke oo ay la heshiiyeen. Waxaa kale oo iga yaabiyay dad badan oo aan ku dhaarannay inaan dalka iyo dadka u shaqeyno ayaa ka baxay ballantii oo billaabay inay beelahooda xitaa u sii kala xagliyaan. War aaway ballantii ayaan ku dhihi jiray. Laakiin waxaa jiray dad ay dhab ka ahayd in dalka loo shaqeeyo. Kasmo : Maxaa keenay inaad doorbiddo inaad ku noolaato beertaada oo aad ku diidday inaad ku noolaato magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya. Md. Aadan Cadde : Waxay ahayd sanadkii 1974-tii lacag dhan 1900,000 (Milyan iyo sagaal boqol oo kun) oo shilin Soomaali, waxaan ka iibsaday nin Talyaani ah. Muddadaas wixii ka dambeeyay ayaan goostay inaan beerteyda ku noolado. Kasmo : Aragtidaada maxaa sabab u ah guud ahaan dagaalladii dalka ka dhacay, iyo gaar ahaan kuwa weli sii soconaya?. Md. Aadan Cadde : Ugu horreyn waxaan jecelahay inaan dadka u sheego dagaallada Soomaaliya ka dhacay ma ahayn kuwo qabiil sida marar badan la sheego. Annagu waan naqaannaa dagaal qabiil, haddii ay dagaallo qabiil yihiin sidan oo kale ma noqdeen. Sababta dagaalladani laga soo billaabo kii Maxamed Siyaad lagu riday illaa maanta waxaa weeye iyadoo ragga horboodaya uu nin walba rabay inuu gacanta ku dhigo talada dalka oo u soo rogo xukunkii Maxamed Siyaad oo kale. Kulligood waxaa ku duuban cajaladdii Maxamed Siyaad . Anigu hadda iyo ka horba meeshii aan doono ayaan Soomaaliya ka tegi karaa, cid eed ii qabta ama qabiilkeyga ii raadsaneysa ma jirto . Intii ay dagaalladu meeshii ugu darneyd marayeen ma jirto cid igu soo weerartay beerteyda. Marka waxaan dhihi karaa dagaalka Soomaaliya ma aha mid qabiil. Kasmo : Wax kaalin ah ma ka geysatay Hindisaha nabadda ee ay soo jeedisay Jamhuuriyadda Jabuuti?. Md. Aadan Cadde : Waan filayaa inaan kulanno madaxweynaha Jabuuti oo aan markaas ka wada hadalno dadaalka uu wado, markaas ayaan filayaa inaan siiyo talooyinkeyga ku saabsan sidii Soomaaliya nabad iyo dowladnimo loogu soo dabbaali lahaa, inkastoo aan xanuunsanahay oo aanan shirar ka qeyb geli karin. Kasmo : Sanadkii 1960-kii markii adiga iyo raggi kale aad la wareegteen dowladdii iyo maanta oo uu dalku burburay dowladdii la dhiso bal haddaad isbarbar dhigto maxaad is leedahay way isaga mid yihiin?. Md. Aadan Cadde : Horta wax la isbarbar dhigi karo ma'aha, waxay kala yihiin labo adduun, waayo annaga markaan xilka qabaneynay 1960-kii dadku way isku duubnaayeen, wax kasta way nidaamsanaayeen, laakiin maanta hal dokominti oo keydsan ma jiro. Dalka Soomaaliya wuxuu dib u noqday boqollaal sano. Anigu waxaan la yaabaa oo aan mararka qaar ku qoslaa ragga ku dagaallama inay xukumaan dal ay dadkiisii ka dhigeen waxay dileen, waxay dhaawaceen, waxay barakiciyeen, xitaa xoolihii iyo dhirtii waa la xaalufiyay, ma garanayo inay ciidda oo maran xukumi doonaan . [ , may Eebbe bless Aabaha Dalka, Aaden Caddoow.] Kasmo : Waxaad tahay oday Soomaaliyeed oo magac iyo maamuus ku leh bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkaba, maxaad u soo jeedin lahayd shacabka Soomaaliyeed?. Md. Aadan Cadde : Soomaali meel kastoo ay joogaan musiibo iyo magacxumo ayaa ku habsatay, anigu mararka qaar waxaan is iraahdaa ma inkirtaa inaad Soomaali tahay [Noooooo. Aabaha Dalka inay saas kusoo dhacdo dadkii ka keenay maxaa ku dhahnaa?] Soomaali asaaggeed nacasnimo ayaa ka reebtay, qolo-qoleyn iyo qabyaalad ayay mar kasta ku masquulsan yihiin . Waxaan dhihi lahaa taageera dadaallada nabadda ee la wado gudo iyo dibadba. Xigasho