Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,654
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. [sNIP] Xushmadda uu Mudane Aadan Cadde ka mudanyahay shacbiga Soomaaliyeed daraaddeed ayay ila qumanaatay inaan waxyar ka iftiimiyo shaqsiyaddiisii oo laga yaabo in aysan in badani ku baraarugsaneyn. Inta aanan gudagalin ubucda qoraalka, waxaan ka sii afeefanayaa in aanan anigu aheyn taariikhyahan dabagalay taariikhda Madaxweynaha, taasoo ay mudnaanteeda leeyihiin aqoonyahannada arrimahaas baaritaannada ku sameeyay. Waxaanse jecleystay inaan si kooban u soo bandhigo qaar ka mid ah dhacdooyinkiisa ka marqaati kacaya tayada mas'uuliyeed ee mudane Aadan Cadde oo la dhihi karo waa mid naadir ku ah mujtamaca Soomaaliyeed. Hubaal, dhacdooyinkaani ma aha kuwii ugu wanaagsanaa amaba xulkii mas’uuliyad wanaaggii Madaxweynaha, laakiin waxaan shaki ku jirin iney yihiin kuwo xiiso badan oo tixgelintooda leh. Mudane Aadan Cabdulle wuxuu ku dhashay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan sanadkii 1908dii. Wuxuu ka mid ahaa halyeeyadii Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL iyo aabbeyaashii salka u dhigay qaranka Soomaaliyeed. Mudane Aadan , waxaa loo doortay Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya markii ay midoobeen labadii qaybood ee waqooyiga iyo koofurta, laguna dhawaaqay Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee xorowday 1dii luulyo 1960. Sanadkii 1967, ayuu mudane Aadan Cadde xilkii ku wareejiyay Madaxweyne C/Rashiid Cali Sharma'arke(AHN), ka dib markii doorasho looga guuleystay. Wuxuu Mudane Aadan Cadde sidaas ku noqday Madaxweynihii ugu horreeyay qaaradda Afrika ee si xor ah loo doorto, si xor ahna xukunka uga dega. Arrinkaasi wuxuu sharaf iyo qaddarinba u soo jiidday guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna Mas’uulka indheergaradka ah. Madaxweyne Aadan cadde waxaa kale oo uu ka mid ahaa aasaasayaashii Ururka Midowga Afrika. Waxaa aad loo xusuustaa khudbaddii taariikhiga aheyd ee uu ka jeediyay shirkaas, kuna sheegay : in aysan Soomaaliya marnaba aqbaleynin in dhulka Soomaaligalbeed loo aqoonsado Itoobiya, isagoo si aad ahna uga soo horjeestay in xuduudaha Afrika loo daayo sidii uu gumeysigii u calaamadiyay, taasoo uu arkayay arrin lagu duudsiinayo umadda Soomaaliyeed ee dulman. Dhacdooyinka wanaagga ah ee laga soo tabiyay Madaxweyne Aadan waa kuwo aad u fara badan, waxaanse jecleystay inaan akhristeyaasha u soo gudbiyo labo ka mid ah dhacdooyinkiisii naftiis-hurennimo, oo dhab ahaan laga dheehan karo, kartidii iyo niyadsamaantii uu Madaxweyne Aadan u hayay, uguna adeegayay dalkiisa iyo dadkiisa. Dhacdada koowaad, waxay muujineysa doorkii uu Mudane Aadan Cadde ku lahaa aasaaskii xoogga dalka Soomaaliyeed iyo waliba dhiirrigelintii iyo taageeradii uu mar walba la barbar taagnaa. Dhacdadaan xiisaha leh, waxaan in yar ka soo xiganeynaa qoraal dheer ku saabsanaa asaaskii Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo uu diyaariyay Mudane Axmed Sh. Xasan ( Hareed ) oo ka mid ahaa xubnihii lagu aasaasay ciidankaas. Waxaana qoraalkii Mudane Hareed uu uga hadlayay asaaskii Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ka mid ahaa: " ...... Waxaa taas ka sii xasuus iyo muhimad weyn, 24/05/63, waqtigii ciidanku qaaday Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya mudane Aadan Cabdulle Cismaan iyo wafdi ballaran oo uu hoggaaminayay oo ka qayb galayey furitaanki shirkii lagu aasaasay Ururkii Midowga Afrika 25/05/63dii oo uu mudane Aadan Cadde noqday Madaxweynaha qura ee Afrikada madow oo watay diyaarad khaas ah oo wadatay astaantii dalkiisa oo misna ay duulinayeen ciidankiisu. Taasna waxay dalka iyo Madaxweynahaba u soo hoysay sharaf iyo qaddarin dheeraad ah kolkii ay arkeen wufuuddii soo dhaweyneysay ,dadweynihii iyo suxufiyiinti dunida inay diyaaradda wadeen duuliyeyaal dhuudhuuban oo Soomaali ah. Madaxweynuhu markuu dalka dib ugu soo laabtay wuxuu saraakiishii diyaaradda ku qaadday mid mid ugu soo diray ammaan qoraal ah halka uu ciidanka u soo diray ammaan guud (solenne encamio)..... " Dhab ahaantii, ma fududa in waddan uu calanka xornimadu ka dulbabannayay muddo ka yar saddex sano uu ku tillaabsado guulo tan oo kale ah. Arrimaha sidaan oo kale taariikhiga ahi waxay u baahanyihiin geesinnimo iyo iskukalsooni lagu jiiro oo looga dultillaabsado caqabadaha ku horgudban guulaha lama illoobaanka ah ee la tiigsanayo. Mudane Hareed oo ka warramaya go'aankii naftiishurennimada ahaa ee uu Madaxweyne Aadan Cadde qaatay ka dib markii xoogaa shaki ah la geliyay khibraddii duuliyeyaashii dhallinyarada ahaa ee Soomaaliyeed, sidoo kalena la sheegay in diyaaradda loo diyaariyay wafdiga ruuxeedu ay tahay mid gabowday oo aan lasyku halleyn karin, wuxuu qoray: ".... Waagaas xog lagu kalsoonaan karay ayaan ka ogaannay in rag ka tirsanaa wafdiga Madaxweynahu ay u soo jeediyeen inay nabad gelyadiisu ku jirto inuu Talyaaniga waydiisto diyaarad, intii uu raaci lahaa diyaaradda gaboowday oo ay duulinayaan rag khibraddoodu ku siman tahay saddex sano. Soo jeedintaas madaxweynuhu wuxuu uga jawaabay, “ Oo yaa annaga ka wanaagsan oo ay ku barbaran lahaayeen . ”." Cajiib!! Madaxweynihii Qaranka ayaa naftiisii u hibeeyey in ay wax ku bartaan dhallinyaro uu u diyaarinayo in mustaqbalka ay difaacaan dalka, dadka iyo diinta. Wuxuu diiddanyahay inuu niyadjebiyo dhallinyaradii u dhaaratay badbaadinta qarankooda, kana doorbido duuliye shisheeye. Diyaarad gabowday oo shaki la geliyay iney masaafo dheer duuli karo ayuu ka doorbidayaa inuu dalbado diyaarad shisheeye oo loogu deeqo amaba uu doollar badan oo ay danyartu u baahneyd ku bixiyo. Maalinba waa maalinteedee, meesha uu maanta xaal marayana Soomaaliyey ishaa macallin ah!! Malaayiin ayaa la sheegayaa iney ku baxday, safarro loo galay magaalooyin Soomaaliyeed oo isku Muuqda. Raqba waa ku raggeed !! Waxaa haddaba in la is weydiiyo mudan, saameyn intee la eg ayuu go'aankaas geesinnimada leh ee Madaxweynuhu ku yeeshay dhallinyaradii uu maalintaas naftiisa ku aaminay iyo guud ahaan Ciidanka Cirka Soomaaliyeed? Waa kan mar kale, Mudane Axmed Sh. Xasan ( Hareed) oo arrinkaas wax ka qoray: "Geesinimadii Madaxweynuhu aad bay noo dhiiri gelisay, waxayna nagu abuurtay farxad, isku kalsoonaan iyo isxilqaamid dheeraad ah, maantana Rabbi wuxuu idmay inuu asagii weli noolyahay, halka saraakiishii maalintaas diyaaradda ku wadday iyo kuwii ra’yiga u soo jeediyayba aan waqtigaan midna ka nooleyn. Diyaaraddiina waxaa hawlgab laga dhigay Juun 1972dii iyadoo weli hawl gal ah, laguna beddelay diyaaradihii AN 24 ee ku caanka baxay “Shabeelleeyda." Rabbi (swt), ayaa qofkuu doono dila, kuu doonana daaya. Dabaabbaad lagu dhuunto iyo ciidan laysku deyro midna geerida loogama gabbado, waxayna dadnimadu ku jirtaa in qofka mas’uuliyaddu ay saarantahay intii uu geeri ka baqi lahaa, uu ka baqo guullihii uumay. Aakhiro waa lama huraan. Dhacdada labaad, ee aan rabo inaan qoraalkaan ku xuso waa mid dhacday biloowgii sanadkii 1991dii, oo ka mid ahaa xilliyadii ay dagaallada sokeeye ee Soomaalidu ugu ba'naayeen. Waxay aheyd xilli boob iyo bililiqo baahday ay jirtay, haba ugu sii darnaato hantidii guud een qarankuye. Waxaa waliba la yaab iyo amakaag sii lahaa in kuwa ugu darnaa ee boobka geysanayay ay ugu horreeyeen dad mas’uuliyiin ku magacownaa iyo ciidamadoodu. Kuwaas oo ku qamaamayay meelihii ay hantida qaranku ku keydsaneyd sida bangiyada. Runtii wuxuu ahaa waqti culus oo ay adkeyd inuu qofna ku fekero badbaadin hanti qaran, xaalna wuxuu taagnaa, i bixiyow i bixi !! . Bal aan qiyaasno, qofka maalintaas inta bangi hor istaaga yiraahda " Waa hanti qaran ee ha la badbaadiyo ". Haddiise uu qofi sidaas ku dhiirrado oo uu naftiisaba quuro, ma dhici kartaa in dadka qamaamaya ee boobka u soo xaydxaydtay ay u dhago nuglaadaan oo ay dhawaaqiisa maqlaan? Haddey jawaabtaadu tahay maya , fadlan ha degdegin !! Febraayo 16, sanadkii 1991dii, labaatan maalmood ka dib burburkii maamulkii kacaanka, waxaa Muqdisho kulan isugu yimid mas'uuliyiin ka socda maamulkii kumeelgaarka ahaa ee xilligaas la dhisay oo uu horkacayay Ra'iisulwasaarihii maamulkaas Mudane Cumar Carte Qaalib iyo guddi ay iska soo xuleen ardaydii Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed iyo Machadyada la siman. Ujeeddada kulanku waxay aheyd in laga doodo qorshaha ammaanka caasimadda oo ay nabadgalyadeedu faraha ka sii baxaysay. Waxay ardaydu soo jeediyeen in gebi ahaanba ciidamada beelaha laga saaro caasimadda oo ay dhac,dilal iyo kufsi fara badanba ka geysteen, laguna aruuriyo xerooyin magaalada bannaankeeda ku yaallay. Taas baddalkeedana caasimadda ay si iskaa-wax-u-qabso ah uga howlgalaan kumannaan ardaydii gurmadka qaranka soo martay ah, oo xilligaas tiro badan oo ka mid ahi ay muddo todobaad gudihiis ah isku soo diiwaangeliyeen. Dood dheer ka dib, Mudane Cumar Carte ayaa gabagabdii shirka ka sheegay In uu si aad ah ugu qanacsanyahay abaabulka ay sameeyeen ardaydu, uusanna fileynin iney jiraan dhallinyaro xilligaas ciriiriga ahaa ka fekereysa badbaadin qaran. Isagoo muujinaya taageeradii uu arrinkaas u hayay ayuuna sii raaciyay: " Haddaan runta idiin sheego maanta hanti qaran Soomaaliyeed waxaa ka badbaadday oo dhaqaale laga hayaa, 90 Milyan oo Shilin Soomaali ah, oo uu madaxweyne Aadan Cadde ku badbaadiyay bangiga Qoryooley . Dhaqaalahaas isaga ah ayaanan ku taageeri doonnaa qorshaha nabadgelyada caasimadda ee aad soo jeediseen. Waayo Muqdisho oo hagaagtaa waa waddanka oo hagaagay". Nasiibdarro, Qorshahaas nabadgelyo oo ahaa mid wax badan lagu badbaadin karay, waxaa si aan gabbasho laheyn u hor istaagay xooggagii loollamayay ee ururkii USC oo u arkay mashruuc aan waafaqsaneyn danahoodii gaarka ahaa ee dahsoonaa. Hantidii qaran ee uu Madaxweyne Aadan Cadde badbaadiyayna Alle iyo intii ay gacanta u gashay ayaa meeshii u dambeysay og. Sida kor ku xusan, waxaa noo cad in mar kale mudane Aadan isagoo ay da' diisu kor u dhaaftay 80 sano uu u tukubay bangigii Qoryooley una u bareeray halista noo wada muuqata si uu u badbaadiyo hanti qaran. Isxilqaankaas Alle weyne wuu ku garabgalay, wuuna ku xiltiray! Geesi Alle ma xilo !! Isaga iyo intii arrintaan taariikhiga ah kala shaqeysayba Rabbi ha ka abaalmariyo wanaaggii ay dadkooda u faleen. Madaxweyne Aadan, xilliyadii dagaallada sokeeye marna kama qaxin dalkiisa, wuxuuna si kalsooni leh ugu noolaa beertiisa ku taalla Jannaale, gobolka SH/Hoose. Aaminnimadii iyo adeegiisii hufnaa ee umaddiisa ku maamulayna wuxuu ku muteytay qaddarin heer qaran ah iyo waliba mid heer caalami ah. Dagaalladii sokeeye, qabiilooyinkii dagaallamayay ee beertiisa marba dhan iskula dhaafay dhibkoodii Rabbi waa dhinac mariyay. Magaciisa la xushmeeyo iyo maamuuska uu ku dhexleeyahay mujtamaca Soomaaliyeed ayaana u noqday madfac cabbeysan oo ay cid walbaaba ka gabbato. Taariikhda Madaxweyne Aadan ma aha mid hal qoraal wax looga iftiimin karo, waana mid mudan in la qoro oo la keydiyo si ay duruus ugu noqoto jiilka soo koraya ee mustaqbalka. Taariikhda halyeeyadii Soomaaliyeed iyo waxqabadkoodii oo la qoraa waxay qayb ka noqon kartaa soo nooleynta niyadda sii dhimaneysa ee dadka Soomaaliyeed. Jiilasha mustaqbalkuna waxay yeelan doonaan kalsooni iyo ku dayasho wanaagsan oo ay asaaggood wax kula qaybsadaan. Gabagabadii, mid ka mid ah maahmaahyada Soomaaliyeed ee xikmadda badan ayaa leh "Nin xilqaaday eed qaad". Macnuhu waa ninkii xil qaadaa waa eedeysane. Eeddaasi ha ahaato mid jirta ama yeysanba jirine. Marka taas la qiimeeyo waxaa hubaal ah in ay jiraan gefaf iyo eedo laga tirsanayo intii maamulka uu hayay Madaxweyne Aadan Cadde. Waxayse ila tahay in caddaaladdu ay tahay in qof walba la miisaamo oo la is barbardhigo wixii uu sameeyay iyo wixii uu halleeyay, natiijada halkaas ka soo baxdana wax lagu xukmiyo oo wax lagu qiimeeyo. Ugu dambeyntii, Madaxweyne Aadan, wuxuu isagoo waayeel ah da’siisuna ay 100 sano sii cagacageyneyso ( Alle ha u barakeeyee) ku xanuunsanayaa dal shisheeye. Waxaa haddaba ila habboon inaan u duceyno , una rajeyno caafimaad degdeg ah. Intii uu maamulka waddanka hayay iyo wixii ka dambeeyayba, waxaa la sheegaa inuu Mudane Aadan goor walba u duceyn jiray dadkiisa. “ Ilaahayow Soomaalida dad ka dhig !! “ ayaana ka mid ahayd ducooyinkii ay ka soo wariyeen taariikhyahannadu. Waxaan Madaxweynaha Alle weyne uga rajeynayaa caafimaad degdeg ah. Sidoo kalena, waxaan Rabbi ka baryayaa inuu degdeg umadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan umadda Islaamka ah ee dulmanba uga dulqaado culeyka uu cadowgoodu ku hayo, kuna hanuuniyo jidkii ay aakhiro iyo adduunba ku badbaadi lahaayeen. Xigasho
  2. His ceremony of the first day of Luulyo in 1960 of the indepedence day.
  3. This thread is re-dedicated once again the father of the nation. Eebba mar kale ha u naxariisto Aabaheen, Marxuum Mudane Aaden Cabdille Cismaan. Geeridiis qof walba oo damiir iyo dhiig Soomaaliyeed ayee taabaneysaa.
  4. Eebba ha u naxariisto Aabaheen Marxuum Madaxweyne Md. Aaden Cabdille Cismaan (Aaden Cadde). Eebboow ka waraabi janadaada Fardowso. Dhamaan waxaan rajeynaa dadweynaha Soomaaliyeed, qaas ahaan dadka dalkooda, diintooda iyo dadkooda si wanaagsan u wada jecel, iyo gaar ahaan reerkiisa iyo qaraabadiis soke in uu Eebbe ka siiyo samir iyo iimaan, anagana naga wada siiyo. Aamiin, aamiin, aamiin. The flag is not half-staff for his memory, but it is the closest. NB - This thread will remain a 'sticky' one on the coming week in his memory and tacsi.
  5. Originally posted by Ladif: Xaq = daw ama gar Kursi = Fadhi gambadh/gambar/wambar I am not sure abt this. Macalin = Ba-re Xabsi = saldhig? not sure abt this Qayaano = dhagar Taajir = maal-qabeen, badar-kunoole Qani waa carabi rasmi ah waayo there is this aayah where Allah CW says: Walaahul Qaniyu Wa antumul Fuqaraa a" so waa carabi saxiix ah Maal = Hanti Qadarin = tix-galin Taajir maalqabeen ma dhihi kartid maadaama 'maal' oo Carabi ah ku jiro meesha. Kursi fadhi waa noqon karaa ama gambar, inkastoo aan inaa u micneeyo rabay ka dhaafay marka damba maxaa yeelay gambar hadda micno gooni ayuu yeeshay. Xabsi waa saldhig anaa taas kuu haayo. About macalin, waa isla garan weynay aan u maleynaa. Mutacalin ayaan ula jeeday, oo waxgarad aan aan u sharxay. Xaq gar ma noqon karto. Xaw waa 'truth,' garna truth ma laga wado. The closest meaning in English to gar is 'reason.' And I don't think xaq and reason have the same meaning. So, I still stand with my old definition oo ahayd dhab ama run. Maalna xoole ama hanti waa noqon karaan, ee adigaa diidanayd xoola in loo fasiro. Ereyaddaan soo socda kuwa u dhigmo Afsoomaaliga waaku yaryihiin ama qaarkoodba waa siibteen marhore: Fasir, micneyn, laakiin, fahan [inkastoo 'laakiin' badanaa loo micneeyo sidaa daraadeed and fahan as garasho]. Kuwa kale ayaa jiro aan hadda xasuusan. Xiinfaniin, waa iswada barnaa afkeena, duqa, oo in la wada bartana anagee noo wada fiicantahay. Adigaba yaa kugu gaaro xataa horta. Jimcaale, Carabigeey eber waaye oo shaki aa iiga jiray in uu miis ahaa erey Carabi. Shakigeey inaa iska raacaa ii dhaantay. Ereyga kale shakiga iiga jiro waa sariirta aan u maleeyo Carabi yahay. Xaliimo, hokey.
  6. Anwar, baliis give sources. You have a tendency copy-paste without acknowledging the original sources. Where it was published by a fella by the name of Axmed Sh. Cumar Good.
  7. Originally posted by Dhulqarnayn -alSumaale: Bajunis Boni people Oromo's Somali Bantu Ethnic Somalis etc etc =Somalians the way Azeris Farsis Kurds Arabs etc etc =Iranians first they said ethnic Somalis are those who fall under the so-called ''noble'' clan system hence making it easier for revisionists to give every historical figure born on the Somali peninsula an ambiguous origin because the persons ''clan'' is unknown ignoring the fact that there many groups of Ethnic Somalis who do not fall under this system so i use it as a heterogenerous term that includes multiple groups of Somalia You've a little problem in this thinking, brother. Intaa islahayd to dispel the myth propagated by others who tried to differentiate Soomaalis, you fell in their trap. The problem is that if you use this incorrect term "Somalian," it only then will refer those who live in Soomaaliya proper, which will exclude the residents of the current occupied territories of Soomaali Galbeed and NFD because the occupiers of these regions will say you are not citizens of Soomaaliya since the citizens of that country are called "Somalian" and you Soomaalis. Do you see what I see? The residents of these occupied region are automatic citizens of Soomaaliya proper and can live anywhere they wish to, a right given in the original constitution. The other people you named on the list are Soomaalis. Just Soomaali. No need to differentiate. And should one differentiate, well, clans too are differentiated into numerous different clans, and no one asks their Soomaalinimo. It is non-Soomaalis who keep and refer those terms of "Soomaali Bantu" and such. It is Soomaali, we always were Soomaali. Our language being Soomaali, the country Soomaaliya. There is no confusion in this and should not be. Comparing Soomaalida to Reer Iiraan, with its multi-ethnicities was as an unfortunate choice too. You should have perhaps used Reer Jabaan, who are closest to Soomaalis in terms of single ethnicity dominating a country. Few people know Jabaan has few minorities that they forcefully or not assimilated into Japanese culture in the past eras.
  8. The guy is Soomaali, as Soomaali as me and you. Bantuga aad sheegeysid is a foreign-imported term implied to them by distinguishing them from other Soomaalis. They don't even call themselves Bantu. They lived that land they farmed for generations.
  9. United about what? Let's see that colonial created fictional border between two Soomaali walaala ah. Let's see about that. Reer Awdal are indifferent, ambivalent to goosashadda who care and are making the advancement of their region [which I commend every Soomaali region's people to follow, instead wax aan loo baahneen intii la isku wareerin lahaa] and most are somewhat into unity in a just, fair Soomaaliya, at least those many I socialize with on here daily. Reer Sanaag iyo Soolna iskaba dhaaf warkooda taas. Reer Waqooyi Galbeed [including Togdheer] ayaa soo haray. They are not even united on secession, not even on SOL. On SOL alone, you have staunch pro-unity, like Rudy and Peacenow, and you also have the pragmatics that does not mind a unified Soomaaliya in a just, sharing power on the future, including Notherner and Baddacase to say a few. Marka what exactly unity are you talking about? What you are advocating creates more problem than it seems to you solves. Fifty years ayaa tiri or whatever it takes, well, fifty years Koonfurta kuma jireysa saas. And you should know Koonfurtaas oo burbursan ayaa aqoonsi imaan waaye, imagine Koonfur dowlad la isku wada raacsanyahay ka dhisan, that can lobby international community or even come to rule the land separatists claim, invited by locals who are pro-unity. Will this be "occupation" to you and like-minded then? We need to see without the smoke and emotion. Some men made mistake and misled the community into secession, whose members have yet to buy the idea fully; the men are Tuur, Sifir and others who have realized their mistakes later. They realized it does not work that easily.
  10. Originally posted by Mj: Red Sea: Note: It's illegal in the States, but actually legal in the UK, where mr. me resides . Are you suggesting what I think you are suggesting? Hoosta aala isku gilinaa ka waran. Maalin caddeey. Jaad uma baahno aqoonbaaris in uu ibtilo iyo balaayo baas ku haayo Soomaalida, ha noqoto dhaqaale, mid caafimaad, burburka qoyska, wasting countless hours wax lagu qabsan lahaa iyo wixii lamid ah. Few chew it responsibly, on weekends only. Kuwaas too dhaqaalahooda meel bilaash ah ugu qasaareen. I am against this coos -- yes, it is crassy grass -- primarily for the simple reason making Soomaali men addicted to it and the dollars ending not to another Soomaali jeeb, but a shisheeye, ugu daranba Keenyaati iyo Xabashi pockets. To those wannabe Carabs iyagana bahalkaas shiishaha la dhaho u jeestay, waxba ma dhaamaan kuwa jaadka cuno, especially the girls who think it is cool to do that. Both groups wasting countless hours sitting and dollars, not to mention mouth cancer. I would rather tolerate a jaad-chewer than a shiisha-smoker, particularly if she is girl, at least jaad is assumed to be a cultural and is mainly chewed by men.
  11. High school diploma is not that such a big deal for most of us, but heey, dadka isku meel maku soo wada korin. Some were not that fortunate to attend primary schools, let alone graduating from American high schools and going to colleges, and top of that while still married with a child. So hambalyo to walaalkeen Cabdicasiis Mubaarak. -------------- City’s 1st Somali Bantu refugee to graduate Abdiaziz Moburuk will join 1,846 students graduating from Fort Wayne Community Schools this week when he walks across the stage at Memorial Coliseum tonight. The event is a long way from Somalia, where he was born 21 years ago, and from the refugee camps in Kenya, where he spent 12 years of his life. In the three years since he came to Fort Wayne, Moburuk has grown from a teenager who didn’t know what an elevator or a paycheck was to a married father of one preparing to study international studies at Manchester College in the fall. When he receives his diploma tonight from North Side High School, it will not only be a milestone for him but for an entire community who came to the United States seeking a better life. Moburuk is the first of the Somali Bantu refugees in Fort Wayne to graduate from high school. He is a quiet, unassuming student with a short beard and dark, almost black eyes. He is proud of what he has accomplished at North Side, and North Side is proud of him. “It’s a celebration for us, too, because we work with a lot of refugee groups,” English as a Second Language teacher Maureen Reidenbach said. “We’re thrilled for him because he’s the first one. We’re proud of him. We know his background, and we know how hard he’s worked. He committed and devoted himself to doing as well as he has done.” Moburuk has no trouble recalling the day he and his family, including three other siblings now at North Side, came to Fort Wayne: It was March 12, 2004, just a day after he arrived in the United States and a week after his family was notified that they had been accepted into the country. He was 18 when he arrived in Fort Wayne, a dozen years since his family fled Somalia when he was just 6 years old. “I was young. There was fighting,” he said, his accent instantly giving away that he comes from somewhere far from the Midwest. He doesn’t remember much about Somalia, but he knows his family had to leave. For nearly 15 years, the country on the eastern side of Africa was the site of fighting between warring clans. Thousands of Somali Bantus fled their homeland where they were a persecuted minority. They escaped to refugee camps in Kenya, where life wasn’t great, Moburuk said. “There was jobs, but not like good jobs,” he said. “My people used to go to the forest and cut the trees and build the houses.” But in the forest, there were people with guns. Food was scarce. And there wasn’t enough security, Moburuk said. He is quiet when he talks about the fighting and the danger in Somalia and Kenya. Images of people being killed, including his friend’s father, will never leave his mind, he said. Moburuk went to school, but he didn’t learn much, he said. The headmaster hired his friends and relatives, and they weren’t skilled as teachers, he said. It was much different than his experience at North Side. “We used to sit on the floor,” Moburuk said. “The teachers were not good teachers. If you ask them a question, they would say, ‘Don’t ask me,’ because they don’t know.” In 2002, the Moburuk family moved to a different refugee camp in Kenya, but some of the same problems persisted, he said. The family had corn and oil, but no way to cook the food unless they traded food for charcoal with those living in the nearby forests. His family didn’t have much money, so he had to work. One of his first jobs was to transport people on a bicycle. Later, he worked teaching young children. When he arrived in Fort Wayne, there was much he didn’t know. He knew little English. And he laughs when he recalls how he didn’t know how an elevator works or that his paycheck was worth money. “The first year (in school) was too hard for me, even the math class,” Moburuk said. “I got F’s.” His second year he did better, getting B’s and C’s. And by his third year he was doing well, even taking an Advanced Placement math class for a while. He dropped the class because he got married and his wife had a baby. Taking care of his daughter and getting his school work done proved to be too much at times. Even during the times he struggled the most, however, he knew he couldn’t quit. “When I was in Africa, my people, they don’t know education,” Moburuk said. “I saw how education was important. I’ve seen how the teachers were. They didn’t know how to teach. I just told myself you should learn better than them. “When I came here I said, ‘You have a chance to learn something. You have to learn something right now.’ ” Reidenbach said Moburuk’s appreciation of education is different from that of many of his American peers. “He knows what it’s like to not have the opportunity,” she said. “He knows what it’s like to have the opportunity for an education and the life that an education can give you. He intends not to waste any of that.” This fall, Moburuk will start classes at Manchester College. His wife, Hindiyo Hassan, will continue at North Side, where she just finished her sophomore year. When he finishes at Manchester, Moburuk hopes he can work with new immigrants and refugees and help them adjust to the new world where they are living. Fort Wayne, Indiana
  12. Puuja, Reer Koonfurta saan ayee u kala isticmaalaan: Qareer = bitter, sour. Those are the literal meaning. It can also implied in the sense of being in the state of resentment, begrudging and envious about others. Qaraar = go'aan. Resolution. Mostly used in the context of the statements from governmental and nongovernmental organizations, such as Gollaha Ammaanka [security Council]. "Gollaha Ammaanka ayaa maanta qaraar 1456 kasoo saaray ..." It is a borrowed Carabi word, that is why I the only closest word I could find being to go'aan, the closest Soomaali equivalent. ------------- Xaliimo, it is awlaad, not 'awaad.' But I've realized it is Carabi as I suspected, so that leaves us only word known being ilmo. Ilmo is fine. ------------- ...for example. if its from the word "abaaso" for a snake (or adder - i don't know if we differentiate between them) - it could literally mean "snakes children" and the 'oow' ending like Ciyaaloow can be used in many terms for example 'Ciyaalkeygoow' to mean o' my children .. but then you could also say "Cilyaalkiisoow" to mean o' his children, however it sounds wrong. Does anyone have an idea on the restrictions on the 'oow' ending? Baas and abeeso waa kala duwanyihiin, duqa. It is abeeso, not abaaso. Baas, on the other hand, has the connotation and on the sense of being one cursed, one who seems to always have some bad, evil spell happening to him or her. Unwanten or miser news, as "wax baas" or "war baas." About oow. Oow laba ayuu u kala baxaa: a prefix and suffix. When it is a prefix, it is spelled aw [i.e., Awkuuku, Awkoombe, awoowe being examples] and oow as a suffix, dhibloow, gaaboow, etc. Aw/oow are gender specific. Solely used to a male gender. Ay/eey [same as ay being a prefix and eey being a suffix] is for female gender and follow the same lexical laws. Ayeeyo, Aymaayo, Ayfaay, etc. Caddeey, macaaneey being the other examples. Aw is used in the context, mostly, when it accompanied by real names or well-known nicks attributed to persons, some real, such as Awfaarax, and others being nicks, such as Awmaar, [Raage Awmaare's surname, though he spells 'Oomaar' where most wrongly assume a corrupted name of Cumar.] Aw means, literal or not, "the father of ..." So when we hear the names or nicks like Awkoombe, it literaly means 'the father of koombe' [koombe which means qasac = can] since he is short. However, it is not strictly literal since he is not exactly the father of can. Or one can also say 'koomboow,' but it has a more aura in the aw context. Oow, though having the same base meaning -- i.e., "the father of ..." -- and unlike the aw, has the unfortunate of having a less connotation, less aura surrounding the it, thus we have yariisoow, kuusoow [awkoombe and kuusoow having the same meaning, but you can see it feels different], etc. It is same explanation and natural language as above with ay/eey. Ay follows the same context and way as aw, and eey [yariiseey, kuuseey] as oow. This is even extended to 'aboow' and abaay' words, which interestingly has the same root word of ab, only oow/eey (aay) being different, following the grammatical rule. What is more interesting, though, is that 'ab' is believed by some where Soomaalida kasoo faractameen as an ethnicity, that is why you heard that well-used phrase of "ab iyo isir uma lihin," meaning it is and was not the dhaqan of our forefathers. Ab also has the base root of 'abti' and 'abtirsi,' which the latter is obvious, meaning 'counting the forefathers.' ------------ Saldhig Carabi ma'aha, taas anaa kuu haayo. Laba erey 'sal' iyo 'dhig' ayuu ka koobanyahay. 'Xoolana' goormee noqotay Afcarabi? Xoole dhowr micno [Carabi kale] ayuu yeelan karaa, oo laga wado xoolaha, laakiin aniga kan maalka ayaa keenay ama wealth. In Soomaali context, it is used xoole as a wealth. Fadhi kursi waala dhihi karaa, oo fadhi kaliya ma laga wado living room. About waxgarad being macalin, that is the closest meaning we have in Soomaali. Macalin kama wadin the sense Soomaalida use as a dugsi macalin, but qof waxbartay in a sense of 'mutacalin.' About qani, it is an old Cushitic word. Perhaps it is them, the Carabs who borrowed, not vice versa.
  13. Deception [qayaano] = sirid, which I should have probably used. Xaq is truth, which in Afsoomaali is run/dhab, which I used both. Caddaalad, another borrowed one, is for justice. The borrowed word of 'xaq' changes into many forms in Soomaali. Xuquuq means rights; xaqiiq is dhab ahaantii or authenticating or making sure.
  14. Originally posted by Dhulqarnayn -alSumaale: We would? Somalian armies have been roaming throughout Kenya and Tanzania since the early 17th century case in point the Portuguese defeat by a joint Somalian-Omanese force in 1660 Mombasa, or the Nabahan arab princes of Pate that were threatening the Siu women and children who were rescued by a Katwa Somalian army ... Daa'uud, maxaa waaye waxaan? "Somalian???????" Kamoon nooh. It is annoying seeing this Soomaali noun butchered by non-Soomaali, and it is even more annoying when it is written or said by Soomaalis, and extra more unbelievable coming from you of all people here. Perhaps those foreign forums you visit ayaad lasoo qabsaday.
  15. Masaakiinta Eebba ha u gargaaro asagaa noo maqanee. Intee ka baxaa meel alle aa maqli jiray.
  16. Ar maxaa la maaweelay. Xabashi laga raadsanaayo aqoonsi.
  17. Originally posted by Xalimopatra: Ciyaal is Af Carabi as is suuq. I've been thinking about this SOL bibol,do Soomaalis even have a word for children/offspring in general regardless of gender/age grp..basically plural? Children = awlaad, ilmo. Ilmo, yes, it can have the connotation to mean as an infant, but it fits as a translation for children. There is the rarely used one: awlaad. Awlaad sounds Carabi, though, but I am sure it is native Soomaali word. I've just realized something -- the unnecessary, non-essential Carabi words we use everyday. By non-essential, I mean words that don't have to do with diinta and politics, whose equivalance in Soomaali can be a bit tad finding. Siyaasad and many of its derives is such an instance. The following words are just a few for an illustration. [We have lost many everyday words in process of neglecting our language hodanka ah; words we've now substituted to, such as the Carabi one, xataa (even). Go and try finding a Soomaali equivalent word. I don't think you can find.] Xaq = dhab/run Kursi = fadhi Muhiim = laga maarmaan Kuli = dhamaan Waji = fool Rayi = aragti Kalmad = eray Usbuuc = toddobaad Xukun = maamul Beecmushtar = ganacsade Miis = ? Jawaab = ? Qalin = qore? Qataar = quful Qasnad = keyd Qatar = halis Macalin = waxgarad Sharaf = heybad Xabsi = saldhig Jaraa'id = wargeys Mudaaharaad = banaanbax Warqad = xaanshi Matalan = tusaale Shacab = dadweyne/bulshweynta Qayaano = sir Xisbi = urur Taajir = qani Maal = xoole Cilmi = aqoon Qaraar = go'aan [resolution] Qabiir = xeeldheere Qaas = gaar Waajib = xil Xayawaan = xoole Qadarin = xushmo We are even witnessing how far it went when we recently noticed the rise of this word 'shabaab' used predominantly by certain people. What is wrong with dhalinyaro? ------------- Caanogeel, ma laguu gali karo runtii.
  18. Waa Soomaali dhab daludhalad oo daljecel ah. Maalin maalin ahayn ayaa la xusi doonaa walaalahaan. Soomaali maanta waa kala baxday: Soomaali ku sheeg oo yar qabyaalad caabudo, oo virus ah ku noolaa magac Soomaali iyo Soomaali dhab, asaliga ahaa. Dankis for sharing with us the images, widaayoow.
  19. Ninkaan waa u fiirsaday, oo dhowr safir laga soo qaaday markaan arkay, sida uu u fariisto waxaa moodaa in uu ciyaal 'yo-yo' camal yahay. Muxuu mar walba u kala balaqaa lugihiis, oo sinta dambe ugu fariistaa? Protocolkiis kistoo ka qaldan ee dad advice gareeyo waa in uu hire gareyaa.
  20. Originally posted by Munira002: MMA,Islam is a comprehensive religion that covers all facets of human life, while the West was enveloped in its Dark Ages,Islamic teaching laid the foundation for scientific, thought and paved the way for the scientific developments we see in the world today.Also,the Muslim World was at the height of learning and development. It is a known fact that the Renaissance was due in great part to the advancement and transmission of knowledge from the Muslim Civilization. Waa gartay walaashiis, ee waxaa ula jeeday Muslimiinta iyagoo dhulkaan iyo taariiq soo jireedkaan leh wali kama faa'ideysan. Dhulka ay maanta Muslimiinta degaan waa dhulalkii ilbaxnimada, horumarka iyo soo saarka ugu horeeye oo ka bilowday. Qaarkood oo ahaa Mesopotamia [maanta ah Ciraaq iyo Suuriya], Fircooniintii, Beershiya [Persia], Reer Andalus, Cismaaniyiintii iyo meelaha kale. Muslimiin haddaan nahnay kama faa'ideysan. Midda labaad aan ka faa'ideysan is qeyraadka, sida today's gold, shidaalka [oil]. Jabhad, it is obviously biased, and has a Western tendency, especially if the top is so far led by Acropolis in Greece. As you said the judges are Greek, so what do you expect? I was reading a few months ago about this new project and how furious some Egyptian officials got at by the simple reason of comparing those 'modern wonders' to ancient ones, like Pyramids of Giza. Some Canadians too were infuriated since CN Tower in Koronto was left out, especially since CN Tower was considered a 'modern wonder' by some.
  21. Waxaa si rasmi uga socda Gobolka Hiiraan Socdaalka Nabbada oo ay horkacayaan Duqayda iyo wax garadka golbolka Hiiraan. Socdaalka Nabadda oo ilaa iyo hadda socda mudo asbuuc ah ayaa dadka reer Hiiraan si wanaagsan u soo dhaweeyeen. Socdaalka oo looga gol lahaa siddi loo sii adkeeyn lahaa nabadda ka jirta deegaanka Hiiraan isla markaana loo xalin lahaa qilaafyadda yar yar ee ka dhexjira beelaha degan deeganadaas ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Xarunta Cilmibaarista iyo Wadatashiga Soomaaliyeed ee loo yaqaan CRD. Geedi socodkaan soo meel kastaa oo ay tagaan si khiiro leh loogu soo dhaweeynayo, ayaa waxaa ay maalintii shalay ahayd gaareen deegaanka Buqda Caqable. Si aad qiiro leh ayaana loogu soo dhaweeyay, iyadda oo odoyaasha deegnaakuna ay dadku ku guubaabiyeen is walaaleysiga iyo isku soo dhawaanshaha dadka degan degaanka. aa markii ugu horeeysay oo ay socdaal ku maraan odayaalka iyo wagaradka gobolka oo wada socda deeganka gobolka. Socdaalka mar mar waxaa uu isku rogayay mid dabaal-deg ah. Oo dadka dareemayeen in ay yihiin dad isku mid ah oo ayan jirin qabiil-qabiil. Mid ka mid ah odayaasha shirka ka soo qayb-galay ayaa yiri” “Mar hore ayaa iigu danbeeysay dareen Soomaalinimo in aan dareemo, shacaba Soomaaliyeed hadii uu sidaan oo kale isku dhexmaro iyadda oo cod nabadeed lagu hadlayo, dhibka Soomaaliya heyastaa waa uu dhamaan lahaa” Socdaalka Nabadda waxaa uu uu sii gudbi doonaa degaanada ay ka mid Matabaan, Baletweyn iyo Maxaas. Talooyinka ka soo baxyaa socdaalka ayaa waxaa ka mid ah in socdaalka noocaani ah ay Xarunta CRD ku baahiso dalka oo dhan. Deegaan kastaa oo dukhaydu tagtana waxaa lagu magacaabayay gudo nabadeed oo ku biro gudo gobol oo arimaha Nabdda gobolka ka shaqeeya. ' [i don't see any ubiquitous baroon (tikniko) guarding odeyaasha. Waa wax lagu farxo taas.] [Haweenka oo laga maarmaanka ah ayaa ka muuqan laakiin.] Xigasho Waa wax lagu deydo oo mudan. Soomaali Maryooleey should follow this daunting task in every region.
  22. Dhacdadaan haddee runtahay, waaba foolgabax, as the qoraalka says. Actually, it is more than embarrassing. Xabash ha kugu booteyso adigoo dhulkaaga joogo, haddana kii xataa hoggaan iyo jago sheeganaayo. See loo baari karaa qof dhulkiis joogo by a shisheeye, oo amartaagleyn ah maadaama diyaaradda ayba Adisababa joogin, but dhul Soomaaliyeed? Haddana qofka la baaraayo waaba qof hoggaanka ugu sareeysa ee gobolka qof sheeganaayo. Soomaali midnimo, isbiirsi, isbaheysi iyo iskaashi waa diidee, Xabashi minan walba ay deganyihiin ha ugu amartaagleyso. Walaahi halhal ay noo qabteen, intii qabiil this iyo qabiil that lagu haayo, magac Soomaali hoos ka bixi doonaa, markuu ka baxana ogaadda -- I promise you this -- magac qabyaaladeedkaas Soomaalida caabuddaan ka hormari doono oo meesha ka siibmaayo, maadaama magac iyo jiritaanka Soomaali ka baxay meesha isku heyn lahayd. Maalintii taas la gaaro, yaa laga shaleyn.
  23. what about ciyaalsuq Ciyaal suuq is a two-words word, so it cannot be on the list. When it is one word, as a noun, it can be ciyaalsuuq, but that is usually given as a nickname, a place name or a group name, which is not what we have in the list.
  24. Buuxo, dadka iskumid ma noqon ayaandaro. Dad ayaa ismoodo inay Kanadiyaan, Mareykan, Ingiriis, Iswiidish, Dane, Finnish, Oostaraliyaan iyo wixii lamid ah yihiin, xataa iyagoo dalka joogo. Baasaboorkaas been u sheegay, LoL. Sujuugii Nayroobi ku dhashay waayadii hore bilaash ayaa loola yaabi jiray markee Keenyaati iska dhigaan, Afsawaaxili baasna ku hadli jireen markii Afsoomaali loogula hadlo. Here is another mysterious Canadian flag, right behind that junior stooge. The "office" belongs to Soomaali "ambassador" to Kenya, Max'ed Cali Ameerika, who used to live in Kanada.