Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,713
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    326

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Habeenkii inqilaabka Kasmo: Habkii ay ciidamadu talada ula wareegeen iyo xaalku siduu ahaa habeenkii Talaadada ahaa ee Afgambigu dhacayay. Siday maalmahaas wax u dhacayeen, ma noo sawiri kartaan? Sh. Mukhtaar : Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa Ra’iisul Wasaare ahaa, Ameerika ayuuna jiray markii madaxweynaha la dilayay. Waa yimid. Laakiin intuusan imaanin ka hor ayaa Cumar Macallin iyo Hilowle Macallin labo isla dhalatay oo mudaneyaal baarlamaan ah ayay ahaayeen iyo Yaasiin Nuur Xasan iyo Yuusuf Cigaal oo ganacsade ahaa, mudane baarlamaanna ahaa, iyagoo shan ah ayay showreen, Cabdirashiid maaddaama la dilay, nin Muuse Boqor la dhashayna xilligii doorshada Caluula lagu dilay. Labadaas dil ee isku jilibkaas ku dhacay, C/rashiid carruur badan oo yaryar ah dhaafay, nin cidda daryeela oo ciddahooda ah ha la doorto ayay ku heshiiyeen oo ilamaha xilkooda haayo, samirna ay u qaataan haddii kursiga la siiyo, maddaama labo ruux oo magac lahaa laga dilay. Sidii ayay ku heshiiyeen. Maxamed Ibraahim Cigaal haddii uu yimidna waa la showreen, waa u sheegeen sidaasaan ku tashannay ayay yiraahdeen, asigana waa ku raacay. Gurigeyga ayay iigu yimaadeen, ra’yigaasaan wadnaa ayay yiraahdeen. Muuse Boqor inaan murashax ka dhigno oo baarlamaanka aan geeyno. Geeya ayaan iri, laakiinse waxaan idiin sheegayaa: " Muuse Boqor , dowladdii C/laahi Ciise mutakabirnimo iyo madax adayg ayaa looga bixiyay, isagoo wasiirka arrimaha gudaha ah. Isaga iyo Cali Jimcaale ayaa isqabtay. Waa la yaaqaannaye markii dowladda C/rashiid dhalatay, waxaa la yiri, 'Waa madax adagyahee, wasiirna lama siin karee, waana nin soo halgamaye, sideen yeelnaa?' Waxaa la yiri ruqso (Voluto) dahab ah ha loo fasaxo. Meeshaas ha ka maaleysto. Dahabkuu ayuu keligiis keeni jiray Soomaaliya. Ninkii saas ahaa oo wada ogtihiin, baarlamaanka cod ugama helaysaane, haddaad wadataan aniga ka jooga idin ma dhahayo." Markii iyaga tageen, Maxamed Siyaad ayaa ii yimid. "Ma ka war heshay niman ku showray Muuse Boqor in murashax laga dhigo?" Haa ayaan iri, iyagana sidaasay yiraahdeen, sidaasaanaa ku kala tagnay. Waxaa ii yimid isla saacaddii safiirkii Ruushka . Wuxuu yiri ‘Sidaas baa la wadaa, aan maqalnee, Muuse Boqor haddii la doorto, Soomaaliya sow gacan Ameerika ma galeyso? Waxaan ku iri, 'Ilaah baa og. C/rashiidba markii hore Ruush ayuu la jiray. Waxaan iri ‘Siyaasad dadka waa la gad gaddoomeysaa, mabda’ meel lala joogaayo ma aha. Marba meelaa lagu dayaa, inuu Ameerika ka soo go’ana waa iska suuroobeysaa, in sida aad u maleynaysaan uu noqdana waa suurogal,' sidii ayaana ku kala tagnay. Marka fadhiga Talaada ahaa ee Leegada isugu tagtay C/rashiid oo nool ayaa la qabtay waqtigaas oo waqtigaas inuu congress-ka shiro, waqtigii ayaa la gaaray. Aniga ma tagin. Baarlamaanka wuxuu lahaa nin sharci yaqaan ah oo Chevron la dhihi jiray oo Talyaani ahaa oo nala talinaayay oo sharciga iyo qawaaniinta dawliga ah noo sheegayay. Wuxuu I yiri, 'Adiga ma tagi kartid shirkaas, maxaa yeelay Madaxweynihii Soomaaliya ayaad maanta tahay, xisbi kama tirsanid.' Markaas aniga gurigeygaan iska soo aaday. Nimankii Muuse Boqor murashax ka soo dhigay maamulkii Leegada ayay ula tageen. Waxay ku yiraahdeen sidaasaan ku heshiinnaye warkaan soo jeediya. Nimanka Leegadana waxaa madax u ahaa Sheekh Maxamuud Maalinguur iyo C/raxmaan Muumin . Waxay yiraahdeen anaga Muuse Boqor kuma ceeboobeynee, codna looma helaayee, idinka sow ma wadataan, soo jeediya. Sidii ayey ku kala tageen. Ayadoo xaalkii inta maraayo ayaa shirkii la iskugu tegay. Nin Aadan Isååq la dhihi jiray oo wasiir ahaa iyo Ismaaciil Jimcaale , waxaan maqlay Ismaaciil Jimcaale ayaa hadalka billaabay oo yiri: ‘ Yaasiin , wasiirkii arrimaha gudaha ayaad tahay, siyaasadda adaa madax u ah, Muuse Boqor ayaad murashax ka soo dhigteen aan maqalnee, ma jirtaa?’. ‘Maya ayuu yiri’. Waa inkiray. Aadan Isååq ayaa haddana su’aalay, Waa inkiray Yaasiin. Marka inkiraaddoodii kuma kaaftoomine, yaqiin bay qabeene, Aadan Isååq ayaa yiri, ‘Waan maqalnay waa waddaane, haddii Muuse Boqor aad meeshan soo marisaan oo madaxweyne ka dhigtaan, naago ayaan nahaye, nagu soo hoyda!’. Markii hadalkaas dhacay ayaa la isku buuqay oo lagu diriray, laguna kala tegay. Xaaji Faarax Cali Cumar oo gurigiisa igu dheggan yahay oo shirka ka yimid ayaa i soo maray oo inta guriga iigu yimid, ii sheegay; Baarlamaankii sidaas ayaa la isugu tegay, sidaasaana lagu kala tegay. Sidaasayna ciidamdii talada kula wareegeen. Waa socotaa.
  2. Yaa dilay madaxweyne C/rashiid Kasmo : Sidaad meesha ka dareemi kartay, ma islahayd waxaa jiray dil qorsheysnaa oo la sii abaabulay?. Sh. Mukhtaar : Sidaasaa markii hore nalagu yiri, dad ayaaba loo qabqabtay. Tuhmadii Maxamed Abshir Muuse ayaa ku jiray. Ninka wax dilay nin la dhashay oo booliiska alifle ahaa Eyl laga soo qabtay ayaa ku jiray, Sheekh Nuur Cali Colow ayaa ku jiray. Dad badan baa ku jiray oo isugu jiray wax la xiray iyo wax kor laga ilaalinaayay. Annaga oo dhan waan qabnay dil la soo qorsheeyay inuu ahaa. Laakiin gadaal, sida la sheegaayay, ninkan wax dilay waxaa naloo sheegay, intaanan [gobollada Bari] aadin ka hor, ayaa aniga iyo C/rashiid waxaan aadnay shir dalalka Islaamka oo Marooko ka dhacayey. Inta Madaxweynihii ayaa soo baxaya la yiri, oo (Gobolka Bari) soo aadaaya, Raadiyihiina laga sheegay, ayaan ka baaqannay,oo aan Marooko aadnay. Dad baa ka marag kacay, in ninkaan wax dilaya, inuu markaas yiri: ‘Waxaa igu fiicneyd Alleylehe C/rashiid in uunan baaqanin’. Markii la yiri, ‘Maxaad ka rabi lahayd?’ Inuu yiri: ‘Wallaahi toddobo xabadood ayaan ku dhufan lahaa’. Markii la yiri ‘Maxaa jiro uu kaa galabsaday?’ Wuxuu yiri; ‘Ninkii Maxamed Abshir kaarikadii (jagadii) ka qaaday sow ma'aha?". Maxamed Abshir iyo C/rashiid ayaa siyaasaddii isla gafay. Doorashadii ayaa soo dhoweyde, markaasaa la yiri 'gurigaaga iska fariiso', Qoorsheel ayaan jagadii u dhiibnee. Waxaa wasiirkii arrimaha gudaha ahaa Yaasiin Nuur Xasan . Maxamed Abshir gurigiisuu iska joogay. Waxaa la sheegay wiilka wuxuu sidaas u leeyahay inay ahayd asaga iyo walaalkiisba reer Kismaayo ayay ahaayeen, aabahood iyo hooyadoodna way dhinteen. Islaan eeddadood ah ayaa intay soo kaxaysay Maxamed Abshir u keentay oo u tiri, ‘ilmahaan aabbe iyo hooyo ma leh, waana qaangaareen, shaqo ayay u baahan yihiin ee shaqo sii’. Labadiiba Maxamed Abshir booliis ayuu u qoray, sababta uu sidaas u leeyahay waa saas ayay yiraahdeen. Maxkamaddii (qaadaysay dacwadda gacan-ku-dhiiglaha) aniga waxbay i weydiiyeen, waana isaga soo kacay. Wax marag furay iyo dadkii meesha joogay aniga ma'ogi, gadaal wixii marag furay, maxaa yeelay aniga gurigaan ku xirnaa. Kasmo : Ma aaminsan tahay arrinta dilkan waxaa kaloo lug ku lahaa raggii askarta ahaa ee uu Maxamed Siyaad horkacayay ee talada dalka la wareegay? Sh. Mukhtaar : Maya ma qabin, mana lagu tuhmin taas. Maxamed Siyaad waaba ninkii qabrigiisa dhisay oo ka xumaaday dilkiisa. Kasmo : Waxaa la sheegaa sababta xukuumaddii militeriga ahayd ay baaritaanka u sii wadi weyday, inay ahayd in arrintan la dåboolo. Eedeymahaas maxaad ka leedahay? Sh. Mukhtaar : Arrintaas aniga ma qabo. Nimankaan waxaa inqilaabka ku kallifay, Muuse Boqor ayay ka cararayeen, iyagana waxaa la taliyahooda ahaa Ruush oo saraakiisha Ruushka ayaa ciidanka ku dhex jiray. Muuse Boqor iyo Cumar Macallin iyo niman badan waxay ahaayeen nimankii shirkadda Coca-colada keenay, Ameerikaan aad xariir ula leh ayay ahaayeen. Muuse Boqor diidadiisa ayaa nimankan inqilaabka ku kalliftay ayaan aniga qabaa. Waa socotaa.
  3. I have this original interview of Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen in the original printed edition, published both in Muqdisho and London in mid 2000 on Kasmo newspaper. It is a long interview that touches many important historical subjects and facts, including how the blue flag came out, who had the idea and how it was approved; who killed Kamaaludiin Saalax, the Masri envoy and the historical days of Oktoobar 1969. Some of the interview were published by the original paper online two months ago. For now, I will post the parts that deal in those crucial, decisive, history-changing days of Oktoobar, 1969: Dilkii madaxweyne C/rashiid; yaa dilay marxuum madaxweyne C/rashiid; afgambigii; yaaka dambeeye dilkiisa; muxuu ku dhacay afgambiga; yaa watay afgambiga and more. Wargeyska Kasmo oo wareysi dheer la yeeshay Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen [ Bishii Juun 2000, wargeyska Kasmo wuxuu wareysi ugu tegay Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen, Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya, 1967dii -969kii. Wuxuu kaloo qabtay jagada Madaxweynenimo, geeridii Cabdirashiid Cali Sharmaarke kadib ilaa uu talada la wareegay Maxamed Siyaad Barre . [Qeybtaan hoose waa qeybta ka hadleyso maalmihii Oktoobar, 1969.] Dilkii Madaxweyne Cabdirashiid Kasmo : Waxaad goobjoog ka ahayd dilkii Madaxweynihii Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke . Bal nooga warran siday wax u dheceen? Sh. Mukhtaar : Muqdisho ayaan ka baxnay. Dhulka abaar ayuu ahaa, gaar ahaan [gobollada Bari]. Abaartaas inaan soo fiirinno ayaan meeshaas u aadnay. Maalintaan Xamar ka tagnay isla dharaartii waxaan ku dagnay Garoowe, galabtii ayaan ka tagnay degmada Eyl ayaan habeenkii u hoyannay. Subaxdii dambe ayaan ka baxnay, Qardho ayaan tagnay, habeen baan ku hoyannay oo habeen iyo dharaar ayaan joognay. Waan ka baxnay oo Bandarbeyla ayaan tagnay. Waan ka tagnay, Iskushuban ayan tagnay, waan ka baxnay Boosaaso ayaan tagnay. Qandala ayaan sii marnay. Soomaalileyn Laasqoray ayaan ka galnay, Ceerigaabo ayaan sii marnay, Burco ayaan marnay, Hargeysa ayaan tagnay. Markaan Hargeysa tagnay oo aan labo habeen iyo maalin joognay, ayaan subaxdii dambe soo noqonnay. Waxaan soo aadnay Laascaanood. Waxaa la yiri, 'Laascaanood garoonkeedu waa yar yahay oo diyaaraddaan weyn ma tegi karto.' Wafdigii badnaa iyo diyaaraddii weyneyd ayaan iska soo dirnay. Labo diyaaradood oo yaryar ah ayaan ka soo qaadannay Hargeysa. Kuwii ayaan Laascaanood ku imaannay. Laascaanood waxay ahayd magaalo yar, booliis yar ayaa joogay. Guddoomiyihii gobolka Burco iyo taliyihii booliiska Daraawiishta ayaa askar soddomeeyo illaa afartameeyo dhan soo watay, noogana soo hormaray Laascaanood si ay madaxweynaha salaan u siiyaan. Meeshii ayaan imaannay. Madaxweynaha salaan baa la siiyay. Waan baxnay guriga guddoomiyaha degmada ayaan ka soo quraacannay. Waxaan soo aadnay beledka dhexdiisa sar ku taalla oo dowladda hoose leedahay oo aan rabnay inaan shacbiga meesha kula shirno. Meeshii ayaana shacbiga kula shirnay. Saacaddu markay ahayd 12;45pm (Duhurnimo) ayaan shirka ka soo baxnay. Markaan shirka ka soo baxnay ayaan soo aadnay gurigii aan ka soo quraacannay oo ay alaabteena taallay. Guriga iyo beledkana xoogaa ayay kala go’naayeen. Subaxii, markii aan guriga tegeynay, waxaa waardiye ka hayey booliiska magaalada. Markii aan guriga ka soo tagnay, waxaa la geeyay Daraawiishtii Burco ka timid, booliiskii magaaladana waxaa loo soo beddelay meeshii aan shirka ku qabaneynay. Waxaan soo aadnay gurigii. Nin Daraawiishtii ka mid ah oo ku wareegsanaa guriga (toban toban mitir ayay isku jireene, gurigana bannaankuu ku yaallay) ayaa soo kacay oo safkii ka soo baxay, waa ninka madaxweynaha dili rabo, kariyeyaashii ayuu u yimid biyo aan cabo isiiya ayuu yiri, biyihii waa la siiyay. Waa noo jeeday fatuurada soo socoto. Sidaan u soo soconnay ayaan guriga hortiisa istaagnay. Baabuurku wuxuu ahaa Landrover dedan. Waxaa horay saarnaa Qoorsheel oo nala socday oo booliiska madax u ahaa iyo guddoomiyhii gobolka Burco, anigana iyo madaxweynahana dhexdaan ku jirnay, gadaalna askartii madaxweynaha ilaalineysay ayaa saarneyd. Markaan joogsannay, Madaxweynaha waa fududaaye ( yacni wuxuu ula jeedaa qof furfuran ayuu ahaa - my words ), asna waa degay, anagoo weli inteenii kale aan dagin. Markuu dhulka istaagayba xabbad ayaa lagu furay, toddobo xabadood aya ku dhacday. Markuu dhulka ku dhacay ayaan baabuurka ka soo degnay. Nin Cali Karraani la dhihi jiray oo booliska waardiyaha ka mid ahaa ee dadkii ugu horeeyay ee baabuurka ka degay ahaa ayaa qabtay ninkii dilay Cabirashiid . Sidaas buu C/rashiid ku dhintay, ninkiina lagu qabtay.
  4. I use istakiin, though some say it is bad to your teeth -- sheeko cusub. By the way, shouldn't you be tired caawa? I mean after a long day with __________ (*ehm, ehm*). Ciid wanaagsan, abaayadiis.
  5. Guzel;858217 wrote: What is the name of the masjid, it looks clean and beautiful. Isbaheysiga Islaamka, shortened usually to Isbaheysiga. Waa masaajidka ugu qurxoon Soomaaliya ku yaalo -- from Diradhabe to Gaarisa. Ciid wanaagsan, maryooleey. I am eating xalwo iyo buskud with the best shaah caddeys ah as I write.
  6. Yaaka heysto in uu hadda ka 'tashto'? Hanjabadiisa bilaa yacniga ah oo tabar la' waliba oo haddana dhamaadka lahayn. Wuxuuba iska dhigaa qof Soomaaliya iyo Soomaalida u haayo wax wanaagsan.
  7. Isma sharxin. Waa kasoo fikiraayaa lahaa last time I knew, inkastoo dabada ka riixooyaan by anti-Shariif Xasan group. And if isa sharaxo, I don't think in ku guuleysanaayo maadaama tolkuu kasoo jeedo kasoo horjeesan doonaan musharaxnimadiisa guddoomiye baarlamaan. They unanimously agreed qof isku sharxo guddoomiye baarlamaan in uunan tolka ka mid ahaan and stand behind Shariif Sakiin's candidacy as a president. They are united in this and that is why only Shariif Xasan isa sharxay madaxweynimada, whereas qabaa'ilada kale tobaneeyo u sharxan each.
  8. Aabihiisa wuxuu ahaa wiilka ugu wanaagsan inta uu dhalay Maxamed Siyaad Barre, haddaanan qaldaneen. Walaashey ayee isku jaamacad ahaan jireen, saasna saaxiibo ku noqdeen, weyna isqadarin jireen xataa shaqo geeye markee jaamacadda ka wada qalinjabiyeen inkastoo ay diiday. Wiilkiisa waa saas camal, qof macquul ah u egyahay.
  9. Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo iska diiday inuu ka mid yahay hoggaamiye kooxeedyada Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa magacyada xubno dhawaan ay guddiga xulista xidlhibaannadu dib u soo celiyeen ayaa iska fogeeyay inuu ka mid yahay hoggaamiye kooxeedyada Soomaaliya. Mudane Xaabsade oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in sababta loo soo celiyay uusan weli garan, isagoo sheegay inaysan jirin dacwad dambi ku caddeysay sidoo kalena uusan ogeyn halka laga keenay warkan. "Aniga hoggaamiye kooxeed ma ihi, soo celinta magacaygana waxaan u arkaan inay tahay isbaaro loo dhigtay beelaha Soomaaliyeed," ayuu yiri Xaabsade isagoo xusay in beelaha uu kasoo jeedo ee **** aysan lahayn hoggaamiye kooxeed oo ay ahaayeen beelo iska difaacayay beelo kusoo duulay, balse aysan iyagu duulaan ahayn. Mar la weydiiiyay su'aal ahayd inay saameyn ku yeelan karto soo celinta magaciisa ay soo celiyeen guddiga xulista baarlamaanka ayuu sheegay inaysan saameyn ku yeelanayn, sidoo kalena aysan wax cabsi ah gelinayn. "Khaladaadkii Soomaaliya ka dhacay waxaa looga heshiiyay shirkii Embagathi, aniga maxkamad wax iguma soo caddeyn - shuruudaha Roadmap-ka waxaa ka mid ahaa in qofkii aan dambi gelin shan sano uu ka mid noqonayo baarlamaanka, anigana lix sano ayaan Imbegathi kaddib ahaa wasiir," ayuu yiri Xaabsade. Ugu dabeyn, Xaabsade wuxuu guddiga xulista xildhibaannada baarlamaanka ku eedeeyay inay iyagu wataan in dib ay u soo celiyaan magacyada, isagoo sheegay inaysan arrintaan DKMG ah iyo Qaramada Midoobay aysan waxba ka ogeyn. Guddiga xulista xildhibaanada baalamaanka baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa waxay dhawaanahan dib u celinayeen magacyada xubnaha looga shakisan yahay inay dambiyo dagaal galeen iyo xubno kale oo qaarkood lagu celiyay aqoon-darro. Xigasho _______________________ Wax badan ayaa lagu faantamay kaabo qabiil dagaaleed maanta waa laga cararaayaa. Oh, how times change! I am awaiting Qanyare's and Yalaxoow's versions, too.
  10. They didn't because the names on that list is Maxamed Dheere, Yalaxoow, Cumar Filish iyo wixii aan wada ogeyn. Yaa yeelaayo waxaas.
  11. Sacdiya Careys Ciise Reer Careys Ciise Kaarshe deserve inay dalkooda hoggaanka u qabtaan. Waaku faraxsanahay inaa arko qof faracii Careys Ciise Kaarshe ah xildhibaanada cusub ka mid ah. Fahmo Axmed Nuur, the wife of late Maxamed Raajis Maxamed. Soomaaliya ayaa hooyadeeda iyo walaalaheeda daris ku ahayn. Reer wanaagsan.
  12. C/raxmaan Ibbi, C/casiis Sh. Yuusuf, Maxamed Dhalxa iyo Shariif Xasan Sh. Aaden isku mar ayee xildhibaano wada noqdeen, waligoodna qabqable ma noqon. Marka sababta Shariif Xasan iyo Dhalxa loogu ogalaaday inay xildhibaanada cusub ka mid noqdaan laakiin Ibbi iyo kuwa la mid ah loo diido ma aqaani. Teeda kale ra'iisul wasaaraha ayaa ku jiro liiska iyo wasiirada kale. Iyagoo xil haayo, oo dowladaan la dhisaayana aasaaskeeda qeyb lahaaa in lagu daro ma ahayn xildhibaanada cusub. Waa masuqmaasuqnimo markaas. Waaku raacsanahay in laga reebo dagaaloogiyaashii. Taas waa loo baahnaa.
  13. Enough said. Wadaadeenii hore waa noolyihiin, waa Eebbe mahadiisa. Abkoow Carabdoon iyo Carab caabud diinta ima baraayaan maanta.
  14. Sultan Dheere;857778 wrote: Because Ethiopia = Ethiopians, Eritrea = Eritreans etc. etc. so people just assumed Somalia = Somalians Why don't they assume too this: Since it is Newfoundland = Newfoundlander, New Zealand = New Zealander, Iceland = Icelander, so why doesn't the residents England become Englander, Ireland = Irelander? Scotland = Scotlander? There is other bunch too who doesn't go with this English assumption formula like Switzerland (Swiss), Thailand (Thai), Swaziland (Swazi), Finland (Finnish). Marka Soomaalida waa Soomaali.
  15. Laakiin waa runtiis Hilowloow, Soomaalida Iswiidhan degan iyo kuwa Minnesota iyo Ohio degan waxee ku jiraan Soomaalida ugu (*ehm ehm*). Dhoorenimo meelahaas ku dhamaatay. Waxaa ugu wacan dadka cusub yimaado ku badan meelahaas.
  16. He is a known admitted 'Xamardaye' man, so I don't think he is even a generation away from being a Reer Miyi.
  17. 'Reer magaaliinta' kor wax kusoo qoray jees jeesteenaayo i dishay. Islaantaas waa kasee inay la rafato jaraanjartaas socoto laakiin gabadha la socoto see camalkeeda.
  18. Marshaale received numerous threats on his life after he made this short ruwaayad in 2008. Why? He wore indhashareerka iyo naag naagta uu iska dhigaayo, where some unnamed certain bands deemed it to be 'un-Islamic.' I was in Nayroobi in 2009 when he mentioned the threats he received after he made this ruwaayad. Walaahi waa laga dhabeeye, maskiin Eebbe ha u raxmado mar kale.
  19. Che -Guevara;857490 wrote: What's it you people? You are not the one eating it. But we share families, land, diin, dhaqan iyo dal with those people who are eating it. Soon new diseases u keeni doonaan dadka ku dhex nool, if not even salivating eating human meat. Nin waraabe cunay ruux nool maas dhaafaa.
  20. Sultan Dheere;857538 wrote: All these nations at the bottom are much of a muchness. Also, I can accept that countries like New Zealand and Denmark have very little corruption. But the stinky corruption in countries like Italy, USA, Saudi Arabia etc. can be smelt a mile away. Sax. Scandinavian countries iyo Switzerland iyo New Zealand waa u ogolahay inay ka dheeryihiin masuqmaasuqnimo. Inta kale maya.
  21. Shaafici nabi lasoo diray ma ahayn. Hadduu asaga xalaal waaye yiri inaa ku raacdid waajib ma'aha. Eniwey, inta ka dhageyso Sh. Maxamuud Awcabdulle Cariif oo xaaraameeye cunida dhurwaaga:
  22. Madaxweyne Shariif oo Prof Maxamed Cismaan Jawaari la doonayo inuu noqdo Guddoomiye Baarlamaan. Khilaafka Labada Shariif oo cirka isku sii shareeraya Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay inuu maalgelin badan ku sameeyay Prof Jawaari iyada oo la sheegayo in madaxweyne Shariif uu doonayo in Prof Jawaari uu ku guuleysto guddoomiynimada baarlamaanka si uu meesha uga saaro hanka Shariif Xasan Sheekh Aaden ee ah inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in ay caqabad xoogani kasoo foodsaartay dhanka Shariif Xasan Sheekh Aaden maadaama musharixiinta ka taagan dhanka beelaha ***** uu yahay Shariif Xasan kaliya, halka beesha **** musharixiinta ka taagan ay ka badanyihiin 20 musharax. Madaxweyne Shariif ayaa rajada uu ka qabo inuu soo noqdo waxaa qeyb ka ah inuu helo Musharax kasoo jeeda beelaha **** oo isaga taageersan, doonayana inuu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka cusub ee dawladda Soomaaliya yeelan doonto mustaqbalka dhow. Musharaxaas oo uu doonayo inuu meesha ka saaro saaxiibkii hore Shariif Xasan Sheekh Aaden oo doonayo inuu mar dalka Soomaaliya ka noqdo madaxweyne. Labada Shariif oo wada doonaya hal boos oo ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegayaa in labadoodaba ay haysato caqabad uga imaanaysa beesha caalamka iyo Soomaalida maadaanma labadaan nin ay ka mid yihiin masuuliyiin musuqmaasuq baahsan u geystay hantida iyo masuuliyada shacabka Soomaaliyeed. Xigasho
  23. Maxaa ka hadleysaa, widaay. Waa Shaafici qofka baneeye, whereas Xambali and others waa xaaraameeyeen. Is Imaam Xambali against diinteena? No. Marka wadaadadeena hore wey saxsanyihiin, waana ku raacsanahay kun jeer. Many Scholars including Abu Haneefah, Maalik and ath-Thawree have prohibited the eating of hyena based on this hadith: Ibn Abbas reported that Allah’s Messenger (may peace be upon him) forbade (the eating) of all the fanged beasts of prey, and of all the birds having talons. [sahih Muslim, Book 021, Number 4754] Xigasho Is hyena a fanged beast or not? Marka ha deg degin, it is not black and white. Umul aragtidiisa dhiibtay, it is not like the final decision rests on him.
  24. Wadaadadeena hore ma diidin laakiin si kale u micneysteen xadiiska, taas oo ah waraabaha iyo yeeyga Soomaaliya laga helo wuu ka duwanyahay kan Carabta cuni jireen oo ahaa mid aan noolaha cunin hence its hilib xaaraan u ahaa. I believe them than Barbaartaan wareersan maanta socoto.