Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,655
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Oh, maan. When will this marqaan-based delirium madadaalo end? Do they think the masses can easily be fooled now? At least try filin soconaayo.
  2. No, this is not an article by the satire site The Onion. It is true that a non-existent country signs a non-existent contract with a non-existing bank. Read on. Somaliland inks deal with pseudo-bank purportedly based in China The breakaway Somaliland and China-based sham bank inked Memorandum of Understanding on a billion dollar investment in the region. Somaliland, a regional state in northern Somalia declared independence from the rest of the country, a unilateral proclamation which remains unrecognised the world over. In an event held by the bank, the state’s Investment Ministry and Maxtor Bank signed the deal seeking to implement vast development projects in Somaliland, according to the signatories of the pact. Somaliland Investment Minister, Mohamed Ahmed Mohamud who signed the MoU said the bank will handle the foreign largest investment in the region. Speaking at the event, Mr. Mohamud said Maxtor Bank will invest in the tourism industry. According to the MoU, the bank will finance in several areas including wildlife centres luxury hotels, supermarkets farms as well as universities. Pseudo Bank Name Somaliland authorities previously signed agreements with private companies to invest its areas, a move criticised by the federal government of Somalia. Among the agreement are, Berbera military base and Berbera port deal signed with the government of United Arab Emirates. The MoU between Somaliland and the so-called Maxtor was said to be shoddy, according to Hargeisa Based online media. Somaliland Chronicle, an online media reported that it revealed the Maxtor bank to be non-existent financial institution after the media contacted China Securities Regulatory Commission (CSRC) and the Bank of China. “Somaliland Chronicle has contacted China Securities Regulatory Commission (CSRC) and the Bank of China to try and find out more about Maxtor Bank and it turns out that they are not aware of the existence of this bank,” Somaliland Chronicle stated, “They suggested that we double check the name of the bank but assured us that Maxtor Bank is not on their registry.” It further noted that they researched the authenticity of the institution and its entity but found no genuine name of the bank. “In our research, the closest thing we are able to find to Maxtor Bank is UN Maxtor Bank, a website with very little information that was last updated in 2012 and few other entities with variations of the name United Nations Maxtor registered with various authorities in the United States and the United Kingdom,” it said. Somaliland Chronicle has concluded its investigation that It was entirely possible that Maxtor Bank goes by a different name, “And it may be entirely possible that it is sort of a venture capital where they will be raising the funding from private investors. Xigasho
  3. Oh, the Tigrey is still grieving about their little stooge Cabdi Ileey. Ileey is gone, ain't coming back ee iska iloow. He will experience whatever his adversaries did for the last 11 years, jeel haku uro qashinka.
  4. Maanta oo kale waxee ku beegantahay dhiibistii Qalbidhagax. Waa maalin gilgishay damiirka iyo dareenka ummadda Soomaaliyeed, nijad jab weyna u keenay. Waa Eebbe mahadiis hadduu maanta xor yahay halyeey Qalbidhagax.
  5. Secessionist, I know you lost a considerable market selling masaakiinta ummadda Soomaaliyeed to please Cabdi Ileey and Xabashi masters, but keep those lamentations to yourself. Horaa loo soconaa, stay in your safe space tuulo mentality while the rest of Soomaalida move forward in unity.
  6. Saalax, karbaashka aa ku wadid these dying breed of secessionists gacanta ma kugu xanuunto miyaa? Xataa laba laba ayaa u karbaasheysaa at the same time, even that American game of baseball players don't hit this hard while batting ee kistoo ka qaleey yaaqeey.
  7. Faarax Macallin oo Jigjiga ku sugan, laguna soo dhaweynaayo. Waa wareey. Yaa saadaalin karay tanoo kale ayaa dhici karto sanadkaan horaantiisa? Waxaa rajeynaa inuu lataliye fiican u noqdo Cagjar.
  8. Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida oo Jigjiga lagu soo dhaweeyay Axad, Agoosto 26, 2018 - Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaan-ka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamuud Cumar Cagjar ayaa isaga iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo waxaa ay tageen magaalada Jigjiga ee xarunta u ah dowlad deegaanka Soomaalida. Wafdiga waxaa ka mid ah ahaa mas’uuliyiin sar sare oo uu ka mid ahaa wasiirka Isgaarsiinta Itoobiya ahna guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee Ismaamulka Soomaalida Axmed Shide iyo siyaasiyiin uu ka mid ahaa Faarax Macalin. Boqolaal dadweyne ah ayaa ku soo dhaweeyay magaalada Jigjiga madaxweynaha cusub iyo wafdiggiisa, isaga oo la dajiyay madaxtooyada magaalada Jigjiga oo wali amnigeeda ay sugayaan ciidamada federaalka Itoobiya. Madaxweyne Mustafa ayaa lagu wadaa in uu shir guddoomiye kulan loogaga hadlayo mustaqbalka Ismaamulka Soomaalida kaasoo la filayo in uu dhowaan ka furmo magaalada Jigjiga. Jabhada ONLF ayaa soo dhaweysay doorashada madaxweyne Mustafe oo ay ku tilmaameen in uu yahay shaqsi leh himilooyinkii iyo hadafkii uu muddaba u soo dagaalamayay Ururka oo ah in la helo midnimo Soomaaliyeed. Xigasho
  9. Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo La Kulmay Gabar Qortay Buuga Qarandumis Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hinda Jaamac Maxamuud oo ah gabar qortay buug la Magac baxay Qarandumis,kulankaas oo ahaa mid Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku dhiiragelinayey. Hinda Jaamac oo kulanka kadib Warbaahinta la hadashay ayaa shegtay in ay aa dugu faraxsan tahay kulankaas,iyo in uu Ra’iisul Wasaare Kheyre akhristay buugii ay qortay. “Runtii isma laheyn Ra’iisul Wasaare Soomaaliyeed ayaad la kulmeysa balse tan waxa ay cadeyneysaa inaysan jirin madax isla weyn,waxaana hadda heysanaa madax ka shaqeyneysa nabada iyo horumarka dalka,buuga aan qorayna waxaan ugu talo galay in Soomaaliya la mideeyo lana saxo qaladaadkii dhacay. Waxa ay sheegtay in buugaan aysan u qorin inay wax ku hesho balse uu yahay mid dhalinyarada soomaaliyeed ay ku guubaabineyso inay Nabada ka Shaqeeyaan kuna dhiiradaan horumarinta dalka. Hinda Jaamac Maxamuud oo ka timid magaalada Ceerigaabo ayaa Buuga ay qortay ee Qarandumis waxa ay dhawaan ku soo bandhigtay Carwada Bandhiga Buugaagta ee lagu qabtay Magalada Muqdisho, iyada oo xilligaas guddoonsiisay mid ka mid ah Buugaas Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Xigasho
  10. Calankaan waa calankii sagaashameyadii gobolka Soomaali Galbeed lahaa. Cabdi Ileey ayaa badalay in late 2000s, geel qaabdaran meesha ku dhajiyey instead of xiddigta cad iyo calaamadda baluugga Soomaaliweyn lagu yaqaano.
  11. Gabadhaan qoraaga ah da'deeda aad u yar Ceerigaabo ayee ka timid. Waxaa ka arkeysaa inay kalsooni weyn ka muuqato. Eebbe ha u siyaadiyo aqoonteeda guud.
  12. I also checked on his Foolbuug. His writing all seems very familiar and so Abtigiis-like, if I remember correctly. He wrote this on his wall on Agoosto 6th: "Dadkuu Cabdi Iley ka dhintay labada dhanba waxay isku raaceen Mustafa inaga dilee isna yuuna ka danbeeyn. Samir iyo iimaan alle ha idinka siiyo marka hore walaalayaal. Laakiin anigu Federalna ma ihi! Dawladna ma ihi! Abiy Ahmed na ma ihi! Ee ordaya baroorta cid kale kala dul dhaca! Cabdi Iley in dadka laga qabto inaan kaalin ka ciyaaro ceeb uma arko. Waxaan u arkaa sharaf. Dadka ciilka iyo baroorta dhulka isula dhacaya ama urur ha sheegtaan ama heego caadi ah ha ahaadaane waa tuug qabyaalad qaddiyad ka dhigaya oo Cabdi-doon ah! Waxaa ka mid ah qaar halgamayaal sheegta oo saddex cisho ka hor lahaa “maashaa allah, haddaan ka dagayaa Bole International Airport, Addis Ababa” ama u sii socdaa. Saaka marka ninkeey u socdeen meesha ka baxo waxay bilaabi doonaan “Addis Ababa yaan la tagin waa xaruntii guumaysigee”!!Waxaa kaloo ka mid ah rag isla maantadaa siyaasiyiin Kenyaan ah Addis Ababa u diraya oo leh fadhi inooma yaale hadii Cabdi dhacay waa inaan meeshii ka gaadhnaa yaan cid kale inaga qaadane. Isla kuwaa unbaa markay hungoobaan bilaabi doona hebel Addis Ababa ayuu joogaa oo dambiile!"
  13. Waaaw. Meesha Adisababa miyaa? Abtigiis guul ayaan leeyahay, Eebbe hakaa madoobeeyo cadowga ummadda Soomaaliyeed, cadow badan ayaa nagu dhex jiree. I hope the so-called Soomaali 'journalists' who shamelessly keep writing 'Deegaanka Soomaalida Itoobiya' should listen to this clip. I also hope after ee dowladiisa salka dhigato to kick out Cabdi Ileey's biggest mouthpiece, see u buun buunin jireenka ka daalay - I am of course talking about Universal Tv. They should never be allowed to report from Soomaali Galbeed. Biggest cheerleaders of Cabdi Ileey will also sadly try to do inay Soomaali Galbeed u soo halgameen, sida Nimco Dareen, fannaanadii sharafta iska qaatay.
  14. Goormee dowladda dhexe Soomaaliya u hanjabtay gobol ka mid ah Soomaaliya? Mise Muuse Lokal wuu qarway?
  15. Madaxweyne Biixi: “Soomaaliya waxaanu u sheegayna haddii ay weerar soo qaadaan inaanu hayno difaac nagu filan” Talaado, Agoosto 21, 2018 - Guud ahaan dunidda islaamka ayaa si weyn loogu dabaaldegay maalinta Ciidal Adxa oo ka mid ah labadda ciidood ee ugu weyn muslimiintu ee ay iskugu soo baxaan. Gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa ciidda Adxa ku ciiday nabadgalyo iyo wakhti barwaaqo ah, waxaana ciidani ku soo beegan tahay wakhti uu habeen walba roobku da’ayo, xalay waxa magaalada Hargeysa biyo dhigay roob, kaasi oo nadiifiyey garoomadii lagu tukanayey, waxaana saaka labaddii ragcadood ee sunaha ahaa lagu tukaday iyadoo saxansaxo udgoon iyo laydh qabow oo aan boodh iyo siigo lahayn ka dhacaysay goobaha lagu tukanayey. Dadku markii salaadda ka soo dareereen waxay isku salaamayeen ciid mubaarak iyo ciid wanaagsan, waxaana wadooyinka iyo goobaha laga cuntooyo buux dhaafiyey caruur ay galbinayaan waalidkoodda, kuwaas oo wajiyadoodda ka dareemaysay farxadda ciidal Adxa. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shacabka kula tukaday masjid Jaamaca weyn ee badhtamaha magaalada Hargeysa, waxaanu dadweynaha u jeediyey khudbad duco iyo salaam ah, marka uu soo tukadayna waxa uu dadweynaha ku qaabilayey madaxtooyadda oo dadku ku soo salaamayeen. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si gaar ah carrabka ugu adkeeyey hadallada ka soo yeedhay Puntland, waxaanu yidhi “Walaallayaal ayaamahan ay xaaraanta tahay in dhiig la daadiyo ama colaadba la abuuraa, dawladdii Soomaaliya oo dhaar ku maraysay inay Somaliland soo weerarayso oo aanay dagaalka joojinaynin. Waa mid la yaab leh oo maanta Soomaaliya kama aynnu filaynin oo aynu ognahay wixii Somaliland ku dhacay inaynnu nabad iyo walaaltinimo ka taagannahay oo aynu leenahay dagaal, khasaare iyo colaad intii hore ayaa soomaali oo dhan ugu filan dadka masuuliyiinta ah Muqdisho iyo Garoowe jooga ee maanta ku dhaaranaya inay Somaliland soo weerarayaan waa Fal-nacuuduka billaahi, annaguna wixii na gaadhay ee horena waannu qabnaa, nabadna waanu ka doonaynaa, inay maanta Soomaaliyi isku dhimatona diiniyan iyo dadnimo midna sax ma aha.” Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay difaacayaan Somaliland, waxaanu yidhi “Soomaaliya waxa aan u sheegayaa haddii ay maanta weerarkaas soo qaadaan inaanu haynno difaac innagu filan iyo dalka iyo dadkaba ay ciidanka iyo dawladduba gelinayaan, waxanu u sheegaynaa inay dawladda iyo ciidamadu ku filan yihiin inay dalka ammaan geliyaan oo aan dalka lagu soo duulin oo aan khalkhal la gelinin oo nabadda aanu intaas ku baaqaynaa aanay ahayn baqe iyo taag-darro’e ay tahay waayo-aragnimo iyo danta guud oo la eegayo, ciddii ka maarmi weyda ee wixii hore ee maanta Xamar iyo Garoowe kasoo hanjabaysa miyir-qab uma aragno, haddii ay nasoo weeraraanna dadka iyo dalkaba waanu daafacaynaa.” Xigasho
  16. Yes, he chose Sacuudiga since he was born in Abha, Sacuudiga in late '90s. He represented Ingiriis' youth teams, but for seniority chose Sacuudiga, who did not select him for 2018 Ciyaaraha Adduunka, though.
  17. Wey ku qaldantahay dowladda inay u magacowdo Fahad Yaasiin wakaalada nabadsugidda. Haddee wax u dhiibeyso ha u dhiibto wasaaradda warfaafinta iyo wixii la mid ah, not nabadsugidda. Sanadahaan u dambeeyaba dad aan u qalmin ayaa jagadaas loogu dhiibaayaa iyadoo loo raacaayo saaxiibtinimo siyaasadeysan. Maxee nabadda sugaan maba yaqaanaan meel ee ka bilaabaan ba iyo ta. Nabadsugidda ma'aha sida wasaarad caafimaad ama wasaaradda waxbarashada. Wey ka sareysaa mana haboona in sida wasaarad camal loola dhaqmo. Nabadsugidda has changed a lot professionally in the last four years, laakiin qof ka soo bixi karo howshaas waa in la geeyaa, lana loo daayaa howshiisa, not Sanbalooshe iyo wixii la mid ah ama kuwa ka tirsanaan jiray Barbaarta in lagu aamino jagooyinka sar sare ee nabadsugidda.
  18. N.B.: I wish they had also showed around xeebta Liido to Caabi Axmed, the Xabashi prime minister of land-locked Xabashiland.
  19. The long-time Eritareeya's foreign minister Cismaan Saalax Maxamed visited xeebta Liido a few days ago, si nabad ahna u soo indha indheeye. The minister has spent a few days in Muqdisho to facilitate the upcoming visit of Eritareeya's president to Muqdisho.
  20. Saalax, Reer Hargeysa ha ogaadaan madaxweyne Farmaajo has bigger issues on his plates ee marka the local leaders should be suffice to handle this. Same way Yariisoow handles gobolka Banaadir, so Waqooyi Galbeed should be handled by the local ruler Muuse Local. By the way, does Hargeysa even have duqa magaalada ama duqa degmada? Waligeey meel kama aqrin if he even exists.
  21. Keep having the nightmares, keep wishing the nightmares would go away if the South stays in constant turmoil in your marqaan ecstasy of ever elusive aqoonsi.
  22. Oh, maan. How you wish if this was very 'unfortunate' for Soomaalida and Soomaaliya. Turkiga isn't going anywhere at anytime. Our relationships had never been this strong in our long history. Soomaalis are going to Turkiga for schools, vacations, seeking medical treatments and businesses. My extended family and their own families alone have been vacationing in Turkiga in the past year, instead of going to the usual places in Imaaraadka and Nayroobi. Many, many other Soomaalis are doing this, some relocating there with their families as well. Soomaalis are done with Imaaraadka.
  23. In the age of sudden and fierce anti-Oromism in Soomaalida, this thread is a timely reminder of what we share in our respective languages.