Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,714
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    326

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. LoL. I think his thinking would be what Galbeeti said. Meel walba maryooleey wey noogu horeeyaan isleeyahay.
  2. He can go alone himself under the name of lobbying for the Security Council seat I mentioned. Kanada wants to get as many votes from Afrika. Last time they lost Afrikan block votes because of the then right wing government of Stephen Harper's policies and cutting development aid to the continent. Minister Axmed Xuseen had been to Kiikuuyo land as an immigration minisiter in 2018, I think. So a little trip to Soomaaliya wouldn't hurt now.
  3. "Soldiers?" Magac ciidan haku ciyaarin yaaqeey, Saalaxoow. Ragtag drug-induced addicts militia ah ciidan ma noqon karaan.
  4. From the Canadian prime minister's official Facebook page: We’ve landed in Addis Ababa, where we’re ready to get to work on our shared priorities - because by working together, we can create more opportunities & build a brighter future for Canadians & for Ethiopians. Thanks for the warm welcome, Prime Minister Abiy Ahmed Ali. The Canadian prime minister is in Itoobiya for lobbying for a Security Council seat for Canada. He will also travel to Galbeedka Afrika. I hope wasiir Axmed Xuseen will go to Muqdisho as well soon. After all, Soomaaliya also has the same one-vote seat in General Assembly like the rest.
  5. DF oo si rasmi ah uga hadashay ciidamada ay ku daabushay Gedo iyo ujeedkooda Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay ciidamada dhowaan ay ku daabushay gobolka Gedo, kuwaas oo qabsaday degmooyin ka mid ah gobolka. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ciidamada tegay gooblka Gedo ay yihiin kuwa militari, islamarkaana tegistooda ay qeyb ka tahay difaaca dalka. “Sida sharciga uu qorayo, difaaca dalka waxaa mas’uul ka ah dowladda dhexe, ciidamada militariga ee hadda dhismaya ayagaa howshaas mas’uul ka ah, sidaas ayayna u tageen Gedo,” ayuu yiri wasiir Maareeye. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada militariga Soomaaliya ay sidoo kale tagi doonaan gobollo kale, oo dalka ka mid ah, islamarkaana aysan jirin sabab arrintaas sharaxaad looga bixiyo. Hadalkiisa ayaa imanaya, ayada qoraal shalay kasoo baxay golaha wasiirada Jubaland lagu sheegay in dowladda dhexe ay “farogelin qaawan” ku hayso dowlad goboleedka Jubaland ayna “weerar qaawan kusoo qaaday” gobolka Gedo. Jubaland ayaa ku dhowaaqday inay heegan buuxa geliyaan ciidamada kala duwan ee dowlad goboleedka Jubaland, si looga hortago, baa la yiri “weerarada qaawan ee ay dowladda federaalku kusoo qaaday Jubaland.” Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowrkii malamood ee tagay qabsaday degmada Beled-Xaawo iyo Doolow, taasi oo macanaheedu yahay in si buuxda uu gobolka Gedo, oo ka tirsan maamulka Jubaland, iminka yy gacanta ugu jiro dowladda dhexe. Xigasho
  6. Xog: DF oo billowday qorshe lagu go’doominayo Axmed Madobe laguna qabsanayo qeybo ka mid ah J/Hoose Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Dowladda Soomaaliya ay wada-hadallo la bilaawday guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Jubada Hoose ee maamulka Jubbaland. Wararka aan helnay ayaa sheegaysa in mas’uuliyiin ka tirsan Villa Somalia ay billaabeen in ay wada-hadal la galaan guddoomiyaasha degmooyinka, Badhaadhe, Afmadow iyo degaanka Dhoobleey ee gobalka Jubada Hoose, kuwaas oo ka tirsan maamulka Jubbaland. “Ismaqalkii ugu horreeyay ayaa dhacay, waxaana ku jira dadka lala hadlay saraakiisha ciidanka ee degmooyinkaas, waxaana la filayaa in dhawaan si rasmi ah u billowdo xiriirka labada dhinac” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online, islamarkaana xog ogaal u ah arirntan. Dowladda Soomaaliya ayaa wado qorshe ay gacanta maamulka Jubbaland uga saareyso degaanada maamulkaasi, marka laga reebo magaalada Kismaayo oo uu ku xoogan-yahay maamulkaasi. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in haddii maamulka Axmed Madoobe lagala wareego degmooyinka aan soo sheegnay ee Jubada Hoose, ay suurta-gal tahay in si fudud looga saari karo Kismaayo oo ah meesha kaliya oo ay ku hari doonaan. Sidoo kale Xogta ayaa sheegaysa in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay qabsato Jubada Dhexe, kadibna ay degaanada Jubbaland ka dhisto maamul cusub oo la shaqeyn kara Xukuumadda Soomaaliya. Tallaabooyinkan ayaa imanaya ayada oo dowladda ay iminka si buuxda gacanta ugu dhigto gobolka Gedo. Lama oga halka ay ku danbeyn doonto xiisadda Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya oo gaartay heer aad u sareeyo. Xiisadda labada dhinac ayaa laga cabsi qabaa in ay isu badasho xaalad ciidan hadii aan si deg deg ah loo xalin. Xigasho
  7. Nothing new is from this Dhurwaa. I had seen on my own eyes of Waqooyi youths in Muqdisho, their capital. Many of them are bajaaj drivers. Meeshee ka imaadeen shaqo ma taalo ka ahayn jaad cunid iyo hallucinations. Their options are either to tahriib to Yurub via Carabaha or go to their capital, Muqdisho, in order to find work and decent standard of living.
  8. Ah, the Tigrey agent always calling Soomaaliya's regions 'enclaves.' You never catch him calling his own Tigrey region or Oromiya an enclave. What is worse is that a self-hating Soomaali ku sheeg secessionist sewage-dweller halfwit is laughing with him.
  9. Yuusuf Garaad Cumar oo taageeray mid ka mid ah maamullada Galmudug Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa sheegay in ay jiraan sababo badan oo lagu dhaliili karo, laguna diidi karo doorashadii Madaxweyne Qoor-Qoor, balse dantu ay ku jirto in la aqbalo. Qoor Qoor ayaa ka mid ah saddex madaxweyne oo Galmudug sheegta, waxaana labada kala ay kala yihiin Axmed Ducaale Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir. Yuusuf Garaad oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in ay muhiimaddu tahay maamul ay aqoonsantahay dowladda dhexe. Ex wasiir Yuusuf Garaad ayaa xubnaha la doortay ugu baaqay in aysan dib ugu soo laaban guryahoodii Muqdisho, balse ay gutaan howlaha shaqo ee hor yaalla. “Waxaan ugu baaqayaa in la heshiinta xoogagga Gobolka la jooga iyo isu soo celinta Baarlamaanka aanay marti uga noqon kana sugin cid kale” Ayuu yiri. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran Doorashada GalMudug sababo badan oo lagu dhaliili karo ayaa muuqda. Xataa kuwo lagu diidi karo waa jiraan. Haddana, aragtideyda, danta guud waxay ku jirtaa in maamulka uu Federaalku aqoonsan yahay ee ay Hoggaamiyaan Madaxweyne Qoorqoor iyo Guddoomiye Gacal iyo ku xigeennadooda lala shaqeeyo, lagana shaqeysiiyo. Labada mas’uul iyo Golaha Baarlamaanka waxaan ugu baaqayaa in aanay ismahadin oo aanay intaan libin ka dhigan. Libintu waxay ku jirtaa in horumar la gaaro oo howl wanaagsan ay qabsoonto taas oo ku xiran in wadashaqeyn laga helo inta kale intooda badan. Waxaan ugu baaqayaa in la heshiinta xoogagga Gobolka la jooga iyo isu soo celinta Baarlamaanka aanay marti uga noqon kana sugin cid kale. Waxaa rajeynayaa in aanay dayaarado soo raacin oo aanay ku soo laaban guryahooda Muqdisho inta ay xilka hayaan, marka laga reebo maalmo kooban oo safar shaqo ama fasax ah. Xigasho
  10. Inkaarqabiyaashii Imaaraadka have also bribed Dotard in order to host him in Aqalka Cad in the coming days. His fate will be worse than madaxweyne Bashiir.
  11. In light of his death today, this admission of Moi back in 2003 needs to be revisited.
  12. Jecliyaa calaacalka tuugaan xildhibaan ku sheega ah oo ciyaal faay cali ka tirsanaan jiray sida la yiri. Mahad Salaad bartiisa Feysbuug wuxuu soo dhigay qoraalkaan wada beenta miiran: Muddo 72 sanadood ah dowlada Maraykanka kama shaqayn maslaxada dadka iyo dowladnimada Soomaaliya! 1. 1948 markii Maraykanka uu yimid Soomaaliya wuxuu u ololeynayay in Soomaaliya gacantii gumeystaha Talyaaniga aysan ka bixin. 2. 1960 markii xorriyada aan qaadanay Soomaaliya wuxuu kala dagaalamay in ay dhisato ciidan qaran oo amnigeeda suga, xuduudaheedana ilaaliya, si Itoobiya u noqoto quwadda kaliya ee Geeska Afrika ka jirta. Waana sababtii Soomaaliya ku riixday in ay aado dhinacii Midowga Sofiyeeti. 3. 1977 markii dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya uu bilowday Maraykanka wuxuu ka shaqeeyay in khubaradii Ruushka ee gacan siinayay ciidamada Soomaaliya la cayriyo, si loo fashiliyo guulihii ciidamada Soomaaliya ka gaareen dagaalkii Itoobiya. Waana sababtii ugu wayneed ee horseeday guuldaradii Soomaaliya kasoo hoysay dagaalkaas, sababtoo Ruushka wuxuu hayay istaratiijiyada dagaal ee ciidamada Soomaaliya ku dagaal galayeen. 4. 1977 - 1990 guuldaradii dagaalkii Itoobiya laga dhexlay iyo jabhadihii ku kacay xukunkii Maxamed Siyaad Bare markii ay isbiirsadeen Maraykanka waxay Siyaad Bare siiyeen hubkii dadka iyo dowladnimada Soomaaliya lagu baabi’iyay. Shacabkii hubkaas lagu xasuuqay waxaa ka mid ahaa shacabka reer Somaliland. 5. 1991 Maraykanku wuxuu taageeray jabhadihii Soomaaliya qabsaday, si loo burburiyo intii ka hartay dowladnimada Soomaaliya, dalkiina cad-cad ayuu u qaybiyay. 6. 1992 - 1994 markii ciidamada Maraykanka yimaadeen gudaha Soomaaliya waxay ku dhex milmeen is riix-riixii qabiilada dhexdooda ahaa waxayna dagaal ay ku jabeen la galeen kacdoonkii uu hoggaaminayay AUN Gen. Maxamed Faarax Caydiid. 7. 1994 - 2009 mudadii u dhaxeysay Maraykanka waxay taageereen hoggaamiye kooxeedyadii Koonfurta Soomaaliya kajiray. Markii Maxkamadaha Islaamiga ah meesha ka saareena waxay ka shaqeeyeen in ciidamada Itoobiya ay soo galaan Soomaaliya lana dagaalamaan wadaadadii ka arriminayay Koonfurta Soomaaliya. Waxaana dagaalkaas ku naf waayay kumanaan Soomaali ah. 72 sanadood kadib maanta waad aragtaan siyaasada gurracan ee dowlada Maraykanka kula dhaqmayso guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug iyo gaboodfallada Safiirka Maraykanka Amb Donald Yamamoto ku gacan siinayo nidaamka Farmaajo ee Kaligii Taliska ah. Ugu danbeyntii waxaan ugu baaqayaa dadka reer Galmudug in ay gacmaha isqabsadaan una midoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen siyaasada ma dhalayska ah ee Maraykanka hormuudka ka yahay ee lagula dagaalayo dadka reer Galmudug. Waanan ka guuleysanaynaa inshaa’allah sidii marar badan aan uga guuleysanay iyaga iyo kuwa ay ku shaqeystanba. Mahadsanidiin. ___________________
  13. It was not '90s.' Waligoodba diinta iyo nabiga ayee aflagaadeen jireen, from day one. Nabigaaga w** iyo diintaada w** wax sagaashameyadii bilowday ma'aha. They had and have zero understanding of diinta, waana dad iska marqaansan 24 hours with their childish mentality.
  14. It was not Reer Koonfur Galbeed kii isku qarxiyey Xalane, the former xildhibaan. Sidoo kale kii diyaaradda Daallo isku qarxiyey Reer Waqooyi ayuu ahaa. Ditto to the biggest argagaxiso of them all, Godane, another fellow Reer Waqooyi of yours. So was that lady who isku qarxisay hoteelka Central four years ago, another fellow Reer Waqooyi of yours. War lee maa wadeynaa.
  15. Beesha caalamka has no choice but to hambalyeeyaan madaxweynaha Galmudug. Sidii hore awood uma laha.
  16. Once again this statement from U.S. embassy in Xamar proves how beesha caalamka bahlaha loogu rifay.
  17. Qoorqoor: Sharaf bey ii tahay inaan xiriir la leeyahay madaxda DF Soomaaliya Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ka hadlay doorashadii uu maanta ku soo baxay iyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan deegaanada uu ka arimiyo maamulka hoggaankiisa loo doortay. Qoor-Qoor oo la hadlay VOA ayaa ugu horeyn waxa uu sheegay in doorashadiisu ay aheyd mid u dhacday si xor ah, muddo dheerna loo diyaar garoobayey. Mar wax laga weydiiyey tuhunka jira ee ah in dowladdu wadatay oo ay uga xaglisay musharaxiintii kale, ayaa waxa uu sheegay in uu ku faanayo xeriirka iyo wada shaqeynta kala dhexeysa madaxda dowladda federaalka, isla markaana uu ku faanayo. “Anigu inaan xilkan isku soo sharaxo xaqbaan u leeyahay sanad iyo wax ka badan ayaana musharax ahaa, inaan dowladda xiriir iyo wada shaqeyn la leeyahayna sharaf ayey ii taha, anigu maahi dadka khilaafka iyo khalalaasaha ka shaqeeya, mar walba in dowladnimada Soomaaliya horay loo sii wado ayaan ka shaqeeyaa” ayuu yiri madaxweynaha cusub ee Galmudug. Sidoo kale waxa uu sheegay madaxweyne Qoor-Qoor in khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Galmudug uu xalkiisa raadin doono, qolo kasta oo wax tabanaysana uu meeshooda ugu tagi doono. Qoor-Qoor ayaa sidoo kale cid kasta oo tabasho qabta ka dalbaday inay soo fariistaan miiska wada hadalka, isagoo balan qaaday in uu xali doono tabashadooda. Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ka mid ahaa musharaxiin afar ah oo maanta u tartantay xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ku soo baxay doorasho socotay wax ka yar 30 daqiiqo, waxuuna helay 66 cod oo ka mid ah codadka 77 xildhibaan oo kulanka soo xaadirtay. Xigasho