-
Content Count
17,651 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
And here it is from the mouthpiece: Al-shabaab oo shaaciyay inay madax furasho ka qaateen sii daynta haweeney u dhalatay Talyaaniga Afhayeenka al-Shabaab Cali dheere oo waraysi khadka taleefanka siiyay wargeyska Talyaaniga, La Repubblica ayaa u sheegay in kooxdu madax furasho ka qaadatay sii daynta haweenay samafal ahayd oo u dhalatay dalka Talyaaniga. Cali Dheere ayaa sheegay madax furashadaas inay u adeegsan doonaan si ay ugu maalgaliyaan wuxuu ugu yeeray Jihaadka Soomaaliya iyo gobolka Bariga Afrika. "Qayb ka mid ah lacagta waxaa loo isticmaali doonaa in lagu iibsado hubka loo baahan yahay in lagu fuliyo howlgallada Jihaadka," ayuu yidhi Afhayeenka al-Shabaab Cali Dheere. “kala badh ayaa lagu isticmaali doonaa arrimaha horumarinta ee ka socda iskuulada, cuntada iyo daawooyinka la siinayo dadka baahan, iyo barnaamijyo tababaro ah oo la siinayo Boliskayaga oo ilaaliyaya hirgalinta shareecada, ”ayuu raaciyay hadalkiisa. Af hayeenka ayaa xaqiijiyay in kabadan 10 qof ay kaqeyb galeen afduubkii loo geystey Silvia Romano, laakiin wuxuu dafiray howlgalka in ay qorsheeyeen hogaamiyaasha Al-Shabaab. Mar wax laga weydiiyay sababta aysan si fool xun ugula dhaqmin Silvia u ahayd badeecad qaali ah oo ay ka gorgortamaan. “Silvia waxay ahayd badeecad qaali noo ah inaan gorgortan ku galno., AlShabaabna way ixtiraamaan dumarka,” ayuu yidhi afhayeenka Al-Shabaab
-
I think Reer Turkiga did more than intelligence field they claim. They might have paid a ransom money, plus the victim herself reverted to Islam, which might have facilitated her release. Turkish intelligence agency rescues a kidnapped Italian citizen in Kenya Rescued Italian citizen Silvia Constanzo Romano is handed over to Italian authorities in Mogadishu, the capital of Somalia. Turkey’s National Intelligence Agency (MIT) has rescued an Italian citizen, who has been kidnapped in Kenya and taken to Somalia, as a result of coordinated efforts. According to the information obtained from Anadolu Agency's security sources, the Italian authorities made a request to MIT for the 25-year-old Italian citizen Silvia Constanzo Romano, who was abducted in the Chakama region of Kenya and taken to Somalia in November 2018. Thereupon, MIT started to examine the situation of Romano in December 2019. Activating the local intelligence network in the region, MIT first determined that Romano was alive. As a result of the coordinated work carried out with the relevant units of Somalia and Italy, Romano was rescued and handed over to the Italian authorities by MIT on Saturday in Mogadishu, the capital of Somalia. The Italian media reported that Romano volunteered at the aid organisation called Milelel Onlus in Africa and has been in Kenya for this purpose for some time. Italian media emphasised that Romano was rescued as a result of the operation carried out in cooperation with Turkish, Somali and Italian secret services. Italian Deputy Minister for Foreign Affairs and International Cooperation Marina Sereni confirmed the cooperation in a statement to Italian LA7 TV. "There has been cooperation with the Turkish secret service in the region to locate and take action at the right time," he said. Rescued from the operation held on May 8-9 after 18 months of captivity, Silvia Romano arrived at Ciampino Airport in the capital city of Rome by noon by private jet belonging to the Italian state. Romano, Italian Prime Minister Giuseppe Conte, Foreign Minister Luigi Di Maio and his family welcomed, while the 25-year-old girl thanked those who contributed to his rescue. Gunmen seized Romano, who was working for an Italian charity called Africa Milele, in northern Kenya in November 2018. No group claimed responsibility for the kidnapping, which brought fears of an upsurge in attacks by militants. Police and residents said at the time that the gunmen seized the young woman from a guesthouse in Chakama, a small town south of the border with Somalia and near the coast. The Somali militant group Al Shabab has periodically staged attacks in Kenya, including an attack on a university in April 2015 in which 148 people were killed. TRT World
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa maanta u baahisay bulshada xaaladaha ku soo kordhay dalka ee caabuqa COVID-19. Wasiirka ayaa ku dhawaaqday tirada xaaladaha cusub ee maanta in ay tahay 81 xaaladood oo lagasoo xaqiijiyay 5 maamul goboleed oo kala duwan. Gobolka Banaadir ayaa laga xaqiijiyay 44 xaaladood, Maamulka Jubbaland 24 xaaladood, Mamulka Puntland 6 xaaladood, Maamulka Somaliland 5 xaaladood iyo Maamulka Hirshabelle 2 xaaladood. Wadarta guud ee xaaladaha la xaqiijiyey ayaa noqoneyso 1,170 xaaladood iyadoo ay bogsootay 5 bukaan. Majirin wax dhimasho ah 24kii saac ee lasoo dhaafay. Wasiirka ayaa la wadaagtay fariimo waciyigelineed dhammaan bulshada gaar ahaan dhalinyarada maadaama ay yihiin da’da uu aad u saameeyay caabuqa, in laga rabo inay muujiyaan taxadar aad u farabadan, ayna si ficil ah u dhaqangeliyaan siyaabaha looga hortago caabuqa. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Latest report: -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
War lagu farxo: Been fakatay run ma gaarto indeed. Dowladda dhexe helping its citizens. -
Unlike you with your cuqdad-ridden against your Soomaali capital city, nothing makes me proud and happy to see Muqdisho - a city I was born in, bred in, grew in, invested in - make a tremendous progress while you die of hatred inside to see it rise and shine. Waa isnaqaan yaa secessionist cuqdad dishay.
-
Somaliland region police steals cars belonging to khat dealers
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Saalax's topic in Politics
Beyond tuugnimo. I guess tuugnimo 2.0 version waaye. -
So she reverted to diinteena suuban, too and changed her name to Caasho. I am waiting the attacks from Talyaani media any day now. ______________________ Conversion to Islam not forced, says rescued Italian Rescued Italian aid worker Silvia Constanza Romano, who has embraced Islam, says she converted on her own will and not by force. Romano, 25, was abducted from Kenya’s southeastern coastal town of Chakama in November 2018. She was rescued on Sunday through joint efforts by Turkish, Somali and Italian intelligence services. "They assured me that I would not be killed, and so it was,” Romano told Italian news agency ANSA. On her conversion to Islam, Silvia said it happened mid-captivity. "It was spontaneous and not forced. In these months I was given a Koran and thanks to my captors I also learned some Arabic,” she said. “They explained their reasons and culture to me. My conversion process has been slow in recent months. There was no marriage or relationship, only respect." Italy's deputy foreign minister acknowledged Turkish cooperation during the rescue operation. “There had been cooperation with the Turkish intelligence service to locate her and take action at the right time,” Marina Sereni told LA7 TV channel. Xigasho
-
Cadnaan ee ku dhaheen. Laakiin magaalo madaxdii Soomaaliya ee Muqdisho maa degmooyinkii la barbardhigeysaa? Reer Hargeysa ilaa iyo hadda waxeeba sameysan karin la yihiin tubooyinkii biyaha guryaha ugu keeni lahaa. They have a severe lack of running water. All wixii xumaa ka dhacaaye Xamar, I had never seen guryaha badankooda Xamar ku yaalay oo biyo tuba la'aan ah, even during the heyday Cali Mahdi vs Caydiid conflict in '91, '92. Many of guryaha Xamar still had a running water. When I went back first time in 2003, all the houses I had seen had a running water 24 a day.
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Eastleigh residents protest containment measures A section of Eastleigh residents took to the street yesterday to protest restriction of movement in the area and appealed to the government to provide them with relief food. They say their livelihoods have been disrupted, leaving them with no means of generating daily income during the 15-day period that the State imposed cessation of movement starting May 6, 2020. They said they have not reported to their places of work since Friday last week, making it hard for them to provide for their families. Eastleigh Business Community General Secretary Ahmed Noor pointed out that whereas shop owners are counting losses due to lack of business brought about by the lockdown, it is their employees who are feeling the pinch most since they have nowhere else to gain income. “As business owners, we can weather the lockdown but what will happen to those who earn a living in Eastleigh such as house helps, car washers, trolley pushers, waiters, security guards and many more who depend on the Eastleigh economy to survive?” posed Mr Noor. He said that while closure of the business-hub was a good step in containing the spread of Covid-19, he called on the government to also carry out targeted mass testing across Nairobi to establish the true picture of the spread of the virus in the capital. He reckons that targeted mass testing will help in tracing people who work in Eastleigh but live in other parts in Nairobi. Area MCA Osman Adow also echoed the concern that many people who depend on Eastleigh for their livelihoods risk starvation during the lockdown. “We are not fighting the lockdown but I think our officers stationed at the various border points should be instructed to allow vehicles ferrying foodstuff in and out of Eastleigh to pass because if they ground them then this will put area residents at risk of starvation,” said Mr Adow. Even as they called for mass testing, the government last week ruled this out in areas such as Eastleigh and Old Town in Mombasa. Health Director General Patrick Amoth said targeted testing was only applicable in specific circumstances like when it is not possible to map contacts. Eastleigh, known for its shopping malls, eateries and a teeming population, has registered more than 67 cases of Covid-19. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Ku dhawaad 40 kamid ah ciidamada Amisom oo laga helay Covid19 Ilo wareedyo katirsan howlgalka midowga afrika ee Somalia ayaa u sheegay The EastAfrican in ilaa iyo hada la xaqiijiyey 30 kiis oo katirsan ciidamada Ugandha iyo 7 kamid ah ciidamada Burundi. Kiisaska degdegga ah ee 'Covid-19' ee Soomaaliya ayaa u diidaya nabad-ilaaliyayaasha Howlgalka Midowga Afrika hawlgallada muhiimka ah ee ka dhanka ah kooxda al-Shabaab. Amisom waxay leedahay ciidamo ka socda Ethiopia, Kenya, Djibouti, Uganda iyo Burundi. Askarta Amisom ee xanuunka laga helay ayaa lagusoo waramayaa inay kusugan yihiin xerada Xalane, xaaladooda caafimaadna waa arin sirdoon militari ah. Tan iyo markii uu bilowday Covid-19, Amisom waxa ay hoos u dhigeysay howlgaladeeda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna kaliya ka fulinayaan howlo muhiim ah xaafado ka tirsan shabeelaha Hoose, iyagoo ka fogaanaya in uu cudurku saameeyo. Horraantii toddobaadkan, Cabdirisaaq Yuusuf Axmed, oo hogaaminaya kooxda wax la tacaalida Covid-19 ee Soomaaliya, ayaa adduunka uga digay inay jiri karaan kumanaan kiis oo aan laga warqabin dalka. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Kadib toddobaayo murugo ah, war wanaagsan oo kasoo yeeray Isbitaal Martiini Maamulka Isbitaalka Martiini oo ah isbitaal gaar u ah la tacaalidda cudurka Coronavirus ayaa shaaciyay in 42 bukaan oo kamid ah kuwa xaaladahoodu adkaayeen ay bogsoodeen oo haatan isbitaalka laga saaray. Dadkaas 34 kamid ah waxay ahaayeen rag, halka sideeda kale ay dumar ahaayeen. Inta badan bukaannadaas ayaa isbitaalka la seexiyay kadib markii ay ku adkaatay neefsashada, waxaana lagu xiray qalab u fududeeya inay neefsadaan. Sida lagu baahiyey warbixin kasoo baxday. Baadi Duqoow Macallin waxa uu ahaa bukaan muddo todobaad ah ku jiray isbitaalka, waxuu ka baxay xaaladdii adkayd ee uu geliyay xanuunkaas, haatana dhakhaatiirta ayaa u ogolaatay in uu gurigiisa isku karantiilo. Baadi waxa uu sheegay in uu isbitaalka yimid isaga oo aan eheladiisa ogeysiin sababo la xiriiro cabsi laga qabay in uusan daryeel ka helin, balse uu isbitaalka kala kulmay daryeel fiican, sida lagu sheegay warbixinta. “Waxaan halkan imid aniga oo iska quustay, neefstuna igu xirmeyso, oo ay yartahay rajadeydu, Alxamdulillaah maantana cagaheyga ayaan uga baxayaa. Been fakatay run ma gaarto ee waxa aan filaayay iyo waxa aan halkaan kala kulmay waa kala duwan yihiin” ayuu yiri Baadi Duqoow. Dadka da’da ah ee gaara xaaladaha adag oo neefsiinta u baahan, aad ayey u yar tahay inay ka badbaadaan xanuunkan, balse nasiib wanaag tiro badan oo bukaannadaas ah ayaa bogsooday, iyada oo guryahooda loo fasaxay, xaaladoodana ay dhakhaatiirtu la socon doonaan. Sidoo kale warbixintan waxaa lagu sheegay in Dahabo Xasan oo isbitaalka la geeyay iyada oo miir-daboolan, waxay ku dardaarantay ‘inaan isbitaalka Martiini la geynin’ balse ehelkeeda markii ay ku arkeen astaamaha COVID-19 ayey go’aansadeen inay geeyaan Martiini. “Xaalado adag ayaa isoo maray intaanan isbitaalka la i keenin, habeen dhan ayaan koomo galay, kadibna si qasab ah ayey reerkeyga halkaan igu keeneen, ilaahey mahaddiis hadda waxaan marayaa in gurigeyga la ii fasaxo anigoo caafimaad qaba”, ayey tiri Dahabo. Isbitaalkan waxaa la sheegay in lagu sameeyay horumarin waxaana ka howl gala dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal isku bedela shaqada, kuwaas oo xilli kasta heegan ah. Maamulka Isbitaalka ayaa bahda caafimaadka uga mahad celiyay sida ay uga go’antahay daryeel u fidinta dadka la il daran xanuunkaas ee la keeno Isbitaalka iyo xakameynta faafitaanka Feyruska Corona. Dadka ka baxa isbitaalka ee guryahooda isku baxniininaya ayaa isbitaalka kusoo laabta todobaadkiiba mar si baaris dheeri ah loogu sameeyo, loona xaqiijiyo inuu Feyrusku jirkooda ka dhamaaday, sida lagu sheegay warbixintan. Dowladda ayaa hirgelisay xarunta xariirka COVID19 oo ka kooban taleefoon gaaban oo dadku si toos ah usoo wacayaan iyo hab (Application) taleefannada lagu degsado oo dadka isaga shakiya xanuunka ay kula xariirayaan dhakhaatiirta si ay u helaan talo caafimaad iyo gargaagka ay u baahanyihiin. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
FARMAAJO oo shaaciyey qorshe lagu maamuusayo dhaqaatiirta Soomaaliyeed Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay kulan uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la qaatay qaar ka mid ah Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee la tacaalaya xakameynta cudurka Coronavirus, oo uu ku shaaciyey qorshe lagu maamuusi doono. Kulankaas oo ahaa mid dhiirra gelin ah ayaa looga hadlay xaaladda caafimaad ee dalka, baahiyaha jira iyo dadaallada socda ee lagu xakameynayo cudurka COVID-19. Kulankan oo ku qabsoomay khadka internetka ayaa Dhakhaatiirtu waxa ay kula wadaageen Madaxweynaha warbixin ku saabsan halista cudurkan safmarka ah, saameynta uu ku yeeshay dalka iyo duruufaha ay ku shaqeynayaan dhakhaatiirta caafimaadka ee ku howlan la tacaalidda cudurkaas. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Dhakhaatiirta, kal-kaaliyeyaasha, adeegayaasha iyo guud ahaan Bahda Caafimaadka dalka dadaallada ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku guuleysanayaan dagaalka ay kula jiraan xakameynta cudurkan, xus iyo Maamuus Qaranna loo sameyn doono halyeeyada Bahda Caafimaadka ee xilligan. “Waxa aad noola mid tihiin halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka, si ay cadawga uga difaacaan dalka. Waxaan idiin ka mahad-celinayaa sida halyeeynimada ah, daacadnimadu ku jirto ee habeen iyo maalinba aad ugu soo jeeddaan shacabkiinna iyo sidii aan u xakameyn lahayn halista caafimaad ee cudurkan safmarka ah” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Farmaajo ayaa tilmaamay in mas’uuliyadda ugu weyn ee dalka ay haatan saran tahay Bahda Caafimaadka oo indhiho u ah wakhtigan adag. Waxuuna xoojiyey wal-walka ku aaddan inay yartahay feejignaanta bulshada ee cudurkan iyo halistiisa sii kordheysa, iyada oo la fududaystay talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka. Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee sida naf hurnimada leh habeen iyo maalinba ugu sugan xarumaha karantiilka bukaannada cudurka Coronavirus. -
And the abuse of innocents does not abate
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Maafiyadaan Muuse Muqayil ka koow yahay bililiqo ayee ku dhameeyeen waqtigooda. Wey ogyihiin meesha inay waxba ka soo socon, so bililiqada hantida iyo dhulka danta guud ayee si ba'an u wadaan tan iyo sagaashameyadii. XOG laga bixiyey ‘muran dhuleed’ lala xiriiriyey Saylici oo ka taagan BOORAMA Badhasaabka gobolka Awdal, Cabdiraxmaan Axmed Cali oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Boorama, ayaa ka hadlay muran baahsan oo ka taagan dhul la sheegay inuu si xoog ah ku qaadanayo Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici. Badhasaabka ayaa sheegay in dhulkaasi oo ku yaala buurta Faaraxyood ee magaalada Boorama ay yihiin dhul dan-guud ah oo ay ugu deeqeen qolo Hay’add ah oo ka dhisaysa Xarun lagu hayo Agoonta. Sidoo kale waxa uu sheegay Badhasaabku in dadkii ku doodayay dhulkaasi ay is arkeen, balse ay warbaahinta u sheegen wax ay isla ogeyn, kuwaasi oo Madaxweyne kuxigeenka ku eedeyay inuu awood dowladeed kala wareegayo dhulkaasi. Badhasaabka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedahaasi Saylici lagula xiriiriyay dhulkaasi oo maalmihii u dambeeyay uu ka taagna muran xoogani, iyada oo dhawaan ay warbaahinta kasoo muuqdeen qoysas danyar ah oo sheegayey in si qasab ah looga qaadayo dhulkooda. Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa inta badan dhaleeceyn loogu jeediya arrimo la xiriira dhulka, xili ay isasoo tarayaan dad badan oo ku doodaya in dhulkooda ay si xoog ah uga qaadanayaan Madaxda ugu sareysa Somaliland, sida Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) Lataliyaha Sare ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa dhambaal u diray dhalinyarada isagoo yiri ‘’ Isbadbaadi oo badbaadi waalidkaa’’ iyada oo macnaheeda tahay inaad naftaada ka taxadartid oo aad iska ilaaliso, badbaadi waalidkaa oo ha noqonin mid u gudbiyo caabuqa waalidkiisa iyadoo keeni karto inaad waalidkaa uu saameeyo cudurka. Sidoo kale wuxuu u diray fariin iskaashatada gaadiidleyda asagoo ku booriyay in ay ka qeyb qaataan xakameynta caabuqa ayna ka dhigaan shuruud in dhamaan rakaabka ay soo qaataan af-xir. Wuxuu sii adkeeyay fatwadii culumada Soomaaliyeed in imaamada masaajidda dhaqangeliyaan maadaama ay aheyd qaab ka mid ah xakameynta faafidda caabuqa. Wuxuu ku daray daryeelka waalidka ama dadka waayeelka ah in ay si gaara loo daryeelo aysan bulshada soo dhaxgelin, hadey dan yeeshaan aysoo xirtaan af-xir dadkana ka fogaadaan. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Dr. Fawziya Abikar Nur, Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ayaa maanta oo ay tahay tariikhdu tahay 11 May 2020, la wadaagtay bulshada xaaladaha ku soo kordhay Dalka ee caabuqa COVID-19. Wasiirka ayaa ku dhawaaqay tirada xaaladaha cusub ee maanta in ay tahay 35 xaaladood oo laga soo xaqiijiyay 3 maamul goboleed oo kala duwan. Gobolka Banaadir ayaa laga xaqiijiyay 24 xaaladood, Maamulka Puntland 8 xaaladood iyo Maamulka Somaliland 3 xaaladood. Wadarta guud ee xaaladaha cusub ayaa noqoneysa 1089 xaaladood, waxaa geeriyooday 1 bukaan sidoo kale waxaa bogsooday 3 bukaan. Wasiirka ayaa xaqiijisay in aan laga daaleyn ku celcelinta fariimaha wacyigelineed iyo inaan awoodeena u mideyno sidii aan u xakameyn laheyn caabuqa ku sii baahaya bulshada dhaxdeeda. Sidii caadada ahayd wasiirka ayaa bulshada u sharaxday qaababka looga hortago caabuqa sida gacmo dhaqasho joogto ah, yareenta bixidda ama aadista meelaha dadka faraha badan isugu yimaadaan iyo xirashada af-xirka. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Wacyi-gelinta cudurka Corona: Fariin ku socota hooyada nuujineysa ilmaha iyada oo qabta cudurka COVID-19. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics