Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,655
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. A secessionist's wild inkaar haddee shaqeyn lahayd waa hore ayee shaqeyn lahayd. Habaarkooda adiga lee yuunan kugu soo noqon.
  2. Adeer-raali-ahoow-meeting: Maxay ka wada hadleen Kheyre iyo Jawaari? Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre oo u sharaxan xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta hoygiisa qado sharaf ugu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka mudane Maxamd Sh. Cusmaan Jawaari oo booqasho ugu yimid. Kheyre iyo Jawaari ayaa yeeshay Kulan saacado qaatay oo ay uga wada hadleen doorashooyinka, xaaladda kala guurka iyo Mustaqbalka dalka. Xasan Cali Khayre ayaa intii uu kulanku socdsay waxuu ku celiyay muhiimadda ay ummadda Soomaaliyeed u leedahay doorasho la isla ogolyahay oo waqtigeeda ku dhacda si looga baaqsado khalkhal dhinacya badan oo dalka ku yimaada. Khayre oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha baneeyay July 25, 2020 kadib markii Madaxtooyadu ay qoonsatay aragtidiisii aheyd in la qabto doorasho la isku raacsan yahay oo waqtigeeda ku dhacda, ayaa dhawaan shaaciyay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha dalka. Musharax Maxaweyne Xasan Cali Kheyre oo noqday ra’iisul Wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee xukuumad hoggaamiya buruburkii kadib ayaa intii uu ahaa wasiirka koowaad waxuu ku guuleystay dib-u-dhiska ciidanka, dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka, dowlad wanaagga iyo la dagaallanka Musuqmaasuqa. Xigasho
  3. Madax goboleedyada oo isku aragti ka noqday inta badan qodobada la isku hayo Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Muqdisho ka socda ayaa soo sheegaya in dhamaan Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada dalka ay isku aragti ka noqdeen inta badan qodobada la xiriira. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in kulamo gaar ah oo ay dhinacyadu qaateen ay isku aragti ka noqdeen arrimaha doorashada waxaana aragti keli ah qaba madaxweyne Farmaajo, Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyihii Cumar Finish. Dhamaan Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada dalka ayaa markaan isku fahmay in siyaasad mideysan ku qaabilaan Madaxweynaha Soomaaliya kadib markii Qoor Qoor iyo Lafta Gareen ka fogaadeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wararka ayaa sheegaya in qodobada ay isku raacsan yihiin maamul goboleedyada ay ka mid tahay in la yareeyo tirada ergada codeyneysa, in meesha laga saaro hanaanka xisbiyada iyo in doorashadu ay ka dhacdo hal magaalo. Dhammaan qodobadan ayaa u muuqda kuwa hal ujeedo laga leeyahay oo ah in maamul goboleedyada ay doonayaan inay kaalin muuqata ku yeeshaan xildhibaanada cusub. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in madax goboleedyada ay doonayaan in awood dheeri ah laga siiyo maamulka doorashada, halka dowladda ay dooneyso in loo madax baneeyo guddiga doorashada. Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in tani ay horseedi karto in Madaxweyne Farmaajo uu tanaasul badan sameeyo, six al loo gaaro.
  4. Xubno dheeri ah oo kusoo biiray shirka Farmaajo iyo madax goboleedyada Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya shirka Villa Somalia ee madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada ayaa sheegaya inay kusoo biireen xubno kale oo dheeri ah. Wararka ayaa sheegaya in shirka oo xalay dib u billowday ay kusoo biireen guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo sii-hayaha ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed Khadar. Kusoo biirista Mahdi ayaa la sheegay in ujeedkeedu yahay inuu shirka ku matalo beelaha dega gobollada waqooyi oo aan lahayn maamul goboleed shirka u fariista, balse ma cadda sababta uu Mursal ugu soo biiray. Wararka qaar ayaa sheegaya in kusoo biirista Mursal ay muhiim tahay sababtoo ah heshiis kasta oo la gaaro waxaa la horgeyn doonaa baarlamanka, sidaas darteedna waxaa laga fursan waayey in Mursal uu talo ku yeesho qodobada lagu heshiinayo. Ku biirista Mursal iyo Mahdi ayaa sidoo kale taageero siin karta madaxweynaha, xilli ay muuqato in inta badan madax goboleedyada ay isku aragti ka nqodeen qodobada ugu xooggan ee la isku hayo. Wararka ayaa sheegaya in qodobada ay isku raacsan yihiin maamul goboleedyada ay ka mid tahay in la yareeyo tirada ergada codeyneysa, in meesha laga saaro hanaanka xisbiyada iyo in doorashadu ay ka dhacdo hal magaalo. Dhammaan qodobadan ayaa u muuqda kuwa hal ujeedo laga leeyahay oo ah in maamul goboleedyada ay doonayaan inay kaalin muuqata ku yeeshaan xildhibaanada cusub.
  5. What is cooking in Filla Soomaaliya? Shirka Muqdisho oo galay maalintii labaad & wararkii u dambeeyey Shirka wadatashiga madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho ayaa maanta galay maalintii labaad. Madaxda maamul goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa gaaray xarunta madaxtooyada oo ah meesha uu shirku ka dhacayo. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in maanta si rasmi ah loo guda geli doono ajendeyaasha shirka, maadaama kulankii shalay uu ahaa furitaan iyo qado. Inta badan waxaa laga wada doodi doonaan heeshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb, kaas oo aysan qeyb ka aheyn madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland. Sidoo kale Axmed Madoobe iyo Deni ayaa miiska soo saaray qodobada qaar oo ay diidan yihiin, kuwaas oo ay doonayaan in markale dib loogu laabto. Waxaa sidoo kale xalay dhacay kulamo gaar gaar ah oo lagu gorfeeyey sida looga gudbi caqabadaha taagan, si xal mideysan looga gaaro doorashooyinka soo socda. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana isha lagu wada hayaa natiijada ka soo baxda shirka wada-tashiga magaalada Muqdisho ee madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka oo saldhig u noqon doonto doorashada 2020/2021-ka
  6. Labaatan iyo shan sano ka badan ayee ka dhiibaayeen halyeydii JWXO gobollada Waqooyi Bari, Waqooyi Galbeed iyo gobollada dhexe. Isla kuwaas u sacabtumaaye kuwa dhiibaaye ayaa arrinta Qalbidhagax noo buun buuninaayo.
  7. Muuse Muqayil iyo tuugadiisa maafiyada ah tuugnimada kama weynaadaan miyaa.
  8. The stooge Imaaraadka u adeego iyo the sycophant Kiikuuyada amarkooda ku shaqeeyo maxee yihiin? At least sadexdaan dowladda dhexe qof Soomaali hoggaamiyo la safanyihiin. Shisheeye kalkaaliso wax ka xun ma leh.
  9. Xasan Cali Kheyre oo ku dhowaaqay inuu yahay musharax madaxweyne Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa si rasmi ah u shaaciyey inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya. Kheyre oo qoraalkan soo dhigay bartisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in mudadii uu hayey xilka ra’iisul wasaaraha dalka wax-badan uu qabtay waxna ka bartay. “Bismillah, Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dawlanimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee. Muddo xileedkii 5aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisul Wasaare. Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii waxna laga soo bartay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xasan Cali Kheyre. Qoraalka Kheyre ayaa intaas ku sii daray, “Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee dowladda Soomaaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS.” Waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in uu fahamsanyahay fursadaha caqabadaha la xiriira hoggaaminta dalka, islamarkaana uu ku hoggaamin doono karti, hufnaan iyo daacadnimo, hadii uu ka noqdo madaxweyne. “Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan mar kale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre. 50-maalmood ayaa ka soo wareegatay markii xilka kulan buuq hareeyay looga qaaday Xasan Cali Kheyre, welina lama buuxin booskii uu ka baxay ee ra’iisul wasaaraha dalka. Kheyre ayaa waxaa xilka ka qaaday baarlamanka 25-kii July, kadib markii ay isaga iyo madaxweyne Farmaajo isku qabteen arrimaha doorashada oo uu kaga soo horjeestay madaxweynaha, taasi oo keentay in Villa Somalia ay ka abaabusho mooshin. Intii uu xilka hayey Kheyre, gaar ahaan muddooyinkii dambe, waxaa taageerayaasha madaxweynaha ay ku eedeyn jireen inuusan daacad u ahayn oo uu yahay musharax doonaya inuu xilka ka tuurto. Xigasho
  10. Qoorqoor oo ‘laba wajiilenimo ku eedeeyey’ Axmed Madoobe iyo Deni Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa si dadban laba wajiilenimo ugu eedeeyey Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, oo uu sheegay in wixii ay ku diideen shirkii Dhuusamareeb 3, ay hadda Muqdisho joogaan ayaga oo aan helin. “Saaxiibadii naga maqnaa shirkii Dhuusamareeb-3, waad ogtihiin inay nooga maqnaayeen iyadoon Ra’iisul Wasaare la magacaabin meelna tagi meyno, laakiin hada Ra’iisul Wasaare lama magacaabin saaxiibadeena waa yimaadeene, ma waxay diidanaayeen Dhuusamareeb? Mise waxay qiran la’yihiin inay ilduufeen?,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay inay aaminsanyihiin in dalku xukuumadda ugu baahanyahay “Waliba waxaan leenahay deg deg haloo soo saaro, in la dhiso xukuumad ayaan sugeynaa lagamana maarmo,” ayuu yiri. Qoor Qoor ayaa sidoo kale sheegay in sababta ay hada Muqdisho u yimaadeen ay tahay dhameystirka heshiiskii lagu gaaray shirkii Dhuusamareeb-3, kaas oo uu tilmaamay inay ka soo baxeen go’aamo dhaxalgal ah. “Waxaad ogtihiin in gogoshii Dhuusamareeb-3 ay ku dhamaatay go’aamo dhaxalgal ah, fakar kasta oo la kala qabayna la isu tanaasulay, doorasho xalaal ah oo aan dhinac jirin inay kasoo baxday, waxaan sidoo kale halkaas ku caddeynay in walaalihii ka maqnaa ama walaal kasta oo talo haya inay taladiisu u furan tahay,” ayuu yiri. Madaxweyne Qoor Qoor oo hadalkan jeediyey intii aysan ka soo bixin Baydhaba oo ay shir gaar ah ku yeesheen isaga iyo madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle ayaa sheegay inay u socdaan oo dhageysan doonaan aragtida madaxdii ka maqneyd shirkii Dhuusamareeb. Waxa uu sheegay in mar kasta lagu xanto inay aad ugu dhawyihiin madaxda dowladda federaalka, balse ay ku faanayaan “wax-fiicana ay u arkaan Soomaali is ogol.” “Anaga waxaa nala yiraahdaa dowladda ayey wadashaqeyn dhow la leeyihiin, waan ku faaneynaa in Soomaali wadashaqeyn leedahay, waxaan ku faraxsanahay inaan cid walba u dhownahay isna fahansan nahay,” ayuu yiri Qoor Qoor. Xigasho
  11. It is getting weirder. Cabdirisaaq Caato oo markale loo magacaabay xoghayaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Cabdirisaaq Xuseen Aadan (Caato) ayaa markale loo magacaabay xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha, kadib warqad ka soo baxday xafiiska ku simaha Ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar). Sii hayaha Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sidoo kale xil kii ka qaaday xoghayihii hore Cabdiraxmaan Sheekh Mucaawiye oo xil kaasi hayey muddo 40 cisho ah, kadib markii la eryey Cabdirsaaq Caato oo hadane markii labaad loo soo magacaabay xil kan. Caato oo muddo todobaad ka yar hayey xil kaasi ayaa sababta markii hore looga qaaday waxa ay aheyd xad-gudub lagula kacay Yaxye Cali Hareeri oo ka mid ah raggii sida aadka ah ugu dhawaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee la eryey, Mudane Xasan Cali Kheyre. Tan iyo markaasi waxaa jahwareer xoogan ka taagnaa xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo is-bedal deg-deg ah uu ku yimid markii la riday Khayre, waxaana isla habeenkii ku simaha loo magacaabay Mahdi Guuleed uu xil kii ka qaaday Axmed Nuur Maxamed Cabdi oo ahaa xoghayaha joogtada ah ee xafiiskaasi. Sidoo kale waxaa shaqada ka tegay inta badan raggii aadka ugu dhowaan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo uu ka mid ahaa Cali Nuur Salaad. Si kastaba ha’ahaatee lama oga sababta rasmiga ah ee hadda keentay in xafiiska Ra’iisul wasaaraha loogu celiyo Cabdirisaaq Caato, balse sida ay horey u baahisay Caasimada Online, Caato wax shaqo kuma laheyn amarka ahaa in baabuurta aan xabadda karin dib loo soo celiyo, islamarkaana uu bixiyey sii-hayaha ra’iisul wasaaraha. Xigasho
  12. Ethiopia's Tigray region votes, defying Abiy's federal government Officials holding polls warn that any federal government intervention would amount to a 'declaration of war'. People have begun voting in a local election in Ethiopia's northern Tigray region, defying the federal government and increasing political tensions in Africa's second-most populous country. Tigray officials holding polls on Wednesday for the 190-seat regional parliament have warned that any intervention by the federal government would amount to a "declaration of war". They have objected to the postponement of the national and regional elections, originally scheduled for August, because of the coronavirus pandemic and the extension of Prime Minister Abiy Ahmed's time in office. Ethiopia's upper house of parliament, which mediates constitutional disputes, ruled on Saturday that the polls for regional parliaments and other positions were unconstitutional. While Abiy has ruled out military intervention, there are fears that any punitive measures by the federal government could further escalate tensions. The Tigray defiance of the federal government is the latest challenge to the administration of Abiy, who is struggling to hold together a federation that stitches Ethiopia's 80-plus ethnic groups into a nation. Abiy took office in early 2018 and introduced several political reforms and peace initiatives that raised optimism in his country and saw him win the Nobel Peace Prize last year. Why Tigray matters Tigray has dominated Ethiopian politics since the region's governing party, the Tigray People's Liberation Front (TPLF), led an armed struggle to remove the communist Derg government in 1991. Leaders from the ethnic group, which makes up only 6 percent of Ethiopia's 110 million population, went on to dominate Ethiopia's politics for nearly 30 years. But that ended after anti-government protests swept Abiy to power in 2018. Some 2.7 million people in the Tigray region are expected to cast their votes at more than 2,600 polling stations, regional election officials said. A regional broadcaster, Tigray TV, showed voters lining up in the early hours on Wednesday. Two residents of the regional capital, Mekelle, told The Associated Press there was tight security in the city and surrounding areas, with motorcycles and auto rickshaws banned from the city as of Tuesday evening. On Monday, Ethiopian security officials prevented a dozen people, including four journalists and a senior think-tank analyst, from flying to Tigray to cover the vote. Separately, a non-governmental organisation told AP they had been barred from observing the election "for no sufficient reason". The group, Seb Hidri, said the TPLF was behind the ban. Aljasiira
  13. Aawey our Tigrey guest on SOL? Is he partaking this illegal election?
  14. Maxay ka wada-hadleen Lafta-Gareen iyo Waare? Waxaa xalay magaalada Baydhabo kulan gaar ah ku yeeshay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) iyo madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare oo shalay gaaray magaaladaasi. Kulanka labada hoggaamiye ayaa waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah, sida wada-shaqeynta labada maamul, ammaanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Lafta-Gareen iyo Waare ayaa diirada saaray culeyska ay ku heyso kooxda Al-Shabaab, maadaama ay yihiin soohdin wadaag K/ Galbeed & Hir-Shabelle. Sidoo kale Ilo ku dhow kulankaasi ayaa sheegay in labada madaxweyne ay ku ballameen in dowladda federaalka ay u bandhigaan dhibaatooyinka amni ee ka jira deegaanada maamulkaasi oo ay si weyn ugu xoogan yihiin dagaalyahanada Ururka Al-Shabaab. Fursad gaar ah ayey aheyd is-aragan madaxaweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, kuwaas oo muddooyinkii dambe ku mashquulsanaa shirar waa weyn oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimada doorashooyinka. Dhinaca kale waxaa saacadaha soo socda Baydhabo ku wajahan madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ku biirayo madaxdaas oo shir u gaar ah yeelan doono, kadibna u soo gudbi doono magaalada Muqdisho. Si kastaba ha’ahaatee arrimaha ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan xaalad adag uu ku jiro dalka, balse laga war-sugayo waxa ka soo baxa shirka ay iclaameysa Villa Somalia ee beri oo Khamiis ah ka furmaya gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho Xigasho
  15. He just wants to calm the restless, money losing Kiikuuyada.
  16. Kuwa danta isku keentay meesha fadhiyo hadalkiisa kuma qancin, I see. This tells wax ay ku heshiis yihiin ma jirto.
  17. Ardeyda Reer Gedo dugsiyada Mandheera, Libooyo iyo Ceelwaaq xad beenaad ku yaalo ayee dhigtaan ama soo dhigteen qaarkood yaa ogaado. Waxbarashada ka jirto in those deegaano wey ka sareysaa kuwa hadda ka jiro meelo badan gobollada kale if we need to be honest.