Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,651
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Diyaarad uu la socday Qoor Qoor oo weerar lagu qaaday iyo wararkii ugu dambeeyey Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa galabta weeraray diyaarad uu galabta Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ka soo raacay magaalada Dhuusamareeb. Xubno la socday wafdiga madaxweynaha ayaa Caasimada Online u sheegay in ilaa sideed xabadood oo laga riday qoriga loo yaqaano Suuga ay Al-Shabaab ku rideen diyaaradda, daqiiqado yar kadib markii ay hawada gashay. Xubnaha aan soo xiganeyno oo naga dalbaday inaanaa adeegsan magacyadooda ayaa noo sheegay in shaqaalada hey’adda duulista rayidka qeybtooda ka howlgasha Dhuusamareeb ay duuliyaha ku war-geliyeen inay rasaas ku socoto, isla markaana uu jiha kale u weeciyo diyaaradda. “Hubkii lagu soo riday diyaaradda oo naguula sheegay sideed xabadood waa lala waayey Alle ayaa mahadleh, duuliyaha waxaa lagu wargeliyey inuu jiha kale u weecdo, khal-khal badan ayaan dareenay, balse hada waxaan si nabad ah ku imaanay Muqdisho,” ayuu yiri mid ka mid ah xubnihii madaxweyne Qoor Qoor Dhuusamareeb ka soo raacay oo Caasimada Online u waramay. Wararku waxay intaas ku darayaan in diyaaradda oo u socotay Muqdisho ay gashay wareeg dheer, isla markaana ay dulmartay degmada Gurceel oo 60 KM koonfur galbeed uga beegan Dhuusamareeb. Xilliga diyaaradda la weeraray waa 5:30am oo galabnimo, waxuuna Madaxweyne Qoor Qoor caawa ku suganyahay magaalada Muqdisho oo safarkiisu uu ku wajahnaa. Wixii ka dambeeyey markii Ahlu-Sunna looga taag roonaaday Galmudug, waxaa caasimadda maamulkaas ee Dhuusamareeb ku soo dhawaaday Al-Shabaab, waxayna xilliyada habeenkii ah duqeeyaan garoonka diyaaradaha. Sidoo kale waxaa si cabsi ah lagu maraa wadada u dhaxeysa Dhuusamareeb iyo Gurceel oo dhowr habeen lagu arkay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo gaadiidka boonadooda canshuurta u jaraya. Seddax maalin ka hor inta u dhaxeysa deegaanka Ceeldheere iyo Dhuusamareeb waxaa lagu qarxiyey gaari weyn oo kuwa ciidanka ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan qeybta 21-aad ee milateriga Soomaaliya. Illaa hadda ma jiro masuul ka tirsan Galmudug oo ka hadlay amni darada ka soo cusboonaatay deegaanada ku xeeran magaalada Dhuusamareeb oo Al-Shabaab badan ay gudaha u soo galeen, mana jirto wax dhaq-dhaqaaq ciidan ah oo hadda socda. Xigasho
  2. With a permanent resident card, it usually takes from two and half to three years. For Soomaalida iska dhiibo gudaha marka la qaabilo, it would take around five and half to six years. Che, Mareykanka waaka quusanoysaa, I see. I don't blame you. I am glad I made my move back in 1996 as a boy - all thanks to my sister. Otherwise maanta walwal iyo walbahaar baas jiri lahaa, it is really distressing how Mareykanka is collapsing before our eyes. It is also inconceivable too that it takes a voter hours in line-up to vote simply. Here, it is ten minutes maximum, usually five.
  3. Naxariistaan loo naxariisto noolaha Rabi uumay ayaa janada ugu sareyso lagu galaa. Alloow aabahaan ka abaal mari.
  4. God ha qodin, haddaad qodidna ha dheereen, ku dhici doontidaa ma'ogidee. Xabashi, siiba Tigrey, intee Soomaalida godka federaalka u qodeen iyagii ku dhacooyo.
  5. Xaalka waala socotaa ileen. Justin Trudeau soo galootiga iyo dadka.laga tiro badanyahay aad ugu roonyahay.
  6. Why Somalis are closely watching the US elections Just as people across the United States will be waiting eagerly for the results of Tuesday’s voting, thousands of kilometres away, on the far eastern corner of Africa, Somalis will also be closely watching the hard-fought matchup between Donald Trump and Joe Biden. It hardly comes as a surprise. A country of some 15 million people, Somalia has for decades felt the impact of US policies – both directly and indirectly. “Ever since Somalia got independence in 1960, America and its leaders have tried to have a strong foothold in the country,” said Hassan Sheikh Ali, a lecturer of international relations at Somali National University. The main reason? Somalia’s “strategic location”. Bounded by the Indian Ocean to the east and the Gulf of Aden to the north, the Horn of Africa country occupies a significant geopolitical position along major trade routes. Up to 30,000 ships, carrying goods from crude oil to iron ore, pass annually through the Gulf of Aden, a key transit zone for maritime traffic between the Indian Ocean and the Mediterranean Sea. “America is in Somalia to protect its commercial interest,” said Hassan. The US’s engagement in Somalia remained steadfast throughout the Cold War when it competed with the Soviet Union for influence and control. “Somalia first sided with the West, then the USSR, before switching sides yet again in the 1980s and going with the West,” said Hassan. In the late 1980s, Washington deployed military aid and trainers to stem the tide of a rebellion threatening the government of autocratic ruler Siad Barre. But in 1991, after 21 years in power, Siad was overthrown by rival clan militias. As fighters ransacked the country, the US closed its embassy in Somalia’s capital, Mogadishu, and watched from afar as chaos reigned. Aljasiira
  7. Federal authorities expected to erect 'non-scalable' fence around White House Federal authorities are expected to put back into place a "non-scalable" fence around the entire perimeter of the White House on Monday as law enforcement and other agencies prepare for possible protests surrounding the election, a source with knowledge of the matter confirmed to CNN. The fence, the same type that was put up during protests this summer, will encompass the Ellipse and Lafayette Square. It will go down 15th Street to Constitution Avenue and then over to 17th Street. The fence will then run up to H Street and across by Lafayette, and then come down 15th Street, the source said. NBC News was first to report the new fencing. The Secret Service did not respond to a request for comment. The extra layer of security marks the most high-profile example to date of authorities preparing for unrest following this year's election, particularly if there is no clear winner come November 4. As CNN previously reported, the immediate perimeters around the White House have already been largely blocked off to the public this year for a range of reasons, from construction on the White House gate, to protests and looting that occurred in downtown Washington in the wake of the police killing of George Floyd in Minneapolis in May. Lafayette Park, across the street from the north side of the White House and a popular protest gathering spot, had also largely been fenced-in since police aggressively moved in on protesters alongside it in July. Washington, DC, Metro Police Chief Peter Newsham warned the District's City Council last month there was wide expectation of some type of civil unrest following the election. And many businesses in the downtown DC area in the proximity of the White House have boarded up doors and windows in the last couple of days in anticipation of possible protests. During this past summer, some businesses saw their windows smashed and other property damaged by protesters. But DC Metro police have been preparing its officers for well over a year, as it does ahead of every general election, ensuring that they are prepared to handle everything from civil disturbance to crowd control to potential disruptions to metro transit, Patrick Burke, executive director of the Washington, DC, Police Foundation, previously told CNN. Police have also been working with intelligence officials to ensure the security of Washington, DC's airspace in the event of an attack from above, Burke added, as they routinely do when preparing for moments of heightened anxiety. Continue to read
  8. The good man should know that he is being used and manipulated by the desperate secessionists ee muxuu saan sharafta iskaga qaaday?
  9. Wa caleykum salaan, soo dhawoow.
  10. Intee lagu qabtay, Jabuuti? I can't listen to it.
  11. This year's U.S. election - one day left - could either be the beginning of the end of U.S. empire, a remarkable feat in our lifetime. Who would ever thought? Bring any news related to this.
  12. Hadda maa ogaatay? Desperation lagu kor dhuftay jaad aanan dhamaaneynin lagu sii dhuftay shaqo la'aan iyo hopelessness ayaa keentay sababtaan.
  13. Nin wareersan iga dheh. I guess jaad dad ayaa ka taajiray suntiisa, jecleena in bulshada laga baraarujiyo.
  14. Kadib ku dhowaaqista xildhibaannada maxaa laga filan karaa Hirshabeelle? Waaxaa weli buuq iyo is jiid-jiid siyaasadeed uu ka taagan yahay dhismaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle, iyada oo xalay si rasmi ah loogu dhawaaqay liiska xildhibaanada labaad ee baarlamaanka maamulkaasi. Xildhibaannada la shaaciyey oo u badan dhalinyaro ku cusub siyaasadda ayaa tiro ahaan gaaraya illaa 90 xubnood, sida ku cad liiska uu soo saaray guddiga farsamada. Sidoo kale waxaa aad u kooban tirada haweenka ee ku jira xildhibaannada lagu dhowaaqay waxaana kaliya dumar ka ah 5 xubnood, taasoo saluug laga muujinayo. Waxaa sidoo kale liiska dib ugu soo laabtay qaar ka mid ah xildhibaannadii hore, balse waxaa meesha laga saaray xubinimada guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Hirshabeelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed iyo Maxamed Xuseen Geedi oo ku xigeen u ahaa, halka Canab Axmed Ciise ay dib u heshay xildhibaanimadeeda, iyada oo shaneysay afar dumar oo lagu soo daray baarlamaanka cusub ee maamulka Hirshabeelle. Kadib ku dhowaaqista xildhibaannada maxaa laga filan karaa Hirshabeelle? Inkastoo guddiga farsamada doorashada Hirshabeelle uu shaaciyey in xildhibaanada lagu dhowaaqay loo qeybiyey hab-qabsiga beelaha dega gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe ayaa haddana waxaa weli jira cabasho iyo dood ay qabaan beelaha qaar, gaar ahaan beesha *** oo miisaan ku leh dhismaha Hirshabeelle, siiba Beledweyne. Beeshan waxa ay xildhibaanada cusub ka heshay illaa 12 xubnood, sida ku cad liiska lagu dhowaaqay, hayeeshee waxay dood ka qabtaa kursiga madaxweynaha oo markii hore la siiyey Beledweyne, balse haatan la doonayo in laga soo wareejiyo, taas oo dhalisay muran aad u xoogan. Marka la fiiriyo sida ay wax u socdaan dad badan ayaa dhaliil ka muujinayo, maadaama ay meesha ka maqan tahay doorka dowladda dhexe iyo kan maamulkii hore ee Hirshabeelle. Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo uu waqtigiisu dhammaaday ayaa horey uga horyimid tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday guddiga farsamada, isaga oo xusay in uu qabyo yahay guddiga, islamarkaana lagu darayo xubno dheeri ah oo haween ah, balse ma jirto cid dhageysatay hadalka madaxweynaha ee ku aadan dhismaha guddiga. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana khilaafka ugu daran uu ka taagan yahay doorashada xilka madaxweynaha oo uu u taagan yahay Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowlad goboleedka Hirshabeelle. Sidoo kale dadka qaar ayaa qaba in Hirshabeelle ay ku socoto burbur iyo kala qeybsanaan hor leh, halka kuwa kale ay aaminsan yihiin in wax is-bedal ah uusan soo kordhi doonin, maadaama weli xilalka ugu sarreeya ay u taagan yihiin qaar ka mid ah madaxdii hore. Hirshabeelle ayaa tan iyo markii la dhisay wajaheysay khilaafaad dhanka maamulka ah, daruufooyin dhanka amniga iyo dhaqaalaha ah, waana kan ugu liito maamullada dalka. Xigasho
  15. More marqaan-induced moves that will strengthen the unity position ever more. This also tells 'beesha caalamka' the secessionists fear and worship that Muuse Muqayil wuxuu ku saxiixay shirkii Jabuuti a few months ago inuunan jirin. Fannaanka Qamar Suugaani oo maxkamad la soo taagay + dambiga loo heysto Waxaa maanta maxkamadda magaalada Berbera ka soo muuqday fanaanka caanka ah ee Qamar Suugaani oo dhowaan lagu xiray halkaasi. Fannaanka oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa 26-kii bishan lagu qabtay magaalada Berbera, iyada oo ay xabsiga dhigeen ciidamada Booliiska ee Somaliland. Maxkamaddu ayaa amartay in fannaanka la sii haayo muddo hal todobaad ah, waxaana dib loogu celiyey Qamar Suugaani xabsigii uu ku xirnaa oo ku yaalla magaalada Berbera. Sidoo kale xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa warbaahinta u sheegay in fannaanka loo heysto arrimo la xiriira safarkii uu kuu yimid magaalada Muqdisho. Xariga fanaankan ayaa waxaa aad u cambaareeyey qaar ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sugan magaalada Haregysa iyo ehelladiisa. Inta badan Somaliland ayaa xarig kula dhaqaaqda fanaaniinteeda yimaada magaalada Muqdisho ee ku qabta bandhig faneedyada ama booqashada u yimaada, taas oo si weyn loogu dhaliilo xukuumadda ka jirta Hargeysa ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi. Xigasho
  16. Maareeye oo xog ka bixiyey dagaalkii dhex-maray isaga iyo Mahdi Guuleed Wasiirkii hore ee warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shaaciyey sababta uu uga soo dhex muuqan waayey golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble. Maareeye ayaa sheegay in markii ay dhacday xukuumaddii ra’iisul wasaare Kheyre uusan raadin xil wasiir, balse uu raadiyey xilka ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, taasi oo dagaal siyaasadeed ka dhex dhalisay isaga iyo Mahdi Maxamed Guuleed. “Markii dowladii Xasan Cali Kheyre la bedelay, waxaan aaminay kursiga ra’iisul wasaare ku xigeenka inuu banaanyahay, waan raadiyey, laakiin kalamaan ayaa nagu dhacay aniga iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed waxuu aaminay in kursigii uu weli ku fadhiyo” ayuu yiri Maareeye. Waxa uu sheegay in isaga iyo Mahdi Guuleed dagaal adag uu raadinta kursiga ra’iisul wasaare ku xigeenka ku dhex maray, balse hadda uu u hambalyeynayo. “Mudane ra’iisul wasaare waan kuugu hambalyeynayaa, waana kula shaqeynayaa, xilku waa meerto, hadii walaalkey kursigiisii ceshaday waxaan leeyahay hambalyo” ayuu hadalkiisa ku sii daray Maareeye. Hadalkan waxuu Maareeye ka sheegay xaflad uu xilka wasiirka warfaafinta ku wareejinayey oo ka dhacday xarunta wasaaradda, taas oo uu ka soo qeyb galay Mahdi Guuleed.
  17. What kind of lame excuse is this? Meeesha hal dowlad laamaheeda isla shaqeeyo ma'aha miyaa ee maxee tahay waxaan? Maxay tahay halista ka jirta dekadda magaalada Muqdisho ee hay’adda NISA ka digtay? Taliska hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano NISA ayaa eedeyn culus u jeejiyey taliska booliiska dekadda Muqdisho & kastamka wasaaradda maaliyadda Somalia. NISA ayaa sheegtay in dhinacyadaas ay ka hor yimaadeen in baaritaan dhab ah lagu sameeyo alaabada kala duwan ee laga soo dajiyo dekadda, si looga hortago in Shabaab ay ka soo degsato maadooyinka qaraxyada, iyada oo adeegsaneyso farsamooyin kale. War qoraal ah oo ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in haatan wixii ka dambeeya aysan shaqo ku laheyn haddii mas’uuliyad amni darro ay ka timaada dekadda weyn, balse wax laga weydiin doono saldhigga Booliiska dekadda, laanta ilaalinta canshuuraha, kastamka wasaaradda maaliyadda Soomaaliua & maamulaha furdada Muqdisho. Sidoo kale qoraalka NISA ayaa waxaa lagu sheegay in muddo fog dabagal dheer lagu hayey dhaqaalaha kooxda Al-Shabaab ay ka hesho dekadda iyo galaangalka ay ku leedahay inay kala soo dagaan maadooyinka laga sameeyo qaraxyada. Hay’adda ayaa intaasi raacisay in horey gacanta loogu dhigay illaa 10 kunteenar oo ah maadooyinka qaraxyada, islamarkaana ay dooneysay in Al-Shabaab ka soo dagsato dekadda Muqdisho, iyada oo adeegsaneyso dad ganacsato ah oo loo xiray falkaasi. Si kastaba marar badan ayaa horey looga digay in laga hortago qatarta dagaalyahanada Al-Shabaab ee dekadda Muqdisho, iyada oo dhowaan gacanta lagu dhigay maado laga sameeyo qaraxyada oo loo waday kooxdaasi oo weeraro iyo qaraxyo ka fuliso dalka. Xigasho
  18. Wax la qabto markii la waayo iyo too much shaqo la'aan tanoo kale ayaa dhacdo oo Muuse Muqayil marqaamiinta ku madadaalinaa. Mary Harper of all people who was very sympathetic to secessionists cannot even defend them.
  19. At 0:27, xaajiyada hadaljeedinteeda Reer Say Walaahi wax yar ayee dhaantaa. Wey jacbursaneysaa.