Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,651
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. No doubt about this. But the question is, how they will bring in their millions of dollars of bribery to Muqdisho since current dowlad is in power. Perhaps through the port. Or invite corrupt, newly selected xildhibaanno to Nayroobi, dine them and give them their laaluush.
  2. New Djibouti sea route to reduce shipping time between Turkey, Horn of Africa from 50 days to 10 The first container ship of the Djibouti Shipping Company, which will exclusively operate between Turkey, Djibouti and Somalia, was launched during a ceremony on Friday. The new sea route will reduce shipping time from 35 to 50 days to just nine to 10 days, Djibouti’s Ambassador to Turkey Aden Houssein Abdillahi stated. “This new logistics initiative, which enables to deliver goods in nine to 10 days instead of 35 to 50 days is a game-changer that will increase the trade volume between Turkey and the Horn of Africa,” Abdillahi said. Saying that it will substantially increase financial cooperation, the ambassador stated: “The new shipping line established by the Djibouti shipping company will operate exclusively between Turkey and the Horn of Africa with two container ships with the capacity of 11,000 tons and 20,000 tons, respectively.” The ambassador pointed out that this represents a huge opportunity in reducing transportation time and saves on cost. Reiterating that around 90% of the world’s imports and exports are transported by sea, the ambassador stated that the high cost of sea transportation is a real challenge for Africa. “It creates logistical costs damaging African producers and disrupting supply chains and plays a role in the purchasing power of the African consumer,” he elaborated. The ambassador stated that the trade volume between Turkey and Africa was constantly increasing. “Though we came a long way until today, it is not enough,” he stated. While the trade volume between Turkey and the Horn of Africa, namely Djibouti, Ethiopia and Somalia, totaled $518.24 million (TL 4.127 billion) in 2015, it reached $846.46 million in 2019. “As transportation is an essential parameter to improve commercial and economic relations, we are convinced that with the new route and the commitment of our both governments and private sectors, we will reach $1.5 billion by 2021,” he said. Speaking to Daily Sabah, Abdillahi pointed out that the first container ship began to operate 2 1/2 months ago, while a second one was added. “What we expect from Turkey is making things easier for businesspeople from Djibouti and Somalia,” he underlined. The ambassador explained that most are complaining about financial services and residency permits rather than transportation services. “When a businessman is coming here, opening offices, employing people and selling goods to the Horn of Africa, every year they have to line up for paperwork,” he said, adding that facilitating these processes was of high importance. Can Incesu, coordinator of the Turkey-Africa partnership in the Turkish Foreign Ministry, stated that Turkey has strong ties with the countries of the Horn of Africa and embassies in all three countries. “Turkey attaches the utmost importance to the establishment of peace, security and stability of the region. The economic growth of this region is also of critical importance,” he said, adding that this shipping route will inevitably increase the trade volume. Fuat Kasımcan of the Turkish Trade Ministry during the event pointed out that a 10% cost reduction in maritime trade increases trade by 6%-8%, while logistic efficiency is also reflected in the gross domestic product (GDP). Turkey's opening up to Africa, which dates back to the Action Plan adopted in 1988, took shape in 2005. Since then, the country has focused on comprehensive, long-term policies based on diversifying its relations with the continent. In that sense, the fields of agriculture, water resource management, rural development, health, micro-macro enterprises and security have played pivotal roles in Turkey's economic transactions with Africa. Relations between Africa and Turkey gained momentum when the first Turkey-Africa Cooperation Summit was held in the commercial capital Istanbul with the participation of representatives from 50 African countries in 2008 and the second summit being held in Malabo, Equatorial Guinea in 2014. Turkey has 42 Turkish embassies in African countries. Xigasho
  3. All the best for this eedo who invested heavily in Uganda and Kenya, the countries she grew in. She should also invest in Soomaaliya as Hass Petroleum did.
  4. Beesha *** oo dooneysa in loo soo celiyo heshiis ay 4 sano kahor ka diideen Xasan Sheekh Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Beesha *** oo diidan qaabka loo marayo dhismaha dowlad gobaleedka HirShabeelle ay codsadeen in dib loo soo celiyo qorshe ay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ka diideen afar sano ka hor. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa billowgii dhismihii HirShabeelle ka codsaday odayaasha dhaqanka iyo siyaasiinta reer Hiiraan, in ay qaataan caasimadda Hirshabeelle, sidoo kalane ay afartii sanaba mar qaataan madaxweynaha, taas oo ka dhigan in afar sano isku haystaan madaxweynaha iyo caasimadda, afarta kalane ay heestaan Madaxweyne ku xigeen iyo caasimadda. Xilligaas beesha *** way diiday qorshaha Xasan Sheekh waxayna qaadatay madaxweynaha, halka beesha *** la siiyey caasimadda. Balse waxaa hadda soo baxday in taasi ay ku koobneyd kaliya hal muddo xileed, oo aanu macnaheedu ahayn in beesha Abgaal aysan marnaba arkin madaxweyne. Qaar ka mid ah siyaasiinta *** ayaa sheegay in ay aheyd afar sano ka hor in go’aankaasi qaataan balse ay xoog gelin doonaan hadda in dib loo soo celiyo qorsahaas ka hor inta aan la dhisin maamulka. In caasimadda Hirshabeelle loo celiyo Buuloburte ayaa u baahan in dastuurka maamulka wax ka badal lagu sameeyo, markii la soo dhiso baarlamaanka cusub ee HirShabeelle. “Hadda waxay diyaar u yihiin in ay laba mid qaataan, kuwaas oo kala, ah in Caasimadii loo soo celiyo, iyo in aysan caasimad-na helin madaxweynane sanadkaan helin,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka HirShabeelle oo aan la hadalnay. Ma cadda haddii Villa Somalia oo gadaal ka riixeysa Cali Guudlaawe oo ah musharax madaxweyne oo kasoo jeeda beesha ***l, ay ogolaan doonto qorshaha cusub ee beesha ***. Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dedaalo xal loogu raadinayo cabashada ku saabsan dhismaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle, waxaana la filayaa in dhowaan uu si rasmi ah uga shaqa billaawo wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya, marka baarlamanka ansixiyo. Xigasho
  5. Nin Shiinees ah oo amray dilka 4 qof oo Soomaali ah oo sanado kadib la qabtay Xukuumada Taiwan ayaa dacwad xasaasi ah ku oogtay Kabtan u dhashay dalka Shiinaha, kaasi oo sideed sanno ka hor amray toogashada afar qof oo looga shakiyay burcad badeednimo, isla markaana ahaa Soomaali. Kiiska dhacdadan ayaa waxa banaanka keenay muuqaalo 2014-kii laga helay Telefoon looga dhex tagay Taksi dadweyne, kaasi oo muujinayey ragga la dilay oo dul sabeynaya biyaha Badweynta Hindiya ee ka baxsan xeebaha Soomaaliya. Sidoo kale waxa muuqaalkaasi laga arki karayey qaar ka mid ah raggaasi oo xajisanaya qashin, kadib markii 40 xabadood oo rasaas ah lagu soo ridayay, iyada oo la maqli karayey Nin amar ku bixinaya toogashadaasi oo lagu sheegay inuu yahay kabtanka, sida uu baahiyay wargeyska Independent. Wang Fengyu, oo ah Kabtanka loo haysto dhacdadan ayaa lasoo warinayaa inuu qirtay inuu amar ku bixiyay ilaaladiisa inay toogtaan raggaasi, maadama uu ku dooday inay soo weerareen Toogashada ka hor burcad badeedda la sheegay ayaa toogtay doonida kalluumeysi ee Kabtanka iyo seddex kale, sida laga soo warinayo kabtanka. Waxaana muddo sideed sanno kadib ah ay ciidamada Taiwan gacanta kusoo dhigeen kabtanka ku eedeysan kiiskan, xili markabkiisa uu ku xirtay dekedda Kaohsiung ee Taiwan. Wang wuxuu wajahi doona haddii dambi lagu helo ku dhawaad xabsi 10-sano ah ama ka badan, iyada oo lagu taliyay in xukunka intaas looga khafiifiyo, maadama lasoo warinayo in burcad badeedku ay ugu horeyntii weerareen. Arrintan ayaa hay’addaha xuquuqdu ku tilmaameen sharci darada badda ka jirta, maadama muddo 8-sanno ah aysan cadaalad helin shaqsiyaadkaasi la toogtay, iyada oo falanqeeyayaasha qaarkoodna ku macneeyen inuu kiiskan dib usoo nooleystiisu qeyb ka yahay xiisada Taiwan iyo Shiinaha. Xigasho
  6. Rabi ha u wada raxmado halyeeydaan. Kuwa beenta isku sheegaaye lahaa SYL koonfurta ayee ku ekeyd tan ha arkaan. It was a pan-Soomaali independent movement. NFD xarun kale ayee ku lahaayeen.
  7. Xisbiga talada haya ee Soomaalilaan oo xubno ku yeeshay xukuumada Soomaaliya Golaha wasiiradda cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid noqday xubno ka tirsanaa xisbiga Kulmiye ee haya talada maamulka Somaliland. Prof. Maxamed Cismaan Dubbe, oo ka mid ahaa xubnihii udub dhexaadka u ahaa ee diyaariyey barnaamij siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye ku galay doorashada madaxtinimada uu ku guuleystay Muuse Biixi biixi 2017, ayaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta Soomaaliya halka Cabdale Xaaji Cali oo isna xisbigaasi ka tirsanaa loo magacaabay wasaarada qorshaynta. Arrintaani ayaa aad looga hadal hayaa magaalada Hargeysa maadaama xisbiga Kulmiye uu dhigiisa Waddani horay ugu eedayn jiray xiriir uu Somaalia la leeyahay xubno ka mid ahna ay ku biireen dowladda Somalia ayaa hadda eedeyntaasi waji kale yeelatay. Xubnaha cusub ee golaha wasiiradda ugu mid noqday gobollada Waqooyi ayaa meesha ka saartay xubnihii dowladdihii kala duwanaa xilal wasiiro kasoo qaban jiray sida wasiir Maareeye oo seddaxdii dowladood ahaa mas’uul aan dhicin.
  8. Salaad Cali Jeelle oo 10 sano kadib xil muhiim ah looga magacaabay DF Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, oo ka mid ah shaqsiyaadka aadka u taageera Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si hoose loogu magacaabay safiirka dowladda Soomaaliya u fadhin doona dalka Jabuuti. Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, ayaa rajo weyn ka qabay inuu kamid noqdo Golaha Wasiirada Soomaaliya ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble, balse waxaa loo sheegay in la siin doono Safiir taas oo markii dambe looga dhabeeyay. “Madaxweynaha ayaa ii gartay inaa noqdo Safiirka Soomaaliya u fadhin doono dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, waxaana ku muteystay dowlad jaceelkayga iyo shaqadii aan dalka usoo qabtay afartii sano ee Madaxweyne Farmaajo,” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle. “Intii aan ahaa la-taliyaha Madaxweynaha iyo ka horba, si hagar la’aan ah ayaa ula shaqeeyay waxaana laygu abaal guday in dalka ugu dhow Soomaaliya oo waligiis na garab taagnaa aan u matalo dowladda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ambassador Salaad Cali Jeelle. Salaad Cali Jeelle, waxa uu si indho la’aan ah u taageeray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mudda uu xafiiska joogo, waxa uuna dagaalka ugu badan ku qaaday siyaasiinta ka soo jeeda beeshiisa iyo sidoo kale danaha beesha uu ka dhashay. Dad badan ayaa taageerada Salaad ee Farmaajo iyo inuu kasoo horjeestay madaxweynayaashii hore oo ku qabiil ah ku macneeyey in Soomaaliya ay ka gudbeyso qabyaaladda, una gudbeyso siyaasad ku dhisan dan iyo is xulufeysi. Balse dadka qaar ayaa u arka in Salaad Cali Jeelle taageerada Madaxweynaha Soomaaliya ku waayay sumacadiisa, dadkiisa iyo in badan oo k amid ah dadkii taageersanaa kadib markii si indho la’aan ah Farmaajo ugu taageeray qaladaad badan. Xigasho
  9. Odeyga baryahaan waa ka sii daray. Bahashii xumeyd la cabaaye ayuu badsaday filaa. _________________ Maxaa ka jira in *** loo wado guddoomiyaha BF, si *** loo dhaafiyo xilka madaxweynaha? Madaxweynihii hore ee maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook-ga waxa uu shaaciyey inuu xog ka helay qorshe doorashada soo socota ee dalka lala damacsanyahay beelaha ***. Cosoble ayaa sheegay inuu xan ku helay in beesha uu ka dhashay ee *** la doonayo in loo sharaxo guddoomiyaha baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya, qorshahaas oo hadii uu guuleysto meesha ka saareya in *** u tartamo kursiga madaxweynaha dalka. “Waxaa meelaha la wadaa nuxnux ah inuu *** baarlamaanka soo socda isu sharraxo oo lagu taageeri doono Guddoomiyaha BFS, taasoo looga gol leeyahay in *** laga reebo inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cali Cabdullahi Cosoble. Qoraalkiisa ayaa intaas ku sii daray, “Kuwa saa u fikiraya waxaan leeyahay *** kuma shaqeeyo munaafaqad mana dhaawici doono dhaqan siyaasadeedka ka jira Soomaaliya. *** wuxuu ka mid yahay beelaha waaweyn ee Soomaaliyeed lagumana adeegan karo.” Cali Cosoble oo fariin u diray xubnaha in loo adeegsado fulinta qorshahaas ay macquulka tahay waxa uu yiri, “Xildhibaan doonka *** ee looga shakiyo iney sidaa ka suurta gashana Xawaadle kursi ma soo siin doonaan. Riwaayadaha iyo riyooyinka raqiiska ah ha la iska ilaawo intaan lagu hungoobin.”
  10. Kabtan u dhashay dalka Shiinaha oo lagusoo oogay dacwad ku saabsan inuu amray dilka burcad badeed Soomaali ah Dacwad oogayaasha dalka Taiwan ayaa dacwad ku soo oogay kabtan u dhashay dalka Shiinaha oo lagu haysto inuu bixiyay amar lagu dilay afar nin oo looga shakiyay inay yihiin burcad badeed Soomaali ah sideed sano ka hor. Dilkan oo dhacay sanadkii 2012, ayaa soo shaac baxay ka dib markii la helay muuqaallo lagu duubay taleefanka gacanta oo ku saabsanaa sida ay wax u dhaceen laguna baahiyay baraha internetka. Dacwad oogayaasha Taiwan waxay sheegeen in eedeysanaha oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Shiinaha uu qirtay inuu amray dilka markii uu kabtanka u ahaa markabka Taiwan. Sida ay sheegeen xeer ilaaliyaashu, Eedeesanaha ayaa sheegay in uu ku amray ilaaladiisa Pakistan in ay toogtaan afarta nin si aysan uga baxsan oo u soo abaabulin burcad-badeedda kale in ay afduubtaan markabkiisa. Qareenada u doodaya ninkaan ayaa ku doodaya in afarta nin ee burcad badeeda ah ay ku dhinteen is rasaasayn dhexmartay iyaga iyo ilaalada markabka Taiwan. Xigasho
  11. New wasiiro but same old faces and names. I am glad C/raxmaan Ducaale Beyle stays put.
  12. This was from back in the new year: Well Known Scholar from Somaliland Announced Political Party in Mogadishu Professor Osman Abukar Dubbe who hails from Somaliland and is well known has officially announced a political party in Mogadishu, Somalia’s capital on Sunday. The scholar from Somaliland has been working closely with SL’s ruling Kulimiye party. He was among the campaigners during the last presidential polls in 2017 and which propelled the incumbent Somaliland leader, Musa Bihi Abdi to the office of the presidency. The party Mr. Dubbe announced in Mogadishu is dubbed Peace, Prosperity and Unity Party (HILOW). The party was officially registered by the Commission tasked to register the national political parties in Somalia which is transitioning from clan based election to one man one vote election mode. Professor Osman Abukar Dubbe “We have just left from the office of the Commission responsible of the registration of political parties in Somalia. Our mission and vision is to heed to the call of Somali populace. Somalia regained its independence back in the 1960’s but countries that gained their freedom the same year with Somalia made huge progress by leading their people to peace and prosperity. Somalia witnessed decades of tragedies, civil wars and backwardness.” Professor Dubbe narrated. And from yesterday's news of wasiirada cusub: 17 – Cismaan Abuukar Dubbe, Wasaarrada Warfaafinta iyo Dalxiiska Ciyoowba muufadiisa maraqa u gishay, I guess.
  13. Another sad reality of dowlad awood lahayn dalkeena iyo dadkeena difaaci karin. Anagaa isku maqan.
  14. What is causing the sudden rise in this year of kids being kidnapped daily in Soomaaliya, especially in Muqdisho? Kuwa ka mid ah waaba la kufsanaayaa. My God. It also seems like it is an organized syndicated illegal groups doing this. Haweeney soo ‘afduubatay’ caruur oo lagu qabtay Xamar Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa barqanimadii maanta gacanta ku dhigay haweeney la sheegay inay caruur soo xaday, taas oo lagu qabtay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in haweeneydaasi goor dhow lagu qabtay xaafadda lagu magacaabo, Xasan Jiis oo ka tirsan degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in marka la qabanayeyay aY la socotay mooto ay ku wadatay labo cunug, waxaana ceyrsanayey dadka deegaanka. Ciidamo ka tirsan kuwa ammanka oo ka ag-dhowaa goobta ayaa markii dambe ku soo baxay buuqa, waxayna gacanta ku dhigeen haweeneydaas iyo ilmaha ay wadatay. Wararka aan helnay ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in rasaas ay fureen ciidamada ammaanka ay ku dhaawacantay haweeney ka mid ah dadka deegaanka, taas oo la soo wariyey in markii dambe ku geeriyootay isbitaalka. Ma jiro weli wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha ammaanka ay ka bixiyeen falkaasi, balse waxaa lagu soo warramayaa in haweeneyda la geeyey saldhigga. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka taagnaa cabsi xoogan oo ku aadan caruurta la xado oo aad ugu soo badanayey caasimada, iyadoona shalay ay ugu dambeysay gabar 18 jir aheyd laga afduubtay gudaha degmada Howl-wadaag, sida ay warbaahinta u sheegeen waalidiinteeda, sidoo kale dhowaan ayey aheyd markii labo nin oo ku sugnaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose lagu qabtay falkan oo kale. Xigasho
  15. Wasiir amniga iyo nabdsugid ayuu sheeganaayaa, tan iyo bishii toddobaad dalka wuu ka maqnaa because his friend jagada laga qaaday. Saan ayaa wasiir lagu yahay and the only reason he is back is because wasiiro cusub ayaa in la magacaabo laga yaabaa. And of all the countries to spend for three months, he chose Soomaaliya-hating Imaaraadka. Also who hadn't been seen since Luulyo is wasiirka arrimaha gudaha, probably chilling in Turkiga. Wasiirka Amniga Islow Ducaale oo dalka dib ugu soo laabtay Sii hayaha xilka Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo mudooyinkii lasoo dhaafay dalka dibadiisa ku maqnaa ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho. Wasiir Islow Ducaale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federalka iyo dadweyne kale. Dalka dibadiisa ayuu ku maqnaa Wasiirka Amniga gaar ahaan wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta tan iyo markii xilka laga qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Munaasabada qado ahayd oo loo sameeyay soo dhoweynta sii hayaha wasiirka amniga Maxamed Abuukar Ducaale ayuu ugaga mahadceliyay dadkii ka qeybgalay soo dhoweyntiisa. Xigasho
  16. Ninka uu ka cabsi qabo inuu madaxweynaha Hiirshabeelle noqdo waa ninkaan hoose oo lagu xanto inay dowladda dhexe wadato: Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle "Jadwalkii doorasho ee guddiga farsamadda waa mid sax ah waana lagu shaqeynayaa" Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabelle. Cali Cabdullahi Guudlaawe oo mudooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa markii uu soo caga dhigtay garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere waxaa loo galbiyay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle halkaasoo uu kula hadlay Saxaafadda. Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa sheegay in la joogo waqtigii la dhisi lahaa Hirshabelle cusub uuna soo dhaweynayo Jadwalkii hanaanka doorasho ee Hirshabelle ay soo bandhigeen guddiga farsamadda iyo soo xulista Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabelle. "Jadwalkii doorasho ee guddiga farsamadda waa mid sax ah waana lagu shaqeynayaa waana ku amaanayaa sida masuuliyada leh ay usoo diyaariyeen hanaanka doorashada Hirshabelle" ayuu yiri Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe Waxuu sido kale Madaxweyne ku xigeenka amaan iyo bogaadin uu u jeediyay wassaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Hirshabelle oo uu sheegay iney si wanaagsan u diyaarin hayso dhismaha Hirshabelle cusub. Safarka maanta ee Cali Cabdullahi Cuseen Guudlaawe waxaa qeyb ka ahaa guddoomiyeyaashi hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo C/fataax Xasan Afrax kuwaas oo iyagana ka hadlay madashii lagu soo dhaweynayay madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegeen in la joogo waqtigii la dhisi lahaa Hirshabelle cusub. Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in Hirshabelle markii horeba la dhisay iyadoo laga daba qeylinaayo hadana la dhisi doono oo aan cidna loo joojineyn. Walaac badan ayaa laga muujinaya qaab dhismeedka cusub ee Hirshabelle waxaana muuqanaya qilaaf cusub oo u dhaxeeya madaxda ugu sareysa ee Hirshabelle madama madaxweynaha Hirshabelle uu horay u diiday Jadwalkii doorasho ee guddiga farsamadda madaxweyne ku xigeenkana uu maanta shaaciyay in Jadwalkaasi uu yahay mid sax ah laguna shaqeyn doono. Xigasho
  17. Cali Cabdullaahi Cosoble "Reer Hiiraanoow dhista Hirshabeelle la mid ah midda ay reer Jowhar dhisanayaan" Madaxweynahii hore ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa shaaciyay dareenka uu ka qabo sida ay u socdaan howlaha doorashooyinka maamulka Hirshabelle. Cali Cabdullaahi ayaa qoraal xasaasi ah soo dhigay bartiisa Facebook waxuu kaga hadlay sidii ay shacabka reer Hiiraan ay ugu diyaar garoobi lahayeen doorashooyinka maamul u sameynta Hirshabelle ee ka socota magaalada Jowhar in sido kale laga bilaabo magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Cosoble ayaa si aan gambasho laheyn ugu sheegay shacabka reer Hiiraan iney dhistaan maamul u gaar ah maadama uu sheegay waxa Jowhar ka socda iney yihiin fowdo anan geed loogu soo gamban. “Waxaan ku talinayaa howsha Jowhar ka socota mid la mid ah in Baladweyne laga bilaabo. Baarlamaanka Hirshabeelle ha la xulo, madaxweyne iyo ku xigeenna ha la doorto Baladweyne ha ku shaqeeyaan. Xaq baad u leedihiin, cid idinka hor istaagi karta ma jirto. Intaa markaad sameysaan ayey DFS, IGAD, AU iyo bulshda caalamka idin dhageysan doonaan" ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble Hadalka madaxweynahii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi ayaa kusoo beegmaya xili shalay ay gaareen magaalada Jowhar madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle oo safarkiisa ay qeyb ka ahayeen guddoomiyeyaashii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo C/fataax Xasan Afrax kuwaas oo Jowhar ka sheegay iney u joogaan sidii ay u dhisi lahayeen Hirshabelle cusub xili beelaha ay kasoo jeedaan aysan wali ku qancin hab dhismeedka Hirshabelleda cusub. Ugu dambeyntii madaxweynahii hore ee Hirshabelle Cali Csible ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay "Qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa, fowdana waa laga hortagaa ee lama sugo. Ma jecleyn inaan sidaan ku taliyo balse waxaa ii muuqata talo kale oo idiin furan ineysan jirin. Dhista Hirshabeelle la mid ah midda ay reer Jowhar dhisanayaan" Shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa u muuqanaya iyagoo markii labaad diidan dhismaha maamulka Hirshabelle in la doonayo in markale lagu hordhiso maamulka cusub. Xigasho
  18. Mahad Salaad ayaaba rabo inuu talo wanaagsan bixiyo. Kan aragtida meesha soo dhigeyna lama yaabaayi waa iska another Sanbalooshe, even though he was a former 'madaxweyne.'
  19. Dah. Xabashiland is too precious for dowladaha Galbeedka, plus Shiinaha who invested and has billions of dollars in loans to Xabashada.