Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,658
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. As always I welcome news like this. Soomaalida qaarkood and masuqmaasuqnimo ma kala haraan.
  2. Diyaaradaha dalka Qadar laga leeyahay hawadooda xataa uma ogola and yet they are doing this in Sacuudiga iyo Imaaraadka. Shameful.
  3. Jiilkaan dhan waxee u egyihiin inay dhasheen wixii 2000 ka dambeeye yet they naturally know Soomaaliyeey toosoo. Soomaaliyeey toosoo is an easy to remember memorable national song. I remember these same Reer Boorame heestaan qaadayeen in 2016 after being asked by a wariye.
  4. Maakhiri, you are rather unusually optimistic this time. That is good to know, widaay.
  5. Qoraalka is written by a Kiikuuyo called Abuga Makori who is obviously against Soomaaliya's recovery. He is also the editor of Garoowe-Online. Such a shame, a Soomaaliya-based site hiring anti-Soomaali non-Soomaalis as editors.
  6. Not Soomaalis in general, but reero faradheer shaxaad ku nool - aka self-proclaimed laandheere. Anyway, those numbers are skewed. I believe Soomaaliya's GDP is more than 8.3 billion.
  7. Laakiin Muqdisho was 'pacified' by Maxkamadaha that was led by Shariif Sh. Axmed, though. It was bisha shanaad, sanadkii 2006, markee Xamar ka sifeeyeen qabqabliyaashii qaribay. It was them who opened the airport and dekedda.
  8. Uhuru oo laga dalbaday in uu taageero weydiisto Farmaajo, kadib go’ankii… Kenya ayaa ka mid ah dalalka uu la dagay musuq-maasuqa, waxaana hay’adaha dalkaasi ku badan wax is-daba marinta, sida marar badan wariyeen warbaahinta gudaha dalkaas iyo tan caalamiga ahba. John Mututho oo ah xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in loo baahan yahay in xukuumaddu ay qaado tallaabo la mid ah tan ay qaaday maxkamadda gobolka Banaadir oo xukuntay agaasimeyaal iyo shaqaale ka tirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo lagu helay inay musuq-maasuqeen dhaqaalaha Covid-19. Xildhibaankan ka tirsanaa baarlamaanka Kenya, lagana soo doorto magaalada Naivasha ayaa ka dalbaday Madaxweyne Uhu Kenyatta inuu taageero weydiisto Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), si uu uga caawiyo arrintaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray Soomaaliya ay bartay Kenya sida loo xiro, loona maxkamadeeyo dadka sameeya musuqa. “Soomaaliya waxay na tusisay sidda loo xiro loona maxkamadeeyo dadka musuqmaasuqa ee xaday dhaqaalaha Covid-19. Madaxweyaha waa in uu ka codsadaa Soomaaliya kaalmo ku saabsan arrintaan. Mudane madaxweyne, waanu og-nahay in aadan halkaan iska joogin, waxaad u joogtaa Kenya, hadda waa in aad la hadashaa madaxweynaha Soomaaliya si uu kaaga caawiyo arrintaan,” ayuu yiri John Mututho. Sababta ay xilligan taageerada uga baahan yihiin Soomaaliya ayuu ku sheegay inay tahay tusaalaha wanaagsan ee lagula macaamili karo dadka sameeya musuq-maasuqa, maadaama hay’adda dalka Kenya ay ku fashilmeen inay baaraan, soona xiraan dadkaasi. “Hay’addaheena waxay ku fashilmeen in ay baaraan ama soo xiraan dambiileyaasha, tanina waa sababta aan u sheegeyno in aan u baahan aan ka helno Soomaaliya oo na tusisay tusaale wanaagsan oo lagula macaamili karo tuugada deeqaha Covid-19,” ayuu sii raaciyay. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan Soomaliya ay xukun adag ku ridday mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsan wasaaradda caafimaadka oo la horgeeyey maxkamadda gobolka Banaadir, kadib markii lagu helay inay musuq-maasuqeen gargarka iyo dhaqaalaha loogu talagalay Covid-9, tallabadaas oo loogu bogaadiyey dowladda federaalka Somalia.
  9. He is back. Ra'iisul wasaaraha cusub muu mid asaga wato u raadinaayaa? Shariif Xasan oo sanado kadib dib ugu soo laabtay dalka Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, isagoo tan iyo 2018-kii ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimada Kenya. Shariif Xasan oo haatan ah guddoomiye ku xigeenka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin kala duwan, sida xildhibaano iyo wasiiro. U jeedka safarkiisa ayaa waxaa lagu sheegay inuu qeyb-ka yahay is-bedalka siyaasadeed ee dalka, isagoona ka qeyb qaadan doono arrimaha doorashaa ee 20/21. Sidoo kale waxaa la filayaa inuu kulamo ka bilaabi doono gudaha magaalada caasimadda Muqdisho, isaga oo marka hore la fariisan doono Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuued iyo Sheekh Shariif Sheekh oo haatan ay saaxibo dhow yihiin. Waxaa sidoo kale lagu wadaa inuu warbaahinta u qabto shir jar’aaid, kana hadlo xaaladda siyaasadeed dalka, gaar ahaan xilliga kala guurka ee haatan lagu jiro. Si kastaba ha’ahaatee socdaalka Shariif Xasan ayaa ku soo aadaya, iyad haatan uu dalku ku jiro marxlad doorasho, islamarkaana ay bilaaban doonaan wada-tashiyo ballaaran oo u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka. Xigasho
  10. Dhib miyaa saas? Of course Reer Arlaadi iyo gabdho faradheer buuqooda maa isfahmaayo. Mid Reer Arlaadi kale oo af gaaban inuu raadsado waaye oo Afmaaygana la taqaano. Nothing wrong with that.
  11. Malaaq la isku ogaa ugaas intuu ka yimid?
  12. This is a bold move and I wholeheartedly agree to this. It also puts Kiikuuyada into corner, a corner they cannot leave from since they will not accept some of the conditions. Maxay yihiin afarta shardi ee DF Soomaaliya ku xirtay keenista qaadka Kenya? Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo hore xiyaarado ugu soo rogtay qaadka ka imaan jiray dalka Kenya, sababo la xiriira Covid-19 ayaa go’aankaasi wuxuu saameyn xoogan ku yeeshay xukuumadda Nairobi iyo sidoo kale ganacsatada Qaadka ee wadankaasi Kenya. Wargeyska The Business Daily ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa warbixin uu ka qoray xiyaarada ay Soomaaliya saartay Qaadka ayaa soo bandhigay shuruudo uu sheegay in dowladda federaalka ay ku soo rogtay Qaadka maalin-walba uga imaan jiray dalkaasi. The Business Daily ayaa shaaciyey illaa afar qodob oo Soomaaliya ay hor dhigtay Kenya, kuwaas oo kala ah:- In dowladda Kenya ay faragelinta ka deyso Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isla markaana si siman ula macaamiisho dadka Soomaaliyeed. In Kenya raali gelin ka bixiso inay kusoo xadgudubtay Hawada Soomaaliya In Kenya ogolaato inay dhoofsato wax soo saarka Soomaaliya, sida Kalluunka, Malabka, Hilibka iyo Caanaha iyo waxyaabaha kale ee muhiim ah. In Kenya ay laasho in duulimaadyada ka baxa Soomaaliya ugu baareyso Magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari taas oo dhibaato weyn ay ku qabaan dadka ka baxa gudaha dalka Somaaliya. Dhinaca kale Wargeyka ayaa warbixintiisa ku xusay inuu go’aankan saameyn ku yeeshay ganacsatada Kenya, islamarkaana uu dhulka galay dhaqaalahooda, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dalab ay u soo jeedisay dowladda Soomaaliya ay ku gacan seertay, si looga qaado xayiraada. Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo todobaadkii la soo dhaafay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay sii adkeysay xayiraadaha Qaadka ee saaraan duulimaadyada dalka Kenya, iyadoo digniin u dirtay diyaarado la sheegay in si qarsoodi ah Jaadka ku soo geliyaan dalka. Xigasho
  13. Somalia sets miraa ban lifting terms The Somali government has given Kenya five conditions ahead of lifting blockade of Miraa imports. Nyambene Miraa Traders Association (Nyamita) reckon that talks to end the Miraa stalemate has hit a snag and Somali has issued demands that must be addressed by Kenya. The demands include: Kenya must treat Somalia as an equal, desist from interfering with Somalia’s internal affairs, apologise for violating Somalia airspace, allow in goods from Somalia including fish, rice, sugar, honey, meat and milk and Kenya stops forcing flights from Somalia to make a detour to Wajir for inspection. Somalia had also demanded government-to-government talks after it snubbed a delegation of traders and officials from Kenya crops regulator—Agriculture and Food Authority (AFA). “Top government officials in Somalia said Kenya has been unresponsive to the issues. We are banking on President Uhuru Kenyatta to resolve the diplomatic tiff,” Nyamita chairman Kimathi Munjuri said. He said traders had agreed to pay increased tax of $4 (Sh432) per kilo in Somalia and adhere to new guidelines aimed at preventing the spread of Covid-19. “Kenya must take a concrete position on miraa because we are still facing basic challenges locally. This will go a long way in countering the anti-khat campaigners from Europe who have pitched tents in Somalia,” Mr Munjuri said. Xigasho
  14. Che, Geeddi waxee isku laf yihiin Maxamed Dheerihii geeriyooday, Cali Mahdi, Shariifka iyo xirtooda kale. Hadduu madaxweyne Farmaajo uu u maleynaayo Cali Maxamed Geeddi ayaa sacabtume yar u noqonaayo, the president is dreaming then. Farmaajo had a chance to make history and set a precedent - the first president and prime minister of Soomaaliya xilligooda isla dhamaado. Ma dhicin taas.
  15. Dhismo iyadoo ku socoto ogaa, agagaarka Lambar Afar waaye. Shopping Mall moodaaye ee hoteel miyaa?