Che -Guevara

Nomad
  • Content Count

    29,724
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    269

Everything posted by Che -Guevara

  1. ^You are making alot of sense today Osman :-) Carafaat...Twenty years of foreign intervention didn't bring peace, expecting different outcomes is just insane and not mention inviting Somalia's arch enemies who committed so much crimes in Xamar and Somaligalbeed. These are same that desecrated our mosques, raped women and carpet bombed our capital.
  2. Xaaji Xunjuf;769333 wrote: Magaci maraykanku u bixin jireen markay dalalka islaamka galayaan oo kale bay la baxeen lol LoooooooooL
  3. Fighting over who's Woyane's favorite pet. "Waa waxba kama jiraan sheegashada dowladda KMG iyo Ahlu Sunna Waljameeca, magaalada Beledweyne waxaa gacanta ku haya xoogagga maamulka Dooxada Shabeelle oo gacan militari ka hellaya ciidamada Itoobiya, sidaa daraadeed micno badan malaha in warbaahinta laga sii daayo hadalo aan sal laheyn ayuu yiri,’’ Max’ed Nuur Gaga-joof oo warfaafhinta u qaabilsan maamulka Dooxada Shabeelle
  4. Johnny.....Do you in heart of heart believe Amharas and Kikuyu will free Somalia for you? Get real! Carafaat.....Maxaa isbadalay?
  5. " frameborder="0" allowfullscreen>
  6. Maamulka Dooxada Shabeelle oo waxba kama jiraa ku tilmaamay hadallo kasoo yeeray Dowladda KMG iyo Ahlusunna Axad, Jannaayo 01, 2012 (HOL) − Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay maalintii shalay dagaalladu ka dhaceen magaalada Beledweyne islamarkaana xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab gacantooda ka baxday magaalada, waxaa ay warbaahintu siweyn ugu jahwareertay rasmi ahaa cida gacanta ku heysa magaalada marka laga raabo ciidamada dowladda Itoobiya. Dowladda KMG, maamulka Ahlu Sunna Waljameeca iyo Dooxada Shabeelle ayaa si wada jir ah uga hadllay dagaallkii maalintii shalay iyadoo mid walba oo ka mid ah uu gaar u sheegtay in ay iyagu gacanta ku hayaan. Wasiirrka warfaafinta maamulka Dooxada Shabeelle Max’ed Nuur Caga-joof ayaa isaga oo ku sugan magaalada Beledweyne waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar saacadihii aynu soo dhaafnay warbaahinta laga sii daayay kuwaasoo sheegay in dowladda KMG iyo Ahlu Sunna Waljameeca qeyb ka yihiin xoogagga la wareegay magaalada Beledweyne. "Waa waxba kama jiraan sheegashada dowladda KMG iyo Ahlu Sunna Waljameeca, magaalada Beledweyne waxaa gacanta ku haya xoogagga maamulka Dooxada Shabeelle oo gacan militari ka hellaya ciidamada Itoobiya, sidaa daraadeed micno badan malaha in warbaahinta laga sii daayo hadalo aan sal laheyn ayuu yiri,’’ Max’ed Nuur Gaga-joof oo warfaafhinta u qaabilsan maamulka Dooxada Shabeelle. Waxaa uu intaa ku darray in aan marnaba la arki karin cid ka aan ka tirsaneyn maamulka oo hub ku dhax sidata gudaha magaalada, isaga oo sheegay in cidii lagu arko hub sharci darro ah maamulku talaabo ka qaadi doono. "Shacab-ka waxaa ku wargalineynaa in ay laamaha nabad-galyada la soo xiriiraan haddii ay arkaan arrimo nabad-galyada wax u dhimi kara, waxaana ugu baaqeynaa dadku in ay dib u furtaan goobahooda ganacsiga,’’ ayuu yiri,’’ Max’ed Nuur Caga-joof. Hadalka ka soo yeeray maamulka Dooxada Shabeelle ee maalintii shalay la wareegay gacan ku heyntan magaalada Beledweyne iyaga oo kaashanaya dowladda Itoobiya, ayaa ku soo beegmaya xili saacadihii aynu soo dhaafnay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna Waljameeca siyaabo kala duwan u sheegteen in ay la wareegeen magaalada Beledweyne. Gudaha magaalada ayaa lagu dhax arkayaan gawaarida dagaallka oo ay ku asteysan tahay calaamada u gaarka ah maamulka Dooxada Shabeelle, kuwaasoo ku sugan saldhiga baliiska, xarunta maamulka gobollka, iyo xabsiga magaalada. C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiraan.com Beledweyne, Soomaaaliya
  7. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegay in ciidamada Itoobiya ay ka amar qaadanayaan Dowladda KMG ah Axad, Jannaayo 01, 2012 (HOL) − Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee soo galaya Soomaaliya ay ka amarqaadanayaan dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in hoggaanka dagaalka ay hayso xukuumadda Soomaaliya. Xuseen Carab oo wereysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in DKMG ah ee Soomaaliya ay weydiisatay dalalka gobolka oo ay Itoobiya ku jirta inay gacan ka siiyaan sidii lagu soo celin lahaa ammaanka guud ee dalka. "Dalka Itoobiya wuxuu ka mid yahay dalalka aan weydiisanay inay gacanta nagu siiyaan sidii dalka ammaankiisa lagu soo celin lahaa," ayuu yiri wasiirka difaaca ee Soomaaliya, isagoo xusay in soo gelintaanka Itoobiya ay tahay mid ay og-yihiin. Su'aalo ku saabsan inta ay dalka ku sugnaanayaan iyo tiradooda oo la weydiiyay ayuu ka gaabsaday isagoo sheegay in howlgalku uu billow yahay isaguna uusan hadda ka jawaabi karin su'aalaha la weydiinayo. Kumannaan askarta Itoobiya ah oo wata gaadiid dagaal ayaa waxay shalay weerar ku qaadeen degmada Baladweyne iyagoo ka qabsaday Xarakada Al-shabaab oo gacanta ku haysay, waxaana wehliya ciidammo ka kala tirsran DKMG ah, Ahlusunna iyo maamulka dooxada Shabeelle. Afhayeenka xukuumadda Itoobiya Bereket Simon oo saxaafadda la hadlay ayaa isna sheegay in ciidamadoodu ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya si ay u caawiyaan dowladda KMG ah oo weydiisatay in gacan laga siiyo tallaabo adag oo ay doonayso inay ka qaaddo Al-shabaab. Xarakada Al-shabaab ayaa iyaguna xaqiijiyay inay ka baxeen degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, iyagoo sheegay in sababta ay magaaladaas uga baxeen ay sal ku leedahay xeelad dagaal Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  8. Afhayeenka Itoobiya oo sheegay in Ciidamadoodu ay galeen Somaaliya si ay u caawiyaan DKMG oo gacan weydiisa Axad, Jananayo 01, 2012 (HOL) − Afhayeenka dowladda Itoobiya, Bereket Simon oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in ciidammo badan oo Itoobiyaan ay gudaha u galeen Soomaaliya si ay uga jawaabaan codsi uga yimid dowladda KMG ah ee Soomaaliya kaasoo ah in gacan laga siiyo dagaalka ay kula jirto Al-shabaab. Bereket Simon, wuxuu sheegay inuusan sheegi karin tirada dhabta ah ee galay Soomaaliya balse wuxuu sheegay in tirada sugan ee ciidamada uusan sheegi karin balse ay yihiin ciidammo lixaad leh oo gudan kara mas'uuliyadooda. "Sida la ogyahay dowladda KMG ah ee Soomaaliya waxay billowday howlgallo ay Al-shabaab tallaabo adag uga qaadayso si ay u soo celiso ammaanka howlaha gargaarkuna ay u billowdaan. Itoobiya waxay ka mid tahay dalalka ay DKMG ah weydiistay inay ka caawiyaan dhinaca milateriga, waana taas sababta aan u galanay Soomaaliya," ayuu afhayeenka Itoobiya kaga jawaabay su'aal ahayd sababta ay u galeen Baladweyne. Afhayeenka waxaa la weydiiyay su'aal kale oo ahayd: In dadka ku nool Hiiraan ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ay wadaan dagaalka xooggiisa oo arrintoodu ka badan tahay faragelin? Wuxuuna kaga jawaabay: "Maya... aasaasiyan waa DKMG ah cidda howlgalka billowday, balse iscaabintii nooga timid meelihii aan ku aadnay si wanaagsan ayay ciidamadeennu wax uga qabteen, halkaas ayaana ka howlgalaynay, innagoo raacayna baaqa DKMG ah." Su'aal kale oo ahayd muddada ay joogayaan Soomaaliya ayuu kaga jawaab celiyay: "Taariikhda dhow ayaa markhaati ka noqonaysa inta aan doonayno inaan sii joogno Soomaaliya waana wax ku xiran rabitaankeenna, waxaan ula jeedaa Itoobiya si toos ah uma galayso dagaallada ka socda Soomaaliya, balse howlgalku wuxuu soconayaa inta laga maarmaanka ah." Ugu dambeyn, su'aal la weydiiyay oo ah in Mareykanka ay kala tashadeen arrinta ay ku galeen Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in sugidda ammaanka geeska Afrika ay tahay mid u taalla gobolka, waana mid dan guud ah innaga iyo Mareykankana waan ka mideysannahay, la tashigana waa arrin caadi ah. Kumannaan askarta Itoobiya ah oo kaashanaya ciidammo Soomaali ah ayaa shalay waxay la wareegeen gacan ku haynta degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaddib dagaal culus oo ay la galeen xoogaggii Xarrakada Al-shabaab ee ka talinayay. Dhanka kale, dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa iyaduna xaqiijisay in ciidamada Itoobiya ay gacan ku siinayaan dagaalka ay kula jirto Xarakada Al-shabaab, iyadoo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu sheegay inay billowdeen howgallo lagu soo celinayo ammaanka guud ee Soomaaliya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  9. Yesterday's mujahids, today's collaborators...what hypocrite Sharif is worse than Yeey in many ways.
  10. Jiiroow Bakaal;769190 wrote: General Duke of 2012 LoooooooooooooooooooL
  11. Abtigiis...You are missing the point. Somalia's sovereignty has already been breached many times over but here this is militia in the name of of Shabelle and Ahlu Sunnah answerable only to Ethiopians but entering Somalia under the guise of helping the TFG and crushing AS. Do you seriously think Azania in the Jubbas, Horn's boy from Gedo, and Ahlu Sunnah will answer to the TFG once they captured those with the considerable help with of Ethiopians and Kenyans?
  12. There are no sufficient TFG militias. Any vacuum left by the Ethiopians will be filled by tribal militias and Ahlu Sunnah, both of which pledge no allegiance to the TFG, it's the same in Kismayo front and Gedo front, neighbors using local militias under the cover of aiding the TFG.
  13. ^You mean AMISOM will instruct him to say few encouraging words. According to Jowhar.com, Ethios are searching every home, a practice they have perfected in Somalia Galbeed and Xamar where they kill people arbitrarily.
  14. ^It looks like it but I wonder how he would explain his acceptance to Ethios in Somali soil?
  15. ^Maxaan ka,aqaan you are the one hell bent on reconciliation and high on optimism but your posts here are neither optimistic nor conciliatory.
  16. Ethiopian troops capture Beledweyne from Somalia militants Ethiopian forces have captured the central Somali town of Beledweyne from al-Shabab Islamist militants. Al-Shabab said its forces were surrounding the town after making what it called a planned withdrawal. Eyewitnesses said armoured vehicles and heavy artillery were used in the attack, which Ethiopia said was made at the request of the Somali government. Somalia's prime minister meanwhile announced an operation "to liberate the tyranny of... al-Shabab from Somalia". "Early this morning, the Somali National Army recaptured some al-Shabab-occupied territories engaging the enemies in Hiiraan and other regions of the country," said Abdiweli Mohamed Ali, head of Somalia's Transitional Federal Government (TFG) "We are officially requesting for momentous support from neighbouring countries such as Ethiopia and the international community at large to assist the Somali people and its government with this historic operation." 'Planned withdrawal' Al-Shabab fighters withdrew from Beledweyne after a fierce hours-long battle in which local residents had joined "the Mujahideen" to fight against more than 3,000 Ethiopian troops, according to messages posting on a twitter account reportedly run by al-Shabab's press office. "Sheikh Abu Mus'ab, HSM Military Spokesman, has declared a planned withdrawal from the city and Mujahideen are now surrounding the city," read a tweet posted around 11:30 GMT on Saturday. Twenty people were killed in the fighting, a BBC Somali reporter said, mostly Ethiopian troops and al-Shabab fighters. Beledweyne is a strategic town near the Ethiopian border on the road to Somalia's capital, Mogadishu. It was through the town that Ethiopia entered the country during 2006 and from it that its troops were driven in 2008, finally withdrawing back into Ethiopia, says BBC Africa analyst Martin Plaut. An Ethiopian government spokesman, Bereket Simon, told the BBC's Newshour programme: "The TFG has called on neighbouring countries including Ethiopia to assist this operation militarily so that's why we have entered." Last month, Ethiopia denied that its troops had returned to Somalia - about two years after they withdrew after suffering heavy casualties. The AU has about 9,000 troops in Mogadishu under a UN Security Council mandate to battle the al-Qaeda-linked group. Foreign military intervention in Somalia is intended to prevent al-Shabab from overthrowing the weak interim government led by Somalia's President Sheikh Sharif Ahmed - a moderate Islamist. Al-Shabab announced a "tactical withdrawal" from Mogadishu in August after fierce fighting with AU forces. AU commanders in Somalia say they need about 20,000 troops to hold on to territory captured from al-Shabab. Somalia has not had a functioning central government for more than 20 years and has been wracked by fighting between various militias. BBC
  17. Xaalada Beledweyne oo galabta xasiloon kadib dagaalo culus oo maanta ka dhacay Waxaa xasiloon xaalada magaalada Baladweyne kadib dagaalo saakay ilaa duhurkii ka dhacayey duleedka iyo gudaha magaalada. Dagaalada oo u dhaxeeyey ciidamo Itoobiyaan ah iyo Soomaali is garabsanaya iyo dagaalyahanada Al Shabab ayaa kusoo gaba gaboobay ugu danbeynti in magaalada ay gacanta u gasho ciidamadi Itoobiyaanka ahaa. Inta la ogyahay 20 ruux oo dhinacyadi dagaalmayey u badan ayaa ku dhimatay, sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu jiro qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dadka rayidka ah. Sarkaal u hadlay ciidanka dowlada oo lagu magacaabo Gaashaanle C/laahi Bare Cilmi ayaa u sheegay wariyaasha isaga oo ku sugan Baladweyne in magaalada ay si buuxda gacanta ugu hayaan xaaladana ay hada dagantahay. Afhayeen u hadlay Al Shababab oo la yiraahdo C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in ay uga baxeen magaalada xeelado dagaal, isaga oo wacad ku maray in dagaal uu hada bilow yahay dibna uga qabsan doonaan ciidamada Itoobiyaanka. Wararki ugu danbeeyey ee aanu heleyno galabta dhankaasi iyo gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in dhaawacyadi Al Shabab la dhigay deegaanka Halgan oo qiyaastii 80-km u jirto magaalada Baladweyne. Horseed Media
  18. You mean our friend Norf could be orphaned soon...
  19. Strictly speaking, no privacy is being violated. Perhaps we could discuss the advantages and disadvantages of recycling news that perpetuates a negative of Somalis?
  20. Ciidammo Itoobiyaan iyo kuwo Soomaali ah oo saakay weeraray Degmada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan Sabti, December 31, 2011 (HOL) − Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa saakay oo Sabti ah aroortii hore weerar ku qaaday ciidammo Itoobiyaan ah oo ay wehliyaan kuwo Soomaali iyadoo dagaalladu ay ka billowdeen deegaanno ku dhow degmada Baladweyne. Inkastoo aan la sheegin karin khasaaraha ay dagaalladu geysteen ayaa haddana waxay wararka laga helayo degmadaas sheegayaan in dagaalku uu ku dhawaaday Baladweyne, haddana uu ka socdo buurta janta kuundishe oo bariga magaalada ku taalla. "Dagaalku wuxuu qarxay 6:30 aroornimo ee saakay, waana mid culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo, dadkuna way isaga cararayaan magaalada," ayuu yiri goobjooge Baladweyne ku sugan oo la hadlay HOL. Goobjoogaha oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa hadalkiisa ku daray in xoogagga Al-shabaab ay dib ugu soo guranayaan magaalada Baladweyne lana xiray gabi ahaan ganacsiga, iyadoo la arkayo dadka oo si firxad ah uga baxaya magaalada. "Xaaladdu waa mid darran, dagaaladuna waa kuwo marba marka ka dambeeya soo kordhaya... xoogagga Al-shabaab waxay kusoo laabanayaan gudaha magaalada lamana saadaalin karo xaaladdu siday isku bedeli karto," ayuu hadalkiisa ku daray. Saraakiil u hadlay ciiidammada Soomaalida ah oo taabacsan dowladda KMG ah ayaa sheegay in dagaalku uu ka socdo daafaha magaalada Baladweyne qorshahooduna uu yahay inay la wareegeen degmadaas oo ay ka taliso Al-shabaab, iyagoo xusay inaysan jirin ciidammo Itoobiyaan ah oo dagaalka u wehliya. Balse goobjoogayaal ku sugan deegaanka Ceelgaal ayaa xaqiijiyay inay dagaalka ka qaybqaadanayaan ciidammo Itoobiyaan ah. Iyagoo sheegay inay arkeen gaadiidka dagaalka ee ciidamada Itoobiya oo dagaalka ka qayb ka ah. Xarakada Al-shabaab oo aan si faahfaahsan uga hadlin dagaaka ayaa iyaguna sheegay in dagaaku uu socdo, ayna iska caabinayaan ciidamada Soomaalida ah iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee la socda. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya