-
Content Count
29,729 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
269
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Che -Guevara
-
Madaxweyne Xasan Sheekh "Aniga gar-guurta la igu naaneysaa, gar-guurashadeyda maanta ayay soo gaba gabowday" Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qiray inuu la soo daahay soo magacaabista Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, isagoo cadeeyay in muddo laga sugayay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in mudo uu soo waday la tashi, isla markaana ay eegayeen shaqsi karti iyo aqoon leh, in howlaha Xukuumada socodsiiyo. "Dad badan waa sugayeen in maanta la soo gaaro, Aniga gar-guurte la igu naaneysaa, gar-guurashadeyda maanta ayay soo gaba gabowday, intaasna waxay aheyd inaan isu roonaano, iyo la tashi, ma aheyn la tashiga hebel maa rabtiin iyo hebel ma aheyn, la tashiga wuxuu ahaa nooc aan rabno in wax u socdaan"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa sheegay in Ra'iisul wasaaraha cusub ay u hayaan kalsooni, isla markaana ay kula garab galayaan sidii xilkiisa uu u gudan lahaa. "Aad iyo aad ugu kalsoonahay xilkaas inuu guto anaga waa kaalmeyn doonaan, waxaan leeyahay shacabka waa ku sugayeen waa kuu heelan yihiin, waan u duceyneynaa in howshiisa ku guuleeyo, waa cusub iyo is bedel cusub inuu ka ambaqaado rajeyneynaa"ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamed ayaa noqday Madaxweynihii u horeeyay ee ku daaha soo magacaabida Ra'iisul Wasaaraha, iyadoo shaqsigan loo magacaabay xilka uu Muqdisho ku sugnaa xilligii ay bilaabanayeen ololihii doorashada xilka Madaxweynaha. Hoyga wararka Somaliyeed www.jowhar.com jowharnews@gmail.com jowharcom@hotmail.com Master on October 06 2012
-
^AS gone maybe but tell your homeboy Saacid is his new prime minister....lool
-
^Tell them dee lool
-
^No, you are calling the SOMALI GOVERNMENT the regional south central Government of Somalia. Should Abdiweli been selected, I guess it would have stayed Somali Government in your books. Mogadishu is your capital and Garowe answers to it-get use to it.
-
^Why not just secede if you see this Government as government of South Central Somalia...
-
The Five Stages of Grief-Let the Healing Begin Puntlanders
Che -Guevara replied to Che -Guevara's topic in Politics
I like how Duke is spinning it. -
The Five Stages of Grief-Let the Healing Begin Puntlanders
Che -Guevara replied to Che -Guevara's topic in Politics
Abtigiis....What is you know that we don't know about these men that render them clueless? Mooge....I could take joke but I haven't heard one yet.....Shoot, amuse me! -
The Five Stages of Grief-Let the Healing Begin Puntlanders
Che -Guevara replied to Che -Guevara's topic in Politics
lool@warrior Mooge kaba kaa wayn amaad gashatay Oba......I am sure they could take joke. It's harmless fun. -
The Five Stages of Grief-Let the Healing Begin Puntlanders
Che -Guevara replied to Che -Guevara's topic in Politics
Somalia....In fairness to you, you are exercising some self-control and putting a face. Your friend on the hand became unhinged. -
The Five Stages of Grief-Let the Healing Begin Puntlanders
Che -Guevara replied to Che -Guevara's topic in Politics
I love this part: "Some experts have given a six-month timeline before this new government finds itself isolated and unable to continue its term." -
The Five Stages of Grief-Let the Healing Begin Puntlanders
Che -Guevara replied to Che -Guevara's topic in Politics
Somali President Appoints His Adviser’s Husband as Premier After spending weeks deliberating his choice for prime minister among a list of experienced and educated candidates, the Somali president, Hassan Sheikh Mohamud, decided in the end to appoint his adviser’s husband to the position of premier. Abdi Farah Shirdon is the husband of Asha Haji Elmi, the most powerful female parliamentarian in the new Somali government. Mr. Shirdon was also a financier of Hassan Sheikh’s campaign in September, helping the unknown candidate achieve high placement among rivals. Before his appointment as prime minister, Mr. Shirdon was a businessmen and NGO fundraiser, often seen promoting his wife’s non-profit campaigns. He is also a member of the president’s Dam Al-Jadid (New Blood) network, a group of political Islamists based in Mogadishu. Abdi Farah Shirdon is seen as a toothless prime minister accompanying a powerless and timid president. Neither the president, nor his premier, nor his advisory team have any political experience inside Somalia. Some experts have given a six-month timeline before this new government finds itself isolated and unable to continue its term. DissidentNation.com -
1.Denial 2.Anger 3.Bargaining 4.Depression 5.Acceptance-Final Stage
-
Madaxweynaha Soomaaliya oo soo magacaabay Ra'iisal Wasaarihii la sugayay Sabti, Oktoobar 06, 2012(HOL): Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa goor dhaweyd soo magacaabay Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo muddo bil ku dhow soo magacaabiddiisa laga sugayay Madaxweynaha Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, kaasi oo ah nin ganacsade ah oo degan dalka Kenya, isla markaana la soo shaqeeyay hay'adaha samafalka. Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ka mid ahaa musharrixiintii isu soo taagay xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, sidoo kalena waxa ay madaxweynaha ka wada tirsanaayeen isbaheysi ay ku bahoobeen xisbiyo isbedel-doon ah. Ra'iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa maalmo kaddib la hor-geyn doonaa Baarlamaanka Soomaaliya si uu codka kalsoonida u siiyo, kaddibna waxaa ooga fadhiyaa in uu soo dhiso xuuumad tayo leh oo afarta sano ee soo socota gudata waajibaadka horyaalla ee ah in ay dalka iyo dadka ka bixiso dhibaatada ay ku jiraan. Munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Ra'iisal Wasaaraha cusub, waxaana goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari ayaa munaasabadda magacaabidda ka hadlay, waxayna ra'iisal wasaaraha cusub u rajeeyeen in uu alle u fududeeyo xilka loo magacaabay. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com
-
War Deg Deg ah: Madaxweynaha Soomaaliya oo u magcaabay Raysal wasaare Saacid Faarax Garaad.OCTOBER 6, 2012 17:53 5 COMMENTS Saacid Faarax Garaad waxaa loo magcaabay Raysal wasaaraha Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamed ayaa goor dhow magacaabay Ra’isulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid). Waxaa lagu magcaabay Raysal wasaaraha cusub xaflad ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaana goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka & Saraakiil ka socotay beesha Caalamka. Waa Raysal wasaarihii 5-aad oo Soomaaliya yeelato tan & markii Dowladda Federlaaka lagu soo dhisay sanadkii 2004 wadanka Kenya wuxuuna xilkaas kala wareegi doono Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo horay u hayey. Ilaa xalay waxaa la isla dhex marayey warar sheegaya in Saacid laftigiisa loo magcaabi doono Raysal wasaare arrintaas oo maanta si rasmi ah u cadaatay. Waa shakhsi ku cusub siyaasada Soomaaliya mase aha markii ugu horaysay ee uu u ordo xilkaas horay Madaxweyne Shiriif Sh. Axmed ayaa la sheegay inuu u balan qaaday inuu xilka Raysal wasaare u magcaabi doono kadib markii uu is casilay Raysal wasaare Sharmaarke sanadkii 2010 hase ahaate markii danbe wuxuu Madaxweyne Shiriif go’aan saday inuu xilkaas u dhiibo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Wuxuu ku yimi nidaamka 4.5 isagoo ka soo jeeda Beesha ********* oo ka tirsan beelaha ******* . Shaqooyinka ugu muhimsan ee horyaal. Raysal wasaaraha cusub waxaa horyaala hawlo badan ayna u horeeyaan inuu soo dhiso Xukuumada tayo leh oo hogaamisa Dalka 4-ta sano ee soo socota. Intixaanka ugu weyn ee hada horyaala Raysal wasaaraha cusub waa go’aankii uu ka qaadan lahaa xaaladda Gobolada Jubooyinka oo dhowaan ay la wareegeen Ciidamada Dowladda oo taageero ka helayey kuwa Kenya deegaanadaas oo hada la qorsheynayo in Maamul Goboleed loo dhiso waloow beesha uu asal ahaan ka soo jeedo Raysal wasaaraha cusubi ay si weyn uga biyo diidan tahay sida hada loo wado qorshayaasha lagu soo dhisayo maamulkaas. Jawaabta Puntland. Raysal wasaaraha cusubi kama soo jeedo dhanka Deegaanada Puntland oo si weyn loo hadal hayey in jagadaas loo magcaabo shakhsi ka soo jeeda Deegaanadaas lamana oga jawaabta ay ka bixin doonto Xukuumadda Puntland oo iyadu horay genefka ugu dhufatay magcaabidii Raysal wasaarihii hore ee Farmaajo oo ay isku beel ka soo jeedaan Raysal wasaaraha cusub. Magcaabidii Raysal wasaare Farmaajo kadib Xukuumadda Puntalnd waxay si cad u sheegtay in xilkaas ay lahaayeen siyaasiyiinta reer Puntland taas oo dhalisay khilaaf baahsan oo soo kala dhex galay TFG & Puntland markii danbena ku soo dhamaaday in meesha laga saaro Raysal wasaare Farmaajo laguna bedelo Raysal wasaaraha hada wakhtigiisii dhamaaday ee Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas). Shiine Culay Horseed Media
-
EG DEG: MADAXWEYNAHA DALKA OO MAGACAABAY RA'IISUL WASAARAHA DALKA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw waxaa uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya . Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa isagu waxaa loo magacaabay in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Soomaaliya kaasi oo si rasmi uu ugu dhawaaqay Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Prof : Xasan Sheikh Maxamuud . Madaxweynaha ayaa dhawaanahanba waxaa laga sugayay in uu soo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Soomaaliya si uu isna u soo magaabo Xukuumad uu yaasho Dalka http://www.risaala.net/view.php?id=8396
-
WAR DEG DEG: Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goor dhow ku dhawaaqay Ra'iisul Wasaaraha cusub Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daqiiqado ka hor u magacaabay Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Saacid Faarax Garaad, kaasoo si aad ah saacadihii u dambeeyay loo hadal hayay in xilkaas loo magacaabayo. Munaasabad ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ayaa Madaxweynaha waxaa uu kaga dhawaaqay in Ra'iisul Wasaare u magacaabay Saacid Faarax oo ah nin ganacsade ah. Wararka ayaa sheegaya in Munaasabada oo wali socoto uu khudbad ka jeedin doono Ra'iisul Wasaaraha cusub oo ka soo jeeda Beesha *********, waxaana u dhaxda Haweeneyda caanka ah Caasha Xaaji Cilmi oo ah Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka, heysata bilada Nobel Peace Prize. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya si codka kalsoonida ugu helo, kadibna ku soo dhiso Gole Wasiiro. Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe, Hoyga wararka Somaliyeed www.jowhar.com jowharnews@gmail.com jowharcom@hotmail.com
-
Muqdisho (RBC) Waxaa goordhow oo daqiiqado kaliya naga xigaan bilaabaneysa xaflad ballaaran oo madaxweynaha Soomaaliya uu ku magacaabayo raysul wasaaraha cusub ee dalka iyadoo wariyaasha iyo marti sharaf kale ay haatan fadhiyaan hoolka shirarka ee xarunta Villa Soomaaliya. Wariyaha Raxanreeb oo ku sugan madasha ayaa sheegaya inuu arkay nuqul ka mid ah wareegtada madaxweynaha oo uu ku qoran yahay in raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya loo magacaabayo “Cabdi Faarax Shirdoon” oo ku magacdheer Saacid. Mid ka mid ah kalkaaliyaasha xafiiska madaxweynaha oo aan rabin in la magacaabo ayaa Raxanreeb u sheegay in wareegtadan ay tahay mida rasmiga ah ee madaxweynuhu ku magacaabayo wasiirka koowaad ee xukuumadda (inkastoo aan si rasmi ah weli loo shaacin). Click
