gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Posts posted by gooni


  1. somalina guraab iyo meerane haduu science yahay ama cilmi falag waa layga badiyaa haduu lahjad yahayna sidoo kale

    dhaqanka baadiyaha ama reer miyiga waxbaan ke celceliyaa;)

     

    Nasiib maad afsomaali weydiin?

    War kan waa reer xamar weynaade

    wyre waa hagaage noo sheeg adaa reer qorexeye:D


  2. Ciidamada Somaaliland oo dib ugu gurtay Tuulada Canjiid.

    Posted: February 22/2011, 1:12 pm

     

    Ciidamadii Somaliland ee Ku sugnaa Magaalada Laascaanood ayaa ilaa shalay galab waxay isugu guranayeen Tuulada Canjiid oo 18KM dhinaca waqooyi ka xigta Magaalada Laascaanood.

     

    Ciidamada ayaa xalay gebi ahaanba ka baxay Magaalada Laascaanood gudaheeda.

     

    Ciidamada Somaliland ayaa culays iyo cabsi weyni kala soo diristay ciidamada Puntland oo soo buuxdhaafiyey gobolka Sool.

     

    Dib u gurashada Ciidamada ayaa timid kadib markii ay ka baqeen in dagaal kedis ahi uu qarxo oo ay ku gadoomaan magaalada Laascaanood.


  3. oday gaboobay oo bac hadday doonto maran sita in inan yari yiraahdo “ Aar kan unugaa ku nasiibsahaa” oo xabad wadnaha kaga dhufto

    Kuwa aan xitaa bac wadan baa fitno ku dhintay oo aan waxbaba lagu tuhmayn,,, AUN dhib waa lasoo maray walina waa lagu jiraa meelaha qaarkood allaha ka bixiyo.

     

    dagaalku wax wanaagsan maahan waana la isla qiray aduunkoo dhan wuxuuna ka bilowdaa dulan la is dulmo wuxuuna ku dhamaadaa is cafis aakhirka intuu doono ha socdee.

     

    Hadaba soomaalidii hore siday u dagaalami jirtay way ka duwan tahay sidaan waayahan danbe u dagaalanay

    waayadii hore waxaa jiray xeer dagaal oo aan laga gudbi jirin lama dili jirin dadka da'da ah caruurta, siiba gabdhaha,wadaadada, musaafarka, martida iwm waxaanay u yaqaaneen birmageydo ama bir ma geydo.,,,

     

    Xaalkii waa is badaley cid walba birtii wey geyday, wadaadkii lagu farxi jiray hadda waa laga naxaa,odaygii wax kala xalin jiray hadda magac ma leh,martidii xushmadda badneyd hadda wey ku xadaysaa, masaafurkii miino ayuu kuu aasayaa, caruurtii xushmadda badnayd hadda wey ku tuuraysaa.

    Aduunkii is badel baa ku dhacay lama filaana dhan kasta xataa cimaladii dhirtii duur joogtii,,, war waa keer:D

     

     

    usoo noqo dhaqankii fiicnaa,,, oo wax nooga sheeg wixii aad ka xasuusato toosiyow waa markaad soo nabad noqotid bi'idni laah.


  4. Iyadoo Wasiirka Tastuurka,Arimaha Federaalka & Dimoqraadiyeynta Puntland Dr.Cabdi Xassan Jimcaale uu dhawaan ku dhawaaqay in Puntland ay codsanayso islamarkaasna dooneysa in dib u eegis lagu sameeyo caasimada soomaaliya oo ay iminka Muqdisho ku magacaabantahay taas oo uu ku sheegey in ay 20 sano burbur xoogleh la kulmaysay islamarkaasna ay ku haboontahay in dib loo eego, ayaa waxaa soo baxayo fikrado & Oraahyo kaladuwan oo laga muujiyey hadalka dawlada Puntland.

     

    Qaar kamid ah Qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska gaar ahaaana magaalada London ee caasimada dalkaas ayaa kulan balaaran oo ay ku qaateen London waxay ku taageereen islamarkaasna kusoo dhaweeyeen hadalka dawlada Puntland ee ku saabsan in caasimada Soomaaliya Muqdisho laga badalo islamarkaasna la isugu yimaado kulan ku saabsan doorashada Magaalada Soomaaliya caasimada u noqonaysa.

     

    Cabdiqafaar Maxamed Guure oo kamid ah Qurbajoogta Soomaaliyeed ee kulanka qaadatay ayaa shirka kadib warbaahinta u macneeyey ujeedada shirkooda oo uu sheegey inay ku taageereen goaanka Puntland, wuxuuna sheegey in Muqdisho ay iminka tahay meel ay colaad badani la degtay islamarkaasna ay beel qura degentahay burbur xooglehna uu ka jiro, sidaas darteedna aysan u qalmin inay sii ahaato caasimada dalka Soomaaliya


  5. Mudane somal

    Sideedaba dadka siyaasadda wax un ka garanaya way ogyihiin ssc inaysan cidna dulmayn cidna duulaan ku ahyn.

    Somaaidu waxay ku maah maahdaa xagalo geel wax gunti lagu qariyo ka weyn,,, somaaidu waa la ogyahay inay yihiin dad isku mida diin, af, dhaqan, dhalasho, dhareer wadaag, isku xudun, isku barkina, waxaad doonto ugu yeer,wax walba waa wada nahay.

     

    Waxaa kale oo hubaala in marka qowmiyad xoog iyo qaranimo leh la doonayo in la'burburiyo loo adeegsado wax kasta oo cadawgooda farxad galisa sida tan maanta muuqata,,,, kow soomaali god la qoday isku dishayna waa caadi waa arin aan cusbayn,dhulna makala leh, dadkaas walaalahaa,lakiin wey dhacdaa,

    bini aadankoo dhan dhulka ilaahay laba mitir buu qof walbaa ku leeyahay waa markuu dhinto.

     

    hadaba aragtidayda tan snm wey ka duwan tahay meesha laga raadinayo mar walbana waxaa adeegsada cadawga aan jeclayn amniga qowmiyadda somaaliyeed, waana arinta keentay in xataa koonfurtu saxanka iyo qaadada isla waayaan,,, xididkaan ma dhawa,,,,, tusaale

     

     

     

    Waa run oo SSC waa Somaliland-diid. Ma ogola in ay hoos hadhsadaan calanka Somaliland. Waa se arrin mabda salka ku haysa. Hase yeeshee taasi ka dhigi mayso wax aanay ahayn; Argagixiso! Intaas waxa dheer saluugga weyn iyo caddaalad darrada ay dadka degaankaasi ka tirsanayaan maamulka Somaliland, gaar ahaan saami qaybsigii mansabyada dawladeed ee maamulkan hadda talada hayaa cuskaday beegaal ahaan. Taas oo dad badan sii fogaynaysa, kuna riixaysa u janjeedhsiga dhinaca SSC

    .

     

    ;) Ninkanu wuxuu ku andacoonayaa in reer buuhoodle kuraasta somaali diidka lag qadiyay loona baahan yahay in snm dib uga fiirsato arintaas

    Waa siyaasi fiican aragtidayda soo jeedka unbaa ka yara bataye,,, ssc waxay wax ku leedahay somaaliya oo dhan meeshay doonto reer waqooyi gabeedna sidoo kale somaalidu dhulka ma dhaxlan wali,,, ingriis macaawino uu bixiyay kaalay ina abti ila cuntuug,,, gunimo dharag leh gaajo gobonimo leh baa ka fiican


  6. Haddii aynu SSC ku metello SNM-tii 1980-aadkii, Dawladda Somalilandna ma ku tilmaami karnaa tii Soomaaliya ee ayaamahaas oo kale? Qolyaha kale ee Garoowe, Degaanka Soomaalida ee Itoobiya (Kililka 5aad) iyo Xamar ka soo qudhinayana “Ka-daraa u magac bixin”!

     

    Sawir kaas hore u eg (kii 1980-aadkii) iyo isma dhaanto uun, ayaa ka soo baxaysa uur-baadhka hoose ee arrimahan. Welise quus lama gaadhi karo. Wadahadal iyo waanwaan nabadeedina sidii bay albaabbada u hor yuuban yihiin oo u garaacayaan, welise uma furna dhego gufaysani.

    :D:D,, ninkan fooxuu shiday baa indhaha ka galay,,, mid runta wax kaa socdaba maahan.


  7. Gabayada ayaa ugu badan oo erayada laga helaa tusaale

    gabaygan sidii ugu dhawayd oon u xasuusto wuxuu ahaa

     

    Gabar reer korshoo timaha loo gooyay waxay guudka feedhaba kolkay maranti soo gaadho

    guur doon barbaarihi haduu geesta ka ilaaqo wuxuu gaaf wareegaba kolkuu goosto taladiisa

    markii lagu galado oo aroos ila xir loo giijo

     

    Gablantoy haday baali nimo gooni la'ahaato oo gogasha meeshii la dhigo goorna laga qaadin

    Ama weelku geyr geyr aan bi'in sal iyo guud yeesho.

    Gaagaabsi iyo hoos kolkuu gaar wax ugu sheego oo gunuunux iyo qaylo iyo waliba guux keento inuu meherka gooyaa kolkaas sow gar noqon mayso:D