gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Posts posted by gooni


  1. bob- doob ma ahi adeer lakiin waxa la iska raba raashin iyo caano maahan waa jacayl. jacaylna waa gogol xalaala oo nadiifa

    sow maadan maqal in markay dumarku andacoonayaan yiraahdaan ma gurigii aabahay baan waxaan cuno ka waayay.


  2. reer Waqooyiga ayaa noogu roon dhaqan ahaan xafidaada luuqadeena barakeysan

    Reer waqooyiga afka iyo dhaqankaba waa ku fiican yihiin waana yaqaanaan haddase hawl ka culus baa u taala.

     

    Afka soomaaligu waa hodan aan laga gun gaari karin,waxaase la yaabay saxaafadda somaalida markaad dhagaysato siday u badaleen afkii hodanka ahaa tusaale

    cidamadaas oo saakay halkaa faarujiyay,ka gadaal,kala fadhi iwm.

     

    maqaal fiican mahadsanid


  3. salaam akhyaarta,

    Inanta hajuumka badan ha laga yareeyo hawlo badan oo raggii garan la'yahay bay faraha ku haysaa magaceedun waa somalina.

    Hadaba nimankiinaan waqooyi galbeed somaaliya sadex mid soo gala:D

     

    1- Inaad wadanka iyo qarankii wax ka toosisaan oo aad labadiina lugood si fiican ugu istaagtaan.

    Daacadna la timaadaan ama qudhiinu isku daydaan inaad wax hogaamisaan adinkoon xishoonayn.

    2- Inaadnan koonfur usoo dirin nin qalbi jilicsan oo aan aronayn markuu xabadaha maqlo siilaanyow i cafi iminkaan ictaraafkii kula baadi doonayaa.

    3- Inaadnan waxba ku darsan shar iyo khayr intay koonfurtu maradeeda geesdka ka fuqsanayso,adinkuna iska dhagaysataan buraanburka ina dhakhtar iyo

    silaanyo.


  4. I am trying to be rational here and understand markii ugu horreysey oo dad Soomaaliyeed qabiil ahaan ay maamul amase qolo ka xoog badani ay u awood sheegtaan qaxiyaanna, taas oo aan ka soo billaabay inqilaabkii dhicisoobey ee 1978

    )

     

    abwaan waa runtaa fidnada soomaaliya waa markay bilaabatay qiyaastii sanadahaas. ninkii bilaabayna meela badan buu ka sheegay inuu khaldamay.

    gurgiisii inta xaaqay ayuu shacabkiisii la dardaarmay ha lay cafiyo doog cagaaran baan dab iyo basin ku shubay, wixii dhacay waa dhaceen yamana waa u socdaa hana la igu aaso awawgay agtiisa ama mukulla taasu waa dhamaatay.

     

    waxaan hadaba dhamaadka lahayn waa mucaaradkan joogtada iyo xasuuqaan koonfurta ka bixi la' iyo ismaqal la'aanta

    tusaale madaxweyne shariif hala mucaarado ka dib markii wax loo toosiyo, waa haduu hawshii loo igmaday kasoo bixi waayo.

    see suurta gal ku noqotay in toban madax weyne laga ag dhiso asagoo jaaniskii ugu fiicnaa heli kara,,,,, ximan iyo mudugland,waax iyo waadi,hiiraan ,waran iyo gaashaan iyo kuwa kaloo dariiqa kusoo jira waliba dad mutacalimiin sheeganaya baa inta umad dhan casuuma gabdho sanka biro ku leh ii mashxarada oo geesaha iga istaaga,xagee waayarku ka xirmi la'yahay? abwaanow sarta soo rog si aad u ogaato meeshay ka qurunsatahay.


  5. Haddii aad rabto inaad nasiib u yeelato inuu jacaylkiina waaro lamaanahaaga ha dhaliilin, hana cannaanan, hadduu qalad idinka dhex dhaco adiga & lamaanahaaga si deganaani ku jirto isu deeqsiiya inaad qaladka u wada saxdaan, waxaa hubaal ah inaad arki doontaan adigoo isu muusaanaya halkii aad ka xanaaqi lahaydeen.

    waynnan kusoo ag istaagin ciyaalkii oo duuf leh oo canjeeladii ka gubatay,,,,, jacaylka aduunka ka jira qolo wabaa si buu uga dhacaa aragtidayda kuna salaysan dhaqankooda.

    reer galbeedka wuxuu ug dhacaa sida ilamha yar yar u tusarufaan, markaad la joogtana waa in hadala macaan dhaguhu maqlaan sida honey, sweety etc.

    siiba qofka dumara, intaadan joogina waa waa inaad boombale yar oo beerka sii gashato guriga u dhigtaa.

     

    kan soomaalidii hore ku dhici jiray wuxuu ahaa run hadii ilmo ka timaado gabadha ayadaa iska masaxi jitay,laakiin mar walba waxay ogtahay in ninkeedu jecelyahay maalinta ay ooyday habeenkeeda ayayna ugu qurux badnaataa,

     

    tusaale hadda ka horbaa nin koob caano ah soo qastay oo meel fadhiya waxaa la weydiiyay war hebelow xaaskaaga ma dhunkataa,,,, markaasuu inta qoslay wuxuu yiri,,,,,, aga ma masxaf quraanaa markaan dhunkani

    jacayl dhaqmeedka cidina waxba kama qori karta kan hindida iyo reer galbeedka oo kale maahan.


  6. ismahan kolay dadnimo kuguma yaree yaa shaaha kula cabba,,,,,, waa oday iyo kaftankiis.

     

    Tan kale ma aha in aad qabiil kaga kaliya jeceylaati wax kasta oo fiicana la jaceylaati ee waa in aad Muslimiinta dhan (umah) jeceylaati, si cadaalad ahna ula wada dhaqanti. Wixii aad naftaada la jeceyshahayna aad la jeceylaati qofka kale ee Muslimka ah. Alle (swt) waxuu Qur'aan kiisa ku leeyahay '' The believers are but brothers, so make settlement between your brothers. And fear Allah that you may receive mercy''(Surah Hujurat 49: 9-10).

    markaan sidaada diinta u barano oo micnaheedu na galo yaan muslinkoo dhan jeclaan doonaa insha allah hadda kama wad gaarno.

     

    Waxaa dhab ah in soomaalidu qabiil iyo qaran kala saari la'yihiin,kii wax bartay iyo kan sidayda geeljirahaa.....sheekadii gaabnayd Q2aad

    Faa iidada qabiilka waa li tacarafu waa sidaa u sheegtay dhibaatadiisana mayara matalan ,hadii reer wiil laga dilo magaaladu waa shidantaa, odayaashu shaah baa loo shubaa arin baa taalaa layiraahdaa , magaaladii xarako ayay yeelataa, dibada lacago badan baa laga soo diraa,waliba haduu mutacalin noqda iska daa warkiisa. ilaa mid u dhigma la helo hawsha qabiilku iyo shirarku kala go'malahan,,,, intaasu waa quruxda qabiilka.

     

    Waxaa kuusoo haray magaalooyinka waa weyn ayaga qabiilku waa ku yaryahay sidan filayo waxa carabtu tiri man yakhsar qoom,qoom fawaa'iduhaa

    Hadda ko hor baan waxaa transit ku maray boosaaso anoo arladii u socda masha allah waa magaalo weyn. oo dad kala nooc ah oo aan qola lahayn is dhex boodayaan,mid kabaha kaa siibta, sidii inuu ku dhacayo oo isla markii kuusoo celinaya ayagoo baalashan, mid shaaha duqsiga kaaga celiya,noocba nooc,lagama sheekayn karo muuqaalka dadkaas iyo sida qof walbaa mashquul u yahay.

     

    Muqaalkaas ayaan damcay inaan weydiiyo odayaal meel agtayda ah shaah ku cabayay soomaaliduna waa isku sheeko darsataa dhaqankooda siiba marka miiska shaaha la fadhiyo laakiin reer barigu xoogaa bay aamusaan intaysan kuu jawaabin aad moodid inay maqleen luuqad aan somali ahayn waa dhaqanka xeebta iyoxadaaradda laga yabaa. inyar ka dib ragiii mid ka mida yaa ii jawaabay wuxuun yiri boowe dadku aa iska yacaayaa lama yaqaan meelay u socdaan.

    halkaas waxaa iiga cadaatay dad hadii la nabad galiyo inaad adna ka faa'iidayso ayaguna kaa faa'iidayaan waana sahal sida loo maamulo hadaan y;laga bilaabin kaliya nabad galyo un...... towfiiq insha allah.


  7. oo jaahilnimada ka baxaan. Markaay jaahliga ka baxaan baay fahmi karaan qiimaha dalkoodu leeyahay iyo farqiga u dhexeeya Soomaalinimo, qaranimo, qabiil , iyo wadaninimo

    waa caqli saliim ah masha allah.

    in kastoo la yiri qof muslina jaahil ma noqdo oo wuxuu kala yaqaan xaqqa iyo baadilka dariiqa saxan iyo kan khaldan.

    soomalida muslin nimadeeda waxaa kala weyn qabiilkooda aniga iyo adiguna ka mid baan nahay...... qisa dhaba

     

    markay somaalidu heshiin waayeen waa tashadeen waxay ku tashadeen inay meel hotel iyo biyo shawer leh isugu tagaan dalka martida loo yahay iyo caalamkuna qarashka bixiyaan si dawladnimadoodii ay usoo ceshadaan.

    caalamkii waxaa u yimid dad fara badan oo rag iyo haween isugu jira oo haybad leh dhar qurxoon oo udgoon wata,luuqada badan ku kala hadla aduukii waa yaabay!!! wuxuuna go'aan ku gaaray in qarashka laga bixiyo dakaa mutacalimiinta ah sidii dalkooda ay dawlad uga dhisi lahaayeen qaarbaa ku aroosay isla markiiba madashii qaranka soomaaliyeed ka dibna wiil ugu dhashay, masha allah wiilkiina waxaa loo bixiyay suge isla markiina maraykankaa loo qaaday asagoo laba jir ah kii dakiisa iyo dadkiisa anfaca allaha ka dhigo waa ducooyimka soomaalida lagu yaqaano.

     

    see qaran loo helaa weeye mowduucu gacaliso??? waa in alle loo noqdaa kow, anigu shakhsiyan qabiilkayga waan jeclahay waayo waa dadkaygii adiguna sidoo kale lakiin waxaa ku dhex jira kuwa sharis ah ama dilaa ah sida libaaxu cidiyaha iyo ilkaha wax ugu diloo kale oo aan qaran iyo midnimo waxba ka aqoon hadii aan u sacabino oo ku magacawno mujaahid qoran soomaaliyeed oo xoog leh la heli maayo, sanseekeeduna waaba muuqdaa sida kuwa leh itoobiye hanaga soo gaarto cadawgeediibaan xalay soo qabanay, iyo anigu aan sanawi fooxa u shido, iyo maya anaa kaaga horeeyay ilahay hana asturo

    aamiin.


  8. Qaran somaaliyeed oo jira aragtidayda waxaa ka horeeya in marka hore rag la helo.

    meel cruur iyo dumar ku tabaaloobeen hadaad aragto rag baan jirin allah yarxam

     

    dumarkii iyo caruurtii qayb xalbaa loo helay gaalaa qaaday dhulkooda kusoo dhaweeyay,dhaqankoodana bartay

    ilaa ay su'aalo qariib ah ay ku waydiiyaan. sida ducadayda maxaa loo aqbali waayay oo kale iyo kuwa kasii daran

     

    eedaasna hooyada iyo gabadheedu ma lahane waxaa iska leh marxuumkaas mootan allah yarxamu.

     

    hadaba soomaalida xalka laga sugayan waa un sadex

    1-mid dhalanteedsan

    2-mid isla dheer

    3-mid is dhexyaala

     

    midka dhalanteedsan dal waa hore la aqoonsaday ayuu aqoonsi u doonayaa oo ku daalay waa la yaab

    midka isla dheer igu dayda, oo sidayda u taliya, oo cid kale ma taliso. calanka ma lasoo baxaa misa waa iska dayaa waa yaab

    kan xabada dhabarka jabisay oo kii ku dhuftay oo indha beelay ag fadhiyo oo dawlad qaran baan ahay wali lasoo taagan waa yaab