gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Posts posted by gooni


  1. Madaxwynaha somaliland iyo Ethiopia  yaa heshiis kala saxiixday yaa ugu muhiimsan wax kastoo cawaaqib xumaa oo dib ka dhici kara

    Dadku waa indho ku "garaad le" maskax u nool ma jirto.
    Hadii miis ubax loo saaro, dhawr flash camera ku dhacdo wax kastoo loo keeno way saxiixayaan.

    Muuse in badan yuu geed ku xirnaa ciddii hal gacan xarigga uga furta waa walaalkiis ay isir wadaagaan.

    50 wiil oo laascaanood kasoo cayrsatayna wuxuu bixiyay "huwan" dalkiisa kusoo duushay.

    120 malyan oo Ethiopian ahna waxaa la saxiixday heshiis wax wada qabsi waa waali aan horay loo arag.
     


  2. 13 garaad yaa isku raacay in meel banaan la dhoobto cirkana ahayn dhulkana ahayn
    Waa wax lala yaabo!!

    Adeer federaalka soomaaliya wuxuu ka dhaqaaqi waayay puntland ayagaana keenay oo hadana sheegtay inay hooyadii dhashay yihiin.

    Khadka usc snm iyo jabuuti u jeexeen ssc waa in ku meel gaar labo sano ah la siiyo, si ayaga iyo puntland labaduba isu burburiyaan.

    Maskaxdaan waa lasoo darsay ma jirto  jufo labo bilood wada socon karta dhaqaale la'aan iska daa labo sanee. 

    Bulsho jastoo badan way ka dhaqaale badan yihiin bulsho yar, dhaqaalaha dadkaa sameeya.

    Snm waxay laascaanod ku qabsatay dhaqaale markay arkeen dhulkaan banaan oo muqayil kaliya ku nool yahay.

    Aragtidayda
    Ssc waxa kaliya oo ay ku badbaadi kartaa ayadoo la midawda puntland.

    Siyaasadda puntland wax wayn bay ka badeli karaan waxayna noqon karaan qowmiyad xoog iyo xoolo leh wadankana badbaadiya

    Hadiise ay raacaan damaca garaad iyo horgal daciif ah waligood meel gaari maayaan wayna kala qaybsanaan.

    Puntland nuclear ma haysato waa jufo  meel muhiim ah deggan wax ku darsada oo isku milma dhib iyo dheefba.

    Waxaa foolxumo iyo ceeb ah ssc oo mar kale huwata calan aysan lahayn.


  3. Snm dagaalkeedu xaq ma'ahayn wayna ogyihiin xaqiiqda dhabta ah, intooda waayo aragaa 

    ilmahaaga hadaad xaaraan ku quudisana aakhirka ayagaa dila.

    Erayga jihaadkana way ku xad gudbeen si xad dhaafa. 

    Jihaadka wuxuu kuu banaan yahay markii diintaada maalkaaga cirdigaaga laguugu yimaado.

    Alle wuu abaal mariyaa qofkii ku dhinta, markaad xaqaas ku dhimato waxaad qaadan kartaa magaca (mujaahid)

    Ma'ahan qof kastoo marqaan dhidid ka keeno in loogu yeero mujaahid.

    Intaas aan kor kusoo sheegay waa loo ilaalin jiray laguma xad gudbin waa xaqiiq warkaan idiin sheegayo.

    Towbadu way u furan tahay snm jiilka beenta loo sheegay walaalihiin soomaaliyeed wax la qaybsada habrahaan masii wada socon karaan qabiilna qaran ma noqon karo ama heesa ama buraanbura.

    Hadii aad ka dhaga adaygtaan waxaa imaan doonta maalin uusan misaan lahayn hadalkiinu, habrahoo dhana godkooda biyo ugu galaan

    Waa talo walaalkiin soomaaliyeed waayo waxaan ogahay inaad soomaali sax ah tihiin.


  4. 8 hours ago, Arafaat said:

    Malaa Xamar ku khaldiisa Amxaaradu dowlada Federaalka fadhiisiyeen oo u xoreeyeen. Mise toloow Baidoa, Beletweyn mise Kismaayo ku khaldiisa oo Amxaradu iyo Kikuyuhu u xoreeyeen oo ila maanta ku ilaaliyaan maamulka ka jira.

    Gooni, eedeyntu ma xuma laakins mid sax ah oo xaqiiq ah ka hadal. Reer waqooyi khaladkoodu banaanka ayuu yaala oo waa ta ka hadlino, laakinse adna runta iyo xaqiiqda ha k tagin oo cadiifad yaaney ku qaadin. 

    Carfaat
    Layskuma hayo in afrikaan iyo amxaaro maamulaan koonfurta, xoogna  ku joogaan markaan dhexdeenii is dilnay oo daciifnay.

    Gaalo kale oo walaalahood ah yaa koofiyad cagaaran u xidhay nimankaasu waa sharciyaysan yihiin.

    Meesha kaliya oo aan islahaa waa lagu faani karaa waxay ahayd waqooyiga oo aan askari ajnabi ah joogin marnabana aan lagu arag.

    Laakiin snm waxay noqotay ninkii boqolka soomay oo bakhtiga ku afuray

    Baqdinta aan iminka qabaa waxay tahay in la arkay meesha aad ka jilicsan tahay oo ah "tol" la'aanta.

    Taasina waxay keenaysaa in amxaar kuul leh lagula walaaleeyo, dadkaagii soomaaliyeedna cadaw kuu noqdaan.

    Ugu dambayn
    Adeer hashaasu waa jabtay, waliba si sahlan geelu haduu jabo ma kabmo waa la qashaa, 

    Hashaas jabtay cuna oo karsada intuu amxaar ceeriin ku cuni lahaa.

    Afeef
    Hadaad luuqadayda garan waydo raali ahaw, jiilkii hore yaan kasoo jeedaa. 

    Ogowna aduunka waxaan ugu necbahay caadifadda ka sakow, inaan arko soomaali, soomaali kale maydkiisa kor taagan xataa haduu shbaab yahay.

    • Like 3

  5. Snm waligeed xaq kuma dagaalamin ilaahay baa ka carooday caruurta muslimiinta oo ay beenta iyo cuqdada barayaan ku dhawaad nus qarni.

    Jufo yar oo laascaanood degta bay waxay u bixiyeen "huwan" markay arkeen geedihii iyo cawskii oo la safan iyo hooskoodii oo daba ordaya.

    Waalaalayaal dagaal sidiisaba waa inuu xaq yahay,haduusan xaq ahayn ha gelin.

    Dagaalkii ingiriiska xaq ma'ahayn, waayo xuduud buu na siiyay aan gaar u leenahay oo soomaalida kale naga dhex saaray.

    Wax yar baa ka dhimanaa aqoonsiga intaan dhibkaanu imaan 32 sano yaan hashaas jabtay caano ka sugaynay.

    Ugaaska amxaarada ka ducaysta asagaa inkaartu ka timid dhulkuu idinla xoreeyay berigii faqashta looma abaal gudin "deked" yarna lama siin, waana walaalkiin sidaad sheegaysaan.

    Odayaashii oodweyne iyo suldaankii ma xamar bay iska aadeen? Yaa xaalkooda ka warqaba?

    Waan hubaa inay soomaali-weyn maanta jecel yihiin.
     


  6. Seas fire meel uu ka shaqayn karo somaaliya kuma taalo

    Dhimasho iyo dhaawac badan ka dib, bay wada qayili doonaan waan soo aragnay in badan.

    Qayb maskaxda soomaalida ku jirta yaa wax ka khaldan yihiin mana garanayo magaceeda.

    Snm orodka iyo dagaalka way ku khaldan yihiin.

    Ssc inay ictiraaf xasan sheekh ka doonaan way ku khaldan yihiin ayaguna.

    Snm dagaal waxba kuma keeni karaan dhib sii kordha mooyee. 

    Edna aadan halaga war sugo intay ingiriiska kasoo noqonayso 30 sano oo kale ga qaadato.
    Nabad baa qayilaad fiican leh walaalyaal.

    Ssc fudaydka reer abtigiin koonfur ha la'aadinina walaalayaal.

    Caqli usc ka yimid ma'ahan labo sano ha la tijaabiyo inay ssc hogaan qudha isku raacdo iyo in kale.

    Waa takhdiid ka yimid maska haanta gunta u fadhiya.

    11 garaad iyo fahiimo quuje mid la raaco yaa la garan la'yahay bil gudaheed.

    Aaway maamulkii iyo madaxweynihii?!

    Markaad is aqoonsataan oo aad kala dambaysaan adinkaa wax aqoonsan doona.

    Usc, riyaha dabadooda alaa fayday,lama wadi karo waxna ma wadi karaan.

    Caqliga social media yuusan idinkala qaybin oo idin kala  dilin hal microphone ku hadla,hal garaadna ka dambeeya waa intaas aqoonsiga saxdaa.

    Garaad jaamac, garaad samatar, garaad cali, garaad ismaacii, garaad yaasiin waa lagu wareerayaa wuu inuu jiraa garaad iyo saldanad kasii hoosaysa si aysan ayagu isugu dhicin

    Bal geed hoostii fariista insha-allah oo xataa midabaka koofiyadda garaadka guud noo sheega.

    Waa walaalkiin gooni guure.

    • Like 1

  7. On 10/14/2023 at 12:14 AM, Che -Guevara said:

     

    Waagii farmaajo intuusan hadlin waxaa afkiisa kasoo dhici jirtay doobada awrta qooqan

    Maantana wuxuu u hadlayaa sidii umul ilmo ka dilmeen

    Joogidiisa puntland, waa wakhti ka lumaya federaalka iyo puntland labadaba.


  8. Adeero... dagaalka gooje cadde waa nasiib daro iyo magac xumo duriyaddu masuuliyadiisa ay qaadanayso

    Balse duriyadda waa lala gobonimo diriray xaqiiqdii ayagoo daalimiin ah yaa si fiican loo hagaajiyay.

    Bal ka warran hadaad xaaskaaga usc ugusoo carari lahayd?

    Dhakhaatiirtu waxay oran lahaayeen dhawr bateri yaa ku fogaaday wadankana waxba loogama qaban karo

    Iminkana gaari baa laguusoo saaray ayadoo dhar cusub loo gaday

    Jooga dalkiina dulumkana iska daaya waa wax laga qalbi jabo wiil soomaaliyeed oo mayd wiil kaloo soomaaliyeed kor taagan.

    • Like 1

  9. Waxaa la yiri, juxa ninkii la oran jiray yaa dameer soo kiraystay si uu hawlihiisa ugu qabsado.

    Dameerkii markuu kooraystay ana fuulay, yuu marna koonfur ula cararaa marna bari marna galbeed...way ku adkaatay xataa inuu istaajiyo, dhidid iyo juhdi wuu ka dhamaaday.

    Dadkii yaqaanay, qofkii ka horyimaadaba wuxuu waydiiyaa...war juxa xagee u socotaa?

    Wuxuu ugu jawaabaa meesha dameerku u socdo.

    Soomaaliya waxay ku socotaa meesha dameerku u socdo.

    • Like 1

  10. Hamse wuxuu la mid yahay ninkii sheekha fadwada waydiiyay oo ku yiri...

    Sheekhow waxaan ka shaqeeyaa makhaayad khamarada lagu gado, laakiin anigu qaybta cuntada yaan joogaa ee macaashkaygu ma xalaalbaa?

    Fahad yaasiin waxaan kula talin lahaa mayd waa loo duceeyaa balse wax looma sheego.

    • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

  11. Kursiga la tuurayo reer gaar ugu qoran ma jiro,waana caqabad in la wada taliyo oo aan lakala dambayn.

    Dr. Deni wuu ogyahay qabiilkuu u dhashay inaysan soomaaliya degin, dal iyo qabiil midna dan kama leh.

    Beri, reer usc yaa qayb u heli kara, laakiin waa in dadku garanayo sharcigu inuu umadda u sinaado oo lakala dambeeyo, bisaylkaasna aad baan uga fogbahay.

    Madaxweynuhu tol-beelay geel ciidanka ha loo qalo yuu ku yimid intii geela keentayna xukunkuu u dhiibay, waa adag tahay in laga rumaysto guri barwaaqo inuu soomaaliya u raro.

    Tan kale

    Usc ayagoo raysl- wasaare farmaajo ka xoog badan haysta yaa la aamusin waayay ka waran ayagoo beri qayb u helay raysul wasaare ama madaxweyne ku xigeen daciifa?

    Wadanku wuxuu u baahan yahay ciidan adag iyo maxkamad adag oo qabyaalad iyo qabiilaysi ka madax banaan 

    Taasna waxay ku imaan kartaa inqilaab ciidan barakaysan oo aan mar kale u heesno, anagu tagnaye caruurta noo badbaadiya.

    Wax kale oo isu keeni kara reer  daba musmaar anigu ma garanayo.


  12. 13 hours ago, maakhiri1 said:

    Sax, ma xusuusataa Rooble Baahane ma ahayn nin caqli badan, laakiin waxa garbaha ka galay Tolkiis, shar iyo khayrba, ilaa uu isagiiba doorashadii iska maamushay, maadama nin caqli badaneeyd iyo m00ryaan ay doorashii, maamuleen, hada Waa mireheediii waxa socdaa!

    Exactly ma jiro tusaale ka fiican midkaa aad keentay

    Rooble uxuu ahaa ciyaal maamo tolkiis iyo deni oo iska dhex ordayaya ka dhigeen faas af badan oo darmaajo lagu tuuro.

    Xamse iyo deni waxay heshiis ku ahaayeen dulumkii caanka noqday ee doorashadii kismaayo 3 oday ii keen aan midkaan doono kala baxee, soo sidaa ulama socotid?

    Power sharing laguu sheegayo waa dad isku duuban hadii nin kaligiis meel istaago ciduu matalaa ma jirto.

    Waxaa la rabaa aragtidayda puntland inaysan kala jeclaan booska qabiilaka la siiyay haduu jufadeeda kasoo jeedo iyo hadii kalaba, waxaa uga macno badan inay awoodooda gobol ku taageeraan R/W xafiis iyo sharafna ku yeesho garoowe.

    Balse hadii uu yiraahda ma kiibaa hadlay... ii dhiiba makarafoonka aan jawaabee gabdhaha mashxaradda yaqaanana ha la soo toosiyo waa daciifnimo aad u wayn aragtidaada 

    Tan dagaalka laas-caanood 

    Shacabku ayagaa is xilqaamay oo walaalahood garab istaagay, dawlad maysan jiheen, markuu arkay inuu meel cidla ah taagan yahay, yuu dhidid been ah iska keenay, waana dhidid siyaasadaysan, waayo horay waligiis kalmad caadifad tolnimo kuma difaacin SSC.
     


  13. 16 hours ago, maakhiri1 said:

    Boowe, Hamse meesha uu fadhiyo, yuu ugu fadhiyaa? ma is waydiiyey sabata booska isaga loo siiyey?, oo d1r, H@wiye, RRA loo siin waayey? Wax ma taray beesha uu sababtood booskan u helay? Puntland wax ma taray, cid kale wax ma taray? bal noo sheeg.

    Booskan, waa dhici kartaa in reer PL isla rabaan, laakin Hamse oo hada ku magcaaban, ma garanaya sababta booskan u haysto, iyo saami qaybsiga uu ku helay?  Yuu metelaa? Reer tolki wax ma taray?

     

    Maakhir saxiib
    Sheeko carbeed oo dhiganta tan Deni iyo HSM yaan kuu sheegi

    Dawaco yaa laf dhuunta uga istaagtay hadda ka hor, aad bay u xanuunsatay, waxay dhex martay habar dugaag oo dhan cid wax la qabata way wayday.

    Ayadoo luudaysa yaa waxaa ko hor yimid cantalaa ama qalowle lahjadda koonfurta

    Wuxuu ku yiri dawaco maxaa kugu dhacay ood aad la ciiraysaa?  waxay ku tiri war ninyahow laf baa dhuunta iiga taagan, habar dugaagna waan ka waayay cid hadiyad iga qaadata oo lafta igasoo bixisa.

    Wuxuu ku yiri afka aad u kala taag, markay kala taagtayna luquntiisii dheereed yuu afkeeda geliyay ka dibna kasoo saaray laftii.

    Markay xoogaa nasatay buu cantalaagii ku yiri aaway hadiyadii aad balan qaaday? 

    Intay jeesjees ugu qososhay bay waxay ku tiri hadii madaxaagii oo bed qaba kasoo noqday dawaco afkeed, maxay tahay hadiyadda kuu dhiman oo aad doonaysid?

    Lafu waa farmaajo, xasan sheekna waa dawaco Denina waa cantalaa, waa sida wax u dhaceen.

    HSM makala jecla farmaajo iyo Deni waa isugu mid, laakiin wuxuu u isticmaalay si foolxun oo ah hadii madaxaagii kuu nabad qabo jagadaadii waad haysataa.

    Waxaa kuusoo haray arrinta xamse.

    Xamse waa agoon halka maamul oo dhisan oo garab istaagi kara waa puntland 

    Jubaland ayadaa rafaadsan, talo xumada cagdheer darteed.

    Deni intuu garoowe ugu yeero geed hoostii la fariisto ma'oran go'aanahayn sida isu dhaan oo faas u noqo maslaxadda awood qaybsiga mar hadaan daacad shaqo meesha oolin.

    Usc markay cid rabta iyo cid lahadlaysa inaysan jirin bay iska maamusheen shaqadiisii.

    Xamse HSM buu u tagay markuu wuxuu qabto garan waayay wuxuu ku yiri mudane xajkaan rabaa inaan aado

    HSM wuxuu ugu jawaabay war xaj lama gaarine orodoo cimrada aad, markuu soo noqdayna waxay ku yiraahdeen hawshii inteedii badnayd anagaa qabsanaye orodoo shaaha dabka saar.

    Hamse beeshiisaa bahdishay walaale, wuxuuna la nool yahay madaxweyne qabiilayste ah oo aan cid kale wax u ogolayn

    Dhibku waa puntland oo afartii sano halmar madaxweyne buuran soo xusha, shardiga kaliya oo laga rabo waa inuu madax banooni ah leeyahay.
     

    • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

  14. 4 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

    Deni called Xamse 'xoghayaha' Xasan. I didn't know Deni watched Kabtan Ayuub ninka la baxay. Berina 'marxuum' muu ugu wici doonaa. s0237.gif

    I feel sad for my reer abti. They were pretty much celebrating too much a year ago, for someone to then turn out to be the worst wasiirka koowaad Soomaaliya ever had.

    Reer abtigaa waa 8 malyan, soomaalida kale haday soo dhex- galaan, ajaanib bay isu haystaan, waa fiigsan-yihiin markay godkooda kasoo baxaan.

    Mushkiladdu waa puntland madaxdeeda
    Hamse wuxuu matalaa puntland, waa 4.5 dhaqanka meesha yaala.

    Waxay ahayd, markay arkaan in hamse jilicsan- yahay, inay ag fariistaan, si dhaxantu uga ba'do oo uu baalal u yeesho, talo iyo tusaale gaara siitaan, garoowe kusoo dhaweeyaan.

    Hadiise Deni uu ugasoo jawaabo xamse 100 dumara hortood, maxaa diidaya in USC cimrada u diraan  ka dibna shaaha dabka saar dhahaan,  shaqadiisana ergay u magacawdaan.

    Yaa diciifiyay??

    Daciifnimadu puntland bay ka timid mar waa faanayaan marna way oynayaan, baqdinta ugu wayn oo hadda ay soo kordhiyeen waa  jufada fiqi oo baraxley deggan.

    War sida usu dhaama reer puntlaanow oo dadka wax la qaybsada shar khayr labadaba.

    Halasoo caro celiyo aan dalqad dhacaysaa jirin abid laguma jiri karo, soomaaliya kamana go'i kartaan kumana jiri kartaan caqli ma'ahan, mana sugi karno wiil hadda ka dib calool geli doona.


  15. Ninbaa waa dhintay, maydkiisii yaa lasii raacay, nin saluugsanaa marxuumka dhintay markuu noolaa yaa yiri ashahaadadiina waa naga dhamaatay godkana nin uma wadno.

    Ninka dadka hortiisa ka cabaadaya soo Deni ma'aha?

    Wiil 10 jir ah yaa ka caqli badan, aragtidayda. 

    Shacabka reer puntland, walaalayaal Xshm anagaa kursiga saarnay waana nagu abaal furay

    Ethiopiankii villa Somalia dhexseeday waxaad nooga dhigteen inay dawladnimada soomaaliya dhiseen, ayadana waan qaadanay.

    Deni ma socodsiin kartaan lugo iyo gacmo ma leh, xataa ma xamaaran karo.

    Hadii laydinku sheego shacab xadaarad fog leh oo soo jireen ilbax gaamray ah waa run....laakiin ninkaan caruurta iyo dumarka ka hor dhaqaajiya

    Nin fiican sida farmaajo wuu diiday
    Tuugana wax lama cuni yaqaan.

    Maxaa idiin talo ah marka? soo laydinkama gar joogo.


  16. Madaxweynaha hankii waa la nacsiiyay N.N yaa hankii sheegatay oo la tagtay.

    Haduu isku dayo xasan sheekh inuu "han" yeesho, waxaa la oranayaa wuxuu ku dayanayaa farmaajo, sidaa daraadeed waa inuu is gaabiyaa meel walba uu tago si uga duwaanaado dawladii ka horaysay.

    Taageerayaashiisu waxay ku sheegayaan tawaaduc kibir la'aan dhoola cadayn syaado ah, si uu uga tarjumo shacabkiisa oo aduunku u yaqaan dad aan karaamo badnayn oo aan tuugsigu ceeb la ahayn.

    Xasan sheekh waa madaxweyneheena allaha noo daayo.

    Farmaajo wuxuu ahaa madaxweynihii dadkii hore wayna adkayd shaqadiisu aad baa loo soo dhibtooday.
     


  17. Soomaalida waxaa laga dilayay karaamada dhawr iyo sodon sano yaa la quudinayay si ay u dhintaan ayagoo nool. 

    Guri hadii hay'ad u dhisto waxay waydiinayaan suuli banaanka ku yaal.

    Ceel hadii loo qodo waxay waydiinayaan weelkii ay ku cabi lahaayeen.

    Naag haduu guursado sariitii tolkaa laga rabaa uu kala seexan gabadha.

    Imtixaan arday hooyo federaal kaligeed kuma filna waxaa loo baahan yahay aabihii federaalka ama hay'ad dhaqaale bixisa.

    Waa umad iska nool, 

    Sadex wadan yaan transit ku noqday markaan airport muqdisho ja degay yaan ogaaday inaanan jinsiyad lahayn, boorsadaydiina "ey" baa leefay.


  18. 56 minutes ago, Samafal said:

    War 10kii bari ee Ramadan baa lagu jiraa orod oo Allah cafis ka dalbo hadii aad ka mid ahayd kuwii baadiyaha kasoo orday ee garaadada lagu taxay ama schoolarship uusan xaq ulahayn loodiray. Adigu danbi uu Siyaad Barre ama Farmaajo lahaana kama qaadi kartid, mid aysan lahayna masaarikartid ee taada uun utaag hay. Waxba kuu tari mayso dad la ogyahay taariikhdooda inaad halkaan burcad korka nooga mariso.

    Walaale
    Bisha Ramadaanka 10 hore 10 dambe iyo 10 dhexe waa isku mid waa bishii quraanka iyo dambi dhaafka allaha naga aqbalo dhamaanteen.

    Waxyaabaha soonka jabiya runtu kuma jirto.

    Waxaa kaliya oo aan la ogolayn munaafaqda naartana ayagaa ugu hooseeya ilaahay dhamaanteen hanaga koriyo.

    Adeer Deni oo ilaa boosaaso ilaa gaalkacyo dad aan waxba galabsan dhiigooda daadinaya oo waliba cashiiradiisii ah, 10ka dambe ee ramadaan yaan ku ilaashanayaa wax soconaya ma'ahan alle u noqo oo ka istaaqfurulayso.

    Farmaajo niman dhididsan oo qori iyo geel ay qashaan wato  yuu u tanaasulay waana fulay dhiig daata bad baadiyay, asaga ka ducayso hadaad xaq taqaan waxba uma dhimin reer puntland iyo somaali midna.

    Tan reer baadiyanimada aniga waa ii amaan iyo wanaag aad qirayso inaan asal leeyahay.


  19. Khaadimka gurigaaga ka shaqeeya hadaad dhoofayso waa la ixtiraamaa waxaa la siiyaa mushaarkiisa waxaana loo sheegaa inaad dhoofayso asna uu guriga sii ilaaliyo intaad kasoo noqonayso.

    Laakiin wax horay u dhacay ma'ahan telefishinka ka fiirso meeshaan aadayo wasiirka maaliyaddana la xiriir hadaad su'aal qabto.

    Axmad karaash waxba uma arkaan wazan ama culays laga baqo ma lahan, waa ushaada ninkaad ka qaadan karti yaa loo dhiibtaa 

    Tolkiis snm buu raacay waa kaligiis iyo xoogaa kale oo ayaguna shaqaale ah.

    Waxaan kula talin lahaa hadii xoogaa loo soo diro buuqa ka dib, inuu is dejiyo hadaan loo soo dirina uusan saxankiisa iska ciidayn.

    Dr.Deni madaxtinimo xamar uma raadsan wuxuu sheegay inuu u aaday kaliya inuu usc farmaajo la tuuro, ka dibna puntland kusoo noqon doono.

    Usc farmaajo oo ugu jilicsan reer gedo iskama celin karto ayagoo isku duuban waa xaqiiq arintaasu.

    Puntland nuur cadde alaha u naxariistee oo ugu jilicsanaa usc ayagana iskama celin karaan.

    Sababtu maxay tahay marka?
    Aragtidayda waa sahal 

    Farmaajo qabyaalad ma aaminsana, adeerkii siyaad barrena sidaasuu ahaa asaguna soomaalidu dhimashadiisii ka dib bay garteen.

    Cid wax jale ku dari karta miyaa jirta arintaas?


  20. On 4/6/2022 at 10:14 AM, Tallaabo said:

    Waar gooni Ramadan Kariim. Arrintan aad sheegtay runta kama foga laakiin sida suuqa deg deg loogu baneeyo waxa ka fududaan lahayd in shacabka lugu dhaho Farmaajo ayaa madaarka Hargaysa kasoo degaya. Wax alaala wixii kab dacas ah iyo mafiiq taalay waa la boobi lahaa oo madaarka ayaa loola yaaci lahaa. 

    Saaxiib talaabo dheere, ramadaan kariim sidoo kale.
    Shacabka hargaysa mafiiq kuma tuureen farmaajo waxaan qabaa inay si fiican usoo dhawayn lahaayeen sababa jira awgeed.

    Waxaa jirta xigmad carbeed oo oranaysa

    ابن أصول يوتمن  في عداوته
    وقليل أصول لايوتمن حتي في صداقته

    Macnaheedu waxaa weeye 

    Qofka asalka leh ama dunta fiican waa laysku haleeyaa ama la aaminaa  haduu cadawgaaga yahay.

    Qofka asalkiisu liito ama dunta xun layskuma haleeyo ama lama aamino xataa haduu saaxiibkaa yahay.
     


  21. Suuqaan wuxuu ahaa suuq wayn oo madaxa iskula jiray, meelaha qaar adigoo taagan caadi uma socon kartid waa inaad ka foorarsataa si aan aan indhaha qori ama bir kaaga mudin. 

    Waxaa laga yaabaa inaad iftiinka GPS ka dhigato, oo aad ka baxdo jiho kale oo afka oromada looga hadlo, qofkaan aqoon waan in gacanta la qabtaa.

    Waxaanse hubaa in hanti badan taalay amaankiisuna fiicnaa.

    Snm waxaa laga rabaa haday amni haystaan inay qaadka iyo beenta iska daayaan oo shacabka u shaqeeyaan.

    Shacabku waa masaakiin waa la siri karaa hadii lagu dhaho gaaladii na aqooonsan lahayd yaa kormeer ku imaanaysa ee wadooyinka fura, way yeelayaan, waana beenta shareecadu ogoshahay haday wax hagaajinayso ama aslaaxinayso.