gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Posts posted by gooni


  1. :D:D,,, runtii dhaqankii miyiga waa laga tagay wax un baan u malayn karaa erayadan.

    1- cilcilow ama cilalow waad saad u sheegtay waa marka qoraxdu sii dhacayso geed iyo qofna lakala garto oo aan wali aasku madoobaan.

    2- birqin waa saxar yar oo cawska ka dhasha oo aad u yar isha birqin baa iga galay oo kale

    3- baaqin waa xoolaha dhadig oo aan caanaha badnayn ama xataa aan ku filnayn ilmahooda mararka qaar

    4-- heerran eraygaa waa eray aad u fac weyn runtii kuna saabsan marka gabdhahu guur ka waayaan bulshadooda ama beeshooda waxay u heermi jireen dudo kale oo laga yaabee inay aad uga fogtahay meesha ay markaas kasoo hayaameen

    waa lasoo dhaweyn jiray loona guurin jiray.

    cucub waxaan filayaa inuu yahay aqalka baadiyaha laga dhiso raar ugu dheer oo lagu soo wareejiyo asaaska hoose ee aqalka.

    laga yaabee in dadku uusan isku si u aqoon

    5- guunyo sax waa xoolo

    6- gadow waa sax waa saabka wareegiisa hore qunbaha,haanta, iwm

    7- qadow waa geed xooluhu cunaan kuna baxa geed kale laantiis am aad moodid dhidid geedku dhalay.

    8- galoof waa sax waa geella guran horayna u dhalay saan filayo

    9- gaawe waa sax haruub gaalka ama buraha iwm.


  2. ismaannan garan waayin toosiyow waanu kaa faa'iidnay

    kuwana ka fudud

     

    1- cilcilow ama cilalow

    2- birqin

    3- baaqin

    4- heerran

    5- cucub

    6- guunyo

    7- gadaw

    8- qadaw

    9- galoof

    10-gaawe

    waxaan kale oo xasuustay gabay dugsiyada sare lagu qaadan jirey qarnigii hore

    guuraha wuxuu ceelalyada gaba dalooba goortii sidkeedii go'ee gugu barwaaqoobo,,,,,,

    eraygaas ceelalyo waxaan kaloo filayaa inuu noqon karo ragga kasii hor mara waraabka oo wax sii diyaariya,wadaanta iwm.


  3. Wiil ama gabar somaaliyeed oo mutacalimiina afka gaaladana si fiican ugu buju buju yiraahda iyo dhalinyaro 22 jira oo aananba arag qalin qori mooyee iyo baarlamaan wada ajaaniba ama dhalasho shisheeya wata iyo wadaado aan isku waafaqsanayn wakhtiyada salaadda la tukado marka hore see la isku fahmsiiyaa? ka dibna xal loo raadiyaa!!!


  4. toosiye waad asiibtay,,, erayga ceelalyow sidaan u filayo inuu u taaganyahay xoolaha miyigu siiba lo'da inay dib ugu baxsadaan ama u ceelalyooto meeshii ay biyaha ka cabbi jirtay,,sidaad u sheegtay marka abaartu dhacdo.

     

    erayga xiskiisan wuxuu u taagan yahay hadaanan khaldanayn xiskin

    xoolaha siiba geella in loo yare kaadiyo loo nasiyo ka dib markuu soo xaroodo habeenkii intuu ka xiskimayo,ka dibna caano lagasoo liso ama maalo.

     

    geyre waa sax magacaa waxaa loo bixiyaa ragga ama magac nin micnihiisana waxaan u filayaa inuu yahay dhaxan habeenkii soo dhacda marka laga baxo fiidka lana gaarin saqda dhexe ama saq badhka sida dadka qaarkii u yaqaanaan, laga yaabee in dadku aysan isku si u aqoon,balse waa isu dhawyihiin soomaalidu.

    toosi toosiyow:)

     

    kuwana noo soo fiiri

    1- tanaad

    2- tigaad

    3- tumaati

    4- turuq

    5- toobiye


  5. Siilaanyo oo Odayaasha dhaqanka ee Somaliland u soo jeediyeen in uu Ciidamadiisa Gobolka Cayn kala soo baxo Baraagihii reerkiisu qoteen aaso.

    Posted: February 11/2011, 4:12 pm

     

    Odayaasha dhaqanka ee Somaliland iyo guurti farabadan oo shalay la kulmay siilaanyo ayaa ku eedeeyey in uu Somaliland u bedelay ama dib ugu celiyey Jabhadii SNM.

     

    Waxaa lagu cadeeyey in ciidamadii Somaliland uu u isticmaalay qabiilkiisa isagoo ku duulay qabiil deris la ah.

     

    Odayaasha waxay u sheegay in hadii uu duulaan dambe qaado ay noqon doonto burburkii Somaliland, islamarkaana uu Somaliland gelin doono dagaal uusan ka fiirsan.

     

    Waxay ku cadeeyeen in uu siyaasadii ku fashilmay uuna kala garan la yahay qaran iyo qabiil

     

    Odayaasha dhaqanka ee Somaliland ayaa Siilaanyo u soo jeediyeen in uu Ciidamadiisa Gobolka Cayn kala soo baxo Baraagihii reerkiisu qoteen aaso sida ugu dhaqsaha badan.

     

    Arintan ayaa waxay daba socotaa ayaamo ka hor markii siyaasiyiin ka tirsan xisbiyada mucaaradka ee Somaliland ay siilaanyo ku eedeeyeen in uu Somaliland SNM u bedelay.

     

    Eeddahan loo soo jeedinayo Siilaanyo ayaa waxay soo baxayaan kadib markii todobaadkan ay ciidamada Somaliland ku guuldaraysteen dagaalkii kalshaale.


  6. Isimadda Puntland oo ka hadlay Dagaalkii Kalshaale iyo hadalkii Siilaanyo.

    Posted: February 9/2011, 12:59 pm

     

    Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo la hadlay saxaafada ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay deegaanka Kalshaale iyo hadalkii uu Madaxweynaha Somaliland ujeediyay labada gole ee salka ku hayay xaalada Kalshaale.

     

    Wuxuu sheegay inuu cambaaraynaayo dagaalkii ka dhacay deegaanka Kalshaale ee u dhaxeeyay maamulka Somaliland iyo dadweynaha gobolka Cayn, waxaana uu xusay in maamulka Somaliland ay dadweynaha ku nool gobolkaasi ay u gaysteen wax uu ugu yeeray xasuuq.

     

    Wuxuu intaasi ku daray inuu ugu baaqayo madaxda ugu sareysa maamulkaasi in ay joojiyaan dagaalka .

     

    “�Axmed Siilaanyo hadalkii uu shalay uu ujeediyay labada gole ee isugu jiray guubaabada iyo amarka uu ciidanka siiyay ma ahayn wax loo baahnaa�”,ayuu yiri.

     

    Garaad Cabdullaahi ayaa hoosta ka xariiqay in uu dhaliilayo labada gole ee Somaliland oo u sheegay in Madaxweynaha Somaliland ay ugu sacab tumeen hadalkiisa ku aadanaa dagaalka.

     

    Ugu dambayntii Garaadka ayuu sheegay in aragti ahaan si xal looga gaaro dagaalka Kalshaale ee soo noqnoqday ay ula muuqato in loo baahan yahay in la qaado talaabooyin ay qayb ka yihiin;

     

    In Somaliland ay ciidankeeda kala baxdo deeganka Kalshaale.

     

    In dhacdooyinka ay dowlad ahaan ay u gaysteen Somaliland dadka deegaanka ay ka gacan mariyaan.

     

    In dhex dhexaadin laga dhex bilaabo labada beelood ee ku muransan deegaanka Kalshaale.

     

    Hadalka Afhayeenka Isimadda Puntland ayaa imaanaya xilli xiisado colaadeed ay weli ka taaganyihin degaanadi lagu dagaalamay.

     

     

     

    Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid


  7. dagaal culus oo saakay ka qarxay deegaanka kalshaale ayaa waxaa uu gaystay khasaare baahsan dhinacyada halkaasi ku dagaalamaya ayaa waxaa ay ahaayen ciidamada soomaliland iyo beesha bariga burco dhinaca kale waxaa halkaasi kula dagaalamayay dadka deeganka buuhoodle oo ah yagu kuwo dhulkooda difaacaya dhulkaasi oo ay duulan ku yihiin beesha bariga burco,

     

    hadaba dagaalkas ayaa waxaa uu ahaa mid khasaarro badan gaystay khasaarahas oo labada dhinacba dhina beeesha buuhoodle waxaa halkaasi kaga dhintay dad tiradooda ay gaarayso 13 qof halka dhaawacuna uu yahay 18 ruux dhinaca kale ee ciidamada soomaliland ayaa khasaarahodu waxaa uu yahay midan lasoo koobi kari,

     

    tirada illaa iyo hada la ogyahay waxa weeye 35 ruux oo yagu dhimasha ah halka inta dhaawacuna yahay tiro intaasi kabada oo qiyaastii gaaraysa 40 sidoo kale waxaa ciidamada soomaliland kaga yaacen baliga hagoogane maydad farabadan oo ilaayo hada goobtaasi dhooban ayna soo ay aruuriyen ciidamad reer buuhoodle,

     

    tirada gaadiidka goobta saaka ilaa duhurkii lagaga gubay ciidamada soomaliland waxa ay tiradoodu gaarayusaa 6 gaari oo aha nooca looyaqaano tiknikada ah dagaalkan oo ah mid laysu adeegsaday hubka culus eee looyaqaano madaafiicda ah oo goobtaasi ka gaystay xasuuq ban an dhankakale ciidamada soomaliland ayaa waxaa ay walacaa wayn kamuujiyen hubka culus ee ka soo dhacay dhinaca buuhoodle,

     

     

     

    dagaalkan oo todobaadyadanba socanayay ayaa waxaa uu uegyahay mid aan soo afjarmayn maadama ay dadka reer buuhoodle khastigoodu yahay kalshaale iyo ciidan oo la kiciyo iyo ciidamada somaliland oo walaac xoogan kamuujiyay xaalada adag ee ka hortimi,


  8. Kalshaale: Ciidamadda Xooggaga Buuhuudle Ayaa Waxay La Wareegeen Balligga Kalshaale halkaas oo ahayd Meeshii Uu ka Bilowday Dagaalka La Magac baxay Dagaalkii Kalshaale.

     

    Maxaabiis ; Maxaabiista Laga Soo Qabsaday Soomaaalidiidka Wararka naga Soo Gaaraya Buuhuudle Ayaa Waxay Sheegayaan In Xoogaga SSC ay Soo qabteen ilaa lix nin oo ka mid Ciidamadda SNM-TA.

     

    Lasanod:Xaaladda Magaaladda Lasanod ayaa iyaddana Waxaa lagu soo Waramayaa in ay Aad u kacsan tahay, iyaddoo la sheegay in shacabka lasanod Gadood san yihiin.

     

    Red Cross: Wararka naga Soo Gaaraya Magaaladda Buhuudle ayaa Waxay Siddoo kale Sheegayaan in Ha’ydda Laan qayrta cas ay Soo gaartay Kalshaale.

     

    Dhaawac: Xagga kale Wararka Magaaladda Buhuudle ayaa Waxay intaas ku darayaan in Buhuudle uu Soo gaaray Dhaawacii ugu horeeyay ee dagaalka ku soo dhaawacmay,Siddoo kale waxaa jirta Dhimasho labada dhinacba ah.


  9. Gob baan ahaa, haddana gun baan ahay; geesi baan ahaa, haddana giiryaalaan ahay; cuud baan lahaa, haddana caydh baan ahay; cad quudheedka waan necbaa, haddana caydh baan qaataa; kor baa la ii eegi jiray, haddana hoos baa la ii eegaa; waa la i muunayn jiray, haddana la ima maamuuso; waa la ila tashan jiray, haddana tulud la ima weydiiyo; xor baan ahaa haddana, xabsi baan ku jiraa; waa la ii xammaali jiray, haddana xammaal baan la’ahay; waa la ii joojisan jiray, haddana cidi iima joogsato.

     

    Hargaysa ayaan dukaan laba af leh ku lahaa, haddana wer wer laba af leh baa yurub igu haysta.

     

    Maalintaan hana qaadey bay hawli ii bilaabantay, oo waxaan ahaa ma daale da’yari ku layl yamay. Aniga oon gu’ weynayn ayaan tunka u ritay xilka reerkayaga iyo xigtadayadaba. Waxaan isku wadey tacliin iyo tabcasho. Ma hadhsan jirin, mana haasawi jirin, ee waxaan u dhexeeyay dukaanka iyo dugsiga.

     

    Dhiggay waan ka sheegnaa oo dhididkayga ayaan dheefsan jiray, dhuunigana uga soo saari jiray ciddayda iyo ciddoodaba.

     

    Maalintii aan dhammeeyay dugsiga sare, jaamacad daleed kuma hawoon, jibbo dibadeedna iguma jirin. Waxaan iskugu luga duday dhankii shaqada, waxaanan tarmiyay ilihii wax soosaar ee dukaanka. Dhiggay dhoof baa ku weynaa, annigana dhaqashaa igu weynayd. Waxaan aaminsanaa dalkayga, waxaanan ku iimaan qabey dukaankayga. Run ahaantii waan aragti dheeraa, haddase cid walba waan ka aragti gaabnahay.

     

    Aroor arooraha ka mida waxaa igu waabariistay oo godkayga iigu soo galay cudurka aan bariisan ee BUUFISKA loo yaqaan. Waxa uu iskaga kay dhigay nasteex iyo walaal wanaagayga jecel. Waxa uu i huwiyey ammaan aanan u qalmin, waxaanu igu yidhi: ” Waxaad tahay nin karti leh. Hadda waxaad ku filan `tahay reer, waxaadse ku filnaan reero; qoys baad quudisaa, waxaadse quudin qaran; guri baad leedahay, waxaadse yeelan guryo; gabadh baad guursan, gawaadhi baanad yeelan ee ka kac goobta.” Warkani wuxuu iiga dhignaa neecawda udgoon ee roobka ka soo horraysa. Si samaani ku jirto ayaan sanka ula raacay, madaxa iyo maankana ugu ruxay.

     

    Aroor habaaran bay ahayde, waxaan u arkay aroor baxsan; waan qumanaaye, waxaan isku arkay nin qaldan; waan hagaagsanaaye, waxaan isku arkay nin hurday; waan toosnaaye, waxaan isku arkay nin tuur leh. Mar kaliya ayuun baan holliyay hareerahayga, waxaanan haybiyay asxaabtii aanu sheeko wadaaga lahayn. Hebel mee? Yurub buu tegay.. hebel mee? Maraykan buu tegay.. hebel mee? Kanaduu tegay .. hebel mee? Mooyi…

     

    Aaah… aaah… aaah Waxa igu dhacay hiyi kac, waxana ila saaxiibay hammi iyo werwer. Aniga oo is moog ayaan kor u qaadey heestii Axmed Mooge Eebbe ha u naxariistee ku luuqayn jiray.

     

    Taariikhda dunidaa,

    Iyadoo is daba taal,

    Ninba meel ku tuurtee,

    Anniguna tusmaystoo,

    Qayrkay halkuu tegay,

    U tabaabushaystee,

     

    I taageer allahayow,

    Arrintayda kala taal,

    Adaa toosin karayee,

     

    Boqorku waa maqlayay baryadaydaa, waana arkayay arrintaydaa, umuuse arag sida ay iigu muuqatay. Wuxuu u arkayay si liddi ku ah, ta maankaygu is tusay. Inuu sidaas u arkana waxa keenay wuxuu ogaa, xaaladda dhabta ah ee aan ka socdo iyo tan aan u hanqal taagay. Anniguse waxaan lahaa il kaliya, dhag kaliya iyo dhawaaq kaliya…dhoof…. dhoof ma wax loo dhigaa jira ayaan sida ilmaha yar ugu hadaaqayay. Waxaan yeeshay asxaab cusub, oo aanu ku saaxiibnay arrimaha dhoofka. Shaqadayadu waa ogaanshaha kolba wixii khad cusub jira. Waxaannu haynnaa liiska inta dhooftay, inta dhimatay,iyo inta dhawaan baxaysa. Dadka waxaan ugu jeclaa dhiiri galiye dhoof iyo dhib yareeye tahriib. Waxaan ugu necbaa ii caaye dibadeed iyo ii ciseeye daleed.

     

    Waan bukay, bukaankaygana anigaa sabab u ahaa. Waxa masuulyaddaas ila wadaagayay oo iyana sabab u ahaa dadkayga, waxaanse u arkayay in dalkaygu sabab u ahaa. Digtooradu dawadii ay ii soo qoreen waxay noqotay: “Ka bax dalka oo dibada aad dawadana gaadh.”

     

    Mar anaa is eegay; marna dukaankii baan eegay; marna reerkii baan eegay. Is barbar dhig ka dib waxa ii soo baxday inaan anigu fududahay, reerkana uga tanaasulo dukaankooda. Diiradda ayaan qaatay, kolbana waxaan dul dhigay Adeer, Abti, iyo ehel wixii aan ku lahaa qurbaha. Ugu danbayntii waxay si wanaagsan ugu dhacday oday ii abtiya inan uu dhalay oo dhawr iyo toban jira, hoostaanan ka xariiqay. Waxaan dhisay sheekadii aan ula tegi lahaa. Waxaan ku idhi: “Abtow dalkii waa burbursan yahay, dadkiina waa darayaysan yahay, nin loo dhoofay mooyee, ninkii kale dhoobadaa ku dhagan. Sidaa darteed maanta kuuma soo wicin inaan ku idhaa lacag ii soo ***, ee waxaan kuu soo wacay inaan ku idhaa inanta ii soo ***.” Abti waxaan ku idhi…………. markuu yidhi, aniga oo og wuxuu soo wato ayaan ku idhi: ” Abti waan ogahay inaanay inantu gaadhin xilli guur, waxa kale oo aan ogahay inaanay hadda guur diyaar u ahayn, ee waxaan rabaa inay i kaxayso uun.” Cabbaar haddii uu aamusnaa wuxuu yidhi: “waa si wanaagsan ee hawsha waan galaynaa.” Sidii baa horta lagu galay.

     

    Haddii dhoofku sannado qaadan jiray anniga saacado igama qaadan. Wax waliba waa fududaayeen oo muddo yar ayaan ku qaatay fiisaha, waxaanan ku soo noqday Hargaysa.

     

    Maalmihii noloshayda ugu farxadda badnaa ee i soo maraa waxay ahaayeen maalmahaas. Waxaan sawiranayay muuqaalada quruxda leh, saraha dhaadheer, nolosha dhadhanka leh ee taalla Yurub. Waxaan kala dooranayay shaqooyin aanan weli helin, waxaanan wax u qabanayay dad ehel iyo asxaabba leh. Hebel boqol baad u soo diri, hebel konton baa ka badan, heblaayo waad dhoofin, heblaayana waad casayn….aah….aah. Maalin cad baan riyoonayay.

     

    Kumaan tashanayn inaan caydh qaato, kumanaan tashayn inaan tacliin ku shaqaysto, ee waxaan ku tashanayay inaan tunkayga iyo tagoogayga ku daaqo, kuna cad goosto oo cidaydana wax uga diro.

    Dhoofay oo tegay halkii calanka la iiga lulay, dhulku cagaaranaa ma naq baa helay? nadiifsanaa ma naagaa muudsaday? udgoonaa ma caraf baa lagu shubay? qaboobaa ma Samhiiraa ku soo neefsatay? dumarku qurux badanaa ma xuural cayntii Xaaji Cabdi ka sheekayn jiray baa, su’aalahaasi waxay ka mid ahaayeen kuwii dihnigaygu i weydiinayay dabnahayguna ay qarinayeen.

     

    Waxaan la joogaa ciddii i keentay, waxaanan kala garan la’ahay in la joogayga lagu faraxsan yahay iyo in laga xun yahay. Waayo cidiba ima waraysanayso, cidibana iima warramayso;, cidiba ilama hadlayso, cidina ilama haasaawayso. Durba waan yaabanahay, illayn waxaan ahaa nin hadal ku nool, halkanse aamus baa lagu nool yahay. Farxad baan ku noolaa, halkanse murug baa lagu nool yahay; caafimaad baan ku noolaa, halkanse cuqdad baa lagu nool yahay; shaqaan ku noolaa, halkanse fadhi baa lagu nool yahay . Wixii la doonaba ha lagu noolaade, waa inaan helaa wixii aan u imid halkan oo shaqo ah. Waxaan codsadey in la i shaqo geeyo, waase la ii dardaar wariyay oo waxa la igu yidhi: “dhulku shaqo ma leh, adiga oo kalena waabad ka sii xag jirtaa. Waayo afka ma taqaanid, markaa inaad afka barato ayay noqonaysaa, waxaanay kugu qaadanaysaa ugu yaraan dhawr sano. Markaa deg dega jooji oo edebso Afrika ma joogtide !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!”

     

    Malahaygii iyo waxa meesha yaal baa is qaban la’, anniga iyo naftaydii baa is fahmi la, si kalsooni darro ku jirto waxaan iskugu maaweeliyaa way hagaagi.

     

    Waxaan galay meel afka lagu barto, waxaanay noo jirtaa in nabara. Waxa loo sii raacaa tareen lagu raaco tigidh. Tigidhka waxa lagu goostaa lacag, lacagtana waxa gacanta ku haya islaanta iyo odayga. Aroor walba waan ka daahaa dugsiga, waxaanan uga habsaamaa inta aan sugayo caydhaa yar ee tareen raaca ah oon cidiba hoo i odhan. Anna sida wax loo bixiyo ayaan aqaannee, sida dadka wax loo weydiiyo ma aqoon. Guriga ayaan ku dhex meeraystaa, kolba qufac aan i hayn baan iska keenaa, kolba odayga ayaan saacadda weydiiyaa, hoostana waxaan ka idhaa: “Garasho daranaa goblamuhu.” Haddana xagga islaanta ayaan holliyaa, muddo ka dibna waxaan si hoose u idhaa “Tanaaba ka daran gunta ka dhacdadu.”

     

    Anniga oo xaaladdaa ku jira dadkaygii waxay iiga fadhiyaan, nafci, waxtar iyo wax qabad, waanay ku sax san yihiin. Waxayse moog yihiin haddaan qadeeyo inaanan quraacan; haddii aan qureecdana inaanan qadayn. Waxa kale oo ay moog yihiin in qabaw iyo qarracan ay qaybsadeen jidhkaygii iyo jamaalkaygii. Waxa kale oo ay moog yihiin inaan is la’ahay oo aan is raadinayo. Waxa kale oo ay moog yihiin inaanan is aanan bedelin ee waayuhu i bedelay.

     

    Waa la i soo wacayaa waxtar baana la iga filayaa, anna waan is ognahay oo waxba ma tari karo. Markaa si aan qofka telefoonku ugu badan baan hadalka ugu soo gaabinayaa, aniga oo u naxariisanaya una lexo jecloonaya, waxaase loo arkayaa inaan nacayo, inaan is diidsiinayo inaan… inaan…

     

    Anniga oo og waxaan hadda qaadaayaa baydkii labaad ee heestii Axmed Mooge Alle ha u naxariistee.

     

    Tabaalada adduunkee,

    Nin kastaba u taallaa,

    Anigay i turuqdoo,

    Tagoogaha i jabisee,

    Ka tallaabsan waayee,

     

    I taageer allahayow,

    Arrintayda kala taal,

    Adaa toosin karayee,

     

    Arrinkaygu hadduu si dhaba u kala yaallaa, Waxaan is leeyahay ma noqotaa? waxa kale oo aan is leeyahay ma joogtaa?.

     

    Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed deeq)

    E-Mail: awliyo177@hotmail.com


  10. Waxaa galabnimadii shalayto lagu toogtay xerada qaxoontiga Kenya ee Ifo 2 waddaad labadan wadaad ayaa lagu toogtay masjid hortii xili ay ku soo tukadeen masaajidka salaadii casar

    Dilkan toogasha ah ayaa waxaa fuliyey niman madaxa soo duubtay oo aan la aqoon ciday yihiin .inkasta oo dadka ay ufasirteen afduubashada Al.shabaab hadana majiraan cadaynrasmi ah oo lagahayo

    Wadaadada lalaayey ayaa waxay ka soo jeedaan gobolada soomalidu degto ee Ethopia

    Goobta falku ka dhacay ayaa waxaa soo gaadhay ciidanka police ka Kenya oo gabi ahaanba bandaw ku soo rogay magaalada inkastoo aanay u suura galin inay gacanta ku dhigaan gacan ku dhiiglayaashii waxdilay

    Waa markii ugu horaysay ee fal toogasho oo badheedh noocan oo kale ah ka dhaco xeryaha qaxoontiga dhadhaab cabsi weyn ayaa la soo daristay dadkan ka soo barakacay dagaalada ka jira dalkoodii ee 20 ka sano dawlad la aanta ahaa oo amaan buuxa ku haytay xeryaha qaxoontiga ee UNHCR

     

    Maxamud Cabdi Tuulo

    Xagardheer Kenya


  11. Been 22 years .........

    beentu maxay tahay indho jacaylow?

     

    Akhi uchi somali la hubo ayaad tahay waligaana waad ahaanaysaa,,,, salaan dadka adoon hoos fiirinayn si fiican u shanlayso say i from somalia whith aye contact,nice to meet you every one,,, ingriiskaygana ka raali noqo ninyahow,, somalidu waxay ku maah maahdaa falaari luqluqasho kaagama harto somali waa somali, wadankii waa noo hagaagi insha allah:)


  12. Cabsida Maleeshiyada SNM ee kusugan Deegaanka Maraaga ayaa timid kadib ,maray ka warheleen diyaargarow ciidaan oo ka jira deegaanaka Tukaraq.

    Ugu yaraan ilaa 8 gaadhi oo kuwa dagaalka ah oo ay saaran yihiin maleeshiyaad diif iyo daal xoog lihi kamuuqdo oo laga soo raray dhanka Kalshaale ayaa maalinimadii Shalay soo dhexmaray Magaalada Laascaanood, kuwaasi oo isii luuday dhanka Maraaga, waxana muuqata in maleeshiyadka SNM ay dareemayaan daal iyo niyad xumo kadib marakii ay ku adkaatay ina ciidamadoodu u qaybsamaan jihooyinka badan ee khatarta colaadeed kaga soo wajahntahay.

     

     Maleeshiyada SNM ayaa ayaa xiligan cabsi xoog leh ka qaba, dhanka deegaanka tukaraq oo ay dareemeen ina dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog lihi kaga soo wajahanyahay.

     

     Mid kamid maleeshiyada Huunada ee ku sugan aaga Maraaga ayaa u sheegay nin ay saaxiibo yihiin in habeenimadii xalay Dhoodi iyo Nugaalba ay uga jeedeen Kaah iyo iftiin cabsi weyn ku abuuray