gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Posts posted by gooni


  1. burburkii waan ka faa'iidnay maanta somaali ma ahin ee somaliland baan nahay waa heesaha ugu fiican oo hargaysa laga dhagaysto,,,,, marxuumkaas mootan 20sano markaan magaciisa maqlana olyada iyo biyaha isku daraa!!!


  2. Waa hagaag hadaan usoo noqono qaran jira see loo helaa waxay ila tahay in kow iyo kow la'isku daro markaasna laba helo,..... waa caqiida suuban iyo dhalin yaro caafimaad qabta, odayaashana talada laga xayuubiyo sida ugu dhakhsaha badan... meelna la isugu geeyo intooda socon karta dhaqan celin iyo inaan qabiil qaran dhisi karina la baro isku meelna ku tukadaan inta taba barku u socdo.

     

    Waxaa la yiri dastuurku waa heshiis dad isku raacay inay isku xukumaan.

    Su'aashu waxay tahay aaway dadka heshiiska dhigtay marka hore?.... xagee aftida looga qaaday?,,, yaa aftida ka qaaday?nabad galyo ma haystaan?

    su'aalahaas yaa la weydiin karaa oo jawaab u haya ?!!!!

     

    hoos u soo noqo maxay dhalinyaradu qaban kartaa hadaba?

    Dhalin yaradu waa xoogga wax lagu burburiyo waana xoogga wax lagu dhiso,hadii maskaxdooda caafimaad galo waxaa dhisma qaran adag haddii cudur galana waxaa duma qaran adag.

     

    Hadaba dhalin yaradii somaaliyeed waxay noqdeen sadex mid qurbaha ku dhashay oo inta badan xanjo iska cuna ama ku koray,mid hubaysan bad iyo barri iyo mid qaad u fadhiya oo siduu wadanka uga bixi lahaa ku marqaansan.

    Hadii aysan qaadka tufin, oo ayan ubadkooda guri nabada u dhisin, jiritaan qaran iyo dastuur dhaxal gala sida lagu helaa waa adagtahay,,,,,, waa hadayba ogyihiin in qaran dumay sugayo.


  3. Maxaa ku kalifey Ra’iisalwasaare Farmaajo inuu u jawaabo Puntland isagoon hubsan Xaalada jirta

    Posted by mohamud AA on January 24th, 2011

     

    Waxaa diyaariyey Maqaalkaan Afhayeenkii Hore ee TFG Mudane Xuseen Xuubsireed

     

    Isku dhaca ama iska hor imaadka Dowlada Federaalka ah iyo Dowlada Puntland waxaan qabaa inay ka horaysay raysal wasaare Farmaajo inta aanu Xilkaan qaban, Ilaa iyo hada Raysul wasaaruhu inta jeer ee uu Saxaafada la hadlay marwalba khaladaad aad u balaaran oo aanu horay u darsin waxa uu ka hadlayo ayuu ku dhawaaqay, Albaabkii Puntland ee u furnaana isagaa iska xiray, mana qabo in uu ula kac u sameeyay ama uu ujeedo gaar ah uu kalahaa.

    Waxaan qabaa inay tahay khibrad yari siyaasadeed iyo fudayd, Waana adagtahay in albaabkaasi dib danbe loo furi karo ilaa iyo inta Madaxwayne Sheekh Shariif iyo dowladiisuba ay dhacayaan


  4. booqashada waxaa ka horeysa in dadka wareerka laga bixiyo,hadii lagu heshiiyay federal in la fahmo farqiga u dhaxeeya madaxda, matalan haddii la yidhaahdo madax weynahii soomaaliya ayaa booqday dawladda puntland macnuhu waa labo dawladood oo daris ah..... dawlad gobaleed dastuurka waa horaa laga saaray.

     

    kalsooni iyo daacadnimana wali lama hayo oo faroole waxba kalama socdo waxa ka socda villa somaliya haba yaratee hadaba waxaa loo baahnaa si kalsooni loo helo in ina faroole raysulwasaare loo magacaabo xaalku sidan waa dhaami lahaa,,,,,,, taasu waa aragtiyada ii gaarka ah


  5. yaa jamaaca, meeshaan hadaan xoogaa ra'yin ah ku darsado.

    horta shacabka soomaaliya wax ka dhaxeeya ma jiro bataatan. raas ilaa raas,lakiin waxa meesha ku jira siyaasiin aan isku kalsoonayn iyo kala danbayn la'aan nin walbana isla dheer yahay iyo baarlamaan aan tayo lahayn,,, hadii madax laga dhigo mudane reer land ah,mudanayaashii kale lug baa u laaban cid wax macna leh soo kordhin karta ma muuqdaan.

     

    siyaasiyiinta reer waqooyiguna dharigaan aad bay u walaaqayaan waxaana filayaa inay u haystaan in amaan,ama tahniyad badanu caalamka uga imaanayso,kumana xisaabtamayaan haddii karka iyo walaaqu ka bato wuxuba isla walaaqmayaan.


  6. faroole caro badan iyo go'aamo degdega oo aan looga fiirsan ayuu ku caan baxay.

    waxaan qabaa hadii puntland cid laga sharaxo inuu noqdo cadde muuse waa nin daacada,,,,waxaan xasuustaa mar la weydiiyay inay lacag aan la'ogyn ay puntland daabacday iyo in kale oo uu ku jawaabay,,,,meela aan wax ka taataabanay waa jirtaa laakiin ma badna:D


  7. Siyaasiyiinta iyo waxfaradka Gobolada Puntland oo falaanqeeyay go;aankaa ayaa ku tilmaamay mid geesinimaa waxaana ay canbaarayn ujeediyeen shariif oo ka soo horjeeda hormarka Puntland.

     

    Waxaa ay intaa ku dareen in Madaxwayne Shariif bilihii udanbeeyay xooga saaray sidii uga soo horjeesanlahaa taageerada beeshaca caalamka uhayso Dawlada Puntland iyo hormarka baaxada wayn ee ay ku tilaabsatay Puntland.

     

    Golaha xukuumada Puntland ayaa fadhigoodi shalay waxaa ay ku falaanqeeyeen talaabooyinka guracan ee uu qaadanayo Shariif waxaana ay intaa ku dareen in wixii haatan ka danbeeya Puntland ayaaheeda katashanayso.

     

    Hogaanka sare ee Dawlada Puntland oo kaashanaya shacabka ayaa bilihii udanbeeyay ku talaabsaday hormar baaxadwayn iyo indhaha beesha caalamka oo ku soo jeestay mandiqada Puntland waxaana la tilmaamay in arinkaa ay ka caraysiiyay Hogaamiye Shariif.

     

    Ali Ahmed Abdi

     

     

    geella noo kala sooca sidanu si ma'ahan


  8. hayb soocu waa arin fog waana lga gudbi karaa sida ugu sahlan haddii diinta la barto.

    dadka la hayb sooco qudhoodi dad kaloo soomaaliyeed bay sii hayb soocaan,sida reer wabiyeedka,,,, aduunkoo dhanbay ka jirtaa arintan.

    hadii matalan gabar loo diiday mid ogol buu helayaa ileen aygaba gabdho waa u dhashaane, maxaa maskiin dulman ka dhigay?dumarka soomaaliyeed waa isku mid, mid saliid ku qubaysata ma jirto.

    waa qiso cajiiba mahadsanid somalina.


  9. u maleyn maayo in uu xalin karayo dhibaatada Soomaaliya maanta oo uu yahay nin da'ah. wadankana ka soo maqanaa in ka badan 20 sano.

    showqi waa runtaa waa wax faraha laga laabto siiba raggii qiimaha lahaa oo cali samatar ka joogo

    balse anigu waxaan u arkaa intii wiil yaroo xanjo cunaya oo qurbaha ku koray waxbana ka aqoon,inta soo ag istaago warqad dacwada u dhiibi lahaa,inuu ugu yaraan, khibradii uu ka helay casaabadii hargaysa 80kii wax un ku biiriyo koonfurta.


  10. how would you call people living in

    UNHCR tents within refugee camps, standing in line for food

    waxaa loogu yeeraa barakacayaal colaad waa laga guuraa,,, isla dhulkoodiibay u guureen somalia to somaliland.

    tan aad leedahay saf bay raashin ugu jiraan maxaad kaga duwantahay adba yurub baad saf kaga jirtaa?

    Sxb, you don't need to be angry with me. I have not made them flee their land. You better adres

    TFG and AMISOM who target civilians on daily basis

    isku si un baanan wax u arag xanaaq ma jiro ra'yigaaga unbaan la yaabay,, ,, dhul soomaali baad degentahay somalina ma rabo baad leedahay adigoo somaaliya!! ma dhulkaa waalan mise dadka? dhaqanka somaalida wuxuu yahay hadba meeshii roob iyo nabad laga helo in la isugu tago,,,,shalay xamar maanta hargaysa bari boosaaso saa danbe baydhabo ilaa maashaa allah.


  11. Somalia is a neighbouring country. Its stability and peace does concern me. There are hundred thousands of refugee's from Somalia in Somaliland. Their fate does concern me

    .

    somali dhul somaaliyeed qaxooti kuma ahan hadaad hoos u hadasho iyo hadaad kor u hadashaba wuu ku af garanayaa waa ina somaali,nabad un buu kusoo biday.

    midda kale waagii casaabadii snmtu hargaysa kusoo duushay oo reer waqooyigu nabada soo bideen koonfurta ma qaxooti bay ahayeen? mise 91kii ka dib baad dhalatay?adeer qodaxda iska bixi markii qoraxdu soo baxdo si aysan kuugu fogaan.