gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Posts posted by gooni


  1. sheekooyin cajiiba;):D

     

    Waxaa socotay ciyaar aad u xiisa badan muqdisho stadiom orodada 5000m iyo 10ka kun laba oday oo suuqa caano ka soo iibsaday oo doonaya inay miyigii ku noqdaan ayaa waxay la yaabeen meeshaan dadku kusii qulqulayo waa isbatiibadee,waxay goosteen inay galaan,isla markiiba waxay arkeen orod aad u xiisa badan iyo sawaxan dadweynaha ka baxaya.

     

    Meesha ay taagnaayeen oo hoose nin taagan ayay weydiiyeen waxa ku kalifay in dadkaan oo aad u xuurtaysan ay ordaan.

    wuxuu ug jawaabay ninkii oradka ku guulaysta wuxuu qaadanayaa bilad dahab ah.

    intay yaabeen baa mid ka mida yiri ma intaan dhinax,,,, ar dhiisha ii qabo,,, orodyahaanadii buu feerta ugu qabtay ama orodkii la galy.

    jiirada kowaad markuu soo galay buu dhinac u dhacay,asagoo dhulka jiifa ayaa saaxiibkiis weydiiyay ar calasow xaa dhacay?

    asagoo hadalku dhib ku yahay ayuu yiri habartiin''''''''''' mahaan iyo caliyaalo ay noo laalaabeen.:)


  2. waxaan isku qanciyey in maadaama Somaliya 21 sano oo u dambaysay dagaallo iyo dhibaatooyin ka socdeen in Dad badan maskaxda wax uga dhimneen,taas oo aan markii dambe ku qancay, anigoo Xildhibaankana ugu cudurdaaraya. Waayo Xildhibaanada Xulidooda looma eegin Caafimaadkooda, Aqontooda iyo garashadooda toonna.

    :D:D

     

    سقطرى أو Soqotra (عربي سقطرى، سقطرة) هو عبارة عن أرخبيل من أربع جزر صغيرة في المحيط الهندي. أكبر جزيرة، كما دعا سقطرى، حوالي 95 ٪ من مساحة اليابسة في الأرخبيل. انها تقع على مسافة 240 كيلومترا قبالة (150 ميل) الى الشرق من منطقة القرن الأفريقي و 380 كلم (240 ميل) الى الجنوب من شبه الجزيرة العربية [1] جزيرة معزولة جدا وخلال عملية انتواع، ثلث الحياة النباتية فيها تم العثور على أي مكان آخر على هذا الكوكب. وقد وصفت بأنها المكان الأكثر الغريبة المظهر على الأرض. [2]

     

    سقطرى هي جزء من الجمهورية اليمنية. وكان منذ فترة طويلة جزءا من 'محافظة عدن ، ولكن في عام 2004 أصبحت تعلق على محافظة حضرموت، وهي أقرب إلى الجزيرة من عدن (على الرغم من أقرب محافظة سيكون المهرة

     

    حوالي 95 ٪ من مساحة اليابسة

    somaalidu dhulka qaaxilka ah kuma noolaan karaan,,,,, taariikhda uu qoray iyo wiki waa isu dhawyihiin

    sheekooyinka soomaaliduna waa iska badan yihiin, waxaa igu maqala inaysan saldanidii barigu iibsan,balse ay hadiyad u bixiyeen gumaysiga ka hor allahu aclam.


  3. Dagaalkan maanta dhacay ayaa waxaa uu markii hore bilowday subaxnimadii hore ee saaka waxaana deegaanka kalshaale isku rasaaseeyey laba kor-jooge ama ilaalo oo ka kala socota ciidan beeleedka buuhoodle iyo midka bariga burco, dagaalkaasi ayaan dhalin wax khasaare ah, intaasi kadib ayaa galabta saacadu markii ay ahayd abaaro 3:50 daqiiqo waxaa weerar kusoo Qaaday fariisin ciidan beeleed-ka Buuhoodle leeyihiin ciidamo ku hubaysan gaadiidka Dagaalka kuwaasi oo hoostaga Maamulka Somaliland.

     

    Dagaalkani oo socdey mudo saacada ah kaasi oo gabalku ka dhacay ayaa waxaa la sheegayaa inuu dhaliyey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kaasi oo soo gaarey labada dhinac.

     

    Inkasta oo ay adag tahay in si rasmi ah loo ogaado khasaaraha dagaalku dhaliyey maadaama weli dhinacyadii is diriray iska aag dhow yihiin, hadana waxaa la tilmaamayaa inuu Khasaare Badani Jiro.

     

     

     

    Jawiga Magaalada Buuhoodle ayaa ah mid aad kacsan, gebi ahaanba waxaa xiran goobaha ganacsiga, sida Makhaayadaha laga cunteeyo, meelaha laga sharaabo,Iyo goobaha kale ee la isugu tago, dariiqyada Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa tuban dadweyne aad u tira badan kuwaasi oo u badan haween Iyo caruur, waxaa soconaya gaaadiid ka noocyadiisa kala duwan kuwaasi oo kusii jeeda deegaanka dagaalku ka dhacay ayna saaran yihiin ciidan beeleed kasoo jeeda gobolka cayn.

     

    dhakhtarka magaalada Buuhoodle ayaa waxaa la soo gaarsiiyey hal qof oo dhaawac ah waxaana la sheegayaa in ay hada kusoo wajahan yihiin tira kale oo dagaalka kusoo dhaawacmay , dhimasho ayaa la tilmaamayaa inay jirto labada dhinac walow aan la xaqiijin karin tirada labada dhinac ka dhimatay.

     

     

     

    Marka la iskusoo wada duubo dadweynaha Magaalada Buuhoodle Iyo Guud ahaanba Gobolka Cayn ayaa Caawa ah kuwo Colaad ku soo hoy’dey, waxaana saacadaha soo socda la filayaa inuu dhaco dagaal ka khasaare Badan midka galabta dhacay, mana muuqato saansaan dagaalku baaqdo oo ka socda labada dhinac, Ciidamo Beeleedka Gobolka Cayn ayaan Iyagu wax garab ah ama Taageero ah ilaa hada ka helin wax maamul ah, halka Ciiidan beeleedka Bariga Buco ay garabsanayaan Maamulka ay hoostagaan ee Somaliland.

     

    Khadar Cawl Ismaaciil

     

    Idaacadda Daljir Buuhoodle


  4. Garoowe:(Allpuntland)-Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay si kulul uga hadashay dagaalka kasoo cusboonaaday deegaanka Kalshaale,waxaana ay dawladu sheegtay in dagaalkaasi uu yahay mid xasuuq ah oo loola danleeyahay shacabka gobolka Ceyn ee Puntland,iyadoo sidoo kalena ay dawladu sheegtay in Somaliland ay wado qorshayaal ay shacabka Puntland ku xasuuqayso.

     

    Wasiirka Wasaarada Amniga ee dawlada Puntland Jen,Yuusuf Axmed Kheyr ayaa dagaalkan si kulul uga hadlay,waxaana uu Wasiirku sheegey in Puntland ay diyaar utahay difaacista shacabkeeda,isagoo Somaliland ugu baaqay inay si deg deg ah ciidamadeeda ugala baxdo deegaanada ay colaadu kajirto,waxaana uu muujiyey sida ay Puntland uu u taabtay dagaalkii u danbeeyey ee ciidanka Somaliland & dadka deegaanku ay isaga horyimaadeen.

     

    Yuusuf Axmed Kheyr Wuxuu canbaareeyey qabqabashadii ay ciidamada Somaliland ay deegaanada qaarkood ka qabqabteen dad kusugnaa kuwaas oo la geeyey magaalada Burco iyagoo lagu eedeynayo inay ahaayeen gurmad dagaal,waxaana uu talaabadaasna ku tilmaamay mid aanan loo dulqaadan Karin,wuxuuna ku celceliyey in Somaliland looga baahanyahay inay derisnimada Ilaaliso si deg deg ahna faraha ugala baxdo xaalka Kalshaale & guud ahaanba gobolada xuduuda kuyaala oo ciidamo badan ay soo dhoobtay.

     

    Cabdiqani Xayir

    Allpuntland


  5. Qoorta Looga Goonayo iyada oo uu markaasi Bixiyay Gen Maxamed Faarax Caydiid Alle Janadii Haka Waraabiyee waa inaka Hooseeyaaye Maanta.

    ilaahayna naxariis bay uga dalbeen walina waa soomaali,, taageerayaasha snmna wali meeshii jilic sanayd oo dhaawucu gaaray bay taabanayaan:D


  6. Somaalida ra'yigooda iyo ficilkooda waa isku mid. amaba intooda badan,kii wax bartay iyo kaan wax baran iska daba wareeg rubuc qarni, aan lakala gar qaadanayn,,, lama difaaco qof dhintay ilaahay buu u noqday xisaabna asagaa u haya,waana khasab inaad ilowdo mar hadaanad qabriga ka soo saari karin.

    hadaba waxaa kaloo meesha qaban siyaad barre dhib buu noo gaystay. dadka na maamulayana waa in siyaad noo soo tababaray snm waa mujaahidiin dalka xoreeyay, hadana waxba laguma aamini karo,,, dabka waayarku waa kan cas & kan madow +-


  7. dadkii dhantay alaha u naxariisto lamana iloobi karo dadku canbe gaari ka dhacay maahan

    lakiin dadkaan waayarada isaga khaldamay dadkii laayayna waxay u bixiyeen mujaahidsnm dadkii difaacayna dambiile

     

    hadda maamulka hargaysa hadii jabhad itoobiye lagasoo abaabulay kusoo duusho ma gacmahay laabanayaan? waa maya!!!

    hadaba dawlad kasta waajib baa ka saaran dadkeeda iyo dalkeeda.

     

    haraadigii snm maxkamad ha lasoo taago si dadku labada dhinacba isugu calool fiyoobaado.