gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Posts posted by gooni


  1. Markii Raage minweyntiisii caanka ahayd libaaxu ka qaaday ayaa sidii caaddadu ahayd waxaa loogu xigsiisamay gabadh da' yar oo ay haweenaydaa hore eedo u ahayd oo la odhan jiray Xaliimo. Minweyntii hore waxay ahayd mid aad ugu roon Raage oo xushmaysa, gaarinimo iyo marwanimana isku darsatay. Wuxuu Raage dareemay inaan siddii hore xaalku ahayn labada qabdhoodna in kastooy qaraabo yihiin haddana ay kala duwan yihiin. Markaa ayuu tiriyey gabay aan ka hayno tuducyadan hoose: Wuxuu yidhi:

     

    Illeyn caano way kala xidhmaan, dhayda iyo xoortu

     

    Illeyn xabbagta geedaha ku taal, gabal xadhaadh weeye

     

    Illeyn seeddigaa kuma xiltiro, xile haddaad weydo

     

    Allahayow xadhaadhaa anfaco, xalayto la siiyey

     

    Naa soo Xaliimoy Xaddiya, xaalna kama raacdid

     

    Naa soo dharkaagoon xumayn, xidhan aqoon maysid

     

    Naa soo tolkuba waa xurmee, kaba xishoon meysid

     

    Naa soo dabkuba wuu xudhmaaye, xaabo lama saaro

     

    Naa soo xalliin laguma dayo, xeedhadiyo weelka

     

    Naa soo ardaageer xunka ah, waana lama xaadho

     

    toosiyow horta waa taariikh aad u fog wakhtigii raage noolaa AUN gabaygana ma mar sadexaad baa oo uu saluugay gabdhahaas walaalaha?


  2. Masha allah reer awdal intaas ka badan afduub ugama maqnaan karaan walaalahood waa dad aan laga maarmin taariikhdooda iyo aqoontooda iyo halgankoodiii wadani nimo siiba wakhtigan adag ee soomaaliya ku jirto. waana lagu yaqaanay weligood inaysan ahayn dad si sahala loo marqaamin karo.


  3. Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday

    Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah

    Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye

    Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye

    Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye

    Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og

    Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye

    Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye

    Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale

    Aroos uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye

    Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye

    Sidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay

    Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay

    Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e

    Ninka illo biyaleh soo arkoo ooman baan ahaye (soo maroo, na waa la akhriyey)

    Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye

    Nin abkii somaali yahoo aarsan baan ahaye

    Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye

     

    raage ugaas gabayadiisa wax badan lagama hayo sida la sheegay wuxuuna ka mid ahaa ragga ugu horeeya gabayada iyo afka somaaliga

    bal isku daya inaad erayadan noo fasirtaan haddii alle idmo


  4. 1-Qabbabaalihii

    2-'Hoor'

    3-Qataabsadye

    4-Qambaruursi

    5-Danuunacaye

    6-Qoorqabkii

    7-Qummud

    8-Qudraba.

     

    Erayadan ma sahlanaan lahayn inaad kaligood oo mutaxan fasirto hadaysan araah raacsanayn, tan kale gabaygaan wuxuu ku jiraa gabayada quruxda badan oo taabanaya mar haduusan xuseen dhiqle joogin madaxtooyadii taleex sayidkiina iska dabaayshaday in la iska maamusha naado oo ahyd sayidka walaashiis sidaan filayo


  5. Hadda ko hor baa labo oday oo reer waqooyi ah qurbaha jooga mid baa wuxuu weydiiyay kii kale war ninyahow odaygii hebel ahaa xagee jiraa beryahan maárage mid kaloo saaxiibkooda,,, naw',, war ninkii dalkii buu jiraa oo inana yar buu aroosay,,, markaasu inta qoslay yiri ma hebel,,, haayoo waliba qayladeedaa dariskii la yaabeen,,, in tuu sii qoslay buu yiri oo muxuu ku sameeyay miyuu qaniinay:D


  6. Siilaanyo oo Markuu ku hungoobay qorshihiisii dagaal Culumada Somaliland iyo kuwa SSC foodsaaro ka soo dhigtay

     

    Kadib markii ciidamada Gobolka Cayn ay u jilib dhigeen Ciidamadii Somaliland ee uu soo abaabulay Siilaanyo, islamarkaana ay afka ciida u dareen hamigii Siilaanyo ee ahaa qabsashada Buuhoodle iyo kala Goynta Somaliya, ayaa waxaa Siilaanyo iyo la taliyeyaashiisu xaqiiqsadeen in qorshahoodii dumay, islamarkaana ay u kala dhamaatay Somaliland iyo beesha ku dhaqan Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

     

    Markii Dagaalkii lagu jebiyey Maleeshiyadii Somaliland, islamarkaana beesha caalamka ay cadaadis xoogle kala kulmeen, aduunweynahana ay u cadaatay in gooni isutaaga ay Somaliland sheeganayso aan shacabka SSC raali ka ahayn ayaa waxaa taladii ka qayb qaatay bulshada Somaliland qaybaheeda kala duwan.

     

    Dadka Siilaanyo talada kala qayb galay waxaa ka mid ahaa koox sheegatay Culumada Somaliland oo uu ugu horeeyo ninka layidhaado Shiikh Aadan Siiro uu af labadii yeedhay isagoo is haynkari waayey kadib markuu qabtay muxaadaro uu si qalad ah u fasiray oo yidhi somaliland waxay lamid tahay xiligii dawladii muslinku dhalatay oo kale oo ay kasoo horjeesteen gaaladii nabiguna csw wuu iska laaluushi jiray sidaa daraadeed waxaa looga baahan yahay dawlada soomaaliland inay sidaas oo kale samayso oo raga wada dagaalka kalshaale ay laalushaan


  7. Geel jire maxaa la dhahaana:D

    waa ku salaamay saxiib sadexda arimood ood soo bandhigtay horta waa xikmat aragtidayda waxay ku soo aroortay hadaadan arimahaas 3da ah qof la marin ma'aadan baran weli waana mihiim qofka aad doonayso inaad barato inaad sifahaas mid ka mida la marto,, kow

     

    Inaad jabad la gasho waa sarbeeb waa inaad gabar islaameed guursato nolasha la qaybsato ka dibana barasho cajiiba idin dhex marto

    Inaad jid la marto waxay ka mid tahay barashada aan wax la kala qarsan karin dabeecad, deeq,, geesi fulay, bakhayl, deeqsinimo, iwm.

    Tan 3aad ee kuugu muhiimsan aragtidayda jadiin waxaan u aqaan wax kasta oo dhuunta ama hunguriga sii mara una socda caloosha,raashin biyo caano iwm

    dad badana jadiin waxay u yaqaanaa hunguriga qudhiisa tusaale (jadiinkaa ii qalalay) ama (jadiinkiisa waxba ma marin biyo madowna haku ahaatee)

    marka jadiin la wadaag waa hunguri la wadaag wax wada cuna caba si aad isu barataan.

     

    toosiyana waa kuu haray,.


  8. Dadka reer awdal waa dad magacweyn ku leh umadda somaaliyeed qorigana qalinkay ka jecel yihiin,xaq bey u leyihiin inay af duubka diidaan iyo tafaraaruqa.

    daahir riyaalana asagoo weysa qaba oo aan dhiig badan ku daadan gobalada waqooyi ayuu isaga tagey nidaamka dhiiga ku marqaama.

     

    si kastaba taranku laba qof buu ka bilowdaa snm qudheeda laba oday oo sucuudigu ciqaamad u diiday baa asaastay waadna aragtaa inay leeyihiin heesta qaranka ha la qaado dad ka cilmi badana hanoo afduubnaado.


  9. B]Hambabara[/b]y.(waa marka hurdo ku dhaafiso danahaggi tasarufkaad bixiso markaad toosto)

    Maankaygu (maskaxdaydu )

    Foognaa (waxaan filayaa inuu yahay erayada cusub waxuuse halkaan u taagan yahay ku wajahnaa)

    Damman (moog ama aan sahal wax ku garan,tusale doqonu hadal kama damana)

    Like (waa geed hoose oo dhulka sida bataatiga hoos ugu baxa ama kasoo fooca 4gees u dilaacamarkuu bislaado lana cuno)

     

    Rays (waa marka roobku da'o ciidda qoyan)

    Sarmaan (waa geed qodaxdiisu salka ka buudhan tahay foorina samayso mar dabayshu ku dhacdo)

    Wadiiqadii (wadadii,jidkii)

    Reen (taah uu bixiyo xooluhu siiba riyaha markay fariistaan)

    Higlo (waa geed weyn geedaha cimriga dheeraada ku jira)

     

    Jabad (xerada laga guuray waa hore oo sii baaba'day)

    Cayo (geed hoosaad biyoole ah sida khudrada dabiicina u baxa)

    Rifaya (fooda ka jaraya ama goynaya)

    Afar qaadlayn (sida ay u ordaan xayawaanka afarta adin leh)

    DHukusay (waxaan filayaa inay u taagan tahay gaatamay)

     

    Geedogoostaa (sixir ama fal waxayna tiraahdaa soomaalidu waxaa xayawaanka ugu geedo goosasho badan saangurta ama kabsasta)

    Raad tiranaya (si aan raadkaag loo arag ama loosoo raacin)

    DHaglaqabto lahayn (iska fiiri eraygan macnihiisa iyo oraahdiisa isma leh,soo xiimay orod aan gabasho ku jirin)

    Duryamaya (guryamaya cod hoose oo aan la garan karin)

    Cartamay (xanaaq kii ugu danbeeyay oo xataa geedaha burburiya, xayraan waa xanaaq aan cartan gaarin)

     

    Xiimaya (orod aad u dheer)

    Ufo (dabayl yaroo istaagta oo xawaare sare ku socota)

    Daryaamay (sawaxan cod aad u weyn oo meel fog laga maqlo)

    Jixinjixin (u beer nuglaan u baqan )

    DHuraaqiyay (waraabuhu qaarka danbe ayuu u gaaban yahay saa darteed baa dhuruqaa somaalidu ugu bixisay qaabka socodkiisa)

    Liiqa (marka qoraxdu gaabato walina aysan baalka dhigan)

     

    Dusha uga baxay (iska fiiri eraygaan magaciisa iyo macnuhuu samaynayo isma laha dusha sare geedka ka fuulay ama uga baxay)

    Rako (waa geedka dushiisa laamo isku baxay sidii sariirtiina u samaystay ama dad ha sameeyo waa rako)

    Aflabdii yeeray (iska fiiri eraygaan qaylo aad u dheer afka la taagay)