gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Posts posted by gooni


  1. Sir gabbal wax garadka iyo aqoonyaha puntland way ka hadli karaan gedo haddii abaaro iy colaadba ka jiraan wixii ay ka gesan karaan

    balse nin walba in gubtaa waa hoos taalaa,siiba markaan ka daawano tv calan cagaaran iyo gargaar ka yimid walaalaheen snm oo ay ug deeqeen tuuluuyin ku xeeran garoowe iyo badhan, garoowana ay ka socoto xafladii ugu fiicnayd ee is barashada dumarka somaaliyeed,,,, gedo waa fogtahay adeer.


  2. Reer puntland ma'ahi laakiin waxaa ii sawarin inuu nidaam kasta salka ku hayo qabiilaysi iyo gobolO xataa haduu jifo yahay

    sowtii snm isku dayday inay ka baxdo hebelaysiga markay riyaale dooratyna ilaahow mar naga furfur ay ka gaartay habrihii oo dhana meel kasoo wada jeesteen.


  3. Waxay xor u yihiin in dadku masiirkooda u madax banaan yahay nidaamka federalkana qaybtooda ka helaan punland sow fedaral maahan?

    waa dhul aad weyn adeer oon wali xataa sawir laga qaadin qaarkiis,,waxaa sii raaca tii kasii fiicnayd oo snm idinka hor joogto somaliweyn.:D


  4. Raas casayr state waxaa loogu dhawaaqay in la iloobay xagga hay'adaha iyo hurumarka waxayna doonayaan si uusan u jabin dhigaas dhoobada ka samaysan ee garoowe lagu karsanayo tan kale,. siku meel lama dhigi karo dad xor ah iyo dad SNM 200km ku oodatay.


  5. Aniga iyo gabadhaydii baa is raacay wuxuu ula jeedaa aniga iyo xaaskaygii baa is raacnay

    Haduu ku yiraahdo aniga iyo islaantii baa isasa soo laynay wuxuu ula jeedaa aniga iyo hooyo baa isa soo laynay ama dagaalamay

    Reer boorama haday ku yiraahdaan inan yaroo seediday ah waxay ula jeedaan gabadha dumaashidiis ah

     

    Afmaygu ma badalmo ama guur guuro sida maxaad tiriga waa af taabida ama nagi


  6. Erayadaan badankooda kuma dhib badna dadkii hore balse dhalinta yar yare reer galbeedka ku hana qaadaya waa u mad madow

    Erayada iga hoos baxay waxaa ka mida (qadoodigii saleelo),,,inta kale sidan baan u fasiri lahaa

     

    1-walbahaar walwal aad u weyn

    2-shirbays ciyaar gacmeed la tumo

    3-raxanraxan koox koox

    4-jiridiisa iyo xidid, geedka salkiisa hoose ama xididadiisa hoose

    5-garwadeen hogaanka haya ama hagaya

    6-labo haamood laba weel biyood ratiga saaran ama geed laga sameeyo ama qabo laga tolo waxaana qurux badan haanta qabada laga sameeyo

    7-dhugtay fiiriyay eegay

    8-jaraha waa xakamaha lagu xukumo xoolaha rabaysan sida awrta iyo fardaha iwm

    9-tu'iyay fariisiyay waxaa la tu;iyaa geella kaliya sidaan filayo

    10-solan qalalan wax kasta oo solan cuntadana waa la solaa, dadkana waa loo adeegsadaa si loo tilmaamo inuu yahay qof caato ah ama solan

     

     

    11-madag waxaa laysku lisaa laba qori oo sulub ah si aad u dhakhso badan waxaana ka dhasha dab aad u yar waxaana lagu qabtaa caws si aad u manaafaacaadsato mararka qaar geedaha qudhooda baa dabayshu isku listaa oo dab ka dhasha sida ka dhacda kaymaha aduunka oo aad maqasho dab baa qabsaday

    12-liiq waxay u taagan tahay wax nus muuqdo ama suniyo nus dhereran muuqdo am qorax nus kasii muuqda oo sii dhacaysa

    13-bu' waa isha inta madow

    14-dhacle waa maro farshaxan qurxoon oo dumarkii hore ka laalidin jireen dhexda ilaa lugaha dhanka soo jeedka

    15-baarqab waa ratiga geella loogu talo galay inuu rimiyo waana la doortaa asal ahaan meesha uu kasoo jeedo ama firkiisa

    16-hungow waa markaad waxaad filaysay weydo ama ku hungowdo

    17-calooyow waa markaad xasuusato dhacdo aadan jaclayn inay dhacdo

    18-inkaar waa habaar alaha naga korshee

    19-jariirico waa caadifad ama qalbi jileec ay indhahaagu qabtaan ama lagaaga sheekeeyo waxaana is taagta xaadaada

    20-hal adayg karti badan wax tar fiican

     

     

    21- in meeshaan qof ka qaaday qof uga tagay macnaha qofna waa soo dhaweystay qofna waa iska fogeeyay

    22-gobo'laynaysa waxaa loo isticmaalaa dhibcaha murugada sida ilmada ama dhiigga inta badan mararka qaarna caadi waa loo isticmaali karaa sida biyaha ama subagga iyo wax kasta oo dhibic dhibic usoo dhaca

    23-laaf yoonaysa waa markaad socoto qaabka gacmahaagu u dhaqaaqaan gabdhuhu waxa sameeyaan socod jileec iyo qurux dumar ka muuqato oo aad u xarago badan in kastoo hadda ragga qaarkiis ku daydeen waana is badelka aduunka iyo dhaqan guurka aad u fogaaday baan filayaa

    24-barqo dheer waa intaan duhurka la gaarin aroor horana ahayn

    25-soo haysay waxaa la soohaa mayraxda qaab dhaadheer oo labada sacab lagu sooho si loogu diyaariyo in la sameeyo

    26- mayraxdu waa shayga la soohayo waxaan laga diiraa geedaha qaarkood waa dhaqan miyi

    27-tidcaysa waa marka la sooho ka dib ayay ilkaha ku qabtaan is ay u tidcaan ugana dhigaan xarig dheer oo ay raarka ama gogasha lagu seexdo uga sameeyaan,.

    waana gabdhihii hore oo qiimaha iyo xishoodka badnaa farshaxan karti iyo gobanimo ilaahay ku ku galaday.

    28-galbis waa hees howleed ay ku madadashaan gabdhihii hore intay hawsha ku jiraan

    29-sibraar waa maqaar ama harag si fiican loo magdey ama la jilciyay oo biyaha lagu shubto

    30-rakuub waa ratiga u tababaran in dadku fuuli karaan qaar waxaa jira ogol in qalab shey la saaro laakiin aan dadka ogolayn

     

     

    31-qurquriyay waa cabid ama dhamid aadan u neefsan wax xoogaa aan kala joogsi lahayn

    32-jirjirka waa dhinac ama gees gees aan toos ahayn calaacasha jirjirkeedo waa dhinaca kore, jirjir baan u seexday, faash ama faasbuu jirjir ugu dhuftay, waa dadab aan toos ahayn

    33-kariinkii waa calaamada ay dubnaahaaga ama bishimahaaga ku hara markaad wax cunto ama cabto siiba caanaha oo aad u muuqda

    34-faraq waa marada faraqeeda ama dacalkeeda

     

    haddii wax khaldamaan waa bani aadam khaladkiis iyo idan alle towfiiq insha allah


  7. Soomaaliya inay ha qaldanaadee 4.5 wax ku qaybsatay oo reerka ay matalaan qaybtoodii qaateen waa ay ogaayeen, haddana waa maxay qaybtayadii meel bannaan dhiga ? yay hoos tagaan ? ma shacabbaa ? ma maamul wax u qoranyihiin oo madaxwayne leh baa sida puntland , Galmudug iyo somaliland ama ximan iyo xeeb ????

     

    Ma qabiil bay mataal ? hadday caabudwaaq degaan waa la yaqaan reerkooda su’aashu waxay tahay Maxamed Farmaajo yuu wax ku noqday ??

    Soomaaliya dhibka haysta waxaa ka mida dadka wax qoraa waa un iska qoraan si cashwaaí ah ama aan sal mug leh lahayn

    puntland waxay ogolaatay in beel wax lagu qaybsado hadana waa u cuntami laádahay sababa jira awgood somali land sidoo kale ximan iyo xeeb, cidina ma ogola inay labada lugoo meel isugu geyso

    Hadaba ahlu sunna maxaa u diiday in miiska magacooda loo saaro intaysan madasha wada hadalka iman?? miyaysan kuligood caqabad ahayn?


  8. Horta layskuma hayo in dad badan oo gaajaysan ay ku noolyihiin somaaliya shareecaduna waa badbaado looga gudbo xili kasta oo lagu jiro si ay u wada noolaadaan kii wax ilaahay siiyay iyo kaan loogu dhibcin.

     

    Tuugadu waa kala nooc iyo kala xukun sida sheekh maskiinba noo sheegay anigu intaan kala socdo mar aan koonfurta ilaa mudug ku safray intaan shabaab qabsan marna ma garan kartaan cabsida iyo baqdinta dadkaas masaafurka ay galiyaan ragg dhalin yaro oo xoog badan shaqaysan kara ilaahayna dhamaystiray, waana la ogyahay inaysan gaajo u geyn laga yaabee inay dadkay dariiqa u istaageen kaba nolol roon yihiin

     

    hadaba shabaab layskuma hayo inay leeyihiin ijaabiyaad iyo salbiyaad labo arimood baan anigu shakhsi ahaan ku ixtiraamaa tan kowaad waa kasaarddii caasimadda somaaliya ay ka saareen ithopianka tan labaadna waa qaaducu dariiqa oo ah fitno aan lagasoo waaqsan karin wiilkii ama gabadhii lagu koriyo lacag masaafur lagasoo dhacayna waa caaqibo beel.

     

    Arinta xukunka siduu doonaba ha u dhacee waxaa la fiiriyaa faaíido ma u keenay bulshadii jawaabteedana culimaadaa ku wanaagsan waxaanse idiin sheegayaa in meel shabaab xukumo aan shufto joogin ama ku yartahay taasina waxay ka mid tahay ijaabiyaadka.


  9. Xukunka waxaa laga rabaa ciddii xukunta meesha falku ka dhacay haday cadeyn hayaan iyo haddii kalaba waana xisaab alle

    Qaaducu dariiq gaajo uma geyn inay furtaan ama boobaan dad musaafura oo ilaahay xataa soonka iyo salaadaba u khafiifiyay

    Ciqaabta qaaducu dariiquna ma garanayo inay tahay dil ama gacan iyo lug goyn balse ciqaabtu waa inay dhacdaa si ay kuwa kale uga leexdaan dariiqaas ilaahay

    hadii gaajo ayaa u geysay aan qiil ka dhigano waxaad ku dartaa xisaabta inuu qoriguu wax ku dhacayo 1500 oo dollar ku iibsan karo sanadana ku noolaan karo


  10. Nairobi (RBC) Wararka ugu dambeeya ee naga soo gaaraya madasha lagu wado in saaka uu ka furmo shirka Soomaalida loo qabanayo ee UN-ka uu qabanqaabiyey ayaa sheegaya in goor dhow uu bilaaban doono shirka.

     

    Madasha shirka uu ka dhacayo oo ah hotelka Wilson ee duleedka magaalada Nairobi ayaa waxaa ku sii qulqulaya ergadii shalay soo gaartay Nairobi, waxaana la filayaa in abaare 10:00 uu bilawdo shirka oo soconaya labo maalmood.

     

    Madasha shirka looma ogola inay wax saxaafad ah tagto, waxaana xalay wariyaasha loo sheegay in kulanka uu yahay mid albaabadu u xiran yihiin oo aan loo ogolaan doonin warbaahinta. Waxaana lagu wargeliyey saxaafada in wixii go’aan ah ay heli doonaan maalinta xigta ee Arbacada oo shirka lasoo gabagabeyn doono.

     

    Kulamadii xalay dhacay

     

    Dhanka kale waxaa tan iyo shalay markii ay ergooyinka badankood soo gaareen magaalada Nairobi socday kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayeen ergooyinka maamulada Puntland, Galmudug iyo wafdiga barlamaanka KMG kuwaasoo ay la yeelanayeen xubnaha safaaradaha Mareykanka, Talyaaniga, dawlada Kenya iyo Augustine Mahiga oo shirka maanta gudoominaya.

     

    Wafdiga barlamaanka KMG ee uu hogaaminayo Shariif Xasan ayaa shalay illaa xalay qaabilay Mahiga, safaarada Mareykanka iyo xubno ka tirsan Midowga Afrika iyo Kenya.

     

    Dhanka madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole wuxuu isaguna la kulmay si goono gooni ah safaaradaha Mareykanka, Talyaaniga iyo Mahiga oo si gaar ah ay u wada hadleen.

     

    QODOBO LA ISKU MARI LA’ YAHAY

     

    Waxaa xalay dhacay doodo hoose oo aad u adkaa kuwaasoo ku saleysnaa afkaaraha kala duwan ee la kala qabo, iyadoo Mahiga uu dhinac kasta ka soo qaaday wixii aragtideedaah si kulanka maanta uu u noqdo mid nidaamsan.

     

    Hogaamiyaasha Puntland iyo Galmudug ayaa ku adkeysanaya in la isku raaco go’aan ku talinaya in DKMG waqtigeeda uu ku dhamaado bisha August 2011, kadibna la qabto doorasho madaxweyne iyo tan gudoonka barlamaanka. Waxayna wafdiga Puntland iyo Galmudug ku balameen in shirka maanta ay arintaasi kaga dhawaaqaan.

     

    Hase yeeshee Shariif Xasan iyo wafdigii uu hogaaminayey ayaa jilbaha u dhigtay sidii ay u difaaci lahaayeen mudada saddexda sano ee uu barlamaanka ku darsaday bishii Febraayo. Shariif Xasan ayaa sidoo kale doonaya in jagooyinka dib loo soo dooranayo aan lagu darin gudoonka barlamaanka balse kaliya madaxweynaha la soo doorto.

     

    Waxaa jirta fikrad kale oo la isla dhexmarayo taasoo sheegeysa in waqtiga la isku soo ururiyo isla markaana hal sano kaliya loogu daro TFG kadibna doorasho guud oo dhamaan xubnaha dawlada ah la qabto waana sida ay qabaan qaar ka mid ah xubnaha beesha caalamka ee shirka joogta.

     

    Warar hoose ayaa sheegaya in Mahiga laftiisu uu fikirkaasi halka sano ah qabo uuna doonayo in hal sano kadib doorasho ka dhacdo magaalada Muqdisho.

     

    Dhanka kale Wuxuu Mahiga walaac ka muujinayaa maqnaanshaha xubnaha sare ee DKMG ah isagoo xalay mar uu shir jaraaid qabtay ku sheegay inuusan shirku noqon doonin mid dhameystiran haddii xukuumada KMG ay maqan tahay.


  11. Afka mayga hadii lagu qoro afka maxaadtiri si sax ah uma akhrin kartid laakiin markii lagu hadlo waa fahmi kartaa eray eray mooyee

    Wuxuu leeyahay afka maygu murti iyo maahmaah aad u cajaa'ib badan waxaan kasoo qaadan karnaa maah maahdaan sarbeebta ah

     

    ludayka isma moodka mehee mis moog

    oo macnaheedu yahay (ayaxu isdhaaf dhaafkiisa ha moodin inuu is moogyahay) waxayna ka turjumaysaa dhaqanka beeralayda waayo ayaxu mar qura ayuu beerta kusoo dagaa asagoo aad u fara badan isla markaas wuxuu bilaabaa inuu is dhaaf dhaafo, mar qudhana wuu duulaa asagoo aad moodid inuu is ogyahay.

     

    Lahjadda maxaa tiriga waxaa ugu dhaw (ilka abeeso hoostay ka xiriiraan) kana soo jeedda dhaqanka reer guuraaga sidaa darteed luuqadaan maygu waxay baahan tahay in la dhex galo si aad u hesho murti aad u fara badan

    salaam


  12. Gaalkacyo:(Allpuntland)-Banaanbax kooban ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo kaas oo ay kasoo qaybgaleen tiro kamid ah dadka kunool magaalada Gaalkacyo,waxaana banaanbaxan oo ay soo qabanqaabiyeen ehelada Jen.Maxamed Cali Samatar madaxweyne kuxigeenkii hore ee dawladii Soomaaliya looga soo horjeeday maxkamadaynta Jen.Samatar oo dalka Maraykan ka dhici doonta,iyadoo shacabkuna ay banaabaxooda ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin maxkamadaynta & eedaymaha sida gaarka ah loogu soo jeediyey jen.Samatar.

     

    Banaanbaxan oo ay dadkii ka qeybgalay wateen boorar ka dhan ah dadka ka danbeeya dacwadaynta Jeneraal Samatar ayaa lug kumaray meelo kamid ah gudaha magaalada Gaalkacyo iyagoo sidoo kalena watay gawaari ay ku rakibnaayeen codbaahiyeyaal laga dhagaysanayey heeso wadani ah,waxaana markii danbe ay isugu yimaadeen afaafka hore ee xarunta maamulka gobolka Mudug halkaas oo ay kula hadleen madaxda maamulka gobolka Mudug & kan degmada Gaalkacyo.

     

    Xildhibaan Farxiyo Yuusuf Xirsi (Bilig) oo kamid ah golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo islamarkaasna kamid ahayd dadkii soo abaabulay banaanbaxa ayaa sheegtay in ay ula jeedaan inay muujiyaan dareenkooda & sida ay uga xunyihiin maxkamadaynta Jeneraal maxamed Cali Samatar oo ay sheegtay inuu ahaa nin wadani ah dadkiisana u shaqayn jiray,waxaana ay dhanka kale Maamulka Somaliland ku eedaysay inay ka danbeeyaan dacwadaynta Samatar.

     

    Gudoomiyaha gobolka Mudug,duqa magaalada Gaalkacyo & Taliyaha ciidanka Daraawiishta Aaga Mudug oo iyana banaanbaxan gabagabadiika hadlay banaanbaxan,waxaana ay sheegeen in ay shacabkooda la qeybsanayaan sida ay uga xunyihiin in si gaar ah loo bartilmaameedsado Madaxweyne xigeenkii hore ee Soomaaliya marna soo ahaa Wasiirka Gaashaandhiga ee dawladii Kacaanka iyagoo taas ku tilmaamay in ay taasi tahay Faquuqid.

     

    Cabdiqani Xayir

    Allpuntland