Liqaye

Nomads
  • Content Count

    1,954
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Liqaye

  1. Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka oo soo saartay Qorshe ay wax kaga qabaneyso, Gaadiidka rayidka ah, kan dawladda iyo kan Hay'adaha samafalka Wasaaradda Gaadiidka Cirka, Dhulka ,Badda iyo Dekadaha Soomaaliyeed ayaa maanta soo saartay wareegto ku aadan in gawaarida iskugu jirta kuwa rayidka ah, dawladda oo ay wehliyaan kuwa ay sida gaarka ah u leeyihiin, Hay'adaha samafalka iyo diblomaasiyiinta ama safaradaha ajnabiga ah ee ka howlgala guud ahaan dalka Soomaaliya Gaar ahaana magaaladda Muqdisho sidii ay u qaadan lahaayeen taargadda ay sameysay wasaaradda iyo weliba batanataha loogu talagalay darawalada kaxeynaaya gaadiidka kala duwan ee dalka. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka, Cirka, Dhulka, Badda iyo Dekadaha ee Xukuumadda Soomaaliya Max’ed Cismaan Cali {Dhagaxtuur} oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay in gaadiidka ka howlgala Guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaana caasimadda dalka ee Muqdisho loogaga baahan yahay in ay qaataan Batantahaa ama Taarko, taasi oo uu tilmaamay in looga gol leeyahay sugidda ammaanka iyo in mararka ay baabuurtu shilalka galaan aysan dhicin in gaariga shilka galay uu darawalka la cararo islamar ahaantaana la aqoonsan waayo dhibkii uu geestay si wax loogaga qabto. Agasimaha guud ee wasaaradaasi Md. Max’ed Cismaan Cali Dhagaxtuur ayaa sheegay in maadaama ay wasaradiisu ka mid tahay qeeybna ka tahay hay'adaha aanan sinaba loogaga maarin in ay wax ka sugaan nabadgalayadda loo baahan yahay in ay dhinaca ammaanka kala shaqeeyso hay'adaha u xilsaaran nabadgalyadda si taasi loo taaba geliyana ay wasaradu qadaa talaabaabadaan wax loogaga qabanaayo sharciga dalka iyo sugidda nabadda darawalana Soomaliyeed hay yihii shibil, iyo kuwa dawladaba ay waajib tahay in ay raacaan awaamiirta ay soo sartay dawlada ee dhinaca Sugidda amaanka dalka. Agasimuhu waxa uu xusay in gawaarida ka soo degta Dekadda caalamiga ee Muqdisho la siiyo taargada, iyo kuwa ka hawlgalla magaaladda Muqdisho oo aan lahayn wax taargo ah, ayna lagama maarmaan tahay in taarKo ay qaataan. iyagoo racaaya awaamiirta dawladda. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka, Cirka, dhulka ayaa sidoo kale sheegay in taarikada laga doonaya in ay qaataan gawaarida dalka ka howlgasha ay noqoneyso 4- nuuc oo kala ah, kuwa gaadiidka badweynaha, kuwa dowladda, kuwa Safaaradaha shisheeyaha ay leeyihiin iyo kuwa Hay’adaha Samafalka ee dalka ka howlgala, isagoo intaa ku daray in aan la aqbali doonin gaadiid aan lahayn wax taargo ah oo ka howlgalaya dalka. Max’ed Cismaan Cali Dhagaxtuur Agaasimaha guud ee wasaaradda Gaadiidka badda iyo dekedaha ayaa sidoo kale xariiqay in darawalada ka howgala magaaladda muqdisho dhankooda looga baahanyahay in ay haystaan warqadda aqoonsiga ee darawalnimo, kuwaasi oo u kala baxxa sedx nuuc sida Heerka koowaad heerka Labaad iyo heerka sedexaad, waxaana uu ugu baaqay wadayaasha gaadiidka kala duwan ee dalka ka howlgala in ay qaataan warqadda Leysinka ah ama Batantaha si loo kala aqoonsaddo darawaladda kala duwan ee ka hawlgalla dalka. Arintaan ayaa ah mid fududeeyn doonta wax ka qabashadda hawlaha baaxadda leh ee had iyo jeer ka dhaca qeeybaha bulshadda iyo waxaayna fududeyndoontaa ama ay wax ka bedelidoontaa shilalka faraaha badan ee baabuurta ku soo badanaya gudaha dalka, Agasimuhu waxaa uu ugu dambeeyntii sheegay in wasaradu ay arintaan si loo taabageliyo la kaashan doonto Hay'adaha amniga ka shaqeeya si ay hawshaan u noqoto mid taabagal ah.
  2. dayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayay isku afgarteen in la furo Suuqa Wayn Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Iyadoo kulanka maanta ay yeesheen xubno ka tirsan Odayasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa maanta kulankooda waxaa ay kaga hadleen sidii loo furi lahaa wadooyinka gala Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho oo mudooyinkii dambe xirnaa. Sidoo kale mid ka mid ah odayaashii maanta ka qeyb galay kulankaasi ayaa warbaahinta u sheegay in ay isku afgarteen labada dhinac in la furo wadooyinka gala Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqisho, waxaana uu tilmaamay in aan jirin waqti cayiman oo lagu balamay in la furo wadooyinkasi. Si kastaba aha ahaatee ma ahan marki ugu horeesay ee lage eedeeyo Ciidamada AMISOM inay ka dambeeyaan xernaashiyaha Wadooyinka gala Suuqa Bakaaraha inkastoo arintaasi ay iska fogooyeen, waxaana Mudooyinkii dambe gabi ahaamba dagaalada ka dhacay Muqdisho ku xiramay wadooyinka gala Suuqaasi taasi oo ay walaac xoogan ka muujiyeen ganacsatadii Suuqaasi iyo dhamaan shacabka kale. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088
  3. Taliska ciidamada Midawga Africa ee Soomaaliya ku sugan ee AMISOM ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay ku dooayaan inay dib nabada ugu soo celiyaan goobo ay sheegeen inay kala wareegeen dagaalyahanada Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab eek u yaala magaalada Muqdisho. Taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM ahna taliya ciidamada dawlada Burundi Cyprien Hakiza oo taleefoonka ugu waramay idaacadda dawlada Burundi ee magaalada Bujumbura ayaa sheegay in kastoo ay jiraan dagaalo ka dhaca magaaladda Muqdisho haddana ay wadaa qorshayaal ay ku doonayaan inay dib xasiloonida ugu soo celiyaan goobihii ay kala wareegeen Xarakadda Al-Shabab ee ay ka mid tahay agagaarka dhismaha wasaaradda gaashaandhiga eek u taala wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho. Cyprien Hakiza waxaa uu sheegay inay goor dhaw diyaarinayaan goor dhaw ay dib u dajin u sameynayaan dadkii horey uga barakacay goobaha laga qabsaday Al-Shabab waxaana uu tilmaamay in haatan ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada KMGS ay gacanta ku hayaan inta badan magaalada Muqdisho. “Inkastoo ay jiraan rasaas si teel teel noogu soo dhaxeysa oo ay dagaalyahanadaAl-Shabab nagu soo ridayaan haddana goor dhaw waan ka guulaysanaynaa nabada dib baan ugu soo celinaynaa deegaanad aanu hadda kala wareegnay dadka dib baan ugu soo celinaynaa” ayuu yuri jeneral Cyprien Hakiza oo ah taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM ahna taliyaha ciidamada Burundi ee Soomaaliya waxaana uu intaa ku daray inaysan jirin wax weeraro culus ah oo ay kala kulmaan Xarakadda MujaahidiintaAl-Shabab. Taliyaha ayaa qiray in dagaaladii bishii February Muqdisho ka dhacay uu dhinacoodaqasaaro ka soo gaaray hase ahaatee ay uga muhiimsan tahay sida uu yiri dadaalka nabad raadinta Soomaaliya. Dawlada Burundi oo ka mid ah wadamada ay Soomaaliya ciidamada ka joogaan ayaa dhawr sheegtay inay sii wadayaan dagaalada ay ku difaacayaan dawlada KMGS oo xilligaan wajahaysa dagaalo ka dhan ah Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088
  4. “Qoryaha ay wataan waa loo lacageyn doonaa sida uu horeyba ugu balan qaaday RW wasaare farmaajo ciidamada isa soo dhiibana waxaa loo sameyn doonaa daryeel nololeed iyo mid waxbarasho oo maskaxdooda looga saarayo waxyaabaha qaloocan ee ay ku soo shubeen nimankii ay la joogeen ee khawaarijta ahaa sida horeyba loogu sameeyey raggii saaxiibadod ah oo ka soo tegay kooxdaas” ayuu inta ku daray Afhayeenka wasaarada warfaafinta xukuumada Somalia Shiikh C/risaaq Qeylow. This is a shrewd move...
  5. Dowlada Somalia oo iyadoo aan soo bandhigin sheegtay iney isku soo dhiibeen askar qoryo culus wadata oo ka tirsan ciidamada Al-Shabaab Afhayeenka wasaarada warfaafinta xukuumada Somalia Shiikh C/risaaq Qeylow ayaa warbaahinta magaalada Muqdisho qaarkood ka sheegay in askar ka tirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay isku soo dhibeen dowlada Somalia, isagoo aan soo bandhigin sheegina iney u soo bandhigi doonaan warbaahinta. Qeylow ayaa intaa ku daray in ciidamada Al-Shabaab ee isa soo dhiibay oo tiradooda uu ku sheegay labo askari ay ku go’doomeen aagag ka tirsan degmada H/wadaag ee gobolka Banaadir iyagoo ka qeyb qaadanaya dagaaladii maalmo ka hor ka dhacay degmadaasi ee dhexmaray ciidamada Al-Shabaab oo dhinac ah iyo ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo dhinac kale ah, wuxuuna xusay in ugu damnbeyntii ay isku oo dhiibeen ciidamada dowlada. Waxaa uu intaa ku daray afhayeenku in labadan askari ee isa soo dhiibay ay ahaayeen dhalinyaro aad u da’yar ayna ku hubeysnaayeen labo qori oo kala ah Ak-47 iyo BKM oo ah qoriga dhawaqa dheer ee Somalidu u taqaano daba jeexa, wuxuuna sheegay in labadaas iyagoo bad qaba haatan lagu xanaaneynayo magaalada Muqdisho. “Qoryaha ay wataan waa loo lacageyn doonaa sida uu horeyba ugu balan qaaday RW wasaare farmaajo ciidamada isa soo dhiibana waxaa loo sameyn doonaa daryeel nololeed iyo mid waxbarasho oo maskaxdooda looga saarayo waxyaabaha qaloocan ee ay ku soo shubeen nimankii ay la joogeen ee khawaarijta ahaa sida horeyba loogu sameeyey raggii saaxiibadod ah oo ka soo tegay kooxdaas” ayuu inta ku daray Afhayeenka wasaarada warfaafinta xukuumada Somalia Shiikh C/risaaq Qeylow.
  6. Af-hayeenka Wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay inay isku soo dhiibeen dhalinyaro ka tirsan Al Shabaab oo ku go’doomay dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacayay Qaar ka m id ah degmooyinka gobolka Afhayeenkaas oo lagu magacaabo C/risaaq Qeylow oo ka hadlayay arintaasi ayaa waxaa uu sheegay in 2 ka mid ah dhalinyaradda u dagaalanta al shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamadda dawladda waxana uu intaasi raaciyay in 2 dhalinyarro ay dawladu gacan ku qabandoonto dabadeedna ay xanaaneeyndoonto. C/risaaq Qeylow ayaa sidoo kale sheegay in dhalinya ku tilmaamay in maalmo ka hor ay ku xayirmeen aagaga dagaalka gaar ahaan dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, isagoo tibaaxay in dhalinyarada isku soo dhiibtay ay yihiin Caruur aad u da’yar.oo ay asgareeyeen horjoogayaasha al shabab. Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa uu intaasi ku daray in dhalinyarada isku soo dhiibtay dowladda ay ka mid yihiin dhalinyaro farabadan oo ka tirsan Shabaab kuwaasi oo horey isugu soo dhiibay dowladda, waxaana uu tilmaamay in dhalinyaradaasi Xukuumadda aysan wax dhibaato ah kala kulmayn. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka Gaashaandhiga waxaa ay u sheegeen in dhalinyarada kasoo goosata Al Shabaab ee isku soo dhiibta dowladda ay cafis u fidin doonaan islamarkaana ay ka iibindoonaan doonaan hubka ay kala soo goostaan oo ay sitaan sida ay sheegeen Mas’uuliyiintaasi ka tirsan dowladda Soomaaliya. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088
  7. Quote un-quote Hadalka Ra'iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda KMG ciidamo loogu tababarayo xerada Xalane, ciidamadaas oo loo tababarayo isticmaalka gawaarida gaashaaman iyo Taangiyada, hase yeeshee arrintaasi ayaa haddii ay hirgasho waxay noqoneysaa dowladii ugu horeysay ee ciidamadeeda dagaalada Muqdisho u adeegsata Taangiyada iyo gawaarida gaashaaman.
  8. Ra'iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo u waramayay Idaacadda afka Dowladda ku hadasha ayaa sheegay in dhowaan magaalada Muqdisho lagu arkayo ciidamo cusub oo qalabkoodu u dhan yahay, kuwaasi oo sida uu sheegay Ra'iisal Wasaare wata hub cusub iyo qalabka ciidamada oo casri ah. Inkasta oo Ra'iisal Wasaaraha aanu faahfaahin badan ka bixin qorsheyaasha iyo istiraatiijiyada Dowladda ee ku wajahan dagaalka ay kula jirto xarakada Al-Shabaab, ayaa ku gaabsaday in xilliyada soo socda magaalada Muqdisho uu ka dhici doono isbedel ay sameeyaan ciidamada Dowladda, gaar ahaan furimaha ay isku hor fadhiyaan Dowladda iyo xarakada Al-Shabaab. "Muddo dhow Dowladda isbedel ayay ka sameyneysaa Muqdisho, waxaana la arki doonaa ciidamo cusub iyo hub cusub" ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Farmaajo oo sheegay in dowladiisu dejisay istiraatiijiyad ay Muqdisho uga saareyso xarakada Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay inuu isagu warbaahinta ka sheegeynin warbixinada milateriga oo ah sir u qarsoon isla markaana aan loo baahneyn in laga hordhaco. Hadalka Ra'iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda KMG ciidamo loogu tababarayo xerada Xalane, ciidamadaas oo loo tababarayo isticmaalka gawaarida gaashaaman iyo Taangiyada, hase yeeshee arrintaasi ayaa haddii ay hirgasho waxay noqoneysaa dowladii ugu horeysay ee ciidamadeeda dagaalada Muqdisho u adeegsata Taangiyada iyo gawaarida gaashaaman. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088
  9. General Duke;704726 wrote: ^^^lol, adeer again you show the envy of the secessionist and hate of all things Somali. As I have stated before this is long overdue, Galmudug, Ximan, Ahlu Sunna, and Hiiraan must unite and form a strong federal state. I welcome it and every person in Puntland will welcome it. The days when we fear our own people are long over. No when will you stop hating your own Somali people and condemn th actions of Amira Zubayra and the gang? That is exactly it... the qabiliste is merely trying to start fires where there are none. Congratulations to the two mamuuls and may this lead to the consolidation of the central region into an economically and politically viable entity....
  10. ^^^ So are YOU going to use the voice changer to do as ghelle asked???
  11. ^^^ Now you know how we feel when we hear about somaliland
  12. Malika I KNOW ina Kahins voice very well, and I want categorical denial...... but this must win the 2011 award for the number WTF!! moment in somali politics
  13. Bhuko : Fariisimo Badan Oo Cusub Baanu Muqdisho Ka Sameysanaynaa Maalmaha Soo Socda... Taliska looga taliyo ciidamada Amisom ee magaalada Muqdisho oo ka hadlay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ayaa sheegey inay ciidamadoodu dagaaladaas ku doonayaan inay ka sameyaan magaalada Muqdisho isku balaarin balaaran oo ay ku doonayaan inay farisiimo cusub ka sameystaan magaalada Muqdisho ee caasimadda soomaaliya. Gashaanle Sare Brigde Bhuko oo ah afhayeenka ciidamada Amisom ee magaalada Muqdisho ayaa sheegey inay ciidamadadoodu sii wadyaan hawlgalada ay ka wadaan magaalada Muqdisho,waxaana uu sheegey inay ciidamadoodu wadayaan dagaalada ka dhanka ah Xarakada Alshabaab,waxaana inay ciidamadoodu diyaar u yihin inay magaalada Muqdisho farisiimo cusub ka sameysan doonaan. Dhanka kale waxaa uu Gashaanle Sare Bhuko sheegey inay dhinac wadaan dagaalada kulamo ay la qaadanayaan waxgaradka & bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho,waxaana uu sheegey inay ciidamada Amisom,dawladda kmg ah & bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho iska kaashanayaan sidii Xarakada Alshabab magaalada Muqdisho looga saari lahaa. Dhanka kale waxaa uu xusay Gashaanle Bhuko in bishii la soo dhaafey ay ciidamadooda ku soo biireen ciidamo badan oo hor leh kuwaasi oo qayb ka noqon doonaan ciidamada Amisom ee magaalada Muqdisho ku sugan,waxaana uu sheegey inay ciidamadoodu laba jibaari doonaan hawlgalada ka dhanka ah Xarakada Alshabaab ee magaalada Muqdisho. Bhuko waxaa uu sheegey inay ciidamadoodu isku balaarin doonaan magaalada Muqdisho isla markaasna ay farisiimo mileteri oo badan ka sameysan doonaan gudaha magaalada isagoo sheegey inay si wadajir ah ciidamadooda & kuwa dawlada kmg ah ay farisiimahaasi uga sameysan doonaan magaalada Muqdisho,waxaana uu sheegey hadda ka ku tallo jiraan inay guud ahaan magaalada Muqdisho la wareegi doonaan. Sidoo kale waxaa uu ka hadlay xirnaanshaha wadooyinka soo gala suuqa bakaaraha,waxaana uu sheegey inaysan ciidamadoodu masuul ka ahayn inay ciidamadoodu xirnaanshaha wadooyinkaasi,waxana uu sheegey inay wadooyinkaasi u xiran yihiin Xarakada Alshabaab ee magaalada Mqudisho ka dagaalanta,waxaana uu masuuliyadda wadooyinkaasi xiran dusha uga tuurey Xarakada Alshabaab. Waxaa Bhuko sheegay inay socdaan kulamo ay la yeelanayaa qeybaha bulshada sida Ganacsatada, Odayaasha dhaqanka iyo dhalinyarada kuwaasi oo ku aadan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka Shabaabka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka. Ugu dambeyntii waxaa hadalkan Afhayeenka ciidamada Amisom imaanayaan xilli ay Ciidamada dawlada oo kaashanaya Amisom dagaalo hor leh ku qaadeen ciidamada Alshabaab ee magaalada Muqdisho isla markaasna dagaaladii ugu dambeyey kula wareegeen farisiimo Xarakada Alshabaab ku lahayeen magaalada Muqdisho. Ahmed Aadam Gacal Muqdisho-Gedo-News Gedonet.com@gmail.com
  14. Falcelis: Sirta SSC Heshay: Been Casriyaysan!! Wq. Cali M. Cartan March 23, 2011 Hiilka qoraa Maxamed Baashe X. Xasan u muujiyey masuuliyiinta maamul beeleedka ‘Somaliland’ waa mid taban. Wuxuu si ka fiirsho la’aan ah u beeniyey waraysiyada loogu magac daray Sirta SSC-du Heshay ee lagu baahiyey mareegaha internetka qaar ka mid ah. Mudane Maxamed ma aanu soo bandhigin sababo faahfaahsan oo akhristuhu ku qanci karo, kuna beenin karo warbixinahaas oo aan ka ahayn in ay jirto aalad codka lagu bedbedeli karo oo la macno ah qori qori ku taag. Qaybaha danbe ee warqaddan baan ku xusi doonaa si kooban sida qalabka codadka lagu farshaxameeyo u shaqeeyaan. Si kastaba ha ahaatee Maxamed xaq ayuu u leeyahay fikirkiisa qof ahaaneed balse xaq uma laha inuu marin habaabiyo fikirka dadka ka aragtida duwan. Midda labaad Maxamed waxa kale oo uu tusaalayaal u soo qaatay arrimo kale oo lagu faafiyey warbaahinta isaga oo la xidhiidhinaya beesha deegaanka SSC in ay falkeen. Tan laftigeeda run iyo beenteeda cidda samaysay lama caddayn karo iyo ulajeedooyinka laga lahaa. Maxamed wuxuu si dadban u bannaynayaa in beesha SSC aanay aayahooda ka tashan karin oo si kasta oo suuro gal ah lagu hoos keeno maamul beeleedka “Somaliland”. Taasina waxay la mid tahay wada tashan mayno, kalana tegi mayno. Mudane Maxamed waxa kale oo uu miciin biday sida aanay caqli gal u ahayn in qof qariib ah, oo aanay garanayn madaxda ‘Somaliland’ ugu warrami karin balse su’aashaas miyaanay ku habboonayn in la waydiiyo madaxda maamulka ‘Somaliland’? Xaggee buu Maxamed cuskan doonaa haddii qaar madaxdan ka midi yidhaahdaan waanu ku fashilanay shirqoolkan? Arrintani weli waa ugub oo baxnaanin bay u baahan tahay, war jiraaba cakaaruu iman inuu hadalka ku soo koobo baa u badbaado badnayd balse Maxamed ma haleelin. Haddaynu u soo noqonno nuxurka waraysiyada masuuliyiinta ‘Somaliland’ bixiyeen waa marka aynu dhan iska dhigno dhab iyo dhayal ahaantooda’e; waxaa xaqiiqa ah in sida ay odayaashu u hadleen tahay sida dhabta ah ee ay fagaarayaashaba ka sheegaan, falalka maamulku ka sameeyo deegaamada SSC-na waraysigani sii xoojinayo. Ina Kaahin, Taani, Waraabe, Cadami, Siilaanyo iyo kuwo kaleba wax cusub kuma aysan soo kordhin isle’egta siyaasadeed ee gobolada waqooyi ka jirta. Maxaa yeelay waynu wada ognahay in beelaha waqooyigu iskaga soo horjeedaan fikirka siyaasadeed. Falalka is huwan ee aan ku ekayn barakicinta, xadhiga maatada, dilalka kediska ah, iyo cabudhinta maamulka ‘Somaliland’ ka wado deegaamada SSC waa mid khatar ku ah xasiloonida Soomaaliya gaar ahaan gobolada waqooyi. Waa ayaandarro inaynu ku luminno tamarteena run iyo been ahaanta waraysiyada Sirta SSC-du Heshay halkii aynu ka wada shaqayn lahayn sidii dadka inta hadhay aynu u kala badbaadin lahayn. Waxa kale oo aad mooddaa in Maxamed Iloobay in digtoonida siyaasiyiinta dalalkan reer galbeedka ee aynu soo degnay ku dhaqmaan aanay lahayn siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee qabyaaladda iyo dhaqan xumadu madax wareerisay. Haddii aynu dhaqankaas yeelan lahayn wax badan baa dadka u badbaadi lahaa. Xaqiiqadu waxa ay tahay dadka aynu siyaasiyiinta ku sheegaynnaa waa niman dhaqan jabhadeed leh, kana tagay is xeerintii iyo is qaddarintii beryo dadka u dhaxaysay. Sahal u warramidda iyada wax badan ka odhan maayo, sababtoo ah iyada waynu ka dharagsannahay inta jeer ee hore ee arrimo kuwan la mid ah ama ka daran ay siyaasiyiin ku sheeggaasi hore telefoonno (teleconference) iyo meelo kaleba wax uga dhex yidhaahdeen iyaga oo inna aan iska hubin dadka dhageysanaya. Bal adiguba isweydii inta ina Cali Waraabe is dhowri karo ama fadeexad iska ilaalin karo? Aaladda Codka: Qalabka codadka lagu dooriyo boqolaal bay kor u dhaafeen, iyagoo tayadoodu is dhaanto. Hababka ay wax u duubaan sharaxaad dheeraad ah bay u baahan tahay, ka Maxamed xusayna waa mid ka mid ah, inkasta oo su'aal laga keeni karo illaa xadka qofka codkiisa la keeni karo ama la jili karo. Waxa intaas dheer haddii aynu aragtida Maxamed qaadano oo nidhaahno waraysiyadani waa been, innaga oo aan soo jeedin sababo dhammaystiran oo muujinayaa sidaas, waxa markaas dhacaysa in wax kasta oo idaacad laga sheego aan la rumayn karin, lana beenin karin. Taas oo keenaysa in qof waliba wax kasta oo uu sheego dafiro, yidhaana waa been abuur. Hoos waxaan ku soo guntay waraysiyadii madaxda ‘Somaliland’ bixisay. Run iyo been ahaantiisana dhegaystaha ayaan u deynayaa oo aan leeyahay caqligaaga la kaasho. Akhriste halkan ka dhegayso waraysiyadii dabadeedna go’aan cilmiyaysan oo ka madax bannaan qolyaha is haysta ka gaadh.
  15. Wax garadka Iyo Xildhibaanada Reer Hiiraan oo Kulan Maanta Ka dhacay saxafi Hotel Ku Tageeray Maamul Goboleedka Midland iyo Ducomentiyo Lagu wareejiyay Halka Saraakiil Caaban March 22, 2011 - QOL - Kulan Qaatay Saacado oo Loo diiday saxaafada ayaa Galinkii danbe ee Maanta ka dhacay Hotelka saxafi ee Magaalada Muqdisho Xili Goobta Isugu Timid Xildhibanaada qaranka somaliyeed iyo Qaar Katirsan saraakil dhawaan Loo Tababaray Mamul Goboleedka Midland State. Sidoo kale Ganacsatada Gobalka ayaa Maanta Ku wareejiyay Maamulkan sedax Kamid ah Gaarida loo yaqaano Leyla Calaawi ee aadka looga Isticmaalo Dalka somalia , waxeyna Ganacsatada balan qadeen Iney sii Laba Jibaari donaan dhawaan Hadaba Wasiirkii Hore Arimaha Gudaha Iyo Amniga qaranka ayaa Goobta Ka hadlay Isagoo Xusay In Hiiraan ay Joogta Xiligan waqtigii Barwaaqada Iyo Mideenta shacabra Reer Midland. sidoo kale waxa Kulankaasi Goob Joog ka ahaa Taliyihi Hore ee Ciidamada Gobalka Hiiraan Waxaana Hadalo Dhiiri Galin ah Ka jeediyay Enj, Eynoow oo ah Qabiir somaliyeed Islamarkaasina aad Looga yaqano Magalada Muqdisho Isagoo Hoosta Ka xariiqay in Midland State dhawaan Howl Galo Ka Bilaabi doonto Gobolada Dalka ee matasho. Sidoo kale Marka laga reebo wasiirada Iyo Xildhibaanada ayaa Waxa Goobta Maamulkan Lagu wareejiyay Documentiyo waxaana La wareegay Madaxweynaha Maamulka Midland. Waana Markii Ugu horeysay La Tageraa Maamul Hiiraan Loogu Magac Daray Waxaana qadka Taleefanka Kaga Qeyb qateen Qaar Kamid ah Ugaasyada Gobalkaasi. Gabagabadi Waxaa Kulan Gaar ah qaatay Ku xigeenka Gudoonka Baarlamaanka Iyo Jiraabey Iyagoo Isla Meel dhigay Hanaanka Loo suura Galin Karo Hormarka Gobalkaasi. isku soo wada duu duub Miland State ayaa Helay Tageero Laba Jibaaran Lamana oga sida ay Ku heshay Tageeradan Tirada Badan Hussein Anteeno Somali Senior Journalist' anteeno22@hotmail.com
  16. Maamullada Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug oo ku hishiiyay inay sameystaan ciidammo ammaan oo mideysan Arbaco, Maarso 23, 2011 (HOL) – Kulan ka dhacay degmada Cadaado ee maamulka Ximin iyo Xeeb ee ka dhisan goballka Galgaduud ayaa waxaa looga wada hadllay sidii ay maamulada Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug isaga kaashan lahaayeen ka hortaga dagaallada inta badan ka dhaca deegaannada ay ka arrimiyaan. Kulanka oo ay ka qeyb-galeen saraakiil ka tirsan labada maamul odayaal dhaqameed iyo waxgarad kale ayaa lagu waramayaan in lagu hishiiyay in la sameeyo ciidamo isku dhaf ah oo ka kala tirsan labada maamul, kuwaasoo sida ay yeesheen saraakiisha labada dhinac isha ku heyn doona dhaq dhaqaaq kasta oo colaadeed si markaa looga hortago. ''Waa talaabo loo qaaday dhinaca nabad-galyada, isku darka ciidamada labad maamulna waa mid muhiimad gaar ah u leh nabad-galyada deegaannada uu ka jiro maamulka labada dhinac ayuu yiri,'' Xassan Timo-weyne oo dhinaca maamulka Galmudgu uga qeyb-galay kulanka. Talaabada ay qaadeen saraakiisha ciidamada labada maamul iyo Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug ayaa waxaa ay ku soo beegantay waan-waan iyo hishiis in muddo ah laga dhaxwaday beelo dhawaan ku dagaallamay deegaannada uu ka jiro maamulka labada dhinac, waxaana xusid mudan in mideynta ciidamada labada maamul ugu yaraan wax weyn ka tari karto is hortaaga kooxaha hubeysan ee inta badan kiciya dagaallada beelaha ka dhaxdhaca. C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiraan.com Beledweyne, Soomaaliya
  17. Arbaco, Maarso 23, 2011 (HOL) – Afhayeenka ciidamada AMSOM Maj. Ba-huko Barigye ayaa maanta oo Arbaco ah sheegay inay wadaan qorshayaal ay isballaarin ku sameynayaan, isagoo sheegay in ciidammo dhaaraad ah bishii hore kusoo biireen ciidankooda ayna doonayaan meel ay dajiyaan. “Ciidamadeenna waxaa kusoo biiray askar badan bishii hore, waxaana doonaynaa inaan dajinno goobo cusub oo Muqdisho ku yaalla, waxaana socda qorshayaashii aan isugu ballaarin lahayd degmooyin dhowr ah oo ka mid ah kuwa ay ka taliso Xarrakatul Shabaab,” ayuu Maj. Barigye ku sheegay wareysi uu siiyay idaacadda Shabelle oo ka mid ah kuwa ka howlgala Muqdisho. Afhayeenka AMSIOM, wuxuu intaas ku daray in degmooyinka ay sida gaarka ah u doonayaan inay isugu ballaariyaan ay ka mid yihiin, Huriwaa, Yaaqshiid iyo Dayniile oo ay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ka taliso. “Qoysaskii ku noolaa degmooyinka ay Xarrakatul Shabaab ka taliso way ka qaxayaan, maalin walba waxaad arkaysaa haween iyo caruur sita agabyadoodii oo u soo tallaabanaya goobaha ay dowladdu ka taliso,” ayuu yiri afhayeenka AMISOM. Dhanka kale, Maj, Ba-huko wuxuu sheegay inaysan iyagu mas’uul ka ahayn xirnaanshaha suuqa weyn ee Bakaaraha, wuxuuna mas’uuliyadda xirnaashahaas suuqaas dusha ka saaray Xarrakatul Shabaab oo uu sheegay inay ka qodeen godad waaweyn waddooyinkii laga geli lahaa. “AMISOM marbana mas’uul kama ahan xirnaashaha Bakaaraha, waa la yaqaan cidda xirtay oo boholo waaweyn ka qoday jidadkii loo mari lahaa. Haddii aan doonayno inaan wax carqaladeyno maan carqaladeyno suuqyada ku yaalla Xamarweyne, Madiina iyo degmooyin kale,” ayuu yiri Maj. Ba-huko. Hadalka Maj. Barigye ayaa imaanaya iyadoo dhawaan lagu eedeeyay AMISOM inay diideen in suuqa Bakaaraha loo furo waddooyink ay gaadiidka iyo dadku ka galaan, iyadoo la sheegay in DKMG ah iyo Xarrakatul Shabaab ay ogolaadeen in suuqa waddooyin loo furo. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  18. Guddoomiyaha Hay'adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ka hadlay dagaalada Muqdisho, gaar ahaan xirnaanshaha suuqa Bakaaraha mushkilada halka ay ka soo bilaabatay, dadaalkii ay u galeen in khilaafyada siyaasadeed ay xaliyaan iyo arrimo kale. Waxa uu sheegay Sheekh Bashiir Axmed Salaad in xarakada Al-Shabaab looga baahan yahay inay la yimaadaan xikmo iyo axkaam la xariirta dhinaca dagaalada, waxa uuna ugu baaqay inay la yimaadaan dhimrinta shacabka Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu ku booriyay dhinacyada Dowladda iyo Al-Shabaab inay suuqa Bakaaraha u furaan dadka shacabka ah. "Ururka Al-Shabaab waa inuusan suuqa bakaaraha ka dhigin xarun ciidan" ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ku eedeeyay Al-Shabaab inay suuqa bakaaraha ka dhigteen xarun ciidan isla markaana gudaha iyo hareeraha suuqaasi ay ka ridaan madaafiicda iyagoo xarumo iyo baro kontrol ka sameystay gudaha suuqa bakaaraha. Guddoomiyaha Hay'adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlayay dadaalka hay'adiisu u gashay inay wadahadalo isku soo hor fariisiso Madaxweyne Shariif iyo ururka Al-Shabaab, hase yeeshee waxa uu sheegay in dhinaca Shabaab ay ka hor yimaadeen in khilaafka lagu xaliyo qaab wadahadal. Waxa uu sheegay Sheekh Bashiir in dhinaca ururka Al-Shabaab ay u sheegeen inay dagaal jihaad ah ku qaadayaan xukuumada Madaxweyne Shariif, isagoo sheegay in maanta dagaalkaasi laga dhaxlay inay shacab Soomaaliyeed ku dhammaadeen, isagoo tilmaamay in haddii ay Shabaabku soo ridaan rasaas hal qofna ay disho loogu jawaabayo madaafiic dileysa boqolaal qof oo Soomaali ah. "Dagaal la iska wado ma aha xal, dadka dhimanaya waa Soomaali, sidaa daraadeed qolyaha magaca diinta sheeganaya waa inaysan ka dagaalamin goobaha ay shacabku ku badan yihiin" ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo sheegay in mushkilada Soomaaliya aanay dhammaan doonin ilaa iyo inta AlShabaab ay ku dhegan tahay fikirka hal adeygnimo ee aan xalka lahayn. Dhinaca kale Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ugu baaqay guud ahaan dhinacyada ku loolamaya awooda dalka ayuu ugu baaqay inay sameeyaan goobo ka caagan hubka iyo dagaalada ay iskaga horjeedaan, isagoo sheegay in shacabku uu yahay midkii ay xukumi lahaayeen mustaqbalka. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088
  19. If it holds this will be a very good development for the central regions after the signing of the Garowe agreement and this one between the two mamuls as well as the peace being developed in ASWJ held areas such as Cabudwaq as well as Guriceel/Dhusamareb opportunities for the khawarij to expoloit clan rifts is being reduced.
  20. Wararka ka imaanaya Degmada Cadaado ayaa sheegaya in Maamulada maamullada Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug ay ku heshiyeen inay samaystaan Ciidamo wada jir ah oo ka shaqeynaaya ammaanka deegaanada ay maamulaan. Labadaan maamul ayaa ku heshiiyay sidii ay isaga kaashan lahaayeen ka hortaga dagaallada inta badan ka dhaca deegaannada ay ka taliyaan maamuladaasi, iyadoo la soo sheegayo in kulankaasi uu ahaa mid aad looga hadlay sidii loo xoojin lahaa ammaanka deegaanada labadaasi maamul. Saraakiil ka kala socotay labadaasi maamul iyo waxgarad ayaa kulankaasi ka qaybgalay, waxaana lagu hishiiyay in la sameeyo ciidamo wadajir ah oo labada dhinac ka wada tirsan, iyadoo Ciidamadaasi ay la shaqeyn doonaan saraakiisha labada maamul. Maamulka Galmudug ayaa si weyn u soo dhaweeyay iskaashigaasi dhexmaray labadaasi maamul, iyadoo Xassan Timo-weyne oo dhinaca maamulka Galmudgu uga qeyb-galay kulanka uu sheegay in horay loo qaaday talaabo wanaagsan. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088