Liqaye

Nomads
  • Content Count

    1,954
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Liqaye

  1. I really beleive that xaaji is a civil servant somewhere He keeps creating work for himself, does that means that when countries with ethnic somalilanders citizenship holders you will create a post?
  2. You are right it would be a great adventure, watching mass killings, political murders, genocide by bullet and by government mandated and directed starvation. I so want to go.....
  3. "Transition the south to alshabaab hands (Mogadishu included)" Or did you mean transition the south FROM alshabaab hands?
  4. The month before ramadhan adiga uu fiirso uun
  5. Wasaarada Maaliyada Oo Sheegtey Inay Ku Guuleysatey Bixinta Mushaharaadka Hay'adaha Dawlada ... Wasaarada Maaliyada dawlada kmg ah ee soomaaliya ayaa ku guuleysatey sida la sheegey bixinta mushaharka hay'adaha kala duwan ee dawlada kmg ah ee soomaaliya xilli dawlada kmg ah 3-dii bilood ee laga soo gudbay ay si xiriir ah u bixineysay mushaharaadka hay'adaha qaranka ee kala duwan. Maxamed Xasan Aadan oo ah Wasiiru dawlaha wasaarada Maaliyadda dawlada kmg ah ee soomaaliya oo warbaahinta Gedonet xafiiskiisa magaalada Muqdisho ugu waramay ayaa sheegey in kor u kac sare ku yimid dhaqaalaha ka soo gala dekedda & garoonka diyaaraha,waxaana uu sheegey in dhaqalaha dekeda ka soo baxa uu kor u kacay 30%,garoonka uu kordhay in 50%,waxaana uu sheegey inaysan jirin wax lagu kordhiyey canshuuraha la qaado. Waxaana uu yiri wasiirku: " Waxaanu si wanaagsan oo niyad wanaag ah ugu guuleysaney bixinta mushahaaradka wasaaradaha, ciidamada ,xildhibaanada ee 3-dii bilood ee la soo dhaafey,waxaan arrimahaasi ku yimaadeen dadaal ay sameysey wasaaradu,waana mid aanu aaminsanahay inay socon doonto '. Dhanka kale waxaa uu wasiirku sheegey inay dhawaan bixin doonaan mushaharaadka kale,waxaana uu sheegey in wasaaradoodu isku hawshay sidii ay u raali galin lahayd dhamaan shaqaalaha kala duwan ee dawlada kmg ah,waxaana uu sheegey inay horumar arrimahahaas wasaraadoodu ka sameysey. Si kastey ahaataba waxa hadalka wasiiru dowlaha ayaa imaanaya xilli Xukuumaddu ay ku guuleeysatay meelmarinta qorshaha Sadexdii bilood ee la soo dhaafay, taas oo muujineysa sida ay Xukuumadani karti ugu leedayay fulinta waajibaadka loo igmaday ee horyaala taas ay wax badan wasaaradu ka qabatey. Ahmed Aadam Gacal Muqdisho-Gedo-News Gedonet.com@gmail.com
  6. Talaado, 29 March 2011 (HOL)- Culimada Somaliland ayaa markii u horraysay isugu yimi Shirweyne ballaadhan oo ay kaga hadlayeen fikirka is-qarxinta iyo argagaixisinimada iyo habka looga hortegi karo, waxaanay ka warbixiyeen in aanay meel ku lahayn Diinta Islaamka. Kulankan oo socon doona muddo saddex maalmood ah, ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka Beeraha, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Diinta iyo Awqaafta, masuuliyiin ka socota hay’adaha waddaniga iyo culimaa’udiin ka kala yimi lixda gobol ee dalka. Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay munaasib tahay ka hadalka xagjarnimada iyo cunfiga sidii looga hortagi lahaa, kadib markii qarax argagixiso ee 29 October lala beegsaday magaalada Hargeysa. “Waa markii ugu horreysay ee shirweyne loo qabto Culimada Somaliland oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Diinta & Awqaaftu, iyada oo gudanaysa waajibkeedii Diiniga ahaa oo mar kasta dhiirrigelisa wadatashi, is-qancin iyo wax walba lagu dhameeyo wadahadal oo aan ra’yi keliya la isku qasbin,” ayuu yidhi Madaxweyne-xigeenku, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Xukuumadda Somaliland waxa ka go’an ladagaalanka fikirka xag-jirnimadda, Wasaarada Diinta iyo awqaafta waxaanu faraynaa inay soo diyaariyaan barnaamijka loogu tallo galay wacyigelinta dhalinyarada oo odayaal ahaan iyo culimo ahaanba maanta aad ka qeyb qaataan arrintaasi sidii bulshada looga wacyi gelin lahaa,” Wasiirka Diinta iyo Awaaqta Sheekh Khaliil Sheekh Cabdiraxmaan oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxdii iyo marti sharaftii ka soo qaybgalay kulankan lagu lafa-gurayey xagjirnimada iyo cunfiga ku tilmaamay kii ugu horreeyey ee culimada lixda gobol dalku isugu yimaaddeen. “Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa walaalkay Maxamed Cumar oo runtii hawlo badan nala qabtay intii aan jooga Wasaaradda, tanina waxay tahay ka mid tahay hawlihii hore uu nooga caawin jiray. Culimaa’udii oo kulankii ugu horreysayey ee aannu isaga yeedhno gobollada iyo degmooyinka dalka intii awoodi karaysay, taas oo macnaheedu yahay culimaa’udiin haddii aynu nahay in bal cududeena iyo tamarteena aynu aragno intay le’eg tahay oo aynu isku aragno waynu kala maqmaqannahaye oo aynu is muujino, iskuna muujino nafteena iyo waxaynu la qaban karno ummaddan Somaliland ee aynu ka dhalanay, hadday tahay sharciga iyo horumarkaba oo aynu nahay xubnaha ugu muhiimsan,” ayuu yidhi Sheekh Khaliil Sheekh Cabdiraxmaan Axmed. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo furitaankii kulankan ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddooyinka uu ku qotomo kulankani, isaga oo xusay inuu khuseeyo nabadgelyada iyo fikirka xagjirnimada iyo cunfiga ee ay ka qaybto diinta Islaamku, waxaannu sheegay inay baaq midaysan ka soo saari doonaan culimada dalka iyo ka Wasaarad ahaanba. Madaxa Xarunta Daraasaadka Siyaasiga ah Maxamed Cumar Carteh oo isaguna ka hadlay furitaankii kulankaas, ayaa u mahadnaqay madaxdii iyo marti sharaftii kale ee ka soo qaybgalay, isaga oo xusay in aanay ahayn markii ugu horreysay ee ay wada shaqeeyaan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. Maxamed Cumar Carteh waxa uu halkaas ku soo bandhigay dhacdooyinkii taariikheed ee kala dambeeyey ee uu soo maray dalka iyo caqabadihii kala duwanaa ee dalka Somaliland la soo kulmay muddooyinkii ay bilaambeen argagixisnimada, isaga oo gunnaanadkii talobixin kooban halkaas ka soo jeediyey; “Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu maanta waxay isugu kayo yeedhay in talo-bixin sharciyeysan la siiyo iyo wixii ay kaga hortagi kari lahaa oo sida ugu dhakhso badan looga hirgelin lahaa. Intaas kadib waxay ka qaybgalaashu su’aalo ka weydiiyeen iftiimintii iyo sharraxidihii laga bixiyey xagjirnimada iyo cunfiga soo ifbaxaya, iyagoo sidoo kale ku darsaday fikradooda ku waajahan sidii looga hortagi lahaa amma dadka looga waycigelin lahaa xagjirnimada iyo cunfiga. Shirkan ayaa noqon doona mid sannad leh oo ay culimada Somaliland ku lafa-guridoonaan hadba dhibaatada soo wajahad bulshada iyaga oo kaashanaya Wasaaradd Diinta iyo Awqaafta.
  7. ARAGTIDA QABASHADA SHIR WEYNE QARAN: Arinta kale ee la is weydiin karo waxay tahay in la qabto shir weyne laysugu keenayo xubno Soomaaliyeed oo laga soo xulo qabaa’ilada isla markaana dib loo dhiso Gole Baarlamaan kaasoo lamid noqon doona 99% kana dhib iyo fashil badnaan doona kii lagu qabtay dalka Kenya ee Mpagathy. • Waxaa adkaan doonta in la helo Gole Baarlamaan oo bedela midka hada dhisan, • waxaa dhaci doona in Qabaailadu ku heshiin waayaan xulitaanka xubnaha Ergada shirka & qeybsiga tirada Barlamaanka, Shirkani wuxuu qaadan karaa in ka badan 2/3 Sano. • Sidoo kale wuxuu u baahan yahay Abaabul, Dhaqaale xoog leh iyo Siyaasaddii hagi lahayd taasoo u baahan mudo dheer oo loogu diyaar garoobo: Haddii aan eegno labada Qodob ee doorasho iyo Shirweyne waxay keenayaan dhowr khatarood sida, • In dalku noqdo Dowlad la,aan mudo oo uu yimaado (Vacuum) inta lagu jiro marxalada Isbedelka howshan oo sidaan sheegnay qaadan karta mudo dheer oo aan xad lahayn. • Inay adkaato inay soo baxaan wax Soomaali ay heshiis ku tahay oo lamida ama ku dhaw midkaan manta haysano. • In kooxaha Argagixisada oo xiligan ku jira marxalad adag oo isugu jirta Burbur & khilaaf dhexdooda inay Midoobaan iyagoo ka faaiidaysanaya Fursada marxalada kala guurka. • In Shacabka Soomaaliyeed oo hadda ku dhiiraday inay muujiyaan Ficilada & dareenka ay kaga soo horjeedaan kooxaha Argagixisada ay han jabaan oo u nuglaadaan fikradaha Shababka. • In Kooxahan Argagixisada oo hadda ay soo wajahday dhaqaale la,aan xoogan iyo Dhibaatooyin kaloo badan inay helaan fursad ay markale is ku Abaabulaan iyaga iyo Ajaaniibta Dibada Dhaqaalaha uga soo dirta iyagoo ka faa’iidaysanaya Xiliga kala guurka . • In kooxaha Argagixisada ahi u gacan haatiyaan Xubno badan oo ka mida Ciidamada Dowladda, Masuuliyiin, Dadweyne iyo Ganacsato kuwaas oo si ay naftooda u badbaadiyaan ay suura gal tahay inay ku biiraan iyagoo ka shaki qaba in dowladnimadu sidaa ku burburto oo la soo dhisi waayo Dowlad cusub taa soo suura gala 99%. • In kooxaha Argagixisada ahi ay qabsadaan Deegaano kale oo aysan hada Gacanta ku haynin kuna sii fidaan Dowladaha Dariska & Guud ahaan Caalamka. • In ciidamada AMISOM ay ku adkaato Joogitaanka dalka & howsha ay hadda hayaan kadib markay waayaan dowlad ay la shaqeeyaan. • Waxaa Cad in Ciidamada AMISOM ay soo wajahayso Jahwareer iyo khatar kaga imaaneysa Dibada & Gudaha dalka waxaana socda Qorshe kooxaha Argagixisada ahi wadaan oo ah inay khasbaan kacdoon shacab oo ku jihaysan Amisom shacabkuna wuxuu u arki karaa in Shabaab guuleystay oo aysan haysan fursad kale. • Sidoo kale Banaanaantani waxay keenaysaa in dhamaan dhismayaasha iyo kaabayaasha dowlada ee hadda soo kabanaya ay baaba,aan oo dib loo burburiyo sida ka dhacday magaalada Baydhabo Xiligii shirkii Jabuuti 2009. • Waxaa baabi’I doona dhamaan xoogaga Ciidamada Dowlada ee hada dhisan, Sidoo kale waxaa Gacanta Shabaabka geli doona Hub iyo Saanad Military oo aad u tiro iyo Tayo Badan Sidii hore uga dhacday Magaalada Beydhabo Xiligii Shirkii Jabuuti 2009. • Waxaa xoogaysan doona Kooxo, Qabaa’ilo, Jabhado & Shakhsiyaad xiligan ku jira Diyaar Garow & hub uruursi sugayana Xiliga isbedelka ee Dowlad la,aanta waxaana si degdega u howlgeli doona Qabqablayaal Dagaal oo Dalka dib ugu celin doona Dagaal iyo Fawdo. HIRGELINTA DASTUURKA QABYADA AH: Waxaa jira fikiro taageersan in si ku meelgaara loo hirgaliyo Dastuurka qabyada, Fikirkani kama foga in shirweyne la qabto waxaana lagama maarmaana in laysu keeno Odoyaal, Aqoon yahano & Xubno ka soo jeeda Bulshada Rayidka taa soo loola jeedo in si aan Afti dadweyne ahayn loo ansixiyo Dastuurka qabyada. Arintani waxay keeni kartaa dhowr arimood oo kala ah: 1. In shirku socdo mudo dheer isuna bedelo shirweyne Qaran oo la mida kuwii hore. 2. Inay dhacdo kala afkaar duwanaansho Ergada dhexdeeda oo horseedi karta in la ansixin waayo Dastuurka Cusub, Axdiga kmg laga tago oo ay soo baxdo (Constitutional Vacuum). Fikradahani waxay isugu jiraan kuwo ku jihaysan: 1. In la yareeyo tirada Xildhibanada. 2. In Xildhibaano Cusub Qabaa’iladu soo xushaan oo hogaamiyeyaasha dhaqanka arinta dib loogu Celiyo. Haddii arintani dhacdo waxaa muuqata khatarta Mustaqbalka Soomaaliya oo noqon doona in yagleelka Qaranimada mar kale la Burburiyo. Qaar kamida kooxaha dowladnimada diidan oo ku gabanaya qaab Beeleedka iyo Shakhsiyaad leh rabitaan Siyaasadeed ayaa Diyaar u ah inay ka faa’iidaystaan Fursadan iyagoo khilaaf ka dhex abuuraya Ergada shirka, Khilaafka 1aad na wuxuu noqonayaa Cida Shirka ka qeybgaleysa, tirada Ergada sida loo qeybsanayo Ergada iyo arimo kaloo badan, arintani hore ayay uga soo dhacday shirarkii hore. Run ahaantii lama soo koobi karo Khatarta iyo mushkilada ka abuurmi doonta haddii la qaato midkastoo kamida 3da Qodob ee kala ah Doorasho, Shirwayne & Ku dhaqmida Dasturka qabyada ilaa si buuxda oo sharci ah loo dhameystiro loona meelmariyo. GUNAANAD Goluhu markuu qiimeeyay marxaladda uu dalku marayo gaar ahaan arrimaha sugida amniga, iyo hawl gallada isdaba jooga ah ee ay xukuumadu kusoo celinayso xasilloonida Dalka; Sidoo kale markuu arkay in muddadii Hay’adaha dastuuriga ee dawladda dhamaanayso bisha August 2011, qiimeeyayna wax qabadka Xukuumada mudadii yareyd ee ay shaqeynaysay, ayuu Goluhu wuxuu go’aamiyay in dhamaan hay’adaha dastuuriga ah ee dawlada FKMG ah loo kordhiyo muddo hal sano ah isla markaana doorashadii dhici lahayd August 2011 dib loogu dhigo August 2012 si loo dhamaystiro hawlaha qabyada ah ee ay ka mid yihiin kuwa hoos ku xusan: · Dhismo Ciidan oo Dhameystiran lehna Tiro, Tayo, Qalab & Hogaamin. • Soo Celinta Guud ahaan Amniga Dalka ( Mudo Kooban). • Dowlad Wanaag. • La Dagaalanka Musuqmaasuqa. • Dhameystirka Dastuurka Qabyada. • Ka Saarida Dalka Nidaamka KMG & Gaarsiinta Dawlad Rasmi ah. • Tayeynta Shaqaalaaha Dowlada & Abuurista Shaqooyin Dheeriya. • Daryeelka Bulshada & Gaarsiinta Gargaarka. • Dib u Dejinta Barakacayaasha. • Dib u Heshiisiin Dhameystiran. • Dhismaha Xisbiyada Siyaasadeed iyo Shuruucdooda Go’aanka iyo ansixinta qorsha hawleedka kor ku xusan waxay ku xiran tahay Golaha Barlamaanka inuu ansixiyo si uu si sharci ah uu ugu dhaqan galo. Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
  8. MUUQAALKA & NIDAAMKA DAWLADDA TFG EE XILIGAN Waxaa si hufan u Muuqata Nidaam Dowladnimo oo Cagaheeda isku taagtay buuxisayna dhammaan Habraacii Dowladdeed Sida: • Baarlamaan Qaran oo si wadaniyadi ku dheehan tahay u gudanaya waajibaadkooda una dhabar adaygay siday dalka uga gudbin lahaayeen marxaladahan qalafsan. • Xukuumad kooban oo leh Furfurnaan Siyaasadeed, oo ay Han weyn u hayaan Shacabka Soomaaliyeed & Beesha Caalamka. • Qaab xisaabeed dheeli tiran lehna miisaaniyad Sanadeed Si sharci ah loo ansixiyay looguna dhaqmayo. • Dhismaha & tayeynta Dhamaan Heyadaha qaranka iyo kaabayaashooda. • Nidaam iyo la xisaabtan Dowlad wanaag oo ku wajahan horumarinta adeega Dadweynaha, Dib u dejinta Barakacayaasha, dhiirigelinta iyo kor u qaadista howlgelada gargaarka Biniadanimo , la dagaalanka musuqmaasuqa iyo wax isdabamarinta. • Ciidan Qaran oo Tababaran Diyarna u ah Difaaca & Soo Celinta Nabadgelyada Dalka. • Howlgal ciidan oo si qotodheer looga fikiray loona dhameystiray kuna wajahan soo celinta amniga dalka oo dhan, Lehna qorshe kala horeeya oo wakhtiyaysan . • Qorshaha dhaqan Celinta, abuurista xirfado Shaqo iyo Horumarinta Garaadka ee ku Wajahan dhalinyarada Soomaliyeed taasoo horseedaysa in la badbaadiyo mustaqbalka dalka. • Qorshe Dib u heshiisiineed oo laga hirgalinaayo dhamaan Dalka. • Horumarinta Siyaasada dibada & Iskaashiga Caalamiga. • Dhameystirka & Hirgelinta Qabyo Qoraalka Dastuurka Federalka. Sidaasi darteed dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Xildhibaanada Qaranka & qof kastoo ay taabaneyso xaqiijinta Jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah inay ka fikiraan dhammaan marxaladaha lagama maarmaanka iyagoo maskaxda ku haya qodobada kor ku xusan iyo kuwo kaloo badan. Haddaba si loo dhameystiro loona sii taaba geliyo dhammaan geedi socodka Horumarka & Bedbaadinta Qaranka waxaa lagama maarmaana in Xiliga dhamaadka TFG oo sharci ahaan ku eg bisha Augost 2011 isla markaana ay ahayd in loo dareero Doorasho Si shacabku u soo doorto Xildhibaanadii Matali lahaa iyo Madaxdii kale qaranka. HADABA: • Marka si dhaba loo eego xaalada wadanka , xogogaalnimada, waayo aragnimada & masuuliyada naga saran dalka & Shacabka Soomaaliyeed. • Markaan eegno xaalada & xeeladaha cadowga dibada & gudaha. • Markaan Cabiro muuqaalka Siyaasadeed & midka military ee u qorsheysan Dowladda kmg, Markaan Qiimayno Taageerada Beesha Caalamka ee Xiligan. • Waxaa lagama maarmaana inaan Heyadaha Dastuuriga ee Qranka Siino Wakhti ku filan oo ay ku dhameystiraan Howlaha Baaxada leh ee horyaala. • Hadaba Si Dowladda kmg ay dalka uga Saarto Xiliga ku meelgaarka loona helo Dowladd Rasmi ah waxaa lagama maarmaana in la dhameystiro lana hir geliyo Dastuurka Qabyada si shacabka Soomaaliyeed Go,aan uga gaaro Rabitaanka Mustaqbalkiisa. • Sidaas darteed Xukuumada kmg waxaa u cadaatay inaanay Suura gal ahayn in Dalka ay ka dhacdo Doorasho Bisha Augost 2011 Sidaas darteed Xukuumadu waxay soo jeedinaysaa In Doorashada la Qabto Bisha Augost 2012. • Mudanayaasha sharafta leh waxaan xusuusinaynaa in haddii dalku galo Xili isbedel oo dhinaca Heyadaha Dastuurig ay dhici doonto Khataraha Hoos ku qoran iyo kuwo kaloo badan xitaa haddii saameynta isbedelku qaadaneyso mudo kooban . • Xukuumada KMG iyadoo ka ambaqaadeysa Dhammaan Qodobada Kor ku xusan, Isla markaana aragta Khatarta dhamaan Qodobada Hoos ku Qoran & kuwa kaloo aan halkan lagu soo koobi karin waxay xubnaha Golaha Baarlamanka ee sharafta leh u soo jeedinaysaa inay tixgaliyaan mudnaanta iyo Baahida Dib u dhigista Xiliga Doorashada. Haddii aan mid mid u soo qaadano dhammaan talaabooyinka kale ee laga fakari karo oo ah sidan: ARAGTIDA IN XILDHIBAANADA LAGA SOO DOORTO DEEGAANADOODA: In dalka doorasho ka dhacdo oo xildhibaanada laga soo doorto deegaanadooda waxay u baahan tahay in la fuliyo dhammaan Qodobadan: • Sugida amaanka dalka. • Tiro koob dhab ah. • Xaqiijinta Xuduudaha Degmooyinka & Gobolada. • Sameynta & ansixinta xisbiyo siyaasadeed iyo shuruucdooda. • Dhismaha Gudiga Doorashooyinka. • Wacyigelin. • Diwaan gelin. • Agab/Dhaqaale. Sidaasi darteed haddii aan eegno Xaqiiqada dhammaan marxaladaha uu xanbaarsan yahay qodobka
  9. Hab-raaca marxaladda kala guurka iyo qorshe howleedka dowladda 2011-2012 Dowladda Fedralka kmg ee Soomaaliya waxaa ka go’an hirgelinta maamul leh hufnaan karti iyo ujeeddooyin qeexan islamarkaana Xanbaarsan Qaabka ugu Haboon ee looga gudbi karo xiliga ku meel gaarka iyadoo Dalka aanay ka dhicin Xili dowlad la’aan (vacuum). Aragtida Dowladda Federalka kmg waxaa ka mid ah Hirgelinta & ku Dhaqanka shareecada Islaamka, Nabad kuwada Noolaansho , Midnimo, Talo wadaag, Iskaashi & in Shacabka Soomaaliyeed soo Ceshada Kaalintii, Sumcadii iyo Haybadii uu caalamka ku lahaa, Noqdana xubin firfircoon oo Buuxiya kaalintii uu aduunka kaga Jiray. UJEEDOOYINKA: · Ujeedooyinka Dowladda Federalka kmg waxaa ka mid ah Baadi goobka, Midaynta, Kalsoonida, Qadarinta , Iskaashiga & is ixtiraamka Dhamaan Qeybaha Bulshada Soomaaliyeed, Beesha, Caalamka & Wadamada Dariska . · Dhismaha Wadanka Guud ahaan gaar ahaan Dhinacyada Siyaasadda, Amniga, Caddaalada, Shuruucda, Dhaqaalaha, Dib u Heshiisiinta, Arrimaha Bulshada, Hubka dhigista & Dhaqan Celinta. · Tayeynta, Abuurista & Howl gelinta Hay’ado leh Qaab Maamuleed Hufan oo leh Laxisaabtan Qeexan (Tranesprency and Accountipilty). QORSHAHA LOOGA GUDBI KARO MARXALADA DHAMAADKA WAKHTIGA TFG EE AUGUST 2011: Ugu horeyn waxaa haboon in lays weydiiyo sida ugu haboon ee loo wajihi karo marxalada dhamaadka Wakhtiga TFG oo sharci ahaan ku eg bisha Augost 2011. Waxaa Muuqata Muhiimada Jiritaanka TFG & Axdiga kmg inta laga gaarayo Dowlad Rasmi ah oo dalku yeesho, dhamaan Masuuliyiinta, Heyadaha iyo Shuruucda Dalka waxay ku dhisan yihiin Axdiga kmg iyo Shuruucda kalee lagama maarmaanka ah. • Haddaan dib ugu laabano Axdiga kmg Qodobkiisa 32aad Faqradiisa 1aad wuxuu leeyahay mudada Golaha Shacabku waa (Shan) Sano. • Isla Qodobkan 32aad Faqradiisa 4aad ayaa leh Mudada Golaha Shacabka lama kordhin karo. • Isla Qodobkan 32aad Faqradiisa 2aad ayaa leh Mudada Golaha Shacabku waxay ku egtahay Taariikhda la ansixiyo Doorashada Xigta ee Golaha Shacabka. • Hadaan eegno Qodobkan 32aad faqradiisa 4aad waxaa baabiyay heshiiskii Jabuuti 2009 kaa soo ogolaaday in wakhtiga Dowlada Federalka kmg lagu kordhiyo 2 sano. • Sidaas darteed waxaa muhiim ah in la xaqiijiyo Jiritaanka dowladnimada ka hor intaanay dhamaanin Wakhtiga Sharcigu tilmaamay iyadoo loo maraayo qaabka sharci ahaan ugu haboon isla markaana ay ku jirto danta guud ee dadka, dalka iyo diinta. • Haddaba waxaa lagama maarmaan ah inaan is barbar dhigno dhammaan talaabooyinka Axdigu tilmaamayo iyo marxaladaha lagama maarmaanka ah ee ay Duruuftu Keentay. • Waxaa loo baahan yahay in dhammaan rabitaanada shakhsiga & danaha gaarka ee Siyaasadeed Laga hormariyo danaha dalka, Shacabka, diinta iyo badbaadinta qaranimada Soomaaliyeed. • Hadaan eegno dhammaan talaabooyinka suura galka si Heyadaha Dastuuriga ee Qaranku uga gudbaan marxaladan kala Guurka oo run ahaantii ku soo beegantay. 1. Xili aad xasaasi u ah oo dalku ku jiro dagaal ay kooxaha nabad diidka ahi ku hayaan dhammaan Shacabka Soomaaliyeed. 2. Abaaro Saameeyay dhammaan dalka Soomaaliyeed Dad & Duunyo. 3. Barakac ay sababeen Dagaalo & Abaaro.
  10. Dowladda Ingriiska oo waddaa dadaallo lagu xalinayo khilaafka soohdinta ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland Arbaco, Maarso 30, 2011 (HOL) – Dowlada ingriiska ayaa wada dadaallo la xiriira in maamulada Puntland iyo Somaliland ay ka heshiiyaan khilaafaadka dhinac soohdinta ee ka dhaxeeyay sanadihii ugu danbeeyay. Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayay wakiilka arimaha Soomaaliyaha u qaabilsan Ingiriiska Matt Baugh iyo xubno la socda ayaa shalay soo gaaray magaalada Garowe ee caasimada Puntland. "Puntland waxey soo dhawaynaysaa cid kasta oo doonaysa in laga gudbo dhibaatada bur-burka ee dalka la hartay "ayaa lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Garowe. Shir ay wada qaateen wafdigan ingiriiska ka socda iyo madaxwaynaha Puntland ayaa waxa uu ka dhacay Rukhsan Squere oo ah halka ay ku nastaan ajaanibta soo gaarta gobolka,iyadoo uu ahaa mid ay albaabadu u xiranyihiin. "Waxaa labada dhinac ay wada qaateen shirar looga hadlayo arimaha Soomaaliya ka taagan ee la xiriira dhinaca khilaafaadyada "ayuu yiri wasiirka waxbarashada Puntland oo warbaahinta la hadlay. Sidoo kale waxaa shirkaasi la sheegay in lagu soo hadal qaaday sidii meesha looga saari lahaa khilaafka labada maamul oo la filayo in ay isku arki doonaan shir ka dhici doona Nairobi oo dhinacyada Soomaalida lagu kulansiinayo. Wakiilka arimaha Soomaaliya u qaabilsan dowladda ingiriiska ayaa isna sheegay in ay wax badan la qaban doonaan Soomaalida si looga gudbo dhibaatooyinka hada jira. Ugu danbayntii shirarkii labada dhinac dhexmaray waxaa kaloo lagu soo hadal qaaday abaaraha ka jira Soomaaliya iyo sidii dowladaha deeqaha bixiya ay gacan uga gaysan lahaayeen arimahaas ,iyadoo ay jiraan xoollo badan oo u le'anaya abaarta awgeed. Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online Boston@hiiraan.com Boosaaso, Soomaaliya
  11. Xukuumadda KMG Soomaaliya ka hadashay nidaamka Federaalka kana digtay in la kala jarjaro dalka Arbaco, Maarso 30, 2011 (HOL) – Kulan golaha wasiirrada DKMG ah ay ku yeesheen Muqdisho shalay ayaa looga dooday habka federaalka ama goboleysiga ee dalka Soomaaliya kaasoo ay dowladda Soomaaliya ku dhisan tahay. Kulanka oo uu guddoominayay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si weyn looga dooday dowlad-goboleedyada kusoo badanaya dalka, iyadoo wasiirradii kulanka ka qaybgalay ay fikirado ka jeediyeen. "Sida uu qabo axdiga KMG ah ee Soomaaliya waxay xukuumaddu dhiira-galinaysaa hirgelinta nidaamka federaalka, waxayse ka digaysaa in dalka Soomaaliya laga dhigo degmooyin yar-yar oo jufooyin u kala qo-qoban lana abuuro iska horkeen dadka walaalaha oo hadda nabadda kuwada nool," ayuu yiri wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka Soomaaliya Maxamuud Maxamed Boonow oo saxaafadda la hadlay shirkaas kaddib. Dastuurka DKMG ah ayaa ku dhisan nidaamka federaalka ah, iyadoo xukuumaddu ay soo jeedisay inay aqoonsan tahay dhammaan maamul goboleeyada dhismay la go'aansan ku dhaqanka federaalka, balse ay ka digayso wax walba oo carqalad ku noqon kara. "Dawlad goboleed waxaa noqon kara laba gobol iyo wixii ka badan, iyadoo la eegayo 18-ka ee ay Soomaaliya ka kooban tahay kuna yimid tilmaanta sharciga, jihaynta dawladda dhexe iyo rabitaanka dadka," ayuu yiri wasiirka dastuurka Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay inaan la aqbali karin in wax ka yar laba gobol ay noqdaan maamul goboleed, waxaana go'aankan golaha wasiirrada uu imaanayaa iyadoo ay kusoo badanayaan dalka maamul goboleedyo looga dhawaaqayo deegaanno ka mid ah kuwa Soomaaliya. Ugu dambeyn, bayaanka laga soo saaray kulanka ayaa lagu sheegay in xukuumaddu ay uga baaqayso dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan wax kasta oo midnimadooda iyo wada noolaanshahooda dhaawici kara. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  12. Madaxweyne Sheekh Sharif oo Guddoonsiiyaay Shahaado Sharaf Dahir Cabdullahi Kadiye. War-Saxaafadeed: (Muqdisho, Soomaaliya, Maarso 29/ 2011) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya Mudane Sharif. Sh. Axmed ayaa maanta waxa uu Guddoonsiiyaay Shahaado Sharaf Muwaadin Soomaliyeed oo lagu magacaabo Mudane Dahir Cabdullahi Kadiye. Madaxweynaha ayaa bixiyay shahaadada kadib markii uu mudane Daahir Cabdulaahi Kadiye uu doorweyn ka qaatay sii deyntii Paul and Rachel Chandler oo ahaa lamanayaasha Ingriiska ee burcad badeeda heysatay muddo dheer oo gaareysa Sanad iyo bilo. Madaxweynaha ayaa u bogaadiyay Mr. Daahir iyo dhamaan dadkii ku wehliyey, isagoo saxaafada la hadlay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay in ay Shacabka Soomaliyeed abaaro xun oo keenay in ay dad Soomaliyeed iyo xoolohoodiba ay gaajo iyo harraad dartiis ay u geeriyodeen, loona baahanyahay in deg deg loo gargaaro. Ugu danbeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Sharif. Sh. Axmed ayaa sheegay in beryahaan ay soo bateen warqado been abuur ah oo Dowladda laga sameeyo,oo aad usoo laalaabtay, isaga oo udigay cid kasta oo arintaas ku hawlan cideey rabto ha noqoto, isla markasina ay ciqaab mudandoonta oo aan la cafineeyn waqtiga ay noqotana sharciga la hortaagidoono. Malik Abdalla Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha Moqdishu, Somalia mabdalla@presidency.gov.so
  13. Warsaxaafadeed: Golaha wasiirada oo go'aan ka soo saaray dawla goboleedyada la dhisanaayo War-saxaafadeed shirka golaha Wasiirada Shir aan caadi ahayn oo ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirada uuna shir gudoomiyay Ra’iisal Wasaaraha Mudane: Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa looga dooday qaabka federalism-ka iyo habdhismeedka dawlad goboleedyada. Sida uu qabo axdiga KMG dawladda Soomaaliya waxay dhiira galinaysaa hirgelinta nidaamka Federaalka, waxayse ka digaysaa in dalka Jamhuuriyada Soomaaliya laga dhigo degmooyin yar yar oo jufooyin u kala qo-qoban lana abuuro iska horkeen dadka walaalaha oo hadaba nabad kuwada nool. Axdiga KMG qaranka waxa uu qabaa in la dhiiragaliyo dawlad goboleedyada dhismay ka hor inta aan la samayn axdiga KMG qaranka, sida ku cad axdiga, dawlad goboleed waxaa noqon kara laba gobol iyo wixii ka badan oo ka mid ah 18-kii gobol kuna yimid tilmaanta sharciga, jihaynta dawlada dhexe iyo rabitaanka dadka. Sidaa awgeed, wax kasta oo ku yimaada si aan waaqasanayn nidaamka aan soo sheegnay waxaa loo aqoonsanayaa waxba kama jiraan. Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa inay ka digtoonaadaan wax kasta oo midnimadooda iyo wada noolaanshahooda dhaawici kara. Garad Salad Hersi Press Officer office of the Prime Minister Mobile: +252-615536608 +252-6-2536608 Mogadishu, Somalia
  14. Golaha wasiirada oo magacaabay taliyeyaha ciidanka xooga dalka iyo taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed War-saxaafadeed shirka golaha Wasiirada Waxaa maanta shir aan caadi aheyn isugu yimid golaha wasiirada ee xukuumada Federaalka iyadoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) shirkaasi waxaa loo qeybiyay Ajanede ku saabsanaa magacaabida taliyeyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuxigeenka taliyaha Booliska Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha wuxuu golaha u sheegay in magacaabida taliyeyaashan ay muhiimad weyn u leedahay fulinta howlaha amniga qaranka sidaasi daraadeed wuxuu ka codsaday wasiirka gaashaandhigga ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane C/xakiin Maxamed Fiqi inuu golaha u soo jeediyo hindisihiisa ku saabsan magacaabida taliyaha xoogga dalka. Wasiirka gaashaandhigga oo ka hadlayay taliyaha cusub ee xoogga dalka wuxuu sheegay inuu u soo jeedinayo golaha in G/le sare Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini loo magacaabo taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in G/le sare C/qaadir Sh. Diini uu yahay sarkaal waaya aragnimo dheer u leh maamulka xoogga dalka wuxuuna soo qaaday wasiirku isagoo ka hadlayay taariikh nololeedkiisa inuu noqday taliye kuxigeenkii xoogga dalka mudadii u dhaxeysay 1987-1989, sidoo kale wuxuu soo noqday taliye ka ahaa dugsigii tababarka ciidanka ee Bali-doogle 1982-1985, 1979-1980, wuxuu noqday taliyaha Booliska/ Millateriga (Police force), haatana wuxuu ahaa La-taliyaha arrimaha ammaanka ee xukuumada federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed, iyo caalamka. Heerkiisa waxbarashada. 1989-1990 Us army Carlisle, PA U.S.A. 1986-1987 Us army Command and General Staff College, PA, U.S.A 1986 Us army John F. Kennedy Special Warfare Center and School, Fort Bragg, NC U.S 1972-1974 Military Academy, Odessa, Ukraine Luqdaha uu ku hadlo 1. Somali 2. English 3. Arabic 4. Russian Warbixinta Wasiirka gaashaandhiga uu ku tilmaamay waaya-aragnimada shaqo iyo heerkiisa waxbarashada ee taliyaha cusub kadib, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu golaha u jeediyay in cod loo qaado magacaabida taliyaha xoogga si loo ansixiyo. Dhamaan Golaha wasiirada waxay isku raaceen in G/le sare C/qaadir Sheekh Cali Diini uu noqdo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kolkaa kadib Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu golaha u soo jeediyay in Booliska Soomaaliyeed loo magacaabo taliye cusub iyo kuxigeenkiisa wuxuuna ka codsaday Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Mudane Cabdishakuur Sh. Xasan Faarax inuu golaha u faah faahiyo hindisihiisa ku aadan taliyaha cusub waaya-ragnimadiisa shaqo iyo heerkiisa waxbarashadada Wasiirku wuxuu golaha u sheegay in G/le sare Dr. Shariif Sheekhunaa Maye uu soo jeedinayo inuu noqdo taliyaha Booliska Soomaaliyeed kuxigeenkiisana uu noqdo G/le sare C/xakiin Daahir Saciid Xaashi. Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo ka hadlayay G/le sare Dr. Shariif wuxuu sheegay inuu yahay jaamici dhanka sharciga, waxna ku bartay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed. 1970 ayuu ku biiray tababar dembi barista una tegay dalka Talyaaniga (Aplicazione die Carabinieri) 1985-1987 Studied af Financial Law in Rome (Italy) at Scuola Applicazione dei Scuola Superiore della Plizia Tributaria (Ciidanka illaalinta canshuuraha) 1980 waxaa loo magacaabay kuxigeenka xeer illaaliyaha guud ee Maxkamadii Badbaadada Qaranka. 1981-1983 wuxuu noqday guddoomiyaha maxkamada badbaadada Qaranka ee gobolada Galbeed ee Soomaaliyeed 2001- wuxuu xubin ka noqday baarlamaankii dowladdii TNG Carte Luqdaha uu ku hadlo 1. Somali 2. Italian 3. Swedish 4. Swahili 5. English Warbixinta wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee ku aadaneyn waaya-aragnimada iyo heerka waxbarasho ee taliyaha Booliska Soomaaliyeed Dr. Shariif Sheekhuna iyo kuxigeenkiisa C/xakiin Daahir Saciid kadib, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu golaha u jeediyay in cod loo qaado taliyaha Booliska iyo kuxigeenkiisa. Dhamaan golaha Wasiiradu waxay isku raaceen magacaabida taliyaha Booliska ee cusub Mudane Dr. Shariif Sheekhuna Maye iyo kuxigeenkiisa mudane C/xakiin Daahir Saciid (Saacid). Xafiiska afhayeenka Xukuumada Mudane Cabdi Xaaji Gobdon media@opm.gov.so
  15. Wasaaradda Arimaha gudaha iyo amniga qaranka oo soo saartay amar lagu xakameynaayo Hubka lagu dhex wato Magaalada Muqdisho Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka oo amartay in laga hortago hubka sharcidarada ah ee lagu dhaxsito degmooyinka Gobolka banadir inta ay ka taliso dawladda lagana soo saaray amar aad iyo aad u adag Ah-Hayeenka Ciidanka Booliska oo arintaasi ka hadlay. Afhayeenka ciidanka Booliska G/sare C/laahi Xasan Bariise oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiska R/wasaaraha ayaa faahfaahiyay wareegto ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka oo dhan ahayd ciidamada hubka ku dhex wata shacabka. G/sare C/laahi Xasan Bariise ayaa xusay in wasaaradda arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka ay ammar ku bixisay in aan laga hortago cid kasta oo hub ku dhex wadata shacabka dhexdooda, Ciidan ha ahaato ama yaysan ahaanin, ciddii lagu arkaana laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan. Afhayeenka booliska ayaa sidoo kale sheegay in wixii Hadda ka dambeeya la howl gelinayo labo gaari oo kuwa gurmadka deg dega ah si ay gacan uga geystaan gurmad u fidinta shacabka ay waxyeellada ka soo gaarto dagaallada dalka ka soconaya, ayadoo dadku ay ka wici karaan gaadiidkaasi taleefannada kala ah 555 iyo 999. Shirkaasi jaraa’id oo u afhayenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed G/sare C/laahi Xasan bariise uu ku qabtay xafiika R/wasaaraha ayaa waxaa goob joog ka ahaa sii hayaha Taliyaha hay’adda nabbad sugidda ahna taliye ku xigeen Generaal Nuur Shirbow, Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Janaral C/laahi Gaafoow Max’ud iyo saraakiil kale oo ciidamada ka tirsan. Wareegtadaan ayaa sidoo kale lagu amray Gaadiidka gurmadka degdegga ah ee madaxa bannaan in ay iska soo diiwaan geliyaan wasaaradda si loo ogaado howlaha ay u hayaan umadda Soomaaliyeed. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088
  16. Somalia: Burundi and Uganda defence force chiefs visit Mogadishu and commit additional troops to Amisom Somaliweyn – Major General Godefroid Niyombare and General Aronda Nyakairima, Chiefs of Defence Forces for Burundi and Uganda visited the AMISOM force in Mogadishu this week. During a four day visit, the Generals saw firsthand the progress being made by AMISOM forces in support of the TFG. In a joint statement to field commanders, the Chiefs declared that both Burundi and Uganda had committed the additional 4,000 troops mandated by the UN in December and that they were already heading for pre-deployment training. Burundi has already deployed one battalion. “There is no peace to keep here, so each and every day our forces support the TFG to expand their control of Mogadishu. We are making steady but consistent progress and we now have 60% territorial control as a result of the recently implemented offensive and we will continue to build on this. “We have great confidence that other countries will join the mission but in the meantime it is our duty to support our Somali brothers. We must continue our work here and we will do so. The extremists cannot win. Their defeat cannot be immediate but it will ultimately come. “Integration of TFG soldiers within our own units has been stepped up and is working very well. This will ultimately advance the day when Mogadishu is liberated and they can take over. Each country has pledged a further 2,000 troops and anticipate an efficient deployment around the middle of the year. The Defence Chiefs met with the President of Somalia and the Prime Minister of the Transitional Federal Government, cabinet ministers, and other government and grassroots local leaders. “The President, the Government, the Cabinet and most of the MP’s are now here in Mogadishu and here consistently. We believe that they are working very well and understand the need for government to fill the space behind the security we are creating. “The solution here is not military alone. It is political and humanitarian also. There have been dramatic changes and improvements in the way Mogadishu is governed. Normal life is starting to return. We see street lights, cleaning, even rebuilding. All signs of a stabilising situation. “The Government must continue to focus on their number one stakeholder – the Somali people. They must keep faith with the progress being made. This is the beginning of the end of the anarchy and strife.” The Defence Chiefs completed their working trip and left Mogadishu on Thursday 24th.
  17. The argument put forward to justify this folly is that bringing SSC under the Somaliland administration will strengthen Somaliland’s quest for international recognition. Given the recently Somali history, this is madness. The regime of Siad Barre had far more firepower and resources than Somaliland. Yet it failed to put down the insurgency that led to its fall. The error that Siad Barre made was that he tried to solve a political challenge by a military means. Somaliland is today committing a similar mistake. The people in SSC regions do not share the grievances that are the basis for the secessionist ideology in Somaliland and they are as difficulty to be subjugated into submission as were those in Hargeisa and Burao in the late 1980s. Somalis don’t like to be ruled by people and regimes they don’t like. Therefore, Somaliland’s military campaign in SSC is in effect counterproductive. It will harden the resolve of those who already oppose Somaliland. Furthermore, the longer the conflict drags on the more likely that the minority in SSC who currently support Somaliland will be driven into the opposition camp. As a consequence, the military campaign in SSC will achieve nothing other than destruction. And that is the nub of it..
  18. 27 Mar 27, 2011 - 11:52:52 AM Somali Prime Minister Mohamed Abdullahi (Farmajo) is planning to sack two ministers from his cabinet over alleged poor performance of their ministries, Garowe Online has learnt. Farmajo is discussing with President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed about removal of two ministers who are very close to the president. Sources privy to the Prime Minister said Home Affairs, Industrial ministers and deputy minister of youth, sports and labour may lose their posts. Farmajo plans also to reshuffle his cabinet, and change Information and Defence ministers from their ministries. Power struggle continues in the Horn of African nation as Prime Minister Mohamed Abdullahi Mohamed sides with President Sharif Ahmed whose rival and current parliament speaker Sharif Hassan Sheikh Aden is plotting an attempt to oust the president when his term comes to an end in the upcoming August. Somalia was without functioning government since 1991 when clan warlords overthrew Siad Barre’s administration. GAROWEONLINE
  19. Nuune raali ahoow lakiin your figures are wrong The salaary for a somali M.P is USD. 3000/= . inclusive of food and upkeep as well as board.
  20. Dagaalo Goos-Goos Ah Oo Muqdisho Ka Socda & Dawlada Oo Horumaro Ka Sheeganaysa Dagaalkaas... Dagaalo goos goos ah oo ilaa saaka & maanta duhurnimadii ka socda magaalada muqdisho ayaa la sheegayaa inay geysanayaan qasaare dhimasho & dhaawacba leh oo kooxaha diriraya soo kala gaaraya,waxaana dagaaladaasi yihiin kuwo culus oo mar-marka qaarkood sii xoogeysanaya,waxaana dagaaladaasi u dhexeyaan dawlada oo tageero ciidan ka helaya Amisom & Xarakada Alshabaab. Dagaalka oo saaka waberigii qarxay ayaa maanta barqadii dib u qarxay,waxaana dagaaladaasi ka socdaan qaybo ka mid ah degmada Boondheere oo meelo ka mid ay ka farisiimo ku leeyihiin Xarakada Alshabaab ee dagaalada kula jirta dawlada & Amisom,waxaana dagaaladaasi yihiin kuwo marna xoogeysanaya marna qaboobaya. Saraakiisha ciidamada dawlada kmg ah hogaaminaysa ee ka dagaalamaya degmada Boondheere ayaa warbaahinta magaalada Muqdisho u sheegey inay ciidamadoodu horumaro la taaban karro ka sameyeen dagaalada Degmada Boondheere,waxaana ay sheegeen inay u gudbeen xaafado ay maamulayeen Xarakada Alshabaab ee dagaalada kula jirta. Saraakiisha ciidamada dawlada hogaaminaysaa waxay sheegeen inay Qabsadeen farisiimo cusub oo ay ka mid tahay Wasaaradii Arrimaha Gudaha ee dawladii Soomaaliya,waxaana ay sheegeen inay dagaaladu hadda socdaan isla markaasna ciidamadoodu gudaha u galeen xaafado ka tirsan degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho oo ay maalmahan isku horfadhiyeen Xarakada Alshabaab. Dagaalkan ayaa la sheegey in qasaare ka soo gaarey dad shacab ah,waxaana la sheegayaa inuu shacabkaasi ay ku dhaawacmeen qaarkood ku dhinteen madaafiic ku dhacdey meelo ka baxsan degaanada lagu dagaalamayo,waxaanse si dhab ah loo ogeyn qasaaraha shacabkaasi soo gaarey inkastoo la xaqiijiyey in qasaaruhu badan yahay dhinacyada dagaalamaya. Waxaa dagaalkan maanta duhurnimadii dib uga qarxay degmada Boondheere si wada jir ah uga qayb qaadanaya ciidamada mileteriga & ciidamada loo yaqaano PS-ta oo kaashanaya kuwa Amisom,waxaana la sheegayaa inay ciidamadaasi gudaha u galeen xaafado cusub oo ay maamuli jireen Xarakada Alshabaab,waxaana dawladu dagaaladaas ka sheeganeysaa guulo la taaban karo. Si kastey ahaataba waxaa dagaaladani yihiin kuwo goos goos ah oo dhinacyada dagaalamayaa isu adeegsanayaan hub culus,Mana jiraan wali wax wara oo ka soo baxay Xarakada Alshabaab ee dagaalada kula jirta ciidamada dawlada kmg ah & Amisom. Ahmed Aadam Gacal Muqdisho-Gedo-News Gedonet.com@gmail.com
  21. Waxaa saakay aroortii degaano ka tirsan xaafado kamid ah waqooyiga magaalada Muqdisho ka dahacay dagaal aan waxba la isku reeban oo foolkafool ahaa kaasoo la sheegay in ay waxyeelo ka soo gaartay dhinacyadii dagaalamay ee Xarakada Al-shabaab iyo kua dawladda. Dagaalka ayaa la sheegay in saakay aroortii ay qaadeen cutubyo ka tirsan ciidamada dawladda kuwaasi oo ku kadiyay dagaalka maleeshiyada Shabaab ee ku sugnaa wasaaradii arimiha gudaha oo ay is laheysiiyeen milkiyadeeda. Ciidamada dawladda ayaa la sheegay in ay si fudud ula wareegeen fadhiisimo iyio dhufeesyo ay Shabaabku ku lhaayeen degmooyinka Boondheere iyo Shibbis iyadoo rasaasta wiiftada ah la sheegay inay gaareysay xaafado ka baxsan goobaha ay dirirtu ka socotay. Cutubyadii dawladda ee saakay weerarka qaaday ayaa lagu waramayaa in ay xiligan kaabiga ku hayaan meelo ku dhowdhow degaanbka Suuq bacaad ee degmada Yaaqshiid, iyadoo weli uu socdo dagaalka. Dhanka kale waxaa lagu waramayaa in ay jiraan qasaarooyin gaaray dadka rayidka ah iyo kooxihii dagaalamayay iyadoo aan la ogeyn ilaa iyo hadda qasaarahaasi inta uu gaarsiisanyahay balse wxii ku soo kordha dagaaldaasi iyo qasaaraha ka dhashay aan dib idinkugu soo gudbin doono. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088