Member-sol-

Nomads
  • Content Count

    345
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Member-sol-

  1. ---Sharifk ahmed oo afka ku balaadiyey in uu qaybgali doono shir dowlad sal balaaran la dhisayo--- --Shariif Sh Axmed oo sheegay in Shirka Jabuti guulo waaweyn laga gaarey By Somalimirror on 21 Oct, 2008 2:17 PM in Main, Wararka Gudoomiyaha Isbaheysiga Dibu Xoreynta Soomaaliya garabka Jabuuti, Sh. Shariif Sh. Axmed, oo u warramey Wakaaladda Wararka Saba ee Dalka Yaman ayaa sheegay in wada hadallada Dalka jabuuti ay marayaan meel wanaagsan, tallaabooyin muhiim ahna horey loo qaadey. 25 bishan October, ayuu sheegay Sh. Shariif in shirku dib u furmi doono, ayna ka soo qeyb geli doonaan dhammaan qeybihii uu shirku u dhaxeeyay ee DKMG ah iyo Isbaheysiga, waxaa sidoo kale oo goob joog ka noqonaya beesha caalamka oo uu hormuud ka yahey Xog-hayaha Q.M Soomaaliya ugu qaabilsan. Sh. Shariif ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in kulankan ay ka soo baxaan qodobbo muhiim ah oo uu ka mid yahey qodobka ka hadlaya ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, iyo sidoo kale in la isla gaaro maamul dhameystiran oo waddanku yeesho kana shaqeeya soo celinta nabadgelyada iyo degenaanshaha guud. Waxa kale oo uu sheegay in kulankan, xal loogu raadin doono Gacanka Cadmeed ee ay dhibaatada xooggani ka taagan tahay iyo sidoo kale kaalinta Beesha Caalamku ku yeelan doonto taakuleynta dadka dhibaateysan ee gudaha wadanka ku qaxey iyo fududeynta wadooyinkii dadkaas kaalmooyinka Caalamka lagu gaarsiin lahaa. Sh shariif ayaa ugu danbeyn u mahad celiyay Madaxweynaha Dalka Yaman Cali C/La Saalax oo uu sheegay in uu kaalin weyn ka ciyaarey xal ka gaaridda arrinta Soomaaliya. Hadalka Sh Shariif ayaa ku soo beegmaya iyada oo lagu wado in dhawaan Magaalada Nairobi uu ka furmo shir urur goboleedka IGAD isugu yeeray DKMG ah, basle la sheegay sidoo kale in Isbaheysiga Dibu Xoreynta garabka Jabuuti uu shirkan qeyb ka yahey oo awoodda la qeybsan doono DKMG ah. www.somalimirror.com
  2. Maxkamadaha Qaarkood iyo Qanyare oo Shirka Nayroobi Quuddareynaya C/Waaxid C/hi Khaliif London, UK cabdulwaxid@hotmail.com Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. Maxaa sheekh Shariif ula dagaalayey Muuse Suudi iyo Maxamed-dheere? Maxaa Janaqoow uu Qanyare hubkiisii iyo Dayniile uga cayrsaday? Maxaa Cagoweyne uu hubkii Qeybdiid u qaatay? Maxaa C/Qaadir Cali Cumar ku maagayey Gacmo-dheere? Jawaab uma hayo aan ka ahayn iney rabeen iney bartaan sida xabbadda loo rido lana midnoqdaan dagaaloogayaasha oo kale. Laakiin waxaa la yaab leh markii shirkii Khartuum la tagay ayaa loo ogolaa in dowladda wax laga gasho. Sidoo kale ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheeganaya in mar ay Yemen tageen la yiri qaataa madaxweyne-ku-xigeen, ra’iisulwasaare ku-xigeen iyo guddoomiye baarlamaan-ku-xigeen. Fiicnaan lahaydaa haddey jago doon yihiin iney qaataan iyagoon dal, dad, duunyo iyo agabkii qaranka la burburin. Markaas Cali Cabdalla Saalax baa arritnaas ku baryayey laakiin waxay cadkii mid ka liita ka rabaan labo qof oo sideenoo kale madmadoow oo la soo dirsaday - Miss Fraser iyo Axamed Walad! Qanyaraha aan cinwaanka ku xusay isaga keliya kuma socdee waxaan ka wadaa dagaaloogayaasha marka waa uun ku hal qabsaday. Lama yaabbani xukun-jacaylka iyo mabda’-xumada Soomaalida ee waxaa iga yaabbiyey haddeyba Cagaweyne iyo Qeybdiid heshiin karaan, haddii sheekh Shariif iyo Muuse Suudi meel iskugu imaan karaan sidoo kalana Janaqoow iyo Qanyarana miis wada fariisan karaan maxaa diiday in sheekh Xasan Daahir Aweyn iyo sheekh Shariif isa soo horfariistaan? Haddiiba shisheeyaha sida Kenya iyo Maraykan ay kuwa Jibuuti jooga la shirayaan oo la heshiiyeen maxay shacabka iyo Ash-Shabaab iskugu dirayaan? Ash-Shabaab markaan leeyahay waxaan ka wadaa Muqaawamada ka soo horjeeedda shirka Jibuuti. Qolyaha Jibuuti waxaan ku leeyahay nimaan kuu furidoonin yuusan kuu rarin. Waxaa la-taliyayaal u ah qolo sheegata Islaax. Waxaan xasuusin lahaa iney akhriyaan buug yar oo uu qoray Maxamed Qudub oo ahaa Sayid Qudub walaalkiis. Yaa garan kara qof Islaax ah oo ka aqoon badan Maxamed Qudub? Ama ka badsha xarakada IkhwaanulMuslimiin? Buugaas magaciisa waxaa la dhahaa “As-Saxwatu Al-Islaamiyah”. Boggiisa 106-aad wuxuu sheekhu ku leeyahay: Jamhadaha Islaamiga ah ee leh waxaan dhexgaleynaa nidaamyada siyaasadda ee cadowga ku ah Islaamka way ku khasaarayaan cayaartaas diblumaasiyadeed. Waa cadowga waxa wax kasbanaya! Ha ahaato in cadowgu uu nadiifiyo sumcaddiisa uu ku leeyahay shacabka marba hadday jamhaddii Islaamiga ahayd iscaawin ka dhaxeyso ama ay xulufo noqdeen amaba ay shirko ku yihiin amar ka mid ah amuuro. Ama in ay jamhaddu ka soo dhacdo indhaha shacabka ama ay meesha ka baxdo waxii jamhaddu kelida ku ahayd ama uga soocnayd cadowga waa intii aysan wax ku darsan oo ay dagaalka kula jireen oo aysan la qeybsaneyn siyaasadda Jaahiliyadda ee meesha taalay. Markaasna dadku u arkayey iney yihiin kooxda xaqa ku taagan kana saramaray kana sharaf badnaa kana weynaa hannaan-siyaasadeed kasoo haray oo ku dhisnaa nolol-adduunyo-doon sidoo kalana u kala tartamayey oo u kala yaacayey dhaldhalaalka nolosha. Iyadoon siyaasaddaas jaahiliga ah lagu ogeyn akhlaaq iyo iyadoo ka maran macnaha Islaamka iska daa ku hadaaqidda shicaarka Jaahiliga ah (sida hadda jira 4.5 ama Dimuqraadiyad) iyo iyagoo ka jeesasada xukunka Ilaahay. Ilaa hadda lama hayo kooxahaas ducfiga iska dhigay iney awoodeen iney wax ka keeneen dhexgalka ciyaartaas dublamaasiyadeed ee cadowgu dabbaray. Inkastoo Mufakir Maxamed Qudub uu buuggaas qoray 1986 haddana waxaad isleedahay wuxuu ka qoray qolyaha Jibuuti iyo kuwa Soomaaliya jooga ee ku biiray cadowga Soomaaliyeed. Fiicnaan lahaydaa iney buuggaas isha mariyaan kuwaan horay u akhrin amaba iloobay inteysan Kenya ugu tagin Donald Kipkorir, waa wiilkii Kalinjiinka ahaa ee yiri waa in Soomaaliya la qeybiyaa! Riyadiisii waa u rumoobeysaa marba haddii kuwa Maxkamada sheeganayey ay Kenya kula balansanyihiin C/hi Yuusuf iyo dagaaloogayaashii iyadoo la rabo in lagu diro Muqaawamada kale. Hadday taasi dhacdo soow meesha ma soo galeyso waxa wiilkaas Kalanjiin sheegayo? Waxaa la sheegaa in nin sheekh ah mar ku soo baxay macallin Qur’aan u akhirnaya wiil oo ku leh: وإذ قال لقمان لابنه وهو يعظه يا بني لا تقصص رؤياك على إخوتك فيكيدو لك كيدا واكيد كيدا Sheekhuu wuxuu macallinkii ku yiri: belaayo kugu dhacdaye wiilkii waxaad isu dhexgelisay aayadihiin! Macallinkii wuxuu yiri haa oo isaba aabbihiis baa bilaha mushaarkooda isku key dhexgesha marka yaanan anna lacag helin; wiilkuna sidoo kale yuusan Qur’aan baran! Nimankan macallimiinta u badan oo Jibuuti iyo cariga ordaya markey madax ahaayeen Jihaad bey ka hadli jireen waana tii qorigu garabka u surnaa marka markey fashilmeen oo la yiri naga taga bey rabaan iney shacabka khaldaan iyagoo leh Qanyare, Qeybdiid, Darwiish iyo C/hi Yuusuf baan wax la qabsaneynaa halka ay ka leeyihiin Muqaawamadu waa xag jir! Miyeysanse qajilin markii dib loo shido cajaladihii laga duubay markey baarqabbeynayeen? Marka waxaan shacabka weydiinayaa wax ay maleegeen Donald Kipkorir iyo wax ku caqli ah, Gabre, Miss Fraser, Axmed Walad, Maxkamadaha qaarkood, C/hi Yuusuf, dagaaloogayaasha oo dhan iyo maamulka Maraykanka miyeysan ahayn wax isku qasan? Mise waa barwaaqo noo soo socota? Sidii Maxamed Qudub sheegay horay looma arag qolyo sidoodoo kale u hadla oo guul keena bal waxaa taariikdhu na bartay in sida sheekhu sheegay ay ku dambeyndoonaan in cadowguna magac helo; iyaguna dulli ku soo baxaan. Mararka shirarka ay Miss Fraser iyo Axmed Walad horboodayaan ayna soo dhoweeyeen Aadan-madoowe, Qanyare iyo kuwa Maxkamada sheegta hala arko meeshuu ku dambeeyo. Mid baan hubaa oo ah in aan dagaaloogayaashii wixii la ogaa loo geystay aysan ku samreyn in sheekh Shariif, Cagaweyne, C/Qaadir Cali Cumar, iyo Janaqoow ay booskoodii fariistaan. Waa arrin aan loo fadhin. Sidoo kale Muqaawamada iyo shacabka Soomaaliyeedna ma yeelayo in Gabra iyo wiilal Kenya u dhashay noo soo dejiyaan sidii waddankeenna loo xukumi lahaa, shacabka Soomaaliyeedna la iskugu diri lahaa. Marka qofkii aaminsan in huwantaas oo lagu daray maamulka Maraykanka, Zenawi iyo cadowga kale keenayaan xal Soomaaliyeed waxaan ku leeyahay ma ahidin qoyahaan la hadlayo. Marka waxaan macallimiinta ku leeyahay hana qoninna shimbirtii dabka qaadday. C/Waaxid C/hi Khaliif London, UK cabdulwaxid@hotmail.com
  3. Watch this space for updates on what's happening in nairobi, and the likely merger of ARS-D with the Transitionally defunct government. ---Aadan Madoobe oo Shirka Nairobi ku tilmaayey dib u sixida DKMG ah By Somalimirror on 19 Oct, 2008 9:17 AM in Main, Wararka Afhayeenka Baarlamaanka DKMG ah, Aadan Madoobe oo ku sugan Dalka Jabuti una waramey qaar ka mid ah Warbaahinta Muqdisho ayaa ka warbixiyey ujeedka Rasmiga ah ee ka danbeeyay uga yeerotaankooda Magaalada Nairobi ee ururka IGAD. U yeeritaanka dhamaan qeybaha kala duwan ee DKMG ah ee Dalka Keyna oo uu ku marti qaadey midowga IGAD, ayuu ku tilmaayey Aadan Madoobe mid looga gol leeyahey sixitaanka wixii ka khaldoomey DKMG ah intii ay jirtey sida uu hadalka u dhigey. Waxa kale oo uu sheegay in ujeedooyinka laga leeyahey u yeeritaankooda uu ka mid yahey sidii loo dhameyn lahaa mad madowga yar ee ku kala dhex jira Har’adaha kala duwan ee DKMG ah. Sidoo kale shirka Nairobi la isugu yeeray ayuu sheegay Aadan Madoobe ku tilmaamey mid dowlada KMG ah looga doonayo sidii ay u dhameys tiri laheyd una sii wadi laheyd shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtey Dalka Jabuti, kaas oo u dhaxeeyay Isbaheysiga Dibu Xoreynta, Garabka Jabuti ee Sheikh Shariif iyo DKMG ah. Basle waxa uu Aadan Madoobe sheegay in aanu jirin qorshe amaba faah faahin intaa dhaafsan oo ay ka warhayaan oo looga gol leeyahey shirka Nairobi ka dhici doona 26 Bishan ee looga yeeray qeybaha kala duwan ee DKMG ah. Marka loo eego hadalka Aadan Madoobe, kan dhanka midowga IGAD iyo Dadka kale ee ka ag dhow waxaa muuqata in aanu jirin xog-ogaal nimo weyn oo DKMG ah ka heyso barnaamijka Dowlaha Fagelitanka ku haya Soomaaliya ka damac san yihiin amaba ay iska indho tireyso waxa socda ee ku aadan masiirka Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed---
  4. [Graphic image linked - 1] [Graphic image linked - 2] [ October 19, 2008, 12:21 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]
  5. Warbixin: Bixitaanka Itoobiya, Fashilka DKMG ah, & Rabitaanka Beesha Caalamka By Somalimirror on 18 Oct, 2008 10:27 PM in Main, Warbixinnada shabakadda Somalimirror Waxay idiin soo bandhigaysaa warbixin ku saabsan isbadaladii u danbeeyay ee ku soo kordhay xaaladda Soomaaliya iyo waxyaabaha la filayo in ay soo kordhaan xilliyada inagu soo aadan waxaanan macluumaadka ka soo kala aruuninay ilo kala duwan oo isugu jira Warbaahinta Caalamka iyo dad u dhuun duleela Siyaasadda Soomaaliya waxaana warbixintu si qoto dheer u falanqayn doontaa Bixitaanka ciidamada gumaysiga itoobiya, fashilka DKMG ah iyo rabitaanka waxa loo yaqaano beesha caalamka. warbixintiina waatan:- Bidhaamaha jabka & bixitaanka Itoobiya Waxaa baryihii danbe isa soo tarayay qaylo ka soo yeeraysa Madaxda sare Dalka Itoobiya taas oo ku wajahnayd Q.M, M.Afrika, Ururda kale ee Caalamiga ah iyo Madaxda Dawladda KMG ah ee taagta daran, waxaana nuxurka qayladaasu ahayd in uu soo gaba gaboobay dulqaadkii ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ugu sii nagaan lahaayeen Soomaaliya. Meles Zenawi ayaa si weyn u dhaliilay dawrka kooban ee ay Beesha caalamku ka qaadanayso arrimaha Soomaaliya wuxuuna ka digay khatarta ka dhalan karta Soomaaliya haddii faraha laga laabto isla markaana aan lala soo gaarin Ciidamo ka socda Q.M. Maalintii khamiista ee Taariikhdu ku aadanayd 16/10/08 ayuu Zenawi baarlamaanka Dalkiisa oo cabasho ka soo gudbiyay Joogitaanka ciidamadooda ee Soomaaliya waxaa uu u sheegay in go’aanka soo bixitaanka ciidamadoodu uu ku jiro gacantooda ayna ka soo bixi karaan xilligii ay doonaan wuxuuna intaa raaciyay in aysan ciidamdoodu ku sii daahi doonin Soomaaliya haddii aan xaalka wax iska badalin. “ Ciidamadeena waan ka soo saaraynaa Soomaaliya lakin cadaalad maaha in aan dayacno M.Afrika iyo Beesha Caalamka kuwaas oo hawsha nagala wareegaya, marka waa in aan sugnaa ugu yaraan inta laga soo dhamays tirayo Ciidamada M.Afrika” ayuu barlamaanka dalkiisa ka hor yiri Meles Zenawi wuxuuna intaa raaciyay “ beesha caalamka waan u sharaxnay in hogaanka soomaalidu aysan diyaar u ahayn in ay qaataan Mas’uuliyadooda ku aadan Nabadda iyo Dib u heshiisiinta”. “Haddii hogaanka Siyaasadda Soomaalidu ay muujiyaan inay diyaar u yihimiin Qaadashada Mas’uuliyadooda markaas ciidamadeenu way sii joogi karaan waqti dheeraad ah” ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Meles Zenawi. Wasiirka arrimaha Dibadda ee Itoobiya Seyoum Mesfin ayaa dhankiisa todobaadkii la soo dhaafay waxaa uu shaaca ka qaaday sida ay dawladiisu ugu jahwareersan taahay cidlada iyo garab la’aanta ku haysata Dagaalka Soomaaliya ee ay kula jiraan Xoogagga Islaamiyiinta. Warkan ayuu Seyoum Mesfin ka hor aqriyay kulankii Q.M ee ka dhacay Magaalada New York wuxuuna beesha caalamka ka codsaday in ay ciidamo nabad ilaalin ah la gaaraan Soomaaliya iyo in la xoojiyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya. Afhayeeka wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Wahide Belay ayaa waxaa uu yiri “ciidamada Itoobiya waxaa loo diray in ay noqdaan raca hore oo qura, dabadeedna ay si degdeg ah u soo laabtaan kadib marka ay ujeedooyinkooda xaqiijiyaan taasoo ahayd in ay xogagga islaamiyiinta ka saaraan Muqdisho. Waxaa naloo balan qaaday ciidamo Q.M iyo AMISOM in ay na badali doonaan ka gadaal markaan gaarno ahdaafta muhimka ah, taasina ma dhicin marka laga reebo xayn ciidamo ah oo ka socda M.Afrika. Itoobiya wali waxay sugaysaa Q.M in ay Ciidamo u soo dirto Soomaaliya ama in ay gacan siiso AMISOM si ay u gaaraan ujeedooyinkooda”. Dhamaan xisbiyada mucaaradka ee dalka Itoobiya ayaa si weyn uga soo horjeestay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya waxayna bilaabeen cabashooyin ay ka samaynayaan go’aanka ay ciidamadoodu ku joogaan Soomaaliya. Shir ay dhawaan isugu yimaadeen xisbiyada mucaaradka ah ee ku jira Baarlamaanka Itoobiya ayay waraaq ugu direen Meles Zinawi taas oo ay ku shegayaan in huritaanka Naf iyo Maalka ah ee ay Itoobiya samaynayso ay noqdeen wax aan loo adkaysan Karin. Lidetu Ayalew oo gudoomiya u ah urur ay ku midoobeen axsaabta mucaaradka ah ee itoobiya ayaa yiri “ kudhawaad 2 sano oo aan ilaalada iyo daba kariixidda ku wadnay Dawladda Taagta daran ee soomaaliya, waxaa hadda la joogaa xilligii ay ciidamadeenu dib ugu soo laaban lahaayeen dalkooda hooyo, lagana dalban lahaa Hay’adaha Caalamiga ah ee Q.M iyo M.Afrika ay buuxin lahaayeen mas’uuliyadooda”. “Waxaan huraynaa wax badan. Meeshana waan ku tacab beelnay, waxaan meesha ku waayaynaa in badan oo askarteena ka mid ah, markaad aragtid Warbaahinta caalamka Sumcadeenu kharat ayay ku jirtaa, waxaan noo furan oo kaliya hal fursad waana in aan soo gabagabaynaa joogitaankeena Soomaaliya. Waxaan aaminsanahay in Q.M iyo M.Afrika ay ciyaari doonaan doorkooda, lakin hadda waxaa meesha ku dhiban waa Itoobiya oo kaliya” ayii yiri Lidetu Ayalew. Hogaamiye kale oo ka tirsan axsaabta mucaaradka ee baarlamaanka ku jira oo lagu magacaabo Beyene Petros ayaa yiri “ waxaan isku daynay in dawladda u bandhigno kaambiyaalaha aan galnay 21-kii bilood ee ololaha Soomaaliya, marka laga eego dhinacyada khasaarooyinka nafeed iyo maal ee ina soo gaaray”. “ Dawladdu waxay si mas’uuliyad darro ah u diiday in ay xisaabta ku darsato labadaas halisood ee ka dhashay gelitaanka ciidamda Itoobiya ee dalka Soomaaliya” wuxuuna intaa ku daray Beyene Petros “Baarlamaanka dalwalba wuxuu xaq u leeyahay in uu ogaado waxa mood iyo nool ka dhalanaya ku luglahaanshaha hawlgal noocan oo kale ah, lakin taas anaga waa nalaga indha saabay”. Labadii sanadood ee aan ka soo gudubnay ciidamada Itoobiya waxay ku sugnaayeen Soomaaliya waxayna qayb ka noqdeen mushkiladda halkii ay xal keeni lahaayeen ayaga oo ku kacayay falal taageero u abuuraya Xoogagga Islaamiyiinta waxayna sii bulaaliyeen fikirkii Itoobiya nacaybka ahaa ee ay soomaalidu markii horeba qabtay. Bulcha Demeksa oo ah ruug cadaa siyaasadeed oo siweyn looga yaqaano Itoobiya kana mid ah xubnaha mucaaradka ugu jira baarlamaanka ayaa yiri “ kala duwanaanshaha weyn ee xagga dhaqanka, Diinta, iyo Siyaasadda ee soojireenka ah ayaa waxay mustaxiil ka dhigeen in dadka Soomaaliyeed laga dhaadiciyo in Itoobiya ay doonayso in ay caawiso”. Bulcha Demeksa oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri “ ma jiro qof Soomaali ah oo aaminsan in Itoobiya ay gacal u tahay. Dhamaantood waxay Itoobiya ka aaminsan yihiin cadaw si xoog ah ugu duulay dalkooda, wayna la dagaali doonaan Itoobiya inta ay baaqi yihiin. Waxay si kama danbays ah u go’aansadeen in ay nala dagaalamaan, haddana way dagaalamayaan, aragtidaydana ayaga ayay guushu raaci doontaa”. Hogaamiye yaasha mucaaradka Itoobiya ayaa waxay xilliyadii danbe wadeen olole ay ku doonayaan in ay dawladooda ku dirqiyaan sidii ay ciidamadeeda ugala soo bixi lahayd dalka soomaaliya balse waxaa taas caqabad ku ah beesha caalamka oo Itoobiya ku haysa dalka Soomaaliya kana digaysa khatarta ka imaankarta haddii ay Itoobiyaanku ka huleelaan Soomaaliya iyo saamaynta ay ku yeelanayso heshiiska lagu gaaray jabuuti ee dhex martay DKMG ah iyo Isbahaysiga Dib u Xoraynta garabka Jabuuti heshiis kaas oo loo arko fursadda kali ah ee lagu badbaadin karo DKMG ah iyo Mashruuca caalamku kaleeyahay Soomaaliya. Madaxda axzaabta mucaaradka Itoobiya oo uu kamidka yahay ninka lagu magacaabo Temesgen Zewde oo hogaamiya xisbiga dimoquraadiyadda iyo sinaanta ayaa waxaa uu yiri “ Nabadda ku meelgaarka ah waa dhaan dabangaale (saraab)” wuxuuna ku dooday in ay lagama maarmaan tahay in ciidamda itoobiya laga soocaymiyo Soomaaliya maadaama aysan Q.M diyaarba u ahayn in ay ciidamo u dirto dalkaas wuxuuna xaaladda Soomaaliya ku tilmaamay mid aan marna guul ku soo idlaanayn. “Waxaan leeyahay gacmaha kalaabo arrintan aan faa’iidada lahayn si dhaqso ahna ciidamda uga soo saar soomaaliya, beesha caalamku uma soo jeedo in ay xaaladda Soomaaliya faraha lasoo galaan haddii ay jirtana waxay arrintaan ku dhaqaaqi lahaayeen 3-dii sano ee lasoo dhaafay, dadka oo idil waxay aaminsan yihiin in aan faa’iido ku qabno meesha waxaana goobta ku rafaadsan ciidamadii, waxaan filaynaa ma daahi doonto Ra’iisul wasaaruhuna wuxuu kafakarayaa qaabkii uu ciidamada uga soo bixin lahaa Soomaaliya, aniga fikradaydana waa in uu arrintaas ugu dhaqaaqaa sida ugu dhaqsaha badan, ayada oo aan la dhawrin tilaabada beesha caalamka” ayuu yiri Temesgen. Haddii la’isku soo xooriyo hadallada ka soo baxaya Madaxda Itoobiya oo ay ku garawsanayaan dhibaatooyinka naf iyo maalba leh ee sida joogtad ah uga soo gaaraya Soomaaliya waxay astaan u yihiin in uu sii idlaanayo sabarka iyo adkaysiga Itoobiya ee dharbaaxooyinka kaga imaanaya Xoogagga Muqaawamada, balse taas mecnaheedu maaha in Itoobiya ay si fudud uga huleelayso ciida Soomaaliya maxaa yeelay waxay aaminsan yihiin in joogitaankooda Muqdisho uu difaac iyo ilaaloba u yahay caasimadooda Addis Ababa sidaas daraadeed qorshaha bixitaanka Ciidamada Itoobiya wuxuu ku xiran yahay marka ay Xaqiiqsadaan 3 arrimood midkood ama ay tabartoodu u runsheegto: 1. Waxa ugu weyn ee ay Itoobiyaanku goobayaan waa in Soomaaliya laga dhidbo dawlad waday u ah Itoobiya taas oo suulisa dhamaan astaamaha nacaybka iyo colaadda ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya kana tanaasusha dhulka ay Soomaaliyeed galbeed ee ay haysato Itoobiya isla markaana ilaalisa maslaxadda iyo danaha Itoobiya. 2. In la helo Ciidamo farabadan oo ka socda Q.M ama M.Afrika oo badala kuwa Itoobiya isla markaana meesha ka sii wada xaqiijinta ahdaafta ay ka wada leeyihiin dalalka isgaashaan buursaday ee Maraykanku odayga u yahay. 3. Haddii intaas la waayo Itoobiya iyo xulufadeedu waxay isku hawlayaan sidii Soomaaliya loo qayb qaybin lahaa loogana dhigi lahaa dawlad goboleedyo qaab qabiil ku dhisan isla markaana aan lahay wax awood ah, dhamaantoodna si dhaga nuglaan ah u qaata awaamirta Addis Ababa una kala xusul duuba raali gelinteeda, waxaana la odorosayaa in Maamul beeleed yadaas ay noqdaan ilaa 5 kala ah labada hadda dhisan ( Somaliland iyo Puntland) iyo inta soo hartay oo 3 maamul beeleed laga yagleelo kuwaas oo kala noqon doona, goboladda ( Banaadir, Shabeelooyinka, Hiiraan, iyo Galguduud) oo hal maamul beeleed loo sameeyo, ( Jubooyinka iyo Gedo) oo mid kaa la cayn ah laga dhiso, iyo Gobolada (Bay, iyo Bakool) oo ayana maamul kuwa hore la jaad ah laga hirgeliyo “Qaybi oo Xukun”. Waxaana warar xog ogaal ah ay tibaaxayaan in xilliyada inagu soo aadan ay maamul goboleedka Puntland shaacin doonaan gooni istaagooda gaar ahaan marka xilka laga qaado C/laahi Yuusuf. 4. Khiyaarka kaliya ee soo haraa waa in Itoobiyaanka iyo xulufadooda ay tabari u runsheegtaa oo xarig xarig u qaban waayaa ayna Soomaaliya ka baxdaa ayada oo jab iyo hoog qabsaday taasina waxay ku imaan kartaa in dhamaan ummadda Soomaaliyeed ay midoobaan gaar ahaan Xoogagga Islaamiyiinta ayna kulmiyaan Muruqooda, Maankooda iyo Maalkooda lana yimaadaan Istiraatiijiyad cad oo lagu saarayo gumaysiga is gaashanbuursaday iyo dejinta qaab maamuleedka lagu maraynayo marxaladda ka danbaysa Guusha. Fashilka DKMG ah & Rabitaanka Beesha Caalamka Dhamaan Q.M, M.Yurub, Dawladda Maraykanka, Contact Group, M.Afrika Urur goboleedka IGAD, Itoobiya iyo DKMG ah lafteeda ayaa waxay isku raceen in gabi ahaanba ay fashilantay DKMG ah isla markaana aan looga fadhiyin in ay wax horumar ah ku soo kordhiso xaaladda Soomaaliya waxayna Ururradaas iyo Dawladahaas isku waafaqeen in fursadda kaliya ee lagu badbaadin karo ujeedooyinka ay ka leeyihiin Soomaaliya ay tahay in la’isku milo DKMG ah iyo Isbahaysiga Dib u xoraynta garabka uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Meles Zenawi oo ah saaxiibka ay ugu kalsoonida badan tahay DKMG ah ayaa waxaa uu dhaleecayn dusha uga tuuray Madaxda ugu saraysa Dawladda Gacan ku rimiska ah ee uu madaxweynaha u yahay C/laahi Yuusuf wuxuuna ku dhaliilay in ay Mas’uuliyadoodii gabeen ayna ku mashquulsan yihiin dano shaqsi ah. Zenawi ayaa si gaar ah waxaa uu C/laahi Yuusuf ugu eedeeyay in uu Ragaad ku noqday hirgelinta Mashaariicda dib u heshiisiinta iyo tayaynta DKMG wuxuuna ku hanjabay in ciidamadiisu aysan u qoob xirnaan doonin fulinta dano hoose oo ay leeyihiin dad gaar ah. Hadalka ka soo yeeray Meles Zenawi oo afka uu ku balaariyay in dawladda KMG ah ay curyaamiyeen madaxdeeda sare ayaa waxaa uu muujinayaa heerka uu gaarsiisan yahay rajada Meles ku qabo in ay cagaheeda isku taagto DKMG ah iyo sida uu khaatir uga joogo muran ka joogtada ah ee ka dhaxeeya Hay’adaha ay ka kooban tahay dawladaas. Wasiiru-dowlaha amuuraha dibadda ee Itoobiya Takede Alamu ayaa isna sheegay in DKMG iyo masuuliyiinteedaba aysan laheyn awood ay wax uga qabtaan dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya wuxuuna intaas ku daray in dhamaan Wadamada IGAD ay isla qireen in DKMG ah ay ku guul darraysatay wax kaqabashada Dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya, waxayna Madaxda Urur Goboleedka IGAD isla go’aansadeen in dhamaan hay’adaha ay ka kooban tahay Dawladda Shir loogu qabto Magaalada Nairobi si loo qiimeeyo waxa u qabsoomay 4-tii sano ee ay jirtay Dawladdu loona soo bandhigo qorshe ay Madaxda IGAD ugu tala galeen marxaladaha inagu soo aadan. 26-ka bishan Octobar ee aan ku guda jirno ayaa waxaa loo ballansan yahay shir ay garwadeen ka tahay IGAD kaas oo Hay’adaha DKMG ah la’isugu gaynayo Magaalada Nairobi isla markaana la filayo in lagu soo bandhigo fashilka DKMG ah hay’adaheedu ay ku guul daraysteen wax ka qabashada Arrimaha ka taagan Soomaaliya sidaad darteen kaarka cas loogu taagi doono madaxda Sare ee Dawladda oo ay ka mid yihiin C/laahi Yuusuf iyo Aadan Madoobe sida ay Shabakadda Somalimirror u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah. Shirkan ayaa lagu wadaa in casilaadda C/laahi Yuusuf ka dib Hogaanka qunyar socodka ah ee Isbahaysiga dib u xoraynta Jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Axmed loo sharaxi doono jagada uu banaynayo C/laahi Yuusuf ee Madaxweyne nimada, waa sida aan ka soo xiganay ilo lagu kalsoonaan karo. Warkan ayaa waxaa uu dadka dib u xasuusinayaa hadal ay muddo sanad ka hor ah jeedisay haweeneeyda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika Janday Freysar oo ay ku sheegatay in hogaanka sare ee dawladda KMG ah ay haboon tahay in la badalo maadaama aysan la jaanqaadi Karin isbadallada ka dhacaya Dalka Soomaaliya isla markaana aysan karti buuxda u lahayn maaraynta Dalkaas ay dagaaladu soo daashadeen. Hadalkaas waxaa sii xoojiyay war uu Meles Zenawi u sheegay jariidad ka soo baxda Dalka maraykanka ee Washington Post oo uu ku dhaliilay madaxweynaha isla markaana uu cadeedayay inay lagama maarman tahy in wax laga badalo haykalka Sare ee dawladda KMG ah si ay wax u qabsoomaan. Waxaa kale oo ka mid ah jaanisyada ay sida weyn isha ugu hayaan quwadaha shisheeye ee ku lug leh loolanka Soomaaliya kala qaybsanka iyo midnimo la’aanta Xoogagga Islaamiyiinta oo guulo ka soo hooyay dhulka isla markaana ay sii kobcayso awoodooda Milatery taas oo ay uga faa’iidaysan karaan in ay ka ciideeyaan guusha u soo bidhaantay Dadka Soomaaliyeed ayaga oo isku hawlaya sidii ay iska hor imaad uga dhex dhalin lahaayeen Islaamiyiinta “Lafa gari ayaga ayaa la’isku jabiyaa”. www.somalimirror.com
  6. Sheekadu marka horeba hadii eey halkaan ku socotay, maxaa "nabad" iyo "wada hadal" marmarsiiyo looga dhigan. Beenta ha la iska daayo, sheekha haduu boskii Yeey badalayo, oo taangi axmaaro ku hoos shaqayn, he will be treated no differently.
  7. C/Waaxid C/hi Khaliif London, UK cabdulwaxid@hotmail.com -------------------------------------------------------------------------------- Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. Maxkamadaha Islaamigu waxay sheegeen in labada garab ee Casmara iyo Jibuuti kala jooga aysan midna u maqneyn. Haddey sidaas tahay yuu sheekh Shariif Xukumaa? Sida la ogyahay Muqaawamadu waxay ka hadlaan mabda’ ee ma aha qabiil. Qabiilka waa loo dhashaa oo cid kasta ood ku biirtid kama baxaysid. Dagaaloogayaashii ****** intoodii badneyn waxay taageereen C/hi Yuusuf 2004-tii halka in yari ay taageertay C/hi Caddoow. Kuwii C/hi taageeray kama baxayaan Hawiyenimadii ileyn qabiilka waa loo dhashaaye. Ilaa hadda ma garanayo cidda uu xukumo sheekh Shariif. Hadduu ku biiray hogaamiye-kooxeedka ****** waa la fahmi karaa laakiin ma garanayo wuxuu ka dheefayo faraqa uu ku xirtay nin ka daran C/hi Yuusuf – Shariif Xasan! Yaa muran uga jiraa in C/hi Yuusuf dhaamo Shariif Xasan? Dib u fiiri sidii korneylka ku geeyey Shariif Xasan Cadan, Yemen isagoo Shariifku markaas la jiray hogaamiye-kooxeedkii Muqdisho. Markii Tigreegu ka baxay Baladweyn ayaa sheekh Shariif sheegtay in ay uga baxeen qorshe ay la ogaayeen. Marka wuxuu caddeystay iney jirtay arrin ka dhaxeysay Tigreega iyo isaga. Su’aashu waxay tahay hadda sheekhu mala ogyahay in Tigreegu Soomaaliya sida Luuq soo galeen? Hadduusan la ogayn sabab? Ileyn soo-gelitaanka cadowga ayaa ka khatarsan bixitaanka cadowgee. Runtii qaar ka mid ah Maxkamaduhu waa beeniyeen hadalka sheekh Shariif. Miyesan Maxkamaduhu ogeyn in waxa sheekh Shariif keeno ay mas’uul ka yihiin ileyn iyagaa inta qol isku xireen sameeyey gole shuuro iyo mid fuline? Waxaa fidradu na bareysaa in marka guri xoog badan oo dheer (dhabaq shub ah/mabda’/xarako Islaam) la dhisayo loo baahanyahay aas-aas adag oo shub ah sidoo kalana la rabo in lagu badiyo tiirar shub ah. Ka warrama haddii Maxkamaduhu ay hogaankii ka buuxsheen tiirar boocbooc ah oon horay loo tijaabin iyagoo aasaaskiina ka dhigay ciid? Waa iska caadi sidii horay loo yiri mar kasta oo dhismuhu kor aadaba in dumistiisu ay soo dhowaaneyso. Qaar badan oo Jibuuti jooga ayaa ka buuxay golayaashii Maxkamadaha saasooy tahay weli waa moog yihiin Maxkamaduhu in inta khaladkaas saxaan ay keenaan hogaamiye fulineed oo metela Maxkamadaha. Mise lax dhukan abaar moog? Weli isma oran ciidda Soonfureed baa la ciidayaa iyadoon Maxkamaduhu hogaan sameynsan. Arrintaas golayaashii la sameeyey ah waxay keentay in shacab badan oo culumo ku jiraan ka cararaan Maxkamadaha iyagoo qabiil iyo la-tashi la’aan ka urinayey. Inta aan dacaayadeyn sideyda oo kale waxay xeerisay guushii ay keeneen iyo iyadoon wax laga sheegi karin maaddaama cadow garaacayey. Marka marba haddii kuwii Maxkamadaha sheeganayey bilaabeen in Muqaamamadii burburiyaan sidoo kalana rabaan iney shacabka iska horkeenaan haddee aamus ma jiro. Waxaa sida sheekh Shariif Maxkamadaha jaranjaro ka dhigtay odayaal sheeganaya iney xukumaan ******! Xaggee mabda’ iyo qabiil iska soo galaan? Odayaashu markii Tigreegii ka guuray Baladweyne oo Maxkamadaha iyo Muqaawamada kalaba naf iyo maal u hureen in Tigreega la halaago ayaa odayaashu waxay dhusha ka fuuleen mowjadihii Muqaawamada iyagoo soo maray dhulka ay Muqaawamadu joogto. Marka su’aashu waxay tahay odayaashu ma Maxkamadahey ka tirsan yihiin? Qofkii warmooga ahi ha fahmo inaan Tigreegu dan weyn ka lahayn odayaasha oo waa tii inta qaar xiratay soo deysay sidoo kalana waxay ka dageen garoonka Gaalkacyo oo kuwa loo yaqaan koobbi Amxaaro xukumaan. Haddey dan ka leeyihiin waa xiri lahaayeen. Been maaha iney keeni lahayd isku dhac qabiil laakiin koobbi Amxaaro waxaas dan kama leh oo iyagoo boqollaal ah ayey Xamar dhib ku hayaan marka dan kama leh dagaal uga yimaada qolo kale iyagoo dhulkooda jooga. Teeda kale odayaasha ****** ma aha dad shalay dhashay. Waa la yaqaan waxay ahaayeen. Marka qofkii C/hi ama qabiil kale la dagaasahan khasab maaha inuu Maxkamado yahay! Jaamac Cali Jaamac, Jinni Boqor iyo Maxamed Cabdi Yuusuf waa la dagaalsanyihiin C/hi Yuusuf saasooy tahayna kama dhigeyso iney Jamhadda Islaamiga, Maxkamadaha ama Ash-Shabaab ka tirsanyihiin. Waxaan tusaale idiin siinayaa hadal uu yiri mid ka mid ah odayaasha ****** oo xabsi laga soo daayey: wuxuu yiri mar baa waxaa xabsiga iigu soo galay sarkaal Tigree ah oo i weydiiyey waxa Soomaalidu isu leyso iyagoo hal qowmiyad ah halka Itoobiyaanka oo intaas oo qowmiyadood ka koobanba aysan is laayn? Odeygu wuxuu yiri hadalkaas jawaab waan u waayey! CUUDIBILLAAHIYE MAA ILAAH LAGA CABSOONAADO! Odegyu wuxuu garanwaayey in qowmiyadaha uga badan ee Itoobiya degen ay ku jirto tan Soomaaliyeed. Qof walbana waa ogyahay cadaabka iyo gumeysiga lagu hayo qowmiydda Soomaalida ee Itoobiya degta. Xitaa qabiilka ****** waa ka buuxaan qowmiyadda Soomaaliyeed ee degta waddankaas. Ilaah baan idin ku dhaarshee maxaad ku fasiri kartaan hadalkaas? Hadalka odeygaas waxaan ka qoray maqaal laakiin ma soo gelin internetka anoo is iri iska daayaa odayaasha shakhsiyaadka ah. Waxaa hadalkaas ka sii daran mar odeygaasi uu ka hadlayey Ash-Shabaab wuxuu afka ku dhuftay rag aan qabiilkiisa ahayn sida Mukhtaar Rooboow iyo sida la sheegay Fu’aad Shangole. Marka odayaashaan sida haka noqoto ama cid kale ha isticmaaleysee waxaad mooddaa iney hayaan jidkii marar hore laga hadlay oo ah in gaaladu rabto in shacabka la iskugu dilo qabiil sidoo kalana shacabka lagu diro Muqaamamada. Arrinta ka dhacday Baladweyne ee lagu dilay odeyga nabaddoonka ah ma aha wax iska dhacay waana shirqool ciddii rabta haka dambeysee. Marka waxaad mooddaa in wixii laga digayey ay faraha ka baxeen. Waa la fahmi karaa in Muqaawamada qaarkood ay ka baxeen Maxkamadaha sababahaas iyo kuwo kale. Saasooy tahayna waxay sheegeen in haddii Maxkamaduhu is habeeyaan oo doortaan hogaan fiican ay suurtagal tahay iney kala hadlaan sidii loo midoobi lahaa marka lama garankaro sida Maxkamado iyo qabiil is huwan wax loola qeysan karo. Sidoo kale boggag internetka oo ku hadli jiray magaca Maxaakimta ayaa hadda u hadla sheekh Shariif iyo qabiilka ******. Qaarkood waxay gaareen iney wadaan beenabuur iyo isku-***. Waxay dhaheen Yuusuf Indhacadde ayaa raba inuu Gaalkacyo weeraro! Sidoo kale waxay dacaayad ku hayaan Muqaawamada. Marka waa caddahay in boggaggaasi ay awalba qof ay qabiil ku taageerayeen. Ma la gaaray markii ay Maxkamaduhu sixi lahaayeen khaladkooda oo inta sheekh Shariif ummadda ka qabtaan sameysan lahaayeen hogaanka kale? Ma la gaaray in ay ka shaqeeyaan siday dadka uga badbaadin lahaayeen waxaas ay odayaashaas la wadayaqaanay la ordayaan? Odayaashu waxay jaranjar ka dhigteen Muqaawamada. Sidoo kale waxaa u fiican in Maxkamaduhu aysan ku dhicin dabinka ay Tigreega iyo gaalada kale maleegayaan oo ah in shacabka iyo Muqaawamada la iska horkeeno. Sidoo kale ma sameysan karaan Maxkamaduhu cid u hadasha oo loogu soo hagaago inta maalin kasta ay u hadli lahaayeen intaas oo qof oo qaarkood kala heystaan fikrado kala duwan. Marka sidii horay loo yiri ma ku dambeyndoonaan Maxkamaduhu iney ku dambeeyaan halkii ay ku dambeeyeen dagaaloogaashii Xamar - iney ummadda isnacsiiyaan sidoo kalana uu gumeysigu ku meelgaaro? Sidoo kale ha ******** Ash-Shabaab iyo Muqaamada kalaba inaan ad-adeygu ahayn Tigree iyo Tigree-raac la-dirir oo keliya ee uu yahay iney u dulqaateen oo u adkeystaan odayaashaas iyo dadka kale ee jagadu madaxa martay ee ay dhici karto iney dadka isku diraan. C/Waaxid C/hi Khaliif cabdulwaxid@hotmail.com
  8. The biggest flaw I see in the view of those who support the current “negotiations” is the idea that somehow the Ethiopian government that currently controls the presidential palace will simply walk away, because sh. Sharif and Nur cade agreed that they are not needed anymore. What is more astounding, is to believe that the same international community that has been funding the AU contingent in Mogadishu, and the Ethiopia occupation of Somalia, will have a sudden “change” of heart, and begin bankrolling this supposedly new republic. The flaw in this argument lies in the belief that the international community is A.)Honest B.)Has the best interest of the nation at heart Honest in believing that Oud-abdullah’s currently led negotiations are sincere, even though American leaders (senators, Jenday) have said, they support and endorse the current round of talks, in an effort to “isolate” the extremist. They have clearly outlined their agenda, and anyone whose intellect is sound, can see that this current fiasco in Djibouti is nothing but a ploy to fracture the Islamic forces on the ground. You maybe led to believe that somehow the EU are any different than the U.S. in their foreign policy towards Somalia. The fact of the matter is, British forces have trained the current Uganda contingent in Mogadishu, and the French likewise have trained the current Brundi unit in the capital. The EU bankrolls the qhat chewing MPs in baidoa, and pay the salaries of the so-called “police” forces in the capital. Those who align themselves and believe in this illusion, will, and have already lost all credibility amongst forces on the ground. You will come to see those whose names are mentioned along side war criminals, and puppets, drift into irrelevance. It has happened before, and it will inevitably happen again.
  9. Does this have to do with the oppertunists heading to baidoa to somehow "form" a government with the Djbouti faction? So you (xinn) think a merger between a faction of the TFG and Djbouti is on it's way in Nairobi? a republic?
  10. http://www.hornafrik.com/Audio/mansuur.wma
  11. well worded red, I hope people of somaliland understand the importance of holding with their fellow somalis to overcome the obstacles we face.
  12. Originally posted by Allamagan: ^Waa ay fiican yihiin haddii aay iska fogeeyen, balse su'aashu waxay tahay AbuMansur ma xukumaa Shababka oo dhan? Al-shabaabna miyeeysan ahayn kuwa kooxdii (unugii) kastabaa uu iskood u shaqeeyan oo aanan isku xirnayn oo wax chain of command jirin markii howl-gal ay subinayaan? You would think the shabaabs are more organized and are under a chain of command than the ICU, (whose leadership are dissarray and parted ways). Abu mansuur is a key figure, who seems to have surpassed the role of a spokesman. Whole regions such as bay/bakool are allied to the resistance movement because of this key figure.
  13. Ma tiri, for the past several months you'e been saying "diiriye" "shaaab looters" in one line. more development on the story: --Sheekh Abu Mansuur oo Tacsi u diray eheladii uu ka geeriyooday Xaaji Dacar Xirsi Xooshow, kuna tilmaamay dil gardaro ah. Talaado 08 Shawaal 1429 (07/10/2008) -------------------------------------------------------------------------------- Afhayeenka Mujaahidiinta Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur ayaa mar dhawayd ka hadlay dilkii maanta loo gaystay Xaaji Cabdi Xirsi Xooshow oo maanta lagu dilay magaalada Beledwayne. Sheekha oo la hadlay qaar ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa ku tilmaamay dilkan mid ka mid ah hagardaamooyinka ay cadowgu ku hayaan Ummadda Muslimiinta ah, isagoo intaa raaciyay in Mujaahidiintu aanay dilin nabadoonada iyo ugaasyada. Sidoo kale Sheekhu wuxuu Tacsi u diray ehelada dadkii Shalay ku dhintay duqayntii cadowgu u gaystay suuqa Bakaaraha iyo qaar ka tirsan xaafadaha Magaalada kuwaas oo waxyeelo badani kasoo gaartay shacabka --from kataaib.net They would love that the muslims fight amongst each other, so the traitor in Villa somalia can have his hopes rekindled.
  14. Ciidamo Ethiopian ah oo aad u farabadan kuna hubeysan hub iyo gaadiid dagaal oo kala duwana soo gaaray Magaalada Luuq ee Gobolka Gedo Luuq, Somalia (AOL) - Wararka ka imaanaya Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo Ethiopian ah oo wata gaadiidka Dagaalka oo gaaraya illaa 50-gaari oo ah nooca Loo yaqaan uraalada ayaa waxaa ay shalay ka soo gudbeen xadka kala qeybiya wadamada Soomaaliya iyo Ethiopia, iyadoo ilaa iyo hadda aanan la ogayn halka ay ku wajahan yihiin ciidankaasi. Gaadiidka iyo Ciidamada Saaran ee Ethiopianka ayaa la sheegay in ay soo gaareen degmada Luuq ee gobolka Gedo kuwaasi oo fariisin ka sameeystay meel 3-KM u jirta degmada Luuq oo lagu magacaabo Xero kowaad. Lama oga ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa Imaanshaha Ciidamadan faraha badan ee Degmada Fariisinka ka sameystay. Ciidamadani ayaa la sheegayaa in ay ahaayeen kuwii horey ugu howlgeli jirey Gobolka Hiiraan, iyagoo dhowaana halkaasi ay isaga guureen, waxayna wararku sheegayaan in Ciidamadani degmada Luuq in ay ka soo galeen dhinaca Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool. Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo iminka ku sugan Magaalada Luuq oo saaka u waramayey Saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamadani ay dhici karto in ay u sii gudbaan dhinaca degmada Dolow. Kaliil ayaa waxaa uu ka gaabsadey in ciidamadasi ay ku soo wajahan yihiin qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo halkaasi oo dhawaanahani ay dhaq-dhaqaayo xoogan ka wadeen xoogaga ka soo hor jeeda dowlada KMG Soomaaliya iyo Ciidamada shisheeye. Dadka ku nool gobolka Gedo degmooyinkiisa ayaa waxaa la soo dersay xaalad cabsi ah, kadib markii ay sii kordheen dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee labada dhinac, taasi oo ay ka cabsi qabaan in ay isku farasaaraan Ciidamada Ethiopia iyo xoogaga ka soo hor jeeda ee dhawaanahan dhaq-dhaqaaq ciidan halkaasi ka waday qeybo ka mid ah Gobolka Gedo. Soo gaaritaanka Ciidamada Ethiopia ee Gobolka Gedo ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili Col. Barre Hiiraale maleeshiyaadkii uu watay ee dhawaan laga soo saarey magaalada Kismaayo ee Gobolka J/hoose uu tababar uga furmay gobolka Gedo halkasi oo uu xildhibaanka sheegay in uu doonayo in uu dib ugu laabto magaalada Kismaayo. Axmed Cumar Saalixi - Baardheere/Gedo
  15. Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo gaaray degmada Luuq ee Gobalka Gedo Posted to the Web Oct 05, 11:21 Luuq:Wararka ka imaanaya degmada Luuq ayaa sheegaya in ay saaka halkaas soo gaareen ciidamo itoobiyaan ah oo tiro badan waxaa ayna haatan ku sugan yihiin Buundada Degmada Luuq. Ciidankan ayaa waxaa ay ku wajahan yihiin degmada Doolow sida ay dad goob joog ah sheegayaan waloow aan si rasmi ah loo shaacin halka ay ku wajahan yihiin Ciidamada kale ayaa la sheegayaa in ay soo galeen deegaanada gobalka Hiiraan oo xad la wadaaga dalka Itoobiya waxaa sidoo kale ay ku soo qulqulayaan deegaano ka tirsan gobalka Bakool. Dhinaca kale waxaa socda diyaar garow ay wadaan ciidanka MMI iyo Jabha Islaamiya si ay jidgooyooyin ugu dhigaan ciidanka Itoobiya oo laga yaabo in ay u baqoolaan magaalada Muqdisho. A/Cawale Halgan.net
  16. KN: Dib usoo nooleynta taariikhda duugoobey, dardar galinta jihaadka dadkii qarniyo ka hor ay bilaabeen, maanta markii labaad ayaa todobaad gudahood goob muhiim ah oo ka mid ah magaalada Kismaayo loogu magac daray astaan halgankeena iyo taariikhdeena baal dahab ah kaga jirta, garoonka caalamiga ah ee kismaayo ayaa loogu magac daray, garoonka caalamiga ah ee Amiir Axmed Gurey. Axmed Ibnu Ibraahim Al-Ghazali (Gurey) halyeeygii, mujaahidkii Soomaaliyeed ee qarnigii shan iyo tobnaad, ee Amiirka ka noqdey dowladii islaamiga aheyd ee ugu horeysey ee Soomaaliya laga hergaliyo (Cadli), ayaa maanta magaciisa lagu maamuusey, looguna magac daray garoonka dayuuradaha caalamiga ah ee Kismaayo, sidaasi waxaa maanta saxaafada u sheegey Sheekh Xassan Yacquub oo ah madax saxaafada ee maamulka Kismaayo. Go’aankani ayaa waxaa gaaray maamulka islaamiga ah ee Kismaayo, waxaana lagu dhawaaqay xilli maanta la furayay garoonka oo xirnaa muddo bil iyo xoogaa ah, Sheekh xassan Yacquub ayaa sheegey in wixii maanta ka dambeeya uu garoonka u furanyahay dhamaan duulimaadyada rayidka ah iyo kuwa gargaarka ah. Waxaa xusid muddan in talaabada Amiir Axmed Gurey garoonka loogu magac daray ay tahay tii labbaad oo nooceedo oo kala ah oo meel muhiim ah oo magaalada ka mid ah loogu magac darro astaan weyn oo quseeysa halgankeena qarniyo jirsaday iyo jihaadka faca weyn, waxaa maalmo ka hor dhulka la dhigey dhismo kaniisad ahaan jirrey, waxaana loo rogey masaajid illaah lagu caabuddo, masaajidka waxaa loogu magac daray Harar, sida ay maamulka sheegeen waxaa arrintani loogu aargudayay masaajiidki weynaa ee Harar ee qarni ka hor uu kaniisad u rogey boqorkii xabashida ee Menilik. Waxaa kaloo xusid muddan in Harar ay aheyd magaaladii uu wax ka dhisey Amiir Axmed Gurey isla markaana caasimad u ahayd dowladii uu madaxda ka ahaa ee Cadli. Tariikhda Axmed Gurey oo kooban haddii aan ka yara hadalno, Amiir Axmed Gureey wuxuu ahaa ninkii dhulka xabashida qabsaday 4 meel marka loo dhigo 3 meel oo ka mid ah, 10 kii qof ee Ethiopia ku noola xiligaasi 9 ka mid ah ayuu islaamiyey, waa ninkii gubey kaniisadihii caasimadii diinta Athodax-ki ee magaalada lagu magacaabo Axum, waa ninkii dilley boqorkii xabashida ee xiligaasi Ethiopia ka talin jirrey ee la oran jirrey Lubnaa Dangal, Lubnaa Dangal waxa uu galay buuraha, waxaa la sheegaa in sanooyin baddan uu buuraha ku dhuuman jirrey, qabowga iyo rafaadka ku dhacay dartiis ayaa waxaa la sheegey in jirkiisa dhogor oga baxday, kadibna uu tacdarro u dhintey. Axmed Gurey waa ninkii xabashida ku qasbay in ay cunnaan hilibka ceyriinka ah (aan bisleyn), iyagoo ka baqaya in qaaca uu kusoo raaco oo uu laayo, maadaamaa ay dhumaaleysi ku jirreen. Wiilkii boqorkaasi oo ay hub iyo ciidamo soo siiyeen Boortaqiiska ayaa dagaal la galay Amiir Axmed Gurey, kadibna dagaalkii dhaawicii kasoo gaaray ayuu u dhintey Amiirka, laakiin xaaskiisa oo la oran jirrey Dalwaanbara Maxfuus oo uu dumaalay Amiir Nuur oo saldanada qabsaday ayaa Amiir ku qasabtay in illaa madaxa gaalka Amiirka dhaawacay uu u keeno mooyaane aysan xaas ahaan ugu hoyanaynin, shuruudaasi oo uu Amiir Nuur kasoo baxay, waxaa la sheegaa in sanooyin baddan ka dib uu madaxa ninkaasi surnaan jirey aqalka Dalwaanbara hortiisa illaa uu ka iibsado muddo dheer ka dib nin Yurubiyan ah oo dalxiise ahaa. Dad baddan oo uu ka mid yahay tifaftiraha KismaayoNews ayaa aad ugu farxay talaabadani ay maamulka garoonka ugu magacaabeen Axmed Gurey, isagoo arrintani ka hadlayay ayuu yiri “tani waa talaabo dhinaca haboon loo qaaday, waa mid lagu xasuusinaya gumeysiga in aan wali xasuusannahay wixii dhacay qarniyo ka hor, in wali aan halgankii halkiisa kasii wadno, waa talaabo fariin culus u direysa xabashida, waanan ku faraxsanahay”. Axmed Gurey wuxuu ka mid ahaa halyeeyadii ay xuseyn xukuumadihii Soomalaiya soo maray, tusaale ahaan waxaa jirta taalo isaga loo taagay oo caan ah kuna taala Xamar, waxaa kaloo jirra iskuulaad loogu magac daray.
  17. Waa axmaaraad ku faani jirtay, hadana waxay ghaaday, "ugaanda! ugaanda!"
  18. All the mujahideen have to do is armed the wadaads in bosaso and burco, already a large percentage of young men from those regions are leading the current resistance in somalia.
  19. MMS, why is this fellow allowed to post so much insults? No moderation?
  20. The "takfiir" was a slip of the tongue, and not intentional. Sometimes when he talks, somethings slip out, from the context of the speech, it seems like his main point was that the Djbouti faction has strayed from the path. Also, he did mention he wanted to set up meeting to unify the ranks of the men on the ground.
  21. Life in Somalia's pirate town By Mary Harper BBC Africa analyst Whenever word comes out that pirates have taken yet another ship in the Somali region of Puntland, extraordinary things start to happen. There is a great rush to the port of Eyl, where most of the hijacked vessels are kept by the well-armed pirate gangs. People put on ties and smart clothes. They arrive in land cruisers with their laptops, one saying he is the pirates' accountant, another that he is their chief negotiator. With yet more foreign vessels seized off the coast of Somalia this week, it could be said that hijackings in the region have become epidemic. Insurance premiums for ships sailing through the busy Gulf of Aden have increased tenfold over the past year because of the pirates, most of whom come from the semi-autonomous region of Puntland. In Eyl, there is a lot of money to be made, and everybody is anxious for a cut. Entire industry The going rate for ransom payments is between $300,000 and $1.5m (£168,000-£838,000). A recent visitor to the town explained how, even though the number of pirates who actually take part in a hijacking is relatively small, the whole modern industry of piracy involves many more people. "The number of people who make the first attack is small, normally from seven to 10," he said. "They go out in powerful speedboats armed with heavy weapons. But once they seize the ship, about 50 pirates stay on board the vessel. And about 50 more wait on shore in case anything goes wrong." Given all the other people involved in the piracy industry, including those who feed the hostages, it has become a mainstay of the Puntland economy. Eyl has become a town tailor-made for pirates - and their hostages. Special restaurants have even been set up to prepare food for the crews of the hijacked ships. As the pirates want ransom payments, they try to look after their hostages. When commandos from France freed two French sailors seized by pirates off the Somali coast this week, President Nicolas Sarkozy said he had given the go-ahead for the operation when it was clear the pirates were headed for Eyl - it would have been too dangerous to try to free them from there. The town is a safe-haven where very little is done to stop the pirates - leading to the suggestion that some, at least, in the Puntland administration and beyond have links with them. Many of them come from the same clan - the Majarteen clan of the president of Somalia's transitional federal government, Abdullahi Yusuf. Money to spend The coastal region of Puntland is booming. Fancy houses are being built, expensive cars are being bought - all of this in a country that has not had a functioning central government for nearly 20 years. Observers say pirates made about $30m from ransom payments last year - far more than the annual budget of Puntland, which is about $20m. When the president of Puntland, Adde Musa, was asked about the reported wealth of pirates and their associates, he said: "It's more than true". Now that they are making so much money, these 21st Century pirates can afford increasingly sophisticated weapons and speedboats. This means that unless more is done to stop them, they will continue to plunder the busy shipping lanes through the Gulf of Aden. They even target ships carrying aid to feed their compatriots - up to a third of the population. Warships from France, Canada and Malaysia, among others, now patrol the Somali coast to try and fend off pirate attacks. An official at the International Maritime Organisation explained how the well-armed pirates are becoming increasingly bold. More than 30% of the world's oil is transported through the Gulf of Aden, and even though the pirates lack the means to hijack huge tankers, there are reports that they have fired at them. "It is only a matter of time before something horrible happens," said the official. "If the pirates strike a hole in the tanker, and there's an oil spill, there could be a huge environmental disaster". It is likely that piracy will continue to be a problem off the coast of Somalia as long as the violence and chaos continues on land. Conflict can be very good for certain types of business, and piracy is certainly one of them. Weapons are easy to obtain and there is no functioning authority to stop them, either on land or at sea. Story from BBC NEWS: http://news.bbc.co.uk/go/pr/fr/-/2/hi/africa/7623329.stm Published: 2008/09/18 15:10:52 GMT
  22. Asc-wr-wb the first article seemed to be filled with inconcsistencies and some what of a porapaganda. if the author is implying that mehsud and fazllulah are under the control of the CIA, why is it taking the CIA so long to capture OBL & Co?