Member-sol-

Nomads
  • Content Count

    345
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Member-sol-

  1. Asc/Wr/Wb Walaal wakhtigii axmed guray, some of the best islamic scholars&leaders came from Zaylac, and is it coincidence, that the overall leader of the shabaab hails from Burco. Walaal, inta aanan la ghaadin xukumad islaami ah, waxaa ka horeysa in laga hortago waxay gaaladu ku qufayso gobolkaas, dacwadana la faafiyo. Nabgi (saw) wuxu yiri dadku wa laba, mid saddexaadna ma jiro, in uu qofku yahay shaqi, eey wax naxariis ah illaahey agtiisa oolin, ama qofka taqqi ah, oo illaahey aktiisa ka karaamaysan. waa 'awliyaa u ullaah, iyo 'aliyaa u shaydaan. anigu sidaas ma dhihin ee waa warkii nabgia (saw), ilaahey quraankiisan wuxu ku sheegay aayad cajiib ah لَا تَجِدُ قَوْمًا يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ يُوَادُّونَ مَنْ حَادَّ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَوْ كَانُوا آبَاءهُمْ أَوْ أَبْنَاءهُمْ أَوْ إِخْوَانَهُمْ أَوْ عَشِيرَتَهُمْ أُوْلَئِكَ كَتَبَ فِي قُلُوبِهِمُ الْإِيمَانَ وَأَيَّدَهُم بِرُوحٍ مِّنْهُ وَيُدْخِلُهُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا عَنْهُ أُوْلَئِكَ حِزْبُ اللَّهِ أَلَا إِنَّ حِزْبَ اللَّهِ هُمُ الْمُفْلِحُونَ (58:22) Suurtagal mah, waa wax aan dhici karin, in qowm rumeeyay illaahey iyo maalinta aakhiro, in eey jeclaadan qof xuduuda illaahey gooyay, haba ahaaden aabayaashooda , wiilashooda, ....illa akhiri aayah. Adigu hadaad oga shahay in lagugu xukumo shareecada islaamka, maxa kaa khuseeya qofka xukumo, mise sidii yahuuda eey nabi Maxamad carabnimadiisa ku diideen baad qof muslim ah ku diidi nasabnimadiisa?
  2. Illaahayo gaalada lugteey qaadan ba dhulka lagoo, dadkaas meeshas kulunsana xaqqa tus. Allahum ameen.
  3. Asc/wr/wb Walaal anigu waxaan kugu la talin lahaa, in aadan sidaas u hadlin. somaliland dadka madaxda ah, iyo kuwo kula tartamaba wax diin ah ooy lasoo socdaan ma jirto. Dacwada iyo dadaalka eey gaaladu ka wada gobolkaas, ka ma jirto gobolada kale ee soomalia. Qofkii aanan u araq qaalo-allah iyo qaala-rasuul mabda'n wax lagu xukumo, muslim ma ahan ee illaahey ha laga cabsado. Wsc/Wr/Wb
  4. Very eloquently put, but let me tell you. If yesterday the Islamic groups had listened to you when you said (ma bambooyin xero lagu tuura wax xoreyn) maanta meesha eey joogan ma aysan gaari lahayn. You were always a doubter from the beginning. Now they have reached a point of no return, not because they put down their weapons, but they showed perseverance and patience and have put forth a lot of sacrifice. Does it make sense to you, that some leaders sleep in the vicinity of the air bases whose airplanes have killed so many commanders? Who has put more sacrifice into this struggle the ones who have paid their lives with it, or the ones meeting in foreign countries? Yesterday you spoke of peace and end to armed conflict, if we had listened to you, wixii shaley tigreega ku dhacay ku ma dhici lahayn, and that is an undeniable fact. And if today if they listen to you, all their hard earned success would go down the drain as the Ethiopians would re-group and re-organize. Have you seen how confused they have become, they leave one city to be ambushed, comeback and then ambushed again. Today you cheer for UN troops to arrive, but weren't the UN sponsored troops yesterday shelling Somali neighborhoods, killing civilians. gaal cad, ma gaal madow buu ka naxariis badanyahay. If there is a lesson to be learned, it would be how the folks in guriceel dealt the tigree contingent that was send to their hometown.
  5. Yemen sow maaheyn halkii markii hore laga marin habaabiyay hogaanada Maxaakimta Islaamka?maantanaa marti bay u yihiin si ay u dhex dhexaadiso!!! Talaado 28 Jamaadul-akhir 1429 =01/07/2008 -------------------------------------------------------------------------------- Warbaahinta gudaha iyo mida dibadda ayaa hadal haysa socdaallo ay hogaamiyeyaashii Midowga Maxaakimta Islaamka ku tageen dalka Yemen ee uu ka taliyo Daaquut Cali Cabdalla Saalix,si halkaasi iyana loogu dhex dhexaadiyo kadib markii hanqal taaggoodii siyaasadeed ee ku saleysnaa adduunyada liidata uu iska hor keenay. Lama oga wax sharci ah oo ay isku khilaafeen kuwii horboodayay maamulkii Maxaakimta Islaamka ee loo dhamaa,balse waxaa cad shayga ugu hooseeya ee ay isku qabteen in uu yahay baadilka cad oo ay ku koombeeynayeen Asmara kadibna loo soo raray Jabuuti,lugna beec geeyay Nairobi,Doxa,Qahira iyo caasimo badan oo Carbeed. Shalay Markii raayada Islaamka ay kor u hayeen kuna sugnaayeen caasimadda Umadda Somaliyeed dalkana ku hogaaminayeen diinta, ma jirin cid dooneysay,Itoobiya markii lagu soo dalbadayna Ameerikaanku inoogama harin xitaa inagoo jabnay ee bambooyinkiisi sunta ah ayuu nagu duqeeyay,kuna baab'iyay qaarkeen. Maantase maxaa is badalay?oo cadowgii shalay ka dhigay saaxiib?,walaalihii shalayna ka dhigay kuwa la iska fogeeyo dadka intiisa kalena laga takooro?qof waliba oo caqli leh taasi wuu iska fahmi karaa. Intaasi kadib waxaa ay ka qeyb qaadanayaan shirqoolo aad u waaweyn oo cadowga Allaah maleegayo si dagaalka waji kale loogu dhigo,halganka mujaahidinta loo xado laguna badasho magac ama kursi hadiiba lagu gaarayo. Wararka ugu danbeeya ayaa sheegaya in lagu shirinayo kooxahasi dalka Yemen oo maantaba ay gaareen xubno fara badan,sax waayay,khilaafkooda maahan khilaaf diimeed ama mid danta Umadda ku jirto si Ahlu Cilmiga Somaliyeed iyo waxgaradka ay u xalliyaan,laakin khilaafkoodu waxba kama duwana kuwii u dhexeyn jiray hogaamiye kooxeedyadii is jiid jiidi jiray ee shacabeenku hore kaga so daalay,sida kuwani oo kale ayaa marba dal uun gogol loogu fidin jiray,markaasna lagama dooneyn in tooda meel martee ninka gogosha u dhigayana dantiisa ayuu ku qabsan jiray. Dawladda Yemen oo dowr liita ka cayaareysa luminta wadada ayaa hore ugu guuleysatay in ay ku kulansiiso dhulkeeda Shariif Axmed iyo gaal Tigree ah oo masuul lagu sheegay,waa sida uu xaqiijiyay ninka ku xiga Shariif ee Zakariye Xaaji loo yaqaano,markaasina ay ka wada hadleen mustaqbalka Somaliya hadiiba warkaasi uu sax yahay. Maantana waxaa ku biiray safkaasi dad cusub oo uu kamid yahay Sheekh Max'ud Ibraahim Suuley oo dalka Jabuuti u gaaray sidii uu u badbaadin lahaa saaxiibadiisii isdiiday,uuna u xoojin lahaa damacyada waxa loogu yeero beesha caalamka ay ka leedahay Somaliya oo ay usoo marayaan Sharif Axmed,laakin heyhaati ay ka tahay inta dad run qaba ay dalka joogaan. Warar qarsoodi ah ayaa tilmaamaya marka iyaga lagu heshiisiiyo Yemen hadane lala kulansiinayo hogaanada Tigreeda ee ciidankooda si ay kala baxaan Somaliya la' kadib markii gacmaha dhalinyarada Mujaahidintu lagu gumaaday,marka lala kulansiiyo Tigreeda ayay ku heshiin doonaan in meesha laga saaro khatartii Itoobiya markii horeba ay ka qabtay dalkeena sababteedana ay ugu soo duushay Somaliya,taasi oo ah ku dhaqmidda Sharecada Islaamka,iyo in la helo maamul wax ku mareeya diinta Allaah uu raaliga ka yahay,way u fasaxnaan doonaan maamulka ay doonaan in ay ka dhisaan Somaliya balse aan lasoo qaadin mid Islaami ah oo shareecada xakumaya. Haddii dadka qaar ay wali rumeysan yihin wax lagu beecinayo Jabuuti iyo Asmara in ay wado u tahay Allaah oo la raali galiyo sharcigiisana la xakumo,maba dhacdeen gaalada Aduunka in loo hiil weydiisto lana amaano in ay gacan ka geysanayaan rabitaanadaasi!!! Sidee gaal gacan kaga geystaa oogidda Shareecadii Nabi Mux'ed SCW,oo taageerid iska daaye dagaal adin iyo af ay kula jiraan,Quraankeenuna inoo sheegay?!!! Mar waliba oo guushu ay dhawaato gaaladuna way sii laba laabayaan shirqooladooda,shalay haday gaaladu dooneen in ay nagu soo galaan iyago soo maraya Bashiir Raage iyo C/Qeybdiid iyo kooxdoodii maanta iyagoo isla wadadii ku socdo ayay inoo soo marayaan wadaad xumayaasha diintoodii iyo shacabkoodii khiyaameeyay. Sidaasi darteed shacabkeena Muslimka ah ee halgamaya,kooda xabadda cadowga hortaagan,kooda taageeraya Jihaadka,kooda fekerka iyo maskaxda dagaalka bixinaya,kooda hantida u huraya difaaca diinta,kooda guryihii laga barakiciyay ee daadsan meelaha banaanka ah,iyo dhamaan qeybaha shacabkeena waxaanu kaga digeynaa in ay u sacab tumaan khiyaanada lagu hayo Allaah iyo rasuulkiisa ee sida cad loo maleegayo??Ciddii iyadoo og ku dhiirata arrinkaasina Allaah waxba ugama baahna mana weynayo cid diintiisa u gargaarta. Allow adigaa xaaladaha bad badalee xaalkeena ku hag sida aad raaliga ka tahay,Allow howsheena khaatumadeeda wanaaji,Allow naga dhig kuwa hadalkaada maqla,yeela,qaata,una fuliya sida aad raaliga ka tahay,Allow diintaada waad aragtaa in la gacan bidxeeyay ee qof waliba shaarkiisa ka dhowrtay,Allow inaga iyo shacabkena ayaa qabsaneynee nagu taageer oo nagu xooji,Allow waad aragtaa gaalo adduun waxa jooga qiimaha loo yeelay,Allow anagu kuma jirna kuwaasee noo gargaar,Allow aaway nasrigii aad ballan qaaday?Allow aaway nasrigii aad ballan qaaday?Allow hooji oo Umadda ku fadeexee ciddii khiyaantay diintaada iyo dhiigi Shuhadada,Allow agtaada ayaysan ka jirin siyaasad iyo aftahinimo baadil lagu suurad wanaajiyee ciddii diintaada khiyaameysay ee lug goyneysa Mujaahidinta ka aarso ee kaso muuji mucjizooyinkaada,Allow naga kaafi sharta cadowgaada iyo cadowgeena,Allow gaalada dalkeena kusoo duushay jabi,Allow ciidankaada ku halaaji,Allow u gargaara Mustadcafiinta Muslimiinta meel waliba oo ay joogaan,Allow Umadeena Somaliyeed ka qaad abaaraha iyo dhibaatada heysata,Allow usoo daji kheyr iyo baraare iyo in ay fahmaan diintaada iyo difaacisteeda,Wa Aakhiru Dacwana Anila Xamdulilaah Rabbil Caalamiin.
  6. Axamaraadi ka baxdey beledwayn oo balayaa ku qabsatay degmada guriceel dagaal ka qarxey daafaha iyo gudaha magaaldada War deg deg ah: Dagaal culus oo hadda ka socda magaalada Guri ceel oo u dhexeeya Mujaahidiinta Al-shabaab iyo Tigreegii maanta tagay Sabti 25 Jamaadul-akhir 1429 =28/06/2008 -------------------------------------------------------------------------------- Hadda oo saacaddu ay tahay 10:10 habeenimo waxa magaalada Guri ceel ka socda dagaal culus oo Mujaahidiinta Al-shabaab ku qaadeen Tigreegii maanta gaaray halkaas. Ciidamadan gaalada oo kasoo kicitima magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa maanta soo gaaray magaalada Guri Ceel oo ah magaalo Mujaahidiintu ku xoogbadanyihiin. Warka hadda naga soo gaaraya dhinaca Mujaahidiinta ayaa xaqiijinaya in dagaalku si xowli ah ku socdo, la iskuna adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, sidaa darteed wali lama heli karo faahfaahinta dagaalka. Waa markii labaad ee ay gaaladu gaaraan magaalada guri ceel, inkasta oo aanay markii hore waxa dagaal ah kala kulmin gudaha magaalada. Wixii warar ah ee naga soo gaara caawa dagaalka Guri ceel insha'allaahu waan idiin soo gudbin doonaa. source: kataaib.net
  7. Shiikh C/raxiim Muudey oo sheegay in xilalkii laga qaaday Sheekh Shariif iyo Xasan Daahir Aweys (guji-riix) SMC/Muqdisho/27-June-2008 Halka ka dhageyso http://www.somaliweyn.org/Audio/Mudey.ram
  8. · Min dalaysan doocaan irmaan, deero labankeeda · Darmo iyo furaash la isu dhigay, daalan iyo googgo’ · Anigoo waxaan doono iyo, darajaday haysta · Dingaraaradii nagu dhacdiyo, diiftii nala taartay · Dayuurado gaawan iyo wixii, nala dul gawriirshay · Waagii dillaacaba wixii, naga dul meeraayey · Inkastoonu qaar daadinoo, deli ka tuuryeynay · War deexdii baddii Daalo iyo, dalalyadii xeebta · Dulkii aanu joognaba wixii, nagu duqaynaayey · Dumbuq summuca degalkaan ka kacay, dahab wixii jiifay · Dallaadii bannaanayd wixii, dad iyo maal joogay · Dagal jabay wixii daar burburay, ama bakaar duugmay · Duurka iyo hawdkii wixii, duunyo lagu dhaafay · Lo durdura wixii nalaga dhacay, dalawidii geela · Adhi daad masaalkii ah wixii, nalaga sii daayey · Nin dooriyo wixii sheikh la dilay, culumadii diinka · Wixii duubcaddii ay wadhnayd, Bixin duleedkeeda · Dooxada Garoowe ah wuxuu haadku, dul u faagay · Dirirtii Nugaaleed wixii, nalagu dooxaayey · Wixii diricyadaydii kufrigu, daabaca u qaaday · Duqow iyo dhallaan iyo waxaan, dumar na loo reebin · Maxajabad ****ollayd wuxuu, gaal dukhuulaayey · War caadhkii dahaadhnaa wuxuu, dubuq ku siinaayey[1] · Gabdhahay dillaacsheen wuxuu, dhiigu dibiq leeyey · Dan la’aan waxay nagu faleen, darab nijaaskeedku · Dubuhii ikhwaankii ku dhacay, dacatigii gaadhay · Dariiqii Rasuulkiyo wixii, diinta laga jiitay · Dabradii waraabe iyo furuq waxa, dadkii xaaqay · Iimey degteedii waxay, duumo nagu laysay · U duuflaalideedii waxaan, Doollo uga guuray · Daltabyeysigii nagu dhecee, duufka na cunsiiyey · Dacluulka iyo ciilkii waxaan, dibinta ruugaayey · Dulinkii kaneecada waxaan, duudka ka cadhownay · Dusha Go’ane waxa awgayow, nala dubaaqyeeyey · Daandaansigii nagu qabsaday, webiga diishiisa · Durqunkii Warneefkii qabsaday, dibidii noo joogtay · Diihaal wixii uu na baday, daafi cunidiisa · Dabaley Caruusaad waxaan, deris xigaal moodnay · Durufley Amxaaraad waxay, nagu dinaahyeysay · Dullihii shareeraa wixii, daal na caga gooyey · Iyo duni wixii nagaga lumay, dararkii Ceeldheero · Dul-ku-neefle kaan soo ag maro, duullaan ka hor geyska · Dubbayaal wixii nagu dhacee, na lagu daaduunshay · Annagu diidi maynoo wadkaa, Daayin noo qoraye · Ninkii dunida loo deynayaa, haygu diirsado e · In kastoo daleel nala dhigoo, docna nagu cayman · Mar haddaan cid laga daynahayn, mowdka damaqdiisa · Ragga haatan soo diganhayow, dan iyo xeeshaada · Dacwaddaasi waa midaan niyada, samir ku diimeeyey · Waa mid damisay cadhaduu qalbigu, ila dikaamaayey · Dabuub kalena waa hadal yaroon, diirka ka caddeeyey · War ******* Ismaaciil ma oga, dooxa loo qodiye · Waa niman dufooboon arkayn, deyr in loo dhigiye · Waa wada damiin aan kasayn, daalinka hoosyaale · Waa niman Illaahay dadoo, doorshay oo hodoye · Waa niman ****olmoo qalbiga, daabac kaga yaale · Dib wixii u dhici waa waxaan, dooc ka garanayne · Doqonimo darteed waa wixii, iigu diirsadaye · Waa wixii dabaaldegay anuu, gaal isoo dilaye · Waa wixii durbaansanahayeen ii, dub nixi hayne · Xadhkaheer u daadsane misana, ciidda lagu duugay · Oo doora weynow kufrigu, dul uga saynsaabay · Markaan dunida dhaafaa walee, lagu dabaayaaye · Igu diima aa ama dafarid, igula doodaaba · Wuxuu gaalku daayaaba waa, dayrtan maanta ahe · Maxay igaga digan saadambuu, siin lasoo degiye · Afartaa intaan deel ku dhigay, dow ma qabadsiiyey · War deelqaafku waa ba’anyahee, daacad ma u sheegay · Dacwad kalena Soomaali waa, hal aan dareensiiyey · Gaalada dirayska leh anaan, daabadda u qabane · Anaa diiday dagal inaan la galo, daalin ii colehe · Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora weynaha e · Anaa diiday nabadiisa aan, daacad noqonayne · Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale · Dahabkii uu waday waanigii, daadiyee qubaye · Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye · Durdurada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye · Anaan labada ******* tan hore, darajo moodaynin · Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye · Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis galine · Sida doxorka ****** anaan, duud xamaal noqone · Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine · Anigaan dillaalkiyo arliga, duubigaw xidhane · Anigaan dariiqada Alliyo, diinta cassiyine · Daliilkii rasuulkii anaa, doonayoo helaye · Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqii naareede · Anaan labada ******* tan hore, darajo moodayne · Markay duusho gaaladu anaan, daabbaddu rarine · Goortay dareeraan anaan, diiradda u qabane · Dadow maqal dabuubtaan ku idhi, ama dan haw yeelan · Dunjigiinba waataad kufriga, daba ordayseene · Waataad iigu daranteen markaan, diiday oo nacaye · War waatow digayseen markaan, duulan soo waco e · Waataad colaadii dorraad, iigu daranteene · Markaan diirtay waataad dushiyo, doc iga boobteene · Waataad markii aan dafaray, daaha galiseene · Waataad dushiina u rarteen, duq iyo waayeele · Waatowla daristeen sidii, duul walaalo ahe · Markaan didiyey waataad warmaha, igula duusheene · Gortaan digniintiyo ergada, idinka deyn waayey · Waataad damiin igu qirteen, dawriyoo falane · Dikriga iyo eedaanka waataad, ka durugteene · Waataad inuu dawlad yahay, dood ku bixiseene · Dibnihiina waataad inuu, dego ka sheegteene · Waa taad dariiqyada barteen, noo dadnaan jiraye · Goortuu dantiisii helee, idin dubaaqeeyey · Waataad dacluuskii Berbera, ula dawaafteene · Diihaalka waataad Hindiga, daal ka barideene · Dagaagiina waatii xeryaha, deyran loo dhigaye · Waatuu dareersaday fircoon, diracyadiiniiye · Waatuu diyaar ugu laqimay, diinta gaalada e · Damac beena weeyaan waxaad, nagu dilayseene · Waa waxaad dariiqii sharciga, uga dullaanteene · Dawgii Rasuulkiina waad, dabamartayseene · Nin dardaran iblayskii dafaa, dow ka raaridaye · Dallacaad jaceylbaad kurtiin, noola dirirteene · Dubaaqii waxaa idinka galay, daaro buuxsade e · Dawo kama heshaan faranji aad, daawo dhigataane · Dabinbuu idiin qoolayaa, waydin dagayaaye · Dirhamkuu idiin qubahayaad, dib u go’aysaane · Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey · Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye · Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne · Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon waa mooge · Denbi weeye Kufriga, aad u dabcaysaane · Marka horre dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye · Mugga xiga dushuu idinka rari, sida dameeraha e · Mugga xiga dalkuu idinku odhan, duunyo dhaafsada e · Mugga xigana daabaqadda wuu, idin dareensiine · Dunjigeeda Soomaalibaan, deyrka ka ahaaye · Dhaaxaan Daraawiishta idhi, doonta gaalada e · Dhaaxay asgaro uu dalbaday, dabada taageene · Dhaaxaan dabkii iyo la hadhay, duunyaduu wadaye · Dhaaxaan intaan janano dilay, soo dabaaldageye · Dhaaxaan dekado uu camiray, dumiyoo rogaye · Ninkiisa dirirta geya maalinbay, dunidu ciishaaye · Maantaan dabaaldegga iyo, darajo eegaayey · Ragga haatan igu diimayow, duxi ha kaa raacdo
  9. Originally posted by Brofessor_Geeljire: ^^Well, dad ba aminsan that only dagaal( fi-sabililah) is the solution to Islam and the Ummah's problems. No politics, No diplomacy, iyo International Community iyo waxaas. They say it's case of Badr( a divine victory coming with sacrifice);Quraish versus mumineen. According to this group, those who who engage in diplomacy, negotiation and elections have sold out( left the caravan of Jihad)! They say these are all kufar-pleasing tactics. These groups wants to destroy all secular regimes(cilmaniin) and create a global Caliphate. If millions are uprooted from their homes, infrastructure is destroyed, and Muslims don't have the capabilities, then simply put: waa in la sabra! This position is pretty much summed by the young Mujahideen Movement in Somalia! It's pretty much Black and White! These groups certainly do have alot of balls, mind you. A second group believe a combination of dagaal, politics and diplomacy is the solution. This includes compromises such as sharing power with Secular entities, Participating in elections, negotiating treaties with enemies, whilst always keeping arms as an open option. Examples of this include Hamas, Hezbollah, etc. These groups are more concerned with creating/serving local needs as opposed to fighting or struggling for any Pan-Islamic-cause! They would distance themselves from being associated with Internationalist-Pan Islamic groups( wanting to create a caliphate or topple neighbouring governments)! The first group would accuse this group of going too far down the Nationalist-Line! They would accuse the first group of being over-ambitious and ignoring the current status/strength of the Ummah( weak and divided). The last group believes that there should be no violence/call to arms at all( in Secular-Muslim Countries at least), as this would cause a greater Fitna. They say Muslims should work through a slow process of dawah, gaining knowledge and mustering up ones capabilities( sida Ilahay Quranka ku sheegay). We can say the Muslim Brotherhood sums up that position in Egypt and other states. They have taken a path from militancy and being inspired by Qutb to participating in democratic elections. The first group would accuse this group of selling out the most and living the caravan! We can say this group is more suited to peaceful states. I'm very much over-simplifying things here, but that's what some of the Islamic Movements, aduunka isku haystaan (and ku kale jabeen)! In the first instance they all start with the same motives, then diverge, quarrel, and thus take different roads. I would say the Somali Islamists aren't that complicated( their simplicity might have been a cause of their success) nor do they have the same level of intellectuals that other movements(such as Turabi's) had, but waxay hada isku af-garan- waayeen, it's the same as wixi ku hori isku qabsadeen, namely: dagaal only, dagaal and diplomacy or diplomacy only? Marka, waxaan ku leeyahay: it's not really a matter of people selling out or being like Turabi;it's more case of different interpretations/routes to the correct path ahead. Ya Saxsan( every man wil say I am)? ma fahantay, walaal? mise, Am i talking jibberish? Waan ku fahmay, laakin mid aan kalo saarno. There is no group out there that thinks of only fighting, and death. Kuwa hada aad soo hadal qaadey ee dhalinyarada ah, waa kuwa iskaa daayay mamuladii ka jiray gedo, bay/bakool, because they believe their fight is with the ethiopians. marka qolo diplomacy iyo wada hadal la'aan ku socota ma jirto. The question is, the groups that have taken the diplomatic route, and have given up arms struggle, what exactly have they ahieved? The brotherhood for example, will boast of having members in parliaments across the muslim world, but there is nothing substantial that they have achieved, other than legitimizing the regimes they were fighting. They have also begin to open channels with western govts. The ones who have taken arms struggle, argue they have done so because wether you use diplomacy or not, the kaafirs will never accept you as an independent entity. A clear example is the case with hamas, when they took part in the elections and won, they were still call terrorist, and were harrased even further.
  10. What do you mean when you say the debate about different paths to islamic movement? What do-or-die are you talking about?
  11. some people treat his legacy as just history, while others see at as a lesson to be learned.
  12. Turaabiga Soomaaliya, Sheekh Shariif C/Waaxid C/hi Khaliif London, UK cabdulwaxid@hotmail.com -------------------------------------------------------------------------------- Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. Xasan At-Turaabi wuxuu mar ahaa ninka ugu magac dheer Suudaan looguna taageero badanyahay. Sida sheekh Shariif u ahaa guddoomiyaha fulinta ururkii Maxkamadaha ayaa Turaabi ahaa hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee Ummadda (Suudaan). Waxaa Turaabi loo doortay wasiirka caddaaladda. Markuu Suudaan ka dhacay cinqilaabkii uu horkacayey Cumar Al-Bashiirka hadda madaxweynaha ah 1989 ayaa sumcadda Turaabi cirka sii gashay – maxaa yeelay markaas labada nin waxay ahaayeen saaxiibbo isku koox ka soo jeeda. Turaabi waxaa loo doortay inuu ku biiro golihii ummadda oo u dhigmay barlamaan 1996 wuxuuna ahaa u hadlaha golahaas (sidii guddoomiye baarlamaan). Cadaadiska iyo Xil-ka-xayuubintu waxey muujiyaan sawirka saxda ah ee qofka Waxaa cunaqabateyn la saaray Suudaan sida iyagoo lagu eedeeyey argagixiso iyo kasoo-horjeedka danta reer Galbeedka. Waxaa kaloo lagu heystay iney ka dambeeyeen isku-deygii dilka Xusni Mubaarak. Markaas kaddib ayaa hogaamiyaha Suudaan bilaabay inuu iska fogeeyo Turaabi. Sidoo kale markii maxkamadihii Shariifku guddoomiyaha ka ahaa laga awood batay wuxuu la soo baxay sheeko kale oon gadaal ku arki doonno. Saaxibadiisii kale ee wada kacdoonka Soomaaliya markay xoog badnaayeen iyo hadda oo la joogo waxba iskama bedelin mowqifkooda. Turaabigii calanwadeyn jiray waxaa xabsiga dhigay ninkii saaxibkiisa ahaa, Al-Bashiir sanadkii 2004-tii. Sheekh Shariif ogaanteen waxaa xabsiga dhigay Kenya markuu u adkeysanwaayey keymaha iyo dhoobeydii. Intuu xirnaa waxaa la showray CIA iyo xubno ka socda safaaradda Maraykanka ee Kenya. Turaabi wuxuu la soo shirtagay fikrad ah in Islaamka la hormarinkaro! Wuxuu fikraddiisa sal uga dhigay sheeko ay caan ku ahaayeen qaar ka mid ah ururka Ikhwaanka oo ah: xoreynta haweenta muslimka ah. Cilmaaniyiintuna waa qabtaa arrintaas. Iska daa ka hadalka dhaxalka iyo jagada dumarku qabankaraane, Turaabi wuxuu aaminsanyahay haddii haweyneyda Maraykanka ah ee Jendayi Frazer soo muslimto iney labada Shariif iyo Soomaalidaba imaam salaadeed ugu noqon karto masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee Muqdisho ku yaal! Micnuhu waa hadday muslimto oo iyagoo la shiraya waqtigii salaaddu soo gesho wey tujin kartaa iyaga! Turaabi wuxuu aaminsanyahay in la mideynkaro Sunniga iyo Shiicada. In heesaha iyo fanka la waafajiyo diinta Islaamka. Iyo in xuquuqda Islaamku siiyey dumarka kor loo qaado! Waxay la tahay in Ilaah iyo Rasuulkiisu (SCW) hagradeen dumarka! Ogoow waa Islaamka uu nabigu (SCW) lahaa jannadu waxay ku jirtaa hoosta lugaha hooyada. Waa Islaamka leh: hooyadaa ka horreysa aabbaha. Sheekh Shariif saaxibadiis qaar baa aaminsan iney ka dookh fiican yihiin nabiga (SCW) hadduuba isu quuray inuu guursado gabar 9 sano jirta! Jaahilkaasi wuxuu meesha ka saaray iney Caa’isho oo 9 sano jirta kheyr lala maagay. Been maaha iney da’ yarayd laakiin Ilaah baa u doortay iney ku barbaarto oo afo ka noqoto gurigii ugu fiicnaa adduunka. Yaa arkey qof dumar ah oo heysata xiriirkii iyo ciyaartii ay Caa’isha (RC) ku heysatay nabiga (SCW)? Soow hooyadeen Caa’isha maaha qofkii nabiga (SCW) ka dalbeysay inuu la daawado tabobar iyo ciyaar ay qolyo muslimiin ahi ku dhexsameynayeen masaajidka dabadeedna inta nabigu (SCW) irrida masjidka ee gurooga hortooda istaagay buu yiri garkaaga soo saaro garabkeyga dabadeedna daawo. Yaraantaas baa keentay in loo tabobaro caado aysan Carabtu horay u aqoon oo ah si fiican ula-dhaqanka xaaska. Yaa maqlay Caa’isha (RC) oo murugeysan markey arooska ahayd? Maalmo kaddib? Bilo kaddib? Sanado kaddib? Dhimashiii nabiga kaddib? Xitaa intey yarayd oo ay arooska ahayd waxay sii wadatay xoriyad ka sii badan tey ku heysatay guriga aabbaheed. Waxay guriga nabiga (SCW) keeni jirtay gabdho. Laanta waxaa la toosin karaa markey curdan tahay. Ilaah baa Xaakim ah laakiin waxaan fahmayaa in yaraantu faa’iidadaas lahayd. Marka Caa’isha waxaa lagu barbaariyey mucaasharada toosan ee saxda ah. Halka lammaane badan oo Yurub u dhashay oo markey bannaanka joogaana isu qosla laakiin markay khamri cabbaan nimanku xaasaskooda dilaan. Xitaa reer Galbeedka, lammaanayaashii si fiican isu dhaqda waxay arrintaas kaga daydeen nabi Muxamed (SCW) ileyn nabi Ciise (CS) kumeynaan maqal guure. Sheekh Shariifkii shalay lahaa waxaan diyaar u ahay inaan ummadda Soomaaliyeed ugu shaqeeyo diintooda ayaa hadda leh waxaan isu keenayaa Bush iyo muslimiinta! Wuxuu rabaa inuu wax la qeybsado Ashahaado-la-dirir sida korneylka, Cabdi Qeybdiid iyo Maxamed-dheere (sheekadii Turaabi ee Sunni iyo Shiico). Waxaad moodda inuu leeyahay waqtigan oo kale markii la joogo xalka lagama raadsho Islaamka ee waa in la aqbalo sheekada Bush iyo Golaha Ammaanka oo isla Bush horboodo. Sheekhu Tusaalihii uu usoo qaatay heshiiskii Xudeybiya oo intuusan BBC-da ka oran aan maqaal ugu digay in dad badan oo khiyaamo raba ay tusaale usoo qaataan heshiiskaas. Bal aan wax ka iftiimiyo: Xagee Xudeybiya ku taal? Waa Makah duleedkeeda. Nabiga (SCW) waxaa markaas saldhig u ahaa Madiina mana xukumin Makah. Marka nabiga (SCW) iyo saxaabadu iyagaa cibaado raadsanayey ee cidna ma soo weerarin lamana qabsan. Tusaalihiisu wuxuu sax noqon karaa innagoo rabna inaan Jigjiga iyo Diridhaba qabsanno ama galno oo la yiri intaad dagaali lahaydeen joojiya oo sanado kaddib baad si nabad ah ula wareegi doontaan. Markii dagaalkii dhufeyska/Axzaab Madiina la soo weeraray ayaa nabigu (SCW) u turay Ansaar oo wuxuu yiri huwanta Qureysh la socota qaar aan timir siinno si ay dagaalka uga baxaan. Sacad Binu Mucaad (RC) baa yiri nabi Allow ma Waxyi baa mise waa talo? Nabigu (SCW) wuxuu yiri: waa talo. Sacad wuxuu yiri: markaan gaalada ahaynba baad maanu bixin jirin oo waa naga iibsan jireen timirta marka annagoo hadda muslim ah ma bixineyno baad. Ummad la hareereeyey baa diiday iney xoogaa timir ah bixiyaan iska daa iney mabda’ooda Islaamka ah ka tanaasulaan ama cadow kale u yeertaane. Nasiibdarro dad muslim sheeganaya baa timir la siinayaa si waddankooda loo gumeysto, muslimiintana loo laayo. Nabiga (SCW) iyo saxaabada (RC) waajib kuma ahayn aadidda Kacbada markaas keliya waxay u socdeen Cumro aan markaas waajib ahayn. Waxay ogaayeen iyadoon cidna loo diidin Kacbada. Waxay ogaayeen in qofku xitaa uusan Xaramka kula dagaalin qofkii aabbihiis dilay. Marna muslimiintu isma oran iyagoo qaarkood ka yimid Makah baa loo diididoonaa Guriga Ilaahay. Marka halkaas waxaa ku ceeboobay Qureysh oo muslimiinta ula soo baxay ged aysan horay u aqoon. Waa taas midda keenta in reer Galbeedku ka hadlaan caddaalad iyo wanaag laakiin haddii koox muslimiin ahi wanaagaas keento waa isla iyaga kuwa la dagaala! Xitaa qoddobkii ay muslimiintu ka cabaneysay ee ahaa qofkii naga soo muslima noo soo cesha ma hirgelin oo qofkii soo muslima Madiina ma soo aadijirine wuxuu aadi jiray meel dhexe markaasu Qureysh iyo safarkeeda la dagaali jiray ilaa Qureyshi tiraahdo: wixii naga soo muslima ha kuu yimaadeen ee naga celi yeysan jidka noo galine. Marka Shariifku ha sheego meeshay ku taal iyadoo waddan muslim la heysto in tusaale loo soo qaato heshiiskii Xudeybiya? Wixii lalahaa hanaga joogeen Xudeybiya waxay ahaayeen muslimiinta. Marka sheekhoow mas’aladaas ku noqo. Marka heshiishkii Xudeybiya ma tusinayo in muslimiintu ay wax ka badeleen manhajkooda. Heshiishkaas waxaa ceeb iyo guuldarro ka raacday Qureysh. Halka sheekh Shariif leeyahay ciidamadii UN-ka ah ee la ogaa waxay ka sameeyeen meelo u dhow meesha Shariifku kasoo jeedo – Jowhar! Maxaa laga sheegay kuwii la geeyey Baladweyne? Kuwii ciyaalka dabka korkiisa ku soloyey ee Kismaayo joogay? Kuwii kumaankunka qof ku laayey Xamar? Ciidamadii UN-ka ee Holland u dhashay ee muslimiintii Bosnia hoosaasiyey waatii iyagoo indhahoodu shan yihiin ay Serbia hoostooda kala baxeen. Kuwaan Ugaandha iyo Burundi u dhashay mey ka ceshaan shacabka Soomaaliyeed Tigreega? Mise sheekhu wuxuu leeyahay kuwa cad baa naxariis badan? Oo Holland miyeysan caddaan ahayn ileyn caddaankii kale ee u dhashay Bosnia difaaci waayee? Xitaa haddii la keeno ciidamo UN ka socda; Zenawi markuu rabuu soo galayaa Soomaaliya haddii aan la xanuujin oon xoog looga saarin. Marka Shariifku wuxuu rabaa in kacdoonka shacabka laga dhigo sacabooley. Dadka waddada Turaabi raaca waxaa u dambeeya ceeb iyo sumcad darro. Waxaa Ilaahay ****dhigay iney khalad ka raadshaan Islaamka. Intaas oo xaddiis bey diideen. Xaddiisyo saxiix ah bey diideen markay caqligooda isticmaaleen. Waxaa ka mid ah haddii diqsi ku dhaco cabbitaan maxaa la sameyn. Turaabigii ku doodi jiray diinta Islaam hadda wuxuu la ururyahay kuwo xitaa aan muslim ahayn isagoo cimrigiisa ku soo khatimay inuu u khidmeeyo Dimuqraadiyad ka dhalata Suudaan. Sidii horay loo yiri soow Shariifka ma ahan ninkii qorigu deegta u saarnaa meel Baydhabo u dhow? Meeday Shareecadaad ka hadli jirtay? Dhowr beri ka hor waxay Nairobi ka lahaayeen waxaan wax ka sugeynaa Golaha Ammaanka/Bush halka muqaamadu leeyihiin Ilaahay bey xal ka sugayaan. Marka see loo simi dad noocaas ah. Shaki iigama jiro haddii Bush iyo Golaha Ammaanku Turaabi usoo wakiishaan arrimaha Soomaaliya in la arki lahaa dad badan oo Kenya, Yurub iyo Ameerika jooga oo soo dhoweynaya. Ka warran boqollaalkii Shariifka ugu tagay hoolka Hilton? Kuwii ergeyga gaarka ee wakiilka Qaramada Midoobay ugu tagay London? Waa dhici kartaa in Axmed Cabdallah uu daacad ka yahay laakiin su’aashu waxay tahay yaa soo diray? Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Yaa doortay xoghayaha? Bush. Yaa Zenawi ku fasaxay Soomaaliya? Bush. Waagii hore Maraykanku hal mar ma wada isticmaalijirin usha iyo karootada. Sheekha saaxibadiis waxaa laga ugaaranayaa keymaha isaguna huteelo buu ku raaxeysanayaa saasooy tahay waxay la tahay inaysan jirin cid uga dadaal badan qayidda Soomaaliya! Qolyaha Casmara laftoodu wey ku khaldanyihiin in ay Xuseen Caydiidka sanka dadka ka geliyaan. Sheekh Xasan Daahir waxba kama sheegi karo sheekh Shariif haddiiba uu u arko Xuseen Caydiid halgame. Teeda kale waxaan kula talinlahaa ineysan khiyaamo dambe gelin oo aysan wax la mid ah Xuseen Caydiid u magacaabin jago. Haddii kale berri buu isagoo guddoomiye sheeganaya magaciinna la geli doonaa waddan kale. Hadduu rabo dib buu Zenawi ugu noqon. Hal xaaraan ahi ma dhasho nirig xalaal ah. Haddii khiyaamo la geeyo Xaramka ma noqoneyso wax fiican. Soow Cali Mahdi iyo boqollaal odey lama geyn Sacuudiga bilo ka hor? Maxaa ka soo baxay? Marka haddii labada Shariif iyo Nuur-cadde tagaan Xaramka ama Sacuudiga maxaa iska bedelaya? Ilaah baa mahad leh oo Gabre ma tagi karo Makah sabab cad owgeed. Ogoow haddii Bush ku guuldarreyso inuu Gabre geeyo Xaramka wuxuu si dadban u geynaa ergeyga Axmed ileyn isagu waa muslime! Haddii ergey Axmed oo keligiis ah ama waddankiisa ka socdo uu arrimaha Soomaaliya ka hadlilahaa dhib uma arkeen ciddii u tagta laakiin mar hadduu si dadban uga socdo Bush micno ma leh wixii meeshaas ka soo baxa. Marka Turaabigii la ogaa ee adduunkoo dhan ka cabaaday (waxay u qabeen muslim daacad ah) wakaas maanta ku hadlaya wax aan soo marikarin afka Bush! Sidoo kale sheekada sheekh Shariif waxaa la yaabban dad badan oo reer Galbeed ah oo leh: oo ninku cidna ma xukumee maxuu la shirtagayaa? Marka sheekhu wuxuu jantay inuu ku noqdo meeshuu ka soo bilaabay siyaasadda oo ah gacan-yare Maxamed-dheere. Marka wuxuu ku dambeyndoonaa inuu gacan-yare u noqdo Gabre oo isagu sii xukuma korneylka iyo Maxamed-dheere. Sidaan horay u iri waxaad mooddaa in la soo celin doono dagaalkii ahaa ****** iyo ********** si Tigreegu nafis u helaan. Marka bal aan aragno waxa Shariifku ka dheefo. C/Waaxid C/hi Khaliif London, UK cabdulwaxid@hotmail.com
  13. Originally posted by Kashafa: ^^ How would you classify Cabdul-Zenawi Yusuf ? Is he a wicked secessionist who wants to separate the country or a evil warlord opportunist who has been holding the country hostage for 18 years ? Midnama ma ahoo, karti uu ma leh, waa beer-laawe, isu maleeyay tigreega ilaalinaya ciidankiisa. his best fit would be a murtad.
  14. If you are a "staunch secularist" then your best friend is yeey, and the TFG. good question resistance.
  15. Mas’uuliiyinta Al-Shabaab oo faahfaahin ka bixiyey sababaha ay u tageen Baardheere oo maalintii labaad ay gacanta ku hayaan Waxaa gelinkii dambe ee Shalay gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo ciidamo ku hubeysan noocyada kala gedisan ee gaadiidka dagaalka oo ka tirsan dhaqdhaqaaq Al shabaab ee ka soo horjeeda Siyaasada DF iyo joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Somalia, iyadoo ciidamadaasi oo ka yimid dhinaca gobolka J/dhexe ay horkacayeen mas’uuliiyiinka tirsan Al Shabaab oo uu ka mid ahaa Sheekh Xasan Yacquub. Ciidamada Al Shabaab ayaa markii ay tageen magaalada Baardheere si weyn loogu soo dhoweeyey, iyagoo ciidamadooduna ay la wareegeen koontroolada laga soo galo degmada Baardheere, waxayna markii dambe meel fagaare ah ugu khudbeeyeen dadweynaha ku dhaqan halkaasi, iyagoo sheegay ineysan halkaasi u imaanin iney fariisimo ka dhigtaan balse ay u yimaadeen labo arimood oo kala ah sidii ay dadka halkaassi ku dhaqan uga saacidi lahaayeen dhinaca nabadgelyada iyo sidii ay ugu baraarujin lahaayeen ku dhaqanka shareecada Islaamka. Xoogaga Al Shabaab ayaa sidoo kale la sheegay intii ay joogeen degmada Baardheere iney cagta mariyeen jidgoogooyin hareeraha degmada baardheere u yiilay kooxo hubeysan oo baad ka qadan jiray gaadiidka safarka ah ee halkaasi isaga goosha sida ay xaqiijinayaan wararka halkaasi naga soo gaaraya, waxyna sidoo kale sheegeen iney la kulmi doonaan maamulka ay dhowaan halkaasi ka dhistay Dowladda federaalka, inkastoo ay sheegeen inaaney deegaankaasi ka jirin wax dowlad ah oo isla markaana dadka deegaankaasi ay yihiin kuwo iyagu is maamula. -------------------------------------------------------------------------------- Xafiiska war qabadka Dayniile Muqdisho Somalia dayniilecom@hotmail.com deyniilenews@yahoo.com --------------------------------------------------------------------------------
  16. Al-Shabaab oo gaaray Deg. Baardheere By Editor on 23 Jun, 2008 8:18 PM in Main, Wararka Mujaahidiinta Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gelinkii danbe ee maanta waxay gaareen Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo waxaana halkaa si diirran ugu soo dhaweeyay dad ka tirsan deegaankaas. Ciidamad gaaray Degmada Baardheere ayaa waxay mas’uuliyiintoodu fagaare kala hadleen dadka deegaanka oo safaf dheer u galay daawashada Xoogagga soo galay Magaalada waxayna tagitaankooda ku macneeyen Booqasho waxaana jira dad badan oo soo dhaweeyay imaanshaha Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ee Magaalada Baardheere. Sh. Xasab Yacquub oo ah gudoomiyaha Maxkamadda Degmada Saakoow ee Gobolka J/Hoose ayaa hor kacayay Mujaahidiinta gaaray Degmada Baardheere wuxuuna khudbad u jeediyay Dadka Reer Baardheere isagoo sheegay in ay halkaa u tageen sidii ay maamul uga samayn lahayeen degmada asaga oo iska fogeeyay in ay qabsadeen Magaalada Baardheere ama ay ujeedooyin kale ka leeyihiin. Nin ka tirsan dadka deegaanka Bardheere oo aan la xiriirnay ayaa Somalimirror u xaqiijiyay Tagitaanka Mujaahidiinta ee Degmada wuxuu sheegay in ay aad u soo dhawaynayaan Mujaahiidiinta ayna Magaalada ka jirto amni darro iyo isbaarooyin ay dhigtaan dad uu ku tilmaamay maleeshiyooyin qawlaysata ah. Waa markii ugu horaysay ee ay Xoogagga Al-shabaab Almujaahidiin gaaraan degmo ka tirsan gobolka Gedo lamana garanayo inta ay ku sugnaan doonaan degmadaas, mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka gobolka Gedo ee ay dhawaan soo dhistay dawladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya.
  17. No they didn't, were talking specifically about the shabaab group. it was claimed by the ICU, and JIS
  18. Maxaad cadayn u haysaa in dagalaadan eey qaadeen kooxda aad sheegayso?
  19. Ilaahay baa mahad iska leh naxariis iyo nabag-gal yana kor kiisa ha ahaato nabi muxamed. ( s.a.w ) Ma ogtahay wax kaa tagay inuusan kugu soo noqonayn, Maalintaaduna ay tahay maanta Ma og'tahay in wax walba ay ku socdaan " qadarka alle" Ma og'tahay in nasrigu uu yimaado imtixaanka kadib, Hadaba walal kayga muslimka ahow qalbigaaga fur oo kuwaano qaado,aayaatka Qurqaanka iyo axaadiista rasuulkaa ( NNKH ) Ma og'tahay in jabku u qayb samo sadex-qaybood oo kala ah: a) Cabsi iyo Khal-khal b) Quusasho iyo tanaazul c) Is dhiibid Hadaba walaalkayga qaaliga ahow sadexdan qodon aynu kor ku soo sheegnayba waxaa maanta lahayaa oo lagu arkay cadowga islaamka laba kamid ah, waxa u dhimanna waa qodabka sadexaad insha-allu isagana waxaan ka sugeenaa eebe inuu noo dhamaystiro. Ma og'tahay in muminka xaaladiisu ay cajiib tahay, hadii uu dhib ku dhaco way sabraan Hadii ay barwaaqo helaana way ku shukriyaan, Hadaba walalkayga muslimka ahow miyuusan ahayn waxa maanta wadankeena ka jira mid lagu sabro sabir qurux badan. Ma og'tahay hadii aan sabirno oo aan ilaahay tala saarano, in aan gaadhayno balan qaadkii uu ilaahay uu uyaboohay dadkiisa saabiriinta ah. Ma og'tahay in maanta xaalada cadowgu ay aad uliidato iyadoo ay iyagu isku tilmaameen inay yihiin sida " Mariil dul saraan naxash" Ma og'tahay in jabkooda ay u dheertahay rajo la'aan iyo naar cadaabteedu ay aad u kulushahay. Ma og'tahay in bulsha wayntii soomaaliyeed rajada kaliya ee ay maanta ilaahay ka sugayaan ay tahay dowlad islaami ah oo towxiidka dadka ugu yeerta shirkigana ka reebta Cadliga islaamkana ugu badasha qabyaaladii iyo gumaysigii dheeraa ee fikirka u badnaa. Hadaba walaalkayga qaaliga ahoow "fakir" oo fiir-fiiri nimcooyinka ilaahay na siiyay naftaadana ku qanci kalsoonida ilaahay, naftaadana waydii meesha ay kaga jirto jihaadka barakaysan ee wadankeenii kasocda. Qore: Naamuus, Badal
  20. Raggna safiiro ayeey la kulmayaan, kuwana diyaaradaha dagaalka ayaa dhul heebaya "Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka oo saaka iyo xalay lagu arkay Degmada Bu,aale Posted to the Web Jun 18, 09:44 Kismaayo:-Wararka ka imaanaya magaalada Bu,aale ee xarunta gobolka J/dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay dul wareegayaan degmada Bu,aale iyo nawaaxigeeda sida uu sheegay Guddoomiyaha gobolka Jubada Dhexe Ibraahim Aadan Faarax Nooleeye saxaafada maxaliga ah Diyaaradahan ayaa waxaa ay dul wareegayaan gobalka J/dhexe taas oo ay cabsi ka muujiyeen dadka deegaanka iyaga oo ka baqaya in duqeyn ay geystaan diyaaradahan. Diyaaradahan ayaa waxay si caadi ah u dul wareegaan dhamaan gobalada J/hoose iyo Jubada Dhexe iyaga oo kaalmeynaya ciidanka Cadowga ee Itoobiya dhowr marka geystay duqeyn cadowtinimo ah Ciidanka hoos yimaada Jabahada Islaamiga ee Soomaliya ayaa si weyn uga muuqda gobalada J/dhexe iyo J/hoose halkaas oo ay tawabaro ka wadaan A/Cawale Halgan.net"
  21. Posted to the Web Jun 19, 08:57 Nairobi :-Gudoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Ahmed ayaa waxaa uukulamo goono gooni ah la yeeshay ilaa intii uu soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta wadanka kenya wufuud ka kala tirsan beesha caalamka. Sheikh Shariif iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa ay kulan la qaateen Safiirka dalka Maraykanka u fadhiya wadanka Kenya John Yeets ,Sheikh iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay safiirka uga warameen hishiiskii ka dhacay magaalada Jabuuti iyo Siyaasada Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku aadan sidii dalka Soomaaliya looga saari lahaa ciidanka Itoobiya iyo sidii Maraykanku uu gacan uga gaysan lahaa xaalada murugsan ee ka jirta dalka Soomaaliya. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku booriyey beesha caalamka gaar ahaan Dowlada mareykanka iany gargaar deg deg ah la gaaraan dadka dhibaataysan oo ay abaaruhu iyo colaaduhu isugu darsameen. Safiirka Mareykanka John Yeits ayaa waxaa uu u sheegay Gudoomiyaha Isbahaysiga Sheikh Shariif iyo wafdigiisa in dalka Maraykanka uu gacan ka geysan doono gargaarka biniaadinimo iyo weliba siddii looga miro dhalin lahaa hishiiskii Jabuuti ee ay Isbahaysigu dhawaan la gaareen DFKM. A/Cawaale Halgan.net
  22. Walaal rabi quraan by soo dejiyay, uuna ku sheegay in gaalo wali (support, protector, friend) lala galin. w/salaam.
  23. "boqorow 30kii million ee aad na siisay geedi ba guri ku dhistay...."