Member-sol-

Nomads
  • Content Count

    345
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Member-sol-

  1. Walalayaal hadii sharifku uu khayr leeyahay, ayoga dhexdooda iskhilaafsan muusan heshiis la galen TFGda. Taas waxa kasii daran, iska da alshabaab ee, kuwa xataa asmara jooga loo ma sheegin waxa meesha lagu saxiixay. Culimada hogaaminaysa dagaalka way ka hor imaadeen nimankan Djbouti jooga, waana la wada maqlay muxadaradii sh. bali, o ku sheegay in eey ayagu hubka gacanta ku hayaan, gaalo kasta oo lakeenana la dagalamayaan. Sh suuleyna wuu sheegay in qof kaligiisa aan dagalkaa loo wadin. waa nimankuu sh. xasan turki ku sheegay, niman ka cararay ayaga oo xaal adag ku jira.
  2. COL. CADDOW WARSAME: “Wadankan awood ka weyn ayaa saaran, waxaana Wasiirka Gaashaandhigga ka ah Jen. Gabre, Abaanduulka Ciidamadana waxaa ka ah Sarkaalka heysta Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xarunta Axad, June 15, 2008(HOL): Col. Caddow Warsame oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidmada Federaalka Soomaliya ayaa wuxuu ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu u hayay Dowladda Federaalka, isla markaana uu haatan wixii ka dambeeya uu yahay qof aan xil dowladeed heynin oo si iskiis ah u shaqeysta. Sarkaalkan oo warbaahinta uga waramayay waxa ku kalifay in uu iska casilo xilkii uu hayay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in ay u cuntami weysay in isagoo ah Sarkaal darajadiisa Korneyl tahay in uu amar ka qaato Askari Alifle Itoobiyaan ah. “Wadankan awood ka weyn ayaa saaran, waxaana Wasiirka Gaashaandhigga ka ah Jen. Gabre, Abaanduulka Ciidamadana waxaa ka ah Sarkaalka heysta Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga” ayuu yiri Col. Caddow Warsame. Sarkaalkan is-casilay oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in Sarkaal jooga Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga uu isaga iyo Saraakiil kale ka diiday oo dhawaan tababar dheeraad ku soo qaatay Dalka Burundi in ay ku shaqeeyaan darajada Ciidan ee ay gaareen. “Wuxuu nagu sarkaalkaas Itoobiyaanka ah ma xiran kartaan Darajo Korneelnimo ee Ciidamadiina dhexda ka gala ee la howlgala, wuxuuna taasi noogu daray in aanan lahayn wax ciidamo ah oo aan ku hoggaaminno darajada ciidan ee aan leenahay”ayuu yiri Col. Caddow oo sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku jira Xaruntii Saraakiisha Shiirkole iyo Xeradii guul-wadayaasha uu xukumo Sarkaal Itoobiyaan ah oo degan Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga. “Muddo bil ka badan ayaa Sarkaal Soomaali ah oo heystay Ciidamada jooga Xaruntii Saraakiisha waxaa biyo ku dhaansanayay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Xarunta Wasaaraddii gaashaandhigga, markii la soo daayayna dalkaba wuu isaga tegay”ayuu yiri Col. Caddow oo sheegay in sababta sarkaalkaas loogu xadgudbay ay ahayd isagoo diiday in uu qaato amar ay siiyeen Ciidamada Itoobiyaanka. Waa sarkaalkii ugu horeeyay oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka oo ku dhaawaqay in uu isaga tegay shaqadii uu dowladda u hayay, isla markaana carrabka ku adkeeyay in ay xaqiraad ku sameeyeen saraakiisha Ciidamad Itoobiya ee Muqdisho ku sugan. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  3. There is no doubt that the faction that signed the Djbouti peace agreement have no teeth in somalia. The article is spot on.
  4. http://www.yeadeal.com/codka/warkiicawaa.ram Sh. Ibraahim suuley (the clip doesn't contain the full audio)
  5. I am absolutely baffled by those who in the name of peace, want to give this confused woyane 4 months to rehabilitate. Walaahi, if the islamist are not able to defeat the ethiopians know, and stop fighting, they may never have another chance at it. They (ICU) are at their strongest point since their retreat in '06.
  6. For that news click the article below http://soomaalinews.com/view_contents.php?articleid=9171 and dabaqoodi is dhiibay, ka dib markii eey kaso gosteen kuwi ku hayay xeryooyinkooda. Sarlkaal Itoobiyan Ah Iyo Ciidamo Ka Tirsan Dkmg Ah Oo Soo Goostey. Beerdhiga 11.06.2008 21:42 Sarkaal xigeen ka tirsan ciidanka Gumeysiga Itoobiya, oo soo goostey ayaa maanta u soo qacan galey xoogaga MMI Soomaaliyeed, sida uu saxaafada uga sheegeey shir jaraa’id oo uu qabtey afhayeenka MMI Soomaaliyeed sh Ibraahim suuley. Sh Ibraahim suuley, ayaa si rasmi ah saxaafada Muqdisho uga shaaciyey in uu maanta u soo gacan galey sarkaal xigeen ka tirsan ciidanka Gumeysiga Itoobiya, kaas oo uu sheegay in wixii warbixin ah ee dhaaraad ah ee ku saabsan sarlkaalkaas saxaafada u so bandhigi doonaan. Mar uu ka waramayey sh Ibraahim sababta keentay in sarlkaalkan maanta gacantooda soo galo, ayuu sheegay in uu u adkeysan waayey sida uu sheegay isaguba waa sarkaalke dhibaatada dagaal ee mar walba uu kala kulmo xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed, taas oo ku kaliftey in uu ka soo baxsado ciidankii uu ka tirsanaa. Sarlkaalka ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatada joogtada ah ee har iyo habeen lagu hayo shacabka Soomaaliyeed u adkeysan waayey sida adaraadeedna uu go’aansadey in uu ka soo goosto ciidanka Itoobiya ee uu ka tirsanaa. Sarlkaal ku xigeenka ka soo goostey ciidanka Gumeysiga Itoobiya ayaa sidoo kale saxaafada ka Hadley, waxa uuna xilligaas ku hadlayey af-amxaariga in kastoo hadalkiisa aan saxaafada loo farisin waxii uu ka Hadley iyo sababta keentay in uu ka soo goosto ciidankii uu ka tirsanaa. Sh Ibraahim suuley ayaa sidoo kale ka sheegay shirka jaraa’id in ay soo dhaweynayaan Ciidamada Itoobiya ee diyaarka u ah in ay ka soo goostey ciidanka Itoobiya ee doonayo in ay iyaga u soo gacan galaan, isaga oo dhanka kale shacabka ugu baaqey in ay soo dhaweeyaan Ciidamada doonaya in ay ka soo goostey kuwa Itoobiya. Dhanka Gaari cabdi-bille ah iyo ciidamo saarnaa oo watey 10 qori oo AK47 ah, 2 PKM iyo RBG 7, ayaa maanta waxa ay isu soo dhiibeen xoogaga MMI Soomaaliyeed, kuwaas oo ka soo goostey ciidanka DKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya. Sh ibaraahim suuley oo ka Hadley ciidanka DKMG ah ee safkooda ku soo biirey, ayuu sheegay in ay si wanaagsan ula dhaq mayaan, dhamaan Ciidamada soo goosanaya, isaga oo ugu baaqey inta wali ku harsan safka taageerida Gumeysiga Itoobiya in arintaa ka wantoobaan oo walaalahooda Soomaaliyeed wax la qeybsadaan.
  7. Mashallah Another key leader against the two sharifs & co Muqdisho.11.June.2008.(Sh.M.Network)- Shiikh Xasan Turki oo ka Mid ah Masuuliyiinta sida weyn uga soo hor jeeda dowlada iyo Ciidamada Ethiopia ee dalka Soomaaliya ku sugan ayaa waxaa uu si weeyn meel isaga taagay Heshiiska ay dalka Jabuuti ku gaareen Isbeheysiga Dib u xoreeynta dalka Soomaaliya iyo Dowlada KMG Soomaaliya. Shiikh Xasan Cabdullaahi Xersi (Shiikh Xasan Turki) oo ka mid ah saraakiisha hor keceysa Ciidamada sida xoogan uga soo hor jeeda Ciidamada Ethiopia iyo siyaasada Dowlada KMG Soomaaliya ayaa si xoogan uga soo hor jeestay heshiiska ay Dowlada KMG Soomaaliya iyo Isbeheeysiga Dib u xoreeynta ay Dalkasi ku wada Gaareen. Sheikha ayaa sheegay in heshiiskaasi aysan ku xusneeyn in ciidamada Ethiopia ay dalka ka baxaan kaliyana wax looga saari karana ay tahay Qoriga caaradiisa. “Waxaa la qabsaday Caasimadeenii Waxaana ku qabsan karnaa oo kaliya Dagaal aan la galno Ciidamada Dalka Ku soo duulay” ayuu Yiri Shiikh Xasan Turki. Waxaa uu shacabka ugu Baaqay in aysan ku sirmin Shirkasi isla markaana ay u diyaar garoobaan Jihaad lala Galo Ciidamada Ethiopia ee dalka Heeysta,taasina ay tahay Xalka kaliya ee Ciidamada Ethiopia dalka Looga Saari karo ayuu intaasi raaciyay. Waxaa uu Xasan Turki Tusaale u soo qaatay Dagaalkii ay Sagashameeyadii shacabka Soomaaliyeed la galeen Ciidamadii QM ka Socday ee uu mareeykanka qeeybta ka ahaa kaasi oo maalin Cadd isaga guuray Dalka Kadib dagaal ay shacabku la galeen sida uu Shiikh Xasan Turki u dooday. Waxaa uu mar kale ku Celiyay Go’aankiisa ahaa in uu diidan yahay In dalka Soomaaliya la keeno Ciidamo Ka socda QM. Masuuliyiinta Isbeheysida Dib u xoreeynta Dalka Soomaaliya ee uu ka mid yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa uu u adeegsaday Lahjad adag oo uu ku canbaareeyay waxaana uu ku tilmaamay In ay yihiin Rag iyaga ka cararay xili dhibaato xoogan lagu jiray. Sheikh Xasan Turki oo xalay u qadka Fooneeyaha ugu waramayay Warbaahinta Shabelle xili uu sheegay in uu ku sugan yahay meel ka mid ah K/Soomaaliya ayaa mar wax laga weeydiiday in cimrigiisa uu ku dhameeysanayo Dagaal ayaa waxaa u sheegay in uusan rabin dagaalka balse ay danta ku qasbeeyso uuna nasanayo marka cadwga soomaaliya laga saaro oo ay nabad noqoto. Heshiiskasi lagu gaaray Dalka Jabuuti ayaa waxaa horay uga soo hor jeestay Shiikh Xasan Daahir Aweeys oo xubin Buuxda ka Ah Isbeheysiga dib u xoreeynta Dalka Soomaaliya oo qeeyb ka mid ah Isbeheeysigaasi ay heshiiskaasi wax ka saxiixeen. Shabelle Media Network Somalia.
  8. Faah Faahin:- Fatwo ka soo Baxday Sheekh Dr. Cumar Iimaan Beerdhiga 10.06.2008 18:06 Shabakadda Beerdhiga waxa ay idiin soo gudbinaysaa Fatwo Cod ah oo ay qaar ka mid ah Culimada Mujaahidiinta Soomaaliyeed xalay ka duubeen Sheekh Dr. Cumar Iimaan taas oo ka hadlaysa 3 arimood oo kala ah:- 1) Ciidamada UN-ka ee la sheegayo in dalka soomaaliya la keenayo iyo waliba Waxyaabaha la gudboon Mujaahidiinta soomaaliyeed 2) Waxa ay Shareecadda Islaamka ka qabto in DFKMG ah ee la shaqeysa Awooda lala qeybsado oo lagu biro. 3) Iyo Mas’uuliyadda xubnaha ka qeyb galay shirka Jabuti. Fatwadan oo ay shabakadda Beerdhiga u badashay qoraal ayaa waxa ay ahayd sida tan:- Sheekhoow sida aad ogtahay waxaa ka socda Jabuti maalmahan la soo dhaafay shir, shirkaasna Soomaalida guud ahaan dalka ha joogto ama dibada ha joogto wuxuu galiyay runtii khal-khal fara badan, waxyaabaha ka soo yeeraya oo aysan runtii ku faraxsanayn darteed, arinkaas wuxuu u baahday in diin ahaan loo cadeeyo, marka mas’aladaasi waxay nala noqotay caawa insha allaahu Tacaalaa in aan wax kaa weydiino, waxaan rabnaa marka su’aalo la xiriira Barnaamijkaas inaan ku weydiino, maxaa yeelay ummadda Soomaaliyeed ee muslimka ah waxay u baahantahay haddii arinkeeda uu culays soo galo inay ku xalisato insha allaahu tacaalaa diinteeda iyo waxa illaahay u baneeyay si qof waliba u nabad galo oo uu u ogaado waxa diintu u ubanaysay iyo waxa ay ka reebtay, marka su’aalahaas su’aasha u horeysa waxa weeye waxaan ognahay hadal haynta jabuti ka soo yeeraysa inay ka mid tahay ciidamo UN ah ayaa la keenayaa marka su’aashu waxa ay tahay ciidamo UN ah oo hubaysan in dalka loo ogolaado oo loo saxiixo inay yimaadaan maxay shareecadu ka qabtaa?, haddii ay yimaadaanse maxaa ku waajib ah Mujaahidiinta cadowga kula jira dagaalka?. Sheekh Dr. Cumar Iimaan:- ÈÓã Çááå ÇáÑÍãä ÇáÑÍíã¡ ÇáÍãÏ Çááå ÑÈ ÇáÚÇáãíä æÕáì Çááå æÓáã Úáì äÈíäÇ ãããÏ æÚáì Âáå æÕÍÈå ÃÌãÚíä inta meesha fadhisa ee hadalkayga dhagaysanaysa dhamaantiin waxaan leeyahay Assalaamu Calaykum Waraxmatulaah, waadna ku mahadsantihiin su’aashaas muhiimka ah ummadda Soomaaliyeed ee muslimka ahna si gaar ah u taabanayso in qof kasta uu ka ogaado xukunka uu sharciga islaamku ka qabo sidaa daraadeed waxaa weeyaan in badan waa la iweydiiyay horeyna waan ugu jawaabay, meelo badana waa lagu duubay hadana waxaan leeyahay iyada oo la sii adkaynayo arintaasi inaan ka jawaabo ayaan rabaan insha allaahu tacaalaa, mas’alada madkhalka laga gali karo waxay tahay:- in ciidamo UN ah oo gaalo ah iyo waxa dabo dhilifka u ah ee dabo socdo in wadanka la keeno Mujaahidiinta hubka loogaga dhigo, macnaheedu waxaa weeye (al-isticaanatu bil Kufaari calaa muxaarabatil muslimiina-al-mujaahidiin) in gaaladii la kaalmeysto loo kaalmeysto dad muslimiin ah hubkana loogaga dhigo ka dibna dowladaan camiilada ah ee dabo dhilifka ah la hoos geeyo midkii kalana maraykan loo dhiibo, sidaas illaahay diintiisa iyo dalka qiimihiisa iyo wadankii oo dhan lagula wareego ula jeedadu intaas weeyaan. Tan kale waxaan u malaynayaa in nin kasta oo muslim ah uusan u baahnayn maanta wax badan oo cilmi ah haddii aysan muslimiintii fuqahadda isku khilaafeen “nin gaal ah ma la kaalmeysan karaan gaal kale in lagula dagaalamo” oo dad badan ay diideen oo la yiri gaal hadaan la dagaalamayno gaal kale u kaalmeysan mayno oo nabiga hadalkiisa u daliishadeen “ÅäÇ áÇ äÓÊÚíä ÈãÔÑß inaa laa nastaciinu bi mushrik”nin mushrik ah oo gaal ah anagu kaalmeysan mayno markii nabiga (scw) qazwatu u xud uu u socday ……, sababtana ay leeyihiin nin gaal ah lagama aamin noqon karo calooshaada iyo sirtaada wuu ogaanayaa, hadhow markii dagaalkii uu bilowdana inay xaga ka soo jeestaan dhici karo kuligood khayaanadaas ayaa lagu yaqaanaa maadaama ay saas dhici karto oo ay diideen culimo qaarkood, kuwa baneeyayba xaataa waxay yiraahdeen “haddii gaaladu dad yar ay yihiin kalsoonida lagu qabo, haddii xaataa xaga ka soo jeestaan dhib muslimiinta u gaysan karin oo laga awood badan yahay saas ayaa loo kaalmeysan karaa” laakiin waxaa khilaaf ka jirin in gaal ay dad muslim ah in dagaalkiis loo soo kaalmeysan karin” haddii markii hore aynu ku eedaynaynay dowladaan dabo dhilifka ah in ay itoobiya soo kaalmeysatay si wadanka gumeysi ay gacanta u galiso, waxaa ka sii xumaan badan in Maxaakiimtii islaamiga ahayd iyo saxwadii islaamka ahayd in maanta codsi sameeyo ee gaaladii gaalo kale hadana uu ku badalo wadankii oo dhan oo hadda wada xoroobay kuligiis hadana gumeysi kale gadaal loogu celiyo Taas baa ka sii xumaan badan, marka mas’alada ah nin muslim ah in gaal loo soo kaxeysto wax muslim ah oo isku khilaafsan maba jirtaba.illaahayna waxa uu leeyahay “æáä íÌÚá Çááå ááßÇÝÑíä Úáì ÇáãÄãäíä ÓÈíáÇ” illaahay ma yeelayo mana ogolaanayo nin kaafir ah in gacanta muslim ah galiyo gacantiisana sarre noqdo oo awoodii isaga la wareego illaahay diintiisa ma ogola, sharcigiisana ma ogola, marka waxa weeye arintaasi waa arin aad iskaga muuqato, dad badan baa waxaa laga yaabaa dadka caamada ah inay ku qalbi jilicsadaan in labadaanba waa 2 shar in ciidamo shisheeye la keeno waa shar, Itoobiya wadanka in ay sii joogtana waa shar, laakiin labadooda waxaa shar fudud in ciidamo shisheeye la keenaa shartooda ay yartahay dad baa sidaa dadka ku beer jilicsanaya, arintaas xaqiiqada way ka fogtahay, sharcigana way ka fogtahay Amaa waaqica marka la yiraahdo Itoobiya baa ka shar yar oo ay leeyihiin Itoobiya damac bay ka leedahay wadankaan waxayna doonaysaa in ay gumeysato, ciidamo shisheeyana damac kama laha sidaas daraadeed bay nooga fiicanyihiin sidaasi bay leeyihiin, nuqdadaasi horta waxay khalad ku tahay Itoobiya wadankaan ma gumeysan karto, dadkiinana waad ka warqabtaan maanta sidii ay ku bixi lahayd baa ku adag, arintaan hadda laga shaqeynaayo Jabuti waa sidii loogu salixi lahaa Jidkii ay ku bixi lahayd iyo in guul ay ku baxday loo tusiyo awgeed baa calamka oo dhan hadda u gurmanayaa, maadaama ay Jabtay waxaa kaloo caalamka diidayaa iyada oo qori dabada looga wado in ay wadanka ka baxdo oo waligeed Haziimada ku bilaabatay ay sidaas ku sii socoto, marka in la badbaadiyo baa uun loogu talo galay, marka idinkana waxaad ogtihiin in anaguna aan ognahay caalamkuna ogyahay in Itoobiya ay jabtay, wadankaana aysan haysan Karin, maantana sidii ay ku bixi lahayd ay mushkilad ka haysato, biyihii ay cabi lahayd ay xaataa waysantahay marka in la yiraahdo Itoobiya damac gumeysi baa ku jira ciidamo shisheeyana gumeysi kuma jiraan, caqliga waa diidayaa. Mida labaadna waxaa weeyaan wadankaan waa la soo gumeystay Itoobiya ma ahayn dadkii gumeystay, ingiriis oo waqooyi gumeystay, talyaaniga oo konfurta gumeystay, Boortaqiiska oo xeebaha soomaaliya gumeystay, faransiis oo Jabuti gumeystay, kuligood dad cadaan ah bay ahaayeen, dadkii shalay ku gumeystay damacii ay shalay kugu gumeysteen sidii buu ugu jiraa, marka inay wadanka yimaadaan maanta oo ay awoodii la wareegaan, Puntland gooni u gooyaan, Somaliland ay gooyaan oo cadowgooda u kala qeybiyaan sidii ingiriiska horey gobolka 5-aad Itoobiya u siiyay mida kale ee soomaalida NFD uu u siiyay Kenya, maanta labadaas gobol iyo wixii la mid ah la qeybiyay Rubuc ka mid ah ma kuu imaan karaa, marka in la yiraahdo damac gumeysi kuma jiro ee danuuba noogu yimid waa arin aad iyo aad waaqici uga fog, Itoobiya oo aan maanta ka adkaanay oo aad wada ogtihiin meesha ay maanta joogto xaafado yar-yar oo aanay ka bixi Karin habeen iyo maalin lagu garaacayo iyo magaalooyinka sida:- Baydhabo iyo Baladweyne oo cararkii uu diyaar u yahay oo kaliya inay ka soo carartay baa la wada ogyahay, marka iyada sidaas ku jooto oo wadankii oo dhan laga xoreeyay, dhiig badan oo mujaahidiin ah uu ku baxay, ciidamo UN ah oo Boqolaal kun ah markii maanta la keeno wixii naf iyo maal lagu bixiyay hal sano marka Raas kanbooni illaa iyo gaalkacyo ciidamo lagu daadiyo, diyaarado sidii Shinbiraha kugu kor wareegaya lagu kordhigo arintaas iyada ah Itoobiyay ka fududahay dadka dhahaya waa dad aan illaahay ka cabsanayn (SW), sababtana waxaa weeyaan wadankii oo gumeysi dib loogu celiyo, dadkii mujaahidiinta oo hubkii laga dhigo, iyada oo dowladaas Camiilada ah loo dhiibo wixii gadmayana Maraykanka laga gado haday arintaasi ka fududahay Itoobiya maanta oon ognahay xamar oo dhan lagu tamashlaynayo oo jidkii Maka Al-Mukarama kaliya uu u furanyahay oo air porkii ku aadi waayeen oo Tobanaan howl-gal maalin kasta ay la kulmayaan ninkii doonaya in awoodii dowlad ku sheegta inuu baahiyo oo meeshaas geeyo oo runtii ku magacaabo maslaxad ummadd baan xaqiijinayaa waa arin runtii aad iyo aad looga murugoodo, waxaana u baahanahay inaan gumeysiga macnihiisa aan fahano, xurmadii iyo awoodii oo lagaala wareego waa, haddii Itoobiya maanta shacabigii meelo badan ka badax banaan yihiin, marka ciidamo shisheeye la keeno ma adigaa xukumaysid mise iyagaa ku xukumaya?, markii dalka milatari xoog leh ku soo dago wixii adiga lagaa rabo ayaa lagugu sameysanayaa, gabadhaada waa la kufsanayaa adiga waa lagu dilayaa, istaag baa lagu leeyahay jidadka baa laguu istaagayaa marka, kaas gumeysi ma aha miyaa? Mise xoriyad waaye?, marka Gumeysiga macnihiisa ayaa waxa uu u baahanyahay in la isfahamsiiyo, marka aniga arintaasi aad baan ula jaabsanahay. Mida kale ee aan rabo inaan u sheego waxaa weeyaan:- xaga imkaaniyada iyo awooda waa kala badanyihiin, Itoobiya oo jabtay iyo ciidamo car-cartooda qaba oo markii 5 sano iyo 6 sano ku haystaan hadana intii ay ka baxaan Itoobiya ay kugu soo noqoto, lama dhihi karo marka tanaa “ ÃÎÝ ÖÑÑíä Akhafu Dararayn” ah lama dhihi karo. Mida kale Ciidamadan shisheeye sharciyo diimo uu yahay ayay wataan, waxaa weeye waxay kaa rabaan bay kaa sameysanayaan, hadaad hadalkooda diidid ama qori aad ku tuurtid bani aadam ayaa tahay waa lagula dagaalamayaa nin canbaareysan ayaad tahay oo sharciyada dowliga buriyay, halka Itoobiya caalamka waxa uu nooga garaabayaa inay tahay dowlad gumeysi u timiday, oo nagu soo xad gudubtay wax kasta oo aan ku sameyno cid ka dabo hadlaysa inaysan lahayn ogow. Mida kale waxaa weeyaan ciidamadaan hadda maanta imaanaya waxay aaminsanyihiin in dowlad sharciyeed dalka ka jirto, oo C/laahi yuusuf madax u yahay ula jeedada laga leeyahayna in awooda wadanka lagu baahiyo inay tahay, marka in xukuumadii maanta labada xaafadood daganayd lagula dhaqmi waayo, markii wadanka oo dhan loo gacan galiyo, dhibka ka imaan kara haddii aan iraahdo Itoobiya waxa ay nagu haysuu ka fudud yahay, waxa weeyaan waa dhib aan waaqica ku dhaweyn,mandiqa iyo maslaxada sharciga islaamkana aad uga fog weeyaan. Midda Saddexaad waxaa la rabaa “ÝÇÚÊÈÑæ íÇ ÃáæÇáÃÈÕÇÑ” ciidamo shisheeye caalamka waxa ay ka qabtaan fiiriya, Ciraaq maxay ku sameeyaan?, Af-Qaanistaan maxay ku sameeyaan?, Lubnaan maxay ku sameeyaan?, meel kasta oo ay tagaan wax may hagaajiyaan mise waxbay fasahaadiyaan? Marka waxaa la rabaa anaga maxay nagu sameeyeen 1993, waxa ay sameeyeen waa la ogyahay, waxay ummadda baabi’iyeen mooyaane wax ay u qabteen ma jirto, marka maanta inaan niraahno Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa ka dhib yar ciidamo shisheeye inaan sidaas ku hadalno, runtii waa arin aad iyo aad xaqiiqada uga fog, ilaahayna in looga cabsado ay tahay, marka waxaan leenahay arintaas iyada ah in maanta aan niraahno anaga Itoobiya ha naga baxdo ka dib ciidamo shisheeye ha noo yimaadiin iyaga ha na xukumeen, macnaha waxaa weeye haddii aan nahay shacab soomaaliyeed oo muslim ah anaga arimahaanaga gaarka ah ma xalisan karno, shacbigii oo meel looga dhacay weeyaan, anagana waxaan leenahay war dadka mushkilada keenay waa Itoobiya, haday naga baxdo anaga ayaa arimaheena xalisanayno, shalayba markii Maxaakiimta bilowdeen sidaad arkayseen waxaa weeye wadankeenii nabad iyo barwaaqo ayuu ku soo noqday iyada oo cidna nagu saacidin, wax dowlad ah oo noo yimid oo gacan nagu siiyayna aysan jirin, ummaddana waxaa weeye nabad iyo amni bay ku naalootay, marka maanta inaan ni raahno anaga waxba ma qabsan karee ha naloo yimaado, inaan shacbi hamaji ah waxna aan kala ogayn in iyaga la maamulo mooyaane aan soconayn baan tusinaynaa caalamkii, illaahayna aan markhaati uga dhigaynaa. Mid kale ee aan rabo inaan arintaasi ku soo dhameystiro illaahay markii guul na siiyay, shalay markii Itoobiya soo galaysay sidaan ahayn waad ogaydeen, maanta shacbiga oo dhan waa na soo garab istaageen, illaahayna guul ayuu na siiyay, ummaddii oo dhana ay farxad iyo rayn rayn ay ku soo wada jeesatay itoobiyana inay iska celiso ay go’aan noqotay, dhulkeediina ay ka xoreysatay, halkii illaahay inaan ku mahdino nalaga rabay inaan niraahno gaalooy noo kaalaya oo idinka gar-gaar na siiya illaahay agtiisa noogama qalanto arintaa iyada ah, illaahayoow adiga ayaa guushaas na siiyay inaan ku mahdino ayay ahayd,asaga ayaa maanta anaga oo mustadcafiin ah illaahay awoodaas na siiyay, marka waxaa weeyaan, mandiqa iyo caqliga iyo shareecadda islaamka maqaasideedaba wax maslaxo ah oo ku jira waxa maanta Jabuti laga wado haba yaraatee ma jirto, cid dhag jalaq u siinaysa Ma lahan. Su’aasha Qeybteeda labaad haddii ciidamadaasi sidaas ku yimaadiin anaga oo og oo ah Muqaawamada Gudaha iyo Siyaasiyiinta Dibada kuligeen isku waafaqeen inaanu ogolayn ciidamo shisheeye haday yimaadaana waxay noola mid yihiin kuwa itoobiyaanka ah, hadaf ayayna noqonayaan, sidii ugandiiska loola dagaalamay ayaa loola dagaalamayaa, sababtoo ah waxay ku yimaadeen dulmi iyo dowlad dabo dhilif ah gacan siinteeda ayay ku yimaadeen, marka mujaahidiinta waxaa la gudboon inay illaahay talo saartaan cadowgoodana ay dhinac ka noqdaan aysan u ogolaanin wadankeena in uu noqdo meelo lagu ciyaar ciyaaro oo marba cidii la rabo la keeno, sidaa daraadeed baan leeyahay sax ma aha. Hal noqdo oo aan ku baraarujiyo ayaan doonayaa inaan ku daro dad badan ayaa waxaa lagu beer jilicsanayaa Ciidamada shisheeye ee imaanaya haday dal carab iyo muslimiin ka yimaadaan waa la aqbali karaa, arintaas laftirkeeda waxaan leeyahay waa “Oraah” kuligeedna waxaa waaye khayaano…..(lama garan erayada halkan ku jira) … sababtoo ah Caalamka Dowliga ah waa midka noo diiday anaga inaan nafteena aan is xalino, markii aan dadka waraysanay wufuuda reer galbeedka ah(waxay yiraahdeen)waxaan u rabnaa ciidamo shisheeye shalay idinka oo aan meesha idinka saarnay inaad soo noqotaan idinka oo barax tiran ayaan doonayna, waxaan rabnaa in la idiin barxo dadka la idinku daro ma ogolaan karno inaad kaligiin soo noqotaan, marka dadka anaga saas noo diiday inaan nafteena is xukuno in ciidamo kale oo islaamiyiin ah inta laguu keeno in laguu naxariisto wax dhacaaya ma aha, wax xukun lagu dhisayana ma aha waa mid. Mida labaad ciidamda lagu leeyahay Dalalka Islaamkaa laga keenayaa iyo carabta kuwa iyaga dhibka muslimiinta dalalkoodii jooga lagu gumaado waaye, dal kasta oo muslim ah maanta waxa dhibaato ay Afqaanistaanka ku hayaan Paakistaanka, Paakistaan dhaxdeeda shacabka Pakistaan waxa masaajidada ku duminaya waa ciidamadii Pakistaan waaye, ciidamadaas marka laguu keeno magaca islaamkii ay ahaan jireen muxuu kuu taraysaa waxa loo tarbiyeeyayba waa in lagula dagaalamo Saxwada Islaamka waaye, marka in magacooda islaam ahaan jiray ama ay dowlad islaam ah ka yimaadeen wax weyn oo ay kuu kordhinayso ma lahan. Mida saddexaad waxaa weeyaan haddii ay yimaadaan dowalado gaalo ah iyo kuwa Muslimiinta ah meelahaas ayaa la iska da dajinayaa iyaga kuwanaa howsha qabanaya, markii 1993 anaga nala gumaadayay ciidamo oo sucuudi ah iyo Pakistaan ah iyo qeyrkood iyo marooko way joogeen, bal waxaan ognahay in Pakistaanka loo adeegsan jiray shacabka soomaaliya in lagu gumaado, in ciidanka maraykanka uu ka dhigtay difaac uu bambaanada kaga fakado ayaa uu dhihi jiray naga hor mara oo shacbiga lagu gumaadi jiray, marka dadkaas iyaga ah in lagu dhiso xukun oo la yiraahdo wax bay tarayaan waxaa weeyaan wax aad u qaab daran, illaahayna waxa uu leeyahay “áÇ ÊÊÎÏæ ÈØÇäÉ ãä Ïæäßã áÇ íÃáæäßã ÎÈÇáÇæÏæ ãÇ ÚäÊã ÞÏ ÈÏÊ ÇáÊÛÖÇÁ ãä ÃÝæÇååã æãÇ ÊÎÝí ÕÏæÑåã ÃßÈÑ ÞÏ ÈíäÇ áßã ÇáÂíÇÊ ÅäßäÊã ÊÚÞáæä” aayadaas waxaa weeyaan ha ka yeelanina ayuu illaahay na leeyahay dad wadaag hoosaad ah oo dadka muslimiinta ah aad ka soo dhaweysataan oo gaalada dabo la gashaan ha yeelin, maxaa yeelay gaalada wax fasaad ah oo ay qaban karto ma jiraan oo idinka dabarayso ma lahan, dbibkiinana way jecelyihiin, caradoodana afkooda ayay ka soo muuqataa miyaysan na necbayn Maraykan iyo Ingiriis iyo faransiis miyaysan na necbayn, inta ay afka ka sheeganayaan iyo inta ay waraaqaha ku qorayaan waxaa ka badan inta qalbigooda ku jirta baa uu illaahay leeyahay,hadaad mu’miniin tihiin aayaadkaas waan idiin cadaynay, ee garta dadkaas wax ha ka raadinina, isku tashta, illaahay ku xirnaada intaas ayaad guul ku gaaraysaan micnaheeda saas waaye, marka sidaas daraadeed waxaan leeyahay su’aashaas waarid ma aha in gaalo maanta aan niraahno xal bay wadankeena ka keenaysaa nin muslim ah wax uu ku hadlo ma aha, dadka muqaawamada ahna horey bay mowqifkooda u cadeysteen anagana sidaas baan ku ayidaynaa shareecadda islaamkana sidaasay ka qabtaa. Su’aasha 2-aad: Kooxda Daba-dhilifka ah ee Camiiladda ah ee C/laahi uu hogaamiyo aan ognahay in ay ayagu wadanka cadawga keeneen ayna meel walba la tagan yihiin in ay ayagu u yeerteen, wax malala Qaybsan karaa, ma laga mid noqon karaa maamulkooda iyo waxa ay ayagu rabaan, in wax lala qaybsaadase maxay shareecadu ka Qabtaa?. Jawaabta Sheekha: Waa su’aal muhim ah meeshana ku jirta dadka waxaa rabaa inaan u sheego hadda waxa loo ololaynaayo in ciidamo shisheeye wadanka la keeno waxaa ka horeeya in marka hore Dawladaas Dabadhilifka ah aad wax la qaybsataan, markaad labadiina wax isku darsataan adinka’oo wada jiro oo iswaafaqsan ciidamo shisheeye la’idiin keeno, horta sidaas weeyaan, marka ciidama shisheeye kaligood iska imaan maayaan ilaa dawladda la aqoonsado, marka waxaad arki doontaa Wareega soosocda in laga hadli doono awooda sida loo qaybsan doono, marka dawladaan waxaa lagu magacaabayo dawlad waa Camiilad wadankeedii cadaw Gacanta u galisay, waxay qabatay baan rabaa in aan horta idiinka sheego si ay noogu soo baxdo horta wax malagu darsan karaa, ninka ku darsadaase muxuu noqon karaa. Waxaan leenahay dawladaasi dabadhilifka ah waxyaalaha ay ummada Soomaaliyeed ku samaysay waxaa hormuud u ah oo ugu horeeya in ay wadankii gumaysi gacanta u galisay, waa koow, midaas danbigeeda keli ah hadii lagu qaado cid kasta oo arrintaas ku lugleh shareecada Islaamka waa camiil ninkaas in la dilo wax aan ahayn uu astaahilo maleh , Nin dal muslim ah oo madax banaan oo dad muslimiin ah ay ku nool yiohiin in loo sacyiyo in gaalo gacanta loo geliyo oo cadaw weligeedba la ahaan jirtay, waxaa weeye qof bani-aadam ah danbi Bacda Shirk Bilaahi uu samayn lahaa oo ka wayn majirto, Koow. Midda 2-aad waxay gaysatay Xasuuq oo hadda adinka aad ka war qabtaanoo ummaddii Soomaaliyeed mid la dilay mid la barakiciyay dugsi la dumiyay ummadii oo dhimashadeeda 20,000 lagu tirinayo, Xamar Malyanka iyo dhawrka laga Qixiyay wixii guri Xamar ku yaalayna dhulka la dhigay ummadii mid la kufsaday iyo mid Jiis ah gala laga soo reebay hadii la yiraahdo dadkaas danbiga ay galeen halagu qaado inta la Dilo ayaa la Salbinayaa maxaa yeelay dunuubta ay galeen waa mudaacaf (laban-laab). Midda 3-aad waxaa weeyaan waa Dawlad ********** ah oo Fashlantay waxay Ummad u qabata iska daaye dhibkeeda uun baa meesha yaala marka waa Fashilatay ee wax la taageero ama wax lagu darsadoba malaha. Mida 4-aad Wakhtigeedii waa dhamaaday oo in dawlad sidaas oo kale ah oo Gumaysi Wadanka Gacanta U Galisay Xasuuqna Gaysatay, Fashilantay, Wakhtigeedii dhacay in wax lagu darsado macnaheedu waxay ka dhigan tahay Dawlad ilaahay uu ku xukumay dil in aad tiraahdo waa soo Noolaynayaa waa danbi sidiisaba inay arrintaas danbi tahay waxaa kuugu daliil ah markii shacbiga Soomaaliyeed ay waxay ku samaysay arkeen waxay go’aansadeen in lala Jihaado markaad Jihaad ku qaadayo macnaheedu waxaa weeyaan dadkaas in ladilo ayay astaahilaa, Jihaadku wuxuu ka bilawday in muqaawamada lala galo nimankaas in ay danbiilayaal yihiin baa Jihaadka lagu bilaabay, marka dadkii shalay aan halka ka taagnaa maanta in aan wax ku darsado oo aan miis lasoo fariisto macnaheedu waxaa weeye nin ilaahay uu dilay ayaan soo noolaynayaa waaye taas waa koow,, midda 2aad Dawlad cimrigeedii dhacay oo baaba’day baad hadana waxaad rabtaa mushkiladii inaad Ummadii ku soo haysid, dadbaa waxay sheeganayaa heshiiskaan waxaan u galnay in dhibaatadii ummada aan ka qaadno, war dhibaato miyaad kordhisay- in Dawladda C/lahi Yuusuf wakhti kale loogu daro oo ay sii jirto- ma dhibaataad sii kordhisay mise waxbaad fududaysay Ummaddii hadda way ka xorowday wax yarbaa u dhimane hadda ayey dadka dhib ku heysaayee, 5 sano oo kale hadaad ugu darted maxey kula tahey. midda sadexaad waxaa weeyaan wixii Jihad lala galay, wixii dad walaala ah nooga shihiiday kuligeed waxaa waaye hal bacad lagu lisay, maxaa ka soo baxaya dadkii lala jihaadayay oo wadanka in laga bixiyo la rabay waxaad leedahay maanta waa dawlad oo difaacadeedaba loo fadhiyaa. waxaa weeye arrintaas mid aad iyo aad u culus. Miida kale waxaa weeyaan in dadkii lahaa dhiiga bay qabaan, dawlad maaha waa ********** dagaalbaa naga dhaxeeya la fariisan mayno ninkii shalay lahaa afkooda in ay maanta ku yiraahdaan ayagaan hadana hor fariisanaynaa waxbaan la qayb sanaynaa misdaaqiyad in aysan lahayn dadkaas ayay daliil u taahy Ummada dadka waxay u sheegayeen ba ayada oon wax is badalay jirin bay caksigooda ku dhaceen, wax aad loola yaabo ayay noqotay arrintaasi, sidaa darteed in dadkaa wax lagu darsado macnaheedu waxay tahay siday ayagu yihiin baad adiguna noqonaysaa, dadkii xumaa oo lala dagaalamayay Dil unbay mudan yihiin dagaalkiina waa lagu wadayaa ninkii ayaga ku darsoomayna ayaguu la mid yahay ilaahay waxuu leeyahay ( æãä íÊæáåã ãäßã ÝÇäå ãäåã Çä Çááå áÇ íåÏì ÇáÞæã ÇáÙÇáãíä) ninkii dadkaas ka wali yeesha ee gaalada iyo gaalada kuwa la socda soo dhawaysta oo saaxiib iyo sadaaqo la yeesha ayagaasuu ka mid yahay xukunkooduu qaadanayaa sida loola dagaalo ayaa loola dagaalamayaa ilaahayna waxaa uu aayad kale ku leeyahay íÇÁíåÇ ÇáÐíä Ããäæ áÇ ÊÊÎÐæ ÇáßÇÝÑíä Çæáíà ãä Ïæä ÇáãÄãäíä)) dadka Mu’miniinta ahaw gaalada haka yeelanina kuwo wali ah adinka oo ka soo soka marsanaya dadka Mu’miniinta ah oo gaaladii baad soo dhawaysanaysaan iyo kuwii gaala raaca ahaa Mu’miniintana waa iska fogaynaysiin oo waxad leedahay Ninkii xabad ku rida Gaalada bari baan ka nahay waa canbaraynaynaa Irhaabkaan la dagaalamaynaa ayaad leedahay, macnaha gaaladii iyo kuwii gala raaca ahaa ayaad saf la noqotay Mu’miniintana safbaad ka noqotay taasna ilaahay wuxuu ka leeyahay ( æãä íÝÚá ÐÇáß ÝáíÓ ãä Çááå Ýí ÔÆ) ninkii arrintaas sameeya ilahay agtiisa wuxuu ka yahay malaha, marka waxaa weeyaan aniga dadka walaalahay ah waxaan ugu nasiixaynayaa wali arrintoodu ma talax tagine ilaahay naftooda ha’uga Cabsadeen Nafaqaas Mudlimka ah (Godkaas Mugdiga ah) ha ka soo noqdaan, dadkaasna dad ilaahay dilay weeyaan marnaba noolaan maayaan, adinkuna sumcadiina haku baabi’inina, wanaagiina iyo Jihaadkiinana Haburinina, dadka walaalihiin ah oo gudaha iyo dibadda jooga la mawqif noqda waxay qabaana la qaata sidaas ayaan anigu u soo jeedinayaa intaas ayaan Su’aashaas ku soo koobayaa. Su’aasha 3-aad: waxaan ognahay Jibuuti waxa ka socda waxaa wada dad mas’uuliyad runtii sheeganaya oo hawsha maanta socota mas’uuliyad ku lahaa waxa ay meeshaas u joogaana waxaa su’aashii aan horay uga soo hadalnay ay tilmaamaysa iyo waxyabo kale oo qarsoon marka dadkaas ku qanca in wax lala qaybsado kooxdaas daba dhilifka ah oo camiilka ah maxay noqonaysaa Mas’uuliyadoodu Jawaabta Shiikha: baaraka-alahu Fiikum Su’aashaas waa muhiim meeshyna ku jirtaa jawaabteeduna aad ayay u sahlan tahay, haddi aan isku waafaqno wixii aan horay uga soo hadalnay in ciidama shisheeye dalkaan hormuud loogu noqdo oo adigu afkaaga aad ku dalabtid in ay macsi tahay hadaan isku waafaqno saan u soo cadaynay in dawladaas Dabadhilifka ah oo Murtadda-da ah ( Gaalawday) hadii in wax lagu darsado ay macsi tahay aan isku waafaqsanahay in ninkii labadaas shay amrayo ama dalbanayo in aan lagu adeecayn waa iska waadix ninkii macsidaas dad ugu yeera lagu adeeci maayo maxaa yeelay Nabigu SCW wuxuu leeyayay ( áÇ ØÇÚÉ áãÎáæÞ Ýí ãÚÕíÉ ÇáÎÇáÞ) Makhluuq la’abuuray lagu adeeci maayo Allaha abuuray Macsidiisa Haduu mas’uulkaagu ku yiraahdo waxaas xun samey laga yeeli maayo Qofku wuxuu madax u yahay oo mas’uul u yahay in uu ummadda Shareecada Islaamaka waxa ay ogoshahey uu ku hogaamiyo hadii macsi uu dadkii ugu yeero waa la diidayaa, marka taa waa mid mida kale nabigu SCW wuxuu yiri (ÇäãÇ ÇáØÇÚÉ Ýí ãÚÑæÝ) waxa la’isku adeecayo waa waxa macruufka ah ee ay shareecadu ogoshahay marka ninkii la yimaada anigu mas’uulbaan ahay Baadil baan kugu hogaaminayaa igu soo raac Sheercada Islaamku way ka dayrisay mana ogola ilaahay wuxuu tilmaamay dadka baadida Madaxda ku raaca Hadhow (Aakhiro) ku calaacali doonaan ( ÑÈäÇ ÇäÇ ÇØÚäÇ ÓÇÏÊäÇ æßÈÑÇÁäÇ ÝÃÖáæäÇ ÇáÓÈíá ÑÈäÇ ÃÊåã ÖÚÝíä ãä ÇáÚÐÇÈ ) ilaahayoow waxaan adeecnay dadkii Saadada iyo madaxda noo ahaa ayaan daba kacnay ayaga ayaa wadadii naga dhumiyeen marka adigana waa lagu cadaabaya ayagana waa la cadaabayaa--- marka waxaa leeyahay arrintaas ayada ah cid lagu adeecayo maleh, Shareecada Islaamkuna ma ogola, kuligeena adoomo ilaahey baanu nahey waxa uu nagu adoonsadey waxay sharecada islaamka ogoshahey in aan annagu raacno arrinta aan rabo in aan ku daro waxaa weeyaan hadii aan niraahno dawladaas ayaan wax ku darsanaynaa ama ciidama shisheeyaan aqbalaynaa Jihaadkii aan ku jirnay Muqaawamadu Wujuubnimadeedu maxay ahayd ilaahay nabigiisu markii lawaydiiyay ilaahey rasuulkiisiiyow ninkii anaga naga mid ah oo u dagaalamaa maal, ama mansib in uu raadiyo ama in la dhaho geesi la yiraahdo, kee jidkii ilaahey ku taagan baa lawaydiiyay markaasuu nabigu SCW wuxuu yiri ((ãä ÞÇÊá áÊßæä ßáãÉ Çááå åí ÇáÚáíÇ Ýåæ Ýí ÓÈíá Çááå ninkii u dagaalamo in ay kalimada ilaahay kor noqoto ninkaas baa mujaahid ah ayuu ilaahay Nabigiisu SCW yiri. Ilaahay ayaan idinku dhaariyaya ninkii yiraahda Jihaadkii oo dhan in uu ku dhamaado ciidamo UN ah marki ay yimaadaan Hubkii aan wareejino in Jihaadkii UN ku dhamaado ma’ilaahay diintiisa Koryeelideeda miyaa? Taas waxan rabaa qof kasta in uu ogaado sifadaas oo kale in jihaadkii aan soo marnay oon adoomankaas cadawga ah aan kula dagaalamaynay in uu ku dhamaado kuway ayagu ka amarqaadanayeen oo sidii Gabre shirku loogu yeeray xamarna uu nagu maamulo, in uu ku dhamaado in dawladaas aan la dagaalamaynay aan ku biirno ma ilaahay in diintiisa la kor yeelo ayay arrintaasu ku jirtaa? mise waxaa weeyaan ninkii maanta diyaar u ah in uu dawladaas ku biiro ee Mujaahid hadana sheeganayo ama hubkayga ciidamo shisheeye ayaan ku wareejinaya ayagaa Qalab ii keenaya ninkii aaminsan ninkaas Jihaad uma jeedo dana kale ayuuna ka lahaa maantana waa maalintii lakala baxayoo (Úáí ãÇ ÃäÊã Úáíå ÍÊí íãíÒ ÇáÎÈíË ãä ÇáØíÈ ( ãÇ ßÇä Çááå áíÐÑÇáãÄãäíä ilaahay wuxuu leeyhay Mu’miniinta Isku jirka uga tagimayo ilaa aan kala bixiyo midka xun iyo kan fiican waxa lagu kala bixinayana Mawaaqiftaan oo kale waaye ilaahay Jihaadka wuxuu kuu faray anaga oo gurigeena joogna guul waa na siin karay lakin wuxuu u jideeyay waxaa weeyaan in ninka Dhabta ah oo iimaanka iyo Caqiidada leh iyo ninka sheeganaya in ay kala baxaan (æáäÈáæäßã ÍÊí äÚáã ÇáãÌÇåÏíä ãäßã æÇáÕÇÈÑíä æäÈáæ ÇÎÈÇÑßã ) ilaahay wuxuu leeyahay waan idin imtixaamaynaa si aan u ogaado ilaahay wuu ogyahay lakin khalqigiisa uu oagaysiiyo ninka mujaahidka ah oo dhabta ah Jihaadkiisana ku sabrayo iyo ninka kale oo dan gooni ah kaleh, marka maanta waa maalintii lakala baxayay haddi ilaahay dartiis Jihaadkaas naga ahaa Nimankaas iyo gaalada waxay wataan oo ay isku wafaqeen wax lidkooda ah in aan samayno weeye oo niraahno waan diidnay anagu teena waa naqaana sidaan wax u xalisanayno cid aan u baahanahay in ay nala xalisona majiraan, dawladasna wax ku darsan mayno danbiga ay gashay dil maahee wax kalena ma istaahisho in aan jidkaas ku istaagno ayaa loo baahanyahay hadii maanta ay dana kale nala gasho kursi ku raadsasho dadkii shuhadada dhiigoodi iyo maslaxo gaar ah iyo qabiilkaygaa meeshaan u badan oon iska raacaa haday maanta naga noqoto waxaad ogaataan maalintaan maalin aan ahayn ayaan ilaahay ishortaagi doonaa ilaahayna waa nala xisaabtamayaa waxaan horay mawaaqif u qaadanay iyo waxaan anagu sababteena intaan jihad gelinay ay shuhado badan ku baxeen in aan maanta meeshaas ku dhamays tirno ilaahay agtiisa wax looga badbaadayo maaha ilaahay waxaan ka baryayaa in uu kuligeen ( Çä íÑíäÇ ÇáÍÞ ÍÞÇ æíÑÒÞäá ÇÊÈÇÚå æÇáÈÇØá ÈÇØáÇ æíÑÒÞäÇ ÇÌÊäÇÈå Çäå æáí ÐÇáß æÇáÞÇÏÑ Úáíå æÕáí æÓáã Úáí äÈíäÇ ãÍãÏ).
  9. Originally posted by Peace Action: Disagree if you must, but easy on the four letter words, they make your argument very weak especially since you think you are carrying the banner of "Islam". I am certainly not carrying any banner, but if you are referring to the ICU in somalia, then yes they are.
  10. Originally posted by Kashafa: This goes beyond rubber stamping. This is willful complicity. This is 30 pieces of Silver. This is jago-raadis oo qaawan. This is Vichy France coming to terms with Hitler and calling the resulting 'agreement'(appeasement) a victory for the French people. Words cannot explain how disgusted I am by the naivety of these men who would deign to sign away Somali freedom, who would rubber stamp occupation, who would with a few strokes of a pen, cast Somali integrity into the mud of collaboration. Again, this goes beyond rubber stamping. With the Ethiopian military on the verge of collapse, having been confined to their military bases and with their baqti corpses being shipped out by the truckload, this was a calculated scheme by the powers-that-be, to 'stabilize Somalia', after brutal military subjugation failed miserably, by utilising the oldest trick in the colonial playbook: Divide & Conquer. Concern for Somalia ? Peace ? Reconciliation ? I feel sorry for you and your naive sophomoric outlook. Where the F was the international community when 2.5 million human beings were being shelled mercilessly in full view of the world ? Where the F was the international community when hospitals were being directly bombarded for daring to give medical care to the resistance ? Where the F was the international community....man, you know what, screw this. An appeal to humanity, to the plight of the suffering masses of Somalia never did change a single thing on the ground. Gabyaa aa beri hore wuxuu dahay: As'Sayfu as'daqu anbaa'an minal kutub. The sword doth ring truer than books and letters. Put more crudely: F diplomacy, is what main man was saying. Warka waa soo gaabina: Umar bin Khattab, upon migrating to Madeenah went before the congregated elite of Makkah at the Ka'bah, announced his migration(whereas others were leaving in secret), and said: He who wishes his mother to bereave him, his child to be orphaned and wife to be a widow, follow me behind this valley. Same call goes out to the UN or any other foreign entity what dares step a intruding foot on Somalia soil. All of Somalia's hopes now lie upon qoriga caaradheesa, clutched by young thoroughbreds, who fully understand the existential nature of this heroic struggle. What is at stake, yaa jamaacah, is the very soul of Somalia. The very meaning of what constitutes Gobonimo and Xornimo, words that I fully understand have no value to many of you. But I assure you, there are those who would sell their lives dearly in defense of all that is holy. Men and women who have taken oaths of fealty, to the death, to stand fast on this road, the road of Resistance, until Somalia is cleansed from Ethiopian and Dhabodhilif filth. Men and women who have invested themselves, their blood, and their treasure with unyielding determination to the cause of Liberation, to the cause of Freedom, to the cause of Islam. Ain't gon be no walk in the park. Come get it. Asc/wr/wb let me help you with the clip :cool: http://www.archive.org/details/dinsoor01
  11. Originally posted by xiinfaniin: You got 1& 2 wrong adeer. I am short on time but suffice to say that this is a historic moment in somali history, and only shortsighted folks will fully oppose it. JIS is essentailly sharif's men, they are financed by xarakatul Ictisaam which is fully on board with Sharif Ahmed... You are righ on #3. Alshabaab may very well oppose as they said many times. But they will be extremely ineffective as they the shacb begins to harvest this deals fruits. The Kindom of Saudi Arabia will show its financial and political muscles at the end of next month, and back this deal. TFG will no longer have the free hand it had before, and Sharif's team will be more responsible actors and continue to learn how to interact with the International community, and SOMALIA will be better for it. Indhayare, dhashiike, and co and those with similar attributes will continue to shout from the sidelines...and the caravan of common sense will move forward albeit ever slowly... Walaal Bayaan beey soo saareen, stating their position. Expect more proclamations against the crew in Djbouti in the coming days, You'll see that the crew in Djbouti are isolated and have absolutley no following in somalia (Men wise).
  12. Asc/wr/wb nimanka dagaalka ku jira, ee qoryaha wada qorshahan way kasoo horjeedaan, waadna arki doontan in heeshis ku sheegan uu waxba dhalin doonin. The Djbouti faction has no control in somalia, the opposition is broken down into 3 main groups. 1.) ICU which fall under the ARS, they have said they will investigate this matter (Djbouti talks) and will make a decision about it 2.) JIS, they have already made their stance clear towards the negotiating with the TFG, and are against it, they are also against UN deployment 3.) Shabaab, whose position is clear to all.
  13. Meles leaving somalia, I am all up for it, but it will not happen. Besides, the insurgents on the ground said they will fight any UN troops that come.
  14. This is the last group of the opposition on the ground who still had not commented on the UN troops. Alshabaab, Jabiso, Maxakiimta, are all against UN troops.
  15. Golaha Maxaakimta Islaamka oo Wacad ku maray in ay Jihaad la geli Doonaan Gaalada Midoobe haddii ay Dalka Ciidan soo geliyaan. waxaa la daabacay Sat 07 Jun 2008 04: 21: 18 Huggaanka Sare ee Golaha Maxaakimta Islaamka Soomaaliya ayaa Shaaciyey in ay Dagaal Jihaad ah la geli doonaan Kuffaarta sheegato Qaramada Midoobe oo ah " Gaalada Midoobe". Afhayeenka Dhinaca Siyaasadda Golaha Maxaakimta islaamka Sheikh Max'muud Shiikh Ibraahih Suuley ayaa sheegay in Mujaahidiinta Soomaaliyeed aysan raali ka ahaan doonin in Xeebaha Soomaaliya ay soo galaan Maraakiib Ajaanib ah. Golaha Maxaakimta Islaamka Soomaaliyeed waxey si qayaxan u sheegeen in aysan waafaqsanayn Qaraar dhawaan kasoo baxay Qaramada Midoobe oo farayey in Ciidamada Gaalada caalamku ay geli karaan Badaha Soomaaliya si loola Diriro Burcadda Soomaalida arrintaas ayey Maxaakimta Islaamku ku macneyeen Afguubaabsi la doonayo in lagu qabsado Soomaaliya Barri iyo Badba. Allaha Dhowree Sheikh Max'muud Ibraahim Suuley wuxuu ku dhawaaqay in Jihaadka Soomaaliya aan loo dhicisay karin Dano Shakhsi ah gaar ahaan in dalka ay yimaadaan Gaalada Qaramada Midoobe oo dhawaan ay Dalbadeen Isbahaysiga Taxriirka iyo Kooxda Riddada Mbagati, ugu danbeyntii huganada Maxaakimtu waxey sheegeen in ay siiwedayaan Jihaadka Alla oo waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah inta ay dalka joogaan Gaalada nuuc kasta ha ahaatee
  16. /Waaxid C/hi Khaliif London, UK cabdulwaxid@hotmail.com -------------------------------------------------------------------------------- Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. Ma anaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa wuxuu ahaa maqaal aan ka qoray shirkii C/hi iyo Shariif Xasan ay ku yeesheen Cadan markey rabeen iney u guuraan Baydhabo. Sida cinwaankaas ka muuqata waxaan shacabka Soomaaliyeed uga digayey khiyaamo qaran iyadoo la rabay in la helo xubno barlamaan oo danaha gumeysiga lagu fushado. Dad badan baa ku faraxsanaa shirkaas iyagoo is lahaa wax baa ka soo baxaya laakiin anigu shacabka waxaan u tusayey arrin waalli ah oo uusan qof fiyoow ku talin. Nasiib-darro dadka shirarkaas dhextaagnaa qaarkood, maanta waxay leeyihiin waxaan ka mid nahay ururka dib-u-xoreynta Soomaaliyeed! Iyagaaba gumeysiga waddanka soo gashay kaddib markey ka qeybqaateen shirkaas Yemen. Markii Shariif Xasan Yemen kula shirayey ninka nooga daran Meles Zenawi – waa madaxweyne-ku-sheegga Yamen, Cali Cabdalle Saalax sababtoo ah Zenawi ma qarsado nacaybka uu Soomaali u qabo laakiin dad badan oo Soomaaliyeed waa moog yihiin in Cali uu dabo-dhilif u yahay Zenawi. Marka qofka noocaas ah waa ka liitaa Zenawi. Magaca iyo sheegasho muslimnimo aan jirin micno ma leh. Shacabka Soomaaliyeed ulama safan sheekh Shariif qabiil dartiis ileyn isaga iyo Muuse Suudi iyo Maxamed-dheere waa isku qabiile ee waxay ku taageereen qaddiyad. Inta u dhaxeysa labada Raas, dadka Soomaaliyeed waa taageereen maxkamadaha iyagoo xitaa qaarkood leeyihiin wax badan baan ku khilaafsannahay laakiin si toos ah bey u ayideen. Waxa kaliya ee aan taageerin waa dhowrka nin ee horbooda Puntland iyo Somaliland. Hadday arrintu saas tahay maxaa sheekh Shariif ka dheefayaa kulanka Cali Cabdalla Saalaxa soo geshay Baydhabo iyo Soomaaliya Tigreega? Weli caddeyn uma hayo eedaha la leeyahay Shariifkaa la shiray madax ka socota Itoobiya. Madaxda Itoobiya waxaa ka xun madaxda Yemen (shacabka Yemen waa shacabka Soomaaliyeed oo kale marka waxaan heysto waa madaxda). Marka haddii Shariifku la shiray madaxda Yemen waxay la micno tahay isagoo Tigree la shiray. Mise sheekhu wuxuu rabaa inuu isu rogo dagaalooge? Ama Ashaaho-la-dirir? Anigu waxaan tuhmayaa madaxbannaannida sheekha sababtoo ah qof sidiisoo kale aqoon leh ma garan waayey inuu yahay hogaamiye fashilmay? Waxaa ka sii daran qof kasta oo Soomaaliya waa ogyahay iney Shariifka Kenya soo gasheen hay’adda sirdoonka Maraykanka. Maxay kula heshiiyeen? Ma ogin laakiin waa la qiyaasi karaa. Waxay iila muuqataa in la leeyahay waxaan kaa cafinnay toogasho ama inaad xabsi ku abaadid marka haddaad noo fuliso taayada waxaan heynaa xal aad ku ceyshto. Waxaa Maraykanka suuqa gashaday iney maxkamadaha ku jiraan qolyo “qunyar-socod” ah waa kuwa mar kasta Yemen taga iyo kuwo xag jir ah. Maxaa isku soo beegay ugaarsiga qaar maxkamadaha ka mid ah iyo shir-u-qabashada Shariifka iyo kuwa la midka ah? Maxaa Maraykanku Shariifka gacanta ugu fidinayaa halka uu gantaalka ku goobayey Ceyroow iyo Xasan-Turki? Mise Maraykankanu ma rabo qof u dhashay USA (ururka sagaalka ******)! Taasi run maaha oo Bush wuxuu laayey dad badan oo ****** ah sida uu u gumaaday shacabka kale oo Soomaaliyeed. Waxay u muuqataa in Maraykanka iyo waddamo kale leeyihiin waxaan leyneynaa ragga “mayalka” adag sida Aadan Ceyroow Allaha u naxariistee iyo ragga la midka ah marka waxaa xukunka loo dhiibayaa kuwiinna qunyar socodka ah ee la heshiiya “dowladda-ku-meelgaarka” ah iyo Itoobiya. Laakiin waxaan Maraykanka xisaabta ku darsan in shacabka Soomaaliyeed ay wanaag iyo soo-dhoweyn u sii qaadeen As-Shabaab. Xitaa kuwa qabiilka iyo arrimo diineed uga soo horjeeday Aadan Ceyroow waxay leeyihiin waa shahiiday marka shacabku waxay caaddifad iyo naxariis u gashay muqaawimadii uu ka tagay. Sheekh Shariif waxaa loo qaataa inuu Maraykanka ku dhaho: iddaaya, hadda laga bilaabo arrimaha Soomaaliya farahaan kala baxay. Sida Soomaali badan soo jeedisay ma filayo inuu wax ka dheefayo khiyaamo qaran. Shariifku ha ku quusqaato firxadkii Ashahaado-la-dirirka. Meeye? Maxay hayaan adduun? Maxaa aakhiro loo fili karaa? Waxaan sheekha xasuusinayaa meeris gabey ah oo ka mid ahaa tuducyo uu tiriyey Imaamkii weynaa ee Cabdullaahi Binu Mubaarak isagoo u tirinaya sheekh kale oo weyn oo la oran jiray Ismaaciil binu Culayah. Imaamku wuxuu sheekha ku heystay waxaad la shaqeyneysaa dowladdii Cabbaasiyiinta. Shaqada uu sheegayo ma ahayn basaasnimo, dil shacab ama dhaca hantida ee waxaa sheekha madax looga dhigay dadkii soo aruurinayey zekada. Marka dambi ma ahan in qof shaqadaas si caddaalad ah u qabto laakiin imaamku wuxuu leeyahay sheekh sidaada aqoon u leh uma dhowaado la shaqeyntaa raggaas. Ragga uu sheegayo waa Haaruun Ar-Rashiid iyo iyo qaraabadiisii. Ka warran ninka la shaqeynaya hay’adaha sirdoonka sida CIA iyo tan Tigreega? Waxaa Imaamku yiri: “sirta majnuunan bacdamaa kunta dawaa’an lil majaaniina” oo ah waad waalatay kaddib markaad daawo u ahayd waalidda. Marka sheekh shalay adaa la dagaalayey Ashahaado-la-dirir lacag ka soo qaatay Maraykan marka sidee Maraykanku adiga kuugu adeegsan karaa shacabka Soomaaliyeed? Kuma eedeynayo haddaadan sameyn ficilkaas ee waano aan ku leeyahay sidee qof adoo kale ah uga suurtowdaa arrinta noocaas ah. Qofka munaafaqeynaya isagay jirtaa laakiin sidii qorayaasha Xamar jooga iyo weriyihii u shaqeynayey teleefishinka janaal 4-ta Ingiriiska ay sheegaan waad aragteen oo carruurta Xamar joogta waxay iska yeelyeelaan Allaha u naxariistee Aadan Ceyroow iyo muqaawamada. Marna ma ogola in carruurtu iska dhigaan Maxamed-dheere ama Darwiish. Ma idin la tahay in dadka carruurtaas dhalay ay qabaan fikrad taas ka duwan? Marka carruurtaas waxay matalaan shacabka Soomaaliyeed. Marka laga hadlayo gumeysiga Itoobiya ku heyso Soomaaliya, dadka Soomaaliyeed intooda badan waa isku dhinac iyagoon khilaaf kale fiirin. Waa markii laga hadlayo mabda’a laakiin ficil ahaan dadka badankiisu waa hurdaan, haddeysanba dhiman. “Marka xil dhallaan gartay weynaa”. Kullankii Cadan hadduu keenay qabsashada Zenawi ee Soomaaliya maxaa laga fili karaa kan hadda ka socda Yemen? Ma in Soomaalida la gaaleeyo? Ma in la barakiciyo oo la barabixiyo? Marka hadduu sheekhu jantay inuu shacabka Soomaaliyeed khiyaamo waxaa u fiican in uu dib u fiirsho xubnihii Ashahaado-la-dirirka. Xitaa kuwii soo dirsaday sida CIA wax dan ah ooy u heyso ma leh maxaa yeelay markii dantii laga lahaa laga fushaday baa sidii xanjadii la iska tufay. Marka haddaad tallaabo noocaas ah ku dhaqaaqdid waad ka liidaneysaa ururkaas sababtoo ah dagaaloogayaasha wixii laga filayey bey sameeyeen ileyn horay bey dhiigga shacabka u jaqayeen una leynayeen marka nin islaan 90 sano jirta dilay ama dhacay la yaab ma leh inuu wadaad dilo ama iibsado. Khiyaamada noocaas ah waa soo degdegtaa. Imisa maalmood bey dagaaloogashaashii ku fashilmeen markey ku dhawaaqeen ururkii la dagaalanka Islaamka iyo muslimiinta? Maalmo. Ilaa waagaas iyagoo dulli ah bey meelah sidii ari rabbaayad ah xaabaan. Marka haddaad rabtid inaad sharafta ka raadgato ood ku biirto ururkaas haddee adaa khiyaar leh laakiin waxaan kuu sheegayaa ma filayo inaad wax ka beddeli karto xaaladda Soomaaliyeed. Tan Ilaah baa socota? Maxaa Bush iyo Zenawi uga fulay Soomaaliya oon ka ahayn iney dadka laayaan iyadoo shacabka Soomaaliyeed sii naceen gumeysi. Sidoo kale waxaa fiican inaad isha mariso madaxweyne-ku-sheegga Soomaaliya. Marka hadda shacuubtii reer Galbeedku waa arkeen in jananka Gabre Soomaaliya xukumo. Marka haddii lagaa celin la’yahay inaad Gabre qaabisho haddee ku orod. Haddaadan arrintaas ka waantoobin waxaan filayaa in aad adiga iyo Maxamed-dheere isku boos ka ciyaari doontaan dabadeedna shacabka Soomaaliyeedna mar kastoo Maxamed-dheere iyo Muuse Suudi la soo qaato in adna lagugu lammaandin doono. Marka ma fiican tahay inaan Ilaah u noqonno? F.G. Dadka jooga waddamada reer Galbeedka yeysan been u sheegin bulshada ay dhexjoogaan. Tusaale ahaan dad badan baa dowladahaas ku dhihi jiray haddii maxkamadaha laga saaro Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed waxay soo dhoweynayaa Tigreega iyo Bush. Waxay ka wadaan dadka Soomaaliyeed ma diin jecla. Marka haddeynu dalkeennii iyo dadkeennii luminey yeynaan been kale u sheegin dadka aan martida u nahay. Qore: Cabdulwaaxid Khaliif cabdulwaxid@hotmail.com Gabar Reerkoodii Laga soo Masaafaystay, Qaalliga oon Muslim Ahayn iyo Markhaati-yaashii oo Mid Kaliya Marag Furi Karo! Qaybtii Labaad Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
  17. Xaflad ballaaran oo galabta lgu qagta Deg/ Ceeldheer taasoo loogu mahadcelinayay xoogagii soo gelbiyay mucawanadii logu talagalay Deg/Galcad,Ceeldher Ceel-dheer 4 June 2008 (Allceeldheer) -Xafladdaasi oo ay ka soo qaybgaleen Maamulka degmada Ceeldheer,Odoyaasha,Culumaaudiinka,iyo NGO-ga WARDA,waxaa si faahfaahasan looga hadlay qaabkii loo soo gaarsiiyay Mucaawinadaasi Deegaanadaasi. Ma'uuliyiintaasi waxaay mahad gaar ah halkaasi uga soo jeeediyeen masuuliyiintii iyo Ciidanka Al-shabaab iyo Ciidanka madaniga,iyagoo xusay inay door wayn ka soo qaateen soo galbinta Baabuurtii waday deeqdaasi,isla markaana la'aantood aysan suurtogal ahayn in hawshaasi la qabto sababo ka jira waddooyinka awgeed . warku waxa uu intaasi ku darayaa in beryahaanba ay degmada ceel-dheer ka socdeen hawl la xariirtay qaybinta Mucaawinada raashin ahaa oo ay CARE soo gaarsiisay deegaanka,taasoo wax wayn ka tartay nolosha qoysas badan oo ku dhaqan deegaanka. C/llaahi Ruush ruush007@gmail.com XAFIISKA WARARKA EE DEG:CEELDHEER Xafiiska wararka Allceeldheer.com admin@allceeldheer.com Link> http://allceeldheer.com/fidsan.php?sid=2004&tirsan=2
  18. walaal sheekha wa sh. bali waxaa uu kamid yahay culimada muqdisho joogta. One has to understand that the UN is not a neutral player in the somali conflict, infact they are one of the big players. they fund the TFG, and sponsor its members in baidoa. Ayaaga biilka ka bixiya, kuwa AUdana ayaaga ka danbeeya. Either you see it as it is, or blind yourself into believing there is something called UN. Its funded by the U.S. for a reason. w/salaam.
  19. Culimada muqdishow oo kahor imaaday keenista ciidama shishiiye. http://ds5.fileflyer.com/d/39412757-3f13-4762-9129-5c8c47bcae34/HKdW/ShB.mp3
  20. No no, I thought I posted the author with his e-mail. Thanks MMA.
  21. Damacyada is maandhaafsan iyo danahan kooraysan Damaqiyo xanuunkaan qabiyo diifta igu taalla Kala daadsanaantayda iyo duullanka i saaran Dunidaysu kay kaashatiyo kala dayowgayga Dabinnada la ii qoolay iyo dalaq ku hayntayda Dawakhaadda iga muuqatiyo daaladhiciddayda Dalanbaabi socodkayga iyo dib u hayaankayga Halkii laygu soo dilay haddeer, samo ka doonkayga Didmo orodka xiiqayga iyo daw ka lumiddayda Waxan doonayoo ii dhaw iyo diirad li´idayda Demanaanta qoomkayga iyo cadow dadaalkiisa Dublamaasi beenaadka iyo daacadnimadayda Shirar aan dawaba keenahayn daba wareegooda Waa waxan la daandaansanee diirku ii gubane Dibnahaygu waxay leeyihiin duhur cad eedaane Dareenkay ayaan sheegayaa, diidmadaan qabo´e Waxba yaan la ii dudin runbaan daah ka furayaaye Doodyahan Shariifow adaan kuu danleeyahay Docdaadaan walaaloow ka baqay daad ka soo gala´eh Ninkii maalmo lagu diirsadee lagu degoow heedhe Ninkii shacabku wada doonayee, daba socdoow heedhe Waayadan dareenbaa na galay diilalyiyo ciile Iyadoo dalkaagii dhammaan cadow ka doobyaayo Iyadoo nin doorkii hurdada lagu duqaynaayo Iyadoo ducaaddii sidii duunyo loo qalayo Sideebaad u dooyeysataa damalka hoostiisa? Adoo dawlad iyo xoog lahaa nimankii kuu diiday Ma haddood daciif tahay ayey darajo kuu quudhi? Miyaad dagantay sawtaad ogayd dakharka kii geystay? Sideed ugu dacwootaa kuwii dooxatada keenay? Boqolkaa dirays ee nin qudhi tolay dawaarkooda Ee adiga kuu kala duwani waa dun waaxida eh Waa duul iskala qaybiyoo dani midaysaaye Waa kii qorshaha soo dejiyo kii debberay maalka Iyo kii laguu soo diree, koray dabbaabaadka Iyo kii dawada siinayee dhab u daryeelaayey Waa niman waxay doonayaan sii dejoo garane Nabadda ay haddeer kaa dalbeen, daacad haw qabine Dib u gurasho iyo waa sidii xeelad dirireede Daabkii masaartoo kalay kula damcaayaane Marka hore distoorkay ku odhan daaya waa sahale Marka xiga ducaadday ku odhan daadi waa badowe Marka xiga nindoorkay ku odhan dayri waa halise Marka xiga dilkiisay ku fari kii u sii darane Dembigey faleenbay haddana kaaga dhigi dawwe Dabadeed aday kugu dulleyn goob darxumo weyne Doodyahan Shariifoow adaan kuu danleeyahaye Walaaloow dagaalkani ka wayn dawlad iyo reere Walaaloow dagaalkani ka wayn duullan Xabashaade Walaaloow dagaalkani ka weyn dano Maraykaane Walaaloow dagaalkani ka weyn dib u heshiisiine Waa diinta nebigaaga iyo damac inaad laasho Diirkaa madow inad nacdoo kii cad darajayso Waxa dunida khayraad dhexyaal inad ka daaduunto Dabadhoon inaad noqoto iyo loo dirsade liita Ama inaad ilaahay dartii, diiddo amarkooda Oo aad dil iyo weerar iyo filato duullaanba Labadaas dariiqbaa ka furan degelkii Soomaale Doodyahan Shariifoow adaan kuu danleeyahaye Nabad doontayaa iyo colaad duub u xidhataaba Kuma degayso xaajadu ciyaar doorkan maanta ahe Waxay doorashadu saarantahay daw cidhiidhayahe Dar-Allaan walaal kuu baryoo, ruux dun laad tahaye Ka deg faraska aad saarantahay waa mid noo darane Ka deg faraska aad saarantahay waa mid kuu darane Ka deg oo kac oo orod midee, xoogga diriraaya!
  22. Shirka Jibuuti oo Isfahan hordhac ah laga Gaaray Beerdhiga 03.06.2008 14:54 Isbahaysiga Dib u xoraynta Soomaaliya iyo dawladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya ayaa waxay isku waafaqeen in Soomaaliya la keeno ciidamo ka socda Q.M oo badala ciidamad Itoobiya waxayse labada dhinac isku khilaafeen jadwalka lagu kala wareejinayo labada ciidan, ayada oo dawladdu ay ku adkaysanayso in tilaabada koobaad ay noqoto imaanshaha ciidamo ka socda Q.M ka dibna ay baxaan ciidamad Itoobiya halka Isbahaysigu ay ku dhegan yihiin in marka hore ay baxaan Itoobiyaanku intaan waxkale lagu dhaqaaqin. kulamo ay golaha amaanku la qaateen labada dhinac ayaa waxaa laga sameeyay hor u mar waxayna labada dhinac isla fahmeen in ciidamada Itoobiya lagu badalo kuwo ka socda Q.M wuxuuna C/laahi Yuusuf balan ku qaaday in uu ka shaqaynayo diyaarinta jawi suurtagalin kara in la qabto doorashooyin guud sanadka inagu soo aadan. C/raxmaan C/shakuur oo ah ku xigeenka Gudoomiyaha Isbahaysiga dib u Xoraynta ayaa sheegay in marka hore ay lagama maarmaan tahay in ciidamada Itoobiya laga saaro dalka sida ugu dhaqsaha badan wuxuuna yiri “Joogitaanka Itoobiyaanka ayaa ah caqabada ugu weyn ee hortaagan nabadda”. wuxuuna intaa ku daray “ ugu yaraan waxaan doonaynaa in bixitaanka ciidamad Itoobiya la cayimo”. Gudoomiye ku xigeenka mar la waydiiyay suurtagal nimada in ay si toos ah isu hor fariistaan labada dhinac (dawladda KMG ah & Isbahaysiga Dib u xoraynta) ayuu yiri “ hadii la jaan gooyo waqtiga bixitaanka ciidamad Itoobiya wax dhib ah uma aragno in aan hor fariisano dhinaca kale”. Dhinaca kale Axmed C/salaam oo hor kacaya wafdiga DKMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya uga qayb galaya shirka Jibuuti ayaa sheegay in heshiiskan lagu gaaray Jibuuti uu si toos ah wax uga badalayo xaaladda amaanka xataa ayada oo ay heshiiskan ka maqan yihiin Dhaq dhaqaaqa al-Shabaab iyo kooxo kale oo xulufo la ah Isbahaysiga dib u xoraynta. “waxaan aaminsanahay marka ay dawladda iyo Isbahaysiga inta halkaan joogta ku heshiiyaan joojinta dagaalka in aan saamayn ku yeelan karno gudaha” ayuu yiri Axmed C/salaam. C/laahi Yuusuf ayaa wafdigii Golaha amaanka u sheegay in Q.M looga fadhiyo in ay si deg deg ah Soomaaliya ugu soo dirto ciidamo nabadda ilaaliya ka hor inta aysan ciidamada Itoobiya ka bixin Soomaaliya wuxuuna yiri “bixitaanka ciidamada Itoobiya wuxuu ku xiran yahay imaanshaha ciidamo nabad ilaalineed oo hoostaga Q.M iyo in la joojiyo weerarada”. Heshiiskan hor u dhaca ah ayaa u muuqda mid isu soo dhawaynaya labada dhinac waxayna Q.M aad ugu hawlan tahay sidii ay heshiis kama danbays ah u dhex dhigi lahayd labada dhinac kaas oo ugu danbaytii lagu wado in dawlad wadaag ah loo dhiso labada dhinac balse waxaa Shirkan Gaashaanka u daruuray inta badan Xoogagga Mujaahidiinta oo dagaalka ka wada gudaha dalka Soomaaliya kuwaas oo cadeeyay in aysan u hogaansamayn waxa ka soo baxa shirka waxaana shirkan ku kala qaybsamay Isbahaysiga Dib u xoraynta oo Qayb ka mid ah ay gabi ahaanba diideen shirka hadda ka socda Dalka Jibuuti. www.Beerdhiga.com
  23. Ciidanka MMI oo la wareegay Xerada Manaaso oo 45 Km u jirta magaalada Baydhabo Posted to the Web Jun 03, 12:11 Baydhabo:- Wararka ka imaanaya laga magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in saakay ciidamo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ah ay la wareegeen gacan ku haynta Xerada Manaas oo 45 Km u jirta magaalada baydhabo Xerada Manaas ayaa waxaa ay kagana beegan tahay Koonfurta galbeed magaalada Baydhabo waxaan ay ahayd Xero ay DFKM ay ku tababari jirtay ciidanka DFKM. Dagaal xooggan ayaa waxaa xalay xeradaas ku qaaday xoogga ka tirsan MMI waxaan ay xoog kula wareegeen Xerada Manaas iyadoo ciidan DFKM oo aan tiradiisu badnay oo ku sugnaa xeradaas ay ka baxeeb qaarna ay ku dhinteen dagaalkii xalay. Afhayeenka Maxkamadaha Islaamiga ah Sheekh C/raxiim Ciise Cadoow ayaa saaka saxaafada u sheegay in ciidanka maxkamaduhu ay saakay la wareegeen gacan ku haynta Xerada Manaas. Afhayeenka Maxkamadaha Islaamiga ah Sheekh C/raxiim Ciise Cadoow ayaa waxaa uu yiri "Ciidanka MMI waxay gacanta ku dhigeen saldhigga Manaas oo ahayd goob ay ku tababartaan ciidamo ka tirsan DFKMG ah, cidamadii ku sugnaa xeradaas qaar waxaa ay ku dhinteen dagaalkii xalay qaar waan qabanay ,qaarna waa ay ka baxeen xerada. Ilaa hadda ma jiraan Masuuliyiin ka tirsan DFKM oo ka hadlay dagaalkii xalay ka dhacay Xerada Manaas oo ay ciidanka MMI ay sheegteen inay la wareegeen Xeradaas iyo weliba ciidanka MMI oo ku soo dhawaanaya magaalada Baydhabo oo ay degan yihiin Baarlamaanka DFKM. Ciidanka MMI ee ku sugan gobolka Bay iyo Bakool ayaa waxaa ay la wareegeen magaalooyin iyo degmooyin badan oo hoos taga gobolka Bay ,marka laga reebo magaalada Baydhabo. A/cawaale Halgan.net
  24. Muqdisho.02.June .2008.(Sh.M.Network)- Gaadiidleyda ka shaqeysa wadada Xeebta ah ee isku xirta Magaalada Muqdisho iyo degmada Xarar dheere ee gobolka Mudug ayaa si weyne waxa ay u soo dhaweyeen jidgooyadii tiilay wadadaasi oo ay qaadeen Ciidamo Taabacsan Maxkamadaha Islaamka ee Somaliya. Kireystayaasha iyo wadayaasha Isticmaala wadada xeebta ah gaar ahaan wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Xarar dheere ayaa waxa ay sheegeen in Afarta Jidgooyo ee tiilay wadadaasi ay qaadeen Ciidamada Maxkamadaha islaamka ay tahay talaabo wanaagsan ayna ku faraxsan yihiin Afartaan jidgooyo ayaa gaarigiiba waxaa looga qaadi jiray 2,300 oo Shilin Somaali ah sida Shabelle ay u sheegeen . Mid ka mid ah darawalada ka shaqeysa inta u dhaxeysa Muqdisho iyo degmada Xarar dheere ee Gobolka mudug ayaa waxa uu sheegay in Ciidamo Taabacsan Maxkamadaha islaamka ay qaadeen ilaa dhoor jidgooyo oo tiilay wadasi Sida Ceel dheere Xaaji Cali iyo goobo kale Isbaarooyin fara badan ayaa dableyda u tiilay wadada Marta Xeebta waxaana gaadiidka looga qaataa malaayiin Shilin Somaali ah kuwaasi oo argagax galaya dadka rakaabka ah inta aysan ka qaadan lacagta baada ah. Meelaha jidgooyada ay taalo waxaa ka mid ah agagaarka gal galato iyo Ceel Cade ee duleedka Magaalada Muqdisho goobahaasi ay Joogaan qaar ka mid ah Ciidamada DFKM. Somali news from shabelle
  25. Prostitution, first sign of successful democracy Publication time: 21 May 2008, 17:11 IslamOnline told a story about Afghan girl Fatima, who returned home in anticipation of a better life after the gangs of the Northern Alliance captured Kabul and established pro-Western democratic regime with US support. But instead of a good life she had to sell her body to make a living and support her family. "I had no other way-out," the periodical quotes the woman. After returning from Iran, she could never find a job in her native city of Mazar-e-Sharif. Desperate to sustain her mother, two sisters and young brother, she eventually found no other option but prostitution. Fatima now roams the streets every day, her face heavily painted with all sorts of make-up, in search for clients. "I get up early in the morning and wander around the city," she tells. "My clients stop me and give me a lift and then we talk about the price." According to RAWA, an independent organization, prostitution has become widespread in conservative Afghanistan since the 2001 departure of the Taliban. Prostitution is even taking formal root, with brothels operating and pimps managing prostitutes openly in some cities. At the same time formally democratic Karzai regime proclaimed its commitment to "Shariah morality" and adopted a law under which adultery is punishable by a prison sentence of 5 to 15 years. However, no one even thinks of obeying this law. Money is what counts the most. The website tells the story of another woman. 24-year old Nasrin, living in the city of Kunduz in the north of the country, said that prostitution was the legacy she inherited from her mother. "My father died in war, my mom was a widow and I did not know what she did for work," she explains. "Later I understood she was a prostitute. One day she encouraged me to have sex with a man who came to our house." Nasrin is now quite familiar with the world of prostitution, having sex with men for money sometimes several times a night. "I really wanted to be a descent lady and live with my husband, but now everyone sees me as a prostitute. My life is ruined", she sobbed. After 7 years of the establishment of a democratic regime in Afghanistan prostitution and drug addiction literally swept the country. Local human rights activists blame the puppet regime of occupational democratic forces for bringing crime and debauchery to the Afghan people. During the Taliban, who established the Sharia laws, these vices were virtually eradicated in the Afghan society even though the Taliban ruled only for only 5 years.